Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!
Gundhigga wargayska Somali Electronic Journal
Aqarso B. Martida
Taariikh: 21.3.1999
Saxiix B. Martida
FADLAN   TAAGEER   WARGAYSKA   CODKA   SOMALIDA    CUSUB
BOGGA 1AAD Somali Students Association in Malaysia
ARARTA WARGAYSKA
Gudashada Waajibaadka Xajka Barakaysan
xujaay bas saaran
buurta carafo
Masawirro kale oo xajka ku saabsan >> [sawir3] [sawir4] [sawir5][sawir6]
In ka badan 2 milyan oo muslimiin ah ayaa isugu tegay magaalada yar ee Makka sanadkan, si ay u soo gutaan waajibkii xajka.

Sidda la wada ogyahay, xajku waa waajib qofka laga doonayo in uu mar kalaiya guto inta uu noolyahay haddii uu awoodo.

Dalkaasi Sacuudiga Caradta oo asigu aqoola xajka ayaa sanadkan xil wayn iska saaray sidii maxfalkaas si nabadgelyo ah loo gudan lahaa sanadkan.

Si looga digtoonaado dhibaatooyinkii sanadihii dhici jiray, waxaa xujaayda loo diiday in ay isticmaalaan haamaha gaaska waxlagu karsado.

Sidoo kale waxaa la hagaajiyay ilaa 10 kun oo teendhooyin ah oo ka samaysan bacda cad ee aan dabku qabsan karin.

Waxaa dowladdu heegan ka dhigtay in ka badan 10,000 oo qof oo shaqaale caafimaad ah, iyo 5,000 oo sariiro isbitaal ah.

Waxaa kale oo la faray dadka sacuudiga deggan in ay xajka gutaan shantiisano hal mar, si ay dadka kale fursad u siiyaan.

Dhibaato yar ayaa sanadka Dowladda Sacuudiga kala soo gudboonaatay xujaaydii Ciraaq ka yimid, kuwaas oo ay arrintooda isku khilaafeen labada dowlo.
BOGGA 2AAD
la xiriir Xaji Yusuf
WARARKA SOOMAALIDA
Muqdishu
Dad Muqdishu lagu dilay
Muqdishu March 24, 1999 (BBC), Ugu yaraan 8 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay Muqdishu kadib markii qaar deblayda
somalia
magaaladaas ka qowlaysata ka mid ah, ay tacshiirad is waydaarsadeen. Dagaalkaas wuxuu ka billowday khilaaf ka dhashay is afgaran waa ka yimid baabuur la soo xaday, dadka dhintayna waxaa ka mid ahaa laba naagood oo saarraa bas-yar oo marayay suuqa Manapolio, kadib markii xabbadi meel dhaw uga soo dhacday.

Qaar kalena waxaa la sheegayaa in xabbaddu haleeshay ayaga oo maqaayad ku shaahaynaya.Dagaalkan waxaa ku dhaawacmay dad badan oo aan tiradooda la garanayn.

Dhibaatooyinka Dagaalka koofurta Soomaaliya
carruur iyo haween dhibaataysan
Nin qoray sita oo qaxaya

koox haween ah oo shiraya

canug yar oo la miisaamayo
Nairobi, March 23, 1999(BBC), In ka badan 20 qof ayaa lagu dilay, 30 qof ku dhawaadna waa lagu dhaawacay dagaallo ku dhexmaray Baydhabo jabhadaha Raxanwaynta iyo Jabhadda Ina Caydiid. Nin u hadlay jabhadda Raxanwayn wuxuu sheegay in ciidanka jabhaddiisu ay xabbad is dhaafsadeen ciidanka jabhadda Xuseen Caydiid, hase ahaatee, dhinaca kale wax war ah kama soo yeerin.

Labadaas kooxood waxay in muddo ahba isku haysteen sidii loo qabsan lahaa gobalada Bay iyo Bakool, goballadaas oo dadka deggani Raxanwayn u badanyihiin, waxaa qabsaday Jeneral Caydiid sanadkii 1995kii.

Intaa wixii ka dambeeyayna Ina Caydiid ayaa isku deyayey in uu goballadaas ka midig marsho Raxanwaynta deggan, Ina Caydiid waxaa kale oo uu dagaal ba'an kula jiraa daaroodka Majeerteenka u badan ee deggan gobalka Jubbada Hoose.

Ina Caydiid waxaa lagu tuhunsanyahay in uu taageero ciidan ka helo dowladaha Yaman, Masar, Liibiya, Eritrea, iyo Qaar kale. Jabhadda Raxanwaynta waxaa ayadana lagu tuhunsanyahay in ay taageero ciidan ka hesho dalkaasi Ethiopia.

Majeerteenka iyo daaroodka deggan Kismaayo ilaa iyo hadda la garan maayo cidda taakulaysa, waxayna dhibaato wayn ka haysataa sidii ay isaga caabin lahaayeen laba qolo oo dagaal ba'an uga soo horjeeda.

Qolada hore waa Mareexaanka duullaanka ku haya magaalada, waxaana dadka qaar leeyihiin Mareexaankaasi wuxuu salka ku hayaa oo uu gacan saar la leeyahay Ina Caydiid.

Qolada labaad waa ciidanka Ina Caydiid laftiisa oo asiguna magaalada Kismaayo jafkeeda ku jira. Arrimahaas oo dhan ayaa Kismaayo waxay ka dhigeen meel go'doonsan oo aan bad mooyee irrid kale oo laga baxo lahayn.

Naag lagu dilay xudduudka Soomaaliya iyo Kenya
Nairobi, March 22, 1999(BBC), Naag Maraykan ah ayaa lagu toogtay meel u dhow xudduudka Somaliya iyo Kenya, sidaa waxaa safaaradda Maraykanka ee joogta Nairobi u sheegay booliiska Kenya.

Booliisku wuxuu intaa ku deray in naagtaas la toogtay Sabtidii laguna toogtay dhinaca xigta xuduudka Soomaaliya, dabadeedna loo qaaday isbitaal ku yiillay dhinaca Kenya.

Sikastaba arrintu ha ahaatee, booliiska Kenya naag u hadashay waxay sheegtay in booliisku wali xaqeejinayo meeshii ay xabbaddaasi ka dhacday in ay soomaaliya dhinaceeda ahayd iyo in ay dhinaca Kenya ahayd.

Naagtaas la dilay oo magaceeda la dhihi jiray Deena Umbarger oo 36 jir ahayd, waxay u sii socotay Soomaaliya si ay ula shaqayso urur kirishtaan ah oo ururada gargaarka ka mid ah.

Dilka gabadhaas cid ka dambaysay lama yaqaan, waxaase loo malaynayaa in dablayda ka qawlaysata dalkaasi Soomaaliya qaar ka mid ah ay toogteen.

Gabadhaas waxaa la sheegay in la dilay, kadib markii baas lagu furay, ayada oo shaah la cabbaysa qaar ka mid ah duqayda tuulo yar oo xudduudka Somaliya iyo Kenya ku taallala, lana yiraahdo Kiumigio.

Dagaallo ka dhacay degmada Kaaraan ee Muqdishu
Kenya, March 19, 1999 (BBC), Ugu yaraan 22 qof ayaa lagu dilay dagaallo dhexmaray deblayda ka talisa degmada Kaaraan ee ku taalla dhinaca koofur bari ee magaalada Muqdishu.

Waxaa kale oo wararku sheegayaa in kumanyaal kale ay degmadaas ka qaxeen ayaga oo ka baqaya in lagu dilo dagaalka dhexmaraya qolyaha halkaa isku haysta.

Waxaa la sheegayaa in dagaalkaasi ahaa mid waddooyinka laysugu soo baxay, waxaana isku haysta ciidanka Muuse Suudi Yalaxow iyo ciidan kale oo uu maalgelsho nin ganacsade ah oo aan magaciisa la sheegin.

Ninkaasi ganacsadaha ah iyo Muuse Suudi waxaa ka dhexeeya khilaaf adag oo ku saabsan canshuurta uu ina suudi ku soo rogay degmada.

Dad goobjoog ahaa waxay sheegeen, in degmadaas uu ka dillaacay boob ba'an iyo gubid aqallada iyo tukaanta la gubo. Dagaalkaas wuxuu billowday maalintii Sabtida ee la soo dhaafay.

Doorashooyinkii Jabuuti oo loo tafaxaytay!
Jabuti, 26 March 1999(BBC), Waqtigii la qaban lahaa dooraashooyinka madaxtinimada dalkaasi Jabuuti ayaa wuxuu soo gaaray dabayaaqo, taasina waxay keentay in kooxaha ku loolamaya halkaas tafaha xaytaan.

Madaxwayne Xasan Guuleed Abtidoon oo dalkaas xakumayay 22 sano ayaa bisha soo socota ka degaya xukunka, waxaana lagama maarmaan ah in la helo nin bedela.

Xisbiga Madaxwayne Guuleed ee dalka xukumayay waxaa isu soo sharaxay nin la yiraahdo Ismaaciil Cumar Geelle, xisbiga mucaaridka ahna waxaa isu soo sharaxay nin la yiraahdo Muuse Axmed Idris.

BOGGA 3AAD Anglefire Free Email
BOGGA QUBANAHA
Ciidda Barakeysan ee (Ciidul Adxaa)
Ikram's photo
Waxaan dhamaan bahda wargeyka codka Soomaalida Cusub u rajeynayaa in ciidan ilaahay kadhigo tii aan samiyo bash-bash iyo barwaaqo ku ciidno iyo in illaahay dalkeenii hooyo noo dejiyo oo aynaan maanta kadib qaxootnimo kusiisugnaan Waxa loobaahanyahana tahay samirka oo aan kaashano iyo in aan illaahay u soo laabano! Ciid wanaagsan Soomaaliyeey!
Waxaa Qoray: Ikraam Abdi Ali
Vårväders gatan 1, 41831 Gothenburg, Sweden.

Monica Lewinsky oo loo diiday iney booqasho ku timaado dalka Ruushka
Ka dib markii uu dhacay weeraradii gardarada ahaa ay ciidamada gaashaan buurta (NATO) ku qaadeen dalka Yugolaafiya waasida ay Rusia tiriye, ayaa dowladda Ruushku goosatay in aaney gabadhii uu madaxweyne Clinton xiriika kala dhaxeeyey aaney soo galidoonin dalkooda.

Mid kamid ah kuwa u qaabilsan daabacada buugta shisheeye ee layiraahdo VAGRIUS ayaa doonayey iney soo saaraan projeckt lamagac baxay "Monica in Rusia" iyadoo la filaayo iney Monica timaado Ruushka bilaha Juun iyo Julaay si ay iyada iyo qolyahaas uga wada hadlaan soo saaridii buugii qisadii Monica iyo Clinton hase ahaatee waa loodiidey iney dalka Ruushka timaado.

Monica oo la sheegay iney booqasho kukala bixineyso wadamada yurub qaar katirsan si ay iyagana u soo saaraan buugaas inkastoo wadamo badan oo yurub kamid ah soo saaren buugaas.

Su'aasha meesha taala ee la isweydiinaayo ayaa waxa ay tahay maxey tahay sababta Monica loogu diidey iney Ruushka timaado? talow ma arimo siyaasadeed baa mise waa arimo kale?

Sida xiisada maanta kacsan ee weeraradii huwanta Nato ku qaadeen Yugolaafiya maadama Ruushku uu gacan saar laleeyahay dalkaas yugoslaafiya? Lama oga ujeedada kadanbeysa arintaasi waxaase laga ogaandoonaa dib.

Haweeney Fiyeetnaamiis ah oo todoba sano oo xarig ah lagu xukumay
Haweeney u dhalatay dalka Fiitnaam oo da'deedu tahay 31 jir ayaa lugu xukumay todoba sano oo xarig ah kadib markii lagu helay denbi ah iney gadeysay carrur Fiitnaameys ah qaarkoodna ay damacsaneyd iney gado.

Haweeneydaasi ayaa lasheegay iney ilmaha kasoo qaado qoysas faqri ah oo aan laheyn awood iyo dhaqaale ay ilmahooda ku koriyaan dantana ku kaliftay iney iibshaan carrurtooda, kuwaasoo lasheegay iney naagtaasi ka gado qoysas kale oo taajiriin ah xitaa sida lugu soo waramay aan qaarkood waligood ilmo dhalin.

Kuwaasoo ka kala yimaado meelo kala duwan oo addunyada katirsan gaar ahaan qaaradan yurub iyo wadanka mareykanka.
Muddo shan bilood gudahooda ayey naagtaasi gaday afar carruura oo markii hore lix carruur ahaa.

Halkaasoo ay midkiiba kaqaadatay lacag lagu qiyaasay 500-1000 dolar, haweeneydaasi ayaa lagu soo waramayaa iney laf ahaanteeda aylaadahay 8 carrur ah.

Waxaa yaab iyo amkaag noqotay iney naagtaasi intii ay waday gadashada carruuta ay sameysay sharci been ah oo cadeynaaya dhalashadooda iyo da'dooda.

Haweeneydaasi ayaa kol hore lasoo xiray islamarkaasnah la xukumay bishan Maarso oo aynu kujirno gudaheeda, hase ahaatee, wararka arimaha gudaha dalkaasi masheegin inta lagu xukumay iyo meeshii lagu xukumay iminka ayeey shaaca kaqaadeen in naagtaasi lagu xukumay todoba sano oo xarig ah.

Wadaaddo seefla bood ah oo kaniisad Suudaan ku taalla weeraray Kaniisad ku taalla caasimadda dalkaasi Suudaan al-khartuum, ayaa waxaa weeraray wadaaddo seeflabood ah 19kii iyo 21kii bishan.

Wadaaddadaas waxay ka rirsanyihiin jamaaco islaami ah oo layiraahdo "ansaar assunah" waxayna ka soo horjeedaan degganaashada dadka kirishtaanka ah ay Suudaan degganyihiin.

Booliiska Suudaan ayaa wuxuu sheegay in dadkaas kaniisadda weeraray la xirxiray, dabadeedna raxan lagu soo deeyay, sidaa waxaa sheegay wargayska al-itixad ee ka soo baxa dalka Imaradka.

Dalkaasi Suudaan waxaa maalmahan ka jira xiisado siyaasadeed, oo ay xoogagga siyaasadeed ee dalkaasi ugu tafaxaydanayaan doorashooyinka soo socda.

BOGGA 4AAD la xiriir Sadiq Hashi
BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA
Dhibaatooyinka Somaaliya Maxaa xal u ah?
    Waxaa Qoray:   Ibrahim Moallim Mursal
    Esdoornstraat 207151 ZA Eibergen, The Nederlands
    Tele/Fax +31 -545 -476 -473
[Allah Ummad kama baddalo waxa ay ku sugan tahay; Ilaa ay wax ka baddasho nafteeda waxa ku sugan]
Xalka Islaamiga ah
Mid horta way caddahay oo waxay tahay Culumaa'uddiinka iyo Aqoonyahannada kale oo Ehluddiinka ah marna loogama maarmi doono hoggaaminta Ummadda iyo Dalka, inkasta oo ay jiraan waxyaaba badan oo furdaamin u baahan, si hoggaan loo helo.

Culamada Diinta iyo aqoonyahannada dhibaata toos ah bulshada kuma aysan qaban, waana suurtagal, haddii ay la yimaadaan barnaamij hawlgal ah "realistic", in ummadda walaahowgan ay ku jirto, ay ka saaraan.

Hase yeeshee waqtiyadaan dambe waxaa soo if baxay "slogan" amase halqabad ah Islaamka ayaa xal ah "Al Islam Huwal Xal". Oraahdaasi dunida siiba dalalka muslimiinta oo dhan way ku caan baxday.

Waxay noqotay "awr ku kacsi". Cid kastoo xukunka gacanta la wayso oraahdaasi ayay cuskataa. Sida la ogyahay Diinta Islaamka Ilaah ayaa soo dejiyay oo wuxuu u soo dejiyay in Dunida iyo wixii dul saaran lagu hago inta, haddane, Alla ay ugu dhaxal wareegayaan.

Marka Diinta Islaamka waa sharci Rabbaani ee Caalami ah, qodobadiisuna waa mid casri kasto Adduunka uga soo burqada amuuraha ka argagaxiya tabtii looga talaabsan lahaa.

Sida laga warqabo Diinta waxay ku soo degtay Nabi Muxammad "korkiisa naxriis iyo Nabad gelyo Allah ha ka yeelee" keligii Buurta Makka dibadeeda ah god ku yaala oo loo yaqaan "Ghari Xiraa’" ku khilaawaysanaya muddo 15 Qarni hadda laga joogo.

Isaga oo aan cid kale ku wehlinin ayay Diinta ku soo bilaabatay. Maanta Dunida Mashriq iyo Maghrib ayay faaftay, weline way sii faafaysaa. Mareykanka oo maanta lagu tiriyo cadawga Diinta Islaamka kan ugu wayn waxaa muslimiin ah malayiin.

Haddaba xalka Islaamiga ah gacanta iyo qorshaha Rabbi ayuu ku jiraa, ugu dambayntiina waa tan loo dhammaan doono, laakin waqtigaas Rabbi ayuu u xaddidan yahay. Oraahdaasi "Al Islam Huwal Xal" waxaa hal ku dheg siyaasi ka dhigtay ururo iyo dhaqdhaqaaqyo iyo xizbiyaal kale oo siyaasiyiin ah, si ay u ballaarsadaan saldhiggooda shacbiyeed.

Maxaa yeelay uma aysan degsanin barnaamij iyo stratijiyad lagu gaari karo xalkaas Islaamiga ah. Balse isaga ayay ka dhigteen stratijad oo ay danahooda siyaasi ama awoodda ay ku gaaraan.    [Waa socotaa...]  
MADAXWAYNE HA LAYGA DHIGO!
Faahfaahin ku saabsan kitaabkan
Cinwaanka: Madaxwayne ha layga dhigo!
Mowduuca: Waa kitaab afsoomaali ku qoran oo ka hadlaya sida qola kasta oo ka mid ah qabiilooyinka soomaalidu ay isugu dayday in ay madaxwayne dalka u noqdaan.
Qoraaga: Qaasim Hersi Farah(Duullaanjecel).
Qasim's photo
Qasim Hersi
YAA ISKU KEEN GUBAYA?
Marka aan dhan kale ka eegno arinta waxaan laba isku diidaneyn in kulliba qab-qablayaasha dagaalku ay ka mid yihiin mujrimiinta ugu waa weyn ee taariikhda caalamka soo martay tan iyo bilowgii, ayna u xasuuqeen oo mood iyo noolba uga dhawreen ummadda Soomaaliyeed si axmaqnimo ah oon weligeed Bani Aadam loo xumayn.

Hadaba arintaas ayey Soomaalidu, inkastoo ay isku raacsan yihiin guud ahaan, Haddana ay isaga khilaafsan yihiin xagga dambi kala badsashada oo waxaa la arkaa in ay qola walba yara dahirto kooda (waa inta yara fayow ee burcadda lagu adeegtaa kumaba sii jirto).

Laakiin iyada oo ay taasi iska caddahay ayaa waxaa haddana lama huraan ah in aan qalbiga laga saarin in ay meesha ay ku jiraan quwada shisheeye, oo naf iyo maalba u hura sidii ay ku burburin lahaayeen dalkeenna.

Kuwaas oo ay ushooda koowaadi tahay qabqablayaasha dagaalka, waxaa mudan in aan hal ama laba tusaale u soo qaato waxaan goob joog u ahaa ee ka midka ahaa gurmadkii loogu jiray riditaankii dawladdii Siyaad Barre, iyo shiditaankii fidnada weli maanta taagan ee dami la', waxaana ka mid ahaa waxyaalihii aan xaadiray.     [Waa socotaa...]
Caafimaadka Bulshada
Waxaa Qoray:
Jama Mohamed Farah (Jawali)
[Espoo, Finland]
Maqaalkan waxaan kaga hadli doonaa bakteeryada iyo waxay tahay. Waxaanuna ugu talagalnay in ay ka faa’iidaystaan dhalinyarada barata caafimaadka iyo dadweynaha kaleba. Waxaanu maqaalka ku soo qaadi doonaa haddii Allaha awoodda lihi inoo ogolaado mawduucyo dhawr ah oo ku saabsan bakteeryada.
Maxaa u daawo ah bakteeryada?
Waxaa u daawo ah daawada loo yaqaan antibiotic, yase yeeshee dawadaas oo kala nooc ah kalana awood badan awgeed waxaa loo baahan yahay in dakhtarku ogaado daawada ugu haboon ee disha bakteeryadaas laga helay bukaha.
Haddii daawadu dili kari waydo bakteeryadii waxaa dhacaya in ay iska badato halisna geliso caafimaadkii qofka.

Waxaa xusid mudan in daawada bakteeryada la helay 1940-tameeyadii waqtigaas oo ahaa waqtigii dagaalkii yurub ee labaad socday. Nebigeena Maxamed (css) waxuu xadiis saxiix ah oo ku qoran saxiixul Bukhaari inoogu sheegay in cudur kasta oo Alle soo dajiyey uu Alle soo dajiyey daawadiisiina, laakiinse dadka ayaa laga doonayaa in ay raadiyaan.

Isdhaxlidda Bakteeryada
Saan soo sheegnayba nooca unugyada ah ee la yiraahdo prokaryoot oo bakteeryadu ka tirsan tahay ma laha bu’, waxaana dhexda ugu jira molekiyuul ah DNA ahna chromosomka bakteeryada.

Haddaan mataal u soo qaadano bakteeryada la yiraahdo E.coli dhererkeedu waa 2mm meesha chromosomkeeda dhererkiisu yahay 1mm.

Halkaas waxaan ka fahmaynaa in bakteeryadaas inteeda badani tahay dhaxal sideheedii, wuxuuna ka sii kooban yahay kromosomkaasi 4.7 X 10/9 DNA base labolaba ah (pair base) waxaana ku dhex jira 4300 oo gene waxaana dadku yaqaaniin ilaa 1000 gene in ka badan.

Haddii aan sii balbalaadhiyo chromosomisku waxay sidaan geneka kuwaas oo sida dhaxaltooyadii unugaas, kaa soo u sii gudbinaya farcanka kale ee bakteeryadaas.

Markaan ka hadlayno dhaxaltooyada (heredity) oo ah eegaanshaha uu wax waliba dhalayo wax u eeg. Ma dhici karto in dad dhalaan libaax ama daayeer, mana dhici karto sidoo kale in daayeer dhalo dad ama waxa la mid ah.

Waa sababta Soomaalidu isugu eegtahay taas oo caddaynaysa in ay isku meel ka wada yimaadeen. Waa sababta dadka cadcad ee timaha cawlan ay isugu eeg eegyihiin, indho yartuna isugu eegtahay.

Waxaa maanta la gaadhay in la ogaado cudurada la iska dhaxlo iyadoo meesha laga ogaadaa tahay unugga dhexdiisa dhaxalsideyaalka ku jira in la baadho in cudurkii ku jiro.     [Waa socotaa..]
BOGGA 5AAD la xiriir Ibraahim Salah (for free copy)
BOGGA HAWEENKA
Xuquuqda dumarka
Aragtida Krishtanka, Yuhuudda Iyo Diinta Islaamka
Waxaa soo diyaariyay: Dr. sherif Abdel Azeem Email: sherif@eleceng.ee.queensu.ca
Waxaa soo turjumay: Maxamed -asad Cisman Nuh Email: cawdgale@hotmail.com ama mohamedn@evitech.fi
Qaybtii Koowaad:
Gefkii Xaawo
Saddexda diimoodba way isku raacsan yihiin in dumarka iyo ragguba ilaahay abuuray, hase ahaatee isku waafaqiddaas ma sii socon. Diinta Yuhuudda (Old Testament) iyo Krishtankaba waxaa lagu sheegay abuuridii Aadam iyo Xaawo (Genesis 2:4-3:24), waxaana ku qoran sidatan:

"Ilaahay Xaawo iyo Aadamba geed mirahiis ayuu ka mamnuucay, kadibna mas ayaa ku qalqaaliyay Xaawo inay mirahaas cunto, sidoo kalena Xaawo waxay ku qalqaalisay ninkeeda Aadam inuu mirahaas iyada la cuno.

Goortuu Ilaahay ku xanaaqay Aadam, ayuu Aadamna eeddii dhammaanteed saaray Xaawo, wuxuuna yiri " Naagtan aad halkan ila keentay ayaa i siisay miro, aniguna waan cunay".

Taasi waxay sababtay in Ilaahay ku jeestay Xaawo, kuna yiri "xanuunka ayaan kuu kordhin doonaa xilliga dhalmada, damacaagu wuxuu noqon ninkaaga, isaga ayaana ku xukumi doona".

Intaa ka dib Ilaahay Aadam buu ku yiri " maadaama aad naagtaada maqashay , mirahana aad cuntay...dhulka daraaddaa ayaan u lacnaday, mashaqo iyo dhib ayaad waxaad cunayso kula soo bixi doontaa".

Aragtida Islaamka aad ayay uga duwan tahay, tusaale: eeg suuradda (7:19:23) oo inoo sheegaysa sidatan soo socota : In Aadam iyo Xaawo laga mamnuucay geed mirihiis, ka dibna shaydaan ayaa labadoodaba (Xaawo iyo Aadam) ku yiri:

" Ilaahay wuxuu idiinka mamnuucay geedkan si aydaan u noqon malaa'ig ama si aadan weligiin u noolaan, wuuna u dhaartay labadooda inuu run u sheegayo, ka dibna geedkii ayay cuneen (Xaawo iyo Aadam).

Intaa ka dib Ilaahay ayaa labadoodaba ku yiri "miyaanan idiinka mamnuucin geedkaas, ee aanan idiin sheegin in shaydaanku cadawgiin yahay "? Waxay yiraahdeen (Xaawo iyo Aadam) "Ilaahayow waxaynu dulminnay naftayada, ee haddii aadan noo dembi dhaafin, ee aadan noo naxariisan waynu halaagsamaynaa ".

Sidaad aragtidba ugu horrayntii waxaa muuqata in Qur'aanku dembiga wada saarayo Xaawo iyo Aadam, halka uu Baybalku (bible) si goonni ah u saarayo Xaawo.

Qur'aanku wuxuu kaloo ina barayaa in aysan Xaawo khiyaamayn, oo aysan sirin ninkeeda Aadam, bal xataa Qur'aanku inooma sheegin inay geedka ka hor cuntay ninkeeda. [Waa socotaa..]

Haweeneyda 1aad "Hillary Clinton" oo xuquuqda haweenka ka hadashay
Haweeneyda 1aad "Hillary Clinton" ayaa waxay booqasho ku soo martay dalkaasi Tunis, waxayna dalkaas ku ammaantay sida uu u daryeelo xuquuqda haweenka.

Haweeneydu intii ay booqashada dalkaas ku joogtay waxay la kulantay ururrada haweenka ee dalkaas Tunis iyo xoogag kale oo u qaylsha difaaca xuquuqda haweenka.

Hillary waxay khudbo ay halkaas ka jeedisay ku eedaysay dowlahada Afganistan iyo Algeria, in xuquuqda dumarka si xaddhaaf ah loo xumeeyo ayada oo loogu soo gambanayo go'aamo diimeed oo sixun loo fasiray.
BOGGA 6AAD xayaysiin
DIINTA ISLAAMKA
KITAABKA TAWXIIDKA

Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1.Cinwaanka: Kitaabka Towxiidka(121 Bog)
2. Mowduuca: Tawxiidka.
3. Qoraaga: Sheekh Maxamad bin Cabdil wahhab.

Hersi's photo
4. Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre
5. Qiimaha: (US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin.
CASHARKA 36AAD
WAXYAABIHII KU SOO AROORAY ISTUSTUSKA!!
Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri:
[Waxaad dhahdaa waxaan uun ahay anigu bashar (dad) idinkoo kale ah, waxaa lay waxyooday in uu yahay Ilaahiin Ilaah kali ah, ruuxiise dooni la kulanka Eebbihiis ha falo camal fiican, yuuna la wadaajinna cibaadada Eebbihiis cidna]Al-Kahf 110.

Abuu Hurayrana waxaa laga soo weriyay:"Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: Anigaa kuwa wax wadaaga ugu hodonsan wadaagga, ee qofkii fala camal uu iila wadaajiyay aniga cid kale, waan ka tagaa asiga iyo wadaajiskiisa"{Muslim}.

Abii Saciidna waxaa laga soo weriyay:" Ma idiin sheegaa wax aan idinkaga baqayo oo dajaalka ka daran?. Waxay dheheen: haah, rasuulkii Eebbow. Wuxu yiri: Waa shirkiga qarsoon, nin baa istaagaya oo tukanaya kolkaas buu salaaddiisa qurxinayaa nin kale oo eegaya dartiis"{Axmad}.

Mas'alooyinka Casharka Tan 1aad: Waa tafsiirka aayadda Al-Kahf.
Tan 2aad: Waa arrinta wayn ee ah in camalka suubban la celinayo haddii uu shirki galo.

Tan 3aad: Waa in la sheegay sababta taas keenaysa oo ah hodonnimada dhan ee Eebbe.
Tan 4aad: Waxaa sababaha (loo celinayo camalka suubban ee shirkigu galo) ka mid ah in Eebbe yahay Shurakada kan ugu khayrka badan.

Tan 5aad: Waa cabsida uu Nabigu naxariisi korkiisa ha ahaatee, istustuska asaxaabtiisa uga qabay.
Tan 6aad: Waa in uu ku fasiray arrintaas in qofku Eebbe dartiis u tukado, hase ahaatee, uu u qurxiyay salaaddiisa nin kale oo eegaya oo uu arkay awgiis.
BOGGA 7AAD xayaysiin
BOGGA DHALLINYARADA
SHEEKADII KALIILA IYO DIMNA
Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1.Cinwaanka: Kaliila iyo Dimna(119 Bog).
2. Mowduuca: Murti facwayn iyo sheekooyin qosol badan.
3. Qoraaga: Cabdullaahi bin al-Muqafac.
4.Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre
5. Qiimaha: (US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin.
Qaybtii: 30aad
Baaristii Arrintii Dimna
Libaax hooyadiis waxay tiri; gaf waxaa ugu daran kii qofi naftiisa ku marqaati furo, kaasina waa gaf wayn ee sideebaad dibiga u dishay adiga oo aan ogaal iyo hubaal u haysan?

Haddii aanan wadaadadu waxay ka sheegeen qarsoodida la fidiyo iyo dambiga ay leedahay iyo cambaaradeeda ka baqayn, wixii aan ogahay waan kuu shegi lahaa oo ku ogaysiin lahaa.

Libaaxii: wadaadada warkoodu wuu irda badanyahay, ujeeddooyin kala duwanna wuu leeyahay, aniguna waan ogahay waxa aad sheegayso in ay run yihiin, haddii aad tala haysana ha iga qarin, haddii qof wax kugu qarsadayna ii sheeg.

Hadal iyo dhammaantiis wixii shabeelku u sheegay oo dhan bay u sheegtay ayada oo aan magaciisa sheegin, waxayna ku tiri; anigu ma moogi wadaadadu waxa ay ka dheheen, ciqaabta badnaanteeda iyo adaygeeda iyo waxa cambaar soo raacaya qarsoodida faafinteeda.

Waxaanse jeclaaday in aan wixii dani kuugu sugantahay kuu sheego, gafkiisa iyo dhibaata diisuba dadwaynaha ha gaareene, maxaa yeelay boqorka in la dhagro haddii ay ku dhega adaygaan taasi wax dhibaato ah ka celin mayso.

Waana taas midda ay dabbaaladu ku doodaan, oo falkooda xun ku qaabsameeyaan, dhagartooda tan ugu kululina waa in ay nin go'aan leh isku taagaan!     [Waa socotaa..]

BOGGA 9AAD!Register-It! -
 Promote Your Web Site!
HIDDAHA, DHAQANKA, SUUGAANTA IYO AFKA SOMALIDA
MACMACAANKA MURTIDA SOOMAALIYEED

Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1. Cinwaanka: Macmacaanka Murtida Soomaaliyeed.
2. Mowduuca: Murti iyo Maahmaahyo Soomaaliyeed.
3. Qoraaga: Hersi M. Labagarre
4. Qiimaha: (US$10.00) oo aan boostadu ku jirin.
Qaybtii 20aad
201.dheg haddii la gooyo daloolkaa hara.
202.Dharaartiina oday-oday baa loo shiraa, habeenkiina habar-habar baa loo hoydaa.
203.Dhaqasha nin aan lahayn dhiig ma laha.
204.Dheragii fara badiya waa fuud xaraareeyaa.
205.Dhaqan nin gaadiid leh baa leh, naagtii wanaagsanna nin duunyaleh baa leh.
206.Dhagax meel dhaw buu ku dhacaa dhawaqna meel dheer.
207.Dhilla la wasay waa gasaa teg.
209.Dhiil maran iyo dhiil buuxda la iskuma dhufto.
210.Dhubuqdhubuq hore dhabana hays dambeey leedahay.
BOGGA 8AAD xayaysiin
IIDHEH IYO OGAYSIIS
Mashruuca Abwaanka Afka, Hidaha iyo Dhaqanka Somalida
[Encyclopedia Somalica]

Please support Somali Electronic Journal
Programmed, Developed and Written by Hersi M. Labagarre
Codka Somalida Cusub, Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah, wuxuu ku soo baxaa afka Soomaaliga Maalin kasta oo Axad ah
"DHAMMAAN MAQAALADAHA WARGAYSKAN KU SOO BAXA WAXAY U TAAGANYIHIIN ARAGTIDA QORAAGA EE UMA TAAGNA UJEEDDADA WARGAYSKA"

DHAMMAAN XUQUUQDA DAABACAADDU WAY DHOWRANTAHAY

Copyright 1998 - Labagarre - All rights reserved.
Nala soo xiriir
booqo csc H. page
Saxiix B. Martida
Codso wargayska sej
Dhiibo Aragtidaada
Aqarso B. Martida
Xayaysiin
Bogaadin
Somali Forum
Free Email
Free Guest Book
Free Home Page