Saxan saxo udgoon iyo saadaashu waa khayr.
Waxa curiyey: A/NASSER A. GASS SAMATAR - USA
Sanadkanina guushii Kulmiyay u socotaa.
Siilaanyiyo Cabdiraxmaan labadii saciimee somalilanow .
Kuwii calanka seesee sahan dheer u galayoow salaan naga gudooma.
Saadaasha guushuna Kulmiyay u socotaa.
Soodimaha dalkeeniyo Sool iyo Sanaagiyo
Siyaasaddan guracanee surinkii aqoonsiga
silcinaysa Qaranimo iyo salowga muuqdaa sahan adag baahane.
Saadaasha guushuna kulmiyay ku socotaa.
Soomalilaniyo sabadii dhulkeenii
siliciyo darxumadaa dadku uu ku sugan yahay iyo
salowga muuqdaa sahan adag u baahane.
Saadaasha guushuna kulmiyay u socotaa.
Surimada qarsooniyo saymaha la ila rabo .
Siyaasaddan saboolkee meel ay u socotaba cidi aanay saarayn .
Summad laaweyaashani Soolderet isugu tagay iyo
salowga muuqdaa sahan adag u baahane
Saadaashaa guushuna kulmiyay u socotaa.
Maalmahan sirgacanee aqoonsigii la suurshiyu waayahan saboolka ah.
Siyaasaddan salguurtee,salaankii ka duushee,
sida geel cadceedsaday sii socota meel dheer,
iyo salowga muuqdaa sahan adag u baahane.
Saadaasha guushuna kulmiyay u socotaa.
Siilaanyiyo Cabdiraxmaan labadii saciimee somalilanow,
kuwii calanka seesee sahan dheer ugalayoow,
waan idinla soconaa dadku waydin sugayaa saatir hayna garab galo. Saxan saxo udgoon iyo saadaashu waa khayr sanadkanina guushii Kulmiyay la socotaa.
By A/NASSER A. GASS SAMATAR. SAN JOSE CALIFORNIA
Email: dabataxan@yahoo.com