Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!
Government
Internet
Travel
Shopping
Health
Business
Education
Organisations
Women
NewsLinks
SOMALI e-JOURNAL

News Headline
  • Somali grocers get support from lawmakers on food-stamp sanctions
  • Intl. Commission Hands Down Ruling on New Border Between Ethiopia, Eritrea
  • Death Sentence for Al-Ittihad "Terrorists"
  • Swiss order asset freeze on Islamic charity
  • Clans And Guns - A Deadly Combination in Somali Chaos
  • Amnesty: U.S. Is a Haven for Torturers
  • Commission on human rights continues debate on the violation of human rights around the world
  • Cholera Kills at Least 50 in Somalia
  • First teacher training college opens in Somalia in more than a decade
  • Closure of Remittance Company Averted
  • Terms for Reconciliation Talks Established
  • 12 Dead in Cholera Outbreak
  • Integrated Regional Information Networks
  • Ethiopian court convicts Somalis for bombings
  • Somalis give back flag, seal
  • Taking War On Terrorism a Step Too Far
    More Somali News ..

    Daraasaad


    Casharka Diinta Islaamka
  • Su'aalo iyo Jawaabo
  • Waydii Su'aal
    Baro Caqiidada Islaamka
  • Iskajir Kooxaha Lunsan
    Baro Fikirka Muslimiinta
  • Fikirka Muslimiinta(1)
  • Fikirka Muslimiinta(2)
  • Fikirka Muslimiinta(3)
  • Fikirka Muslimiinta(4)
  • Fikirka Muslimiinta(5)
  • Fikirka Muslimiinta(6)
  • Siyaasadda Muslimiinta
  • Muslimow Magacaa Ba'
  • Dibudhaca dunida Islaamka
    Kooxaha Muslimiinta
  • Taariikhda Wahhabiyada(1)
  • Taariikhda Wahhabiyada(2)
  • Caqiidada Wahhabiyada(1)
  • Caqiidada Wahhabiyada(2)
  • Caqiidada Wahhabiyada(3)
  • Caqiidada Wahhabiyada(4)
  • Al-Ittixad Al-Islami(1)
  • Al-Ittixad Al-Islami(2)
    Dhaqanka iyo Hiddaha
  • Tacliinta Soomalida(1)
  • Tacliinta Soomalida(2)
  • Tacliinta Soomalida(3)
  • Dhaqanka Soomaalida
    Qoraallo Free ah
  • Assalafiyah al-Wahhabiyah
  • Kalila iyo Dimna
  • Kitab at-Tawxiid(so)
  • Al-Caqiida Al-Daxawiyah
  • Tafsiir Asma-ullah
  • Muatabat An-Nafs
  • Hujaj Al-Qur'an
  • Mowduucan hadda kala munaaqashoo Dr. Hersi!

    [SEJ Cadadka Toddobaadkan 17.03.2002]

    ISLAAMKA IYO ITIXAADKA WAHHABIYADA ?
    Hordhac
    Sida aan la wadasocono, waxaa dhawaan loo dabbaaldegay dhalashadii sanadkii cusbaa ee Hijriyada, kolka aniga oo munaasabaddaas wayn higsanaya ayaan halkan talo iyo tusaale gaaban uga soo jeedinayaa ummadda soomaaliyeed meelkasta ha joogeene.

    Dhibaatooyinka Muslimiinta guud ahaan:
    Sida aan la wadasocono, umadaha muslimka ah guud ahaan dhibaato ayaa wada haysata, dhibaatadaasina maaha mid kaga timid xag xoolo la'aan ama hanti xumo, ee waxay kaga timid, maamulxumo iyo aqoon iyo ilbaxnimo la'aan, taas ayaana u sabab ah in muslimiintu had iyo jeer ahaadaan dad baadiyaysan oo cadawgu si sahlan u ugaarsado.

    Dhibaatooyinkaas badanaa waa qaar la abuuray ee ma aha kuwo ayagu iska yimid, waxaana abuura qaar muslimiinta laftooda ka mid ah oo xukun jacayl ama sedbursad waalay, oo doonaya in ay ummadda Islaamka dhammaanteed hoggaankeeda iyo sharafteeda iyo caqiidadeeda u adeegsadaan sidii ay xukunka ugu waari lahaayeen ama jeebka u buuxsan lahaayeen.

    Tusaale waxaa u ah dadka sidaa yeelaya, qoyska ka talsha dalkaasi sacuudiga iyo qaar kale sida qoyska ka talsha dalka Jordan iyo kuwa kale oo la mid ah sida Cumman iyo khaliijka intiisa kaleba, soomaaliyana qabiilooyin gaar ah oo ITIXAADKU u badanyahay ayaa jooga oo mad-habtaas ku irsaaqadaysta.

    Dowladda Sacuudiga:
    Haddii aan u soo laabto xaqeeqada, dowladda sacuudigu waa dowladda ka dambaysa dhibaatooyinka ka dhacay dhammaan caalamka Islaamka. Qoyska dowladdaas xukuma waxay ahaayeen kuwii u sababta ahaa dhicitaankii khilaafadii muslimiinta qarnigii 20aad, ee la soo dhaafay.

    Intaa kadib waxay gacanta ku dhigeen dhulkii muqadaska ahaa ee makka iyo Madiino ku yiilleen ayaga oo ku andacoonaya in ay dadka barayaan diinta saxda ah, adeegsanayana mad-habta wahhaabiga, si ay ugu fududaato ku adeegashada ummadaha muslimka ah.

    sanadkii 1979kii kolkii Aayatullaahi Iiraan qabsaday, boqorka Sacuudiga (Fahad) wuxuu isku magacaabay (Khaadim Al-Xaramayn) si uu u muujiyo jagadiisa diimeed, isla markaana wuxuu u dhiibay wasaaradda diinta nin munaafaq ah oo Ibn Baaz loo aqoon jiray shartiisana ilaahay dadka ka qabtay oo hadda dhintay.

    Ibn baaz wuxuu ahaa ninkii ka dambeeyay aasaasidiii kooxda Itixaad Al-Islaami ee soomaaliya fasahaadisay iyo Kooxaha waalan ee Taalibaanku ka mid ahaa ee Afqaanistaan joogay iyo kooxo kale oo fallaago ah kuna andacoonaya in ay islaamka soo noolaynayaan.

    Ibn Baz wuxuu kaashaday jawaasiista Maraykanka iyo kuwa sacuudiga, si uu u abuuro kooxahaas asalraaca ah ee uu ku dhabarjebshay muslimiinta. Layaab malaha oo Boqor (Fahad) awowyaalikiis ayaa sidaas yeeli jiray, qoyska uu ka dhashay waxay xukunka ku qabsadeen ciidan asal-raac ah oo uu sameeyay wadaadkii Maxamad bin Cabdilwahhaab oo uu taageerayay ciidanka Ingiriiska.

    Soomaaliya:
    Soomaaliya hadda xaalkeedu wuxuu ku socdaa sidii Afqanistaan, kooxda asal-raaca ah ee (AL-ITIXAAD) isku sheegta waa koox uu abuuray sacuudigu si uu ugu baaba'sho muslimiinta soomaalida, maanta soomaalidii soomaaliya joogatay daaye, xataa tii qurbaha joogtay ayaa caqiidadaas fasahaadsan qaadatay.

    Afqaanistaan sida aan ognahay daalibaan waxaa ku abuuray sacuudi iyo baakistaan iyo maraykan, kolkii ay dantooda ku gaareen ayay hadana laayeen oo muslimiinta ku magac jebsheen. Itixaadka Soomaaliya ayaa hadda la doonayaa in sidaa loo adeegsado, soomaaliduna badankoodu arrinkaas lama socdaan, sacuudigu wuxuu lacag siiyaa dad ka mid ah wadaaddada waawayn ee Itixaadka ah ee jooga sacuudiga, kuwaas ayuuna iibsaday, uguna tala galay in ay marin habawshaan ummadda masaakiinta ah ee Soomaalida loo yaqaan.

    Dowladda Sacuudigu waxay faragelin xun ku haysaa dowlado badan oo ka mid ah caalamka Islaamka, waxaa ugu wayn dowladahaas, Pakistaan, oo xukunkeedu uu degi waayay, sababtuna waa Sacuudiga oo marna xukunka ka qaadaya Milateriga Pakistaan ee u dhiibaya Shacabka, marna ka qaadaya Shacabka ee u dhiibaya Milateriga, hadba sidii uu maslaxo u arko.

    Sidoo kale, wuxuu faragelin ku hayaa, Suudaan oo dagaalkeeda koofurta suudaan uu dami waayay, sababtuna waa Sacuudiga oo markasta hurinaya dabkaas si aanay Suudaan u degin. Sidoo kale, wuxuu sacuudigu hubeeyaa, qabaa'ilka Yaman, oo uu qabiilba qabiil kale ku diraa. Soomaaliya qabaa'ilkeeda waxaa hubeeya Sacuudiga oo lacag iyo madhabado been ah sida Itixaadka u indhasarcaadshay.

    Ciraaq iyo Afqanistaan iyo qaar kale oo badan ayagu wayba qaateen xaqoodii oo sacuudiga ayaa ku durraantay oo si cad u laayay umadaha ku nool dhulkaas ee muslimka ah asiga oo maraykan iyo yahuud ku gabbanaya ama kaashanaya!!

    Talo iyo Tusaale:
    Haddaba aniga oo Muslimnimo iyo tolnimo ka duulaya, ayaan dhammaan dadwaynaha mudlimiinta ah uga digayaa Kooxahaas lunsan siiba kooxda ITIXAADKA loo yaqaan, waa Daalibaan oo kale 100%, waana koox uu sacuudigu ku danaysto, waxa ay wadaanna diin kama aha, ee way ku irsaaqadaystaan.

    Qofkii diin doonaya diinka Ilaahay wuu cadyahay, kitaabka iyo sunnada nabiga ayuu ku yaal, ilaahayna inama amrin in aan WAHHAABIYO IYO ITIXAAD CAABUDNO EE WUXUU INA AMRAY IN AAN ASIGA OO KALIYA CAABUDNO.

    Haddaba walaalayaal, u fiirsada caaqibada kooxahaas, sacuudiga iyo maraykanku ku adeegtaan, waxyaabaha aad raadiyaha iyo TV ka maqlaysaan ha runtsana, xaqeeqadu waa in (Yahuud iyo Maraykan iyo Wahhaabiyo ama Itixaad) isku xiranyihiin oo ay walaalo yihiin, hadafkooduna waa in ay Islaamka dunshaan oo muslimiinta cirib tiraan.

    Marka Ilaahay towfiiqda ha idin waafajiyo, ee digtoonaada oo fiiro dheer lahaada, hana noqona dad sida xoolaha si fudud loo duufsado, ama lacagta sacuudiga lagu sabsabo, iyo kutubo been ah oo lagu magacaabay kutubka towxiidka iyo kutubka siirada iyo kutubka xadiiska iwm oo macna la'aan ah ama beenba ah.

    Kutubtii culumadii Islaamku qortay meel kasta way yaalliin, mana aha kuwa sacuudiga yaalla oo kaliya, maktabad kasta ayaad ka helaysaa kutubta islaamka toosani ku qoranyahay.

    Dr. Hersi Labagarre
    www.2garre.com
    View this site with frames

    Join Our Mailing List
    Your email address:
    Pick a password:
    Reenter password:
    Would you like to receive list mail batched in a daily digest?
    No Yes

    Links
  • Somali Culture
  • Somali Forum
  • Search the web
  • Somali Banners
  • Somali Links
  • Invest in Somalia
  • Somali sites
  • Technology
  • Add to all-Somalia

    1. Your City:

    2. Your Email:

    3. Your Comments
    Add to all-Somalia
  • West Somalia
  • Lower Shabelle
  • Somaliland
  • Djibouti
  • Hiiraan
  • Awdal
  • Lower Juba
  • Banaadir
  • Bay
  • Bakool
  • Mudug
  • Sool
  • Middle Shabelle
  • Gedo
  • Galguduud
  • Bari
  • Middle Jubba
  • Sanaag
  • Togdheer
  • N.F.D

  • Somali Forums
  • Somali Forum
  • Discussion Board
  • Students Forum
  • Free downloads
    Download free books - articles on Somalia! Click here

    Add to Somali Pages
    Add your Web Page to Somali Home Pages, it is Free and automatic! Click Here
    View Somali Home Pages
     1  2  3  4  5

    Ask Dr. Hersi
    SEJ editor
    Need experts in Somali affairs? Click here to contact them.

    Auto responders
  • Government:
    som-gov@2garre.com
  • Education:
    som-edu@2garre.com
  • Business:
    som-bus@2garre.com
  • Travel:
    som-tra@2garre.com
  • Info:
    info@2garre.com

    Find out now!
    Somali news .. Somali views .. Somali links .. Somali culture .. Somali business .. Somali forums .. Somali web pages .. Somali warlords .. Somali experts .. and more!!

    Peace for Somalia
    Peace for Somalia Click To SignOr View the signed Pages: 1  2  3  4  5  6  7  8  9  10  11  12  13  14  15  16  17  18


  • Top Somali News Headlines

    News in Somali

    Government
    Internet
    Travel
    Shopping
    Health
    Business
    Education
    Organisations
    Women
    NewsLinks
    Copyright 1999 - Labagarre - All rights reserved.
    Subscribe SEJ
    Contact Us
    Subscribe to SEJ List
    SEJ Old Website
    SEJGuest Book(Sign)
    SEJGuest Book(View)
    Somali Forum
    Editor's Page
    SEJ Terms
    SomaliPages
    [Listen to the National anthem!
    Add URL to Somali Pages
    [Yahoo! News Search
    Yahoo! Yellow Pages
    [Yahoo! Quotes]
    [Feedback]
    [SEJ NetGuide]
    Subscribe SEJ]
    Contact Us
    Labagarre - All rights reserved]