MAANSO LA MAGAC BAXDAY "VOTE" WAXA CURIYEY MAXAMUD AXMED SHUNUUF
Maansadan layidhaa "Vote", waxay soo baxday july-11-2002dii, waxaanay ka shidaal qaadanaysaa geediga ay Somaliland ugu jirto inay ka guurto habkii beelaha oo ay u gudubto doorashooyin ku salaysan habka dimoqoraadiyda. Maansadani waxay isugu jirtaa guubaabo, hoga-tusaalayn, iyo wacyi-galin. Manasadan waxa tiriyey Maxamud Axmad Shunuuf oo ka mid ah maamulayaasha ardaaga lagu kaydiyo suugaanta Somaliland eey sumadiisu tahay, http://shunuuf.tripod.com . Wixii su'aalo ah, ama tallo ah waxaad ku soo hagaajisaan e-mailkayga: shunuuf@yahoo.com.
Maansadu waxay ku bilaabmatay sidan:
Quraankaan furayaayoo
faataxadaan marayaayoo
fooxaan shidayaaye
fadkaa soo kacayee
inagu soo foolee
fooskiisu baxaayaan
foorihiisa arkaayoon
halku fooda dhigaayo
foorarkiisu ku beegmo
intaanan furin reerka
aan fikradayda ka dhiibto
faaladeedna ku siiyo
---------------------------------------------------------
wax kastoo fa'ido keena
kolay tahay xoolaha fooffa
foojignaan kama maarmaan
iyaba wey fakadaanoo
firdhadbaabay noqdaane
xornimada ha fududaysan
guusheeda u faydo
farahaaga ku haysoo
faraqaaga ha sii dayn
--------------------------------------------------------------
fidmadeeda adduunka
fajaceediyo yaabka
filimaan badnideeda
fiiro gaara u yeelo
xisbiyada fifgigtooda
faankoodaad maqlayso
ee is faadhfaadhinyaa
midna janadii fardawsa
furaheeda ma haystoo
albaabkeed furimaayee
falalkoodii horeetiyo
taariikhdood ha la fiirsho
intaan foodka la siinin
----------------------------------------------------------------
kolkii faras magaalaha
faashka laysla dhacaayay
xabadda lasysku furaayay
ee ehelkii is fajaasay
falaadhiihi la ridaayay
finiinkii ka qarxaayay
dadkii feedhaha beelay
fidaa'igi ku naf waayay
fooshii lagu dooxay
firka_nixii ina dhaafay
fanta keenayaashii
furuq abuurayaashii
fidinaayay cudurada
ragii lagu daba faylay
ee arrintaa fulinaayay
iyo hadhaagii faqashtii
wallee foodka ma siiyo
-------------------------------------------------------
fidmo qabiil ka timaada
kala fogaynta dadweyene
iyo fasahaad dhalinteeda
qofkii foofkiisu ahaado ee
fayrus uurka ku beera [virus]
oogadeena ku faafsha
fiix halisa noqonaaya
fangas galiya jidhkeena [fungus]
ee ku fidiya dhiigeena
wallee foodka ma siiyo
------------------------------------------------------------
fiyujarka dalkeena iyo
doorashada fooda u saaran
aqonsiga uu filanaayo
qofkii aan fulinayn
fiiro gaara u yeelan
een dugsiiyo furayn
faafinaynin tacliinta
dhaqaalaha ku filaysiin
Walee foodka ma siiyo
-----------------------------------------------
qofka farankii dakhligeena
baanka fraans dhiganaaya
fooqaq waawayn dhisanaaya
dantiisuun fulinaaya
kursiga fuulistiisuna
kali fadhiisi uu yahay
faraqiisuna buuxo
fiisadiisana haysta
walee foodka ma siiyo
-----------------------------------------------------
qofka fiirada gaaban
fikrad aan waafi ahayn
oon ku filaanin dadweyne
goobtii lagu faqaayiyo
aan fagaaraha keenin
oon faqiirkiyo taajirkuba
farxad iyo raynrayn
ku caloolo fayoobayn
wallee foodka ma siiyo
---------------------------------------------------------
qofkii felsefed hoose
intuu dib iila fireeyo
halkii fooda aan saariyo
figta aan tiigsanaayiyo
farajka aan daba joogiyo
fadxiga aan sugaayo
facaygaan higsanaayo
iyo iga reeba filkyaba
wallee foodka ma siiyo
------------------------------------------------------------
wixii ummadeena u fiican
ruuxii farta aan uugu fiiqin
een falawgeed qabanayn
een fawdada ka ilaalin
een foolxumada u diidin
cadawgeenna ka fogaanin
wallee foodka ma siiyo
-----------------------------------------------------------------
siyaasi fidmo doona
Caaqillo fojerro sita oo
fayl madhan la ordaaya
iyo Ugaas fucfucleeya
oo fuluus eryanaaya
Suldaan fasahaadiyo
colaad u fidsho mooyee
wax kale noogu filaynna
walle foodka ma siiyo
------------------------------------------------------------------
siyaasi fadhfadhleeya
dhulkeena faganayn
dahabka soo furfurayn
macdanteena faqanayn
beeraheena fananayn
xoolaheena fayawna
falfalkooda cunayan
fiiqsanayn maraqooda
een feenanayn lafahooda
isku filaasho ku taamin
walee foodka ma siiyo
--------------------------------------------------------------
taladii la foorariyaana
waxaanad filanayn iyo
fajac bay dhalisaaye
xaajadaan laga fiirsan
hadday buuraha fuusho
oo xalkeedu fogaadana
qofkii fanankeeda yaqaan
falanqaynteeda u heellan
faaqidaadda ku xeel dheer
faaladeed garanaaya
ee furdaamin ogaabaa
faraha loo galiyaaye
fursaddan qaaliga ah
ruux uu maanku ku faaro
farsamadeedna aqoonin
wallee foodka ma siiyo
--------------------------------------------------------------
Dhammaad