Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Maanso Cusub - Garasho La,aan

 

Maansadan Waxa Curiyey Yusuf Dhamac Xasan

 

Waa jawaabtii Gar-naqsi, Waxay soo baxday 20/06/2006,
 
Fiiro gaara : - Maansadan Akhristow waxaad si fiican u fahmi kartaa markaad soo akhrido maansada ka Saraysa ee la yidhaahdo Garnaqsi
 
Wuxuu yidhi :-
 
Gargaarow xalaan helay Adeer, E-mailkii gaabnaaye
Maansadii Garnaqsina my dear, waan gudoonsadaye
Doqontaan garaabine tixdani, dhaxalgal weeyaane
Garashada fayow kuma jirtuun, guud-cadaadiga e
Waxa gabayga kaa keenay waa, garasho dheeraane
Garaadadii ku dhaliyo aabahaa, waad ka geysan tahaye
 
Gadhka Saylac, geeskaa Barriyo, Geerisiyo faafan
Gol-janiyo Hargeysiyo ilaa, Aradka Gaaroodi
Guban iyo ilaa Hawd sare, goofafkii Daraawiishta
Geyigii Soomaaliya ilaa, dhulkaan gumaystoo dhan
 
Markaan guri Abwaan iyo ka imi, golihii suugaanta
Nimaan gabay aqoon iyo markaan, gana’ kusoo laabtay
Markii aan gantaalaha samaystiyo, hubka wax gumaada
Een geestaa Dayixiyo u kacay, Maaris guradeeda
Inkastaan ka gaabsaba lahaa, Gudbanta maansood
 
Mar hadaad I gooli baadhay, waan godlinayaaye
Godkiisa Mankaan baraninbuu, gaatir ka yeeshaaye
Gaawaha usoo qaado tixbaan, kuu gundhinayaaye
 
Afartaa sidii gaal tadhahay, foog ma ku googoostay
Godkii Aanisteen iyo miyaan, Galiilyo weydaarshay
Ma gool-kickay beyd-gaabku, wuu kala gantoobaaye
Ga’da kalena waa maansadaan, soo gudbinayaa
 
Gunta Xabasho, Gaaniyo Sa’iir, Giriigiyo Ruushka
Gadar iyo intii wadan Carbeed, Gacanka sii saaran
Garacdii Yuhuudiyo Lubnaan, guufka Falastiina
Nimay gaajo dubatiyo Hindiya, Geed-xunkiyo Siiga
Inta gaal-is-moodiyo Turkiga, Jayniiska gaagaaban
Oh-my-God Afrikaankiyo intii, dhaqata geel-baaska
Gunimadu waa waxaan Ciraaq, loogu galahayne
 
Hadii aanad is giijinayn ood, inuun garaabayso
Gaal iyo Islaam waa ogyay, inaad ginida daacdeene
Ganjeelooyinkaan idin dajay, walaad gama’la jiiftaane
Wataa is gooniyeyntii jahliga, aad ka gudubteene
Galbeed iyo nin jiitey hadaad, geesta ka raacdeene
 
Gireedhada aqoontiyo wakaas, digriiyo gaadheene
Garaamarkiyo afkayga, hadaad kuba geeraarteene
Garoobaha Cadaankiyo, Habrihii goonidu dishootay
Wataa Gaalo iyo Siigba, aad ka guursateene
 
Gabooyihii la yasey, waydinkaa gabdhaha siiseene
Haweenkaad gumayseen, uu gubay xijaab-baasku
Waakuwaa ganbada daadiyee, guudku laydhsadaye
 
Gabdhahan ragoodii eryey, ee ganafka taagaaya
Iyo guufka naagihii ku haysta, googo’a sooshaalka
Godobaa dhex taalay, iyo waxaan gacal ogaanayne
Marka horeba ways-gaadayeen, ee waan la garanayne
Hayeeshee gar-naageed, iyo ninkii galaya yeelkiiye
 
Wanaagaan idiin galay nin ragi, wuu garanayaaye
 
Aduunbaa garnaqsi soo tirshoo, igu barani geeraare
Hadii aan gef sameeyiyo jiraan, dhibaan idiin geystay
Ganeybaa ka maansoon lahaa, Gaariyiyo Qayse
Maxaan kaa gantaalayn waxaadtay, gaban caruureede
 
Afartaa sidii gaal tadhahay, foog ma ku googoostay
Godkii Aanisteen iyo miyaan, Galiilyo weydaarshay
Ma gool-kickay beyd-gaabku, wuu kala gantoobaaye
Ga’da kalena waa maansadaan, soo gudbinayaa
 
Gar-gaarow waxaad tahay nimaan, taariikh garanayne
Geshi aan yaraynbaad qabtaa, jeer lagaa gudo e
Diiwaankii gaboobiyo hadaad, jiraha goobayso
Wax taariikhda galaybaa jiroo, cidi ka goynayne
 
Geyigaad ka timidiyo Arladan, goodi iyo goodi
Guyaal iyo guyaalbaan dunida, soo gil-gilayuune
Rag nimaanan gaadhini ma jiroo, gaadh kasoo qabane
Nimaan galay, nimaan gaadiyo, nimaan gantaaleeyey
Nimaan gubay, nimaan gawraciyo, ku aan imika gaadaayo
Gay iyo intaan maan ka dhigay naag, guudka fidhanaysa
Gabay laguma soo koobi karo, gabanyahow caruureede
 
Waxba gabaygu yuu ila durkine, waxaan kusoo gooyey
Garta iyo xaq-soorkaba markaan, kaala simay gaalka
Gartaa weeye my man inaad, igu gabi-dhaclaysaaye
 
Gunbaadtay ku odhan maayo, manaad dhihin hadalkii gobeede
Waligay nin geedka iiga baaqay, guul lamuu hoyane
Bal inaad Gabyaa jiitayoo tahay, gaafka ka higaadsha
God kale ka maansood, hadaanad gabayo soo dheegin
 
 
Yuusuf Dhamac Xasan
Coventry, U.K
Aar9923@hotmail.com
 


SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE