Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Edited: 27/05/2005  

 

Faallo ku saabsan Madaxweynayaasha soo maray somaliland iyo xiliyadii kala duwanaa

Ahmed Ismail Abdi

    Malaysia

 

Sideedaba taariikhdu iyada ayaa isdiwaan galisa umana baahna cid diwaangailsa sababta oo ah nin waliba waxa uu kuqoran lahaa waxa uu isagu jecel yahay kana reebi lahaa waxa uu neceb yahay. Tan iyo intii ay Somaliland soo jirtay tan iyo 1960 markii ay xornimadeeda kaqaadatay boqortooyada ingiriiska iyo kahorba waxay lahayd geesiyaal kusuntanaa taariikhdeeda. marka aan kasoo bilawno 1960 waxa xornimada ilaa xiligaas dadkii u halgamayay ka mid ahaa alle ha u naxariistee MAXAMED IBRAHIN CIGAAL madaxweynihii labaad ee Somaliland oo dawladnimada aan maanta haysanana dhidibada utagay laguna mgacaabo aabihii qaranimada Jamhuuriyada Somaliland.
 
waxa kale oo isna kalin laxaad leh kasoo qaatay qaranimada Somaliland madaxweynihii ugu horeeyay ee somaliland murxuum C/RAXMAAN AHMED CALI oo lagu xasuusto halgankii dibu xoraynta wadanka iyo hirgalintii haykal dawladnimo oo Somaliland yeelato kii ugu horeeyay isla markaana noqday madaxweyne suuro galiyay in uu kawada qayb qaato halgankii SNM iyo dibulasoo noqoshadii xornimada oo uu madax kanoqday inkasta oo mucaaradad aad ubadani hakortimid.
 
 AHMED MAXAMED MAXAMUUD SILAANYO ayaa isna lagu xasuustaa hogaamiyihii ugu mudada dheeraa ururkii SNM iyo xorayntii wadanka Somaliland,  iyo kamid noqoshadii dawladii marxuum maxamed ibrahim cigaal. mudane SILANYO ilaa hada wali kuma guulaysan in uu mar uun madaxweyne noqdo balse hadana kama rajo beelin.waxaanu hada hogaamiyaa xisbi mucaarid ah, oo aad ujecel kufadhiisiga kursiga madaxweynenimo goor ay noqotaba.
 
Madaxweynaha hada talada haya mudane DAHIR RAYALE KAHIN oo ah kii ugu horeeyay ee shacabku soo doortaan kana madax banaan hab beeleed ayaa isna lagu xasuustaa hirgalintii hanaanka dimuquraadiyada iyo xisbiyada badan oo inkastoo uu fikradeeda lahaa marxuum cigaal  hadana uu isagu kasuuro galiyay in ay somaliland kaguurto beelihii una guurto nidaamka xisbiyada badan. waxa lasheegaa in uu madaxweyne RAYALE wax wayn kabaday siyaasada Somaliland gaar ahaan siyaasiyiin badan oo hore mucaarid u ahaa ayuu ugacan haadiyay kuna guulaystay soo xero galintooda, kuwo kale oo ay aad isugu dhawaayeen marxuum Cigaalna daaqada ayuu kasaaray. dad badan oo arintan kafaalooda ayaa sheega in xubnihii marxuum Cigaal kudhadhawaa qaarkood kuwa hada mucaaridka kubiiray ay doonayeen in mudane RAYALE iyaga u daba fadhiisto wixii talo ah isla markaana ayna cid kale meesha soogalin, arintaasna waxa lasheegaa in ay ucuntami wayday madaxweyne RAYALE oo doonayay in uu yareeyo mucaarada dibada oo xiligaas aad ubadnayd.
 
Guntii iyo gabagabadii madaxweyne RAYALE waxa lagu tilmaamaa madaxweyne soo maray xiligii ay Somaliland ugu fiicnayd dhinacyada siyaasada iyo arimaha bulshada ilaa hadana haysta fursad uu kaga faaiidaysan karo in uu mar kale kuguulaysto kursiga uu hada kufadhiyo.
dadkan ayaa leh soonoqoshada madaxweyne RAYALE waxay kuxidhantahay sida uu ugu faaiidaysto sadexda sano ee wakhtigiisa hakadhay iyo isagoo dib u habayn iyo isku shaandhayn kusameeya goliisa wasiirada oo lagu tilmaamo kuwa tiro badan inkasta oo aanay jirin wasaarado cusub oo uu layimid ama uu kukordhiyay madaxweyne RAYALE.
 
Ahmed   Ismail   Abdi
 
M a l a y s i a

xaaji810@yahoo.com

 

 

Muxuu salka kuhayaa khilaafka u dhexeeya xukuumada somaliland iyo golaha wakiiladu ?

Ahmed Ismail Abdi

    Malaysia

Waxa baryahan saxaafada somaliland gudo iyo dibadba kusoobaxayay wararka kusaabsan khilaaf aan yarayn oo markii labaad soo kala dhexgalay xukuumada madaxweyne rayale iyo golaha wakhtigiisii sii dhamaanayo ee wakiilada. hadaba dad badan ayaa iswaydiinaya waxa sababay khilaafkan iyadoo hore golaha wakiilada loogu tirin jiray mid gabi ahaantiiba u dhaga nugul amarada kasoo baxa madaxtooyada.

 
Sida ay sheegayaan dadka u kuurgalay khilafkan haatan taagan ayaa shaaciyay halka ay sartu kaqudhuntay inay tahay dhawr meelood. waa ta hore e waxa haatan dibada usoo baxay liiskii musharixiinta xisbiga UDUB ee golaha wakiilada, liiskaas oo ay iska dhex waayeen intii badnayd xubnihii muxaafidiinta UDUB  ahaa ee golaha wakiilada kujiray, iyagoo markii hore rajaynayay in uu madaxweyne Rayale iyo xisbigiisu ay dib usoo sharixi doonaan. balse xisbiga UDUB  ayaa hoosta kaxariiqay dhibaatada ay leedahay hadii ay soo sharaxaan xubnihii hore oo dhan , taas oo ay kusheegeen in ay codod badan kuwaayayaan, waxayna taas uga wareegeen in ay soo sharexeen xuno kamid kuwii hore iyo kuwo badan oo bulshada dhexdeeda magac iyo maamuus kuleh, isla mrkaana ay arintani walaac wayn kureebtay xisbiyada kucaaridka ah sidii ay uheli lahaayeen xubno u dhigma kuwa UDUB madasha soo dhigeen.
 
Qodaobka labaad ayaa lagu sheegay mid kaas hore laxidhiidha oo markii ay xisbiyada mucaaridka ahi arkeen xubno badan oo UDUB  liiska musharixiinta kasaartay ayay gacanta u haadiyeen, waxayna u balan qaadeen in ay wax laqabanayaan kana aar goostaan madaxweyne Rayale iyo xukuumadiisa. waxayn isla garteen in ay madaxweynaha kusoo oogaan wax ay ugu yeedheen maamuus kaxayuubin oo uu fikradiisa lahaa mid kamid ah xisbiyada mucaridka ah, soona hordhigay golaha wakiilada dhamaadkii bishii tagtay.
 
Mida sadexaad ee arintan lala xidhiidhinayo ayaa ah, gacan shisheeye oo adeegsanaysa mid gudaha ah.  gacantaas shisheeye waxay aad uga walaacsantahay in dhawaan la aqoonsado somaliland, markaas si ay taas uga hortagaan waxay kubalan qaadeen in ay maal iyo nafba kubixinayaan is hortaaga aqoonsiga Somaliland xataa hadii ay kuqaadanayso in ay iska horkeenaan beelaha Somaliland iyo in ay dagaal karidaan gobolada bariga Somaliland. kooxdan ayaa kaxumaatay qorshe uu bilaabay madaxweyne Rayale oo ah in uu wadanka somaliland kumarti qaado inta talada africa ay ka go'do ilaa inta uu garawshiiyo kahelayo beesha caalamka ilaa hada uu kuguulaystay midawga Africa iyo madaxweynihii hore ee Sambiya oo booqosho kuyimid somaliland. waxa kale  oo ay aad uga cadhoodeen hadalada qayaxan ee kasoo yedhaya Dahir Rayale sida  " Iskadaa midaw dambee soo hadal qaadkiisa ayaaba xaaraan ah " iyo " Waxaan ugarbo xidhan nahay qaran aan jirin " hadaladaas oo nacabka Somaliland ay aad uga qaalinayaan, waxayna kutilmaameen kuwo aan hore looga baran madaxda somaliland, horseedna unoqonaya kala go'a somalia.
 
Hadaba inkasta oo aan wali shacabka Somaliland si fiican u fahmin sida uu xaalku yahay, ayaa laga soo sheegayaa in xukuumada somaliland ay si gaar ah isha ugu hayso  cida daaha dabadiisa kasoo dirawalinaysa sidii daganaansho la'aan looga ridi lahaa gayiga Somaliland. raga sida aadka ula socda arimahan ee golaha wakiilada katirsan ayaa lasheegayaa in uu kamid yahay gudoomiye xigeenka kowaad ee golaha wakiiladu mudane C/QADIR ISMAIL JIRDE  oo lagu yaqaan nin marwalba sharciga u hiiliya xataa hadii uu kuwaayayo kursigiisa sidii horeba looga bartay. waxa laga soowariyay madaxweynihii hore ee somaliland alle ha u naxariistee maxamed ibrahim cigaal in uu yidhi " c/qadir jirde mucarid iyo muxafid midna maha "  isagoo markaasi lawaydiiyay bal midka uu yahay mucarid iyo muxaafid c/qadir jirde.
 
Hadaba xiligan oo lashegayo in uu khilaaf dhinaca sharciga ahi uu soo kala dhexgalay ilaa shirgudoonkii golaha wakiilada laftiisa ayay dad badani iswaydiinayaa sida uu xaal noqon dono. balse arintu waxay dahay marwalba waa in sharciga loo hiiliyo oo aan loo hiilin cadaalad darada. waxase nasiib daro ah in maanta ninkii dantiisa gaarka ahi ay ufuli waydo uu doonayo inuu tii guudna kala tuuro. ninka maanta doonaya dib udhaca somaliland iyo ka kutaakulaynayaaba waxay baal madaw ka gali doonaan tariikhda Somaliland.
 
Qolooyinka mooshinkan wata ayaa kudoodaya in maxadweyne Rayale ay ku eedaynayaan in uu waxba kaqaban waayay gobolada bariga somaliland. waxaase iswaydiin mudan inteebay arinta barigu soo jiitamaysay ma imika oo loofadhiisanayo shirkii lagu xalinayay ayay noqotay mid la isku eedeeyo.
 
Guntii iy gaba gabadii waxa loobaahan yahay in laga taxadiro shirqoolada siyaasadeed ee lasoo marsiinayo inta wax magarata ah ee inaga midka ah , loona midoobo tanta guud iyo horumarinta wadanka, maskaxdana lagu hayo in aan kurisga xoog iyo xeeladtoona lagu helin balse ay tahay darajo ilaah bixiyo oo samada katimaada  iyo daacadnimo aad latimaado.
 
Daacadnimo iyo dulqaadbaa qaran lagu daadaheeyaa
 Ahmed  Ismail  Abdi
    M a l a y s i a

   

 

 

Ruqe ninkii lahaa dabada hayaa makacdo

Ahmed Ismail Abdi -  Malaysia

 
Mudo kudhaw 15 sanadood ayaa laga joogaa markii jamhuuriyada somaliland madaxbanaanideedii kalasoo noqotay jamhuuriyadii somalia ee burburtay. waxa somaliland kala kulantay goosayashadeedii cadaadis iyo colaado kubaahay guud ahaanba geeska africa iyo qaar kamid ah wada yurub oo ay hogaaminayaan wadamada masar iyo dawlada talyaaniga oo dano badan oo siyaasadeed kaleh somalia.
 
somaliland waxay leedahay himilo kafog wax ay hor istaagi karaan qaar katirsan wadamada carabta iyo talyaanigu. inkastoo ay jiraan colaadahaas kadhashay goosashada somaliland hadana lama inkiro karo in ay somaliland kuguulaysatay saxiibo siyaasadeed oo ay ka hoos gasho cadowgeeda gaar ah. wadamada si cad maanta ula safan somaliland waxa kamid ah kuwo maanta aduunka ugu awooda badan sida dawladaha BRITAIN iyo MARAYKAYNKA, dhinaca africa  dawladaha SOUTH AFRICA, ETHOIPIA iyo JABUUTI. halka wadamada SENEGAL , MALI , KENYA IYO SIMBABWE iyagana hada lagu tilmaamo in uu xidhiidhkoodu isasoo tarayo.
 
hadaba, wakhtigan xaadirka ah oo urukii midawga africa dibu habayn wayn lagusameeyay loona doortay maamul cusub ayaa dawlada somaliland kahawl gashay bal siday mar uun gacanta ula gaadhi lahayd midawga africa iyadoo dhawaan madaxweyne rayale ay usuuro gashay in uu si fool kafool ah ula kulmo xogyahaya guud ee midawga africa ALPHA OMER CONARI isagoo kusugnaa markaas casimda ethiopia ee adiis. kulankaas ayuu madaxweyne rayale kaga codsaday AU  in ay indhahooda kusoo arkaan somaliland si ay uga baxaan mala awaalka laga faafiyo somaliland. waxayna AU  goaan kugaadheen in ay gudi xaqiiqo raadin ah udirayaan somaliland kuna goaan qaadan doonaan waxay kusoo arkaan.
 
hadaba, sidaynu lawada socono AU waxay soo arkeen waxay soamliland usheegaysay 14 sanadood ee lasoo dhaafay, waxayna maanta goaan kagaadhayaan xaqa ay somalialnd mudantahay in lamariyo. waxaana hada shirka kasocda adiis lagu martiqaaday ergay kasocda soamliland oo ay dawladauna u wakiilatay wasiirka maliyada mudane cawil cali ducale oo ah nin aad ugu dhuun daloola wadamada IGAD iyo guud ahaaba xaaladaha bariga africa mudo kabadan 20 sanadoodna diblamaasi ka ahaa. waxa isasoo taraya iyana wadamada somaliland ay daba kasoo riixday ee doonaya in somaliland la aqoonsado ahna kuwo awood ku leh midawga africa.
 
iyada oo arintu caynkaas tahay ayaa hadana xaalada siyaasadeed ee gudaha somalilandna laga dareemayaa dhaqdhaqaaq wax u dhimi kara dhawaaqyada beesha caalamka ee aqoonsiga somaliland. qaar kamid ah golaha wakiilada oo sida la sheegay gacan kahelaya dibada wadanka iyo gudahaba ayaa hada isu diraaniya in ay khalkhal galiyaan dimuquraadiyada somaliland. waxa soo baxaya warar sheegaya in ay wadanka soo gashay lacag xad dhaaf ah oo qaarkeedna ay soo gaadhay xunbaha golaha wakiilada ee wata mooshinka maamuus kaxayubinta madaxweynaha, iyadoo la arkay mudanayaal badan oo loogu balan qaaday guryo, baabuur io hanti kale qaakoodna  ay soo gaadhayba sida uu cadeeyay xoghayaha golaha wakiiladu.
 
waxa iyana jirta in ay xukuumadu ayna wax tix galin ahba siiniin mooshinkan ilaa hadana aanay kahal kuna jeedo hada hawsha soo afjarida khilaafka gobolka sool oo ay dhawaan xukuumadu wakhti uqabatay iyo kamidhalinta sidii ay ugu biiri lahayd beesha caalamka.
hadaba is waydiintu waxay tahay " masiirka somaliland ma hor istaagi doonaa mid gacan shisheeye kadambayso iyo koox kuris kudirir ahi ".
 
guntii iyo gabagadii xukuumada somaliland waxa la gudboon in ay indho dheer uyeelato dibin daabyada iyo silsiladaha siyaasadeed ee   lasoo agaasimay, horana usii wado hawgalkeeda midawga africa si aan uga baxno go'doonka siyaasadeed. waxanan leenaahay madaxda qaranka " dulqaad waligaa lahaw waxaan danta guud ahayn ducaysane kuguma ogin"
 
Ahmed Ismail Abdi
    Malaysia

xaaji810@yahoo.com

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE