MAANSADII
MACAAN JECEL.OO NOQOTAY SILSILAD TAXANE AH (MAANSOOYIN CUSUB)
HADA WAXAY
MARAYSXAA SEDEXDAN MAANSO EE HOOS KU QORAN
WAA
SILSILAD U FURAN QOF WALBA
Macaan Jecel -1
By
Mohamed Adani Yussuf
Murtuu hadal leeyihiyo,
Milgiyo sharaf loo yidhaa,
Wuxuu meel mari karaa,
Haduu marinkiisa helo,
Waxaad maqashaa la yidhi,
Maankaa lala kaashadaa,
Run baa marag loo furaa,
Markhaatina lagu noqdaa,
Maluhu waa shay khariban,
Ismoodsiiskuna ka daran
*************************
Midaa waxan uga socdiyo,
Macnaha weedhaydan sugan,
Miidaan ka cadaynayaa,
Aan Maansada soo godlee,
Miskeedi ninkii raboow.
Waxaan arkayaa masalo,
Aniga ii muuqatoo,
Xal iyo maarayn rabtee,
Diyaar ma u tahay midaas.
Maqaar dad la deebiyoo,
Maraaq ku baxaaya oo,
Midiidin noqdaan arkaa.
Dadkoo maskax guuray iyo,
Aqoon miyir beeshayoo,
Madaxa loo joojiyoo,
Mijaha diidaan arkaa,
Runtoo noo muuqatuu ,
Afkeenu ka maagayaa,
Sidaan nahay duul la maray,
Ayaan wada maahsanoo,
Waxaan nahay jooge maqan.
Macaan jecel Oomanoo
Halkuu malab yari ku dhaco
Marnaba aan seeginoo,
Malafsanaysaan arkaa,
Mas iyo halaq iyo abees
Intay Miciyaha listen,
Dhulkii mulaclaynayoo,
Intay ina maaruqeen,
Weliba mushmushaaxayoo
Dadkii mirayaan arkaa.
Muwaadin nin sheegtayoo,
Masuuliyad qaadayoo
Weliba dhaar noo maroo,
Kitaab middig saarayoo,
Hadana musuqmaasuqoo,
Miciin daran baan arkaa.
Suldaan magiciisi iyo,
Wuxuu maamuus lahaa,
Intuu dhigay meel cidla,
Siyaasadi maan gadoo,
Is maaxdumiyaan arkaa.
Duqay dar la moodayiyo,
Musheekh iyo mudanayaal,
Intay xil maroorsadeen,
Inaka na masaalayoo,
Nin meel ku xaraystayoo,
Maqaar-saaraan arkaa.
Dantiisa nin maamushoo,
Marnaba aan noo maqnayn,
Ayaan u majiiranahay,
Markuu nagu guuro ee
Muraadkiisuna u fulo
Dib nooma miliilicee,
Meel dheer buu naga maraa,
Mayeedhaan baynu nahay,
Dhibtoodu u muuqatoo,
Hadan maarayn karayn,
Mar baa la xisaabtamaa,
Tan iyo mudadaad ogayd,
Maxaa iska keen bedelay,
Mugdaynu ku nool nahee.
Dar mawjadi qaadatoo,
Wixii lala maaganaa,.
Macbuud ka badbaadiyoo,
Waxay shalay soo mareen,
Xiskooda ka maydhanyoo,
Duleed kolba meerayoo,
Miidaamo noqdaan arkaa.
Bal eeg mahadhooyinkaa,
Midiba tii kale ka daran,
Maxaa ma tashiishe iyo,
Na baday ma hambeeyayaal,
Maxaa isma dhaantadani ,
Mareegaha noogu xidhay,
Miyaydaan ila arkayn.
Waxaan maansada ku xidhay,
Haday arimuhu murgaan,
Rag baa maarayn jiree,
Sidee magaceena iyo,
Muuqeenu u jiri karaa?
Waxaa curiyay maansadan Maxamed Cadaani Yuusuf oo degan dalka Ingiriiska gaar
ahaan magaalada London……
Reported By: Maxamed Cadaani Yussuf
Email:
sdwouk@yahoo.com
--------------------------------------------------------------------------------------------------------------Macaanjecel-2-
oo la baxday
Maqaar saar
By AA Awaleh
Alleylehe Mohamedow
Markhaataan kuu furee
Maxaabiis baynu nahay
Maroorku u caadi yahay
Maah maah baa lagu hayaa
Misgaha uu daalin koro
Misgiin kaa lagu hubaa
Muwaadinku waa bastii
Majarihii baa qaldamay
Macaan jecel baa gilgilay
Moorayaanbaa lagu fasaxay
Kurtay kaga maran yihiin
Masiirkii loo ballamay
Maqaar saar baa baddelay
Ninkay fool xumo martiday
Muraayad haddaanu dayan
Illayn uma muuqatee
Miyuu iska maydhayaa?
Maroor xeerkii u yaal
Intaan magac xumo ka iman
Haddaan maan lagu saxayn
Miyaa lagu maalayaa ?
Milgay leedahay dadnimo
Xaqay ku marriiman-tahay
Muggaaga iintaad ogtahay
malluuqii kaaga dhaca
Maarayn waa loo helaa
Masiibadu waa kolkay
Dhammaan kaa muruxsatee
Makeekiga loo kaltamo
Maxaa helay garashadii
Maamuus iyo dhaqan habboon
Hankii iyo maarankii
Martabadii aabbeheen
Maqaamkaa yeyna dhigay
Halyeygii miigganaa
Xalaal u miciini jiray
sawkaa malafsade beddeley
Duqii magac xeerin jiray
Dhaameelka hadduu ku mamay
Markhaati ayaan bidaa
Haddii madal kii tagaa
Intuu tiisuun marsado
Wixii kale maaf ka dhigo
Macnuhu sawkaa is-qoray
Haddii waxa lagu murmaa
An miirto cashuur noqdeen
Danlaydiyo maatidii
Haddii lagu moosay ceeb
Fariidkii hiil mudnaa
Hadduu madi yahay durtaba
Shalay maaggii shiftada
Mareegta ninkii ka furay
Haddii lagu yahay mudduci
Maxaadhkii laygu deyey
Wakaa mudayee hudhee
Maggaabada faashilka ah
Koluun saw kuma mergedo
Maamuuskii dumar lahaa
Xishoodkiyo maamulkii
Maqaamkii hooyanimo
Miisaankii la arki jiray
Intoo dabin loo macmalay
Haddii meel lagaga dhacay
Micidu way naga dustee
Kocoo maadeyska jila
waxa curiyey Ali Adam Awaleh
London UK aliawaleh@yahoo.com
----------------------------------------------------------------------------------------------
Macaan-jecel-3 oo
la baxday
MADIIX curiye:
IM Gadiid
Bismilaahi maanso
ALLAH inuu mid yahey
Uu maxamed yahey
Mudanihii uunkaba
Aan ka marag kaco
Tixdu waa madiix
Waa macaan jecel
Heedhe waa mug weyn
Oo midabo leh
Maskax aan gudheyn
Murti weeyi ugub
Ee godolka maal
Caloow maaxdunkan
Madaxdii sarriyo
Masuulkii ku dhacey
Dadkii miiganaa
Sharaftiyo milgaha
Maamuusi jirey
Dadkii maaruqey
Ee maya ku yidhi
Mujirinkii weynaa
Shicibkii madfaca
Iyo miiga lala
Madax u dhigey
Masiibiyo dhibtii
Wixii maalmo dhacey
Ka markhaati ahaa
Ubixii madhayee
Madigii go'ayee
Aan midi ka curan
Maatidii qaxdiyo
Ma guuraan wixii
Hanti laga madhnaa
Hal muceedyo culus
Ragii maali jirey
Maanshe'ee farshaxan
Heelada marshey
Sidey maanta tahey
Maaradey rabtiyo
Maaley iyo waxaa
Milill jiifa iyo
Maan laawayaal
Ka muraadsadaa
Kala maan ahaa
Ma gefbuu galey
Ninka maaha yidhi
Sidan maamul yahey
Waxaan maaganaa
Haduu mooge yidhi
Dalkii aan mariyo
Cidii aan maqlaba
Muhiimkeygu waa
Ictiraafkan maqan
Maan gadanin taas
Maah maah horaa
Miyiroow tidhaa
Midho gacan ku jiraa
Ka macaan kuwaa
Geed kale ka mudhey
Isagoo mugdiga
Ama goob madoow
Maandhoow ku nool
Misane shamacuna
Midigtiisa yaal
Oo maahsan yahey
Weli moogan yahey
Ku mashquulsan yahey
Oog meel ka shidan
Wuxuu mala awaal
Masanuuniyaa
Malaayiin amaah
Isagoo mar qudha
Maganee hantiyey
Wey u muuqataa
Mawjado riyo ah
Maaweeliskuu
Madaxweynuhu
Uu mafsuud ku yahey
Wuxuu mooge yidhi
Habeen uu marti
Ku ahaa madal
Musuq maasuqu
Carigii masno ah
Mahdiguna helaa
Dhex muquurayaa
Mijo xaabiyaa
Maxaa meesha yaal
Een mashaqo aheyn
Ninkii maan lahaa
Garey maalintaas
Inuu moogahani
Miiraale roob
Miscirir agteed
Mooskii ka cabey
Cawaaloow i maqal
Adna Maxamadow
Maandeeq warkeed
Igahoo markan
Wey madluunsantey
Nin maroorabaa
Maacuudiyoo
Mucjisaa dhankaas
Mul-mulaaqayoo
Mid qabbaan ahbaa
Ku meermeerayoo
Masalooyinbaa
Ku ag meersanoo
Odey macangagaa
Ka ag muuqda'oo
Indhow garad murmaa
Maskax guuriyoo
Maal qabeen dhergaa
Mulacyeenayoo
Marwo iyo hablahaa
Muusanaabayoo
Mariimkeedu waa
Murti iyo odhaah
Suugaan muujisoo
Mayeh bey tidhaah
Kuwaan magansadee
Aan miciin bidoo
Waa macaan jecel
Halkey muhatayee
Muddo ay sugtee
Cadaanoow markale
Mugeed sii mirkici
Oo mahadho reeb
Mayalkeeda qabo
Waxaa curiyey Ismail Maxamed Gadiid
LONDON
gadiidsomland@hotmail.com