Prof. Samatar: Aqoon-xumo
W/Q Axmed Iid Aadan
Jaamacadaha iyo macaahiddii culuumta diiniga iyo kuwa maadiga ah lagu baran jiray ee ku yaallay dalalka islaamka qaarkood sida Masar oo kale xilliyadii hore waxa sida la xaqiijiyay ka soo bixi jiray aqoonyahanno aqoonta diinta iyo aqoonta maadiga ahba aad ugu fiican, cibaadaysta, amaanada ilaaliya,tixgelin iyo maamuusna bulshooyinkooda kula noolaan jiray, aqoonyahannadaasi dalkooda iyo dadkooda waxay kusoo kordhin jireen waxtar badan oo loo bogay.
Sidaas wax la ahaadaba , waxa dhacday in gumeystayaashii reer galbeed ee Afrika iyo Aasiya soo galay ay ka xumaadeen tacliintii tayada lahayd ee dalalka islaamka ee Masarna ay kamid ahaan jirtay,in kastoo ay dooneen inay tacliintaas xoog kaga hor tagaan hadana waxay is tuseen in aan aadamiga xoog lagu muquuniyaa wanaagsanayn, waayo mar uunbaa laga hoos bixi haddii ay muquunin wax ku wadaan, sidaas darteed waxay go'aansadeen in ay xeelad wax ku baabi'iyaan, tab ay waligood wax ku maamulaan oo iyadoo aan la dareemayn cadaadisna lagu hoos jiro cadaadiskooda dhanka aqoonta ku saabsan.
Xeeladdaas ay dejiyeeni waxay noqotay in jaamacadihii iyo macaahiddii qiimaha lahaa ee aqoonyahannada fiicani kasoo baxaayeen laga ag furo dugsiyo yar yar oo aan macno sidaas ah lahayn hayeeshee la buunbuuniyay oo ay shisheeyahaas aan islaamka ahayni maamulaan, ciddii ka qalin jabisana ay lacag badan iyo shaqo bil kasta siiyaan.
Shisheeyihii markiiba way bilaabeen hawshoodii la dagaalanka aqoontii
tayada lahayd, waxana dhacday inay ardaydii dugsiyadoodaas ka qalin jabisay lacag iyo mushahar badan oo aan yarayn ay ku miiseen waliba ay macallimiinna ka dhigeen, macallimiintaas oo ay ka qayb qaadaynaysay sii wadidda hawsha.
Ardaydii nidaamka caynkaas ah wax ku baratay waxay muddo yar gudaheed noqdeen qaar isku filnaaday, shaqaystay, guryo dhistay, wax qabsaday, dadkoodii duulduulkii lacagta wax kasoo gaadhsiiyay, afka Ingiriisiga wax ku qori kara nasiib darrose diinta iyo dadnimada kale ay ku yar tahay, ninka caddaanka ah, Yurub iyo Maraykanna ay la weyn yihiin.
Markii ay bulshadii wadanniga ahayd aragtay sida xaal noqday, markii ay bulshadu aragtay ardaydii jaamacadaha iyo macaahidda waaweyn ee diiniga ah ka baxday oo shaqo la,aan awgeed suuqyada kolba dhan u dillaamaaya iyo kuwii dugsiyadii caddaanka ama shisheeyaha ka baxay oo ladnaystay, hanti iyo hoy leh,afkuna cad yahay ayay dadweynihii door bideen iyagoon saamaynta timaadadada ay arrintani ku yeelanayso ka fekerin inay caruurtooda qoraan meelahaa hadhow marka ay ka qalin jabiyaan shaqada iyo lacagta la siinaayo - waa dugsiyadii shisheeyaha ,e - jaamacadhihii iyo macaahiddii ay
aqoonyahannadii maamuuska lahaa kasoo qalin jabin jireenna sidaas baa lagaga leexday oo waliba dacaayado iyo dhaliilo aan macno saa usii ridan lahaynna loo faafiyay.
Halkaa marka ay arrintu marayso akhristuhu wuu garan karaa baan filayaa in ay gumeystayaashaasu dhagax keliya laba shimbirood ku wada dileen, inaan saa idhaahdona waan ku adkaysanayaa sababtoo ah waxaa ii muuqda labadan guulood ee ay nimankaasu dadaalkoodii aqoon xumaynta ahaa kasoo hooyeen;
A. Waa mida horee, dadkiibay aqoontii kala dagaalameen, oo halkii uu
awal nin jaamici ahi kasoo bixi jiray waxa kasoo baxaaya nin dugsi
aqoontiisu aanay tii jaamacadda ama machadka u dhigmayn kasoo qalin jabiyay, waxaas uu soo bartay jaadkuu doono ha ahaadee.
B. Iyo mida labaad oo ah , halkii uu markii hore kasoo bixi jiray
aqoonyahan diinta ku fiican, cibaadeysta,oo waxtarana waxa dhiggiisii kasoo baxay nin aqoonyahan lagu tilmaamayo oo afka Ingiriiska wax ku qori karaya,ninka caddaanka ah iyo gaalkuna ay maskaxdiisa ku weyn yihiin, waana noocan , jaadkii ay rabeen inay soo saaraan , si uu dantooda u fuliyo, ta umaddiisana uu u baabi'iyo.
Labadaas arrimood markay ku guuleysteen,ayay u gudbeen inay waxbarasha iyo goobaha kale ee aan iyaga hoos imanna si dadban ay umaamulaan, nidaam ay u dejiyeena ay ku dhaqaan, si uu meel walba uga soo baxo aqoonyahankii ay doonaayeen ee dantooda fulinayay, iskuna hor taagaan aqoonyahannada diinta ku fiican ee umadda anfici lahaa, taasna way ku guuleysteen, oo maanta haddii adoon meel kaleba tagin aad eegto dhulka soomaalidu degto, Somaliland ha ahaato, ama Soomaaliyada kaleba ha ahaatee, waxaad maqlaysaa iyadoo la leeyahay hay'addii UNESCO ayaa manhajkii ay ardaydu baranaayeen
dejinaysa ama buugaagtii soo daabacayso, qofkii wararka dalka la socdaana wuu ogyahay in maalmo dhoweyd ay hay'addaas iyo dawladda Somaliland is yare qilaafeen sababtoo ah waxay diidanayd casharro cusub oo ay dawladdu u dejisay ardayda dugsiyada in kastoo aanaan maqal hada waxay arrintaasu ku dambaysay.
Waxan ay shisheeyaha aan islaamka ahayni waxaas oo dhan isugu
hawlayaan waxa weeyi in aanay umadda dhexdeeda kasoo bixin aqoonyahanno dalka iyo dadkaba bedbaadiya; diinta ku fiican, daacadnimona leh oo tukanaaya.Waxay doonayaan inay soo saaraan qaar aqoonyahan sheeganaaya, oo aan xaga diinta ku fiicnayn,balwad hadduu doono leh, Ingiriisiga oo marka la sheekaynayo hadalka lagu soo dhex daro ama waraaqo yar yar lagu qoro wax weyn u haysta, ninka cad ama dalalka galbeedka oo la tago ama la joogo jecel, bulshadiisa ama qarannimada dadkiisana aan ku fekerayn amaba u daran, iwm.
Maalmahan dambe, waxaan bogagga internetka qaarkood ku arkaayay dad badan oo ka jawaabaya qoraallo iyo ficillo uu sameeyay nin la yidhaa Cabdi Ismaaciil Samatar, ficilladaas oo ka dhan ahaa ama uu doonaayay inuu qas iyo qalalaase kaga dhex abuuro waftigii sare ee Somaliland ee booqashada rasmiga ku tagay dalalka Ingiriiska iyo Biljam. Haddii uu mudane Samatar kasoo jeedi lahaa meel aan ahayn Somaliland waxba naguma ay ahaateen, ee waxa wax laga xumaado ah in mudane Samatar oo ah nin reer Somaliland-na,kana soo jeeda
degmada BOORAMA,uu waqtigiisii iyo tamartiisii oo idil hadh iyo habeen ku bixinaayo sidii uu u burburin lahaa - Ilaahay dalka ha badbaadiyee - qarannimadii iyo dawladnimadii ay bulshadiisu gaadhay.
In kasta oo aan in badan is weydiiyay waxa mudane Samatar arrintaas
liidnimada ah ku kalifay, hadana markii aan in badan ka fekeray waxaan
dhaafin waayay inuu kamid yahay midhihii kasoo baxay dadaalkii ay
shisheeyuhu u galeen sidii ay bulshooyinka ugu soo saari lahaayeen
aqoonyahankii ay ayagu doonayeen, kaas oo danahoodana aan ka hor
imanayn , ta bulshadiisana u daran
W/Q Axmed Iid Aadan
E-mail : ahmediid@hotmail.com
April,11 2004