Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Gabay: Deris Bari 

Waxaa curiyey: Ibrahim Hassan Gagale

Gabayga soo socda waxaa lagu magacaabaa: Deris Bari, waxa uu ka koobanyahay 96 beyd oo ku urursan 32 seddexley, waxaana sannadkii 2000 curiyey Ibrahim Hassan Gagale oo u dhashay Degmada Burco. Gabaygu waxa uu ku socdaa Beesha Reer Laascaanood, waxaanu ku saabsanyahay arrimo muddo dheer laga tababanayey Beeshaas. In kasta oo Beeshu Ummadda Somaliland la wadaagto: Taariikh, dal, dad, dan, dawladnimo, iyo dhaqan sokeeyaba, si gaar ahna Beelaha Burco iyo Ceerigaabo dega ula wadaagto degaan, derisnimo, iyo ehelnimo, ayaa haddana waxaa beeshaas laga tabanayaa gardarrooyin, dibindaabyo, iyo daawo-furyo ku siman 100 sano (1900-2000) salkana ku haysa qabyaalad. Gabaygan oo qeexaya arrimahaas oo dhan, waxa uu Beeshaas xusuusinayaa inaan marnaba Beelaha Somaliland nolosha ifka ku kala maarmayn, dantuna ku jirto in la is-fahmo, si wadajir ahna wax loo wada qabsado. Gabaygu waxa uu ugu dambaynta uga digayaa Beesha Reer Laascaanood nabsi-xumo ka imankarta ku xad-gudub joogto ah ee samo iyo wanaag loo hayo.

Gabayga: Deris Bari

Beelo derisa dad sokeeye, oo dano wadaagaaya

Oo tuhun ku kala deyranyo, dibin-salaamaya 

Dar Ilaahay baa loo galaa, xaajadood darane

 

Taariikh haddii aan dersoo, eego dulucdeeda

Boqol sano dulmiga soo taxnaa, daaha uga qaado

Bari deriska naga xiga, muxuu damacsanye dooni

                            *******

Dal nimaad wadaagtaan taniyo, maalinta la duubi

Sooliyo nimaad wada degtaan, daafta iyo hawdka

Darka ceelka nimaydaan is-hurin, daaqna wada goosta

                   

Xididnimo ninkaad dadab u xidhi, dhaqanku waa doore

Abtinimo ninkaad uga dambayn, diidi xumihiisa 

Ee haddana dareen qaba, muxuu damacsanye dooni

                            *******

Wadaadki ninki daba dikriyey, dhaaxana u duulay

Boqor doonka Iimey ka yimid, daacad u adeegay

Ee durbaanka dhiillada ku tumay, deris ninkuu haystey

 

Damaacigu ninku aakhirkiis, darab u leenaayey

Hambadiisa aan daafacee, duunyana u loogay 

Xusuustiisu daranaa, muxuu damacsanye dooni

                           *******

Siyaad maalintii laga didee, ee dadba  hub qaatay

Dulmigu ku maamulay geyiga, dabargo`uu doonay 

Islaamnimo ninkaan ila damqane, derisna aan xeerin

 

Ee qaybo igu soo dumee, daw kasta igaaday

Doc ka weerarkii igu dilee, dakharna ii geystey

Ugu deeqay nabad weyn, muxuu damacsanye dooni

                          *******

Xamar maalinti laysku dilay, magan la dooxaayey

Ninki Hodan Hawiye uu dawaray, duxayey dhiigiisu

Oo magaca deriskii ku baxay, ee dalka u dhoofay

 

Ee haddana dadkaa doortayee, daba gableynaaya

Xin Dhulbahante  ila doonayaa, diirsataa Xamare

Anigaa dantiise, muxuu damacsanye dooni

                         *******

Israacii ninkaa ila degee, daadku ila qaaday

Gobonimo la duudsiyey ninkaan, wada dabayl raacnay

Oo dadiyo duunyiyo degaan, waayo nala deyrshay

 

Ee  haddana markale dawladnimo, dooni inuu loogo

Oo halista aan uga digee, weli dantii moogan

Dawlad gaara ila lihi, muxuu damacsanye dooni

                          *******

Ina Yuusufkaa  Bari degee, duufshay gobolkiisa

Dawladnimada sheegtee, dadkuba yaabay damiciisa

Ee dalkuu degaankiisu yahay, diidan taladiisa

 

Qaarba difaacoo u raran, doonyana u meera

Jundi baaska weligoodba diran, waad ku durugteene

Doolaal waa damac, muxuu damacsanye dooni

                          *******

Daarood markii uu qaxee, dirirtu ay duubtay

Ee Kismayo hal dariiq maree, daal la wada luuday

Dhoobley xeryaha loo dumee, duumo ku haleeshay

 

Adigoo darxumadii qabo, dakharku uu muuqdo

Gaarisa Ogaadeenka dega, kaa daldalay baade

Damqashada anaa roon, muxuu damacsanye dooni

                 *******

Haddaad tabeyso Daarood dal kale, wehelna aad dooni

Warsangeliba wey nala degaa, waana deriskaaye

Kala sooca daa oo midnimo, geli damiirkaaga

 

Qabyaaladi horay noo dishoo, diiftu nagu taalle

Magane dib yaan loogu noqon, dumiso weyaane

Danta guud haddaan rabo, muxuu damacsanye 

                 *******

Dulmi uun nin taageerayoo, seegan danihiisa

Oo deris dhibkiisuun dawara, doona xumihiisa

Oo magaca Isaaq dacar ku yahay, oo dakano raadsha

 

Wacadkana daryeelkiisa gaba, Daa`imna u jeedo

Gardarrada in duul uu ku jabo, wada dareemaaya

Ee haddana dagaal hurin, muxuu damacsanye dooni 

                 ********

Shiikha gobolkii lagu duugayee, ducada loo aado

Sanaag bari nin dacalkeeda dega, doodda wada sheegta

Daandaansi door moodayo, damacu uu qaaday

 

Hawo baaska daran uu memelo, waan ka digayaaye

Dunidan intay uuman tahay, yuu durbaan tumane

Wada dega haddaan rabo, muxuu damacsanye dooni

                 *******

Dal barwaaqo khayraad badeed, dalagyo beereedka

Dekadaha u furan ganacsigiyo, duunyo laga dhoofsho

Macdan dihin shidaal noocyo badan, daafta wada jooga

                      

Ninka dayrinaayee dal kale, doona lihidiisa

Dal nacaybka uu qabo qalbigu, waa ka didayaaye

Qawad daran hadduu qabo, muxuu damacsanye dooni

                 ******* 

Dunidan la soo koobayee, Maars lagu duulay

Dayaxyada samada loo diree, wararka duubaaya

Ee wadajir lagu doogsadee, lagu dakaynaayo

 

Daa`iro ninkaa ila rabee, dabinka ii qooli

Dibindaabi Somaliland, dawlad kale sheegtay

Midnimaa na doojine, muxuu damacsanye dooni

                       *******

Annagaba darbaa naga lumoo, doortay taanada`e

Dhuuni-raaca waa laga durkaa, daalim kuu colahe

Xaq  ninki la dirira darxumo, waa dugsanayaaye

 

Duulkaa dalkoodi gubee, dawladnimo seegay

Ee shalay midnimadii dunshee, deyr ku kala gooyey

Ninka dabo ordaaya, muxuu damacsanye dooni

                  *******

Samihiis nimaan doonayaa, tayda duminaaya

Nabsi daahay waa soo socdaa, oo duleed imane

Goortu derbiga soo jabsado, waa dubbe  Ilaahe 

 

Dabaqabadku waa dane, haddii looga digo beesha

Derisnimo wanaagiyo, hadday dacadnimo keento

Ninka aan ku diirsani, muxuu damacsanye dooni

                   *******

Inkastoo dulmigu naaxo saman, sarar dulweyn yeesho

Nabsi dararay goortuu hirdiyo,  dabarka uu goosto

Inuu degello naafaynayaan, daacad ugu sheegay

 

Mar haddaan ka digay oo nabsiga, daahir ugu sheegay

Oo duqiyo culimiyo waxgarad, wada dareensiiyey

Doorashada xumaan iyo samaan, Eebbow deriskaa leh

                    *******
                    DHammaad 

        Waxaa curiyey: Ibrahim Hassan Gagale

        Email: Ibrahim_hg@Yahoo.com 

 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE