Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Maanso Cusub -   Gef iyo Gadood

Waxaa Tiriyey: Ibrahim Xasan Gagale

Gabayga soo socda waxaa lagu magacaaba “Gef iyo Gadood”, waxa uu ka koobanyahay 160 beyd oo ku uruursan 40 afarey, waxaanu u kala baxaa 4 qaybood oo mid kastaba ka hadlayso xaalad gaar ah. Qaybta 1aad waxay ku saabsantahay afgembigii uu Siyaad Barre dalka ku qabsaday 1969, dulmigii uu ku kacay, iyo sidii uu qaxootigii Somali Galbeed gacanta ugu gashey awooddii dalka, siiba ciidamada. 

Qaybta 2aad waxay ka hadlaysaa sidii Reer Waqooyigu uga gilgishay duudsigii dawladnimo iyo tacadigii xilligii Taliskii Siyaad Barre, dagaal hubaysan oo uu hoggaaminayo Ururkii SNMna ugu qaaday taliskaas intii u dhaxaysey 19982-1990, kaas oo geeri badan iyo burbur weyn kadib lagu xorreeyey Somaliland sanadkii 1991. Qaybta 3aad waxay ku saabsantahay sidii loogu xadgudbay taariikhda dhaqanka dagaalada Somaliyeed, xeerarkoodiina loogu jebiyey fool-xumooyin la galay. 

Qaybta 4aad waxay ka hadlaysaa talo-seegii ku dhacay beesha Hawiyaha ka dib guushii Mogadhisho 1991. Gabaygu waa taariikh la rabo in fac kastaba ogaado kuna xasuusto wixii geyiga Somaliland ka dhacay si looga digtoonaado kelitalisnimo dambe, wax saamayn ahna kuma laha waqtiga la joogo, magacyada beelweynta ee ku jirana sida Isaaq, Daarood, iyo Hawiye waa kuwo ku habboon xilliga gabaygu ka hadlayo iyo loolankii ka dhaxeeyey beelaha waaweyn . Nuxurka gabaygu waa: Gefkii Daarood, gadoodkii Isaaq, iyo dhaliisha Hawiye. 

        Gabayga: Gef iyo Gadood

 

Nabad dhaba Dhulko lagu gam`oo, loona kala goosho
Naxariista Eebboo godlano, doogga lagu guuro
Gasiinkoo  raqiisiyo dharkaad, gadan midkaad doonto
Oo doorashada guud jirtoo, gole la soo doorto
Barre gudaya oo goob kastaba, goosan ku horgooyey
Gar-maqaate waatu qabsaday, goor habeen badhahe
Barlamaanki waatu gembiyey, oo dastuur gabaye
Guddiyada watu nagu xukumay, goostay taladiiye
Watu yidhi god dheeriyo qarbaan, idinka soo gaadhay
Dadweynuhu u guuxee waxbadan, ubax guddoonsiiyey
Shacabku godlanayee darxumo, muu gilgilaneyne
Kelitaliye gooduu ahaa, raadka gadanaayey
Siyaad  wacadki geesbuu ka maray, oo qabiil guraye
Aqoon iyo intii garad lahayd, gees ayuu daraye
Suldaaniyo garaadiyo ergada, waanshey garanwaaye
Gujee talada boqorada garnaqa, garawna siin waaye
Garma-qaate waa lagu yaqaan, talo gar-diidkaase
Garboweynta duulbaa ka ridey, uu tol guud bidaye
Bixisadu ninkay goobaysaa, daawo garanwaaye
Gacan-saydhka taladu ku diley, gebi bal aan sheego.

Garawsaa la dhahay dawladnimo, waw gudboonahaye
Gobollada u daa baa la dhahay, maamulka u gaara
Beelaha gudboon baa la dhahay, garab ha siin taada
Guubaabo daabaa la dhahay, faanka iyo giirka
Geeljiraha ka daabaa la dhahay, jago gef loo siiyo
Nimaan geyin ka daabaa la dhahay, darajo guudkiisa
Gunno maal hasiin baa la dhahay, gelin nimaan xoogsan
Go`e nolosha dhaaf baa la dhahay, yaanay gaagixine
Haw gefin awoodaa la dhahay, godobna yey keenin
Haw adeegsan gaasbaa la dhahay, beeshad garanweydo
Gawraca ka daabaa la dhahay, geesi kula dooda
Geyigaba ka daabaa la dhahay, guri colaadeedka
Qaxootigi geyiga soo galee, Geeska laga qayshey
Gobol gobol kuwii noogu yimi, maalin iyo guure 
Kuwii diiftu ay wada godee, gaajo kala goysey
Ee gorofka caydheed dunidu, galabba koox siisay
Magac guud kuwii loo hamraday, loo gurmaday dhaaxo
Gabbaadsaday dhulkii aan lahayn,  gogolna loo daadshey
Xuquuq gaar kuwaan nagu lahayn, gororna noo sheegan
Galootiga  kuwii nagu  ahaa, ee mudada gaaban
Oo golaha  qaar loogu daray, ee la garanwaayey
Guddoomiye kuwii laga dhigiyo, janano geesh haystey
Danjiriyo wasiir  gaadhayee, guri cad loo qaydey
Qaxootigi wadanigii gembiyey, ee dalkaba goostay
Garaad xume ka daabaa la yidhi, gurasho Daaroodka
Ma gayaa qaxootigu la yidhi, maamul uu galo`e
Ha gadine ka daabaa la yidhi, dawladnimo gaara
Gobanimada dhawrbaa la yidhi,waati loo go`aye. 
            ******************** 
Dawladnimadu waa guunyo iyo, gole wadaageede
Waa loo gudboonyahay dhibtiyo, gacanta dheefeede
Gacal looma siiyo qabiil, way ku gubataaye
Maamul xumo haddii laysku galo, gaawahaa qubane
Aayihii markuu madaw galee, xaalku halis gaadhay
Taladiina midho ay gabtee, waano gamashaysay
Garbay noqotay in markaas halgan, guuda lagu qaado
Oo SNM gaashaandhigiyo, gaasas la alooso
Qori caaradiis wuu gayee, gulufka  uu eedo
Guuraha habeenkii la gudo, gawre iyo geydhe
Gudguduudka waaberi la galo, cadaw gariiraaya
Gaadmada uu geesigu ku liqo, gaasas iyo guuto
Dulmigii ku gaammuray Isaaq, ciilki lagu gaaxshay
Gebogebo dalkii laga geshiyo, maato lagu goobtay
Gadoodku ka dhigay tacadigii, nacabki uu gooyey
Guulbaa Ilaah nagu galladay, oo na sii garabe
Geeshkii markii uu jabee, qaybo laga gooyey
Oo taliski gondihii u dhacay, oo rafaday gawrac
Sanku neeflihi wixii Geeska yiil, nagu gel Daaroode
Galaayuus qaxootigi hubee, uuman kala gaara
Guhaadaw magaaliyo miyiba, dhiillo wada gaadhay
Goodiyada Hargeysiyo Burciyo, Gebiley guudkeeda
Galladweyn Berbera waa naftee, gebi duleedkeeda
Ceerigaabo dhinacaa Gar`adag, gacalladii Shiikha
Arabsiyo gudaha Caynabiyo, goobta Balli-dhiiga
Gubadkaa Waraabeeye iyo, gegida Oodweyne
Dhagax-dheer gedaankeeda iyo, guri sama Ooga
Lug-hayada galbeedkaas jirtiyo, Saylac garabkeeda 
Garbo siman hub qaar loogu xidhay, qaarna lagu goobtay
Ama raxan  gantaalaha riddaa, guudka kaga tuurtay
Daaraha gawaan lala simee, ee madfacu goostay
Gumaadkii carruurtiyo ku dhacay, hooyo garab joogtey
Gawrac wadara inta goor gudcura , xawda laga gooyey
Xabaalweyn dadkii lagu guree, ee la garanwaayey
Kontankii Gassiriyo la dhigay, Koonfur gudaheeda
Hablihii gayaankooda sugi, guun hawada maagay
Guunyo maal wixii layska dhacay, dahab guduudleyda
Xoolaha garnayl lala dhiciyo, gumuca  baaruudda
Gurgurshaaga miinadu la kici, geeddi-gibilweynta
Berkadaha gingimane garaac, hoobiyuhu goostay
Qaran guuna annagoo ahoo, Geeska abid joogney
Dhulka duulki hawadood gashaday, goostay lihidiisa
Garaadkoodu badh ku gawrac yidhi, badhna gawaan-raaci
Ee gobolba  reer  siiyayee, beenti lagu guurey
Maxastii geyiga barakacdee, gaajo la hulleeshay
Ee derisku guuraha gasiin, nabad geshee siiyey
Giddigood waxmay galabsaniyo, godob la eedaye
Abtirsiimo baa lagu galoo, loo gardaadsadaye 
Taangiyada gurguurtiyo ma dumay, gaasas daba jooga
Madaafiicda goobtana duqayn, cadaw ma sii gaabshey
Guutoweyn gantaalaha riddaa, siigo gamid tuurtay
Geerida dhul waa loo huraa, galaw miyuu qayshey
Miig wixii gorfaha laga dhigee, suugu kala gooyey
Wixii taangi suuqyada la gubay, ama hub gaashaaman
Gaadhiyada  wixii  laga  gediyey, ee gurmad u roori
Meydkoodu wuxuu geylanaa , goob kasta Waqooyi
Nabsigay galeen baa gondaha, gaadhayo dilaye
Duul haduu kibroo oo geyiga, ganafka uu taago
Diintiyo hadday gees-maraan, Guulle sidu sheegay 
Dhab ayaa  dagaal loo galaa, diriri waa guule
Qaranbaa qabiil uga gedmee, gaag ma laga reebay
Jananadu gadaal maw gurteen, goloslehee dhuuntay
Korneeladu gudaha maw galeen, guri sariir taalla
Ma hulleeshay giddi dooxatadii, oo habeen guda`e 
             ********************
Weligeedba Somali godob, iyo colaad guuna 
Gawraca dhegaha lalasimiyo, guluf la kala  qaado
Rag-wareematada gabbal-dhiciyo, waaga hore gaada
Dhiilladu geyiga weyjirtiyo, gam`a la diidaaye
Guhaadawse dhaqanbuu lahaa, tanuse waa gaare
Gawrac-jamaca lama geysanjirin, ama gumaad hoose
Da` gabowdey looma qoosanjirin, xawda  gelin  joogi
Gurboodkiyo gambooley ma jirin, cadaw gabraartaaye
Garyaqaanka lama dooxijirin, kala guraha beesha
Muxsanaadka guudkood ma jirin, gocor sadheeyaaye
Haween dahabka lama goosanjirin, waa gunnimo weyne
Godka iilka iyo aakhira, loo gayoon jiraye
Kufrinimo dadbaa  galabsadiyo, gubasho naareede
Dawladnimo dadaan gaar u helin, eed  ku gale weyne
Geb hadduu ayaxu meel ku dhaho, geeduhu tiriye
Geyigaba fasaadki ka dhacay, khayrki miyuu guuray
Daarood  hoggaankiis la gubay, oo la kala guurye
Islaamnimada ay gudub-mareen, uunku garanwaaye
Reer Ayka miisaan gurracan, yaa gediyay gore
Dulmigu garaad-xumi u galay, magan Galbeed siiye
Sayidkii arlada soo galee, gabanadii dooxay
Waatuu Isaaq gaal ku ladhay, oo gef weyn galaye
Gumaadkiyo burburin kaa galiyo, kii cafiga goostay
Gaalnimada keebaa u dhaw, gari hadday joogto 
            ********************
Hawiyaba dagaal waa galee, waase talo-guuray
Markuu guushi Xamar taabayee, Guulle garabsiiyey
Dawladnimo halkuu garan lahaa, muran gadaashiiye
Magantay guryaha kala baxeen, gawrac ugu jiidye
Taallada dal kale loo gudshee, ganacsi loo dhoofshay

Kambayuutarada gudin afweyn, gawda laga saaray
Tuubada guryaha laga fagtee, geesta laga diirtay
Gidaarada dalooliyo wadada, googo`dee  madhatay
Gumaadkii dhexdoodiyo ka dhacay, garab-dhigii gaadhay 
Mooryaanta guryihii degtee, aad gelgelin moodo
Ee  ganafka ruuxii  lahaa, lagu gujeynaayo
Go`e samaha kama talinayoo, gooye nabadiiye
Bini-aadamku guri madaw, gooni ku afduubay
Xoolaha  sidoodi u gaday, gini intuu siistay
Diinti xad-gudubkuu ka galay, ama gefkuu geystay
Cadho Eebbe yaa laga gurtaa, goor kastaba naare  

Hubka  weli ka guuxaaaya Xamar, ama gariiraaya
Dekaddaa gu`yaal badan xanniban, ama garoonkeeda
Maataday u diideen gargaar, gaajo  lediweyda
Gurmadkay horjoogaan dunidu, garan la` xaalkooda
Wiirsiga kamay gubanayaan, Reer Galbeed xulaye
Xarragada dagaal waw gefeen, waana gudhiyeene
Waa kaa ujeedadi gabee, gudaya hayhaade
Goor muu garaad yeelanoo, garan wuxuu dooni  

                    DHAMMAAD 

Ogeysiis: Gabaygan oo cusub lana tifaftiray, magac cusubna loo baxshey, waxa uu nasakhayaa magacyadii hore loogu baxshay isaga oo qabyo ahaa, kuwaas oo kala ahaa Gudban ama Gudban Kala Gura. Haddii cidi hore ugu heshay isaga oo qabyo ah oo aan tifaftirayn, magacyaashaas la nasakhayna wata, fadlan ku bedelo kan tifaftiran, dhan, lana siiyey magac cusub oo ah: Gef iyo Gadood. Haddii cidi danaynayso inay ku luuqayso kuna duubto cajalad, fadlan igala soo xidhiidh emailkayga hoos ku qoran. 

Waxaa Tiriyey: Ibrahim Xasan Gagale May 2003 Email: 

Ibrahim_hg@yahoo.com

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE