Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

              MACAAN JECEL.  MAANSO CUSUB

 Waxaa curiyay maansadan Maxamed Cadaani Yuusuf

SDWO (London 07/05/04)-  Tan iyo goortii aynu Gobanimada qaadanay 26-06-1960 ilaa iyo maalinkan maanta ah niman uun bay ummada reer Soomalilan u af duuban tahay, hadaba waxa iswaydiin leh goorma ayaynu Aayaheena ka talin doonaa, mise sida duunyada ayaan ogolaanaa in layska keen lahaado, hadaba markaan arkay horumar la,aantaDawladnimo,Dalnimo iyo Dadnimaba, wax ma tarayaashan iska keen haysta, wax ma hambeeyayaashan hantidii Qaranka iskaga tagri falay, kuna hashiiyay inaan cidi ka hadal, ciddii isku daydana in talaabo laga qaado oo xilka dejiyo.

Hadaba maansadan oo la yidhaa Macaan jecel ayaan kaga hadlayaa dhibaatada ma hadhaaga ah eek u habsatay ummada reer Somaliland waxanay leedahay: 

 

Murtuu hadal leeyihiyo,            

Milgiyo sharaf loo yidhaa,                   

Wuxuu meel mari karaa,                  

Haduu marinkiisa helo,            

Waxaad maqashaa la yidhi,               

Maankaa lala kaashadaa,                  

Run baa marag loo furaa,                     

Markhaatina lagu noqdaa,                

Maluhu waa shay khariban,              

Ismoodsiiskuna ka daran                      

  ************************* 

Midaa waxan uga socdiyo,                

Macnaha weedhaydan sugan,               

Miidaan ka cadaynayaa,                

Aan Maansada soo godlee,                  

Miskeedi ninkii raboow.                     

Waxaan arkayaa masalo,            

Aniga ii muuqatoo,                               

Xal iyo maarayn rabtee,             

Diyaar ma u tahay midaas.                       

Maqaar dad la deebiyoo,                 

Maraaq ku baxaaya oo,

Midiidin noqdaan arkaa.   

         

Dadkoo maskax guuray iyo,                  

Aqoon miyir beeshayoo,                  

Madaxa loo joojiyoo,                               

Mijaha diidaan arkaa,                          

 

Runtoo noo muuqatuu ,                   

Afkeenu ka maagayaa,                   

Sidaan nahay duul la maray,              

Ayaan wada maahsanoo,                 

Waxaan nahay jooge maqan.  

              

Macaan jecel Oomanoo

Halkuu malab yari ku dhaco

Marnaba aan seeginoo,

Malafsanaysaan arkaa,

 

Mas iyo halaq iyo abees

Intay Miciyaha listen,

Dhulkii mulaclaynayoo,

Intay ina maaruqeen,

Weliba mushmushaaxayoo

Dadkii mirayaan arkaa.

 

Muwaadin nin sheegtayoo,

Masuuliyad qaadayoo

Weliba dhaar noo maroo,

Kitaab middig saarayoo,

Hadana musuqmaasuqoo,

Miciin daran baan arkaa.

 

Suldaan magiciisi iyo,

Wuxuu maamuus lahaa,

Intuu dhigay meel cidla,

Siyaasadi maan gadoo,

Is maaxdumiyaan arkaa.

Duqay dar la moodayiyo,           

Musheekh iyo  mudanayaal,                     

Intay xil maroorsadeen,

Inaka na masaalayoo,

Nin meel ku xaraystayoo,

Maqaar-saaraan arkaa.

 

Dantiisa nin maamushoo,

Marnaba aan noo maqnayn,

Ayaan u majiiranahay,

Markuu nagu guuro ee           

Muraadkiisuna u fulo

Dib nooma miliilicee,

Meel dheer buu naga maraa,

 

Mayeedhaan baynu nahay,

Dhibtoodu u muuqatoo,

Hadan maarayn karayn,

Mar baa la xisaabtamaa,

Tan iyo mudadaad ogayd,

Maxaa iska keen bedelay,

Mugdaynu ku nool nahee.

 

Dar mawjadi qaadatoo,

Wixii lala maaganaa,.

Macbuud ka badbaadiyoo,

Waxay shalay soo mareen,

Xiskooda ka maydhanyoo,

Duleed kolba meerayoo,

Miidaamo noqdaan arkaa.

 

Bal eeg mahadhooyinkaa,

Midiba tii kale ka daran,

Maxaa ma tashiishe iyo,

Na baday ma hambeeyayaal,

Maxaa isma dhaantadani ,

Mareegaha noogu xidhay,

Miyaydaan ila arkayn.

 

Waxaan maansada ku xidhay,

Haday arimuhu murgaan,

Rag baa maarayn jiree,

Sidee magaceena iyo,

Muuqeenu u jiri karaa?

 

Waxaa curiyay maansadan Maxamed Cadaani Yuusuf oo degan dalka Ingiriiska gaar ahaan magaalada London……

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE