Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

 

QISOOYINKII NEBIYADA 

WAXA INOO SOO DIYAARIYAY WERIYAHAYGA HARGEYSA Mr ABDIFATAH HASSAN

Qisadii Nabi Ibraahim (CS)

SDWO -(Hargeisa 14/07/04) Waa khaliilkii illaahay (SW) ugu doortay risaaladiisa ee uu ka fadilay in badan oo khalqigiisa ah, Ibraahim waxa uu ku dhex noola qoom caabuda xidigaha arinkaan raali kamuu ahayn waxa uu dareemay iimaankiisa in uu jiro illaah ka weyn waxan ay caabudayaan ilaa illaahay hadeeyay una doortay siraaladiisa, Ibraahim waxa uu u yaboohay goomkiisi kalinimada illaahay (SW) iyo cibaadadiisa laakiin way beeniyeen waxana ay isku dayeen in ay gubaan illaahayna (SW) waa uu ka badbaadiyay, Tafiirtii Nabi Ibraahim (CS) waxa ahaa Nabi Isaxaaq iyo Nabi Ismacil, Nabi Ibraahim (CS) waxa uu dhisay Kabcada waxana ku welininayeen Ismacil.

 

Qisadii oo Dhamaystiran.

 

Nabi Ibraahim (CS) waxa uu ka mid yahay shanta Nabi ee la yidhaa (uulul Casmi) ee illaahay (SW) balanka adag la galay oo kala ah, Nabi Nuux, Nabi Ibraahim, Nabi Muuse, Nabi Ciise (CS) iyo Nabi Maxamed (CSW) oo sida ay u qoran yihiin u kala horeyay.

 

Nabi Ibraahim (CS) waa nabigii illaahay (SW) ku ibtileeyay ibtixaanka weyn, Nabi Ibraahim (CS) waxa uu ahaa adoonkii illaahay (SW) uu yidhi “Kii wanaaga oofiyay” Illaahay (SW) waxa uu ku kareemeyay Nabi Ibraahim xushmad gaar ah waxa laga dhigay aftirsiintiisi tawxiid saafi ah, waxana lagu tilmaamay kuwii diintiisa raacay in ay yihiin ehlu caqli.

 

Illaahay (SW) waxa uu ku tilmaamay Nabi Ibraahim (CS) in uu yahay mid tooban keen badan oo ka mid ahayn mushrikiinta, fadliga illaahay (SW) siiyay ibraahim waxa ka mid ahaa in looga dhigay dadka Imaam tafiir-tiisina laga dhigay Nabiyo, anbiyada ka denbaysay oo dhami waa awlaadiisi waxana xaqiiqobay balankii uu illaahay la galay oo ah in anbiyada isaga ka denbeeya ay noqdaan tafiir-tiisa, ilaa Nabigii ugu denbeeyay Anbiyada Nabi Maxamed (CSW), isla markaana ay xaqiiqowday aqbalaada ducadii nabi ibraahim (CS) uu illaahay beryay ee ahayd:- in umadan umuyiinta ah laga soo dhex saaro rasuul iyaga ka mid ah.

 

Hadii aynu wadno oo aynu baadhno fadliga Nabi Ibraahim (CS) iyo sida uu illaahay (SW) u karaameyay waxa inaga buuxsamaya layaab, waxaynu arkaynaa shaqsi rabigiisa la hortagay qalbi saafi ah, illaahay (SW) waxa uu ku yidhi nabi ibraahim islaam ilaa uu yidhi waxa aan isku diibay rabiga caalimiinta, waa nabi waana kii ugu horeyay ee yeesha maqaca muslimiinta, waa nabi midhiihii ducadiisu ay noqdeen soo saaridii Nabi Maxamed (CSW).

 

Nabi Ibraahim (CS) waxa uu ahaa awoowga iyo aabaha Anbiyadii ka denbaysay oo dhan waxa uu ahaa mid hanuunsan oo dulqaad badan, illaahay (SW) waxa uu inana xasuusiyay fadli ka balaadhan waxaa hore oo dhan oo ah illaahay waxa uu khaliil ka dhigtay ibraahim, kuma jirto kitaabka quranka ah Nabi illaahay (SW) ka dhigtay khaliil oo aan ahayn Nabi Ibraahim (CS).

 

 

Culumadu waxay yidhaahdeen waxa Khaliil loo yidhi jecel uu illaahay (SW) u qabo dartii, darajada aadka u saraysa ee ibraahim oo ah ku dhowaansha illaahay (SW), dhinaca kale hadii aynu ka eegno darajadani waa dhamaadka rajada masaakiinta, ujeedaha iyo hadafka dadka ehlu xaqiiqada ah iyo kuwa illaahay yaqaana in ay jeclaadan illaahay (SW) ee doonana in iyagana illaahay jeclaado.

 

Ibraahim waxa uu ahaa adoon rabaani ah oo xaq u yeeshay in uu illaahay ka dhigto khaliil.

 

Quraanku inagamuu warami dhalashadiisi iyo caruurnimadiisi kumanuu hakani wakhtigiisi si cadaan ah laakiin waxa la inoo tilmaamay muqaal jawigii nolosha ee maalmihisi, waxa aad arkaysaa dadku in ay u qayb sameen sadex qaybood, Qayb caabuda Sanamyo laga qoray dhagaxaan iyo looxyo, Qayb caabuda xidiga iyo dayaxa iyo cad-ceeda iyo Qayb caabuda boqorada iyo kuwa xukuma.

 

Jawiga sidaas ah ayuu ku dhashay Nabi Ibraahim (CS) waxa uu ka dhashay qoys ka mid ah kuwaa noola wakhtiga fog, odayga qoys koogu dhinaca qolada sanamka caabuda waxa uu ahaa nin aan ka fogayn waxana gacantiisa ugu samayn jiray sanamyada ay caabudaan. Qoyskani waxay ahaayeen qoys balaadhan oo sameeya sanamyada, sidaa darteed qoyskoogu waxa uu ahaa qoys aad loo qiimeeyo oo ku dhow  dhow dadka degaanka maamula.

 

Hadaba qoyskaa muqadiska ah waxa u dhashay inan awood u leh in uu ka hor yimaado qoyskooga iyo nidaamka mushtamaca kana hor yimaado kuwa sanamyada caabuda iyo kuwa xidiga iyo dayaca caabudaba dhamaan shirkiga oo dhan waana wax iska dabiici ah, qofka talaabadan oo kele qaada ee umadi wixii ay aaminsan tahay ka hor yimaada in dhib uu la kulmayo isagana (nabi ibraahim) dab ayaa lagu dhex tuuray.

 

Ma doonayo in aan dhacdooyinka qaar aan soo qadimo aanu ka bilowno caruurnimadiisi, Nabi ibraahim Caqligiisu waxa uu ahaa mid iftiimaya illaahaybaana (SW) u iftiimiyay waxana uu illaahay siiyay  xigmad, ibraahim waxa uu gartay isagoo yar aabihii in uu sameeyo sanamyo la yaab leh waxa uu weydiiyay maalin wixii uu samaynayay waxa uu ugu jawaabay waa sanamkii aynu caabudeynay waana uu la yaabay ibraahim waxana uu caqligiisu gartay in uu ku ciyaaro waxa uu ka fuulfuulayay dusha sida ay dadku u fuulan fardaha iyo dameeraha aabihii ayaa maalin arkay isagoo fuushan sanamkii odaygii wuu ku cadhooday waxana uu amar ku siiyay in aanu ku ciyaarin mar denbena aanu u dhowaan.

 

Ibraahim waxa uu weydiiyay aabihii aabo sanamku dego waaweyna inaga wuu inaga dego waaweyn yahayee waxa uu ugu jawaabay waa kuwa soo qabta fahankiisa xeesha dheer ibraahim wuu ku qoslay xiligaana ibraahim waxa uu ahaa lix jir.

Ibraahim waxa uu aabihii weydiyay yaa dadka sameeyay waxana uu ugu jawaabay adiga aniga ayaa ku sameeyay anigana aabahay ayaa I sameeyay ibraahim waxa uu yidhi arintu sidaa maaha ee maalin ayaan maqlay oday weyn oo leh illaahay maxaad ubad ii siin weyday aabihii waxa uu ku yidhi waa runtaa illaahay dadka waxa uu ka caawiyaa sida ay dadka u samayn lahaayen laakiin illaahay dadka gacantiisa kuma sameeyo, halkana waxanau ka fahmaynaa ibraahim isagoo yar sida uu ula yaaban yahay aabihi iyo arinka uu sheegayo.

 

Waxa kale oo uu weydiiyay ibraahim aabihi illaahayadu waa imisa waxa uu ugu jawaabay tiro malaha, ibraahim waxa uu yidhi aabo maxaan sameeya hadaan mid u shaqeeyo oo kii kalena aan u shaqayn waayo xumaan ila doono hadii ay mashaqo dhacdo iyo dood dhex marta labadan sanam hadii la  dilo kii aniga u shaqaynayay  miyayna runtu ahayn in anigana I dilayo maxaan sameeya? Odaygii intuu qoslay ayuu yidhi ha baqan inankaygiyow illaahyadu ma murmaane waxay wada hoos yimaadaan illaah kale oo weynee anigu waxa aan jiray totobaantan (70) sanno welina ma arag laba illaah oo is haysta, iska dhaaf hadaa heshiish ayaa ka dhexeeye, aabihii waxa uu yidhi waa runtaa, ibraahim waxa uu yidhi maxaa laga sameeya illaah yadan waxa uu yidhi waxa laga sameeya geed timireed iyo saytuun bal kuwan yar yar ee saaga ah eeg  maxaa ka qurux badan runti waxa ka maqan uun naftii.

 

Waxa uu ku yidhi ibraahim illaah yadani hadii ayna nafba lahayn sidee cid naf u gelinayaan hadii ay iyaguba nolol lahayn sidee cid ay u noolaynayaan anigu wax aan ku adkaysanayaa aabo kuwani illaah maaha, odaygii u aabaha ahaa ibraahim aad ayuu uga gubtay hadalkan wuxuna yidhi hadii aad qaan-gaadh ahaan lahayn madaxaaga ayaan faash ku kala jeesi lahaa, ibraahim waxa uu yidhi hadii illaah yadu dadka ay ka gargaaran samaynta dadka maxaa dadka ku kalifay in ay illaahyo sameeyan, hadii illaahyadu ka samaysan yihiin geedo in dhirta la gubaa waa khalad weyn laakiin aabo waxa aad I tidhaahdaa sidee u saacidaysaa illaah oo u samaynaysaa hadana kuwa kele oo tiro badan illaah-yadanba kaama caawinayaa sida aad caruur badan u yeelan lahayd dadkana ugu awood badnaan lahayn. Halkaas ayayna ku dhamaatay doodi u dhexeysay ibraahim iyo aabihii.

 

Maalmo ayaa ka soo wereegay ibraahimna wuu weynaaday qalbigiisana waxa ka buuxay caruurnimadiisi in uu si dhab ah u karaahisnaa sanamyadan ay samaynayaan walidkii dadkuna ay caabudayaan manuu fahan  sanayn sida qof caqli lihi uu gacantiisa sanam ugu samaysanayo ka dibna ugu sijuudayo wixii uu gacantiisa ku samaystay, ibraahim waxa uu arkay in aanay sanamyadani waxba cabin waxba cunin oo ayna hadal oo ayna karayna in xitaa hadii qof isisoo dhinac istaago ogaanayn, sidee ayay dadku ugu qaateen waxani dhib iyo dheef toona lahayn.

 

Figradan in badan ayay dhibtay ibraahim in qoomkiisa oo dhamina khaldan yahay oo uu kaligii xaqa ku sugan yahay miyayna ahayn wax lala yaabo?

 

Qoomka ibraahim waxay lahaayeen macwad weyn oo ay ka buuxan sanamyo bartankana waxa uu ku lahaa mixraab la dhigo ka ugu weyn, sanamyadu waxay ahaayeen noocyo leh muuqalo kala duwan, ibraahim isagoo yar ayuu aabihii u raaci jiray, waxana uu aad u beenin jiray looxantan iyo dhagaxanta ee ay caabudayaan waa arin la yaab leh isagoo dhex jooga qoomkiisi, marka ay soo galaan madaxa ayay hoos u foorarinayeen waxayna bilaabayeen in ay ooyaan oo baryaan sida wax maqlaya waxna fahmaya, bilowgii ibraahim waxay la ahayd wax lagu qoslo ka dibna waxa uu bilaabay in uu dareemo cadho miyayna wax lala yaabo ahayn? In waxaas oo dad ihi ay khiyaamaynayaan, mushkiladuna way sii koradhay.

 

Ibraahim aabihii waxa uu doonayay marka uu weynaado in uu noqdo kuhaan waxana uu ka doonayay uun in uu ixtiraamo sanamyadan, ibraahimna si cadaan ah umuu soo bandhigi karaahidiisi, maalin ayuu ibraahim soo galay macbadkoogi isagoo la socda aabihii waxana bilaabmatay xafladii sanamyada, xaflada bartankeedi ibraahim waxa uu raacay kuhaan la hadlaya sanam, ibraahim waa uu dhagaystay ninkan uu dhagaysanayaana waxa uu weydiisanaya sanamka in uu naxariisto arsaaqona, codkii ibraahim ayaa laga maqlay mar qudha macbadka oo dhan isagoo la hadlaya kuhaankii waxa uu yidhi kuma maqlayo kuhaan-yahow miyaanad ogayn in aanu sanamkani waxba maqal dadkii oo dhan ayaa soo eegay inanka yar waxa ay arkeen in uu yahay ibraahim kuhaankiina waxa uu dareemay cadho, aabihii ayaa cudur-daar sameeyay oo yidhi waa inan yar oo buka oo waxa uu leeyahay aan is ogayn.

 

Macbudkii ayay ka soo noqdeen waxana soo raacay laba qof isaga iyo aabihii waxa uu jiifsaday ibraahim furaashkiisi wayna ka tageen, ibraahim inta uu ka soo hingaday furaashkiisi ayuu u jeestay dhinaca buur weyn isagoo rumaysan in aynan sanamyadan qoomkiisu sameeyeen aanay koobka abuurin kuna tasarufin abuurtiisa waxa uu eegay samada waxa uu ku arkay xidigihii dhulka lagu caabudayay, ibraahim waxa ka buuxsamay qalbigiisa murugo, intaa ka dib waxa uu eegay waxa ka denbeeya dayaxa iyo xidigaha waxa uu la yaabay in ay dad caabudaan waxan kii abuuray caabudaya ee idinkiisa ku soo baxaya kuna dhacaya.

 

Dood ayaa dhex martay ibraahim iyo neftiisa doodina way socotay ilaa ay gaadhay qoomkiisi caabudayay xidigaha, illaahay (SW) arinkan waxa uu inooga cadeeyay quraanka “Markuu ku yidhi ibraahim aabihii sanamyo ayaad ka dhigateen illaahyo waxa aan u arkaa adiga iyo qoomkaaguba in aad baadi cad ku sugan tihiin, (74) sidaas ayaanu u tusnay ibraahim malakuudka samada iyo dhulka si uu u ahaado kuwa muuqiniinta ah, (75) mar kuu gabalku dhacay ayuu arkay xidig waxa uu yidhi kaasi waa rabigay” [suuratul-ancaam]

 

Quraanku kamuu waramin jawiga ibraahi ku dhaaway arinkan laakiin inagu waxaynu dareemaynaa socodka aayadka ku dhawaaqidan in ay ahayd qoomkiisa dhexdiisa in ay ku xasilaan wayna xidheen mar ki uu diiday in uu caabudo sanamyada kuna hamiyay in uu caabudo xidigyada, sadexdan qolo ee aynu soo sheegnayna qolol kastaba xor ayay u ahayn wixii ay caabudayso isla waabirigi ibraahim wuu badalay mawqifkiisi hore waana uu ka beenayay xidigihii uu caabudayay waayo xidigihii way dhaceen ibraahimna xidig kolba soo baxaysa kolna dhacaysa illaah uma noqonayso.

 

Markii ay dhaceen waxa uu yidhi ma jecli kuwan qarsoomaya (76) markii uu arkay dayaxa oo soo baxay waxa uu yidhi rabigay waa kaa” ibraahim habeenkii labaad waxa uu ku noqday in uu yidhaahdo dayaxa waa rabigay laakiin qoomkiisu darajo ku filan iyo may lahayn garasho ay ku gartaan in uu isagu yahay mid loo sikhiray iyo khaladka ay tahay caabudida shay kalna soo baxaya marna qarsoonaya, nidaaminta cibaada illaahay manay fahmin qoomkiisu markii hore waxay ka fikireen dayaxa dayaxu waa sida ubaxa sida falagyada kale ayuu kola soo baxa kolna dhacaa.

 

Markii uu qarsoomay waxa uu yidhi hadii aanu rabigay isoo hanuunin waxa aan ka mid noqonayaa qoomka daalimiinta ah”

 

waxaynu halkan ka arkaynaa in uu u soo bandhigay qoomkiisa sidii u diidan yahay waxyaabahan ay caabudayan, dadku sidee ayay u caabudaan rabi qarsoomaya waa dayaxee, markuu leeyahay hadii aan illaahay isoo hanuunin iyaga waxa uu fahansiinayaa in uu jiro illaah kale oo ahayn waxan ay caabudayaan.

 

Markii uu arkay cadceedi iyadoo soo baxday waxa uu yidhi waa kaa rabigay isaga weyn markii ay dhacdayna waxa uu yidhi anigu beri ayaan ka ahay xumaanta aad ku jirtaan anigu waxa u jeediyay wejigayga kii abuuray samad iyo dhulka isagana u hagaansanay kamana mid ihi kuwa mushrikiinta ah”.

 

Hadalkiisa hore ee caqiidada cadceeda waxa uu soo gaba gabeeyay doodi kuwa caabuda xidigaha waxana uu kaga gar helay maadama ay cadceedu ka weyntahay xidigaha in ay cadceedu ka mudan tahay si sahlana waxa uu u soo mariyay dhaqihii qoomkiisa kuwii cadceeda caabudayna may fahmin ay caabudayeen waxyaabo illaahay abuuray, markii uu ibraahim ku dhawaaqay isagu in uu caabudayo cadceeda markii ay dhacdayna illaahnimadii loo nusmaynayay waxay noqotay waxba kama jiraan sida xidigaha oo kale.

 

Waxa uu awood u yaashay xujadii nabi ibraahim in uu xaqa uu cadeeyo soona bandhigo waxana bilaabmay is fahan la’aantii isaga iyo qoomkiisa, may aamusin kuwii caabudayay xidiguhu waxay bilaabeen in ay la doodan cabsina ay geliyaan una hanjabaan.

 

Ma waxa aad igu xujuynaysaa illaahay dartii runtii wuu I hadeeyay kamana baqayo waxan aad u shariid yeelaysan in illaahay doono mooyane rabiga shay kasta og miyaydaan waxba ku qaadanee, (80) sidee uga baqaa wax aan shirkiga ah idinku kama baqanaysaan illaahayna waad u shariid yeelaysan idinka oo haysanin wax ogolaansho ah labadeene midkee in uu nabadgelo xaq u leh hadii aad wax garanaysaan”

 

Ma garan karno weerarka lagu soo qaaday ibrahim iyo heerka ay taagnayd dooda kuwa isaga ka soo horjeeday asluubta qoomkiisi isaga raacay iyo cabsiga la geliyay illaahay quraanka inoogumuu sheegin, dood-doodu waxay ahayd mid baadil ah sidaa darteed quraanka laguma soo darin, laakiin waxa lagu xusay hadalkii ibraahim ee caqli galka ahaa sida ay isaga u cabsi gelinayeen iyo sida ayna illaahay uga cabsanayn labadooda midkeeba in uu nabadgelyo helo xaq u leh illaahay (SW) ayaana kala shaagay.

 

Kuwa muuminiinta ah ee iimaankooga ku dedin dulmiga kuwaas ayuu u sugnaatay nabadgelyo iyagaana hanuunsan”

 

 

Iska hor imaatinkii Nabi ibraahim iyo kuwii sanamyada caabudayay

 

Markuu ku yidhi aabihii iyo goomkiisi waa maxay sanamyadan aad caabudaysaan (52) waxay yidhaadeen waxanu ka soo gaadhnay aabayaashayo oo caabudi jiray (53 wuu ku yidhi xaqiiqdii idinka iyo aabayaashiinba waxa aad ku sugantii baadi cadaan ah (54) waxay yidhaahdeen ma xaq ayaad noola timid mise waad nagu dheel-dheelaysaa (55) waxa uu yidhi rabigiinu waa rabiga samooyinka iyo dhulka waana ka abuuray anigana sidaa idinka markhaati ah (56)” Suuratul Al-anbiyaa.

 

Waxa dhamaatay arintii waxana bilaabmay iska hor imaadkii ibraahim iyo qoomkiisa ka ugu darnaana waxa uu ahaa aabihii, waxa isku dhacay inan iyo aabihii iska hor imaadkaa waxana kala gaxeeyay mabdayo kala duwan inankuna waxa uu raacay dhinaca illaahay (SW) aabuhuna waxa uu raacay dhinacii baadilka, aabihii waxa uu ku yidhi aabo masiibo ayaa iga kaa haysta ibraahimow waad I khiyaamaysay waanad I xumaysay ibraahi isagoo ka jawaabaya arinta ayuu yidhi sida quraanku tilmaamay “Aabo maxaad u caabudaysa mid aan ku maqlay oo aan ku arkayn waxbana ku tarayn (42) aabo aniga waxa iigu yimi cilmi ahaan wax aan adiga kuu iman isoo raac aan kugu hanuuniyee dariiqa toosane (43) aabo shaydaan ha caabudin shaydaanku raxmaanka wuu caasiyayee (44) aabo waxa aan kaaga baqayaa in uu ku asiibo cadaab dhinaca raxmaanka oo aad shaydaanka xidhiidh la yeelato (45)” Suuratul Maryan.

 

Aabihii ayaa soo kacay isagoo aad u cadhaysan waxana uu ku yidhi ibraahim isagoo canaanaya waxan aad wado hadii aad joojin weydo dhagax ayaan kugu dili doona, taasina waa baal-marino kuwa illaahayaga ka hor yimaada iigana bax gurigayga mana doonayo in aan ku arko iga bax.

 

Iska hor imaadkaasi waxa uu keenay in ibraahim laga eryo guriga, Nabi Ibraahim (CS) waxa uu aabihii ula dhaqmi jiray si xushmad leh waxana uu kula hadli jiray aabihii edabtii Nabiyada waxana uu ugu jawaabay aabihii “Nabadgelyo dushaada ha ahaato danbi dhaaf ayaan kuu weydiinayaa rabigay aniga waa mid I xafidayee (47) waan idinka dheeranayaa idinka iyo waxan aad baryaysaan illaahay sokadiisa rabigay ayaan baryayaa ducada rabigayna deyn mayo (48)”.

 

Nabi Ibaraahim (CS) waxa uu u soo baxay si taxadri leh isagoo u socda dhinaca macbadka dariiqyaduna waxay kuwa lagu dhibtoonayo macbadukuna wuu madhnaa dadkuna waxay tageen xaflado, ibraahim waxa uu soo galay macbadkii isagoo sita faash waxa uu eegay sanamyadii laga sameeyay dhagaxa iyo geeda, wuxuu eegay cuntadii la agdhigay sanamyada, wuxuuna ku soo dhowaaday sanamyadii waxana uu weydiiyay miyaanad cunayn isagoo ku dheel-dheelaya garanayana in aanay waxba cunayn, wuxuu mar labaad weydiiyay maxaad u hadli la dihiin intaa ka dibna waxa uu bilaabay in uu sanamyadii ku burburiyo faashkii uu sitay, illaahyadii goobtaa lagu caabudi jirayna waxay isku rogayn qurubyo yar yar oo dhagaxaan ah iyo foliidho yar yar oo looxan ah.

 

Ku dayashada ayaa waydaarisay wixii ay fikir iyo garasho la haayeen manay waydiin nafahooga hadii ay waxani illaahyo yihiin sidee ayay u dhaceen waxan ku dhaca kuwa kale ee waxba iskaga celin wayeen, waa kaa kii weynaayee sidee ayuu kuwa kale waxba uga celin wayay, waxay yidhaadeen yaa sedan u galay illaahyadii? Kaasi waxa uu ka mid yahay kuwa daalimiinta ahee, waxana la sheegay in ay dadku maqlayeen ibraahim in uu diiday aabihii iyo sanamyadan la caabudayaba oo uu balan ku qaaday in uu baabin doono marka ay ka tagaan!

 

Waxay u yimaadeen Ibraahim (CS) dadkiina way ku soo aruureen waxayna weydiiyeen:- ibraahimow ma adiga ayaa sidan u galay illaahyadii, ibraahim waxa uu ugu jawaabay waxa sidaa u galay ka ugu weyn bal weydiiya hadii ay hadlayaan, waana ku takrifal cadaan ah jawaabtan ku dheel-dheelka ah, mana aha in la yidhaado ibraahim been ayuu sheegay, jawaabta ku dheel-dheelkuna waxay ku noqotay mid gelisa ka fikir iyo dib u noqosho “Waxay dib ugu noqdeen nafahoogi waxayna yidhaadeen idinku waxaad tihiin dalimiin (64)” Suratul anbiyaa.

 

Fikirkan iyo dib u noqoshadani waxay keentay in ay dareeman in ay ku sugnaayeen marxalad liidata sanamyadan ay caabudayeena ay ahayn dulmi, markii ugu horeysana waxa u furantay garashada arintiina way rog rogeen laakiin waxay ahayd talaabo kaliya “Waxay hoos u rogeen madaxoogi waxana ay ogaadeen waxanu in uuna ahayn wax hadalaya (65)” Anbiyaa.

 

Runtiina markii ugu horaysa nafahooga ayay dib ugu noqdeen markii labaadna madaxa ayay foorariyeen sida ka muuqata macnaha quraanka, marka hore naftoodu waxay samaysay in ay waxyaabahan u fiirsadan mar labaadkiina waxa uu inqilaab ku dhacay kuwii aan caqliga iyo fikirta toona lahayn oo waxay yidhaadeen ibraahim waaka ina xujeeyay wixiina hadli waayeen ee maxaynu naguna ibraahim ku xujaynaa, waxa uu ku yidhi ibraahim “Ma waxa aad caabudaysan inta illaahay ka so kaysa wax aan waxna idiintarayn waxna idin yeelayn (66) waxna la soo dhowaysta toona maaha idinka iyo waxan aad caabudaysaan” Anbiyaa.

 

 

Sidii Illaahay (SW) Nabi Ibraahim uga badbaadiyay Dabkii

 

 

Dhacdadan… waxa bilaabmatay in ay u diyaar garoobaan in ay gubaan nabi ibraahim (CS) warkaasina waxa uu ku fuday boqortooyada oo dhan, dadku waxay isaga yimaadan miyi iyo magaalo, buur iyo banaan, si ay goob-joog uga ahaadaan ciqaabta ninkan burburiyay illaahyadoodi sanamyada ahaa kunan dheel-dheelaya Kuhaanadoodi.

 

Waxay qodeen god-weyn waxayna ka buuxiyeen xaabo iyo xansan iyo dhagaxaan waxayna ku huriyeen dab waxayna soo qaateen Mijiniiq oo ah aalad awood u leh in ay ibraahim ku dhex tuurto dabka, ibraahim ayay ku xidheen Mijiniiqi, godkii ay dabeeyeen ololkii ayaa kirka isku shareeray, dadkuna way ka fogaayeen godka kuleelka dartii, Kuhaankii ugu weynaa ayaan amar ku bixiyay in ibraahim lagu tuuro dabka.

 

Waxa u yimi Malaku Jibriil oo madaxa iska soo taagay ibraahim waxana uu weydiiyay ibraahinow wax miyaad iiga baahan tahay, ibraahim waxa uu ku yidhi adiga miyaa maya, Mijiniiqi ayaa lagu sii daayay si uu ibraahim ugu dhex tuuro dabka, dabku wuu ka holcayay halkiisi, laakiin dabkii muu qaban dantii laga lahaa oo ay ahay in uu gubo naba ibraahim, illaahay (SW) ayaana dabkii amar ku siiyay in uu ahaado “Qabow iyo nabadgelyo ibraahim u sugnaatay” ibraahim waxa uu fadhiistay bartankeeda si wixii u dhex fadhiyo beer waxana uu ku tasbiixsanayay mahadnaqa rabigii qalbigiisana kamay banaaneen meel ay ka gasho cabsi iyo argagax kale, qalbigiisa waxa ka buuxay jacalka illaahay oo kaliya.

 

Waxa soo fadhiisatay kuhaankii amarka bixiyay dadkoo meel fog ka soo eegaya, dabka kuleelka dabkuna waxa uu gaadhay heer ay gaaladii u maleeyeen in ayna weligay bakhtiyeen, markii denbe uu bakhtiyay ayay arkeen ibraahim oo caafimaad qaba kana soo baxaya wajigiisana nuur ka widh-widhayo maryihiisuna ayana guban, manuu lahayn raadkii qiiqa iyo gubashada, ibraahim waxa uu uga soo baxay sidii wax uu beer ka soo baxay, waxa kale oo gargaaray baroortii u qaadan waagi kufaarta waana ay ku qasaareen, “Waxay la dooneen khiyaamo waxana aanu ka yeelnay kuwa khasaaray (70)” Suuratul Anbiyaa.

 

 

Quraanku inagamuu waramin ibraahim markii u burburiyay sanamyada da’diisu inta ay ahayd kamanuu warami sannadkii lagu amray in uu risaalad fuliyo, laakiin waxa quraanka ku cad ibraahim in uu ahaa nin shabaab ah markii uu arintaa sameeyay.

 

Iska hor imaatankii nabi ibraahim iyo kuwii boqorada caabudayay.

 

Wakhtigii uu illaahay (SW) uu doortay nabi ibraahim quraanku muu-xadidin ta labaad ma karno in aynu ka bixino jawaab sugan laakiin ibraahim waxa uu watay xujooyin uu ku gaciyay kuwii caabudayay sanamyada iyo kuwii caabudayay xidigaha si dhamays-tiran waxa soo hadhay kuwii caabudayay boqorada taasina waxay noqoto in ay xuju ku noqoto gaalada.

 

Ibraahim waxa uu u tagay boqor ka mid ah kuwii wakhtigiisi noola quraanka illaahay (SW) nagumuu sheegi magaciisi qiimo la’aantiisa dartee, laakiin waxa lagu tilmaamay in uu ahaa Namruud waa boqorkii araamiinta ee reer iraq, boqorka iyo ibraahim waxa dhex martay dood dheer quraankuna waxa uu inooga waramay xujadii ugu horeysay ee nabi ibraahim uu hor dhigay boqorka xadgudubsan in ay ahayd “Rabigay waa ka I nooleyay waana ka nafta iga qaadi doona” boqorkii waxa uu yidhi anigu waxna waan noolayn karaa waxna waan dili karaa, waxana karaa in aan u yeedho nin wadada iska maraya oo aan dilo waxana karaa in aan iska cafiyo nin lagu xukumay dil oo natiijadiisu ahayd dhimasho, sidaa dartee waxa aan awood u leeyahay in aan waxna dilo waxna nooleyo.

 

Ibraahim waxa uu kula dooday boqorkii mar hadii boqorkii isku tuhmay in uu karo in uu waxna dilo waxna nooleeyo, ibraahim waxa uu ku yidhi mid aanu isku dayi karayn oo ah “Illaahay waa ka cadceeda ka keena beri ee galbeed ka soo saara” markii uu maqlay boqorkii wuu aamusay waxana ay ku dhamaatay in uu dareemo boqorki in uu ka jawaabo waxan uu isku dayay in uu nabi ibraahim ku sheego beenale, ibraahim waxa u sugnaatay in uu boqorku beenale yahay aduunyaduna waxay leedahay nidaam iyo qowaamiin ay ku socoto, qawaamiinta illaahay (SW) u sameeyay aduunkana qof illaahay abuuray ma karo in uu xukumo, hadii ay dhab tahay sheegashada boqorka ee illaahnimadu waxa uu badali lahaa nidaamka koomka iyo qawaamiintiisa laakiin waxa uu dareemay in uuna karayn waana uu garan wayay wax alle wuxuu yidhaa.

 

Hijradii Nabi Ibraahim (CS)

 

Waxa meel kasta ka dhacday caan-nimadii ibraahim boqortooyada oo dhan dadka ayaana ku sheekaysta mucjisooyinkiisi iyo sidii uu uga badbaaday dabkii waxa kale oo ay ku sheegayteen mawqifkii uu iska taagay boqorkii sida uu u baabiyay boqorkaa garan wayay waxa alle wuxuu yidhaa, ibraahim wuu sii wada dacwadii waxana uu sameeyay dadaal badan si ay qoomkiisi u hanuunaan waxan uu isku dayay in uu ku qanciyo dariiqa kasta, markii uu yaraaday jacalkii uu u qabay iyaga (qoomkiisa) ayuu ka cadhooday kana hijiraaday, nabi ibraahim (CS) waxa rumeeyay oo kaliya nin iyo gabadh qoomkiisa ka mid ah, gabadhu waxay ahayd Saara oo markii denbena noqotay xaaskiisi iyo Luud oo isaguna noqday nabi ka denbeeyay.

 

Hadaba markii uu gartay in aanu qofna rumaynay ayuu go’aansaday in uu ka haajiro ka hore intaanu haajirin ayuu waalidkii ugu yeedhay imaanka ka dibna waxa u cadaatay waalidkii in uu yahay cadow illaahay oo aanu lahayn iimaan, waxana uu yidhi beri ayaan ka ahayn cilaaqaadkiisina wuu jaray.

 

Mar labaad qisaska anbiyadu waxa uu leeyahay lama filaan qisadii Nabi Nuux (CS) aabuhu nabi ayuu ahaa inankuna gaal, Qisadan Nabi Ibraahim (CS) aabuhu waa gaal inankuna waa nabi, hadaba labadan qiso waxaynu ka aragnaa sida muuminku ugu dhawaaqay in uu bari ka yahay cadowga illaahay in kastuu inankiisi yahay ama aabihiiba, illaahayna (SW) waxa uu ina fahansiinayaa inta aynu ku jirno qisadan cilaaqadka kaliya ee waajibka tahay in ay ku taagnaato isku xidhnaanta dadku in ay tahay cilaaqadka iimaanka ee ayna ahayn ta dhiiga iyo wada dhalashada.

 

Ibraahim waxa uu ka soo baxay dulkiisi waxana uu bilaabay hijradii waxana uu u safray magaalo la yidhaa Arwa iyo Xaaran waxana uu u socdaal ilaa iyo Falastiin waxana la socotay gabadhiisi, Falastiin  ka dib waxa uu tagay Masar, wakhtiga uu ku jiray socdaaladan oo dhan dadka waxa uu ugu yeedhayay jidka illaahay (SW) waxana uu u dagaalamayay dartii waxana u adeegayay dadka taagta daran iyo faqarada waxana uu dhex-dhaxaadinayay dadka, waxana uu ku hadeynayay xaqa.

 

Waxa jira qisas kale oo ka waramaya ibraahim iyo gabadhiisi mowqifka ay ka gaadheen boqorkii masar oo ah….

 

Boqorka masar waxa soo gaadhay warar odhanaya masar waxa yimi nin ay la socoto gabadhii aduunyada ugu quruxda badnayn waana uu damaaciyay, waxana uu u diray ciidankisii si ay ugu keenaan waxana uu ku amray in ay waydiiyaan ninka la socda hadii uu ninkeedi uu noqdo ay dilaan, Nabi ibraahim (CS) ayuu illaahay (SW) u soo waxyooday waxana uu ku yidhi nabi ibraahim gabadhiisi hadii ay aniga I kaa waydiiya waxa aad ku tidhaahdaa waa walaalkay, macnaha in ay ku walaaloobeen illaahay dartii.

 

Hadaba aynu ku noqoto kalmadii ahayd waxa sidan yeelay kooga u weyn ee waydiiya iyo tan ah waa walaashay mid waliba waxay wadataa tafsiir gaar ah iyadoo taasi jirto illaahay waxa uu aad ugu cabsanayay xisaabtiisa kalmadahan maalinta qiyaamaha, marka dadka qiyaamaha la soo saaro lana xisaabinayo nabi ibraahim (CS) waxa uu odhanayaa anigu rabigay sadex jeer ayaan been u sheegay, imikana waxanu arkaynaa in ay dadku umada hortooda been ka sheegan iyagoo ka xishoonay kana cabsanayn illaahi abuuray.

 

Saara markii ay ogaatay in boqorka masar uu yahay qof xun iyadana uu doonayo waxay go’aansatay in ay illaahay (SW) barido waxayna tidhi “Allahayow adigu waad ogtahay in aan adiga ku rumeeyay iyo rasuulkaaga oo aan iska ilaaliyay xumaanta illaahayow ha igu salidin gaalkaa”

 

Markii ay u soo galeen ayuu boqorkii gacantiisa ku fidiyay si uu u taabto wuu fashilmay gacantiina waxay ku engegtay halkeedi, waxa uu bilaabay boqorkii in uu aad u qayliyo markii ay gacantii dhaqdhaqaa yeelan wayday waxana u yimi kuwo noocisa ah laakiin way kari waayeen in ay wax u taraan, Saara waxay ka cabsatay in ay nafteeda u dilaan waayna tidhi “Rabiyow iga gaxee yaanay I dilinee” illaahayna (SW) waa uu ka caqbalay.

 

Boqorkii muu tooban keenin waxna kumuu qaadan waxana uu u malayeeyay dhacdo laga soo gudbay wuu tagay waxana uu soo weeraray mar labaad mar labadkiiina wuu ku fashilmay waxana uu ku yidhi ii ducee illaahay (SW) ayay u bariday waana laga caqbalay, mar sadexaad ayuu hadana sidii yeelay markaa denbena wuu ku fashilmay waxana uu ku yidh hanada ii ducee waan iska kaa siidaynayaaye, hadana illaahay (SW) ayay u bariday illaahayna wuu ka caqbalay.

 

Boqorkii waxa uu u dhawaaqay kuwii noocisa ahaa waana uu ku yidhi iga fogeeya gabadhan qof iimaad keenine shaydaamad ayaad ii keenteene

 

boqorkii wuu sii dayay waxana uu siiyay shay dahab ah waxa kale oo uu siiyay adoomada magaceeda la yidhaado Haajira, qisadani waa caan markii Nabi Ibraahim (CS) soo galay masar qisadanina ku dhacday ee boqorku ka damaciyay gabadhiisi Saara, qisadununa ay dhex martay boqorkii iyo Saara.

 

Gabadha Nabi ibraahim ee Saara waxay ahayd mid aan wax ubad ah u dhalin, boqorka masarna waxa uu siiyay  dahab iyo gabadh reer masar ah si ay ugu adeegto, Ibraahimna waxa uu noqday nin da'ay madaxuna cadaaday wakhtigaa dheerna waxa uu ku jiray dacwada illaahay (SW), Saari waxa ay ka fikirtay in iyada iyo ibraahim ay yihiin kali wax ubad ahna ayna lahayn waxayna jeclaaday gabadha reer masar ee loo soo siiyay in ay u shaqayso uu guursado, gabadhu waa Haajira, ibraahimna wuu guursaday waxayna u dhashay ilmihii ugu horeyay waxana loo bixiyay Ismacil.

 

Nabi Ibraahim (CS) waxa uu ahaa markii uu dhalay ismaacil nin da'ah, mana garanayno masaafada uu u maray dacwada illaahay (SW) waxana uu ahaa inta badan mid ku jira safar illaahay dartii ah, hadii uu degan yahay maqaamka gurigiisa iyo hadii uu qaado talaabo kale oo socdaal ahba.

 

Nabi Ibraahim waxa uu u socdaalay illaahay dartii waxana uu ogaa aduunyada inta lagu nool yahay in ay tahay ayaamo ka dibna ay xaqu imanayo suurna al afuufayo qiyaamuna dhacayo dadka qubuurahana la soo saari doono.

 

Soo noolaynta dadka dhintay

 

Nabad iyo Jacayl uu u qabo maalinta Qiyaamaha ayaa buuxusay qalbiga ibraahim, waxana uu doonay in uu arko sida uu illaahay (SW) u soo nooleeyo dadka dhintay sida ku sugan quraanka "Markii uu yidhi ibraahim rabiyow I tus sida aad u noolayso dadka dhinta waxa lagu yidhi miyaanad I rumayn waxa uu yidhi haa laakiin si qalbigaygu ugu dego"

 

Ahaan maayo kalgacalka deganaashaha qalbiga ee iimaanka wata wax aan ahayn darajo jacalyka illaahay (SW) "Waxa illaahay ku yidhi soo qobo afar shinbirood qurub qurubna u goo qayb kastana buur ka tuur ka dibna u yeedh way ku iman iyagoo ordaya, waxa aad ogaata in illaahay yahay mid cisi iyo xigmad leh"

 

Nabi Ibraahim (CS) waxa uu fuliyay amarkaa illaahay (SW) waxana uu soo qabtay afar shinbirood qurub qurubna ayuu u jaray, qurub kastana waxa uu ka tuuray buur intaa ka bacdina wuu u yeedhay baalashii waxa ay doonteen garbahoodi, madaxiina waxa uu doontay laabtiisi qurub kastana halkiisi ayuu doontay ilaa ay shinbirihii nooladeen una yimadeen.

 

Nabi Ibraahim oo la socdaalay Haajira iyo Ismacil waadiga Maka

 

Ibraahim ayaa toosay maalin waxa uu amray xaaskiisi haajira in ay soo qaadato inankeena ismacil una diyaar garowdo safar dheer maalmo ka dib ayuu bilaabmay safarkii, gabadhiisa haajira oo wadata inankeedi ismaaciil, inanka yarina uu naaska jaqayay ka dibna naaskii lama jaqsiin, ibraahim waxa uu marayay dhul beero ah ka dibna waxa uu soo galay saxare hadana waxa uu galay buuralay ilaa uu soo galay saxaraha jasiirada carabta waxana uu ku soo hagaagay waadi aan lahayn beero iyo timir geedho iyo  cunto iyo biyo midna aan lahayn, halkaas oo ahayd meel aan lagu noolan Karin ibraahim waxa uu soo gaadhay waadigi waxana uu ka soo tagay daabadiisi waxana uu soo dejiyay gabadhii iyo inankiisi halkaas ayuuna kaga tagay, waxana uu uga tagay in yar oo cunta ah iyo in yar oo biyo ah ka dibna wuu ka tagay.

 

Way ka daba carartay gabadhii ibraahim iyadoo leh ibraahimow halkee ayaad tagaysaa ma waxa aad nagaga tagaysaa meeshan aan waxba oolin, ibraahim waxa uu jawaabay hadhku wuu soconayaa waxay ka ku celisay hadlakii markii hore mar labaadkii waxay fahantay in aanu go'aankani ahayn mid naftiisa ah laakiin uu yahay amar illaahay (SW) waxayna waydisay ibraahim in illaahay (SW) sidaa amray ibraahim waxa uu yidhi haa, waxay tidhi gabadhaa muuminada ah dayacmi mayno mar hadii illaahay sidaa ku amray.

 

Intaa ka dib ibraahim wuu socodkiisi ilaa ay buuri kala qarisay labadiisi gacmood ee karamaysnaa ayuu samada u taagay waxana uu baryay illaahay (SW) "Rabiyow anigu waxa aan ku suganahay iyo duruyadayduba tog aan lahayn beer beedkaaga muxaramka ah agtiisa"  

 

Wakhtigaa muu jirin beedka illaahay (SW) waxana la dhisay mar denbe manay jirin kabcadu iyana waa la dhisay halkan waxa taalay xigmad wayn oo ah tasarufaad xeel dheer, Ismaaciil waxa uu ahaa wiil kan yare ee hooyadii lagaga tagay isla goobtan inankaa yari waa ka noqon doona masuulka waalidkiina la dhisi doona kabcada, xigmada illaahay (SW) waxa ay fulisay in meesha ay ku sugnaato deganaasho lagana taago beedka illaahay (SW) ee dhamaanteen salaada xagiisa aanu ula jeesano.

 

Nabi Ibraahim (CS) waxa uu kaga tagay gabadhiisi iyo wiilkiisi yaraa ee naaska jaqayay saxaraha waana uu soo noqday gabadhiisi iyadoo wiilkii yaraa naaska nuujinaysa ayay dareentay haraad cadceeduna waxay ahayd mid kulul biyihii yaraa ee ay haysatayna laba maalmood ka dib ayay ka dhamaadeen canihiina ka engageen, haajira waxay dareentay in wiilkeeda yari ooman yahay iyadoo wakhtiga cuntadiina ay ka dhamaatay, waxa bilaabmatay xaalad qalafsan.

 

Biyaha Samsamka

 

Ismaacil waxa uu bilaabay in uu haraad la ooyo hooyadiina way ka tagtay iyadoo biyo u soo deydayaysa wayna soo noqotay iyadoo deg degsan waxayna soo gaadhay buurta Safa way ka noqotay iyadoo baadhaysa ceel biyo ah ama dad socota ah halkaan waxba may jirin si deg deg ah ayay uga soo degtay safa ilaa ay soo gaadhay waadigi wayna socotay socod qof aad u dadaalaya waxay ka gudubtay waadigi waxay gaadhay buurta Marwa wayna istaagtay waxayna eegtay hareera si ay cid u aragto laakiin cid may arag waxayna hadana ku soo noqotay inankeedi ismaacil waxayna hadana aragtay isagoo ooyaya oonkiina ku sii adkaaday waxayna u carartay dhinaca safa waana ay istaagtay hadana waxay u carartay dhinaca marwa wayna ay istaagtay wayna carartay totoba jeer iyadoo marna tagaysa marna soo socotan una dhexaysa labada buurod ee Safa iyo Marwa totoba goor ayay marna tagtay marna soo noqotay, sidaas ayayna xujaastu totoba goor marna u tagaan marna u soo noqdaan inta u dhaxaysa Safa iyo Marwa si loo nooleeyo xusuusta hooyadii koowad iyo Nabigii waynaa ee ismaaciil.

 

Way noqotay haajiri totoba jeer ka dib iyadoo daalan waxa ay agfadhiisatay wiilkeedi ismaacil oo haraad la ooyaya hadaba daqiiqadahan quusta ah ayay haleeshay raxmadii illaahay (SW) ismaacil ayaa ku garaacay lugihiisa dhulka isagoo ooyaya waxana ka soo booday lugihiisa hoostiisa ceelka Samsam waxana kor u soo kacay noloshii ismacil iyo hooyadii, intaa ka dib illaahay (SW) ayay u mahadnaqday ilmihiina way waraabisay, waxana bilaabmatay nolol lagu degay goobtaa, waxana rumoobay hadalkeedi markii ay lahayd dayacmi mayno mar hadii illaahay lanaga tagay.

 

Waxa bilaabmatay in ay safaradu degaan halkaa oo ay ka dhaansadaan biyaha, waxa kale oo bilaabmatay in goobtii la dego deegaankuna balaadho.

 

Amarkii gowricida Nabi Ismaaciil

 

Waxay waynaadya ismaaciil waxana ku xidhmay qalbiga ibraahim ismaacil, waxa uu dhashay mar uu waynaaday wanaa uu jeclaaday illaahay (SW) waa uu ibtixaamay jacalkaa dartii waxana uu riyo ibraahim ku arkay isagoo gowracaya inankiisa kaliya ee ismaacil, ibraahimna waxa uu ogaa riyada anbiyadu in ay tahay wax yi.

 

 

Eeg sida uu u dooranayo Illaahay (SW) adoomadiisa, rajee nooc kasta oo ka mid ah noocyada doorashada inagu waxaynu horjoogna nabi qalbigiisu ugu raxmad badan yahay qalbiyada dhulka ku sugan oo ay ka balaadhisay qalbigiisa jacaylka illaahay (SW) iyo jacaylka waxa la abuuray, waxa uu dhalay inankiisa ismaacil isagoo waynaaday waxana uu damcay isagoo da'ah oo rajo qabin in uu ubad dhalo, waxana uu riyo ku arkay isagoo qowracaya inankiisi kaliya ee uu lahaa, nooc kasta oo ka mid ah hirdanka waxa uu la galay naftiisa, waana uu khaldan yahay ka u malaynaya hirdanku in aanu korin waligii oo aanu noqon balaayo wayn.

 

Hadaba mawqifkan ka madhan hirdanka ee dexmaray Nabi Ibraahim (CS) iyo naftiisa kagana tagay raadka iyo caadifada, ibraahim muu is waydiin sababta ka denbaysa qawricida inankiisa ismaacil, ibraahimna illaahay ma waydiiyo amarkiisa, ibraahim waxa uu ka fikiray inankiisa ismaacil muxuu odhan doona marka aad dhulka jiifiso ee aad gawracayso? Ma waxa ka wanaagsan in aad ku tidhaado sidan ayaa ka wanaagsan qalbigiisa una fududaynaysa in uu inta uu soo qabto xoog ku qawraco sidaas ayaana ka fiicanatay arintiina ay ku dhamaatay.

 

Nabi Ibraahim (CS) waxa uu u tagay inankiisi ismaacil waxana uu ku yidhi "Inankaygiyow manaan ayaan ku arkay aniga oo ku gowracaya" eeg maxaad aragtay waxa uu eegay aabihii sida uu u gaarsiyay inankiisa wuu ka tagay amarkii si uu inanku u fahmo cadeecid, amarku waxa uu ahaa aragtida ibraahim oo ahaa waxyi kaga yimi dhinaca rabi sidee ayuu hadaba u arkayaa inan wanaagsani arinkaa?

 

Waxa uu ku jawaabay ismaacil aabo arinkaa hore u fuli "Abaabo fal waxa lagu amray waxa aad iga heli doontaa hadii alle yidhaado in aanu noqdo kuwa samra" waxa uu rajaynayay jawaabta inanka qofka garanaya in la gowracayo oo u muuqato amar illaahay oo doonistiisa soo hor dhigaya si uu walidkii u dejiyo waa samir xaalku nooc kasta ha ahaadee, lagana yaaba in uu jeclaystay inanku isagoo lagu gowracay amar xaga illaahay ah waxana kala cadanaysa jacaylka ibraahim ee illaahay iyo inankiisa mana garanayno dareenka nafta ibraahim markii uu isku dhiibay inankiisi saabirka ahaa.

 

 

Waa ismacil oo dhulka jiifa wajigana dhulka ku haya si aanu u arag naftiisu in uu gowracayo isla markaana ibraahim waxa uu dul hayay mididii uu ku gowricilahaa oo uu gacanta ku hayo isagoo marka illaahay (SW) fulinaya, quraanku waxa uu ku tilmaamay tacbiirtan islaanimo dhab ah isla markaa ay mididina ku socotay fulinta amarka illaahay (SW).

 

Illaahay (SW) waxa uu u dhawaaqay ibraahim illaahay baana furtay ismacil, imtixaankina wuu ka dhamaaday ibraahim, maalintaasi waxay noqotay ciida islaamka ciid lagu xusayo islaanimada dhabta ah ee ibraahim iyo ismacil, ibraahim illaahay (SW).

 

Wayna socota qisadii Nabi ibraahim waxana uu ka tagay inankiisi ismacil waxana uu soo maray dhul badan kaligii maalmo ayaana ka soo wareegay ibraahim waxa uu ka tagay dhulka Al Kaldaaniyiin waxana uu ka gudbay Urdun waxana uu dagay dhulka Kancaan, ibraahim wuu ilaabin intii uu dhacwada ku jiray in uu waraysto Nabi Luud iyo qoomkiisi oo ahaa qofkii ugu horeyay ee rumeeyay, illaahay (SW) ayaana doortay qoom casiyiin ah oo xun in uu nabi ka soo saaro.

 

Markii Loogu Bishaareeyay isaxaaq

 

Ibraahim oo fadhiya kaligii daqiiqad kaliya waxa dhulka u soo degay sadex malag Jibriil, Israafil iyo Mikaa'il iyagoo u eeg dadka aadna u qurux badan, way soo socdeen iyagoo aamusan waxayna u yimadeen ibraahim waana ay u bishaareeyeen, ibraahim waxa uu u tagay qoomkii luud waxana u sameeyay sharci lagu qaado cidii denbi gasha, malaa'igtii way socdeen mid ka mid ah ayaan ibraahim u dhiibay shay, ibraahim markii uu wajigoogi eegay wuu garan wayay iyagoo ku bilaabay salaan isna uu salaamay, ibraahim wuu soo kacay wuuna soo dhoweeyay waxana uu geeyay gurigiisa isagoo moodaya in ay yihiin marti qariib ah wayna fadhiisteen, ibraahim wuu baxay waxa toostay iyana gabadhiisi Saara oo ahayd gabadh aad u da-wayntaaday oo madaxeedu cadaaday ibraahim waxa uu ku yidhi gabadhiisi waxa ina soo booqday sadex nin oo socota ah waxayna waydiisay sida ay yihiin waxa uu yidhi midna kama garanayo cid kalena ma garanayso shakina kuma jiro in ay meel fog ka yimaadeen laakiin dharkooga kama muuqato in ay safar soo galeen ee wax la cuno maxaad inoo haysay?

 

Waxay tidhi waxa aan ahaa neef adhi ah badhkii waxana uu yidhi iska dhaaf oo dibi gowrac una shiil waa marti waxay rartaana ma haystaan waxana laga yaaba in ay fagoro ahaayeen.

 

Ibraahim waxa uu doortay dibi waxana uu amray in la gowraco waxana uu ku bilaabay magaca illaahay waana uu gowracay waxana la bilaabay sidii dibiga loo shiili lahaa waxana la soo diyaariyay cuntadii ibraahim waxa uu u geeyay martidii ibraahim ayaa inta uu hor dhigay gacanta geliyay isagoo ku dhiiri gelinaya in ay cunaan, ibraahim waxa uu ahaa nin aad u karaamo badan waxana uu haystay dibigaa oo kaliya sadexdan martida ahna waxaba ku filnaa ama ka badnaa neefkii adhiga ahaa badhkii, ibraahim wuu dhaqaaqay waxana uu arkay in aanu midkoodna waxba cunayn waxana uu u soo dhoweeyay cuntadii isagoo leh waar maxaad u cuni waydeen ka dib hadana wuu eegay waxa uu arkay iyagoo waxba cunayn.

 

Dhaqanka dadka reer baadiyaha ah wakhtigaa waxa uu ahaa in aan martidu waxba la cunin qofka guriga leh iyagoo ka baqaya sharka qofka guriga leh.

 

Ibraahim iyo naftiisiba waxa la yaab ku noqotay nimankaan waxba cuni la waxayna ugu soo galeen si lama filaan ah waxana uu arkay iyagoo madaxiisa taagan manay wadanin wax gaadiid ah wajigooguna waxa uu ahaa mid la yaab leh waxayna ahaayeen socoto manay lahayn boodh iyo calaamadihii safarka ka dibna waxa uu ugu yeedhay cunto si ay ula cunaan waxana ku korodhay cabsi.

 

Malaa'igtu waxay akhriyaysay afkaarta ku dhex wareegaysa nafta ibraahim mid ka mid ah malaa'igta ayaa ku yidhi ha cabsanin ibraahim waxa uu ugu jawaabay si dhab ah isagoo leh gartay in aan cabsanayo waxana idin keenay cunto waana idin soo dhoweeyay laakiin gacantiina maydaan gelin ma sharbaa iga fisheen? Waxa dhoolo cadeeyay mid ka mid ah mala'igtii isagoo leh anagu ibraahimow waxba ma cuno anagu waxanu nahay malaa'ig illaahay (SW) waxana naloo soo diray qoomka luud waxa kacday gabadhii ibraahim oo goorahaba la socotay doodan ninkeeda iyo malaa'igta dhex martay wayna qoshoshay waxayna eegtay mid ka mid ah malaa'igta waxana ugu bishaareeyay Isaxaaq way aamustay iyadoo la yaaban waxay tidhi "Waxay tidhi hoogaygee ma waxan dhalayaa aniga oo gaboobay ninkayguna gaboobay taasi waa arin la yaab leh" [Suuratul Huud-12]

 

Waxa soo noqday mid malaa'igta ka mid ah oo ku yidhi "Waxa ka denbaynaya isaxaaq iyo yacquub" waxa galay dareen layaab leh qalbiga ibraahim iyo gabadhiisaba, ibraahim waxa ka bacay cabsidii waxana galay qalbiga ibraahim farxad iyo layaab isku jira, ibraahim gabadhiisu waxay ahayd gabadh gaboowday oo tukubaysa laakiin waxa gelgelishay ruuxdeena bishaaradii malaa'igta waxana ay is waydiiyeen wadaadan gaboowday iyo odaygan ibraahim sidee ayay ubad u dhalayaan "Ma waxaad igu bishaaraynaysaan aniga oo gabow I taabtay" [Suuratul al Xajar-54] ma waxa uu doonayaa in uu maqlo bishaarada mar labaad? Mise waxa u doonayaa in uu qalbigiisu ku nagaado bixinta illaahay ku manaystay? Mise naftiisa waxa ku jiray dareen bila'aadam si uu ugu helo kalsooni?

 

Waxa uu la gariiray laba jeer farxad malaa'igta ayaa ku adkaysay in ay si dhab ah ugu bishaareeyeen "Waxay yidhaadeen waxanu kugu bishaaraynay xaq ee haka mid noqon kuwa quusta" [Suuratul al xajar 55] "Ma jiro qof ka quusta raxmada illaahay kuwa halowsan mooyane" [Suuratul al xajar 56]

 

Malaa'igtu may fahansiin dareen bashar isna wuu diiday in uu noqdo kuwa quusta ah waxana uu fahansiyay in aanu ahayn mid raxmada illaahay (SW) ka quustay, bishaarayntaasina kumay ahayn nabi ibraahim (CS) iyo gabadhiisia shay sahlan manuu ahayn ibraahim mid leh inamo aan ismacil ahayn, waxana uu kaga yimi ismacil jaziirada carabta, saara may ahayn mid mudada badan ee wada joogayn mid u dhashay ubad iyadana u guurisay haajira, haajira waxay dhashay ismacil laakiin saara ubad may lahayn.

 

Maalmo badan ayaa ka soo wareegay waxana ay odhan jirtay waa amar illaahay sidaas ayuuna illaahay la damcay iyadoo gabowday oo aakhiru cimri ah ayay la kulantay bishaaradan "Waxaad dhalaysaa inan" intaas oo kaliya maaha ee waxa u bishaaraysay malaa'ig uguna bishaaraysay in inankeedu noqon doono mid sida ay u og tahay dhalashadiisa u ogaan doonto noloshiisa, in badan ayay samirtay ka dibna way ilowday ka dibna waxa timid abaal marintii illaahay (SW) si lama filaan ah oo ka masaxday waxaas oo dhan ilbidhicsi kaliya ilma ayaa ka soo dadatay indhaheeda iyadoo taagan ibraahimna waxa uu dareemay dareen qiiro leh iyo raxmad, ibraahim waxa uu dareemay in uu helay nimco aanu garanayn sida uu u gudan lahaa mahadnaqa illaahay (SW) xaqa ugu leeyahay, ibraahimna illaahay (SW) ayuu u sujuuday, amarkaasina sidaas ayuu ku dhamaaday ibraahim oo ku sugan dad-nimadii ee illaahay (SW) geliyay, ibraahim markii uu ka soo toosay sujuudi ayay ka tagtay cabsidii waxana dagay qalbigiisi, waxana xusuustay in malaa'igta loo soo diray qoomkii luud, luudna waxa dhalay walaalkii Naasix oo deganaa meel ku dhow.

 

Ibraahim muu garanayn macnaha loo soo diray malaa'igta looguna diray qoomka luud iyo cadaabta ku dhacaysay, dabeecada ibraahim waxay ahayd raxmad iyo kalgacal kumanay ahayn cidhiidhi halaaga qoom, ibraahim waxa uu bilaabay in uu la dodo malaa'igta arinka qoomka luud waxana uu uga waramay sida ay iimanka u qaateen markii denbena ugu noqdeen xumaantii waxana uu fahansiiyay malaa'igtii in ay yihiin qoom mujrimin ah muhiimadooduna ay tahay in dhusha lagaga soo tuuro dhagaxaan iyo dhoobo naar ah oo xaga rabi laga keenay.

 

Nabi ibraahim (CS) wuu ka soo noqday isagoo ku waramaya kuwa muuminiin ahaa ayuu ku yidhi malaa'igtu waxay yidhaadeen anagu waanu og nahaya cida muumininta ah ee ku dhex jirta qoomkaa waxayna fahmeen in illaahay (SW) arintan amar ku bixiyay oo la fulinayo amarkii illaahay oo ahaa in la halaago qoomkan, ibraahimna u uu malaa'igta la dooday laakiin amarkii illaahay (SW) ayay malaa'igtu fulinaysay qoomkii luudna sidaas ayaa loo halaagay doodi ibraahimna kamay celin cadaabtii qoomkii luud, ibraahim wuu ka aamusay malaaigtii malaa'igtiina waxay u kaceen dhinicii qoomkii luud.

 

 

Dhis-mihii Kacbada

 

Illaahay (SW) waxa uu yidhi "Markaan u sheegnay ibraahim meesha laga dhigayo kabcada iyo in aanu cibaada illaahay cidna aanu u shariik-yeelin una gargaaro xajka kuwa dawaafaya kuwa jooga kuwa rukuucsan iyo kuwa sujuudsan (27) dadka uga yeedh xajka way ku iman rag iyo dumarbee iyagoo ka imanaya meel kastoo fog" Suratul Xaj 26-27]

 

Illaahay (SW) ayaa ku amray Nabi Ibraahim in uu dhiso xajka (beedka illaahay) illaahay baana tusay halka laga dhigayo xajka, waxana la yidhi waxa tusay Malakul Jabriil, ibraahim waxa uu tagay Maka waxa uu helay ismacil oo jooga ceelka samsamka agtiisa waxana uu ku yidhi ismacilow illaahay baa I amray in aan dhiso masjid, ismacil waxa uu ugu jawaabay samee wixii illaahay ku amray ibraahim waxa uu yidhi mar labaad adigana waxa lagugu amray in aad iga caawiso dhisidiisa, ismacil waxa uu yidhi hadaa waan kaa caawin.

 

Ibraahim waxa uu u kacay xagii masjidka laga dhisi lahaa waxana uu bilaabay dhismihii inankisi ismacilna waxa uu u soo gurayay dhagaxa, mar kasta oo uu saf dhameeyana wuxuu bilaabay safka ka sareeya ilaa uu dhamaaday masjidkii, ibrahim waxa uu ku taagnaa dhagax uu u dhigay ismacil su uu kor ugu dheerado.

Illaahay (SW) waxa uu yidhi "Markii kor ibraahim u qaaday masjidkii waxa uu yidhi illaahayow naga aqbal adiga ayaa na maqlay oo na ogee (127) rabiyow naga yeel muslimiintada tafiirtaydana ka dhig umad islaam ah natusna halka aad na dejinayso toobadana naga caqbal adiga ayaa toobada caqbala oo naxariis badan (128) Rabiyow ka soo dhex saar rasuul ka mid ah iyaga oo u akhriya ayaadkaaga oo bara kitaabka iyo xigmada daahiriyana adigu waxa aad tagay mid cisi leh oo xigmad badan(129)" [Suratul Baqra]

 

 

Nabi Ibraahim (CS) waxa uu dhisay masjidkii ugu sharafta badnaa isagoo ka dhisay goobtii ugu sharafta badnayd tog aan lahayn goodo ehelkiisa waxa uu illaahay (SW) u baryay in uu illaahay ku arsaaqo midho iyagoo jooga meel biyuhu ku yar yihiin dhirna aan lahayn iyo in uu illaahay ka dhigo xaram aamin ah, waxa kale oo ibraahim illaahay ka baryay in umada ka denbaysa ka soo saaro rasuul ka mid ah iyaga oo jidsiyadooda ah luqadoodana ku hadlaya barana kitaabka iyo xigmada illaahay (SW) wuu ka caqbalay waxana uu ka soo saaray carab dhexdeeda qabiilkii ugu sharafta badnaa Nabi Maxamed (CSW).

 

Ibraahim markii uu dhameeyay dhismihii kabcada waxa uu ku yidhi inankiisi ismacil ii keen dhagax aan dhigo koonaha si ay dadku u gartaan waxana u keenay jibriil Xajar aswadka wuuna qabtay waxana uu dhigay halkiisi.

 

 

Baraarujin:

 

Si loo ogaado xajaru aswadka in uu ahaa yaaquud cad lagana keenay jannada laakiin markii ay taabteen mushrikiintu ayuu madoobaday, kacbadu waxay ku beegan tahay Macmuur dusheedana waxa ah masjidka ay ku tukadaan Malaa'igtu maalin kastana waxa soo booqda totobaantan kun oo malag marka ay ka baxaana aan dib ugu soo noqon.  

Dimashadii Nabi Ibraahim (CS)  

Waxa uu Nabi Ibraahim (CS) dhintay isagoo dadiisu tahay 200 sanno sida laga fahmayo xadiiska  Ibnu Xabaan: waxa kale oo la yidh ibraahim waxa uu noola 175 sanno, Ibraahim markii uu ka so haajiray Iraq waxa uu degay falastiin waxana uu ku noq-noqon jiray maka si uu u soo ogaado xaalka ay ku nool yihiin inankiisi ismacil iyo hooyadii Haajira.  

Waxana aasay labadiisi inan ee ismacil iyo isaxaaq waxayna ku aaseen qubuurihii lagu aasay Gabadhiisi Saara  tuulada la yidhaado Xamruun oo maanta loo yaqaano Khaliil oo ku taala falastiin.  

Illaahay (SW) iyo Rasuulkii Maxamed (CSW) sida ay u amaaneyn Nabi Ibrahim (CS)  

Illaahay (SW) isaga oo amaanaya Nabigiisi Ibraahim waxa uu yidhi "Ibraahimkii oofiyay" ibraahim waxa uu oofiyay wax kasta oo illaahay amray oo ah qaybta iimaanka kamanay mashquulinay fulinta amarada illaahay wax kale.  

Waxa kale oo illaahay (SW) yidhi "Markii illaahay ku ibtixamay kalmado wuu dhamays tiray illaahay waxa uu ku yidhi dadka ayaan kaga dhigayaa imaam waxa uu yidhi tafiirtaydana waxa uu ku yidhi illaahay balan kayga kuma jireen kuwa dalimiinta ah" ibraahim markii uu dhamaystiray wixi illaahay amray ee ah waajibaadka waawayn dadka ayaa looga dhigay imaam si ay ugu deydaan, ibraahim waxa uu waydiisatay illaahay (SW) in imaam-nimadan ay ku xidhiidhsanato tafiirtiisa, illaahay (SW) waxa uu ugu jawaabay inaanay wanaaga lahayn dalimiintu ee khas ay ku tahay inta tafiirtiisa ah ee muuminiita ah iyo kuwa wanaag farayaasha ah.  

"Waxanu siinay isaxaaq iyo yacquub dhamaantoodna waanu hadaynay nuuxna tafiirtiisa hore ayaan u hanuuninay, da'uud, saleeban, ayuub, yuusuf, muuse iyo haarun, sidaas ayaana ku abaal marinaa kuwa wanaag falayaasha ah (84) Sakeriye, Yaxye, Ciise iyo Ilyaas waxay ka mid ahaayen kuwa wanaagsan (85) Ismacil, Yasac, Yuunis iyo Luud dhamaantood waxanu ka fadilnay caalimiinta (86) aabayaashoodi iyo duriyadoodi iyo walaalahood waxanu ku hanuuninay dariiqa toosan (87)" Suratul Ancaam]  

Nabi Maxamed (CSW) isagoo amaanaya Nabi Ibraahim waxa uu yidhi "Waxan istaagi doona goob ay khalqiga oo dhami ay rajeeyan ibraahim" tafiirta Nabi ismacil kuma jiro Nabi aan ahayn Nabi Maxamed (CSW).  

Halkaas ayaana ku soo dhamastirnay qisadii nabi ibraahim (CS) inagoo website badan ka soo aruurinay oo carabi ah, Waana website hoos ku qoran.  

http://www.alqasas.com/

http://www.khayma.com/qsesalanbia/pages/Ibrhem/Ibrhem.htm

http://www.alnoor-world.com/Prophets/heja.asp

Waxa si wada jir ah u diyaariyay  

C/fataax Xasan aadan

Axmed Ismacil Xasan (Bucul)

Email: Cabditaax_96@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE