Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Maanso Cusub ( Shaamareer)

 Waxa curiyey  Yuusuf Dhamac Xasan
Magalada Coventry, ee dalka Ingiriiska

 

Maansadan oo la magac baxay Shaamareer, waxay soo baxday 28/07/2007, waxaan ku hal qabsanayaa nimaanu Saaxiib nahay oo la yidhaahdo Siciid Faarax Baasaar, oo degan Magaalada Coventry ee Cariga Ingiriiska, waxaan kaga hadlayaa Xabashida dalkii Soomaaliya kusoo duushay ee maatada iyo caruurta madaafiicda ku garaacaysa ee xasuuqday shicibkii soomaaliyeed ee ku noolaa gobalada Koonfureed, hantidii shicibkana boobtay, waxaase kasii xun gumastahaa dalkii kusoo duulay kuwa Soomaalida sheeganaya ee u daba-dhilifka ah xabashida iyo gumaystaha madow ee ku faraxsan waliba maatada iyo caruurta la laynayo maalin kasta.


Waxaa hubaala qof kasta oo inuun damiir leh oo Soomaali ahi inuu ka murugoonayo maatada iyo caruurta lagu xasuuqayo gobolada Koonfureed.
Waxay yidhi :


Shiinka gabay Siciidow baryahan, waanigaan shubine
Indhawayd ma shaandhayn tixihii, shaqalka weynaaye
Xaluunbaan shinkii dhexe holaday, shiliska maansoode
Shan-midhlihiyo kaan baraninbuu, shakar ka yeeshaaye
Shoofeerbaan ahaan jiray, hadaan Yurub I shaashayne
Shidhka Madaxa, sheegaha Garaadka, Shafka iyo Laabta
Shakadaha jidhkaygay murtidu, shan-shan u taalaaye
Adigaa nin Shaaciroo yaqaan, shiinka maansada e
Sharaf iiga maqal murtaan, caawa shubayaaye

Afartaa sidii sheekh muftiya, shiin ma ka higaadshay
Ma shaandheeyey bayd-gaabku wuu, kala shaxaadaaye
Shiinka kalena waa maanso uu, maanku shirinaayo

Siciidow shabaabkii la madhi, Shaakirka Ilaahe
Shan-wajiilayaal iyo Tigraa, shiilay umadiiye
Sheef iyo waxgarad iima hadhin, shicib ku dhaataane

Shidka Xamar, Shabeelaha sariyo, Gedo shishadeeda
Shaababkii Af-gooyiyo ilaa, Sheekha Mudug yaalla
Shirkadaha Babaaygiyo dhulkii, Muuska shirinaayey
Shafka Jawhar, sheeliga Bakool, shanshada Hiiraana
Shalambood Baraawiyo ilaa, shubaha Buu’aale
Shaaracyada Kismaayiyo ilaa, Webiga sheelkiisa
Shakarkaad istaagtaba qofbaa, dhiig shalwanayaaye
Shabad gabadha, Habar shaadirliyo, Islaamo shaaheeya
Shaybe odaya, dhalaan shiikhayiyo, shabag ka bood wiila
Shilke iyo Baasuukaa la tagay, Sheekh iyo Waayeele
Dadkaygaa shareexiyo malaha, sharka loo qoraye
Shaabuugii Af-weyniyo markay, shirab kasoo daashay
Shuuro lagu heshiiyiyo haday, miis ku wada shaahdo
Oo shugri naqiyo Faataxo mar qudha, talada loo shawro
Shaqaaqada qabiilka iyo haday, shirki ka dheeraato
Oy shalaadkii Rasuulkiyo ducada, shukri kusoo goyso (csw)
Shaamareer ma haysteen, toban iyo shan sanadoode
Shidhkeedaba ma fuuleen nimaan, isku shuf-beelsiine
Nin wadaad ku sheegi Wallaan, shaqaab ku dheeleene
Shukaankeeda muu qaban kareen, shan-wajiiluhuye
Ninka sheeda laga siiyiyo Malxiis, mabay shirqooleene
Uraag shamaca, Aboo shiirayiyo, Amxaaro shookaysan
Tigre shiqiba, shufto Qotiya, Xabasho Aydhis shirinaysa
Shurdadii Itoobiyiyo dugaag, Shawo kasoo duulay
Sheefafkii kufaartiyo Malees, ma soo shu’aysteene
Inkastoo shabeeladii ku dagey, shanshadu dhiigaysay
Maantana shaashlihii Aar, wakaa sheed kasoo galaye
Shafka godobtii jiiftiyo markay, shalay xasuusteen
Sidii shaadali dhiigii wakaa, durba sharaabeene
Shiniyaynta Aydhiska iyo durbay, Sheelo tabiyeene
Shiqibnimiyo tuugada wakaa, shillinkii boobeene
Shacnigii Islaamkiyo ninkay, sujuudu sheegayso
Shookiyihii Adiis iyo wakaa, Shilaabo geysteene
Nin shahiiday, ku la shiiliyo, mid shaadhka lagu hasto
Shan-wejiile mooyee ma jiro, nimaan shabagle saarnayne
Waxba shiinku yuu ila durkine, waxaan kusoo sheelay
Tabtii Shaashlihii labada Dibi, sheed ka mari waayey
Ee sharad la galay Dhiinkii, ee Hure shamaarmaystay
Shuqulkeenu waa kaasi, markaan shawrey kalidaye
Ninka shicibkii Soomaaliyeed, shidhka ku laynaaya
Shaki-male inuu Lawyacado, dhawaan ku shaahayne
Ma shaagaan sugnaa waa gar, inaan shahiidnaaye ?
 
Yuusuf Dhamac Xasan
Magalada Coventry, ee dalka Ingiriiska
Aar9923@hotmail.com


SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE