Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

MAANSO CUSUB  - GOGOL-DHIG   (ISMAIL M GADIID)      

Goobtu waa Dimishiq cariga Syria, Waxaanan soo booqdey xabaashii Geesigii Muslimiinta ee qarniyo tegey waa Salaaxudiin al Ayuubi, xaaladu hada sidey u eeg tahey iyo sidii geesigaasi ula tacaaley waa laba kala fog, ninba meeshii bugtaa isagey balbashaaye waxaa i hor yimid carigii aan ku ababey waa dhulkeygii hooyo, eedaadkii la soo marey iyo sidey hada loogu dheeldheelayo, googoldhig wuxuu soo baxey 07/02/03 wuxuu yidhi:

 

Tixda gabeyga jiiftiyo         Tirinta geeraarka

Gidigeedba heeladiyo          Gebbi ahaanba maanso

Gadhwadeeno uma helin     Garasho waayeele

Gacan qabasho waa sadee   Miyaa ley gardaadiyey

Gawska waxaan ka cabaa    Dhaxal ma guuraane

RABBAA igu galadey hibo   Mahadna guulaa leh

Balanbaan ku gelayaa inaan   Samo ku guuraaye

An gorfeeyo xaajada cigow    Maqalkey gudoonsii

Waayaha guduutaa ileyn       Gellinba waa ceyne

Sidii gulaamo roobo dhulkii  Galshada wada buxshey

Gudcur madagooyo adigoo    Guuro bahaleeyey

Mahiigaan gudaaya haduu     Ku simo guudkaaga

Geedna kaa dheer yahey iyo   Meelaad ka gasho tiix

Qadhqadhyada jidhkaga gashiyo  Jidhiidhicada goysey

Garab la!aanta ku heysiyo       Qamuunyada iyo guuxa

Geyigaa wixii kaa qabsadey    Gocosho kugu reebye

Waxa taas gadeeda ah              oon laga gayooneynin

Garaadkoo la diidiyo              Tallo ma guuraan ah

Afartaa marti gelliniyo          Gogol-dhigeedii dheh

Gunta ceelkaan u dagoo        Dhoobada ka soo gurro

Farta waxaan ku godayaa     Goobey malaxdu jiiftaaye

Maxaa danbi la galayaa        La gees marey wanaagii

Maxaa xadhig la guntayaa    Guban iyo ilaa hawd

Maxaa macsi la goobayaa      Goor iyo ayaanba

Maxaa maxas la gubayaa      Gargaar uga baahneyd

Maxaa gaban la daaliyey      Kaba quustey guushii

Maxaa tallo la gembiyey       Nimey gobo! Kasoo tidhi

Maxaa dumar go!doonsan    Giriyaad dhexdiisii

Maxaa arin golleyn lahaa      Gebbi loogu sii wadaa

Maxaa looga gooshayaa         Geyigan mee dadkiisii

Inkastoon godobo hore          Haakax idhi dhowr goor

Inkastoon gobolkani              Guudkiisa calan sudhey

Waa gadii hadraawiyo           Ganney faaladiisee

Guulo sheegtahaa badan       iyo geed is mariskee

Sawkan geedibaaboo arladii   Gellinba seegeynin

Tollow geesigii mee                Goormuu dayoobey

Sawkan gudhey abwaankii    Godlan waayey doorkan

Ragii geedka tegi jirey           Sawkan ganey  la!aadkii

Ragii gaadhka heyn jirey       Sawkan gaabshey doorkan

Taariikh guunn ah iyo           Wax la yidhi gu!yaal hore

Gabadhbaa ninkii qabey        Gaboodkii ku diidoo

Maslihii la guuryoo                 Gogleyba ardaagiii

Gobaad hooyadeedoo              Garan la! Xaajadanni

Erey garra Tibaaxdoo           Kuye Gacalayaaloow

Gaban waa ka dhali laha       Gaasira seygeeduye

Gashi daacadaan jirin,          Waxaan uga golleeyahey

Ninkan gooshkan manta        Guursanaaya xoriyo

Sumad gaaruu leeyahey        Oo lagu gartaa

Midaan dabrka goyninoo      Gasiinku xalaal yahey

Dadnimadu ka go!an tahey    Geyina xaaraanta

Wanaagu gaashaan u yahey   iyo gadhlow diintu

Agoontana gobeeyoo u leh       Dabacsanaan gaara

Ka gilgisha xumaantoo          Dullmigana gumeeya

Hadaan gaariyoow kaas        Loo gileynin  doorkan

Guuloo bixiya mooyee           Gobonimo ka dheer welli     

 

 Ismacil Maxamed Gadiid

gadiidsomaland@hotmail.com SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE