Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

GABAY CUSUB
Ehelkiisu Nimuu Tooriyeynayaan, Taamil Noqonayne
Hadaan ahay Yuusuf Dhamac Xasan waxaan tiriyey Gabaygan oo la  magac baxay
Tafaraaruq  22/04/2005,  waxaanu ka hadlayaa tawfiiq la’aanta Islaamka
maanta dunida ku nool iyo siday koox-koox u kala qaybsan yihiin, iyo sida
cadowgu ugu tashaday ee loo doonayo in iska daa dalalkiiyoo in caqliga laga
gumaysto.

 Waxaan ku hal-qabsanayaa nin aanu saaxiibnahay oo la yidhaahdo Mukhtaar
Daahir Cabdi oo degan magaalada Lestar ee cariga ingiriiska.

Wuxuu yidhi.

1.    Hadii gabayga taaj lagu baxshiyo, taano lacageed
2.    Dhaaxaan ku tamashleeyey, tixaha maansoode
3.    Kolkaan tooshka soo shito, een haysto tubihiisa
4.    Ninkii afar hal tuur-tuuri jiray, orodka tawleeye
5.    Mar hadaan tiriigii buuxsadey, daaray taraqiiye

6.    Taw-taw hadalku iigama dhaciyo, waliba tiiclayne
7.    Tusmadaan ujeedo ayaan qunyar, tilmaamaaye
8.    Aan tiriyo caawana waxbaan, taabka ku hayaaye
9.    Iga teeb garee mukhtaarow, adaan tuduc ku seegayne

10.    Waxaan adiga kuu taartay waa, tamaamnimo e
11.    Adiguu taajir ku siiyey, garasho toosh weyne
12.    Adigaa tarbiyad fiicanle, tilmaantii diimeede
13.    Run toosan Adaa yaqaan, oon been taraarixine
14.    Adigaa Teeri geesi ah, oo galini taariikhdee
15.    Haatufkii wax ii tabin  jiraa, taarka soo dhacaye

16.    Wuxuu yidhi tawfiiqayow, islaam wuu taraaraxaye
17.    Tafantoofe dadkoodii sidii, loo tafaafulaye
18.    Todobaatan jeerbay kala jabeen, turuble noociise
19.    Tixaadiyo waxay kala noqdeen, boqolaal teel-teele
20.    Tacliintiyo cilmigii diimeed, kuma tanaadaane

21.    Tartan madaxnimaa waalay, iyo maamul tuugo ahe
22.    Taashbay wada daba ordeen, iyo taano lacageede
23.    Tilyanaadna waaye aakhirana, lagaba taandheeye
24.    Markay tawxiidkii diideen iyo, taajir wadadiisa
25.    Xadiiskii markii laga tagiyo, tubtii rasuulkeena (csw)

26.    Tartan duunyo markii loo kacay, sidii tukaanlayda
27.    Ee taajirkii maal lahaa, dafiray miskiin turuqiisa
28.    Markay timoqraadiga qaateen, iyo gaalka taladiisa
29.    Ka tagaay wixii la yidhi markay, tacab ku miisteen
30.    ILaahbaa tacdiibtaas badey, Tawfiiq la’aaneede

31.    Halkay taladu ka weydeysan tahaan, idin tusaalayne
32.    Tabtii geedkii hadlay markuu, gudin tilmaamayey
33.    Ee yidhi waxa ku taageerayee, gooyey turuqayga
34.    Waa tiirka daabkiyo badhkay, ee ima takhayseene
35.    Niman toobab xidha ood moodo, taqi culimeed

36.    Oo timaha gaabsan gadhka, taanbuug la moodaayo
37.    Uurkana tiimam naara iyo, gaas ka tifiqlayso
38.    Rag tabtaas ah baa jiroo, oon qaar la tukanaaye
39.    Ilayn tuugo kula taal abid, tabtaa ma wayduune
40.    Munaafaq war kaa tabiyaa ka xun, gaal ku taawilay

41.    Tin cirowday maaha garashadu, oo taajir bixiyaaye
42.    Maskaxdii la taabini way, fakari nolosha toolmoone
43.    Walaalkaa taageersaa ka roon, inaad tasaysaaye
44.    Ehelkiisu nimuu tooriyeynayaan, taamil noqonayne
45.    Inta islaamba islaam tiinbanyee, tiinka ku riixaayo

46.    Tabtaas uun bay ahaan, hadaan Taajirku u hiilin
47.    Tolaayeeyda ciilkiyo ilmadaas, iga tiflaynaysa
48.    Anigaa islaamkii tabey, nimaan tawxiid wadaagnaaye
49.    Tafaraaruqbaa ku dhacay, halkay toban ku joogeene
50.    In la toocsaday, in la tiinbaday, iyo in loo tashanaayo

51.    Tafantoof ayaa la baday oo, turuq ma sheegtaane
52.    Sidii Tiro adhiyoo daaqayey, madaweynta taagan
53.    Oo waraabe toban soo qaday, koone kasoo toocshay
54.    Siday tobanba gees ugu didaan, waa tabtaan nahaye
55.    Tamaamkii ciraaqiyo la waa, timir basreediiye

56.    Ma tudhaan iblaysaa Sadaam, rartay tunkiisiiye
57.    Waakii tumaatida maato, sidii tays u gawracaye
58.    Iiraantii tolkiisiyo markuu, tiinbaday Kuweeda
59.    Markii uu tadhahay intuu, kibirku tiir saaray
60.    Tumaal maraykanbaa lagu saliday iyo, toora waynlaha e

61.    Turuqii awooduu lahaa, wakaas taabay cadowgiiye
62.    Tigrigbaaba lagu maalayaa, tolow hashiisiiye
63.    Ciidankiisii tuutaha sitey, waa laga talaabsadaye
64.    Qaarbaa taandhada lagu xidhiyo, tiirka dhagareede
65.    Tafwareemadkiyo kufsiga, ragbaa lagu tahluukaaye

66.    Tiifiigaabay kaga faanayaan, intay taqiyo laayeene
67.    Tacabkaa ba’ iga dheh, ninkaas jabshay tolkiisiiye
68.    Taalibaanka wuxuu yidhi, waa terror dhamaantoode
69.    Teroriiska waa lagu yaqaan, inay wax tuuraane
70.    Tuwin-taawarkiibay gubeen iyo, taraydhkiiye

71.    Qori teembo weynbuu lagu gubay, tuuladii Afgaane
72.    Markii la toocsaday galeen, buurta tooreboore
73.    Townankii Iiraaniyo shiicaa, loo tashanayaaye
74.    Tar-tarada sudan iyo jeejniyaa, loo tartamayaaye
75.    Tawaahigii cadmeediyo hadaa, ticis loo socdaaye

76.    Teerigii qadaafi liibiyana, taarka lagu duubye
77.    Tol-maroorsi carabtii tiqiin, tawfiiq ma haystaane
78.    Falastiinbay toojariyeen, tacab ha waayaane
79.    Tafta gaalka xaytey iyo, maraykaanka tuutaystey
80.    Tamashlaabay ugu dhoofayaan, togii xaramayn
81.    Yuu gabaygu ila taraarine, hadaan taabto gobo’diisa

82.    Waxaas fariimo tiifiigu sidee, laga tabinaayo
83.    Tar-tanada ciyaarahee dadkii, ninba badh taageeray
84.    Teedka iyo feedhkiyo kuwaas, la is-tabcaynaayo
85.    Taarkiyo idaacadaha dhamaan, wararka tuuraaya
86.    Tilifoon firiiya iyo moobilkaas, tusaha loo yeelay
87.    Taageerada gargaarkiyo, sooshalkaas laguu tuuro

88.    Waxan tignoolaji isdhaafay ee, casri tamashleeyey
89.    Iska daa ninkii tacabiree, qurbe dhex taagnaaye
90.    Toojada ragii maalayaa, loo tashanayaaye

91.    Tacab lagaa dhaciyo ka wayn Arinku, taano lacageede
92.    Talaabo- talaabaa laguu barayaa, tawda waalida e
93.    Car yaan lagaa taabin Caqliga, waa loo tartamayaaye


YUUSUF DHAMAC XASAN
LUTON, UK
aar9923 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE