Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

CODKA SOOMAALIDA CUSUB -00- THE VOICE OF MODERN SOMALI

[The First Electronic Journal in Somali Language]

===========================================================

 

 

Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah:

Wuxuu ku soo baxaa afafka:

(Soomaaliga iyo Ingiriiska)

Wuxuu Soo baxaa Maalin kasta oo Axad ah

****************$$$$$$$$$$*************

 

Waxaa Abaabulay:

Hersi M. Labagarre

(Ph.D. Philosophy & Theology)

National University of Malaysia

***********$$$$$$***************

 

----------------------------

| Taariikh: 14/6-20/6/1998 |

----------------------------

 

Tusmada Wargayska

-----------------

 

Bogga Maqaalka Magaca Qoraaga

-----------------------------------------------------------

Bogga 1aad: Ararta Wargayska Hersi M. Labagarre

 

Bogga 2aad: Suugaanta Soomaalida(2) Sayid M. C. Xasan

 

Bogga 3aad: Maxaa Laga Wadaa?(Adeer) Hersi M. Labagarre

 

Bogga 4aad: Diinta Islaamka-Tawxiidka(2) Sh. M. Bin C/Wahab

 

Bogga 5aad: Bogga dhallinyarada

Kaliila iyo Dimna (Q. 2aad) C/laahi bin Muqafac

 

Bogga 6aad: Bogga Doodda

Danaanada iyo Qabyaaladda Qasim Hersi Farax

 

Bogga 7aad: Wararka Soomaalida

Soomaalida Joogta (Australia)

 

Bogga 8aad: Iidheh iyo Ogaysiis

-----------------------------------------------------------

 

-------000001000000---------

BOGGA 1AAD: ARARTA WARGAYSKA

----------------------------

Wargayska kan (Codka Soomaalida Cusub) waa kii ugu horreeyay wargays

electronic ah oo ku soo baxa afsoomaali, waxaan iminka howshiisa wadnaa dhowr bilood, waa intii hadda sanaddkan aannu ku jirno socday,

runtii dhallinyaro badan baa u riyaaqay howsha jaadkan ah, oo waxay

qaarkood dheheen waa howl wanaagsan, qaarna waxay dheheen waa ina cajabiyay, qaarna waxay dheheen halkiinna ka sii wada, runtii dhammaantood aad baan ugu mahadinaynaa sida wacan ee ay inoo dhiirri geliyeen, hase ahaatee waxaan jeclaan lahayn in ay inagu soo biiriyaan figradahooda oo ay inoo soo qoraan wixii aragti ah ama figrad ah jaadkii ay doonto ha ahaatee, si ay uga qayb qaataan howsha

ay ku tilmaameen in ay wacantahay.

 

Sida ay arkeen aqristayaasha wargayskani, waxaan ku fidinaa badanaa

maqaalado ku lug leh arrimo xasaasi ah sida qabyaaladda ama diinta, taasina nagama aha in aan waxyaabahaas aamin sannahay, ee waxay tusaysaa in aan aaminsannahay xurriyadda fikirka iyo madax bannaanida

uu qofku u leeyahay in uu yiraahdo wixii uu u arko in ay wax toosan

yihiin, sidaa darteed waxaa laga yaabaa in aad ka hesho wargayska dhexdiisa, laba maqaal oo ka kala hadlaya laba figradood oo is burrinaya, kolka taas waa in aan lala yaabin, maxaa wacay waxay

tusmo u tahay xurriyadda fikirka.

 

----------000020000-------------

BOGGA 2AAD: SUUGAANTA SOOMAALIDA

--------------------------------

Maasadii Dardaaran-(2)

Waxaa tirshay Allaha U naxariistee:

Sayid Maxamed Cabdule Xasan

 

Dangaraaradii Nagu dhacdiyo, wabi dabaashiisa

Inkastoo daleel nala dhigaan, doocna nagu cayman

Duuflaalladii naga harow, dan iyo xeeshiinna

 

Doodna waxan u leeyahay dadkeer, hadalka dayn waayey

Nimanyahow damiinnimada waa, lagu dulloobaaye

Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan, duxi ka raacayne

 

Dagaalkii nasaarada anaa, daalib ku ahaaye

dalka ma lihid anigaa ku iri, doora waynaha e'

Daliilkii rasuulkii anaa, doonayoo helaye

 

Anaa diiday maantuu lahaa, deeqan iga hooya

Diinkayga anigaan ku gadan, dabaqi naareede

Anaan labada daarood tan hore, derejo moodayne

 

Markay duushay gaaladu anaan, daabbadduu rarine

Goortay dareeraan anaan, diiradduu qabane

Anigaan dariiqiyo waddada, dowga sii marine

 

Anaan doora waynaha kufriga, daacadnuu geline

Faranjiga dirayska leh anaan, diiradduu qabane

Sida doxorka iidoor anaan, duudxamaal noqone

 

Doofaarka ayga ah anaan, daarihiis geline

Anigaan dillaalkiyo ardiga, duubiguu xirane

Anigaan dariiqada alliyo, diinta caasiyine

 

Daarood Ismaaciil ma oga, dowga loo qodiye

Waa wixi durbaan tumay markaan, dowga sii maraye

Nin ragay dardaaran u tahaye, doqon ha moogaado

 

Dawo lagama helo gaal haddaad, daawo dhigataane

Waa idin dagaayaa kufriga, aad u debcaysaane

Dirhankuu idiin qubahayaad, dib u go'aysaane

 

Marka hore dabkuu idinka dhigi, dumar sidiisiiye

Marka xigana daabaqadda yuu, idin dareensiine

Marka xiga dalkuu idinku oran, duunyo dhaafsada e'

 

Marka xiga dushuu idinka rari, sida dameeraaye

Mar haddaan dushii Adari iyo, Iimey dacal dhaafay

Maxaad igaga digataan berruu, siin la soo degiye

 

[Tixdan waxaa laga soo qaatay buuggii uu qoray Jaamac Cumar Ciise 1974kii oo cinwaankiisu ahaa[Diiwaanka gabayadii Sayidka].

 

---------000030000-----------

BOGGA 3AAD: MAXAA LAGA WADAA?

-----------------------------

Adeer-ka:

Magacani wuxuu yeelan karaa dhowr ujeeddo, kuwaas oo ah:

a.aabbaha walaalkiis. b.ninka aabbaha xigtadiisa ah; aabbaha ina adeerkiis. c.ninka hooyada guursada aabbe ka dib. sida dhaqanka soomaalidu ku dhisnaa haddii ninku dhinto naagtiisa walaalkiis baa dumaali jiray, carruurtii ay naagtu ninkii hore u dhashay ninka dambe ee naagta guursaday adeer run ah buu u yahay, ayada oo sidaa dhaqanku ahaa ayaa markaa ka dib nin kasta oo naag gacanlabaad ah guursada adeer lagu magacaabay, maxaa yeelay carruurteedii hore buu adeer oo kale u yahay, marka sida kuu cad magacu marki hore run buu ku ahaa ninka hooyada guursada, oo adeer run ah buu u ahaa carruurteed maxaa yeelay walaalkiis baa dhalay, kaddib markii dhaqanka dumaashu yaraaday bay ninkasta oo naagta gacanlabaad u noqda carruurteedu adeer ugu yeeraan "adeer haddii aad maqasho usha soo dhawayso, abti haddii aad maqashana dheef ka sabar" soomaalidu waxay rumaysantahay in uusan adeerku turriinsha badan lahayn marka abtiga loo eego, abtiga calooljileec iyo dabacsanaan ayaa logu sheegaa adeerkana ad'adayg iyo turid la'aan "adeer ma la dhergayay mise waa la dharaaranayay" oraahdan waxaa laga sheegay wiil la sheegay in uu aad u cir waynaa, waxayna ku timid in nin oday ah oo hodon ah uu maalin doonay in uu wax la baxo, kolkaas buu asiga oo arintaas qabanqaabinaya soo maray rag dhallinyara ah oo uu ku jiro wiil uu adeer u yahay kolkaas buu ku yiri; berri aqalkayga u soo dharaarta, wiilkii uu adeerka u ahaa ayaa ku yiri; hadde wax ma la cunayaa?, odagii: wiilyahow aniga eebbe wax waa i siiyay e' haddii aad wax cunikarto berrito kaalay, kolkii berri la gaaray ayaa wiilashii yimideen, badar wanaagsan ayaana loo soo dhigay, raggii kolkii ay dhergeen ayaa wiilkii xeradii ku haray, markii uu caanaha ka dhameeyaba wuxuu odaga ku yiraahdaa; adeer bal hadde ku dhibci, odagii kolkii uu caanihii iyo badarkii intii u dambaysay xeeradii ku riday wiilkiina uusan kacayn ayuu ku yiri; maandheheey inta kuu dhiman uurwaynaad ha kuu buuxsho, kolkaas buu meeshiina ka istaagay, wiilkii baa kolkaa yiri," adeer hadde ma la dhergayay mise waa la dharaaranayay","adeer wax aan adiga wax kuu dhibin anigana wax itaraya maad iska tiraahdid, waa wiilka caanaha ha loo badsho e'" oraahdan wiil agoon ah oo ay naagta adeerkiis caanaha ku yaraynjirtay baa laga sheegay. wadarta eraygani waa adeerro ama adeeryaal.

 

 

 

--------000040000----------

BOGGA 4AAD: DIINTA ISLAAMKA

---------------------------

 

Waxaa Qoray: Sheekh Maxamad bin Cabdil Wahhaab

Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagrre.

 

CASHARKA 3AAD

NINKII TAWXIIDKA SUGA JANNADA AYUU XISAAB LA'AAN GALAA

 

Eebbe kor ahaayee wuxuu yuri:

[(Nabi) Ibraahim wuxuu ahaa Umad (khayr fare) Eebbe addeece, xaqa u iishe, mana ka mid ahayn mushrikiinta] An-Naxal 120.

 

Waxaa kale oo uu Eebbe yiri:

[Kuwa uun Eebbohood aan la wadaajin]Al-Mu'minuun 59.

 

Waxaana Xasiin bin Cabdiraxmaan laga soo weriyay in uu yiri: Saciid bin Jubeer ayaa aniga oo agtiisa jooga yiri: Xiddiggii xalay dhacay midkiinnee arkayay?. Kolkaas baan iri: Aniga. Kolkaas baan haddana iri: Anigu markii xiddigu dhacayay salaad kuma jirin, hase ahaatee halaq baa i qaniinay. Kolkaas buu yiri: Haddaba maxaad samaysay?. Waxan iri: Tahliil baan doontay. Wuxu yiri: Maxaa taas kugu qaaday?.

 

Waxan iri: Xaddiis uu Shucabi inoo sheegay. Wuxu yiri: Oo xaddiiskaasi muxuu ahaa?. Waxan iri: Wuxuu Burayda bin Xusayib inooga sheegay in uu yiri:"Dhajiska iyo qaniinyada halaqa wax tahliisha uga bogsan ogi ma jiraan". Wuxu yiri: Qofkii wuxuu maqlay ku ekaada wuu hagaajiyay, hase ahaatee, waxaa Ibn Cabbaas Nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee nooga soo weriyay in uu yiri:"Waxaa la i tusay umadaha oo dhan, kolkaas baan waxaan arkay Nabi kooxi la socoto, iyo Nabi nin ama laba nin la socdaan, iyo Nabi aan qofina la socon, kolkaas baa haddana la i tusay dad badan, markaas baan u maleeyay in ay ummaddaydii yihiin, kolkaas baa waxaa la igu yiri: kani waa Muuse iyo qoonkiisii, markaas baan haddana eegay, oo waxaan arkay dad aad u badan, kolkaas baa la igu yiri: tani waa ummaddaadii waxaana ku jira toddobaatan kun oo jannada xisaab la'aan iyo cadaab la'aan gelaya".

 

Kolkaas baa Nabigii nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee istaagay oo aqalkiisii galay, markaas baa dadkii (meesha fadhiyay) dadkii (xaddiiska lagu sheegay ee jannada xisaab la'aanta iyo cadaab la'aanta gelaya) ka sheekaysteen, kolkaas baa qaarkood yiri: waxaa laga yaabaa in ay dadkaasi asaxaabta Nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee yihiin, qaar kale ayaa ayaguna yiri: waxaa laga yaabaa in ay yihiin kuwii diinta Islaanka ku dhashay oo aan gaalnimo arkin, waxyaabo kalena way sheegeen, markaas baa Nabigii nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee ku soo baxay, kolkaas bay waxyaabihii ay ku hadleen u sheegeen, markaas buu yiri:" Dadkaasi waa kuwa aan tahliil ay ku caafimaadaan doonayn, oo aan dab lagu gubo baan ka doonayn, oo aan wax sharaysanayn ee Eebbahood talasaarta".

 

Kolkaas baa waxaa istaagay Cukaash bin Mixsan, kolkaas buu Nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee ku yiri: Ilaahey ii bari in uu kuwaa igu daro. Kolkaas baa Nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee yiri: Adigu mid ka mid ah baad tahay. Markaas baa haddana nin kale istaagay oo yiri: Anigana ii bari in Eebbe kuwaa igu daro. Markaas baa Nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee yiri: Cukaash baa taa kaaga hormaray.

 

MAS'ALOOYINKA CSHARKA

Tan 1aad: Waa in dadku tawxiidka derejooyin ka kala joogaan.

Tan 2aad: Waa Macnaha sugidda tawxiidka.

Tan 3aad: Waa ammaanta Eebbe ku ammaanay Nabi Ibraahim oo ah in uusan Eebbe u shariigyeelin.

 

Tan 4aad: Ammaanta Eebbe ku ammaanay Awyaalka awliyada ah sida ay shirkiga uga nabad galeen.

Tan 5aad: Waa in tahliil qaadashada iyo isgubidda oo laga tagaahi ay ka mid tahay sugidda tawxiidka.

Tan 6aad: Waa in arrimahaas oo dhan waxa kulminayaahi ay yihiin in Eebbe la talasaarto.

 

Tan 7aad: Waa aqoondheerida asaxaabta, iyo sida ay u ogyihiin in aysan meeshaas ku gaarin wax aan camalkooda suubban ahayn.

Tan 8aad: Waa sida ay asaxaabtu khayrka ugu dadaalayaan.

Tan 9aad: Waa fadliga ay ummadda islaamku leedahay tiro iyo tayaba.

 

Tan 10aad: Waa asaxaabtii Nabi Muuse.

Tan 11aad: Waa in nabigeenna nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee ummadaha oo dhan xaalkooda loo soo bandhigay.

Tan 12aad: Waa in ummadkasta aakhiro kaligeed la soo kulminayo ayada oo nabigeedii la socdo.

Tan 13aad: In dadka nabiyaasha rumeeyay ay yaryihiin.

 

Tan 14aad: In nabigii aan qofina rumayn uu kaligiis

qiyaamaha imaanayo.

Tan15aad: Waa in waxaa oo dhan laga ogaanayo in aan loo

baahnayn in aan lagu kedsoomin dadka badidooda, yaraantoodana aan la quursan.

Tan 16aad: In ay bannaantahay in loo tahliiltufo dhajiska iyo qaniinyada halaqa.

 

Tan 17aad: Waa qotadheerida aqoonta asaxaabtii Nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, taas oo laga ogaanayo oraahda weriyaha xaddiiska oo ah "Wuu hagaajiyay qofkii wixii uu maqlay ku ekaaday, hase ahaatee, sidaa iyo sidaa...". Waxaana hadalkaa laga ogaaday in aan xaddiiska hore iyo kan danbe is dhaafsanayn.

 

Tan 18aad: Waa in asaxaabtii Nabigu aanay wanaag uusan qofku lahayn waligood ku faanin.

Tan 19aad: In oraahda Nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee yiri ee ah "Adigu dadka jannada xisaab la'aanta iyo cadaab la'aanta gelaya ayaad ka mid tahay" uu bishaarooyinka Nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee mid ka mid ah yahay.

 

Tan 20aad: Waa fadliga Cukaasha (oo ah ninka loo bishaareeyay).

Tan 21aad:Waa inay bannaantahay in hadalka la sarbeebo.

Tan 22aad: Waa anshax wanaagga Nabigeenna nabadgelyo

iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee.

 

 

----------000050000------------

BOGGA 5AAD: BOGGA DHALLINYARADA

-------------------------------

 

(KALIILA IYO DIMNA) (Qaybtii 2aad)

Waxaa qoray: Cabdullaahi ibn al-Muqafac

Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre

 

LIBAAXII IYO DIBIGII

 

Dimna: ninka adag ee xoogga lehi rar culusi ma dhibo inkasta oo uusan u baran xoogsiga, ninka tabarta daranna maba soo doonto howshaas inkasta oo uu u barto.

 

Kaliila: boqorku kuma raadsho siismadiisa mudanayaasha golihiisa ee wuxuu siiyaa kan u xiga iyo kan ka ag dhaw, waxaa la yiraahdaa boqorku waa sida geedka cinabka, kaas oo aan ku faafin geedaha kuwa ugu fiican ee wuxuu ku faafa geedaha kuwa ugu dhaw, haddaba sideebaad jago libaaxa agtiisa uga doonaysaa adiga oo aan u dhawaan.

Dimna: waan gartay hadalkaagii dhammaantiis, wixii aad tirina waan ka baaraan degay, waxaadse ogaataa in qofkii boqorka u dhawaada asiga oo aan meeshaas mudnayn, oo aan heerkaas gaarin, uusan la mid ahayn qof u dhawaaday oo awel ka fogaay, wuxuuna leeyahay daw iyo daryeel, aniguna waan u dhabbagelayaa gaaritaanka golihiisa inta aan dadaali karo, waxaana la yiri, boqorka iriddiisa kuma waaro qof aan isla waynida dhigin, oo aan dhibaato u dulqaadan, oo aan carada qarin, haddiise uu intaas yeelo, dantiisii wuu gaaray.

 

Kaliila: kasoo qaad adiga oo libaaxii u tegay, muxuuyahay habka aad doonayso in aad agtiisa jago uga gaarto, oo uu kugu jeclaanayo?.

Dimna: haddii aan ka agdhawaanlahaa, oo aan dhaqankiisa garanlahaa, waxaan ku dadaali lahaa sidii aan ugu dayanlahaa, haddii uu arrin doono in ay toosantahayna uu u arko waan u qurxin lahaa, waanna ugu dulqaadanlahaa, waxa ay dhib iyo dheef arrintaasi leedahayna waan tusilahaa, sidii uu ku gaarilahaana waan ku dhiirrigelinlahaa, si uu aad ugu bego, haddii uu doono arrin uu dhibteeda iyo isheeda ka baqayana , waxa dhibaato iyo ilaysi ku jira baan tusilahaa, waxaanna u tilmaamilahaa waxa ka tegiddeeda dheef iyo wanaag ku jira hadba intii aan awood u helo, waxaanna jecelahay in aan sidaas libaaxa agtiisa wanaag uga kororsado, uuna igu arko wax uusan dadka kale ku arkin, ninka abwaanka ah ee dulqaadka leh haddii uu doono in uu run beeniyo ama uu been rumeeyo wuu yeeli karaa, sidii farshaxan falsan, kaas oo derbiyada ku dhigay masawirro aad mooddo in ay ka soo baxayaan oo aan ka soo baxayn, iyo kuwa la moodo in ay gelayaan oo aan gelayn, haddiise uu xogtayda ogaado oo uu garaadwanaaggayga iyo dhugsamadaydu u caddaato wuxuu isku deyayaa in uu i dar yeelo oo i soo dhawaysto.

Kaliila: arrintan aad sheegtay anigu waan kaaga baqayaa, maxaa yeelay taliska dhexgeliddiisu way dhibaato badantahay, aqoonyahanaduna waxay dheheen, saddex kuma dhiirrado nin aan dabbaal ahayn, inyar mooyee inta badanina kama nabadgasho, saddexdaasi waa; dhexgelidda taliska, haweenka oo wax lagu qarsado, iyo mariid in tijaabo ahaan loo cabo.

 

Waxayna aqoonyahanadu dhexgelidda taliska la mid dhigeen, sidi buur fuuliddeedu dhib badantahay, dusheedana mira macaani ku yaallaan, johorado qaaya leh iyo daawooyin wax dheef leh, isla markaana hoy u ah intii dugaag ah, shabeel iyo dhurwaaba, iyo intii kale ee cabsi iyo dhibaato leh, marka fuuliddeedu way adagtahay ku dulnoolaashadeeduna kaba sii daran.

 

Dimna: intii aad sheegtay waa run, hase yeeshee nin aan dhiirani dheef ma helo, ninkiise ka taga arrin, taas oo laga yaabo in uu dantiisa ku gaaro iyo waxa uu mudanyahay cabsi iyo xishood dartood, wax wayn ma helo, waxaana la yiri; saddex ninna ma hanto, han sare oo hoo leh, iyo halis culus la'aanteed, saddexdaasna waxaa ka mid ah dhexgelidda taliska, ganacsiga badda iyo col caabbintiis.

 

Aqoonyahannaduna waxay dheheen, ninka mudanaha ah ee guurtida ah kuma habboona in lagu arko wax aan laba meelood ahayn, umana qalmo meelo aan labadaas ahayn, waana asiga oo boqorada la jooga oo dhaqaalaysan, iyo in uu naagaha la joogo asiga oo cibaadaysanaya, sida maroodiga oo ay quruxdiisa iyo wanaaggiisu ay laba meelood u yihiin, in aad duur ku aragto ugaar ahaan, iyo in uu gaadiid u noqdo boqorada.

 

Markaas baa Dimna baxay oo libaax u galay oo hortiisa intuu foolka deebaystay nabdeeyay, libaaxii baa kuwii la fadhiyay qaarkood ku yiri; kanina kumuu ahaa?. markaas bay dheheen, waa ina hebel hebel.

Libaaxii: waxaan aqoonjiray aabihiis, markaas buu waydiiyay, xaggee baad joogtaa?.

Dimna: wali boqorka iriddiisa ayaan taaganahay, aniga oo sugaya in arrini maalin maalmaha ka mid ah timaado oo aan taladayda boqorka ku taageero, maxaayeelay, boqorada irdahooda arrimaha ayaa ku badan, kuwaas oo laga yaabo in fulintooda looga baahdo kuwa aan halna la danayn, qof meel ku liitaana ma jiro, haddii uu jirana meel buu ku wanaagsanyahay, waxtar intii tabartiisa ahan ku leeyahay, qoray wadda lagu tuurayba ha ahaadee, in uu wax taro ayaa dhici karta, oo qofi qaato oo qalab ka dhigto haddii uu u baahdo.

Libaaxii markii uu hadalkii Dimna maqlay buu u riyaaqay oo wuxuu u maleeyay in uu waano iyo talo u hayo, markaas buu qoladii la fadhiday u soo jeestay oo yiri; ninka ragga ah ee waxgaradka ah lama ogaado oo wuu dednaadaa, jagadiisuna way hoosaydaa, noloshiisuna sidaa ma ahaato ee maalin uun bay soo baxdaa, waa sidii dhamal dab ah oo ololaya oo ninkii sitay daminayo asiguna sii hurayo.

 

Markii Dimna ogaaday in Libaaxu u riyaaqay, ayuu yiri; boqoryahow dadwaynuhu waxay yimaadaan iridda boqorka si uu u ogaado in ay aqoon dheeraad ah leeyihiin, waxaana dhicikarta in la yiraahdo, wax isdheeridu waa laba middood, dagaalyahan dagaalyahan wax dheer iyo aqoonyahan aqoonyahan wax dheer, kalkaaliyayaasha badanna haddii aysan ahayn kuwa la hubiyay, waxaaba dhicikarta in ay howsha wiiqaan, howsuna uma baahna kalkaaliyayaal badan ee waxay u baahantahay kalkaaliyayaal wanaagsan, taas waxaa la mid ah sidii ninkii dhagax qaadiddeed isku daalshay wax waxdheef ahna aan ku helin, waa sidii nin xidid u baahday laama wax kuma taraan si kasta ha u badnaadeene.

 

Sidaa darteed, boqoryahow hadda waxaad mudantahay in aadan quursan qofnimo aad ka helayso nin jagadiisu hoosayso, qofka liitana waxaaba dhicikarta in uu fiicnaado, sidii fayl laga qaatay neef baqtiyay, haddii qaanso lagu tooxo wax buu terayaa, oo boqorada ayaa iibsada oo u baahda gooraha colaadda iyo kabdhoodka.

 

Dimna wuxuu jeclaystay in uu dadka tuso in heerka uu boqorka agtiisa ka gaaray uu ku helay taladiisa iyo garaadkiisa, maxaayeelay, waxay markaa ka hor ogaadeen in boqorku aabihiis yiqiin, markaas buu yiri; boqorku ragga kuma soo dhaweeyo aqoonta uu aabbahood u leeyahay, kumana fogeeyo fogaantii aabbahood darteed, waxaase habboon in nin kasta loo eego kartidiisa, maxaayeelay, ninka wax jirkiisa uga dhawi ma jiraan, jikiisana qaar baa bushiya oo xanuun u keena, daawo meel fog ugatimaada wax aan ahaynna kama qaadaan.

 

Dimna markii uu hadalkiisii dhamaystay ayaa boqorkii si aad iyo aad ah ugu begay, si wanaagsan ayuuna u abaalmariyay, wuuna dhaqaaleeyay, markaa ka dib buu kuwii la fadhiyay ku yiri; taliyaha waxaa la gudboon in uusan ku talaxtegin luminta xuquuqda dadka, dadkuna markii taas loo eego waa labo, nin macangag ah, kaasina waa sidii abeesada oo kale, haddii qof ku joogsado oo aysan qaniinin ma habboona in uu taas la yaabo oo uu marlabaad ku joogsado dabadeedna ay qaniinto, iyo nin firka dhaqankiisu jilicsanyahay oo sidii sandalka qabow kaas oo haddii aad loo xoqo kulayl wax dhiba noqda.

(Waa socotaa...)

 

 

 

 

--------000060000-------

BOGGA 6AAD: BOGGA DOODDA

------------------------

FASAHAADKA QABYAALADDA

Waxaa qoray: Qasim Xirsi Faarax

(M.A. Qaanuunka iyo Shareecada)

 

Beri hore oo iminka laga joogo in ka badan 1417 sano ayey dadka Carbeed ee walaaleheen ah aanna wada dhaladka iyo dhaqan wadaaga leenahay ku dhex noolaayeen duni madow oo malaasan, waxay dadku dhex muquurayeen mawjado mugdi ah oo ku meersan noloshooda dhan walba oo laga eegaba; ma jirin cid hawaysanaysey in ay ka han weynaato ama ka hanqal taagto iyada oo kor soo hanqaloocsanaysa si ay uga baxdo hirarkaas ku meersan ee hammi jebiyey.

 

Ugu dambaystiina waxayba isaga raalli noqdeen in ay isaga xaraysnaadaan xayndaabkaas cadaabeed, taas oo ahayd mid ku dhex wareeganaysay dhammaanba dhaq dhaqaaqyada guud iyo ilaha noloshooda oo dhan.

 

Tusaale ahaan waxay ahayd noloshooda bulshadu mid ka dheelliday dhan walba, sida dhanka dhaqaalaha, caafimaadka, siyaasadda, nebad gelyada, akhlaaqda, xiriirka bulshada, xeerka qoyska, xanaanada caruurta iyo hooyada, dhismaha iyo hawlaha guudba. xag diin ahaanna haba sheegin oo hadday diin rasmi ah haystaan kama burbureen dhinacyadaas oo dhan, ee ka dib markay diin la'aantu ku dhacday ayaa waxaa isku mar ku wada habsaday musiibooyinkaas culus oo wada camimay.

 

Waxayna noqdeen kuwo ka tegay DHUR IYO DHAQANBA, iyaga oo ku sii qoodaynaya waddada hoogga iyo halaagga, caadaystayna inay cagahooda ku raadsadaan wax Alla wixii kaamil ka sii dhigaya habawga noloshooda adduun iyo aakhiiraba, waxaana ka mid ahaa dhaqamadii xun xumaa ee ay ku sii fog-fogaanayeen, kuwa fara badan oo ka mid ah maanta dunida dambaysa aafeeyey sida:

 

Kala sarayn iyo dabaqado gumaysi oo ku dhisan maal iyo magac qabiil, taas oo ka imaanaysay ku tartan iyo ku faantan laan dheerenimo, abtirsiiyo, boqortooyo cududeed, durid qabiil iyo hoosaysiin, yasid adeegato iyo dan yar, dhul goosi iyo sed buursi, amar ku taaglayn, shaqo isku cay IWM. taasina waxay caadaysay fool xumooyinka kuwooda ugu sii daran sida; dilka, dhaca, boobka, bililiqaysiga, kufsiga, dhillaysiga, qaniisnimada, caasinimada, collaysiga, cuqdadda, xaasidnimada, xaqdiga, naf jeclaysiga, anaaniyadda, cibaada li'ida, munaafaqnimada IWM.

 

Waxaa dhacday markay xaqdigii iyo xaasidnimadii karaardhaafeen in dadka reer tabareedka ah laga cayrsho guryohooda iyo deegaannadooda isla markaasna aan loo jixin jixin ee lagu qoslo lana yaso iyada oo lagu leeyahay waa Boon, Midgo, iwm ee yaan gabdhohooda la guursan ka dib markay ku luuf luufaan qaxootinimo aan miciin lahayn iyaga oo ku qanacsan busaaradaysi iyo balan baal, iyada oo ay hantidoodiina u xaraysan tahay kuwa kale oo si xaq darro ah ku bashiiqsanaya, una baatulaya si loofarnimo ah. kuwaas oo lagaba yaabo in ay markii hore ka hanti yaraan jireen.

 

Masaakiinta laga adkaado waxaa lagu qasbi jiray in ay isla hantidoodii ku shaqeeyaan iyagoo aan sheegan karin oo ka ajnabi ah iska daa in ayba isku dayaan inay wax uga dhaqmaane, arimahaas iyo kuwa kale ayaa haddaba hooyo u ahaa xaq darrooyinkii iyo is dullaysigii ku qotomay kaa xoog weynida ee wiiqaysay is aaminidda iyo isku kalsoonida xataa tii dhex mari lahayd laba is dhashay iyo laba isla dhalatay keenaysayna nin walbow naftaa, sidaa awgeedna hor seedaysay isku dhaca wada gaarayey min beel ka beel ilaa iyo bah ka bah.

 

Hadaba waxaa mar walba halkaas ka maqnaa tolnimo, wax wada cun, dhalyo, habar wadaagnimo, xididnimo, iyo guud ahaanba qaraabanimo nooc kastoo ay ahaataba, waxayna mar walba isku haysan jireen wax aan la taaban karin oo aan la garan karin biyo dhocooda iyo nuxurkooda dambe toona, amaba haddii la fahmi karo ah gar darrooyin aan geedna loogu soo gaban, sida reer hebel waxay u haystaan in aanaan ka sarayne aan tusno awoodooda oo aan ka dhigano midgo aan addoonsano, dagaalladii dhex mari jiray hadaan ka xusno kuwa aan kaga cibri qaadan karno waxaa kamid ah.

 

Dagaalkii faraha looga gubtay ee murruqsaday mood iyo noolba ee dhex maray reer Cabas iyo reer Dibyaan kana dhashay labadii faras ee Al-Qabraa iyo Daaxis, sababtii uu dagaalkaasi u kacayna waxay ahayd; labadaas faras oo lala tartansiinayey fardo uu nin cidda kale ka mid ahaa leeyahay ayaa jidkii loo istaagay oo laga xanibay oradkii intay ka hor marayaan kuwii ninka kale ee la tartamayey ka dib markay is fara jigeenna uu nin walba u habar wacday ilmo adeerradiis isaga oo halku dheggiisu yahay; Tol beelayey"":

Waxaa kale oo isna ka mid ahaa dagaalladaas lagu balaan balay kii dhex maray reer Taqlab iyo reer Bakar oo socday Afartan sano, sidaas darteed fasahaadkii waagaas dhulka Carbeed ka taagnaa wuxuu ahaa mid cirka isku shareeray oo gaaray ilaa heerka baraka laayda maanta soomaaliya ka taagan oo kale, waxaa ka mid ahaa halku dhegyadii nacasnimo ee ay dadkaasi ku hadaaqi jireen isla kuwa ay maantaba soomaalidu ku hadaaqdo sida; (Fiqhi tolkii kama janno tago), (Uhiilli walaalkaa hadduu wax dulmiyo iyo hadii la dulmiyaba/gar iyo gardaraba), (Anigu waxaan ahay uun reer hebel hadday xoogaystaanna waan la xoogaysan, hadday hoogaanna waan la hoogin /hadday guulaystaan guul hadday jabaanna jab).

 

Marka ay waayaan cid ay la dagaallamaan waxay dareemi jireen dadnimo xumo u soo hoyatay oo waxay dhihi jireen, (haddaan weyno qolo aan la dagaallanno oo cadaw inoo ah waxaan la dagaallannaa walaalladayo iyo ilmo adeeradayo, si ay hamuunta dagaalku inooga jabto).

 

Sidaas darteed waxaa maanta adduunka oo dhan looga magacaabaa caadooyinkii, dhaqamadii, dagaalladii, iyo dadkii waagaas jirayba; Jaahilliyadii (casrul- jaahiligii), dadka Carbeed ee wax garadka ihina markay taas maanta soo xasuustaan wey ka yaq-yaqsadaan oo jiriirico naxdineed baa ku jab jabta, markaa ayey ka yax-yaxaan in ay dadka kale la sheekaystaan oo gooni u baxaan.

Akhristowse hadaad waxaas oo dhan ogaatay ma is weydiin karnaa saddex su'aalood oo kala ah;

 

1-Annaga Soomaali ihi maxaan u dhahnaa waagii casrul- jaahiligii? miyaan ka marannahay xumaanahaas iyo sifooyinkaas caasinimo ee ay Carabi waagaas ugu caan baxday jaahilnimada?

2-Haddaanba ku takhasusnay sifooyinkaas xun xun ee aan weliba sii casriyeysanay, annaga oo la kaashanayna duni cusub, horumakii la gaarayna u adeegsanayna xagga xumaha iyo fasahaadka, sow nala kuma tilmaami karo Jaahiliyiin, oo ma diiddan tahay in berrito markay jiilalkeenna dambe wax fahmaan ay nagu oran doonaan waagii jaahiliyada/casrul- jaahili?.

 

3-Haddii carabtaas Aakhiro uu ilaah ku cadaabayo fal-fal xumooyinkoodaas awgoodse annagu maxaan nahay? ma xiriir gooni ah baa nagala dhexeeya Ilaahay? sow ma ogid in ayba iyagu nagaga dhawyihiin xagga mar-marsiyaha oo leeyihiin diinba nama hor oollin, cid wax noo sheegtana maannu haysan?.

 

 

----------000070000-----------

BOGGA 7AAD: WARARKA SOOMAALIDA

------------------------------

Australia

Soomaalida joogta dalka Australia waxaa lagu qiyaasay in tiradoodu

gaarayso 5000 oo qof, sida la wada ogsoon yahayna dalkaasi wuxuu

ka mid yahay dalalka uu ku dambeeyo midbtakoorku oo aad ayaa caddaanka joogaahi u takooraa dadka kale ee badankoodu ka yimid qaaradda Asia siiba dadka ka yimid shiinaha, aad baa loo dhibaateeyaa oo hantidooda iyo naftooda intaba waa lagu xedgudbaa.

Soomaalidu meel kastaba ha joogaane waxaa ay leeyihiin astaamo lagu yaqaan, waxaana ka mid ah:

1)In ay qolo qolo isu kala soocaan.

2)In loo kala baxo Itixaad iyo Islaax iyo Qolo kale oo aan midna ahayn.

3)In la aasaaso ururro badan oo bar kuma taal ah oo magac mooyee

aan macne kale lahayn, wax xigmad ahna aanan ku dhisnayn.

Waxyaabahaas waxaad ku arkaysaa bulshada soomaalida meel kasta ha

joogeene.

Kolka Dadka soomaalida ah ee Australia jooga waxay leehihiin intaa

aan soo sheegay, xagga qabyaalladda, waxay u kala qaybsan yihiin inta soomaali u kala qaybsanto oo qabiilooyin ah, xagga diintana dagaallo badan ayaa ka dhaca soomaalida dhexdeeda ayaga oo isku haysta arrimo diimeed, masaajid ay ku tukan jireen oo ku yaalla magaalada victoria ayaa waxaa waa dhexdaas ah qabsaday mid wadaaddada dagaallamayay ka mid ahaa, Imaamkii masaajidka sh. Cabdullaahi oo aan kula kulmay

Magaalada Bandar seri wuxuu ii sheegay in ay booliska u yeereen ka dib markii uu qabsaday wadaad wadaaddada ka mid ahaa masjidkii ay ku

tukan jireen, dabadeedna la xiray ninkii isku deyay in uu masjidka qabsado, kadibna niman carab ahi booliiskii ka baryeen ninkaas dabadeedna la soo daayay.

 

Xagga xisbiyada, waxaa jira xisbi la yiraahdo Digil iyo Mirifle, oo u dooda xuquuqda Eelayda iyo raxanwaynta iyo wixii kale ee digil iyo mirifle sheegta, waxaa kale ee jira xisbi la yiraahdo al-ansaar oo ay leeyihiin qolo salafiya ah oo meesha deggan oo soomaalida ka mid ah.

Soomaalida Australiya joogta wax ma bartaan, waxbarashana looma ogola

wax jaamicad dhigta waxaan ka maqlay mid gabar ah oo ayaduna la sheegay in ay dhowr jeer ku dhacday.

 

Wax mutacalim ah waxaan ka ogahay laba nin oo midna M.A haysto midna

B.A haysto. Wax kale oo nuur leh meeshaas laguma sheegin.

Wiil ganacsade ah oo la yiraahdo Cabdi garaad ayaa soo booqday Australiya laba toddobaad ka hor, warqad uu ii soo diray wuxuu ku sheegay in soomaalida meeshaa joogtaahi ay shan kun ku dhawaad yihiin

dhammaantoodna aanay wax aqoon ah lahayn, oo ay ku nool yihiin lacagta cayrta, shaqooyinka ay ka shaqeeyaan waa wershadaha iyo wixii

la mid ah, cabdi wuxuu yiri ninka ugu fiican dadkaas waa taksiile.

 

----------000080000------------

BOGGA 8AAD: IIDHEH IYO OGAYSIIS

-------***************---------

BISHAARO

Waxaan dhammaan dhallinyarada ku jirta liiska wargayska ugu

bishaaraynaynaa in aan ku soo darnay bogagga wargayska bog

cusub oo aan ugu tala galnay in aan ku soo koobno wixii

warar ah ee ku lug leh soomaalida meel kasta ha joogtee,

sidaa darteed, waxaan dhallinyarada liiska ku jirta ku soo

dhawaynaynaa boggan cusub, kaas oo u furan qof kasta oo doonaya

in uu wax ka qoro sida xaalka soomaalida meesha uu joogo ku sugan yahay iyo waxa ku cusub meeshaas.

---------------------------------------------------

 

Dhammaan dhallinyarada soomaaliyeed meel ay joogaanba

waxaan ogaysiinaya in wargayska Codka Soomaalida Cusubi ku soo dhawaynayo gacmo iyo laab furan wixii talo ah ama qoraal ah ee ay doonayaan in ay ku fidshaan wargayskan, ha usoo direen: (hersi@brunet.bn) ama(somalilanguage@angelfire.com)

------------***************---------------------

 

D H A M A A D