Maanso Cusub (Damqasho)
Waxa curiyey
abwaan Abdirahman Ibrahim Adan
Maansadan oo la magac baxdey Damqasho Waxaa tiriyay Abwaanka
Da'ada yar ee Abdirahman Ibrahim Adan, Waxaanay soo baxdey 25/02/07, Maansadan
oo ka hadlaysa Dhibaatadii dhawan ka dhex dhacdey dadka walahaha ah ee deganka
wadaaga (Daroor), Isaga oo Abwaanku ka hadlaayo sida bulshada kale uga xuntahay
dareenkiisa gaarkana ka bixinaya isla markaana xalkana u sheegaya, heesta
gudaheedana ku xusaya Abwaanka weyn ee Mohamed Hashi Dhamac (Gaariye), sidii uu
uga hadley dhacdo tan oo kale la mid ah maansadii (Hagar laawe) ku soo dhawada
maansada
Dani nimaanay iga hayn
Walee dooda uma furo
Deelay hub-qaadloo
Runta daadahaysana
Kuma tuso dariiqyada
Dabuubtiyo maansada
Deeqsi ii hibeeyay
Dadkan ugu adeegaa
Intaan daawo leenahay
Ayaan ugu dadaalaa
Danahayga gaarka ah
Iyo dareenkayga hoose
Dusha waxaan ka mariyaa
Bulshadaan dhex daganahay
Dabiib inay helaanoo
Dawo ay cabaanoo
Doogaha kacdooma
Digtoorkoodii baan ahay
Diric gaariyaa yidhi
Damqashada hafeefta leh
Markay dirir timaado
Dhiiga daadanaaya
Dahrigaan ka naceboo
Dusha maradaan galiyaa
Dab la ii sudhaayoo
Hadba labada daamood
Een dan-wadaag lahaynee
Maalintaa is dabayaan
La diidaa rafaadka
Aniguna dakanadaa
Dad is daadahayn laa
Daf soo tidhi dhexdoodiyo
Damtiyo wax-yeelada
Diiftiyo dhibaatada
Dacaskiyo haraadkiyo
Dayacnaanta maatida
Murugadaa daraadeed
Nin la duuban baan ahoo
Dubaaqaygii baa wadhan
Anigaa is dilayoo
Dabraya naftaydoo
Axankaygii daaqoo
Dunbuq lays la dhacayaa
Hilibkii dad-weynaha
Banaanada ku daadshoo
Waxa uu dugaagiyo
Waraabahu daldalayaa
Waa danabyadaydii
Dagaalkuna siduusibu
Duunyo uu burburiyiyo
Asay dumar u saaray
Dabadiisu noqotaaa
Dibin iyo carabiyo
Daan baan is deynoo
Ilkahaa dilaacsha
Diir ay badhleeyiin
waxaan ugu danleeyahay
Dagaalkaa sokeeye
Ka dilaacay dagalkiyo
Walaalahaa is dilayaa
Inta ay is daayaan
Dabka hurey bakhtiyan
Dakharadana gudahiyo
Gunta laga dahaadho
Duco lagu gunaanado
Nabadana ay doortaan