MAANSO
CUSUB -
Belo
Ogsoonaada
Tixtadan
gabayha wuxuu Jama Muse Jama ka tiriyey dagaalka Daroor.
Jamac
tixdan wuxuu kusoo halqabsaday saaxiibkii Maxamed oo Sweden degan isla
markaana ka mid ah qoysaska reer Somaliland ee dhibaatada dagaalku sida gaarka
ah utaabatay.
Isagoo
Jama Muse Jama aad uga tiiraanyeysan dagaalka Daroor wuxu yidhi:
Belo
ogsoonaada
Anoo Maxamadow ooyayoo, aamus talo moodey
Obocdiyo anoo iin ka qaba, beerka unuggiisa
Anigoo ax iyo way ka idhi, ilig danbeedkayga
Anoo jecel inaan wada qarsado,
uur-ku-taalladatan
Eraygaad i tidhi baa markale oogay damaqiiye;
Ergada waxad fartaa Maxamadow, belo
ogsoonaada
Afaaf laqabto bay leedahee, belo ogsaanaada
Addin ma laha loo eersadee, belo ogsoonaada
Aakhiro wanaag kuma jiree, belo ogsoonaada
In cadaab abaalkeedu yahay, belo ogsoonaada;
Ergada waxad fartaa Maxamadow, belo
ogsoonaada
Aas iyo dhib bay leedahee, belo ogsoonaada
Mayd uraya bay leedahee, belo ogsoonaada
Axan iyo asey leedahee, belo ogsoonaada
Agoon badata bay leedehee, belo ogsoonaada
Ergada waxad fartaa Maxamadow, belo
ogsoonaada
Aroos kuma dhigmee aadanow, belo ogsoonaada
Waa ehel darxumo oo sillane, belo ogsoonaada
Isir go'aya baa daba socdee, belo ogsoonaada
Ubad kuma dhashee ehelkayow, belo ogsoonaada
Ergada waxad fartaa Maxamadow, belo
ogsoonaada
Abtigaa miduu dhalay, ayuu dili adeerkaaye
Ina Eeddahaa baa qudhjari, kaad 'Abti'
lahayde
Aqalkaaga oohini marley, waa or iyo baase
Adigaa is eersane dadyow, belo ogsoonaada
Ayqaado waxa maanta galay, waa ismaan dhaafe
Ergadoo la diidaa, illey dhaqan iblays weeye
Ifafaaladay soo waddaa, waa ayaan xumo dhe
Islaaminadu waa xale dadyow, belo ogsoonaada
U noqdoo Ilaahay baryoo, belo ogsoonaada.
Jamac Muse Jamac