Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Maansadii - Garnaqsi

 Waxa curiyey  Yuusuf Dhamac Xasan
Magalada Coventry, ee dalka Ingiriiska

 

Maansadan oo la magac baxday Garnaqsi, waxay soo baxday 02/10/2005, waxay ka hadlayaa dhibaatada qurbaha, siiba wadamadan Galbeedka, markaa ninkan Khabiirka ah ee la Yidhaahdo Galbeed Guunyo, ayaan u garnasadey,

 
Waxaan ku halqabsanayaa nin odaya oo degan Magaalada London ee Cariga Ingiriiska oo la yidhaahdo Rashiid Cali Maygaag,
 
Waxay tidhi :-
 
Gacalkayow Rashiid Cali, Adaa guurtida ahaaye
Adigaan Garaad fiican kugu ogaa, garasho waayeele
Adaa geesigii Meygaag ku dhalay, oon gabanahayne
Adigaa Gireedhaha Cilmigiyo, qaatay Garaaj-weyje
Garaamarkiyo adaa Ilaah ku baray, gaalka luqadiise

Cadho gaamurtaan sidaa, iyo ciil gandoodsadaye
Waxa aad guuleystoow tidhaa, gaalkan Ingiriis

Soomaalidii lasoo gelefee, gacal kusoo mooday
Ee caadooyin gibiliyo lahayd, dhaqan ma guuraana
Ee gabadh iyo ninkeedii ahayd, guri xishood yaalo
Halkay gogoshii martida eegaysiyo, hilib la geedeeyey
Good-baad u qarisiyo Abees, Halaq gur-guurtaa dheh

 
Waligaa Galbeedow kaad gaadi, waad u gogoshaaye
Guurkii hana qaadiyo qoysna, waad ka gubataaye
Gumaystahaan ka nimid adaa, gireedho sii dheere

Maxaa gurri dhisnaa aawadaa, gelelefmoo ciirey
Gabadh iyo ninkii qabay, maxaad gooni kala geysay
Maxaa Oday gaboobiyo Islaan, sooshal kala geeyey
Maxaa geesi aqalkiisa tagay, geetka laga ootay
Gadhmadoobe iyo doob maxaa, dumar kasoo giigay

 
Godobli’I maxaa aawadaa, gabadh lasii daayey
Gobonimo aan dhamaateen, maxaad gaalo naga siisay
Maxaad gaari qurux lahayd, gayaxa ka siibteen
Maxaa gacal iyo xigaal is-jecel, habeen kala guuray
Gaboobiyo maxaa nin weyn, gabadanada loo saaray
 
Maxaa geesi aan jeclaa, gantaalkaagu ku habsaday
Tobankay gardaadsheen inteed, goblan ka taagteen
Imisaad u gacan haadisoo, gocor la doon-doonay
Imisaad wiil garbaduubtoo, garaadku duugoobay
Gir-giradaas rawdhkiyo suuqa, haashka guranaaya

Gidigood dadkaygii ma jiro, ruux aan gubanayne
Guri-guri colaadaad dhigtiyo, guhaadiyo buuqa
Gadh-wadeenadaydiyo halkaad, guurti marinayso
Ganboolay iyo haween halkaad, geysay taladooda
Galabtii la joogaba intaad reer, geba-gebaynayso

Sidaad ii gashiyo weydaydaa, Galowgu ooyeene
Shimbiraha Gabraartiyo Haadaa, diiday gama’iiye
Garanuugta aydiyo Cawshuna, geedahay ka soomeene
Gor-gorka iyo Fiintuna ilmaday, gabax ka siiyeene
Gabay laguma soo sheegi karo, sidaad noo gumayseene
Gaagaabsan maayee maxaad, gaasas naga hoysey

 
Afartaas gefafkaan tirsanayiyo, ararta geeraar dheh
Cadho gaaxatoo baryahan, gure-heed weyduun dheh
Afar kalana waa guudmar iyo, go’aan wadareede
Gacalkayow Rashiid waxaad tidha, hadalka oo gaaban

Gefafkaan tirsanayaa ka badan, galalka ciideede
Gaal iyo Islaam ma jiro, ruux ii garaabaaye
Gartaydii ma luminine, golahaan la sugayaaye
 
Gadh-weyntaba Gadh-weyn kalaa, laga hor geeyaaye
Raggii geedka ii tagi lahaa, badh guurbay sugayaane
Badhna goo’go lacageed iyo, ginibay tabcanayaane
Badhna gurri-dhis iyo min-yaro, geelbay dhaqayaane
Badhna gaboobiyo Islaamay, guntigooda xadayaane

 
Badhna geediga siyaasadiyo, gorfaynbay ku daaleene
Badhna gulufka reerkiyo, qabiilkay gubaabshaane
Badhna gardaro sokeeyiyo, sunbay gadhoodhshaane
Badhna laba gardaaqiyo danaystaa, weli ku guuruune
Badhna Garaadada Suldaaniyo, garoomay u waasheene
 
Badhna gubtaan xanuuniyo cuduray, la golon-goleene
Badhna garaadkay waayeen oo, waanad garanayne
Badhna waa shax guurtoo, geerarkaabay xiirteene
Badhna gabadh warkeediyo, ganbaday soo weriyaane
Badhna gabaldaye sidiisay, galaba cayn noqdaane
 
Badhna gabanaday dhaleenbay, gaal ka jirayaane
Badhna googo’ii sooshaalkay, gabadh ku haystaane
Badhna gabalkii dhacaba naagtaa, loo garnaqayaaye
Badhna go’ii loo tuuriyo, gidhaawt kamay soo hadhine
Badhna Gaasiraa keentay, oo dibad ma gaadhaane
 
Badhna adaa gumeeyoo naag, gondaheeda dhigaye
Badhna gaasaskii Af-weynay, Yurub ka goobaane
Badhna garaadkiyo caqligii, garoomaad ka dhigateene
Badhna gumaysiga dahsooniyo, Tiifigaad ka gadateene
Badhna godadka yaahuudiyo, jeelalbaad ku gurateene
Badhna gabanada Isboortigiyo, goolashay ku daaleene
 
Badhna goobaha jaadkiyo, marfashyaday gandoodaane
Badhna gisihii soo dhaciyo, gaangaytahay u fadhiyaane
Badhna gaws kumuu hadhin, siday geed u cunayeene
Badhna gabashaaba dishay, iyo gorayo khaakh-layse
 
Badhna sida goray falaagoobay, gooni daaq yihiine
Badhna garoomada khamaarkay, gawda ku hayaane
Badhna galmo-fiirsigiyo, Segaskay ku goblameene
Badhna galaaska biiriyo, gadhoodhkay daldalayaane
 
Badhna gantaalaha jacaylkiyo, gocashada ma seexdaane
Badhna gir-giraha iyo fooxaabay, gacal wadaageene
Badhna gireedhada aqoontiyo, cilmay goobayaane
Badhna guryahaa Casiiskiyo, masaajidkay galeene
 
Badhna gudbanta maansiyo, geeraarbay alifayaane
Badhna waa la gaasiroo, warkood waan la gurahayne
Badhna guux uunbaa kasoo hadhay, iyo galaa’yuuse
Badhna waxay is gaaf-gaafayaan, Galbeed sidaydaase
 
Waxba gabaygu yuu ila durkine, waxaan kusoo gooyey
Hadii ay guyaal qaadatoo, boqol sanno ay gaadhayso
Godobtaydu waa taagan tahay, oo waanay gudhahayne
Gole loo dhan yahaybaan kol uun, soo goglanayaaye
Ha la gaadho galabteediyo, markaan helo garawshiiye
 
 
Yuusuf Dhamac Xasan
magaalada Coventry, ee Cariga Ingiriiska
aar9923@hotmail.com


SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE