Qisadii
Nabi Yuusuf (CS)
Intayna
anan bilaabin qisada Nabi Yuusuf (CS)
waxa haboon in aan dhoor calamadood aan tilmaano, waxa kala duwan sida loo soo
kala wariyay qisooyinkii nabi yusuf (CS) laakiin nebi yuusuf (CS)
qisadiisa oo dhamaystirin waxay ku sugan tahay surad ka mid ah suurada quraanka
laakiin Nabiyada kale dhoor suuradood ayay ku kala
qoran yihiin, Illaahay waxa uu yidhi suurada yuusuf gudaheeda “Anagu
waxa aan kaaga warami doona qisooyinka ta ugu fiican taas oo aan kuu
soo waxyaano adiga quraankan, laakiin ka hore waxaad ahayd kuwa moogan”(waxa
looga jeeda Nabi maxamed (SCW)
Culimada
islaamku waxay isku khilaafeen maxaa loogu bixiyay qisadan, qisada ugu wanaagsan?
Waxa la yidhi waxay kali la noqotay qisada qudha oo nebi laga sheekeyo quraanka
dhexdiisa, sidoo kale waxa la yidhi Nabi yuusuf waxa uu kaga
gudbay walaaladii samir iyo dulqaad waana iska dhaafay waxa kaloo oo la
yidhi waxa ku jira suuradan xusitaankii Nabiyadii wanaagsanaa iyo dulqaadkoodi,
nin madax ah iyo cidii uu xukumayay
waxa kale oo ku xusan suurdan
rag
iyo shirqool dumar, waxa ku dhex jira sheekitaanka towxiidka iyo fiqiga
cabiritaanka riyooyinka iyo fasilidooda
Hadaba
qisadan Nabi Yuusuf (CS) waxay na tusaysaa dhibta iyo hawsha loo soo
marayo dacwada illaahay iyo in la yeesho ku samirkeeda, arinka illaahayna waxa
hor joogsan karaana ma jiro.
Hadaba
qisada Nabi Yuusuf waa qiso ina tusaysa murugo iyo dhib. Waxaananu halkan kusoo
gudbin doonaa qisadii Nabi Yuusuf
qaybtii ugu horaysay aanu bilaamno, “Illaahay waxa uu yidhi koreeye xus
nabi maxamedow goortuu yuusuf ku yidhi aabihii, aabay waxan arkay 11 meere cad
ceeda iyo dayaxa waxa aan arkay iyagoo ii sujuudsan”
Ilmahan
yari waxa uu aabihii uga waramayaa riyooyin la tusay Nabi Yacquubna (CS)
waxa uu gartay Nabi Yacquubna (CS) in ay riyadaasi ku jirto arin wayn oo
aan ilma yari ku riyoon Karin, ilmahaa yara sidoo kale kumana riyoon karo isagoo
ku ciyaaraya mid ka mid ah meerayasha aduunka siday doonta ha ahaatee.
Nabi
yacquub (CS) waxa uu kolkiiba is dareensiyay inanun inankiisa yari uga
sheekeen walaaladiisa kale si aanu shaydaanku uga dhex faa’iidaysan
walaalkooga yar .
Waxa
uu yidhi Nabi Yacquub (CS) “Inankaygiyow ha uga sheekeen riyadaada
walaaladaa way ku shirqooli doonan shirqool, shaydaankuna dadka waa u cadow”
Waxa uu dareemay Nabi Yacquub (CS) oo ahaa ina isaxaaq ina ibraahim in ay arintaani ku xidhiidhsan tahay diin iyo wanaag in ay halkaasina ku dhex jirto wanaag tusaal u tahay isku xidhkii barakaysnaa ee Anbiyada ka tafiirneed nabi ibrahim (CS) “Sidaa ayuu rabigaa ku doortay waxana wuu ku baray fasilaada riyooyinka” taa macnaheedu waxa weeyi rabigaa ayaa ku doortay oo xumaana kaa dheerayay macnaha tafsiirku waxa weeye garashada maalka, (aqoonta xaga dhaqaala ah) iyo garashada natiijooyinka, ogaanshaha siraha.
Nabi
Yuusuf (CS) aabihii waxa uu dhagaystay wuxuu inankiisu ku riyooday waxana
uu ka digay in aanan uga sheekeen walaaladii yuusufna wuu ka aqbalay taladaa,
laakiin waxa xoogaystay cadhadii iyo karahii ay u qabeen walaaladii, waxana uu
la kulmay Nabi Yuusuf (CS) walaaladii iyagoo ka sheekaysanaya arinkaa.
Ilaahay
waxa uu yidhi koreeye “Dhab ahaantii waxa ahayd yuusuf iyo walaaladii ayad
dadka wax su’aala, goortay yidhaadeen yuusuf iyo walaalkeen
aabaheen ayaa inaga jecel inaguna koox ayaynu nahay, aabeheena waxa uu ku
sugan yahay baadi cad, dila yuusuf ama dhul inagaga tuura si uu nooga baneeyo
wajiga aabaheen dabadeena aynu noqono umad wanaagsan, (9) mid ka mid ah ayaa
yidhi yuusuf ha dilina aanu ku ridno ceel guntii si ay u qaataan dad socdaal ah
hadii aad wax uun samaynaysaan”.
Siday
sheegayaan kutubtii hore waxay tilmaamaan in yuusuf uga waramay qisadaas
walaaladii, laakiin quraanka kariimka ah meelna Ilaahay kagamuu sheegi inay
sidaasi dhacday, hadii ay dhici lahaydne illaahay wuu noogu sheegi laha quraanka
kariimka ah, hasa yeeshe waxa doonayeen inay dilaan u cadhadii ay u qabeen in ay
dilaan darted.
laakiin
inagu waxaynu ku kaaftoomi doona quraanka karimka ah, Nabi yuusuf
walaaladood waxay yidhaadeen anagoo koox dhan ah oo leh tamar iyo xoog
ayuu abeheen inaga door biday wiilkii yaraa, aabaheena waa oday gafsan isla
markaas mid ka mid ah ayaa hadana soo jeediyay Yuusuf in la dilo si ay aabahood
kali ugu noqdaan, xaasinimadaa iyo cadhadaasi waa tu shaydaanku qalbigooga ku
waynayay ilaa ay door bideen in ay yuusuf dilaan ama ay dhulka ka fogeeyaan,
waxayna yidhaadeen wado sadexaad ma hayno.
Hadaba
waxaas oo dhan maxay u samaynayaan? Si aanu u arag aabihii una ilaawo dabadeedna
inaga uu na jeclaado dabadeedna ay ka tooban keenan dambigii ay galeen.Mid ka
mid ah ayuu qabtay dareenkii walaaltinimada wuxuuna door biday in ceel lagu rido
si ay dad socoti ihi ay u qaataan, fikradaas dilka ahna
way ku kala qaybsameen, dhamaan waxay isla ogalaadeen in ay ceel ku
ridaan.
Goobtii
sadexaad
Dabadeena
waxay aabahood ka dooneen in uu u ogalaado si u raaco, illaahay isagoo taa ka
waramaya waxa uu yidhi “Waxayna yidhaadeen aabooy maxaad noogu aamin
la’dahay yuusuf anagoo u ah wanaag falayaal (11) anaga na raaci beritoole ha
iska soo qadhaabsado ha iskana soo ciyaaro anaguna waan ilaalinaynaa, (12) waxa
ii muriga gelinaysa in aad isgaga tagtaan waxana ka baqayaa inuu cuno yayga
idinka oo moogan (13) waxay yidhaadeen hadii uu cuno yayga anagoo koox ah hadaba
dhab ahaantii anagaa waanu qasaarnay waxa dhex maray dood inamadii iyo aabahood
si u raaci lahaa yuusuf, waxayna ay cabireen erayo dereen ku jiro (aabooy maxaad
yuusuf noogu aamin la dahay)
Yuusuf
waa walaalkayo anagaa ilaalinayna ha ka baqanin in ay wax soo gaadhaan, anagu
waan jecel nahay walaalkay waanu waanin waanu ciyaarsiin doona, aabooy maxaad
noo raacin la dahay ha iska ciyaare ha iskana qadhaabsadee isaga waxa u fiican
ciyaarta iyo bixitaanka maadamo uu ilma yar yahay, aabo bal eeg wajigiisa waxa
uu ka murugaysan yahay joogitaanka guriga inanka yari maba helo wax ciyaar ah,
laakiin aabahood wuu ka diiday si aan toos ahayn isagoo muujinaya cudur daar,
wuxuuna sheegay in aanu jecleen inuu yuusuf ka ag fogaado isagoo ka baqaya inuu
cuno yaygu waxana uu yidhi aabooy waxa muruga I gelinaya in aad ka tagtaan
yaygune cuno idinkoo ciyaar ku mashquulsan, waxay ugu jawaabeen aabahood aabooy
anagoo 10 nin ah suura gel maaha inuu cuno waraabe iyagoo aabohood u
muujinaya been waxay aabahood saareen cadaadis faro badan si u raaco yuusuf, si
una rumoobo qadarka illaahay, waanu ogalaaday aabahood in yuusuf raaco.
WAA
GOOBTII AFRAAD
Markay
la tageen oo ay dooneen in ay
ceelkii ku dhex ridaan wuxuu illaahay u waxyooday Nabi Yacquub (CS)
isagoo uga waramaya waxay sameeyeen inamadiisi laakiin inamadiisu may dareen
sanayn, waxay door bideen yuusuf walaaladiin in ay ku ridan ceel aanay socotadu
ka kala go’in si diina way sameeyeen, ilaahayna Nabi Yacquub (CS) ayuu
u sheegay inuu inankisi ka badbaaday ceelkii lana kulmi doono maalin kale ugana
warami doona qisadan iyo waxay walaaladii ay ku sameeyen.
GOOBTII
SHANAAD
“Waxay
u yimaadeen aabahood goor cashaayi ah iyagoo iska oohinaya (16) waxayna
yidhaadeen aabooy anagu waanu tagtay, yuusufna waxanu kaga tagnay alaabtii
waxana cunay yaygii miyaanad na rumaysanayn hadii aan ku sheegayno run (12)
waxayna ay keeneen qamiiskii uu xidhnaa oo dhiig been ah ay soo mariyeen”.
Nabi
Yacquub (CS) markiiba waxa uu gartay siduu xaalku yahay waxan uu ogaaday
in ay been cad tahay, yuusuf yayagu muu cunin laakiin waxa uu ahaa qorshe ay
udageesadeen walaaladii.
Nabi
Yacquub (CS) kolkiba waxa uu ku yidhi naftiinu waxay idiin qurxisay arin
aad u xun laakiin waa in aad illaahay talo saartaa…….
Illaahay
waxa uu yidhi “Waxa uu yidhi dhab ahaantii naftiina ayaa idin qurxisay
arinkan in la iska samro ayaa wanaagsan waxaad samayseena illaahaybaan ka talo
saartay”
Intaa
waxa inoogu dhamaaday qaybtii hore ee noloshii yuusuf iyo walaaladii waxana aanu
bilaabi doona nolosha cusub ee Nabi
Yuusuf (CS) geli doono “waxa yimi socoto waxay ceelkii ku rideen wadaantii way
soo jiideen jiiditaan waxayna yidhaadeen waar waa bishaaro kani waa inan waxayna
ku iibiyeen lacag laakiin illaahay ayaa ogaa waxay siiyen (19) waxayna siiyen
lacag fudud oo daraahim faro ku tiris ah waana ay iskaga dheeradeen”, sida ay
ayadani inoo sheegayso intuu yuusuf ceelka ku dhex jiray waxa soo maray socoto,
socotadaas oo ku socotay masar waxayna ahayeen socoto aad u wayn waxay dooneen
in ay ceelka biyo ka sii qaataan waxana ay ku rideen wadaantii ceelka, markii ay
dooneen in ay soo jiidan waxa uu qabsaday yuusuf wadaantii ceelka, markii ay
arkeen wiilkii ayaa ay la yaabeen ayay u bushaaraysteen wayna ku iibiyeen masar
gudaheeda waxayna siiyeen lacag yar sababtoo ah waxa uu ahaa wiil yar.
Halkaana
waxa kaga dhamaatay dhibtii ceelka, waxana u bilaab matay dhib labaad “ Kii
iibsaday waxa uu yidhi ee masar joogay gabadhiisa waxa uu ku yidhi hagaaji
halkuu dagayo waxa laga yaaba inuu na anfaco amba aynu ka yeelano ilmo, sidaas
yuusuf ugu suura gelinay dhulka aananu barnay fasilaada riyooyinka arinka
illaahayna wax kasta isagaa ka xoog badan laakiin dadka badidiisu ma garanayaa”
Isla
kolkiiba waxa jacayl uqaada yuusuf ninkii iibsaday isagoo ku yidhi
haweenaydiisii hagaaji wiilkaa yar waxa laga yaabaa in uu ina anfaco ama aynu ka
dhigano ilmo, sidaas ayuu yuusuf ugu soo barbaaray gurgiga ninkii xukumaayay
masar ee lagu magacaabo CASIIS, CASIIS waxa la odhan jiray ninka
cadaalada badan ama ninka xooga wayn leh, laakiin dhinaca loo badan yahay waxay
tilmameen inuu ahaa ninkii madaxda ka ahaa masara ( Raysal wasaare ).
Illaahay
waxa uu yidhi koreeye “Markuu qaan gaadhay waxanu siinay xigmad iyo cilmi
sidaas baanu dadka wanaagsan u abaal marinaa” yuusuf waxa uu ahaa ninkii
wakhtigaa ugu quruxda badnaa, wajiga yuusuf waxa laga dheehanayay qurux ta ugu
yaabka badan, waxa kaloo illaahay siyay xukun caafimaad qaba, waxa kaloo
illaahay siyay cilmi iyo xishood, waxa kaloo illaahay ugu deeqay dood wanaag,
waanu hantiyi jiray quluubta dadka dhagaysanaya, waxa uu lahaa dul qaad badan,
waxa uu ahaa qof bila aadan ah oo qof kale lagu masali Karin, waxa uu ogaa Nabi
Yuusuf (CS) in illaahay ku maamusay Cabirka riyooyinka, sidoo kale Nabi
Yuusuf (CS) waxa uu ku caan baxay toosnaan, dulqaad, waxa uu ka yeelay
masuulkii uu gurigiisa joogay sidii inankiisi oo kale………
WAA
GOOBTII 1AAD QAYBTEEDI 2AAD EE NOLOSHII NABI YUUSUF (CS)
Nabi
Yuusuf (CS) dhibtaa imika qabsanayaa waa tu ka adag tii ka horaysay, dhibtani
waxay qabsatay Nabi Yuusuf (CS) isagoo ilaahay siiyay aqoon iyo caafimaad si uu
ugu waajiho dhibaatooyinka ka hor imanayaa “Waxa jeclaatay tuu gurigeeda
joogay nafteeda ayay u jeclaatay waxay xidhatay albaabadi oo dhan waxayna tiri
waa ku kaa, wuxuu yidhi illaahay
ayaan ka magan galay, illaahay waa rabigii
I wanaajiyay meesha aan degayo mana liibanan kuwa dulmi falayaasha ah”
(23) “way u hamootay isna wuu u hamooday hadaanu arki lahayn
cadeynta xaga illaahay ka ahaatay, sidaa ayaan ugu jeedinay xumaanta iyo
sinadiiba isaguna waa adoomayadayga mukhlisiinta ah”.
Imikana
bal aynu u fiirsano ayaadahaan fasiradooda, waxa jeclaatay oo
doorbiday nafteeda tii uu gurigeeda joogay waxay xidhatay albaabadii oo
dhan waxayna ku tiri waa ikan, sida ay mufasiriintu tilmaaman, waxay tiri markaa
igama baxsan maysid halkaa waxa inooga cad inuu mar hore ka baxsaday oo aan si
toos ah ugu yeedhin, halkan quraanku waxa tusaale cad inoo siinayaa doodi dhex
martay Nabi Yuusuf (CS) iyo gabadhii Casiis, Nabi yuusuf (CS) waxa uu hor
istaagay gabadhii isagoo ku dhawaaqaya waxa aan ka magan galay illaahay,
illaahay waa rabigay dadka daalimintuna ma guulaystaan, Nabi Yuusuf (CS) waxa ku
adkaatay gabadhii uu gurigeeda joogay oo jeclaatay in uu xumaan ku sameeyo
dabadeena waxa uu gargaar saday Illaahay si uu xumaanta uga nabad geliyo.
Illaahay
waxa uu yidhi koreeye “Way u hamootay iskaguna wuu u hamooday hadaanu
arkaykeen cadeemaaha illaahay”.
waxay
isku waafaqeen culimada mufasiriintu in ay gabadhu jeclaatay xumaan nafteeda
lagu sameeyo, laakiin waxa la isku khilaafay hamiga yuusuf, qaar waxay tix
geliyeen sheekooyinka israa’iliyiinta ah, laakiin sida saxda ah waxa weeye
waxay ay nafteedi la jeclaatay xumaan Nabi Yuusuf (CS) sidoo kale ayuu ku
hamiyay laakiin muu samayn, ayadani waxay leedahay fasilaad faro badan laakiin
waxa aan ku soo koobin doona, illaahay waxa uu yidhi “sidaas ayaan uga
jeedinay xumaantii iyo sinadii, isagu waxa uu ahaa adoomahayaga mukhlisiinta ah,
Nabi Yuusuf (CS) in kastoo yahay dadka mukhlisiinta ah hadana kamay
maqneyn dareenkii raganimo laakiin markasta waxa hor yaalay ayadaha eebe.
Illaahay
koreeye waxa uu inoogu soo koobay kitaabkiisa quraanka ah “Waxay u
tartameen albaabkii khamiiskana xaga danbe ayay qabtay odaygeedina waxay ay ku
kulmeen kadinka albaabka, waxay tiri waa maxay abaal marintiisu ninka reer kaaga
la doonay xumaan” waxay ay soo jeedisay isla kolkiiba gabadhii jeclaatay
nabi yuusuf (CS) xeer ciqaabeedkii la marin lahaa yuusuf iyadoo ka
baqanaysa fadeexad iyo ceeb waxay tilmaantay in la xidho, Nabi Yuusuf (CS)
waxa uu bilaabay in uu istifaaco waxay uu yidhi
“iyadaa nafteeda ii jeclaatay si aan xumaan ugu sameeyo”
quraanku waxa ka muu sheegin jawaabtii u ka bixiyay odaygeedi iyo wixii markaa
uu sameyay laakiin illaahay waxa uu yidhi koreeye “ Waxa markhaati ka
noqday qof ehelkeeda ka mid ah, hadii uu yahay khamiiskiisi mid ka jeexan
dhinaca hore, run ayay sheegtay isaguna waa kuwa beenalayaasha ah (26) hadii uu
yahay khamiiskiisu mid ka jeexan dhinaca danbe ayaadaa been sheegtay, iskaguna
waa kuwa run badanayaasha ah (27) waxa uu arkay khamiiskii oo dhinaca danbe ka
jeexan waxa uu yidhi taasi waa shirqoolkiini, shirqookiinuna waa mid wayn”.
Ma
ogin in uu yahay ka markhaatiga furayay mid la socday arinta
ilaa bilowgii amba uu u yeedhay ninka la yidhaa casiis markii ay arintu
dhacday ka dib si uu wax uga yidhaa, sidee sheegeen riwayadaha qaarkood ninkan
markhaatugu waxa uu ahaa nin aad u da wayn sida riwayadaha
qaarkood ay sheegayaan waxa uu ahaa ilma yar oo naaska jaqaaya laakiin
waxaas oo dhani waa tafaasil caadi ah, waxna ka badali maayan arintaan, quraanku
sida uu inoo sheegayo ama aan ku aragnay waxa uu tilmamay ninkan markhaatiga
ahaa in la eego khamiiskiisa hadii dhinaca hore uu ka jeexan yahay waa difaac ay
iskaga jirtay iyo iska celinteedi iyadaana run sheegaysa isaguna waa beenale,
hadii khamiisku dhinaca danbe ka jeexan yahay waa baxsadkii uu ka baxsanayay iyo
ka hor istaagi ay ka hor istaagaysay albaabka iyadu waa beenalay isaguna waa mid
run sheegaya, markuu arkay odaygeedi sheekadu siday ay u dhacayso, marku arkay
khamiiskiisu inuu dhinaca danba ka jeexan yahay waxa uu yidhi taasi waa
shirqoolkiini, shirqoolkiinuna waa mid wayn cidna muu canaanan wax na muu odhan,
waxa u soo jeestay dhinaciisa waxana uu yidhi yuusufow iskaga jeeso taa.
Illaahayna danbi dhaaf waydiiso, adigu waxaad ahayd kuwa gafsan, intaa waxa inoogu dhamaaday qisada qaybteedi hore laakiin fidnadii intaa kumayu dhamaan, manuu kala saarin ninkii guriga lahaa gabadhii iyo inankii yaraa isagoo doonaya in uu sheekhada iska xidho, laakiin waxa faafay sheekhadii guri ilaa guri dumarkii magalada ku noola waxay ay heleen sheeko ay ka sheegaystaan iyagoo leh gabadhi uu qabay ninkii madaxda ahaa waxay jeclaatay inankii yaraa ee gurigeeda joogay, waa gabadh lunsan iyo erayo kale oo la mid ah, illaahay oo sheekadaa wax inooga tilmaamaya waxa uu yidhi “waxay yidhaadeen dumarkii magaladu gabadhii ninkii boqorka ahaa inankii yaraa ayay nafteedi la jeclaatay waxana madax maray jecayl waxana u aragnaa gabadh baadi cad ku jirta” warkaasi waxa u gudbay af ilaa af guri ilaa guri ilaa uu soo gaadhay gadhii lafteedi.
WAA
GOOBTII SADEXAAD
“Markii
ay maqashay waxay sheegayeen dad ayay dirtay, waxayna u diyaarisay mid kasta
meel ay fadhiisato waxayna siisay midiyo waxayna ku tiri dabadeed nabi yuusuf
(CS) soo bax markay arkeen way la yaabeen waxayna jareen gacmahoodi waxayna
yidhaadeen illaahay ayaa xumaan ka nasahan ee kani maaha bila aadan kani waa
malag maamusaysan, waxay tiri dabadeena taasi waa tii aniga aad ugu sheegayseen
laakiin anigu naftayda ayaan la jeclaaday laakiin isagaa iska kay ilaaliyay
haduu sidaa samayna wuxuu noqo lahaa kuwa jeelka ku xidhan ahna dadka dulaysan”
fasiraada aayada
waxay
ay qorshaysatay gabadhii in ay samayso casuumad kuna dhex samayso gurigeeda
dabadeedna waxay bilowday in ay u yeedho dumarkii oo dhan waxayna u diyaarisay
meel ay fadhiistaan waxayna soo diyaarisay cuntooyin iyo cabitaan kala duwan,
waxayna soo qaaday midiyo afwaawayn ama aad u afaysan waxayna u sheegtay mid
kastaaba in ay hilibka ku jarjarto ama qasharka gaga guraan khudrada, dabadeed
Nabi yuusuf (CS) waxay ay u sheegtay in uu soo baxo, dhamaan markay ay
arkeen dumarkii yusuf way la waynaatay waanay la wareereen, dhamaana midiyihii
waxay ku wada jareen gacmahoodi iyagoo yaaban, waxana ay yidhaahdeen illaahay
ayaa xumaan ka nasahan maaha kani bila’aadam kani waa malag illaahay soo diray,
waxay ay istustay in ay ka guulaysatay dumarkii oo dhan, waxaan ay tustayna
quruxda Nabi Yuusuf (CS) in ay tahay wax lala yaabo, iyadoo dumarkii ku
sii dheel dheelaysa hor fadhiyay oo la midka ahaa waxay tiri hadii aanun iskagu
iga baxsan wuxuu ahaan lahaa kuwa jeelka ku jira ceebaysana, gabadh kasta oo
meesha fadhiday Nabi yuusuf (CS) way caashaqday.
“Waxa
uu yidhi illaahayow jeelka ayaan ka jecelahay waxay ay ugu yeedhayaan hadii
aanad shirqolkooga aanad iga jeedin waanay
I hantiyi lahaayeen waxa aan noqon lahaa kuwa jaahiliinta ah” illaahay
Nabi yuusuf (CS) waa uu ka aqbalay waxana uu ka jeediyay shirqoolkii
dumarka “Illahaysi wuu ka aqbalay waanu ka jeediyay shirqoolkoogi,
illaahayna waa ka wax kasta maqla wax walbana og” sidaa ayuu Nabi Yuusuf (CS)
uga soo gudbay imtixaankii iyo shirqooladii ay dumarku u sameeyeen laakiin
halkaa waxa uga bilaabi doonta dhibaatadii sadexaad, dhibta sadexaad waa tii ugu
danbaysay Nabi Yuusuf (CS) waxayna ka bilaamaysaa geli taankii Nabi
Yuusuf (CS) uu galay jeelka waxana laga yaaba gelitaanka jeelkiisu in ay
ahayd faafidii sheekhadii gabadha iyo sidii uga bari noqday.
Nabi
yuusuf (CS) waxa uu gelay jeel lagu caabudayo illaahyow kale duwan,
halkan waxa aan ku arki doonaa ciqaab la mariyay Nabi ka mid ah anbiyada
illaahay soo dirtay, isagoo lagu xidhay jeel iyadoo loo xidhay wax bilaa u jeedo
ah iyo bilaa maxkamad ah si fududna loo xidhay.
Nabi
Yuusuf (CS) waxa uu gelay jeelkii isagoo qalbigiisu dagan yahay aad
moodid in u dhow yahay mabsuud, maxaa yeelay waxa uu ka badbaaday sheekhadii
gabadhii iyo dumarkii ay wadatay, waxaba aad moodaa in uu jeelkii u noqday meel
uu ku dago illaahayna kaga fakiro, waxana inoo cadaynaya ayadahaan quraanka
khariimka ah waxa uu illaahay yidhi koreeye “Waxa la galay jeelkii laba
wiil mid ka mid ah ayaa waxa uu yidhi waxa aan arkay aniga oo miirayay khamri
kii kalena waxa uu yidhi aniguna waxa aan arkay anigoo madaxayga dushiisa ku
sida laxoox shinbirihuna ay ka cunayan nooga waran fasilaadooda anagu waxa aan
kuu aragnaa qof wanaagsan (36) waxa uu yidhi la idinkeeni maayo cunta aad
cuntaan laakiin waxa idinka warami doona fasilaadooda intaanad la idiinkeenin
taa, waxa aan idinka sheegi doona wixii illaahay I baray, waxa aan ka imi qoom
aan illaahay rumaysnayn iyo dharaarta aakhiro (37) anigu waxa aan raacay diintii
aabahay Ibraahim, Isaxaaq iyo Yacquub noomana haboona anagu in aan illaahay u
shariik yeelano, taasina waa wax dheerad ah oo illaahay na siiyay laakiin dadka
badidoodu ma garanayaan (38) waar nimankaa jeelka ku xidhanow illaahayo kale
duwan ayaa wanaagsan mise illaaha kaliya ee awooda badan (39) ma caabudaysaan
idinku illaahay sokodii magacyo mooye ay magacaabeen idinka iyo aabayaashiin
illaahayna wax cadeen ah umuu soo dejin arinkana illaahay ayaa iska leh,
illaahay in la caabudo weeye taasina waa diinta toosan laakiin dadka badidoodu
ma garanayaan (40) jeelka kuwan ku xidhow midkiin wuxuu wareebin doona ninka
madaxda ah ka kale waa la daldali shinbirihuna madaxiisa ayay cuni arinkiina
sidaa ayaa lagu dhameeyay aad fasilaadiisa doonayseen” taasi waxay
markale Nabi Yuusuf (CS) ay u suurta gelisay in uu ka dhex bilaabo
dacwada jeelka dhexdiisa uguna yeedho dadka illaahay oo kaliya, Nabi Yuusuf (CS)
waxa uu jeelka dhexdiisa dadka ugu dhex warami jiray naxariista illaahay iyo
jacaylka illaahay adoomihiisa waanagsan u hayo, had iyo jeer waxa wuu waydiin
jiray iyamaad wanaagsan in la caabudo illaah kaliya iyo illaahyo badan, waxa uu
u sheegi jiray in uu illaahay yahay ka dadka buka bogsiiya iyo ka roobka keena,
isagoo u balaadhinaya tawxiidka illaahay, waxana uu kula doodi jiray cilmi,
deganaan iyo dacwada saafi ah, in yar aanu ku yara noqono kuwii ka doonay in uu
u fasilo riyooyinkii ay ku riyoodeen ugu horayn waxa uu ku dhaqaaqay Nabi
Yuusuf (CS) in uu yahay ka riyadan baray illaahay kaas oo ku gaar
yeel isaga iyo aabayaashiisi iyagoo
ka saafiyoobay in illaahay loo shiriik yeelin, taasi waa hanashadii
ilbishiqasiyadii ugu horaysay ee uu hanto quluubta labadii wiil waxana ugu
yeedhay tawxiidka illaahay waxana uu tusay ama u cadeeyay shirkiga madowgiisa,
waxa uu ku dhaqaaqay in uu hanto quluubtooda si naxariis ku jirto isagoo wax
dagaal ah kala hor iman, intaa ka dibna waxa uu u fasilay riyooyinkoogi, waxana
u sheegaya mid ka mid ah in la daldali doono ka kalena uu ka badbaadi doono,
laakiin umuu sheegi wakhtigii arintaasi dhici lahaa
waayo
waa qof bila’aadam ah laakiin waxa kula dardaarmay kalaba kooga bad baada
marka uu u tago boqorkooga in uu xasuusto laakiin ninkii muu xasuusan waxaba
laga yaaba in ay ilowsiisay noloshii wanaagsaneed uu galay iyo dadkii faraha
badnaa
Goobtii
Labaad
Isla
halkan waxa uga bilaabi doona is badal, is badalkaas oo noqon doona ka tagid
dhibaatadii adkayd isagoo u gudbaya imtixaanka barwaaqada, waxa kaloo uu ka
tagayaa imtixaankii adoonimad isagoo noqon doona boqor haya saldanada kuna dhex
jira guriga dadka laga maamulo isagoo fadhiisan doona halkii boqorku fadhiisan
jiray.
Hadaba
waxa uu boqorkii uu ugu sheekeyay dadka talada ugu soo dhow in uu arkay riyo
sidaa daradee uu doonayo cid u fasisha riyadaa, isagoo illaahay (SW) taa inooga
waramaya waxa uu yidhi “Boqorkii ayaa yidhi waxa aan arkay totoba sac oo
buur buuran oo cunaya totoba sac oo wayd ah iyo totoba xasiid ah oo cagaaran iyo
totoba xasiid oo engagan, madax yahay iiga warama riyadaydaa hadii aad tihiin
kuwa riyooyinka wax ka sheega” la taliyaashi iyo faaliyaashi way awoodi
kari wayeen in ay fasiraan waxana laga yaaba in ay garan waayeen fasiraada
riyadaa ama waxay is tuseen in ay tahay riyo xun waxayna ka baqeen in ay u
fasiraan boqorka waxana ay dooneen in ay u fasirto cid aan ahayn cida talada
haysa waxayna yidhaadeen waa riyo isku dhex jirta badhba badhka kale ayuu ku
dhex qasan yahay suura galna maaha in la fasiro.
Waa
Goobtii Sadexaad
Waxa
uu gaadhay warkii ninkii boqorka khamriga waraabinayay kaas oo ka badbaaday
jeelkii waxana looga sheekeyay riyadii boqorka waxana uu xasuustay riyadii
jeelka ku soo dhex martay isaga iyo ninkii kale, waxanu xasuustay Nabi Yuusuf
(CS) waxana uu u dagdagay dhinacii boqorka isagoo uga waramaya Nabi Yuusuf (CS)
in uu yahay ka kaliya ee kari kara fasiraada riyadaa waxana uu yidhi Nabi Yuusuf
(CS) waxa uu igula soo dardaarmay in aan ku sheego laakiin waan ilaabay,
boqorkiina waxa uu u diray Nabi Yuusuf (CS) jeelkii uu ku jiray bal si uu Nabi
Yuusuf (CS) arintaa u soo waydiyo Illaahaybaana inoocadaynaya (SW) sida uu
ninkaasi warka uga qaaday boqorka una gaarsiyay Nabi Yuusuf (CS), ninkaasi Nabi
Yuusuf (CS) waxa uu ku tilmaamay run badane taasina waa wax uu hore u soo
tijaabiyay “Yuusufow runbadanow bal nooga waran totobada sac ee shil shilis
ee cunaya totobada sac ee wayda ah, totoba xasiid cagaaran iyo totoba xasiid oo
qalalan, waxa laga yaaba in aan dadkii kula noqdo si ay u ogaadaan” waxa
la waydiyay yuusuf tafsiirkii riyadii boqorka shardina loogama dhigin ka
bixintaanka jeelka fasiraadi riyadaas, hadalka yuusuf muu hayn wax la
tawiilinayo waxa uu ahaa waano lagaga hortagayo dhitaadooyin soo socda isagoo
fasiraya Nabi Yuusuf (CS) riyadaa illaahayna nooga waramayo waxa uu yidhi “Waxa
uu yidhi waxa beeraysaan totobo sano waxad goostaan kaga taga naasaha xasiidooda
inta yar ee aad cunaysaan mooyaane (47) waxa iman doona intaa ka dib totobo sano
oo adadag waxana aad cuni doontaan wixii aad hore u soo hormarsateen in yar oo
wanaajisateen mooyane intaa ka dibna waxa iman doona sanad dadka la waraabin
doono waxna miiran doonaan” Nabi Yuusuf (CS) waxa uu uga waramay ninkii
jeelka ugu yimi in ay masar totoba sanadood ay noqon doontoo meel aad u rooban
dadka reer masarna aanayn nimcadaa illaahay ka faa’iidaystaan waxana ka
danbeeya Totoba Sanadood oo abaar ah oo ay cuni doonaan Totobadii sano ee hore
waxay ay beerteen sidoo kale Nabi Yuusuf (CS) waxa uu tala ku siiyay in fadli
badan tahay in ay kayd sadaan raashinka totobadaa sano u soo go’aya sidoo kale
xasiidana ay kaga tagaan dahaadhkeeda inta ay cunayaan mooyaane si aanay uga
xumaan anba aan u gelin cayayaan si ay u badbaado sidaas ayaanu ugu dhameeyay
boqorkii riyadiisi kuna fasiray, waxa kaloo uu Nabi Yuusuf (CS) ugu daray sanad
aanu ku riyoon boqorkii Sanad barwaaqa ah dadkana la waraabin doono Sarac iyo
biyo lagu waraabin doono midhahoodan ay ka shiidi doonaan khamri sidoo kale uu u
bixi doono sanadkaasi samsam iyo Saytuun kuna shiidi doonaan saliid, sanadkani
kumii jirin riyadii boqorka waa aqoon gaar ah oo la siiyay Nabi Yuusuf (CS)
waana bushaaro uu ninki boqorka khamriga u walaaqayay una geeyay boqorkii iyo
dadkii.
Goobtii
Afraad
Ninkii
waxa uu u tagay boqorkii waxana uu uga waramay wixii uu ku yidhi Nabi Yuusuf
(CS) boqorkiina wuu yaabay yaabid daran waxana uu yidhi waa maxay qofkan xidhan?
Waxana uu og yahay waxa dhici doona waxana uu samaynayaa wixii lagaga hortagi
lahaa isagoo dooneen in loogu badalo wax abaal marin ah isagoon shardina ka
dhigan in jeelka laga saaro “Boqorkii waxa uu yidhi ii keena, markii uu u
keenay ninkii uu diray waxa uu yidhi illaahaga
u noqo, waxana u waydiyay maxay ahaayeen dumarkii arinkoogu kuwii gacmahooga
jarjaray illaahay aygaa og shirqoolkoogi” hadii aanu fasirno aayadan
boqorkii waxa uu soo saaray ogaan ah in laga soo saaro jeelka loonaguna keeno
sida ugu dhakhsaha badan garana mayno in ninkan loo diray yahay kii markii hore
loo diray iyo in uu yahay shaqsi ka darajo sareeya oo u qaabilsan boqorka
arimahan waxana uu ugu tagay yuusuf jeelkii isagoo doonaya in uu la kulmo
boqorka waxana uu u doonay si dhakhsa ah laakiin yuusuf taa uu diiday waxana uu
sheegay in aanu jeelka ka baxayn ilaa inta ay ka cadaanayso arinkii gabadhu,
maxaa yeelay Nabi Yuusuf (CS) waxa rabeeyay Illaahay (SW) adabtiisana toosiyay
waxay akhlaaqdu iyo edabtu degtay qalbigiisa sidoo kale illaahay waxa uu ku
xoojiyay Nabi Yuusuf (CS) Daganaan, Kalsooni iyo Xasilnaan, taasina waxay nooga
dhex muuqanaysaa arinkii uu u
sheegay wiilkii yaraa ay ku wada jireen jeelka ee uu ku yidhi Ninka aad khamriga
aad u samayn doontid ii sheeg iyo arinkii kale ee ahaa dumarki gacmaha is
jarjaray iyo sababtii ay isku jarjareen gacmaha.
Waa
goobtii shanaad
Quraanku
inoogamuu waramin wixii dhex maray boqorki iyo ninki Nabi Yuusuf (CS) u diray
laakiin quraanku waxa uu na hor joojiyay iyadoo maxkamad la saarayo lana
waydiinayo dumarkii iyo wixii ay Yuusuf ku sameyeen “Waxa uu yidhi muxuu
ahaa arinkiinu markaad yuusuf naftiisa aad jeclaateen” Boqorkii
waxa uu waydiyay sheekadii si ay u cadaato arinkeedu inta aan la xaqiijin
duruufaheeda aanu bilaamin dacwadeedu, dumarkii waxay ay qirteen xaqiiqdii
waxayna yidhaadeen “Illaahay baa xumaan ka nasahane kuma ogin wax xumaan
ah”
Gabadhii
Nabi Yuusuf (CS) jeclaatay way ilowday sheekadaa imika laakiin waxay ay guda
gashay in ay dib u xasuusato waxayna ay jeclaatay in ay u sheegto wax walba si
dhab ah, “Waxay tiri gabadhii boqorku imika ayuu xaqii cadaaday anaa
jeclaaday naftiisa isaguna waxa uu ahaa kuwa runta sheegaya (51) taana waxa aan
u sameyay maan ahayn qof khiyaamaynaya waxa soo socda illaahayna ma hanuuniyo
shirqoolka khaayimiinta” Ayadaan
quraanku waxay inoo cadaynaysaa in ay gabadhii boqorku qiratay arinkii iyadoo ku
cabiraysa erayo iyo dareemo xeel dheer khaladkoo oo dhana dhakada iska saaraysa
wanaaga iyo runta Nabi Yuusuf (CS) ku sheegaysaa iyadoo sidaa u sheegaysaa kuna
jirin wax cabsi ihi ama waxa kaloo lagu tilmaami karo manay doonayn in ay sii
socoto yaraysiga ay yaraysanaysay Nabi Yuusuf (CS) laakiin waxa ay doonaysay in
ay saxdo figradiisa, sidoo kale waxa halkan ka arkeena dareen kale oo wanaagsan
“Naftayda ma wanaajin karo naftu dadka waxay amartaa xumaanta cida uu
illaahay u naxariisto mooye illaahay waa ka danbi dhaafka badanleh
naxariista badan leh” bal u fiirso ayaadahan
Gabadhii
boqorku waxay u wareegtay diinti Nabi Yuusuf (CS) waxana u wareegtay towxiidkii
illaahay, xidhitaankii Nabi Yuusuf (CS) iyo ka soo saarintaankiisi jeelka waxay
keentay in ay gabadhaasi ku rumayso illaahay, waxana boqorkii ka soo baxay go
aan ah in la siidayo Nabi Yuusuf (CS) loona keeno.
Qisadan
door wayn waxa ka qaatay sheekooyin badan oo israa’iliyaad ah laakiin inagu
waxanu ku kaaftoomi doona quraanka kariimka ah iyo axaadistii Rasuulka (CSW)
waxana halkan inooga bilaami doona qayb cusub oo ka mid ah qayba noloshii Nabi
Yuusuf (CS) “Boqorkii waxa uu yidhi ii keena si uu nafteeda u noqdo mid u
gaar ah markii uu la hadlay waxa uu ku yidhi adigu waxa ad tahay kuwa aaminka ah
ee la nabad geliyo (54) waxa uu yidhi iga yeel furayaasha dhulka anigu waan
ilaalin cilmina waan u leeyahay (55) sidaas ayaan yuusuf u suura gelinay in uu
hantiyo dhulka meesha uu doonana uu ka degi karo waxana siini naxariistayada
cida aanu doono, dadka wanaagsana ajarkooga ma lumino (56) ajarka aakhiro ayaa
ka khayr badan kuwii illaahay rumeyay kana cabsanayay”
In
tuu arkay boqorkii arinkii Nabi Yuusuf (CS) ka dib iyo sidii uu beri uga noqday
iyo aqoontiisa dheer, waxa uu ogaaday boqorkii in uu yahay hagaamiye sharaf leh
laakiin Nabi Yuusuf (CS) kamuu doonin boqorkii in uu u mahadnaqo ma uu amaano
laakiin boqorkii waxa uu Nabi Yuusuf (CS) ka dhigtay lataliyihiisa, markii uu
Nabi Yuusuf (CS) la fadhiisatay boqorkii ee wada hadleyn waxa boqorkii u
rumowday runta nabi yuusuf iyo waxa uu u sheegayo dabadeena waxa uu ogaaday
boqorkii in uu ninkani yahay nin darajo aad u saraysa leh iyo amaano badan, Nabi
Yuusuf (CS) muu noqon sidii lataliyaashiishi hore ee ahayd noolow taliyahaygiyow
adigu waxa aad tahay madaxwayne la adeeco sida had iyo jeer loo sameeyo
madaxwaynayaasha xadgudubsan, laakiin Nabi Yuusuf (CS) waxa uu door biday in uu
umada kaga saaro dhibta soo socota aqoon iyo xigmad taas oo illaahay ku
ilhaminayow.
Sida
ka sugnaatay tafsiirka Qurdubi waxa uu yidhi Boqorkii hadii reer masar oo dhami
isku iman lahayeen may kareen arinkan …awoodna umay yeesheen ay aamin kaga
noqon lahayeen abaartii jirtay, dabadeed markii uu ogaaday boqorkii goaanka Nabi
Yuusuf (CS) waxa uu goostay boqorkii in uu talada u dhiibo Nabi Yuusuf (CS) si
uu u badbaadiyo masar iyo wadamada ku hareersan yuusufna waxa uu yidhi “Ii
dhiib furayaasha dhulka oo dhan anigu waan ilaalin aqoon badana waan u leeyahay”
Yuusuf ugamuu jeedi markii uu hadalkaa lahaa in uu ka helo wax anfaca isaga ama
uu ka faa’iidaysto laakiin waxa uu u jeeday in uu umada uga faa’iideeyo
waxana uu doonayay in uu u badbaadiyo dadkaa cuntadooda Totobada sanadood ee
abaarta ah arinka Nabi Yuusuf (CS) waxa uu ahaa in uu ka furto halista umadaa ku
soo waajahday illaahay (SW) waxa uu yidhi “Sidaas ayaan yuusuf dhulkii ugu
suura gelinay” waxa uu noqday yuusuf mid ka masuul ah khasnadaha iyo
dhaqaalah masar oo dhan waxana uu noqday wasiirka ugu sareeya, mufasriinta
qaarkoodna waxay ay sheegayaan in uu boqorkii yuusuf ku yidhi:- yuusufow anigu
talada waxa aan ku leeyahay kursiga adiguna talada kale, laakiin quraanku meelna
noogumuu sheegin sida uu tasarifayo masar laakiin waxa aanu garanaynaa in uu
yuusuf ahaa ninka dhaqalaha wadanka hayay.
Waxa
bilaamay Sanadadi barwaqada ahaa wuxuu riixay sanadba sanad maalinba maalin
bilba bil ilaa la gaadhay sanadadii gaajada iyo abaaraha, taladuna waxay
gacantiisa ku soo uruur tay Nabi Yuusuf (CS)
waa
Goobtii labaad ee qaybtan
Qaybta
waxa aanu ku soo qaadan doonaa Nabi Yuusuf walaalihii oo abaaruhu ay soo
kaxeeyeyn kana yimi falastiin sida kutubtu tafashiishu sheegayaan iyagoo doonaya
raashin yimina wadanka masar illaahay (SW) isagoo nooga waramaya waxa uu yidhi
“Waxa yimi yuusuf walaaladii wayna u soo galeen isagu wuu gartay laakiin
iyagu may garanayn (58) markii uu u diyaariyay wixii ay siteen waxa uu yidhi ii
keena walaalkiin xaga aabo oo miyaynaad i arkeen anigu sida aan idinku
dhamaystiray miisankii cid lagu soo dagana aniga ayaa u fiicane (59) hadii
aydaan ii keenin waxba idiin miisi maayo idina soo dhowayn maayo (60) waxa ay
yidhaadeen waxa aanu uga warami doona aabihii sidaana waanu yeeli doona (61)
waxa uu ku yidhi inamadii yar yaraa u celiya lacagtoodi oo u dhex geliya
rarkooga waxa laga yaaba in ay gartaan marka ay ku noqdaan reerahoogiye waxana
suura gal ah in ay soo noqdaan” ayadahan sida aynu ka fahmayno waxa la
yidhi Nabi Yuusuf (CS) waxa uu siiyay mid kasta oo ka mid ah awr rar raashin ah wakhtigasina
waxa uu ahaa qofkii aan waxba iibsan Karin ama aan kaydsan karini
mid gaajo u dhinta, Nabi yuusuf (CS) waxa uu uga jeeday in ay kaga baahi
baxaan abaarta dheer ee ka jirta dhulkoogi, Nabi Yuusuf (CS) walaaladii waxay ay
ka soo gudbeen saxare dheer si ay cunto u iibsadaan, Nabi Yuusuf (CS) waxa uu
gartay in ay yihiin walaaladii si dag dag ah laakiin iyagu may garan waxana ku
adkaatay in ay fahmaan waayo waxa ugu danbaysay bari hore waxayna ka yimaadeen
wadan fog oo falastiin ah iyagoo u soo doontay raashin …. Waxa dhex maratay
dood isagoo isku sheegin tirade walaaladii waxay ahaayeen toban waxana ay wateen
11 awr waxana uu waydiyay yuusuf walaaladii isagoo adagsanaya mid ka mid ah
turjumaanada – isagoo aan adeegsanaya luqadiisi cimriga ahayd waxa uu yidhi
sii mid kasta oo iyaga ka mid ah awr rar cunta ah …. Waa imisa tiradiinu waxay
ay yidhaadeen waxanu nahay kow iyo toban waxa uu ku yidhi yuusuf turjumaankiisi
ku dheh luqadiinu way ka duwantahay luqadayada qaabkiinuna qabkayga wuu ka duwan
yahay malaa basaasiin ayaad tihiin kolkiiba way u jawaabeen waxayna yidhaadeen
illaahaybaanu ku dhaaranee manihin basaasiin anagu isku wada aabe ayaanu nahay
aabahayna waa oday fiican Yuusuf ayaa waxa uu yidhi waxa aad nagu tirahdeen
waxanu nahay kow iyo toban tiradiinuna
waa toban waxay ay ku yidheedeen waxanu ahayn laba iyo toban walaalaha ah mid
ayaa ceel ku dhintay waxana jira inan kale oo aanu walaalo nahay oo aabahayna
jecel yahay mana jeclaydo aabahayo in uu ka ag fogaado badalkiisana waxanu soo
kaxaysanay awrkiisi yuusuf ayaa ku yidhi sidee ayaan ku ramaysan karaa
hadalkiina waxay ku yidhaadeen waxana uu ku yidhi yuusuf walaalkii ii keena
markaas ayaan cuntadiisa siin doonaye anaga nidaamkayaga ma dhigayo in aan
raashin siino cid maqan waxa dhax maray yuusuf iyo walaaladii dood aad u dheer
laakiin waa uu ka ogalaaday in ay markaa awrka iyo raashinkaba ay ka
xaystaan laakiin mar kale uuna ka yeelayn ilaa ay soo gaxaystaan walaalkood
mooyaane iyaguna waxay ay
yidhaadeen waxanu ku qancin doonaa aabihii in uu noo ogalaado.
Waxa
halkaa ku dhamaaday qaybtii masar waxana bilaamaysa goob kale oo ah dhulka
Kancaan la yidhaa.
Goobtii
sadexaad ee qaybtan
“Markii
ay ku soo noqdeen aabahood waxay ay yidhaadeen aaboy waxa naloo diiday in aanu
wax soo miisano na raaci walaalkayo ha soo miisto raashinkiisa anaguna waan
ilaalin doonaye (63) waxa uu yidhi miyaan idinku aaminayaa sidii aan idinku
aaminay walaalkiin ka hor imika illaahaybaa kuwa wax ilaaliya ugu wanaagsan kuwa
wax u naxariistana waa ka ugu naxariista badan (64) waxa uu yidhi idin raacin
maayo ilaa aad ii keentaan balan adag xaga illaahay aad iiga keentaan (waxa
looga jeeda dhaar ) in aad ii keenaysaan isaga ama la idin wada haleelo markii
ay u keeneen balankii adkaa waxa uu yidhi illaahay ayaa markhaati ka ah waxa aan
idhi (66) waxa uu yidhi inamadaydiyow haka gelina albaab kaliya ka gala albaabo
kala duwan illaahay waxba idinka tari kari maayo arinka illaahay baa iska leh ee
isaga tala saarta hana tala saarteen kuwa wax tala saartaa (67) markii ay u
galeen sidii uu aabahood u amray waxaba ugamay tarin ilaa baahidii naftii
yacquub mooyane illaahaybaana sidaa xukumay waa mid aqoon u saaxiib leh wixii
aanu barnay laakiin dadka badidoodu magaranayaan” Bal aanu sharaxno
aayadahan
Walaaladii
waxay ay ku noqdeen aabahood intii ayna dejin rarkii awrta u saarna waxa ay u
galeen aabahood iyagoo leh si canaan ay ku jirto hadii aad na raacin lahayn
walaalkayaga yar markan soo socota boqorkan aan u tagaynaa wax raashin ah uu
nasoo siinayaa ma jiro hadalkoogina waxa ay ku soo gaba gabeeyeen anagaa
ilaalinayna, Yacquubna waxa uu ku yidhi may idinku aamina sida aan walaalkiisi
ka horayay aan idinku aaminay, waxa ay fureen raashin koogi waxana arkeen iyadoo
loo soo celiyay lacagtoodi, waxa ay u tageeen aabahood iyagoo u bishaaraynaya
waxan ku yidhaadeen aabooy bal eeg waataa lacagtayadii lanoo soo celiyay waxana
u sheegeen aabahood in aan waxba laga soo iibin doonin hadii aanu raacin
wiilkooga yari waxa dhex maray dood waxana ay u sheegeen aabahood jacaylka uu
inankiisa yar jecel yahay in uu ka fasaadin doono dano faro badan waxana ay ka
door bideen dhaqalahooga waxana u sheegen aabohood in ay doonayaan in ay helaan
dhaqaalo faro badan waxana ay u sheegeen in ay ilaalin doonan walaalkood ilaalin
aad u adag, waxa halkaa ku soo gababoobay doodi dhex maraysay iyaga iyo aabahood,
aabahoodna waxa uu ku wareejiyay inankii laakiin waxa uu shardi uga dhigay ama
uu kula balamay in ay u soo celiyaan inankiisa hadii kale aanu midna u soo noqon
waxa kaloo uu u sheegay waxa aad tihiin kow iyo toban markaa haka gelina albaab
kaliya ee ka gala kow iyo toban albaab oo kala duwan kaas oo aabahood uga
dhigayo in ay hesho tuugo amba ay ku dhacdo il xaasidnimo laakiin noomuu sheegin
quraanku waxa uu aabahood uga baqay hadii ay mihiim tahay sheegiteenka sababtuna
illaahay quraanka ayuu noogu sheegi lahaa laakiin Yacquub waxa uu u sheegay waxa
uu illaahay qoray in aanan sinba looga hor joogsan Karin.
GOOBTII
AFRAAD
Waxa
soo noqday yuusuf iyo walaaladii iyagoo kow iyo toban ah illaahay (SW) waxa uu
yidhi “Markii ay yuusuf u soo galeen waxa uu soo dhoweeyay walaalkii waxana
uu ku yidhi anigu waxa aan ahay walaalkaa hana ka quusan wixii ay sameeyeen” ayadani
waxa ay ina tusaysa naxariista uu u hayo Nabi yuusuf (CS) walaalkii. Sidoo kale
nabi yuusuf waxa uu u sheegay si hoos ahaan ah in uu yahay walaalkii, waxana
shakina ku jirin in aanay sheekadani dhicin walaaladiisi kale oo agjooga, Nabi
yuusuf (CS) waxa uu u sheegay walaalkii si qarsoon iyadoo aanay dareemayn
walaaladood inu uu yahay walaalki , illaahay waxa uu quraankana noogu sheegay
soo gelintaankii ugu horeysay ee u soo geleen nabi yuusuf walaaladii iyo aragii
uu arkay walaalkiisi ay isku bahta ahaayeen in uu ka gartay intii kale, waxa
dhex maray nabi yuusuf iyo walaaladii wada hadal sidoo kale waxa halkan noogu
soo arooiyay ama illaahay noogu sheegay quraanka in ay mudo u ahaayeen marti
laakiin waxa ay u diyaar garoobayeen in u ku noqdaan aabahood, yuusufna
walaaladoo ayuu shaqada dhinac kala waday isagoo dooonaya in uu kala hadho
walaalkiisa yar, waxa kaloo uu ogaa nabi Yuusuf (CS) la hadhitaanka uu la hadhaa
walaalkiisa yar in ay murugo ay gelin doonto aabihii xasuusina doonto
murugadiisi hore waxaas oo dhami nabi yuusuf wuu garanayay, kaasina waa
walaalkii hadii uu doono si xoogleh in uu u la hadho cid ka celin karaysay may
jirin laakiin waxa uu sidaa u sameeyay si uu uga reebo walaalkii, illaahayna
quraanka waa uu noogu sheegay sirtii halkaa ku jirtay … yuusuf waxa uu ku
socday waxyiga illaahay …. Illaahayna waxa uu doonayay in uu gaarsiyo dhibaato
yacquubtii ta ugu saraysay ….
Ilaa uu dhaafo xadkii dhibaatada iyo xanuunka ee qof bila’aadami u dulqaadan
karayay, illaahayna waxa uu arkay isagoo ku sabrayay arinkaa waxana u soo
celiyay labadiisa inan iyo aragiisiba illaahaybaana taa inooga waramaya “Markii
uu diyaariyay safarkoogi waxa uu yeelay koobkii awrkii walaalkii intaa ka dib
waxa dhawaaqay nin dhawaaqa safar yahayow idinku waxbaad xadeen(70) waxa ay
yidhadeen iyagoo soo jeestay waar maxaad waydeen(71) waxa ay yidhaahdeen waxa
aanu waynay koobkii boqorka, qofka keena waxa waxanu siinaynaa awr rar anaana
uga damaanad ah (72) waxa ay yidhaadeen illaahaybaan ku dhaaranee waad ogtahay
in aanan dhulka fasaadinayn kuwa wax xadayna manihin (73) waxa uu yidhi waa
maxay abaal marintiisa hadii aad tihiin kuwa been sheegaya (74) waxa ay
yidhaadeen abaal marintiisu waxa weeye qofka laga helo awrkiisa isagaa ayaa
abaal marin ah anagu dadka dulmi falayaasaha sidaas ayaanu u abaal marinaa (75)
waxa lagu bilaabay raashinkoogi intaana la soo gaadhin kii walaalkii waxana uu
ka saaray weelkii walaalkii sidaas ayaan yuusuf ugu suura gelinay (helida
walaalkii) muu ahayn walaalkii mid u qaatay deyn uu kulahaa boqorku laakiin
illaahay ayaa sidaa doonayay, qofka aanu doono darajooyin ayaan saro u
dalacsiina, qofkastaa cilmi lehna waxa ka aqoon badan illaahay cilmiga iyo
aqoonta isku shubantay (76) waxa ay yidhaadeen boqorow inankan yari waxa uu
leeyahay aabo weyn qaado mid kaayo halkiisa waxana aan ku aragnaa in aad tahay
dadka wanaagsan (77) waxa ay yidhaadeen haduu kani wax xaday ku ay walaal
yihiina waxbuu xaday imika ka hor, yuusuf ayaa naftiisi hoos u qarsaday umanuu
muujin iyaga waxana uu yidhi idinkaa ka sharbadan halkaad joogtaan illaahaybaana
og waxa aad ku sifaynaysaan (78) waxa uu yidhi illaahaybaan ka nabad galay in
aad qaato cid aan ka helay alaabteyda mooyane hadii aan sidaa sameeyana waxa aan
ahayn kuwa dulmi falayaasha ah (79) markii ay ka quusteen isaga in uu u soo
badbaado kii igu waynaa ayaa waxa uu yidhi waar miyeynaan ogayn in aabaheen
inaga qaaday dhaar iyo baaln illaahay imika ka hor iyo imika ka hor wixii aan
yuusuf ku samaynay anigu ka tagi maayo dhulka ilaa uu ii ogalaado aabahay ama
illaahay isoo xukumo illaahayna ka wax xukuma waa ka ugu khayrka badan”
Goobtani waa goob murugo leh waa muuqalo kadis ah Nabi Yuusuf (CS) waxa uu amray ragii la joogay in ay koobka dahbka ka samaysan ee boqorku leeyahay in ay ku qariyaan weelka walaalkii, koobkana waxa loo isticmali jiray in lagu miiso raashinka, koobka qiimihiisuna waxa uu ahaa awr rar raashin ah, koobkii waxa lagu qariyay awrkii walaalkii waday raashinkii dulsaarnaa, waxa ay u diyaar garoobeen yuusuf walaaladii in ay socdaan waxana la socday walaalkoogi yaraa dabadeena waxa is xidhay albaabadi caasimada oo dhan waxana u yeedhay nin yeedha isagoo leh safar yahow waxbaad xadeen, ninkaa yeedhayay waxa uu ahaabaa la yidhi askari joojinayay safarka waxana hor istaagay safarkii dhamaa ee hor socday isagoo ka eegaya cidii wax qarsanaysay, waxana ay soo qaabileen askartii yuusuf walaaladii, yuusuf walaaladiina waxa ay yidhaadeen waar maxaad waydeen, askarigiina waxa uu ku yidhi waxa aanu waynay koobkii dahabka ahaa ee boqorku wax ku miisi jiray cidiila timaadana waxanu siinaynaa abaalmarin, abaal marintiisuna waa awr rar raashin ah, yuusuf walaaladiina waxa ay yidhadeen iyagoo is bari yeelaya dhulka umaan iman inaanu fasaadino ama aanu wax xadno, dabadeena waxa lagu yidhi waa maxay abaal marintiisu qofka aanu ka helno koobkii dahabka ee boqorka, waxa ay yidhaahdeen anaga shareecadayagu waxa ay sheegaysaa qofka wax xada in uu adoonka dhigto qofkii uu ka xaday, waxa ay u sheegeen shaqaalihi nabi yuusuf waxa aan idinku dabaqi doonaa qanuunkiina gaarka ah laakiin idinku dabiqi mayno qaanuunkayaga masar yaala ee ah qofkii xaday in la xidho, jawaabtaa ay bixiyeen nabi yuusuf walaaladiina waxa ay ahayd shirqool iyo dhagar xaga illaahay ka timid hadii ayna jiri lahayn shirqoolkaan illaahay waa loo diidi lahaa in uu nabi yuusuf (CS) uu hantiyo walaalkiisi yaraa, waxana ay bilaabeen inay wax baadhan waxana uu amray nabi yuusuf ciidamadiisi in ay ku bilaabaan baadhitaanka walaaladii ugu horeyn intayna bilaabin baadhitaanka walaalkiisa yar si ayna u keensan baadhitaankaasi wax dareen ah, yuusuf walaladii way ka xasileen si ay bari ugu noqdeen wixii ay xadeen manay hadhsanayn ilaa walaalkooga yar mooyane waxana dhamaaday ka soo saarintaankii koobka awrkiisa yuusuf walaalkiisi yaranaana waxa uu adoon u noqday yuusuf sharcigii iyaga ka yimi dartii, dareenkaasi waxa uu ku keenay walaaladii in ay ka badbaadeen wax xaditaankii iyo tuhinkii loo haystay waxana ay canaan iyo ceeb ay ka saareen yuusuf walaalkiisi dhabta ahaa, waxa ay yidhaadeen haduu kani wax xaday waxa wax xadi jiray mid kale oo ay walaalah ahaayeen imika ka hor iyagoo oo ku ceebaynaya in ay caruurtan yari hido u leeyihin wax xaditaanka nabi yuusufna dhagihiisa ayuu ku maqlayay hadalkii ay lahaayeen waxana uu dareemay yuusuf murugo xun laakiin waa uu qarsaday waxanu uu ku qarsaday naftiisi wax dareen ahna umuu muujin isaga iyo naftiisi waxa uu isku yidhi idinka ayaa ka sharbadan illaahaybaana og wax aad samayseen taasi sabab iyaga ugamay ahayn, waxana yuusuf yidhi isagoo weli naftiisi la sii hadlaya xagee ayay ka timi tuuganimada ay ku sheegayaan waaba ka bari kan yariyee laakiin dhab ahaantii waxa og illaahay dabadeena waxa dhacay in ay xasuusteen aabahood, aabahoodna waxa uu ka sooqaaday balan iyo dhaar adag in ayna inankiisa yar ka iman isagoo uga dhowanaya nabi yuusuf, waxa ay yidhaadeen boqorow inankan yar waxa dhalay oday weyn anaguna waxa aan ku aragnaa in aad tahay nin wanaagsan laakiin waxa uu yuusuf si degan ugu yidhi sidee ayaad ka doonaysaan in aad uga tagnaan kalmadii ahayd ee aan idin idhi qofkaan ka helno koobka boqorka maxaanu ka yeelnaa, ma waxanu qaadanaynaa qof aan isaga ahayn halkiisa? Taasi waa dulmi…. Anaguna dadka ma dulmino, go’aankoogu igu danbayay waxa ay garteen in ayna lahayn wax rajo ah wayna fikireen wayna isla tashadeen laakiin quraanku wixi ay ku tasahanyeen ama ay ku hadlayay mid mid umuu sheegin laakiiin illaahay waxa uu quraanka inoogu sheegay hadalkii ugu danbeeyay ee ay qaateen, sidoo kale quraanku waxa uu illaahay inoogu sheegay hadalkii kii ugu weynaa waxana uu xasuusiyay balankii ay aabahood kaga yimaadeen waxa kaloo uu xasuusiyay markii hore sidii ay yuusuf ay ka yeeleen dabadeedna waxa uu sheegtay go’aankiisi ugu danbeeyay waxana uu yidhi anigu masar ka tagi maayo ilaa uu aabahay ii soo taliyo ama uu illaahay arin kale uu keeno laakiin waxa uu iyaga ka codsaday in ay aabahood ku noqdaan ugana waramaan si saraxad leh in uu inankiisi wax xaday laguna qaaday wixii uu xaday darteed taana ay og yihiin markhaatina ay ka yihiin, waxana aad ku tiraahdaan ayuu yidhi aabahay maan ogayn qaybka hadii aanu ognahay qabka inankaagu waxba muu xadayn waxa kaloo aad ku tiraahdaa hadii aan intaa ku qanci waydo waydii safarkii nala socday iyo tuuladii aanu joognay
WAA
GOOBTII LIXAAD
Waxa
ay sameeyeen wixii uu amray walaalkoogi weynaa aabahood yacquubna way uga
sheekeeyeen sheekhadii, yacquub markii uu maqlay hadalkii ay lahaayeen waxa uu
yidhi isagoo murugo iyo samir la ilmaynayana naftiina ayaa sidaa idin qurxisay
in la iska samro ayaa fiican illaahayna caruurtaydi oo dhana wuu ii keeni doona
illaahay waa ka waxwalba og kal madan waxa uu isticmalay markii uu wayay yuusuf
laakiin markan waxa uu ku daray rajo in uu illaahay u soo geliyo labadiisi
inamood.
Ninkan
weyni halkee ayuu ka keenay rajadan intan leeg in uu heli doono labadiis inan?
Isagu
waxa uu ahaa mid ku xidhan illaahay isaga iyo illaahayna waxa ka dhaxeeyay
xidhiidh adag waxana jiray dareen xoogan waxanu uu ahaa qof garanaya in uu
illaahay og yahay xaladiisa oo dhan ogna waxa ka danbeeya xaladaha iyo
imtixaamadka wax walbaana ay sidoodi ku soo noqon doonaan marka uu illaahay ugu
tala galay.
Markay
inamadiisi ugu sheekeeyeen sheekadii wuu ka sii jeestay waxana uu yidhi alla
murugadaydaay yuusufow labadiisi indhoodna waxa ay la cadaadeen murugo isagoo
qarsanaya, halkaa waxa inooga cad muuqal waalid inankiisi si naxdin leh u wayay
dhibaataduna kaligii ay ku dhacday dadkan agtaagasina aanay waxba uga jawaabeen
waxa uu xasuustay inankiisi yuusuf ee uu aadka u jeclaa kaaso aan weligii aan
ilaabayn waxana sii xasuusiyay wayitaanka walaalkiisi yara oo uu sii wayay
laakiin taa waxa uu kaga guulaystay samirkiisi adkaa laakiin ilmadii faraha
badnayd ee indhiisa ka timid waxay ka keentay in uu aakhirikii uu indha beelo,
suuro galna noqon waydo in uu cidnaba uu arko indhiihisi waxa fuulay dahaadh
oohintii uu ooyayey darteed, Yacquubna dadka kamuu hor ooyi jirin laakiin
oohintiisa waxa uu uga ashkatoon jiray illaahay, illaahayna mooye cid kale may
ogaan jirin, waxa ay ogaadeen inamadiisi in aanu aabahood waxba arki Karin
waxana ay ogaadeen in uu ku indha beelay oohintii uu labadiisi caruur ahaa u
ooyay, waxana ku weerareen aabahood dareen aabanimo iyagoo uga digaya aabahood
in uu halaagsami doona hadii uu sidaa ku sii socdo “Waxa ay yidhaadeen
illaahaybaan ku dharanee yuusuf xusitaankiisa deyn maysid ilaa aad noqotid qof
cad ah ama aad noqotid kuwa halaagsamay(85) waxa uu yidhi waxa aan u
ashkatoonayaa intaalkayga iyo murugadayda illaahay waxana aan ogahay waxaydaan
ogayn”
Yacquub
waa uu u celiyay jawaabtii ku haboonayd inamadiisi anigu waxa aan u
ashkatoonayaa itaal daradayda iyo murugadayda illaahay waxana aan ogahay
waxaydaan ogayn “((86) Inamadaydiyow taga oo soo eeg eega yuusuf iyo
walaalkii hana quusanina naxariista illaahay, naxariista illaahay kama quustaan
ilaa kuwa gaalada ah mooyane” waxa uu u sheegayay yacquub inamadiisa
isagoo aad u murugaysan rajada uu ka qabo illaahay waxana uu og yahay in aanu
yuusuf dhiman welina nool yahay waxana uu inamadiisi ku yidhi waar orda oo taga
oo walaalkiin soo baadha, baadhitaanka ay walaalkii ay soo baadhayaa waa rajo
weyn uu ka qabo illaahay.
WAA
GOOBTII TOTOBAAD
Waxa
uu u dhaqaaqay safarkoogi xagaa iyo
masar yuusuf walaaladii waxa ay u kaceen dhankaa iyo boqorkii waxana soo
foodsaaray dhaqaalo xumo iyo xaalad nafsaani ah, faqriga haysta iyo muraga
aabahood waa mushkilad ku hareeraysan waxana ay u galeen Nabi Yusuuf (CS) iyagoo
wata lacagtii loo soo celiyay laakiin waxa ay wateen lacag aan suura gel ahayn
in ay wax ku iibsadaan siduu illaahayba (SW) inoo sheegay “Markii ay u soo
geleen waxa yidhaadeen Casiisow waxa taabtay ehelkaygii dhib waxana kuulanimi
lacag yar ee noo dhamaystir miisanka waxna nagu sadaqayso illaahay waa uu abaal
mariyaa kuwa wax sadaqaystee”
Iyagu
waxa ay weydiisanayaa in lagu sadaqeysto waxana ay ka doonayaa qalbiga yuusuf
naxariis iyagoo leh illaahay waxa uu amaal mariyaa kuwa wax sadaqadeesta, isla
markaa markii uu arkay Yuusuf xaaladoodi waxa uu uga kula hadlay luqadoodi
isagoo aan wadan wax turjumaan ah ama cid dhex dhexaadisa “Waxa uu yidhi ma
garanaysaa waxa aad ku samayseen yuusuf iyo walaalkii idinka oo jaahiliin ah
(89) Waxa ay yidhaahdeen adigu ma yuusuf ayaad tahay waxa uu yidhi anigu yuusuf
ayaan ahay kanina waa walaalkey illaahaybaana nagu galaday cida illaahay ka
baqata ee samirta illaahay ma lumiyo ajarka dadka wanaagsan (90) Waxa ay
yidhaadeen illaahaybaan ku dhaaranee illaahaybaa nooga kaa arguday anaguna kuwa
khaldan baanu nahay”
Waxa
dhex maray yuusuf iyo walaaladii dood dheer wadata dareen hoose waxa ay
weydiiyey boqorkii masar su’aaloyin ah waxa ay yuusuf ku sameeyeen…….isagoo
ugu waramaya luqadoodi waxa ay garteena in uu yuusuf yahay doodina halkaa ayey
ku joogsatay waxa ayna garteen khaladkii ay sameeyeen, waxana ay yidhaadeen
illaahaybaa nooga kaa arguday arinka illaahaybaana wax walba ka xoog badan,
sannado badan ayaa ka soo wareegay waana uu tagay shirqoolkii ay sameeyeen
waxana fulay xukunkii illaahay ee sida cajaayibka leh u dhacay……ku
riditaankii ceelka waxa uu ahaa bilowgii fuulida awaada iyo xukunka,
kunaqoshadii abihii uu ku soo noqdayna waxa ahayd sababtii aad u jeclaa yacquub
inankiisa, bal u fiirso waa kaa hantiyay noloshoodi isla imikadan iyagune ka
hadalka arimihii hore ee dhacay hoos ayay u dhigayaan iyagoo ku khatimaaya
illaahaybaa nooga kaa arguday in ay imika qirtaan khaladka waa sabab ku qarsoon
qalbiyadooda waxa ay isleeyihiin armaa la idinka aargoostaa, laakiin waxa ka
wanagsanaaday Nabi Yuusuf (CS) qalbigoogina waa uu dejiyay isagoo ku yidhi “Maanta
cidi idinka aargoosan mayso illaahay waa u idinka dhaafayaa, kawa naxariistana
isagaa ugu naxariis badan”
Cidi waxba
idinka qaadi mayso cidi idin canaanan mayso arinkiina sidaas ayuu ku dhamaaday…..laakiin
Nabi yuusuf (CS) muu odhan anigu waan idin saamaxay adigu waan idin denbi
dhaafay laakiin waxa uu illaahay u weydiyay dhanbi dhaaf, halkaana waxa inooga
cad in uu isagu cafiyey intaa ka dibna illaahay u weydiyay danbi dhaaf isagu waa
Nabi illaahay dacwadiisana waa la aqbalayaa, Nabi Yuusuf (CS) waraysigii intaa
ayuu ku soo gaba gabeeyey laakiin waxa uu og yahay aabihii labadiisi indhoo
cadaadeen murugo daraateed, wax waraysina kalamuu yeelan aabahood laakiin waxa
uu u saaray khamiiskiisi waana uu u dhiibay illaahay oo arinkaa inooga
waramayaana waxa uu yidhi “Khamiiskaygan qaada kuna tuura wajiga aabahay
waxa uu noqon doona mid indho qabee, reerkiini oo dhana soo gaxeeya”
Safarkii waxa
uu ku noqday Falastiin
WAA
GOOBTII SIDEEDAAD
Markii
uu safarkii ka baxay magaladii waxa uu yidhi yuusuf aabihii waxa aan helayaa
urtii yuusuf hadii aydaan I odhaney waa odhay gaboobay waad I rumaysan lahaydeen
“Waxa ay yidhaadeen illaahaybaan ku dhaaranee adigu waxa aad ku sugantahay
baadidaadi hore” hasa yeeshe waxa si kadisa ah u yimi oo meel fog uga yimi
wixii uu sheegayay oo run ah “Markii ay u yimaadeen kuwii u bishaaraynayay
waxa ay ku tuureen wajigiisi, waxana u soo noqday aragtiisi waxana uu yidhi
maana idin odhan waxa aan xaga illaahay aan ka ogahay wax eydaan ogeyn (96) Waxa
ay yidhadeen aabahoyow noo denbi dhaaf anagu waanu gafneee (97) Waxa uu yidhi
hadhow ayaan illaahay denbi dhaaf idin weydiin doona illaahayna waa ka denbiga
dhaafa naxariista badanleh”
Halkan
waxa aanu ku arkaynaa in qalbiga yacquub ay ku jireen dareen labadiisa wiil ah
laakiin markii ay ogaadeen inamadiisi waxa ay ka dooneen in uu denbi dhaaf u
sameeyo laakiin waxa uu u sheegay in illaahay denbi dhaaf u weydiinayo iskana
degeen iskana raaxaystaan, waxanu taagan nahay goobtii ugu denbaysay ee qisadii
Nabi Yuusuf (CS)
“Markii
ay u soo geleen yuusuf waxa uu soo dhoweeyey aabihii waxana uu yidhi soo gala
masar hadii illaahay yidhaado idinka oo aaminini ah (99) aabihii ayuu sare u
qaaday kursigii waxana u dhacay sujuud waxana uu yidhi aabahayow tani waa
fasilaadii riyooyinkaygi imika ka hor illaahayna ka yeelay xaq waana uu I
wanaajiyey markii uu jeelka iga soo saarayey waana ka idinka soo kaxeeyey
miyigii ka dib intii aniga iyo walaaladey sheydaanku waswaska inakala dhex
geliyey, illaahay waa ka dhibirsan cidii doonana isaguna waa ka cilmiga badan
xigmada badanleh”
Waxa
Nabi Yuusuf (CS) u riyooyinkiisi, bal u fiirso dareenkisi riyada oo dhaboowday
isagu illaahiisi ayuu baryayaa “Illaahayow waxa aad I siisay boqortooyo
waxa aad I bartay fasilaada sheekooyinka illaahii abuuray cirka iyo dhulka adigu
waxa aad tahay waligeyga xigtadeyda aduunyada iyo aakhiroba I dil aniga oo
muslim ah ina heleeshii dadka wa wanaagsan” waa ducada kaliyaata.
Ma
doonayno in aanu qisada Nabi yuusuf (CS) kaga tagno oo kaliyaa laakiin waa in
aynu eegnaa dhow arimood inteynaan dhamayn qisada nabi yuusuf (CS), qisadii Nabi
Ibrahim (CS) waxa uu iska saaray jaceylkii ku beernaa qalbigiisa ee uu u yahay
ninankisa ismacil ilaa uu noqday qalbigiisu mid u saafi ah illaahay (SW), waxa
uu rumeeyey amarkii illaahay waxana uu la yimi gowracii weynaa, tusaale kalena
waxanu u soo qaadan karnaa, Qisadii been abuurka ahayd, markii ay soo ifbaxday
sheekadii been abuurka ahayd Nabiga (CSW) qalbigiisi waxa ka leexday caasha ilaa
uu noqday qalbigiisi mid illaahay u saafi ah….. Markaas ayuu ku soo degay
waxyigii illaahay ee bariga ka dhigayay.
Wa
Bilaahi Tawfiiq
WAXA
WADA JIRI U DIYAARIYEY
Siciid
cumar yuusuf
C/fadaax
Xasan Adan
Axmed
Ismacil (Bucul)
Email:
cabdifataax_96@hotmail.com