Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

MAANSO CUSUB - NIN KU SIRAY WAX KUU SHEEG 

WAXA CURIYEY CABDIRISAAQ IBRAAHIN KOOSHIN (ALFO)

Tan iyo maalintuu Cabdirixmaan Axmed Cali (Cabdirixmaan Tuur) ka degey dhabaha diyaaradaha ee caasimadda soomaaliland, waxay maskaxdaydu is weydiinaysay su'aalo farabadan oo aanay hore isku weydiin jirin. Su'aalahaasi oo is weydiintoodu ay muran farabadan ku dhaliyeen naftayda.

 

Su'aalaha isweydiintooda aanan hore u arag, waxaa ka mid ahayd: Midkee galay danbi culus ninka tuuga ah  ee wax xaday iyo ninka qaranka dumistiisa tobanka sanadood duurka ugu jiray?
 
Tan iyo maalintaasi waxa kaloon wax iska weydiiyey, sida ay sharciga ugu siman yihiin ninka siyaasiga ah, ninka suldaanka ah, ninka maalka haysta iyo ninka saboolka ahi.
Garan maayo iyadoo jeelasha soomaaliland ay ka buuxaan, dad saboolnimada iyo shaqo la aanta wadanka ka jirtaa ay ku kaliftay inay waxay quutaan ku soo helaan tuugo, in la siidayn lahaa haddii uu yidhaa u noqon maayo.
 
Waxay ila ahayd in danbiga labeeya qof bani'aadan ah oo aad si u kas ah qudha uga jartaa, inuu yahay ninka ku dhaqaaqay baabiinta qaranka soomaaliland ee malaayiinka nafood loo soo huray.

 

Waxase maanta rumawday in qaran dumintu aanay danbiba maanta soomaaliland ka ahayn. Waa su' aal kaloo isweydiinteeda mudane, maxay ku kala duwanyihiin ninkii shalayto Garoowe tagtay ee la soo xidhay iyo kan haanat ( waa tuure) dawladu u yeedhatay kuna soodhaweysay gamcaha furani, isagoo ninkaa garoowe tagay aanu isagu odhan ma jirto wax soomaaliland la yidhaa, halka uu Tuur markuu tamarta lahaa xoogiisii baabiintaada ku soo idleeyey. Ma mudnayn in la saamaxaa, ma mudnayn in lagu soo dhaweeyo baabuurta laga soo iibiyey dhididka iyo dhiigii dadkuu jiritaankooda iyo aqoonsigooda inuu baabiiyo lug iyo laanba isugu taagay. 
 
1- TUUROOW MAREEGAALE,
2- INAAD TAY MASUUBO,
3- MASIIBADA EEBE,
4- DUSHAADA KA MUUJAY,
5- AYAA AH MARKHAATI.
 
6- TUUROOW MIYIR LAAWE,
7- AQOON IYO MASKAX,
8- INAAD KA MADAWDAY,
9- SAWTAAD MILGAHAAGII,
10- WANAAG IYO MAAMUS,
11- ADUU ISKA MAYDHAY.
 
12- ANOO MASKAB FIICAN,
13- KU SAARIYO MEEL FOG,
14- AHAA MADAXWEYNE,
 
15- ADOO MUDAN HAYBAD,
16- DAHAB IYO MUUNAD,
17- XARIIR KUGU MEERSHA.
 
18- TUUROOW MACO LIITE,
19- ADOY MAGACAAGA,
20- CIDDII MAQASHAABA,
21- LA SOO KACDO MAANKA.
 
22- SAWTAAD MICIIN LAAWE,
23- CAYDIID MIJIHIISA,
24- AAD MUUSATAY HOOSE,
25- AHAYD MAQAAR SAARKA,
26- IS MAAX DUMINAYSAY.
 
27- SAWTAAD MABDA'EENII,
28- XAQEENII MAQNAAYE,
29- MARKAASUUN LA QAATAY,
30- XABAASHA KU MOOSTAY.
 
31- MAALMII HALGANKEENA,
32- WAXAAN MADAX WAAYEY,
33- MUJAAHID AAN AASAY,
34- WAXAAN MADI DUUGAY,
35- WIXII QAXAY MAATI,
36- INTUU MADFAC JIIDHAY,
37- MAGAALIYO TUULO,
38- SAWTAAD TIDHI MOOYI.
 
39- SAWTAAD TIDHI MAAHA,
40- MAAMUL IYO DAWLAD.
 
41- SAWTAAD IS MAQIIQDAY,
42- LAHAYD MUQDISHO JIR,
 
43- SAWTAAD TIDHI MAAHA,
44- SOOMAALI MID WEEYE,
45- AYAA KALA MAARMA.
 
46- SAWTAAD MAHADHOOYIN,
47- KA MUUQDA AAD REEBTAY,
48- MUDOOYIN HADHAYNIN,
49- TAARIIKH MUGDI WEYN LEH,
50- DHAGAA MAQASHIISAY.
 
51- TUUROOW MIDABBAALE,
52- WAXAA KUGU MAAXSAN,
53- KU MUDAN JIDHKAAGA,
54- MUNAAFAQAD JIIFTA,
55- UURKAAGA MUGGIISA,
56- BADWEYNTU MA MAYDHO.
 
57- TUUROOW IS MISKIINSHE,
58- INAAD TAY MAYEEDHAAN,
59- HADAL IYO MURTI,
60- MACAAN ODHANAYNIN,
61- WAABAY IYO MAALLEY,
62- XUMAANSHO LA MEERA,
63- CIDBAAN KU MURMAYNIN.
 
64- TUUROOW WAX MAROORSHE,
65- RAGGAAD MATALAYSAA,
66- INSAA LAGU MOODAA,
67- JINBAAD TAHAY MUUQDA.
 
68- TUUROOW MAD-MADAWGA,
69- DUSHAADA KA MUUQDA,
70- HADDAAN MASANUUNSHO,
71- DAGAAL AAD MALEEGTO,
72- AYAAD MAAGANTEE WAAR,
73- HA SOO MAR-MARSOONIN.
74- WALLEE MALAGGII GAL,
75- SHAADHKAAGU MA MAYDHMO.
 
76-HADDII MANFACAAGU,
77- XARAAN IYO MEYDYEY,
78- MAALKAAGUNA TUUGO,
 
79- HADDII LA MIISAAMO,
80- INTAAD DISHAY MUSLIN,
81- WAAYEEL IYO MUUMIN,
82-MAWLAA KU YAQAANA,
 
83- TUUROOW MULACYEEYE,
84- XABAASHII MARXUUNKA,
85- HADDAAD KU DUL MEERTO,
86- HADDAAD MAWJAD DHIIGA,
87- MAHIIGAAN ILMAYSO,
88- MUHMALKIYO BEENTA,
89- MARBAAD IGU WAASHAY.
 
90- HADDEER IYO MAANSO,
91- DADKAA AH MASAAKIIN,
92- NIMAAN MARTI SOORYO,
93- MUDNAYN IN LA SIIYO,
94- HASHOODA U MAALA.
 
95- DADKAA AH MASAAKIIN,
96- NIMAAN MALKO FIICAN,
97- MASALLE U OOLIN,
98- MASAAJIDKA AADIN,
99- YIDHAA MUFTI WEEYE,
 
100- DADKAA AH MASAAKIIN,
101- JABKOOGA NIN MAAGAN,
102- MAGAN GALYO SIIYA.
 
103- DADKAA AH MASAAKIIN,
104- NIMAAN MATALAYNIN,
105- MICIIN LAGA WAAYEY,
106- UUSKOODA U MIIRA,
107 MADIINAD U BUUXSHA.
 
       CABDIRISAAQ IBRAAHIM KOOSHIN ( CABDIRISAAQ ALPHO)

Email: abdialpho@msn.com    United Kingdom

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE