MAANSO CUSUB - GARMAQAATE
Waxa tiriyey: Yusuf Dhamac Xasan
Gabaygan oo la yidhaahdo GARMAQAATE, wuxuu soo baxay 27/02/2005, waxaanan ugu jawaabayaa nin baryahanba loo taagwaayey oo la yidhaahdo AB-SHAR BACADLE, wuxuu yidhi
1. Abshirow maad gafin hadaad tidhi garaadkaaye
2. nin gudhan inaad tahay anaa dunida gaadhsiine
3. garmaqaatahaa lagu yaqaan inuu is giijaaye
4. guracnaanta iyo faanku se waa gadiiniiye
5. waxaad gabay ku sheegteed galisay iimaylka
6. beentaad suuqa galisey ee lala guclaynaayo
7. godkaad cawska saartiyo goofka waan dumine
8. mar hadaan golihii imid gaydhe kugu xoonye
9. sidii dacawga giirka leh oo aar ka gabanaaya
10. gariirka iyo baqahaad habeen la guurayne
11. gidigood dadkaygow eega kanuu galay wadkiisii
12. afartaa sidii gantaalaha ma iska daba geeyey
13. ga daan kaga bilaabiyo miyaan gaafkii ka habowshay
14. gedii cabdiqays iyo afloo galin ma waydaarshay
15. gunuuskaabay badiyeen ee ma u guntaday caawa
16. guubaabo roob iyo ufiyo gaydh ma soo kiciyey
17. ga da kalena waa maansadaan soo gudbinayaa
18. gumaystihii siyaad markuu gamaska kuu dhiibay
19. markaad arin ku gaadheen inaad isaaqa goysaan
20. een geeljire maqnayn dhamaan gufida daarood
21. markuu hawiye gawracay gabanada caruurtayda
22. ciisuhu markuu ii gabaduu faqashta ii geeyey
23. midgihii galbeediyo markay guni kusoo raacday
24. soomaali gees iyo ka gees guufka iyo jaanka
25. markii la is garabsadee aan gacalba ruux waayey
26. gadabguursi oo dhan markuu weerar igu gaaday
27. intay geesiyaal iga dileen waynahaa garane
28. odayada gaboobey waxaad gawrac ku laysaanba
29. gabdhahayga ugub waxaad seefta galisaanba
30. waxaad gaadhigaygii ma gaydaan tidhaahdaaba
31. gantaaliyo kaare waxaad nagu garaacdaanba
32. goonyaha hargeysiyo burco markay ciidu gubanaysay
33. galabtaa waxaan ka qaxay ee yaalay gurigayga
34. gogoshiyo xariirtii wixii dahab galuubnaa
35. giniyaadka lacageed ee gambaba meel taalay
36. garowgiyo bariiskii yaalay guudka suuqyada
37. diraciyo googarad intay gaari xidhanaysay
38. intaan gaar u haystiyo waxaan garan lahaa uun
39. guryihii dhisnaa waxaad raarta gurataanba
40. waxaad gidaaradaydii mar-markii ka goysaanba
41. geeliyo lo’daydii iyo intaan garo riyaad haystay
42. intii geed bustaanada ku tiil goboladii degaankayga
43. wax taariikhda galay oon lagana goynaynin
44. waxaad geesiyaal iga disheen gaasaska isaaqa
45. ama guunyo iga dhacdeen geela iyo moodba
46. waxaan godob kuu haystay, tan iyo guumaale
47. ayuu gaal iyo islaam ogaa inaan galab ku saamaxaye
48. cadho igu gabowday markaan diiday gibirkaaga
49. gebagebo colaadeed markuu galowgu eedaamay
50. ee gaadmiyo badheedhba la isku gabaxsiiyey
51. guulahaa I bixiyey ee ilayn nolol iimaad galine
52. markay SNM guulaysatey een goostay dhinacayga
53. riyaaloon gashi u haystay intaan cafiskii gaadhsiiyey
54. siiraanyoo garabtaagan intaan geesta uga leexshay
55. ayaan go’aan wadari leedahay saaray garabkiise
56. gadhwadeenkayagu waa wiilkii gudabguure
57. ma gun baa sidaa yeeli lahayd waanad garanayne
58. gobanimada lama iibsan karo garow sidiisiiye
59. ma gadaan dukaamadu intaad dhiibto giniyaade
60. miduu guule noo dhaliyeybaan gaar u leenahaye
61. adna ku garwaaqsaday inaanad gabadh u doodayne
62. hunguraa halkaas kuu galay iyo googo lacageede
63. gabdhaha kuma taagsano sidii gadiiniiye
64. garoomada raggaan walee goolka dhaliyaaye
65. godobtayda waan aqaan ninkaan ka goostaaye
66. waligaa nimaanad gaadhayn baad daba guclaysaaye
67. waxba ha I garab joogsan waan kaa gu roonahaye
68. afartaa sidii gantaalaha ma iska daba geeyey
69. ga daan kaga bilaabiyo miyaan gaafkii ka habowshay
70. gedii cabdiqays iyo afloo galin ma waydaarshay
71. gunuuskaabay badiyeen ee ma u guntaday caawa
72. guubaabo roob iyo ufiyo gaydh ma soo kiciyey
73. ga da kalena waa maansadaan soo gudbinayaa
74. geeridii cigaal iyo maxaa geesigii kuu geeyey ?
75. diyaaradii ina geele iyo waftigii guudsaarnaa
76. maxaa adiga kaa galay eed goortan u soo qaaday ?
77. caasimadan gobta ah iyo ganacsigaad sheegayso
78. geed canbe, gosha wabiga, iyo galeydiyo hadhuudhkaas
79. gogol raaxo, guur jaban, iyo laydhka aan go’aynba
80. calankii shanta geesiyo waxaad is wada guud saartay
81. haday kula gu’wayn yihiin aniga waa ila gabaahiire
82. maahmaah guuna tidhaa oon oday kasoo gaadhay
83. haday garo dub leedahay dabaan gilicda hayseene
84. guudkeeday ku qarin lahayd goor iyo ayaane
85. adiguna gedaasaad tahay iyo caydh gorfaale ahe
86. sidiiyood nimcadaan gaadhiyo hayso giniyaad
87. ama nabada geed ka geed aad gama la jiifayso
88. ama nin gilgishay aad tahay oo goostay dhiniciisa
89. ama calan u gaara iyo haysta ciidan gooniya
90. ama lacag giniyaada oon waliba gadoomaynin
91. ama golayaal asxaaba oo gidigood tartamaaya
92. ama sharci aan gufi lahayn uu geesi soo xulay
93. ama garsooriyo cadaalad dalka wada gaadhay
94. ama gaashaanliyo saraakiil talada goynaaya
95. ama gadhwadeeno iyo shicib is wada guubaabsha
96. ama guurti iyo cuqaalba geed ka taliyeeno
97. ama dhakhaatiir wax garanaysa oo dadka gargaaraya
98. ama guryihii aqoontiyo dugsiyada garaajwayjka
99. ama jaamacad giraydh bixisa oonad ganbo ka dhiibayn
100. ama musheekh gabawdiyo wiilal diinta ganayaaya
101. ama gidigeed suugaani galalkay ku aasnaydba
102. ama is gaadhsiinta tiiviiga oo geedi ka hadlaayo
103. ama awnaadiyo gabyaa iyo dhalinta geeraarta
104. ama garaad iyo suldaan ku dhalay sidayda aabe geesi ahi
105. waxba gabaygu yuu ila durkine waxaan kusoo gooyey
106. waligaa nimaanad gaadhayn ayaad daba guclaysaaye
107. niyow gabaygii ceebeeyey iyo waliba geeraarka
108. niyow gaangida leh een aqoon googaa-cigalayska
109. niyow aan waxba garanayn ee gudcurka rooraaya
110. niyow xamarta la gu’weyntahay meeshaas gubanaysaa
111. boqolaad wax oon is gayin niyow meel iskugu geeye
112. siduu geesigii dhirbaaxo yidhi gabay majeerteenle
113. waxaase garasho kaa liita uu dhacay gabalkoodu
114. kuwaad gaariye u tahay ee jooga garabkaaye
115. labadan gobol iyo nikaaxaad galisay maankaaga
116. intay dunidu geedkaas tahay ee gacalku sii joogo
117. galbeedkiyo barribaynu kala nahay labada geesoode
118. garka wadnahaygu waa horuu daayey galowdiiye
119. gocashana maba aqaan niyow gabi ahaanteede
120. waxba indhaha ha igu gubin gaabsi ma aqaane
Yusuf Dhamac
Xasan - London Aar9923@hotmail.com