Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

MAANSO CUSUB -  SIYAASI CADHOOLE

Waxay soo baxdey 30/ 03/ 03 waxa curiyey Ismail M Gadiid - London. 

Waxay maansadu ku bilaabantay:- 

Diridhaba iyo Caleydhoow            

Waxaan Cududeyda

Samow    Caqligeyga                       

Ka Reebana Cuudka

Qabiilka  ka Caagan                       

Ku Caawinayaa

Ragaas Cilmigooda                          

Yaxaaska Cadheysan

Ku Carbinaya Maanka.

                      

Ragii Cawadooda

Ciyowga Diraayey                    

Hotmaylkan Cararaaya

Yahoo-gan Cidhbinayaa                  

Haatufiyo Caynkeeda

Anigu Camalkayga                          

Cosobsanayaa haatan

Cidhifyada Aduunkaan                   

Codkeyga ku Baahin

 

Saaxiibkey   Cawaaloow

Cajiibka iyo Yaabka

Can-kiisa  iyo Gawska

Carabkiyo Dalqadiisa

Afkaas wax Cantuuga

Carigii iyo Umadiiba

Cakuye  Dhex taalaa

 

Gaariyoow Cimri-dheere

Waxaad Caynku Sheegtey

Caroogii Saboolka

Codkii  Dadka Baahan

Anaa Cudha Heysta

Adna Caawa kulkeyga

Cabshadeyda Dhegeyso

Hadey Cunayaanoo

Cidina Ayna u Maqneyn

Ceelna Aanu u Qodneyne

Ka  Caabi  Xagaaga

 

Cabdoow Dibed-yaalka

Cabaadku Ka Yeedhey

Ciillkoodiyo  Taaha

Caloolyawga Naftooda

Suugaantaas Cabiraaya

Cibrana Ku Qaatey

HODANIYO CARUURTII !!!!!!!!!

Naftoodu  Carawdey

Cadaan iyo Madowba

Indhahoogu Casaadeen.

 

Siyaasi  Cadhooole

Ictiraaf  Caydhsigiisa

Caamadaa  Umadeena

Codkooda Ka Siista

Dabadeed  Cabaaya

Dhiigii Curdinkooda

Cagabaruurkiyo Shabeelka

Ceynba-ceyn Ugaadha

Shinbiraha Cidooda

Ubaxiyo Caleenta

Camirey Guryahoodii

Damiirka ka Caagan

Agoontiyo Caydhaas

Cidna Ayna Daryeelin

Caliyow Saxiib Maanta

Cunaheynu U Fadhiisan

Caynka Iyo Beydaynu

Calooshooda Ku Giijin

Bulshadan Casilanna

Warkeynu u Cadeyn

Tuugan Cilmiyeysan

Cidduu Doono Ha Sheegto

Ceebtiiseynu  Iftiimin

ILLAAH baa CAADIL ahe

Ka Ceyrsha Xagiina

Wanaagana  Cusleeya

Xaqeynu Cuskaneynaa. 

 

Ismacil M. Gadiid -   gadiidsomland@hotmail.com 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE