Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Maansadii Duur-joog

Maansadu waxay soo baxday 1/07/2004, waxaan ku hal qabsanayaa nin aanu saaxiib mahay oo degan Magalia Lester ee Cariga Ingiriiska, waxay ka waramaysaa dhibaatada qurbaha siiba wadamadan Reer Galbeedka.
 
Maansadani waa maanso soo qaxday, oo iyada tahriib soo martay oo ilaa dhawr sanadood dhexda kusoo jirtay markay yurub soo gashayna dhibaato badani ka qabsatay markaa Akhristow waxaad si fiican u fahmi doontaa markaan sii dhex gasho maansada.
 
Waxay tidhi :-
 
Maanso weeye dalkeenii
Dergadaha Saboolkiyo
Danyarnimo ku dhalatoo
Intay duhur riyootay
Waxay duunyo haysiyo
Doobigii xaraashtoo
Habeen damey ka guurtay

Maanso weeye duqeediyo
Rag nimay darajaysiyo
Dawlad-baasta hoose
Daaraday ku dhalatiyo
Buulkeedii ka dumisoo
Dala’siga xanuunka leh
Dal-shisheeye u dhooftey

 
Maanso weeye diqimtiyo
Dayra dhaafka jiilaal
Dooxyada u hoyatoo
Dubka jiidhka oogiyo
Dareen qaadayaashii
Damqashadu ka guureen

Maanso weeye duhurkiyo
Saqda-dhexe digtoonoo
Ciidamada dastuurkiyo
Dabadhilif basaasiyo
Xitaa Doollar raadshoo
Lagu waayey diirado

Maanso weeye dabaalkii
Dad Soomaali ugu xigay
Iyadoon la duugin
Darmaantay ka dhooftay
Uu kasii dumaaloo
Amakaagu daashaday

 
Maanso weeye dunida
Gumaysigii dusheeda
Abid ugu da’weynaa
Duudkeeda la saaroo
Joornaalka digniintiyo
Daabacaada lagu dhigay
Rag ninkii daneeyee
Dhugta duur-xulkeedu
Inuu yahay danbiiloo
Dibnaheedii xidhatay
 
Maanso weeye da’deeda
Doorkiyo barbaarta
U dadaal badnaydoo
Labaday isla doontee
Waayaale isla daydee
Is-dul saar tidhaaba
Dabka iyo sidii dhagax
Ay ka kala dideenoo
Noloshay doraato
Ugubnimo ku diiday
Iyadoo duqowdiyo
Dumaal maanta ku weyday
 
Maanso weeye duco iyo
Habaarkaba ku daydoo
Dawladaha Galbeedkee
Ka degaan qaxoontigu
Dalkasta iska dhiibtoo
Waxaa dad la qaabilo
Iyaduun la diidoo
Duur-joogtaasi noqotay

 
Maanso weeye ciil dilo
Markay dib u jaleecdo
Soomaaliya dalkeedii
Duqaydiyo caruurtiyo
Danyartii ku noolayd
Todobaatan danaystoo
Midna diinta aqooni
Inba dacal ku ooteen
 
Maanso weeye digashiyo
Danbaabidho xanuunliyo
Daal usoo dhamaadoo
Daafahaa aduunyada
Waxay soo dakaantaba
Halkii ugu danbaysiyo
Ingiriis daf soo tidhi

Doqonbaan hadalkeedu
Waligeed ku deeqine
Anigoo degdegaayoo
Tareenkaa Derbi aada
Duhurkii shalayto
Koonahaasi uga degay

 
Maanso aan ka dul booday
Iyadoo diihaalkiyo
Diifta wajiga kaga taal
Ninkii diir naxaaya
Jiidhku uu damqanayo
Durbadiiba I mooday
Duubcadii eryanaysay

 
Maanso aad u dulaysan
Dirqi aad ku garanayso
Dacas xidhan kala jeeda
Iyo surwaal daba jeexan

Oo Habar duqowdiyo
Dumar iigu sheegeen
Mukhtaarow dariskaaga
Inay deyn ku cunayso

 
Intaan soo dul-joogsadey
Cunahaan dig ka siiyoo
Dibna jiid waxay tidhi

Waan dekaansanahayoo
Meeshan duulal gaaliyo
Doofaaraa igu cunayoo
Dal-tabyaa I haysee

 
Sida uu dadkaygii
Dhoof ugu duloobiyo
Degaladan Galbeedka
Sida loogu dabar go’ay
Bal aan kuu daliishee
Deganaan u wada maqal

Duur-joog waxay tidhi
Maxaa wiil dadkoodii
Waxay duunyo hasteen
Intay dibad ku geeyeen
Dugsiyada wax-barashiyo
Jaamacaadka loo diray
Dalawyadaa Ingiriiska
Maan-dooriyayaashiyo
Ku cabaaya daasado.

 
Intee Xaaji Dahraaniyo
Dabey iyo Riyaad iyo
Dal Carbeed ku noolaa
Dahabaduu jeclaa iyo
Ubadkiisii soo diroo
Deyr iyo gu’dabadeed
Markii uu ka daba yimid
Durbadii horeetaba
Wax maankiisu diidiyo
Deeqaad tahay ninkeediyo
Daat-boolshid lagu yidhoo
Ragg nimuu u dacwoon lahaana
Isagii ka daran yahay

Maxaa laba is-doortoo
U dul qaatay caashaqa
Nolol daydaygoodii
Ninkii Yurub u dooloo
Indhihiisu deymada
Casrigii daraan-daroo
Dumarkaa cadaankiyo
Naagtii diir madow ee
Dariiq uu ku dhaafaba
Dahab la aslay moodoo
Maanta habar duqowdiyo
Jumaykaan la degayoo
Ehelkiisii ku daaleen

Intee waalid daacada
Doodi iyo marwadiisii
Labaduba duqoobeen
Oo abid dagaal iyo
Habeen qudha is dili jirin
Intaa fiise loo direy
Isagiyo duqdiisii
Dastuurkaasi gaalkiyo
Duunyadaasi lacageed
Durba la isku jiidhoo
Sooshal-baasku kala diray

 
Intee Macalin dooroo
Derisyada aqoontiyo
Diinta soo dhigaayoo
Dabeecadiisii fiicnayd
Duqaydiyo caruurtiyo
Degaankiisii tabayaan
Dabayl dhoofi qaadoo
Dun gobeed inuu yahay
Doraad nimaan aqooniyo
Ku diir-neceb u geysoo
Dugsiyada af-barashada
Ardaydooda lagu daray

Inteebaa daba-dhooniyo
Wiil dalkiisii hooyiyo
Dadkiisii laga keenoo
Markii lagu danaystee
Waayo diiqda caydhaha
Lagu soo dur-duurtay
Daryeelkiis la nacayoo
Maxaa sebi la daayacay
Derbiyada Galbeedkiyo
Maanta dooxa seexdoo
Cid u diir naxdaa jirin

Intee wiil hal dooroo
Damaciisuu dheeraa
Galbeedkuu kasoo dagay
Digtaatoorka waayuhu
Dabar iyo hogaaniyo
Seetada ku duuboo
Inta uu is daba maray
Garaadkiisu duugmoo
Dariiqyada xadiidkee
Tareenadu dulaamaan
Daahyadaasi dhagareed
Del-delaad is xidhayoo
Hilbihiisa la day-dayey

 
Intee laba dadaashoo
Galbeedkay u duuleen
Midba daan ka keenay
Doolar aad u badanoo
Intuu dharagu uga daray
Duunyaday haysteeniyo
Daarahay dhisteeniyo
Taladii isku diidoo
Maanta dacwadooda
Garsooradu ku daaleen
 
Imisaa dad la la’yahay
Yeman dacaladeediyo
Dekadahaasi Liibiya
Doon xumaatay ka raacdoo
Dun-dhaxaada bad-weynta
Meel aan Daayin mooyee
Derbi la-cuskadaa jirin
Intay kula dulaantay
Daad-xoorta biyihiyo
Mawjadaha degdegayaa
Qofba dacal u qaadeen
 
Imisaa haraad dilay
Sudan dacaladeediyo
Duleedkeeda marayoo
Dubatada saxaaraha
Dariiqii ka habaaboo
Daalka iyo gaajadii
Dirgan waayey socodkoo
Intay surmi la diideen
Maydkooda dugaagiyo
Shimbirahaasi diirteen
 
Intee ciidan digtooniyo
Duub-cad gaadhadh haysa
Qaar xadkooda dusaya
Diirad baas u sheegtoo
Dirig-dirigta siidhigii
Qofkastaa docduu xigay
Wax ka dayay cagtiisoo
Dumbuqaasi Suugiyo
Shilkayaal dananaaya
Mid-mid loogu dilayoo
Diga-xaadhka lagu tirey.
 
Yuusuf Dhamac Xasan
Coventry, U.K

aar9923@hotmailcom

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE