Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Maanso Cusub (ADOON)

 Waxa curiyey abwaan Xuseen Dantihaye
 

Email: dantakow@hotmail.com

 

Maansadan ama heestan Adoon waxay soo baxday maanta oo ay taariikhdu tahay 8/10/2007 ama 27/09/1427 waa hees isugu jirta Towxiidka Islaamka iyo rukumada ama tiirarka Islaamka iyo duco aan ugu duceeyey ummada Islaamkana  anna aan ku duceeyey.

 

Markaa Adoomada Illaahayow waxaan idinka tuugayaa inaad aamiinta ii raacisaa.

Allana waxaan ka baryayaa inuu idinka iyo anigaba inagu anfaco. Allaa mahad leh

 

 

Marka hore Allaa wayn

Isagaa awooda leh

Waxan ahay Adoonkii.

 

Idilkeed amaantana

Isagaan u ururshoo

Uurkiyo afkaygaba

Intaa waa ka leeyee

Alxamdu lillaahi

Na ilaali Eebow.

 

Dunidaa ordaysoo

Ayaantii dhamaataba

Cimrigaa Adoonow

Wuxu iman agtaadee

Intaan iilka lays dhigin

Eray inaan tidhaahdaa

Waa astaamaheenee

Idinkuna ajiiboo

Uur fayow ku qaaboo

Ila eeg ujeedada.

 

Ma ogtahay adoonow

Ashahaada oon qiro

Oogida Salaadiyo

Soonkoon adkeediyo

Sakadoo la ururshiyo

Xajka ood awoodaa

Waa ayaan naftaadiyo

Beri iyo abaalkaa.

 

Ka ilaalin waayee

Itaalkeed la siiyow

Bal aan kuu idhaahdee

Maxaad keli ogsoontahay.

 

 

 

Ma ogtahay Adoonow

Alle aaminkiisiyo

Malaa’iigta Eebiyo

Kutubtiyo Anbiyadiyo

Aakhiroo danbaysiyo

Qadar aanad garanayn

Khayr iyo sharkuu yahay

Afka sheegid maahee

Iimaanka uu dego

Inay tahay Islaamnimo.

 

 

 

 

Ma ogtahay adoonow

Waalidkaad adeecdoo

U ixsaan samaysoo

Usha aad u haysiyo

Eraygii wanaagsani

Inay adiga kuu taal.

 

Ma ogtahay adoonow

Qunyar inaad u socotoo

Isha aadan dabinoo

Dhowrtaa afkaagoo

Gacantaa Adoonow

Ummadaha Illaahay

Ad-yad aadaan ula tegin

Inay aad u wacan tahay.

 

 

Ma ogtahay Adoonow

Ifku maalmo weeyee

Beri lama ogsoonee

Ha ilaawin iilkiyo

Halka lagu arooriyo

Aakhiro hadhowiyo

Amarkii Illaahiyo

Arimaha xisaabtiyo

Abaalkaagu wuxu yahay

Uurkaad ku haysoo

Ooxadaada Naariyo

Abris iyo Abooriyo

Olol aad ka baqataa

Inay tahay amuur culus.

 

 

 

 

 

Ma ogtahay Adoonow

Aqal hoos qaboowoo

Udugoo dugsoonoo

Xuural-cayn ayaaniyo

Midab wada ilaysoo

Amakaag ku geliyo

Wiilal aayad kuu oo

Amarkaaga raacoo

Uurkaa wuxuu rabo

Afka intaadan soo marin

Isha aad ku dhufatiyo

Alle aad la kulantiyo

Abaal aan la tiring Karin

Inaad taa abaartaa

Inay tahay ujeedadu.

 

 

 

Sida ayro dhaban geel

Ka aroor ku jiitee

Oon tiray naftiisii

Uurkuun u buuxshee

Hawadii eryadayee

Iyaduun  ilaashee

Wax kastaba u iibshow

Ka anbaday ma sheegine

Amarkiina gaadhee

Ayadaha maqlaayee

Eedaanka dhaafee

Dhagahii ka awtee

Aaminay Aduunkee

Beri eegi waayow

Naxariis ma awdine

Maxaa aafo kuu taal.

 

 

Ummad yahay Islaamkee

Ashahaada qiraysaa

Ururkiinu hee dhee

Waa aayihiinee

Lama kal irdhoobee

Isu soo hilooboo

Ardaa qudha samaystoo

Noqda ul iyo diirkeed

 

Hadaad ooda jebisaan

Aqal aqal tidhaahdaan

Oday oday u socotaan

Balhalkii inkaar qabe

Iblays baydin helayoo

Utintiina jariyoo

Sida amintan lagu jiro

Ee aaran dubatadu

Ololaha Islaamkiyo

Sidii loo abtiri laa

Isir goynta lagu wado

Yaa aayihiin noqon

 

Inaguna itaal keen

Iyagaynu siinaa

Ma ba ogin ujeedada

Sida oosha loo wado

 

Iinsha Alle heedhee

Waxa iman ayaan dhow

Naxariista Eeboo

Arladana Islaambaa

Amarkeeda haynoo

Dhulkan ceeb la ooyaa

Samo lagu aradinoo

Ummadani mid bay noqon

Aan Ey u soo dhicin.

 

Rabiyow aduunyada

Adigaa  asteeyoo

Ogaalkaa sameeyoo

Aadan iyo Xaawiyo

Ambiyada dhamaantood

Umaddaha ku beeree

 

Allow magacyadaadaan

Idilkood ku leeyoo

Urur ku baryaayaa

Ducaday ajiiboo

Rabiyoow Islaamnimo

Nagu hay awoodaa

 

Aabe iyo hooyiyo

Awoowiyo Ayeeyaba

Denbi dhaaf Allahayow

 

Infka intay kor joogaan

Aayo wacan Rabigayow

Aakhirana Janadi iyo

Aqal roon Allow sii

 

 

 

 

 

Intaad naga abuurtee

Ubad aad nasiisayna

Dar islaaxa Eebow

Na adeeca Eebow

Na ilaasha Eeboy

Aan u ayno Eebow

Oo Islaama Eebo

 

Allow ooridaydana

Labadii is eegtee

Abid wada dhaqnaadee

Arin wada wadaagee

Isu uur fayoobee

Asaraar ku noolayn

Is illaawin naga yeel

 

Ilmihiyo dhasheedana

Akhlaaqdooda korisee

Islaamkooda dhowrtee

U adkaysa Diintee

Ababinta tacliintiyo

Aliftii ku dhalisee

Adimada u taagtee

Isku haysa ugu yeel

 

Allahoyow Raxmaanow

Allahayow Raxiimow

Islaamnimo Allahayow

Adeecaa  Allahayow

Aqbalkaa Allahayow

Usha ku waad u haysee

Diintood ilaashee

Aan Iblayska raacine

Aad ka oodo naga yeel

 

Aqoontaa  Allahayow

Irsiqaa Allahayow

Hiilkaa Allahayow

Hoygaa Allahayow

Hayntaa Allahayow

Hogaankaa Allahayow

Horumarkaa Allahayow

 

Naxariis Allahayow

Naruuradaa Allahayow

Nidaamkaa Allahayow

Nimcadaa Allahayow

Nabadaa Allahayow

Naxli li’ Allahayow

 

Ummadaa Allahayow

Adhaxdaa la tuujoo

Way ku eegaysaayee

Gargaarkaa Allahayow

Gurmadkaa Allahayow

Gacantaa Allahayow

Guushaa Allahayow

Galadaa Allahayow

 

 

Intaa Gaal u xilatana

Baqo geli Allahayow

Gilgilkaa Allahayow

Godoonkaa Allahayow

Allow Gaalo ka tuur

Islaamkaaga guulee.

 

Naftu waa amaanoo

Waad oofsanaysaa

Kuwa lagu adkeeyee

Ooda lagaga jiidee

Urugada ku dhaaftana

Allahayow hanaga dhigin

Rabow aayar kaga siib

 

 

Halka laga arooriyo

Godka laysku awdiyo

Allow iilka ii fidi

 

Iridaha  Fardowsana

Ilin iiga ssaroo

Inta eegta Janadee

Il qabowsi siisiyo

Inta faraxda iga yeel

 

Ayaantaa danbaysiyo

Aakhiro xisaabteed

Aflax iiga yeeloo

Olol naara iga hayn

 

Sida Eebe uu yidhi

Udgoonow Rashhulkii ( CSWS )

Ku saliya Adoomow

Aamiina iidhaha

Aamiin Aamiin Aaamiin

                                                   Waxa tiryey     

                                                   Xuseen Dantihaye

                                                   Allaa mahad leh

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE