Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Maanso Cusub - JEEL

 

Maansadan Waxa Curiyey Yusuf Dhamac Xasan

 

 

Waxay soo baxday maansadani 17/01/2005, waxaan u tiriyey ninaanu walaalo nahay oo layidhaahdo Yaasiin Dhamac oo wakhtigaas ku xidhnaa Magaalada Gothenburg ee cariga Sweden, markaa waayaha aduunkaan uga waramayey isagana qalbigaan u dajinayey,
 
Wuxuu yidhi
 
Yasinoow aduun kala jabyoo, jeexba meel qabaye
Jamhuuriyaday kala noqotiyo, jeesas kala yaale
Jahlibaa xoogaystoo Garaad, jeelka soo dhigaye
Jabaabir Yuhuuda qabsadiyo, jidh-xun Maraykaane

Ninkastoo ragg jookara, juubay yidhaahdeene
Rag ninkii jikaarana walaal, Jantaa loo nacaye
Iskaat-baa naflihii lagu jariyo, Jiibka kaaraha e

Jig-jigiyo ilaa Jiinja iyo, Juuqdii Filibiinka
Jeexyada Indooniiskiyo ilaa, jiirta Faransiiska
Jarmal iyo Jabaan iyo intii, wadan jabaabiira
 
Jumaykiyo intii Karabiyaan, taala Junaraada
Indiyaanka jeexaa iyo, intii jaaha sumadaysa
Isku jooga Eeshiyiyo intii, wadan lasii jaara
 
Jufadii galbeediyo dhulkaan, Johor ku maalaayey
Jaamacada Carabtiyo hadaad, Jurusalaam gaadho
Jihadii aad eegtaba Islaam, Jixin-jix loo diidye
 
Weli jihaadkii Falastiinbay, jalowdu yeedhaaye
Afgaanbaa jantaha loo naciyo, jiibka kaaraha e
Suudaanbay jabhado hoosiyo, jundi ku saareene
 
Yamanbaan jaha-wareer ka bixin, siday u jiidheene
Jiiradii Riyaadiyo Dahraanbay, jiinku cabayaane
Jamac lagu salaadiyo Turkay, eedaan ka joojeene
Iiraanbay jarteedii wadaan, oo haatan u jeedaane

Ciraaq sidii loo jaraan weli, jidhiidhicoodaaye
Jidh-xunimada hoosa ka daran, ee ay la joogaane
Nimuu jiidhku damqadaa Afo, waabu ka jeestaaye
Jinowduu ninkeedii diley, sino kuma jujuubeene
Waayeelka joogsadiyo caruur, ma uu janteeyeene
Iyana jeelal dhanbay raggii, jidh-xunku fuuleene

 
Jaflihii Sadaamna maxkamadbaa, loola joogsadaye
Wax joornaaladu qoraan ka badan, ama jaleecaane
Wataa jasiiriba ku daashay, hadaan la is jikaarayne
Jaliiloow Alloow noo gargaar, Jaamac baad tahaye

Afartaas sidii ina jadeer, jiim ma ka higaadshay
Ma jareeyey bayd-gaabku wuu, kala janjeedhshaaye
Jeer ka kalena waa hadal yaroon, helay jawaabtiisa

 
Jilib-jilib-bay Aadame jeexba, meel ku ooteene
Qaarbay jiilkii soo kacaba, saaka jarayaane
Qaarbay jidiinkii dhaqaale, jufo ka saareene
Qaarbay jiidhkiyo halbawle, kalyaha jeexdeene
 
Qaarbay jiro xanuuniyo, jeermis u dhoofsheene
Qaarbay garaac joogtiyo, jidh-dil ku laayeene
Qaarbay jaaliskiyo hurdada, jiifka ku gaadeene
 
Qaarbay janaalada xumaantiyo, judhuun ku waaleene
Qaarbay jibka wadnihiyo xadeen, jaaha eegaha e
Qaarbay jinsi bedaleen oo, jiidhka fur-fureene
 
Labadii is jecel, jiidh iyo walaal, way kala jareene
Jaar iyo sokeeye, jiil iyo xigaal, way kala jireene
Qaarbay juuc ku laayeen, oo jaamahooda cunaye
Jirde hooyadii qalatay, saaku galay jaldiga taariikhe
 
Jidhaamana kamay helin, waxay dunida jiin-jeene
Jawhorkaygii aasnaabay weli, joog ku xadayaane
Iyagaa joog-dheertayda baday, juuca gaajada e
Jal-boobkaygiiba laga dhistay, jarahan dhaadheere
Jaliiloow Alloow noo gargaar, Jaamacbaad tahaye

Afartaas sidii ina jadeer, jiim ma ka higaadshay
Ma jareeyey bayd-gaabku wuu, kala janjeedhshaaye
Jeer ka kalena waa hadal yaroon, helay jawaabtiisa

 
Yaasiinoow jab iyo guulba, waynu u joognaaye
Jirjireyna Aduunka lagu yaqaan, waaba jaah sida e
Waa daar jikaar badan oo, jaxarku yaalaaye

Waa duni jidkaad martaba, jaqaaqdu yeedhaaye
Waa duni jidhaan Ibliis, jalas looga tumayaaye
Waa duni waxaad jamataaba, jiir ay korayaane
Waa duni loo wada jeelan yahay, jaaha lacageede
 
Waa duni jaamacaadku dhigaan, jaajuusnimadiiye
Waa duni jar-jar la dhaafsaday, jeldi wanaagiiye
Waa duni nimaad jaantii toli, jartaa degayaaye
Waa duni nimaad jaaw tidhi, jeedo ku weydiine
 
Waa duni jookar liidoo, jarqinku faanaaye
Waa duni ninkii jilicsanaa, saartay janaraale
Waa duni jaan-jaan taajira, loo jiibinayaaye
Waa duni ninkii jeeb madhan, laga sii jeestaaye

 
Waa duni jaamici iyo waxgarad, jeelka loo diraye
Waa duni Jiir iyo Bisadi , Jeer u heshiiyeene
Waa duni jaad lagu waashiyo, jiinka biiraha e
Waa duni surwaal jeexaniyo, jiinis loo xidhaye
 
Waa duni jeestadii noqotay, jir-jir la xiirtaaye
Waa duni Jaale iyo Wasiir, jaafaa-jirqayaane
Waa duni jareexiyo fartay, jikaar haweenkiiye
Waa duni Habar jeebliyo garoob, la isku jarayaaye
 
Waa duni jacburku dhaafay, jiinleyda maansoode
Waa duni jaafaa-jufliyo, jaahil haleeyeene
Waa duni labadii is jantiyo, jacayl is waayeene

 
Duni weeye jiidhkaagiyo, jaar ku dilayaane
Jaadkasta nimay siisiyo, kii juuc u dhimanaaya
Waa duni jibaadeen, oon jacayl dhamaanayne
Jacbur gaaday mooyee la waa, Jirde goocsadaye

 
Jarta ay u taal waxa u dhigey, Joogihii weynaaye
Jacaylkiisa maahee ma jiro, ku aan jar saarnayne
Jamaalkii Rasuulkiyo (csw) sidu, Jaliil inoo sheegay

Marka jahligu xoogaystabaa, cawda loo jariye
Wakhtigiibaan joognaa, ama jidkiisii haynaaye
Jaliiloow Alloow noo gargaar, Jaamacbaad tahaye

Afartaas sidii ina jadeer, jiim ma ka higaadshay
Ma jareeyey bayd-gaabku wuu, kala janjeedhshaaye
Jeer ka kalena waa hadal yaroon, helay jawaabtiisa

Ragba nimaan mar soo jabin, jiimka laga waaye
Jirabkiyo dhibaatada waa la inagu, jaf-jafayaaye
Jeelku waa ayaamee ha is odhan, waad ku jiri uune
Jaliilkaan baryoo dhawaanbaad, jimicsan doontaaye
 
Jabado barwaaqiyo waxaad geli, jawi farxadeede
Jalaadida xadiiskiyo quraanka, waad ku jeestayne
Jidkii Rasuulkaad raaci iyo, jihadii toosnayde (csw)
Joogaga cilmigaa laguu furi iyo, jiimka aqooneede
 
Jaamacad saraysaad geli ood, jiidan aqoon dheere
Maskaad jiidhiyo godkiisana, waad ka jaakidhiye
Jeeraarada Tuulkaad ka gaban, halista jaadkaase
Afadaad jeclayd iyo ubadkii, waad la joogsaniye
 
Waxba yaanay ila jiidane, hadaan jaro sangaabteeda
 
Waxan oo janaalee aduun, juuqkastaba gaadhay
Ama joornaal iyo warbaahin, jiidhay dhagaheene
Ama jastiyo ciyaaraha fudud, kubada jeestaysay
 
Ama janalada xumaanta, ee jiifka lagu dheelo
Ama jar-jarka sooshalkiyo, jaynka laguu tuuro
Waa jidkii gumaysiga oon, jaakeed loo xidhine
 
Jihaahkii Islaamkaa dhaw iyo, gaalo jebintiiye
Jaahil iyo nin liitay rabaan, inay ku jeedshaane
Iska daa jirdaha dhoofiyo, ninkii jabad la taagnaaye
Raggii Johor maalayaa saaka, jaan la gurayaaye
 
Jar-jar lagaa dhaciyo ka weyn, arinku jees-jeese
Jadh-jadhbaa laguu barayaa, jamaaciirka waalida e
Car yaan jalaadida qalbiga, lagaa dhiganin joornaalo
 
Yuusuf Dhamac Xasan
Coventry, U.K
aar9923@hotmail.com

 


SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE