Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

MAANSO  - DULMI 

Waxa curiyey Maxamed Xaaji Cali - Hargeisa

Gabaygan waxa tiriyey Maxamed xaaji Cali oo Hargeysa ku nool. Wuxuu kaga hadlayaa gabaygan dhibaatooyin bulsho oo tiro badan, kuwaas oo uu ku tilmaamayo Dulmi. Wuxu yidhi:

In dhawaydba waataanan dayin, deelkii maansadaŽe

Waayahan ma daalacan murtida darafyadeediiye

Diiwaankii gabayada mafurin guŽiyo dayrtiiye

Hadba aniga oo daayaybaa wax i danqaabaane

Maantana mid aan doortay, oo diinta ka hadlaaya

Oy dihatay laabtaydubaan, daafta soo dhigiye

Daqiiqado bal daymada qalbiga, iigu yara deeqa

Dadku waa dayoobaye wacdiga yaan bal laga daynin

Culimadu dadaalkeed waa inay diinta fidisaaye

Digniinta iyo waanada hadaan laysu daba joojin

Iblays aan ka daalayn ayaa loogu daw galaye

Intuu duufsadaabuu weliba deli ka tuuryayne

Dulmar iyo sarbeeb iyo kollay duurxulbaa jiraŽe

Haddaan hoos u daadego oo si wacan daaha uga faydo

Danta iyo ujeedada haddaan diirka kacadeeyo:

Dulmi iyo waxaa jira beryahan diidow fara weyne

Daafaha maagaalada hadaad daankastaba eegto

Dariiqaad istaagtaba dhulbaa laysku dilayaaye

Iga durug adaa soo durkay ayay dirirtu joogtaaye

Ama meel dadleeyahaybaa mid kale damac ku qaadaaye

Iyadoo mid degeybaa ka kale dhagax dul keenaaye

Kii loo dacwoodaa ka daray ooysku sii diraye

Sharci laga danbeeyaa majiro ooy cidi danaysaaye

Iyaba waa dulmiga taagan een cidi ka doodayne

Docdan kale Ducaalow hadaan yarahe daymoodo

Miyigii lawada dayray oo duul kalaa helaye

Dhulkii maalku noo daaqi jiray laysu dacareeye

Maba digo rogtaan xoolihii oo loo dardaar weriye

Deegaankii lagu foofin jiray dalawadii geela

Dalsankiyo banaankii majiro darariyii hawde

Dabarbaa ku xidhan oo mar qudha maba dareeraane

Dalagna lagama beerine dhulkii waa la doorsadaye

Nin waliba halkuu doonaybuu dayrku meersadaye

Sidaa doobi xoorle u dhantaan sooma daahirine

Iyaba waa dulmiga taagan een cidi ka doodayne

Docdan kale Ducaalow hadaan yarahe daymoodo

Cibaadadii ladaa iyo beryahan faralkii diineede

Duhurkoo lagalaybaan salaad cidi danaynayne

Inkasoo la daakiro ragbaan digigixoonayne

Masjidkoo dafoo buuxabay dacal ka dhaafaane

Ramadaanta qaarbaa dab shidan duhurka maalmeede

Qaarbaa cuntada daaliga aan haysan cudur dare

Dacaamkiyo sharaabkaba ragbaan daynin oo wada,e

Iyaba waa dulmiga taagan een cidi ka doodayne

Docdan kale Ducalow hadaan yarahe daymoodo

Daroogadatan qaadkiyo dhirtaa maanka lagu doorsho

Dacartaa Itoobiya katimi ee laysku dabar gooyay

Dabiibay u wada baahanyiin duulka cunayaaye

Daybaaq suniyo qori dablay daanka dhigayaane

Naftoodiina dile maalna way dabar jaraayaane

Digri kuma jiraan iyo cilmiga dayashadiisiiye

Dambi iyo xumaanbaa guryaha lala dingiigaaye

Dalluuntii xabaashiyo kollay aakhiraa darane

Wayska dayn lahaayeen haday dib u jaleecaane

Geedkaa wax daan daamiyee lagu dayoobaayo

Dhib wuxuu dadka u gaystaybaan idin dareensiine

Inkastoon dadaaloo wax badan dood ku falanqeeyo

Dafcad kaliya kuma koobi karo ee waa dul marayaaye

Imisaa daraadii waxbadan loo deldelay geedkan

Imisaa ladilay oo qabriga iilka lagu duugay

Imisaan diyana cidi ka bixin oo duudsi laga yeelay

Dariiqyada intii laga helay ee dawga lagu laayay

Dabalaab intii lagu riday ee duudka laga toogtay

Gaalleefta danantiyo intii daabcad lagu aasay

Inta layska daayiyo intii laysku daba joogo

Godobaha dahsoon iyo wixii duulal kala jiifa

Rabbibaa dawayn kara wuxuu daadiyee dhigaye

Dibjir iyo wuxuu wiil ka dhigay dayday laga quustay

Inta awgii loo dayriyay ee debed wareegaysa

Intuu dayn ku gooyiyo intii daalac lagu yeeshay

Darxumiyo intuu gaaja baday diifna kaga howday

Inta waalli daahira ahee suuqa duluflaysa

Waxan dumar dariiqyada fadhiya ee meel xun darayaysan

Inta lagu dalaaqiyo intii gabadh la siidaayay

Wuxuu reero dumiyiyo wuxuu qowsas kala daadshay

Rabbibaa dawayn kara wuxuu daadiyee dhigaye

Intuu dilay intuu dooriyaa kaaga sii darane

Darbiyada ragaa yuurura ee uu tegay dareenkoodi

Sida duunyadoo kale ragaa dooga cuna maanta

Ubadkoodi nimankaa dayacay ee doojin kari waayay

Debedey kajoogaan iyagu dayrkii nololeede

Nimuu qaadku daashaday marlay daacad lag waaye

Ubadkiyo durriyaduu dhaliyo ducafadii xaaska

Isagoon marnaba hoos u dayin doocna ka bahaynin

Amaba aan dabloo shidin ayuu daba marteeyaaye

Dayn ku helyayaa iyo mid kale deeq u fidiyaaba

Dekhliguu magaalada ka helay ugu daguugyaaba

Duhurkii markay tahay waa inuu labada duubtaaye

Hadii kale rasuulkii dirraa iyo daayinkaba cayye

Nimuu qaadku daashaday marlay daacad laga waaye

Tii daadahaysee isaga dihatay ee keentay

Dusha tii ku qaadee wax badan daal la socon wayday

Danbarkeeda tuu dhamay markuu dunidan soo gaadhay

Ku duwdayee horaadada, marnaba gaajada u diiday

Duqsi inuu ku joogsado isaga saxarna uu daaro

Dabaysha iyo dhaxamaha siday uga daboolaysay

Dugsi hooyadii seexisiyo damalka hoostiisa

Waxay duugto duugtoba hooyadii danab kasoo saartay

Durduruu ku dhaafaye marnaba hoos umuu dayine

Duqii aabihii ee waxbadan duudka ugu dhaanshay

Isagoo daryeelkiisa wada meelfog ugu doolay

Duruufaha lasoo maray adadag duraha jiilaalka

Isgana qorshaha kumaba darin ee waa ka debedaase

Daris iyo xigaal iyo intii daaqsin lagu gaadho

Dun intay wadaagaan iyo intii daawo lala yeesho

Inta laga ducaystiyo intii waano laga doonto

Midna uma daneeyee haddii dadarta loo dhiibo

Cidi kama danbaysee hadduu daabulada qaato

Farxadbuu dillaacaa siduu daarjannaad galaye

SuŽaal kama diqoodoo baryada wawgu darartaye

Dadkuna waa u simanyahay markuu doonayee raboŽe

Ninkii aan u dirinbuu bakhayl daran ku sheegaaye

Allahayow muxuudilay ragii dumarna raacsiiyay

Waxa soo dunuubuu dhigiyo qaarkasiidarane

Iyaba waa dulmiga taagan een cidi ka doodayne

Docdan kale Ducaalow hadaan yarahe daymoodo

Ninka diinta caayaa wuxuu galay dunuub wayne

Dulmi aad u culusbuu ku dhacay iyo daanno xoog badane

Daliilkii Duraankiyo sharcigii daafta uga boodye

Diintii islaamkuu ka baxay duhur dharaareede

Gaalnimo inuu daahirsaday ayaa maragma doonto ahe

Daliil adagna waa loo hayaa oon cidina diidayne

Ka dalaaqme dumarkuu qabiyo dahabadiisiiye

Ma dukhuulo daartuu ku jiray haatan dabadeede

Darmada iyo goŽiisuba ilay debeda weeyaane

Doc kadhaaf dariiqii jannada dawga loomaro,e

Iblayskii ilaah nooga digay ayuu dabada haystaaye

Isna ruux dugaashaday marlay naarta kula duulye

Kuwan dadarta iibshaa u badan diinta cayyada,e

Hadba waxay dabeecado horliyo darato keenaanba

Durbaankii iblayskiyo hadday daramal qaateene

Dariiqay ku gadayaan hadaad dacal kasoo dhaafto

Damdamta iyo qaylada ka bixi daasada iyo yuuska

Madaxoo dayaamiyo qalbigay dakharo gaadhsiine

Nina anigu kuma duulaniye daacadbaan ahaye

Dankaleeto kama aan lihiye waan u digayaye

Nin dacaayad wada mayhi iyo weliba deelqaafe

Nin u diir naxaayaan ahoo dani kahaysaaye

Dar Ilaahay maansadan ninkii duubay baan ahaye

Ninka diinta caayaa wuxuu galay dunuubwayne

Dulmi aad u culusbuu ku dhacay iyo daanno xoog badane

Fircoonkii ilaahay dafiray ayay damac wadaagaane

Isaguba wuxuu doobiyuu diririg leeyaaba

Duqyaan iyo wuxuu kibir ku falay dunida guudkeeda

Wuxuu daansha daanshooday oo madasha doon yaystay

Nimco wuxuu duduurtuu in badan nabad ku daaqaaba

Duntii banu israa iil wuxuu doorkii ka idleeyey

Dumar uun wuxuu uga tagayuu danabadii laayay

Nabi Muuse wuxuu dabin u dhigay amase doon doonaay

Markuu aayadii wada dayey eebbe ugu deeqay

Waa tuu kufaar soo dalbaday sixir kadiin yeeshay

Duxaa laysu soo baxay bannaan uu dadkuba joogo

Xaqii goortuu daalacay ayay wada dareereene

Degdegbay sujuud ula dhaceen daayim amarkiise

Dulibaa karaaciyo halkaas diiqad iyo ciile

Isagiyo kuwuu duufsaday ee daba qamaamaayay

Duuflaaladii uu watay iyo doqomadii raacay

Waatii bad lagu daadiyay eey damashka raaceene

Deegaanka naartay kujiri daayim abidkoode

Daliil adagna waa loo hayaa oon cidina diidayne

Duulalkii horaa lagu halligay diidmada ilaahe

Kuwii daadku qaadiyo kuwii doonta laga fuulay

Kuwii daarahoodiyo rugtii iyo dayrkii lala gooyay

Dabaylaha kuwii lagu rogiyo weliba duufaanka

Qaylada dalluunka ah kuwii lagu dayaansiiyay

Daayeerada kuwii laga dhigay ee eebbe wada doorshay

Ciqaabaa kusoo degey wixii diinta caasiyaye

Waxba gabaygu yuu ila durkine waxan kusoo dayray

Intaasaa digniin noogu filan waano dabadeede

Digrigiyo quraankiyo cilmiga daacada ogaada

Udegdega salaadaha dadyow dunidi waataase

Maxamed Xaaji Cali

Hargeysa, Somaliland

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE