Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!
Government
Internet
Travel
Shopping
Health
Business
Education
Organisations
Women
NewsLinks
SOMALI e-JOURNAL

News Headline
  • Somali grocers get support from lawmakers on food-stamp sanctions
  • Intl. Commission Hands Down Ruling on New Border Between Ethiopia, Eritrea
  • Death Sentence for Al-Ittihad "Terrorists"
  • Swiss order asset freeze on Islamic charity
  • Clans And Guns - A Deadly Combination in Somali Chaos
  • Amnesty: U.S. Is a Haven for Torturers
  • Commission on human rights continues debate on the violation of human rights around the world
  • Cholera Kills at Least 50 in Somalia
  • First teacher training college opens in Somalia in more than a decade
  • Closure of Remittance Company Averted
  • Terms for Reconciliation Talks Established
  • 12 Dead in Cholera Outbreak
  • Integrated Regional Information Networks
  • Ethiopian court convicts Somalis for bombings
  • Somalis give back flag, seal
  • Taking War On Terrorism a Step Too Far
    More Somali News ..

    Daraasaad


    Casharka Diinta Islaamka
  • Su'aalo iyo Jawaabo
  • Waydii Su'aal
    Baro Caqiidada Islaamka
  • Iskajir Kooxaha Lunsan
    Baro Fikirka Muslimiinta
  • Fikirka Muslimiinta(1)
  • Fikirka Muslimiinta(2)
  • Fikirka Muslimiinta(3)
  • Fikirka Muslimiinta(4)
  • Fikirka Muslimiinta(5)
  • Fikirka Muslimiinta(6)
  • Siyaasadda Muslimiinta
  • Muslimow Magacaa Ba'
  • Dibudhaca dunida Islaamka
    Kooxaha Muslimiinta
  • Taariikhda Wahhabiyada(1)
  • Taariikhda Wahhabiyada(2)
  • Caqiidada Wahhabiyada(1)
  • Caqiidada Wahhabiyada(2)
  • Caqiidada Wahhabiyada(3)
  • Caqiidada Wahhabiyada(4)
  • Al-Ittixad Al-Islami(1)
  • Al-Ittixad Al-Islami(2)
    Dhaqanka iyo Hiddaha
  • Tacliinta Soomalida(1)
  • Tacliinta Soomalida(2)
  • Tacliinta Soomalida(3)
  • Dhaqanka Soomaalida
    Qoraallo Free ah
  • Assalafiyah al-Wahhabiyah
  • Kalila iyo Dimna
  • Kitab at-Tawxiid(so)
  • Al-Caqiida Al-Daxawiyah
  • Tafsiir Asma-ullah
  • Muatabat An-Nafs
  • Hujaj Al-Qur'an
  • Mowduucan hadda kala munaaqashoo Dr. Hersi!

    [SEJ Cadadka Toddobaadkan 24.03.2002]

    Caqiidada Ittixaadku (Wahhaabiyadu) Kitaabka iyo Sunnada Asal ma ku leedahay?
    Toddobaadkii ina soo dhaafay maqaal ayaan liiska SEJ soo gelshay, kaas oo aan uga hadlayay arrimaha caqiidada iyo xaaladda muslimiinta guud ahaan. Alle mahaddiis, aad baa akhristayaashu ula dhaceen maqaalkaas iyo macluumaadkii ku qornaa ee qiimaha badnaa, waxayna ii sheegeen qaar badan in ay aad uga faa'iidaysteen. Sikastaba arrinku ha ahaadee, laba akhristayaasha ka mid ah ayaa emaillo u soo diray liiska, waxayna kala ahaayeen BIIXI IYO CABDULLAAHI XAASHI, kolka bal aan laba eray ugu jawaabo inta aanan maqaalkayga u daadegin toddobaadkan.

    Biixi wuxuu igu yiri: Fatwada iyo ka hadlidda Islaamka iyo Caqiidada, Xersiyow waa mid u taalla culumada ee adigu shaqo kuma lihid? Marka waxaan waydiinayaa Biixi, maxaad iigu diidaysaa culumanimada? Mise culumo waxaad ka waddaa kuwa wahhaabiyada iyo Itixaadka oo kaliya? Haddii aad kuwaas ka waddo waa runtaa anigu kuwaas kuma jiro, laakiin haddii aad aqoonyahan ka waddo anigu Alle mahaddiis, Ijaaso cilmiyaysan baan u haystaa in aan ka hadlo Islaamka siiba Caqiidada oo ah mowduuca aan ku takhasusay.

    Cabdullaahi haddaan u soo laabto, waxaa warkiisii ugu muhiimsanaa weedha uu yiri (Waa la hubaa in caqiidada wahhaabiyada iyo Itixaadku sax tahay)!!. Cajiib, bal yaa u shegay oo uu ka baawsaday Cabdullaahi warkan, illeen asigu Caqiido wax kama yaqaane? Haddii aad walaalow qof ka maqashay warkaas waa uu ku lunshay qofkaas ee aniga iga dhegayso.

    Caqiidada Itixaadka iyo Wahhaabiyada:
    Wahhaabiyada ama Ittixaadka Soomaalida ama Ansaarusunnaha Masar iyo Suudaan ama Selefiga Suuriya iyo Jordan iyo Khaliijka iyo Hindiya iyo Pakistan dhammaan waa isku mad-hab, waxayna ka farcameen Wahhaabiyada. Caqiidadooduna waa caqiido ay ka soo qaateen Kirishtaanka oo aanan Islaamka sal ku lahayn, waxayna tahay sidan: 1. Towxiid al-Uluuhiyah oo ah waxa kirishtaanku ku magacaabaan (Ruuxul-qudus).
    2. Towxiid al-Rubuubiyah oo ah waxa ay kirishtaanku ku magacaabaan (Rabbi ama Lord).
    3. Towxiid al-Asmaa wassifaat oo ah waxa ay kirishtaanku ku magacaabaan (Ibn ama Son).

    Caqiidadan fasahaadsan waxaa keenay Ibn Taymiyah markii ugu horreysay, bal ninka leh waa la hubaa in ay sax tahay, waxaan waydiinayaa, xagee looga sheegay quraanka iyo sunnada ma iga tusi kartaan?
    Kolka aad su'aashaas waydiiso waxay ku wareegaalaysanayaan aayado aanay kasayn macnahooda iyo waxa looga jeedo!! iyo Axaadiis badan oo aanan wax xiriir ah la lahayn mowduuca laga hadlayo!!

    Derejada Caqiidada wahhaabiyada:
    Haddaba, ogow walaal, in caqiidada wahhaabiyadu ku derejo tahay, caqiidada: Qaadiyaaniyada iyo Duruusta iyo Ismaaciiliyada iyo Axmadiyada iwm. Waana kooxo la ogyahay in ay Islaamka waahore ka go'een, laakiin wahhaabiyadu waxay ka soo baxday Sacuudiga taas ayaana keentay in ay islaamka ku dhegganaato muddo dheer oo sharteedu fuqi waydo. Haddaba sidee looga hortagaa wahhaabiyada iwm?

    Ittixaadka iyo Wahhaabiyada iyo kooxaha la midka ah waxay aad u saameeyeen muslimiin badan oo caamo ah, nin caalim ah oo aaminsan arki maysid, sidaa darteed waddamada muslimiinta ah ee dadkoodu waxbartay waa laga xaaraantinimeeyay caqiidadaas, sida Malaysia iyoJordan iyo Suriya iyo Indonisia iyo Masar iwm, qofkii lagu arko waa dambi maxkamad lagugu gaynayo.

    Laakiin waxay ku hartay waddamada dadwaynahoodu (Caamadu) ay jahli wali ku jiraan, sida carabaha qaar iyo Hindiga iyo Soomaaliya iwm, taas waxaa ka daran in soomaalidii u haajirtay dalalka Yurub iyo America iyo Australia ay caqiidadaas fasahaadsan qaateen oo ay wali ku mintidayaan, siiba kuwii ayaga oo waawayn ka yimid soomaaliya ee aanan nasiibka u helin in ay iskuullo galaan. Laakiin dadka yaryar ee ku dhashay dibadda ama ayaga oo yaryar soomaaliya ka yimid ee dibadda wax ku bartay, caqiidadaas fasahaadsan way ka nabadgaleen.

    Dadka ayaga oo waawayn ka yimid Soomaaliya:
    Haddaba, waxaa hadda dhib ka taaganyahay, kooxaha ayaga oo waawayn ka yimid soomaaliya ee aanan nasiibka u helin in ay tacliin toosan helaan, kooxahaas oo caqiidada wahhaabiyadu madaxa ka qabsatay waxaa lagudboon in ay raacaan qodobada soo socda si ay uga badbaadaan dhibaatada ciqiidadaas.
    1. In ay akhristaan quraanka oo tafsiirka ka dhegaystaan qof aanan Wahhaabi ahayn.
    2. In ay muslimiinta la tukadaan oo ay ku tukadaan masaajidka ay muslimiintu isugu tegayso, oo aanay ku tukan masaajid u gaar ah wahhaabiyada ama masaajid wahhaabiyadu xukunto ama sacuudigu leyahaya ama meelaha Itixaadku ku dukanayo ee bannaanada ah. 3. In ay akhristaan culuunta guud, macnaha ay (Thaqaafada guud) kororsadaan oo dhaqamada iyo diimaha iyo bulshooyinkale in ay jiraan ogaadaan, joornaallada iyo buugta yaryar ayaa culuuntaas fudud laga helayaa.
    4. In ay bartaan madaahibta muslimiinta iyo taariikhda Islaamka iwm ee kordhinaya aqoontooda xagga Islaamka. Waxaa laga helayaa, internetka ama buugta yaryar qaarkood ama duruusta ay culumada qaar jeedshaan ama joornaallada Islaamiga ah.
    Qodobadaas waxay kaa caawinayaan in aadan ku hodmin waxyaabaha ay la wareegayaan wahhaabiyadu ama Itixaadku.

    Sidee baa wahhaabi loo soo hanuunshaa?
    Haddii aad leedahay saaxiib Wahhaabi ah ama Ittixaad ah, waxaa kula gudboon in aad caawisid oo aad soo hanuunisid dariiqa toosanna tustid, adiga oo kaashanaya qodobadan:
    1. In aad u sheegtid in waxani mad-hab yihiin, oo uu aasaasay Ibn Cabdilwahhaab, Nabi Muxamad iyo Ilaahayna aanay soo dejin, haddii uusan kaa rumaysan, waxaad ku dhahdaa iga tusi kitaabka ama Sunnada meel ay ku qoranyihiin waxa ay caqiidadiinnu ku salaysantahay ee ah saddexda qodob ee aan soo sheegay (Towxiidka Uluuhiyada, Rubuubiyada iyo Magacyada ama sifooyinka).
    2. U sheeg in Caqiidadani waddamada qaar xaaraan ka tahay oo aanan la ogolayn oo qofkii lagu arko la xirayo sida Malaysia, Jordan, Suuriya, Masar iwm.

    3. U sheeg in Caqiidadani ka timid Kirishtaanka, oo uu soo allifay nin la dhihi jiray Ibn Taymiya oo ku dhashay magaalo la dhihi Jiray (Xarraan) oo kirishtaanku degganaa, dabadeedna ay ku soo anqarsheen intii uu yaraa, kolkii uu Suuriya tegay ayuu xasuustay oo la soo baxay wixii ay nasaaradu ku soo bareen (Xarraan) ee xaaraanta ahaa.

    4. U sheeg sida ay caqiidada Itixaadku u waafaqsantahay caqiidada Kirishtaanka ee seddaxlayda ah iyo in aanay islaamka ku jirin caqiido seddaxley ah oo noocaas ah.

    Haddii uu qof caqli leh yahay, oo uu intaas maqlo, kolley wuu garawsanayaa, waana fahmayaa in aanay isu ekayn Islaamka iyo Kirishtaanku, waxaana rejaynayaa in uu soo hanuuno oo dariiqa toosan soo qaado.
    Kolka uu soo hanuuno, kitaabka iyo xadiiska ha akhristo, asiga oo aanan raacin tafsiirkii wahhaabiga ahaa ee lunsanaa, ee ha raaco kutubta waawayn ee culumadii taabiciinta iyo taabicitaabiciintu qoreen, iyo kuwa ay qoreen culumada maanta ee al-Azhar ama reer Shaam iwm ah, hana ka fogaado culumada Sacuudiga ee wahhaabiyada ah.
    Intaas ayaan uga baxaynaa maanta dersigeenna, waana inoo toddobaadka dambe haddii alle yiraahdo.

    Dr. Hersi Labagarre
    www.2garre.com
    View this site with frames

    Join Our Mailing List
    Your email address:
    Pick a password:
    Reenter password:
    Would you like to receive list mail batched in a daily digest?
    No Yes

    Links
  • Somali Culture
  • Somali Forum
  • Search the web
  • Somali Banners
  • Somali Links
  • Invest in Somalia
  • Somali sites
  • Technology
  • Add to all-Somalia

    1. Your City:

    2. Your Email:

    3. Your Comments
    Add to all-Somalia
  • West Somalia
  • Lower Shabelle
  • Somaliland
  • Djibouti
  • Hiiraan
  • Awdal
  • Lower Juba
  • Banaadir
  • Bay
  • Bakool
  • Mudug
  • Sool
  • Middle Shabelle
  • Gedo
  • Galguduud
  • Bari
  • Middle Jubba
  • Sanaag
  • Togdheer
  • N.F.D

  • Somali Forums
  • Somali Forum
  • Discussion Board
  • Students Forum
  • Free downloads
    Download free books - articles on Somalia! Click here

    Add to Somali Pages
    Add your Web Page to Somali Home Pages, it is Free and automatic! Click Here
    View Somali Home Pages
     1  2  3  4  5

    Ask Dr. Hersi
    SEJ editor
    Need experts in Somali affairs? Click here to contact them.

    Auto responders
  • Government:
    som-gov@2garre.com
  • Education:
    som-edu@2garre.com
  • Business:
    som-bus@2garre.com
  • Travel:
    som-tra@2garre.com
  • Info:
    info@2garre.com

    Find out now!
    Somali news .. Somali views .. Somali links .. Somali culture .. Somali business .. Somali forums .. Somali web pages .. Somali warlords .. Somali experts .. and more!!

    Peace for Somalia
    Peace for Somalia Click To SignOr View the signed Pages: 1  2  3  4  5  6  7  8  9  10  11  12  13  14  15  16  17  18


  • Top Somali News Headlines

    News in Somali

    Government
    Internet
    Travel
    Shopping
    Health
    Business
    Education
    Organisations
    Women
    NewsLinks
    Copyright 1999 - Labagarre - All rights reserved.
    Subscribe SEJ
    Contact Us
    Subscribe to SEJ List
    SEJ Old Website
    SEJGuest Book(Sign)
    SEJGuest Book(View)
    Somali Forum
    Editor's Page
    SEJ Terms
    SomaliPages
    [Listen to the National anthem!
    Add URL to Somali Pages
    [Yahoo! News Search
    Yahoo! Yellow Pages
    [Yahoo! Quotes]
    [Feedback]
    [SEJ NetGuide]
    Subscribe SEJ]
    Contact Us
    Labagarre - All rights reserved]