MAANSO - DIBAD HAW HILOOBINA
WAXA CURIYEY CALI A. CAWALE
Waa maanso aan tiriyey 1999-kii maalin nin dheg-cas ahi iga cadheysiiyey, waxaanay ka hadlaysaa dhibka qurbaha iyo dawlad la'aantu waxay inna dhaxalsiisey. Ali A. Awale.
Ninka dibad ku suganee
Waddankiina sugayee
suntan baan ahaayoo
Waxa saaka iga maqan
Ama sabankan maanta ah
Saranseerka igu riday
Suus iyo xanuun iyo
Igu taray surmiga badan
Saxaraha carbeed iyo
Sunta reer galbeedkiyo
Kuwa nacay sinnaantee
Midab sooca weligood
Saani ugu sheqeeyeeen
Cidba sooryo sharafliyo
Ugu deeqin weedh saxan
Silic ula ag joogaa
Ninkaygii sarreyn jiray
Subag iyo baruur iyo
Solay diiran cuni jiray
Suubban caaneheediyo
Dambarkeeda sugi jiray
Waxan maanta sulubow
Soos iyo bigaysiyo
Saanwij ugu afurayaa
Talaa sibiq I dhaaftoo
Socotoo la waayoo
Raacdada silooniyo
Safar aan degeyn iyo
Surimada qalloociyo
Biyo sare u jeedaan
Halka ay sal-dhigayaan
Sugeyaa warkoodoo
Sahankiiba iman waa!!
anna waa sadkeygee
dhibkan aan ku suganahay
hatigaadda subax nool
nacab igu sameeyaan
cadho sara kacaayoo
hadba samada eegaa
kaba soco idhaahdaa
isla saacaddaasaan
sasabaa naftaydoon
arrin yuu ku seegine
salfudeyd ka dayoo
ku idhaa sabaankiyo
saacays beddeliyoo
samo waa la gaadhiyo
inyar samirka door mood
waxa sida tan ii galay
ragannimada iga siray
igu yidhi sabool noqo
sacabkiyo gacmaha dhigo
sido dhiilka caydhee
baahi qoorta ii sudhay
soddonkii sanee tegey
surmigii inala degey
haddii gudaha salaw iyo
surbacaad ka dhici jiray
dibeddena siciidow
sirir baan ku joogoo
sicii faarsa nacayee
soddon qaday sidiisii
saranseerka igu dhacay
saaxiibkay ciisow
dusha waxan ka saaraa
soomaalinnimadoo
calan iga sarreyoo
sita sharafta qaranoo
safiirkii matalayiyo
sumcad dawladnima loon
ka dugsado saraayaha
kolka xaal si iga yahay
lagu soo hirtaan jirin
hadraawow sax iyo maan
garashada siraadka ah
nimu eebbe siiyoo
Allihiisu soocoo
suubaan salaaxiyo
xaqa ugu sid tiriyoo
hawl sigib tirkeediyo
runta sabada taalliyo
dhabta iigu sooroo
daacadaan sugaayoo
saabbaan biyaha daray
sannadahan damboo idil
waan suursanaayoo
xaalkaygu saaxiib
sakaraad ma dhaamee
waayahaygu sara tegey
loo suure waayoo
waxba yaan saluugine
malaa waa sadkaygoo
rabbi baa sidaa qoray
saqda dhexe habeenkii
selel baan la toosaa
soo sare fadhiistaa
dhabannada salaaxaa
waxa ii sanqadhayee
igu riday sawaxankiyo
soohaaha ii baxay
waa sahanka leexdiyo
arrinteennan sigateen
inla sabato bixiyiyo
sabteed u xaydnahay
sayxana Allaa baday
kitaabkii galkiisiyo
laga saaray hoygee
ragga dibed ku suganow
inakoo sidaasoo
sahwigaa ku nooloo
sinji-diid agtiisiyo
qurba-nacaska soo ligan
inta gudaha soommani
waxay kugu sifeeyaan
ninka soofshay geelee
dhallaankii sugaayee
sanqadhiis la waayiyo
sayiddada habsaamoo
adigiyo safkaagii
suulbaa ku godanoo
suxul doob ku raagtooy
sidkeed dhaaftay xaajadu
adna waxa ku samirtaa
nafta lagu sasabayaa
beritay saldhiganoo
seetada adkaatiyo
laga furi silsiladaha
saari koodhka caydhoon
sahaydayda ururtiyo
sanaadiiqda gurannoon
dhulkii hooyo uga socon
safar ugu galaa bixin
suubbanow dalkaygii
gurya samo intaan dego
saxariirkan kaga bixi.