ONLF OO DADWEYNAHU SALUUGAY
Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!
Welcome to Ogaden News where you can get lates news
from your home land Ogadenia

ONLF OO DADWEYNAHU SALUUGAY

ONLF Ma tahay jabhada xaqa ah ee dalkeena ogadenia ama somali galbeed gaadhsiin karta xornimo waarta mise waa koox dano gaar ah wadata.?
!!!! DOOD FURAN !!!!!!!. DHIIBO FIKRADAADA!!!!!SI AAD OOGA JAWAABTO SU'AASHAN WAXAAD GASHAA FORUMKA HOOSE


Ka qayb qaado doodan oo aan rajeynayno in ay midho dhasho !!!! dood furan !!!!!!!. dhiibo fikradaada!!!!! Waxaan idinka codsaneynaa in aadan si indho la'aan ah aadan u taageering ONLF ama aadan si indho la'aan ah aadan u eedeynin si daacad ah u dhiibo doodaada. mahadsanidiin walaalayaal

waxaan sameyneynaa baadhitaan ku saabsan arintaan saluugida la saluugay jabhada iyo maamulkeeda.

baadhitaankana waxaa wada aqoon yahano u dhashay dalka ogadeenya ama soomali galbeed waxaanan balan qaadeynaa in aan soo daabacno dhinaca dadweynahu u badan yahay.

waxaanan sameynaynaa in aan la xidhiidhno maamulka jabhada ogeysiinana fikrada dadweynaha iyo saluugida la saluugay iyo in ay qaataan fikradaha ay dadweynaha sharafta leh ay soo jeediyaan wax kasta ha noqotee.

sida aan la socono dad aad iyo aad u farabadan ayaan ku faraxsaneyn wax qabadka jabhada ilaa iyo inta ay ku dhawaaqeen in ay qaadayaan dagaal xabad ah.

waxayna dadweynahu aaminsanyiin intii aan la xidhiidhnay oo qaarkood dibada joogaan qaarkoodna gudaha wadankii joogaan in ay jabhadu ka gaabisay dhinac kasta hadii ay noqon laheyd xag siyaasadeed oo dibada ah iyo xag dagaalba iyo hadii ay noqon laheyd in ay kasbadaan shicibka faraha badan ee dibada ku nool kuwaas oo keeni kara is badal aad u balaadhan hadii ay noqon laheyd xag dhaqaale hadii ay heli lahaayeen maamul ay aaminaan.

dadweynaha sharafta lehna waxay xaq u leeyihiin in ay dhiibtaan fikradooda lana tix galiyo. waxaynu ku jirnaa qarnigii 21naad marka dadweynahu waa in ay doortaan waxii dantooda ah. hadii ay noqoto in dagaal lagu raadiyo xornimo waarta iyo in lagu raadiyo nabad iyo siyaasadba. !

!!!! DOOD FURAN !!!!!!!. DHIIBO FIKRADAADA!!!!!

PLEASE ENTER THE FORUM TO POST YOUR DISCUSSION THANKS. waxaad taabataa forumka kadibna waxaad taabataa artikalka ah ONLF oo dadweynahu saluugay kadibna waxaad taabataa Reply BUTONKA then waxaad qortaa fikradaada kadibna waxaad taabataa butonka dhahaya submit kadibna waxii aad qortay ayaa daabacmaya oo dadka kalena akhrin karaan

CLICK TO ENTER THE FORUM BELOW


Waxaad gashaa forumka si aad u dhiibato ama u qorto doodaa ku saabsan saluugida la saluugay jabhada ONLF.


This is the Evil ethiopian Forces who are killing our people on daily basis if we are not unite and fight against them to drive out our land they will continue killing our people.