Indhawayd badiisaba magelin baanihii gabaye
Hadana qaar bogaygiyo qalbiga buuxabaa jiraye
Haddaan baabka dayo oo xaaladahan ba,an ka
sheekeeyo
Waayahan wax weynbays bedelay dunidii bashoow
e
Bari iyo galbeed gaaladii way bulanayaane
Muslimkiina wuu baahsanyahay beerna may dubane
Badankoodu waa baylahdaa waana baqayaane
Biilkilinton bush iyo baleer buutin iyo
shaaron
Nimankaa ban maray ee xaqii baasha uga weecday
Baandadan kufaara ah iyo raggaa badilka u
heelan
Isbuunbuunintoodiyo gafkiyo faanka iyo beenta
Warka borobagaandada ah ee koonka lagu
baahshay
Bandow inay arlada saarayan ayuu badowgu
moodaye
Baarliin bikiin iyo italy amase baariisba
Isbahaysigoodiyo intii daba baqoolaysa
Ciraaq kuwan usoo bu,aya ee aad baarqabada
moodo
Baqdaad nimankan lagu sheegayo ee baadhista
ujooga
Colka bilikis wado ee kayimi beledul
khaansiirka
Buush nimankan uusoo dirtay ee wax u
basaasaaya
Beentooda weeyaan waxay soo bandhigayaane
Waxay dunida ugu baaqayaan waa barkuma taale
Bilayskii aduunkaanu nahay ayuu haatan buush
yidhiye
Baastoolad lama qaadankaro ayuu baaq kusoo
diraye
Billaawihiyo tooriduna waa waxan banaanayne
Budhadhkiyo bakooradaha dhiga waa
batraannimo,e
Hubkan uunka baabi,iya ee maanta lagu baano
Bayoolajiga iyo sun iyo iiq wax lagu buufsho
Banaadiiqda laysugu hanjabo amase baaruuda
Wixii loogu babacdhigo dagaal aniga oo haysta
Aqalkaaga waan baadhayaa waa batraannimo,e
Waxay baaxad sheegteen iyo waxay xoog is
bidayaanba
Iyaba bi,idnilaahiye mar dhow way burburayaane
Baroorbaw danbaysiyo jab iyo baaba iyo hooge
Baaxaa degoodaan arkaa way banjarayane
Haka biqina gaalada nasrigu waa mid soo bixiye
Hana baraqnuglaanina ifkuba waa bil iyo wiige
Kolaytaba baqoolbaynu nahay oo waa
bixitimaynaaye
Bayaankii rasuulkiyo xaqaa lagu badbaadaye
Aakhira waxaa ba,ay ninkii baybal aaminaye
Qudustaa yuhuudigu gilgilay ee dhiigga laga
buuxshay
Barqadii timaadaba wixii boqol lalaynayay
Barbaar iyo caruur iyo haween looma baab
dayine
Balanjaale gaalihi wuxuu belo samaynaayay
Muslim wuxuu bireeyiyo wuxuu carab ku
baalbaalay
Wixii guri baldoos lagu ganbiyay ee baabba
laga yeelay
Buus laguma odhan maalin qudha ee waw
burmanayeene
Beentooda weeyaan waxay soo bandhigayaane
Waxay dunida ugu baaqayaan waa barkuma taale
Boosniya sidii loogalay iyo bara kicii gaadhay
Wuxuu bahalka seerbigu shacbiga baaska
marinaayay
Bamgarayntii maatada wixii ubad labaabiiyay
Wixii mayd banana yiil wixii bacadka loo
saydhay
Wixii kumanka booraamihiyo bawdka lagu tuuray
Belaayooyinkii dhacay markaa beledkii
qiiqaayay
Bini aadannimo iyo xuquuq waa labaalmaraye
Beentooda weeyaan waxay soo bandhigayaane
Waxay dunida ugu baaqayaan waa barkumataale
Waxay baaxad sheegteen iyo waxay xoog
isbidayaanba
Iyaba bi,idnilaahiye mar dhow way burburayaane
Baroorbaw danbaysiyo jab iyo baabba iyo hooge
Haka biqina gaalada nasrigu waa mid soo bixiye
Hana baraqnuglaanina ifkuba waa bil wiige
Kollaytoba baqool baynu nahay oo waa
bixitimaynaye
Bayaankii rasuulkiyo xaqaa lagu badbaadaaye
Aakhira waxaa ba,ay ninkii baybal aaminaye
Boqoradan carbeed ee kursiga biliga loo saaray
Baatroolka nimankaa helay ee maalka badan
haysta
Nimankaa barwaaqadu hodday ee aad bilista
moodayso
Raggan gacanka baashaalaya ee bidix
kalaafyooday
Muslimiintan bahardaadabaa soo baraarugiye
Inkastoy bidciyo shiicayiin haatan badankoodu
Beershiyana nimanbaa fadhiya ba,an wadaadow,e
Basra iyo ciraaq iyo turkiga amase bayruudba
Bari dhexe raggaa jooga ee ciilka lagu
biirshay
Beeraha kishmiir iyo ilaa beledkii sooharto
Bagastaan bangaladhiish iyo intii bari kasoo
jeeda
Buuraha afqaan iyo dhulkii gaalka laga
baacshay
Dhufaysyada bushtuugiyo dhulkuu Ruush ku luga
belay
Jeejniyadan shuucuga kabadan iyo bacawga loo
daayay
Muslimiintan kala biiqdaybaa soo baraarugiye
Afrikadan cilmigii laga badshay ee baahan
abidkeedba
Ee uu bililiqaystuu qarbigu horay usii boobay
Ee yurub usoo beretanto ee lagu bilkeedaayo
Wuxuunbaa kasoo bixi iyana bi,idnilaahay,e
Waxba yaan bayaankayga gabay badinin
sheekhow,e
Markii diintii laga baydhaybaa layna
baacsadaye
Muslimiinta lama beegsan jirin bari
samaadkiiye
Hakabiqina gaalada nasrigu waa midsoo bixiye
Hana baraqnuglaanina ifkuba waa bil iyo wiige
Kolaytoba baqoolbaynu nahay oo waa
bixitimaynaaye
Bayaankii rasuulkiyo xaqaa lagu badbaadaye
Aakhira waxaa ba,ay ninkii baybal aaminaye