csc1_12-18.07.98
Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

 

 

 

CODKA SOOMAALIDA CUSUB

Somali Electronic Journal

Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah
Wuxuu ku soo baxaa afafka
(Soomaaliga iyo Ingiriiska)
Wuxuu Soo baxaa Maalin kasta oo Axad ah

https://www.angelfire.com/mo/codkasomalidacusub/index.html


Waxaa Abaabulay:
Hersi M. Labagarre
[Ph.D. Philosophy & Theology]
National University of Malaysia


Taariikh:12-18.07.1998

[DHAMMAAN XUQUUQDA DAABACAADDU WAY DHOWRANTAHAY]

TUSMADA WARGAYSKA

NO

BOGGA

MAQAALKA

MAGACA QORAAGA

1

BOGGA 1AAD

ARARTA WARGAYSKA

HERSI M. LABAGARRE

2

BOGGA 2AAD

WARARKA SOMALIDA

Hersi M. LABAGARRE

3

BOGGA 3AAD

BOGGA QUBANAHA

HERSI M. LABAGARRE

4

BOGGA 4AAD

BOGGA DOODDA

QASIM & FOWZI HERSI

5

BOGGA 5AAD

DIINTA ISLAAMKA

SH. M. BIN ABDIWAHHAB

6

BOGGA 6AAD

BOGGA DEEGAANKA

QAASIM HERSI FAARAH

7

BOGGA 7AAD

BOGGA DHALLINYARADA

ABDULLAHI BIN MUQAFA

8

BOGGA 8AAD

HIDAHA, DHAQANKA, SUUG.

HERSI M. LABAGARRE

9

BOGGA 9AAD

IIDHEH IYO OGAYSIIS

HERSI M. LABAGARRE

 

BOGGA 1AAD  

 

ARARTA WARGAYSKA

Hersi M. Labagarre

Wargayskan looma abuurin in Soomaalida lagu kala qaybsho oo lagu kala qolo qoleeyo, taa daaye, waxaaba ujeeddooyinkiisa kuwa ugu horreeyaahi yihiin, in lagu baraarujiyo dhallinyarada soomaaliyeed ee maanta dunida ku firirsan, mudnaanta ay leedahay isku duubnaanta iyo wax wadaqabsiga iyo isku xirnaashadu.
Taas waxaa dareemay dhallinyaro badan oo kala jooga meelo kala duwan, oo badankoodu nagala soo xariiray qaaraddaasi yurub, waxayna si aad iyo aad ah ugu riyaaqeen habka loo soo qabanqaabshay wargayskan iyo mawaadiicda lagu soo qaaday intaba.
Hadaba, waxaan doonayaa aniga oo ka faa'iidaysanaya fursaddan, in aan uga mahad celsho dhammaan dhallinyaradaas sida xushmadda leh ee ay inoogu dhiirri gelsheen sii wadidda howsha wargayskan.
Waxaan afbuuxa dhallinyaradaas ku ogaysiinayaa, in wargayskani u furanyahay, dhammaan aragtiyada kala duwan iyo figradaha kala jaadka ah, ee ku saabsan jaadadka aqoonta.
Waxaan ballan qaadayaa haddii aan ahay abaabulaha wargayskan, in la ixtiraamo nin kasta ra'yigiisa, wixii uu doono ha ku saabsanaado e'.
Taas ujeeddadeedu ma aha in wargaysku yahay, albaab furan oo ninkii doonana galo, kii doonana ka baxo, ee waxaan uga jeednaa in aan ixtiraamayno wixii ra'yi ah ee aan ka baxsanayn baaritaanka aqoonta ku dhisan.
Ugu dambaystii waxaan mar labaad u mahad celinayaa, dhammaan dhallinyaradii inagala soo xiriirtay dunida dacalladeeda, ee inagu dhiirri gelshay sii wedidda iyo ballaarinta howsha wargayskan.

 BOGGA 2AAD:

WARARKA SOOMAALIDA

HOGGAAMIYAYAASHA DAGAALKA SOKEEYE EE SOOMALIYA KA TAAGAN
OO LIIBYA U DUULAY SI AY WADA HADALLO ULA YEESHAAN KORNEYL QADDAAFI
Wakaaladda wararka (Reuters) ayaa waxay sheegtay 5tii bishan July, in hoggaamiyayaasha dagaalka sokeeye ee soomaalya ka socdaahi u kicittimeen dalkaasi Liibiaya, ayaga oo ku tala jira in ay wadahadallo nabad raadis ah la yeeshaan, madaxwaynaha dalkaasi Korneel Qaddaafi.
Hoggaamiyayaasha kala ah, Cali Mahdi, Xuseen Caydiid iyo Cismaan Caato, oo uu la socdo Safiirka Liibiya u qaabilsan Soomaaliya Cali Sayid Mu'taq iyo wafdi kale oo ballaaran ayaa waxay bishan shanteedii ka duuleen eriboorka Balli Doogle. Sidaa Waxaa sheegay nin u hadlay Jabhadahaas.
Afahayeenku wuxuu intaa ku deray in Qaddaafi marti qaaday wafdigaas si ay uga baaraan degaan wadahadallo lagu raadinayo xal nabadeed dalkaasi Soomaaliya oo dowlad la'aan ahaa tan iyo 1991kii kolkii uu dhacay xukunkii madaxwayne Maxamed Siyaad barre.
Afahayeenku, wax faahfaahin ah kama bixin siida uu wafdigaasi ku tegayo dalkaasi Liibiya, sida lawada ogsoonyahayna Liibiya waxaa lagu soo rogay Cuna qabatayn xagga duullimaadka cirka sanadkii 1992kii, kolkii ay diideen in ay soo dhiibaan laba nin oo loo haystay bambayntii diyaaraddii Pan Am sanadkii 1988kii.

Afahayeenkaasi ma caddayn in wafdigaasi si toos ah u aadayaan Liibiya oo ay jebinayaan cunaqabataynta iyo in ay waddan kale oo deris Liibiya la ah ka geli doonaan.
Liibiya waxay ka mid ahayd waddamadii weday olaolihii shirkii nabadeed ee lagu qabtay Qaahira disembartii la soo dhaafay.
Wararku waxay intaa ku dateen in ay Liibiya doonayso in laga hir gelsho dalka soomaaliya maamul wax ku ool ah, dibna lo furo Eriboorka iyo dekedda Muqdisho.
Waxaa kale oo la sheegay in magaalada Muqdisho ay degganayd Axaddii la soo dhaafay, waxaana halkaa joogay ciidamo ka tirsan jabhadda caydiid oo dhar cusub gashan. Waxayna wararku sheegeen in dharkaas cusub laga keenay liibiya.

Daadad Qaaday magaalada Muqdisho
Waxaa wakaaladaha wararku sheegeen bishan 3deedii in, Roobab xoog leh oo ka da'aybishii magaalada Muqdishu 24kii bishii june ee la soo dhaafay, ayaa waxay dadwaynihii halkaa degganaa u gaysteen dhibaatooyin badan, oo ay ka mid yihiin hoy la'aan, cunto la,aan iyo isgaarsiintii oo xumaata, ka dib kolkii ay daadadku qaadeen aqalladoodii, waddooyinkii magaaladuna burbureen.
Daadadkaasi waxaa la sheegay in burbursheen in ka badan 100 guri oo ku yiillay magaalada muqdisho iyo agagaarkeeda.
Waxaa kale oo wararku intaa ku dareen, in meelaha aad dhibaatooyinku u gaareen ay ahaayeen Xaafadaha Huriwaa iyo meelo kale oo ay ku yiilleen xeryaha gargaarka.

Dadka dhintay waxay u badanyihiin carruur iyo waayeel, wararku waxaa kale ee ay sheegeen in suuqyadii magaalada la xiray oo aan wax ganacsi ahi ka socon roobabkaa awgood.
Cali mahdi wuxuu ugu baaqay soomaalida in ay is kaalmeeyaan, sidoo kale wuxuu ugu baaqay adduun waynaha in ay soomaalida taageero la soo gaaraan, waxay u baahanyihiin buu yiri: Kubeertooyin, bacda Roobka laga hugto iyo cunto intaba.

BOGGA 3AAD:

BOGGA QUBANAHA

 Laba wadaad oo asalraac ah iyo nin boolis ah oo lagu dilay Masar
Waxay wakaaladda wararka ee AFP sheegaty, in laba wadaad oo asalraaca iyo nin ka tirsanaa ciidamada booliska masar lagu dilay magaalada Saciid ee masar maalintii Talaadada ee la soo dhaafay.

Waxaa kale oo halkaa lagu dhaawacay, nin kale oo booliis ah iyo nin ka mid ahaa shaqaalaha dowladda.

Taasi waxay ka dambaysay, ka dib markii ay laba ka mid ah madaxda wadaaddada asalraaca ah ee ka tirsan Jamaacada Islaamka, ay xabbad is waydaarsadeen ciidamada booliiska Masar, waxaana dagaalkaasi ka dhacay tuulo la yiraahdo Minhar oo 250km u jirta magaalada Qaahira.

 

Madaxda dalkaasi Imaaraadka oo dib u billaabay wadahadalladii Qatar ee nabadraadinta
Waxaa wargayska hayaat ee ka soo baxa magaaladaasi London sheegay in madaxda dalkaasi Imaaraadka Carabta dib u billaabeen dhexdhexaadintii labada dal ee ay deriska yihiin oo kala ah Qatar iyo Baxrayn oo is afgaranwaa ka haystay xagga xukunka jasiiradaha loo yaqaan al-Xuwaar ee ku yaalla Khaliijka Carabta. Jasiiradahaa lahu dagaalsanyahay, waa dhul lama degaan ah oo aan wax ka bixin, waxaase la aaminsanyahay in badrool iyo macdan kale ka buuxdo. Jasiiradahaas waxaa xukunkooda gacanta ku hayay ilaa soddomeeyadii qarnigan dowladda baxrayn, hase ahaatee, waxaa lahaanshahooda dib u sheegtay dowladda Qatar. Taasi waxay keentay in arrinta jasiiradahaas loo bandhigo Maxkamadda Caddaaladda ee adduunka sanadkii 1991kii, waxaana dacwadaa oogay dowladda Qatar.

Waxaa warku intaa raacshay in dowladda baxrayn sheegtay bishii la soo dhaafay, in damacsantahay, dhismo buundo dhererkeedu yahay 22.5km si ay ugu xirto magaalada manama jasiiradahaas, hase ahaatee waxaa arrintaa afka ku dhuftay, dowladda Qatar.

 

Madaxwayne kuxigeenka dalkaasi Suudaan oo sheegay in ay raadinayaan dadkii ka mas'uulka ahaa qaraxyadii dhawaan ka dhacay Suudaan
Waxaa jornaalka ad-dustuur ee ka soo baxa dalkaasi Urdun sheegay maalintii dalaadada ee la soo dhaafay, in madaxwayne ku xigeenka dalkaasi Suudaan, waraysi gaar ah oo uu la yeeshay wargayskaas, ku sheegay, in ay dowladdiisu raadinayso, dadkii ka dambeeyay qaraxyadii ka dhacay dalkaas maalmihii la soo dhaafay. Waxaa kale ee uu intaa ku deray, in haddii dadkaaas arrintaa ku lug lahaa gacanta lagu dhigo, ay dowladda suudaan u suurta gelayso in ay marsiiyaan ciqaab adag ayaga oo tix raacaya, xeerarka ka hortagga argagixisada ee ay kala saxiixdeen dalaka carabtu.

Waxaana loo malaynayaa in uu taas uga jeedo, heshisyadii iyo waanwaanihii u kala socday Suudaan iyo Masar bilihii la soo dhaafay, ee badankoodu ku saabsanaa ka hortagga iyo joojinta argagixisada ay wadaan, wadaaddada asalraaca ah ee deggan labadaa dal.

Suudaan iyo Masar, waa labadal oo ay ku noolyihiin, wadaaddo asalraac ah oo badanaa kiciya weerarro argagixis ah oo lagu dilo dad badan oo maato ah.

Labadaa dalna waxaa ka soo gaaray arrinta argagixisada dhibaatooyin badan oo nabadgelyadooda qatar gelisay.

Wuxuu warku intaa ku deray, in uu madaxwayne ku xigeenku sheegay, in aan Suudaan wax lug ah ku lehayn dagaalka ka dhex taagan Ethiopia iyo Eriterea.

Waxaa kale ee uu madaxwayne ku xigeenku sheegay in xiriirkii Israaiil iyo Ameerika la lahaayeen Eritrea uu xumaaday, kadib intii ay dowladdaasi dagaalka ku qaadday dalka Itobia.

Suudaan waa dal dhibaatooyin dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed intaba haytaan, madaxda dalkaasina waxay isku deyayaan in ay dejiyaan, nabadda iyo sugnaanta dalkaas, si ay uga badbaadaan mowjadda dagaallada sokeeye iyo kuwa deris intaba ee ka socda geeska afrika. Dagaalladii ka socda koofurta dalkaasi Suudaan, wax natiijo nabadeed ah lagama gaarin, hase ahaatee, waqtiga hadda la joogo way xasilan yihiin.

 

Dalkaasi Suuriya oo loo furay Internet-kii
Waxaa wakaaladda wararka Reuters sheegtay bishan 10keedii, in ugu dambayntii internet-ku gaaray dalkaasi Suuriya, hase ahaatee, taas macnaheedu ma aha in qof waliba oo reer Suuriya ah ay u sahlantahay in uu Email dirsado ama helo meel uu ka galo shabakadda internetka ee caalamiga ah.

Madaxwaynaha dalkaasi Suuriya Xaafiz al-Asad ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday in dalkoodu ku xiranyahay shabakadda isgaarsiinta internetka ee caaalamiga ah 25kii bishii April ee la soo dhaafay.

Waxaa loo ogolaaday xafiisyo kooban in ay adeegsadaan internetka, xafiisyadaas waxaa iska leh dowladda, waxaana tiradoodu ilaa iyo hadda gaaraysaa 35.

Waxaa la yaab leh, in dowladdaasi cudurdaar ka dhigatay, si ay uga qanciyaan dadka cunaqabatayta la xiriirta internetka, in internetku fasahaadinayao akhlaaqda oo ay uga baqayaan bulshada dhibaatooyinka la xiriira Sex-ka. Waxaana qof kasta oo siiriya tegay ogyahay in dhillaysigu si sharci ah uga furanyahay dalkaas, oo har iyo habeen ay hoteelladu u bandhigayaan dadka tuuriistaha ah ee ka yimaadaa carabta kale, wixii ay doonaan ee arrimahaas la xiriira.

Haddaba sideebaa loo oran karaa, dhillaysiga internetka ku jira ayaan bulshada uga baqaynaa, miyaanay midka bulshadooda ka socda uga baqayn dadka internetka ku jira!?

 

BOGGA 4AAD:
BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA

Fowzi Herzi (viaconi)
Accugraph Corp
Toronto-Ont
CANADA

Political and Social-Economic Development
in Post Colonial Somalia

Modern Somalia: Political Aspect
At independence from colonialism in 1960, the Somali Republic, founded on Somali national identity, was an incomplete state. This is reflected in the traditional practice of tracing descent from illustrious Arab ancestors connected with the family of the prophet Mohamed.
It did not contain the whole nation. Three parts remained under foreign rule Ethiopia, Djibouti and northern Kenya. Prior to Kenyan independence in 1963, negotiatations with Britain sought to gain authonomy separate from Kenya, for Somali northern district.
When, under pressure from Kenya's nationalist leaders, Britain, disregarded the report of an official British Commission on the people aspirations in Kenya area, the Somali Republic broke off diplomatic relations with the United Kingdom. This rebuff by Britain caused great resentment among the Somali population of northern Kenya, and led to the Somali guerrilla campaign known to the Kenyan Authorities as the "shifta" or "bandit" war. This conflict paralyzed the region from 1963 to 1967.

The pan-Somali self-determination issue was focused primarily on the Somali community in northern Kenya, in the run-up to Kenyan independence. But it was not possible to ignore Somali aspirations elsewhere. The creation of the Somali Republic "inevitably encouraged nationalist sentiment" in the Ogaden. Incidents between Somali nomads and the new Ethiopian military authorities become increasignly frequent, despite United Nation,(UN) and Italian efforts to reach agreement on the definition of the boundary between Somalia and Ethiopia.
There was still "no acceptable frontier " between the two states, and the line on the Somali map was still the provisional administrative line used during the British military administration of that area.

Moreover, at the end of 1963, a Somali uprising in the Ogaden led to a brief but major confrontation between the Ethiopian and Somalian armed forces. With pan- Somali nationalism exerting much influence and with American and Western military support for Ethiopia and Kenya, it was natural that the Somali Republic should reject an offer of limited defensive arms from the West, in favor of a more generous and open -ended Soviet arms commitment.
This Russian military connection, which did not at the time lead Somalia to move far from her neutralist but generally pro-Western stance, was to have far reaching effects later.

However, the new civilian government, formed in June 1967 under Premier Mohamed Haji Ibrahim Egal,(who was from the northern ex-British protectorate) and under President Abdirashid Ali Sharmarke , led to a marked shift in Somali foreign policy . Concluding that the aggressive pursuit of the pan-Somali struggle favored by the previous government had yielded little positive return, Premier Egal embarked on a new policy of détente with Kenya and Ethiopia, seeking to gain a new understanding with the leaders of both countries as a basis for more fruitful negotiation.

This development, which trust the pan-Somali issue temporarily into the background, was one of many factors, which contributed to the eventual downfall of Premier Egal and his replacement by military rule. What turned out to be Somalia's last elections were held in March 1969, when 1'002 candidates representing 62 parties (mainly thinly disguised clan organizations) competed for the123 seats in the National Assembly.
The Somali Youth League victory turned into a landslide when all the independent members of the Assembly,with one exception, joined the government party, led by Egal and President Abdirashid. In the usual one party style,Somalia now came under increasingly autocratic rule, with Egal's government paying little attention to the dissent provoked by its growing autocracy. The assassination of the president on the 15th of October 1969 administered a sharp jot and was followed on the 21st of October by a well-staged military coup, in which the army calmly seized power without encountering opposition.

(To be continue next week.)

 

 


Qasim Xirsi Faarax
M.A. Qaanuunka iyo Shareecada
International Islamic University (Malaysia)

QUR'AAN IYO XADIIS QALAD LAGA FAHMAY
Waa wax aad iyo aad looga qarracmo oo laga murugoodo in la adeegsado ama la isticmaalo iyada oo fursad ama daliil wax tusisa ama wax bannaysa weliba amarta ama ammaanta looga dhiganayo si qalad u fasirasho ah, kas ama jaahilnimo midday doonto ha ku dhacdee, taas oo markaas keenaysa in ficillo xaaraan ah lagu gaaro, in kastoo ay aad u badan yihiin Aayadaha ama Xadiisyada lagu caadaystay qalad u isticmaalka, hadana ma wada koobi karno ee waxaan ka soo qaadanaynaa hal Aayad iyo hal Xadiis oo naga quseeya mawduuc ahaan, kuwaasina waA:(Waar hooy Dadow waxaannu idinka abuurnay lab iyo dhedig, waxaanan idin ka dhignay shacabyaalo iyo qabiilooyin si aad isu aqoonsataan, ruuxase idinkugu sharaf badan Eebbe agtiisa waa kan idiinkugu dhawrsasho badan, Eebbana wax walba waa ogyahay)Al-xujraat:13.

Waxay dadkeenna qaarkood u fasirteen Aayaddaan sidii in ay tahay mid faraysa ku dhaqanka qabyaaladda iyo is kala takoorka ku dhisan nasab nasabaynta, oo waxaad arkaysaa iyaga oo kugula doodaya ama ku andacoonaya; qabiilaysigu waa jiraa, oo Qur'aanka ayaaba sheegay in dadku ay kala nasab fiican yahiin, waxaana jira in dadka Ilaahay mar horeba u kala saaray nasab iyo nasab dhiman.

Dadkaasina iyaga oo taas ka dhiganaya fursad ay xumaha ku bannaystaan ayey ku duraan reer hebel nasab xumo, reer hebelna ku duulaan iyaga oo bannaysanaya dhiiggooda iyo xoolahooda reer hebel ahaan awgeed.
Dabadeedna inta ay arrintaas foolxumada ihi aad u sii kortay ayey gaartay in la yiraaho; Naagtan waxaa qabay oo laga soo furtay nin reer hebel ah ee shiikhow sow lama mehersan karo, ma meher ahaan baa loo qaadan karaa kii ninkii reer hebel,? Shiikhow hebel oo ku dhintay dagaalkii reer hebel lagula jiray ma Karfan iyo Janaaso ayuu ubaahnaa sow Mujaahid maahayn? iyo fal-fal xumooyin kale oo badan.

Waxayna tahay Aayadda sida ay sheegayso ee loo fasirayaa sidatan:
1- In aan ku cibri qaadanno oo ku xusuusanno awoodda Alle inuu naga abuuray lab iyo dheddig, isuna keen maceeyey si aan u sii wadno taranka Aadanaha.
2- in aan ku cibri qaadanno oo ugu mahadnaqno Eebbe sareeye sida uu nooga kala dhigay shacabyaalo iyo qabiilooyin si aan isu kala aqoono, si aan isu xushmayno, si aan u ilaalino taranka aadanaha anaga oo aan u isticmaalayn fal xaaraan ah oo aan markaa la waayin wax daryeela kuwa la dhalo, si aan isu kaalmaysanno.

3- in aan ku dadaalno ka cabsashada Alle iyo u cibaadaysigiisa si aan u gaarno derajada sare ee uu nala doonayo.
4- in aan isku xushmayno cabsida Ilaahay.
5- in aannu ogaanno in kan noogu sareeyaa uu yahay hadba kan noogu Alle ka cabsi badan.
6- in aanaan isu dagaalin qabiil qabiil ee aan ogaanno in aanaan kala fiicnayn mar haddaanaan isku kala fiicnaysiinayn cabsida Alle.
7- in aannu ogaanno in Eebbe wax walba oge uu yahay kan keliya ee cilmiga runta ah haysta, aanana ku kalsoonaano falalkiisa maadaama uu naga ogyahay isagu.
8- iyo macnayaal kale oo wada kheyr samayn iyo kheyr ogaan ah kana soo wada hor jeeda oo laf dhuun gashay ku wada noqonaya iskala qabiilaynta.

Hal xadiis oo isna qalad laga fahmay waxaan u soo qaadan karnaa tusaale ahaan: (Waxaa lagu guursadaa Afar; Maalkeeda, Quruxdeeda, Nasab hooyaadkeeda, iyo Diinteeda, ee adigu ka qaado tan diinta leh gacantaaduba ha dhul dhacdee).
Waa khasaaro in maanta nin weyni kaa la soo horjeesto nasab iyo nasab dhiman diintaaba sheegaysa, waayo laba aan isku kuf (isku jil, is geyid) ama isku heer nasab ahayn isma guursan karaan saa xadiiskanaaba sheegaye.
Haddaba dhahaha warkaas xunoow ma indhahaad la'dahay mise qalbigaa ku daboolan miyaanad fahmi karin hadalka Nebiga ee ah sida xadiiska ku cad lagana fahmayo; Waxay dadka kale ku guursadaan afartaas nooc ee adigu ha noqon sidooda oo kale ee keliya ka raac tan diinta leh wax walbaba ha kugu qaadatee?.

Midda kale waxaa qalad loo fahmay macnaha erayga Xasab oo loo qaatay in uu yahay nasab qabiili, mase ahan ee waxaa weeye sharafta iyo karaamada ay gabadhu ka dhaxashay hooyadeed sida reer dhaqidda iyo wixii la xiriira arimaha gaarinimda iyo gobnimo dhawrka ee naag loogu xilan karo.
Weliba waxaa intaas sii dheer in uu Nebigu habaaray labadii isku guursata nasab awgiis, maal awgiis, qurux awgeed intaba oo uu yiri; (labadii isku guursata qurux awgeed Ilaah uma kordhiyo wax aan foolxumo ahayn, labadii isku guursata maal awgiis Ilaah uma kordhiyo waxaan faqri hayan, labadii isku guursata nasab awgiis Ilaah uma kordhiyo waxaan nasab xumo ahayn(markay isla guri galaanba).

Waxaad kale oo in badan aragtaa akhristow sheekh soomaaliyeed oo ku guubaabinaya qoladiisii in ay ku duulaan cid hebla isaga oo ku leh;Nebigaa yiri: (kii la dilo isagoo maalkiisa difaacanaya waa shahiid, kii ladilo isagoo naftiisa difaacaya waa shahiid, kii la dilo isagoo ahalkiisa difaacaya waa shahiid).
Haddaba inagu nafteenaan difaacaynaa oo reer hebel iyagaa nagu bilaabay weerarka iwm. Taasoo uu ka dhaadhicinayo ummaddaas inay iyagu yihiin kuwa saalixiin ah oon marnaba qaldamin lagana gardaran yahay had iyo gooraale, isagoo soo xusuusinaya sheekooyin hore oon la hubin sugnaantooda kuna salaynaya waxa maanta taagan.
Haddaba akhristaw waxaas oo dhan iyo kuwa ka sii daranba waxay ka yimaadeen fahamyo qaldan oo lagu dhex faafiyey bulshadeena loona baahan yahay in maanta dib looga saxo.

(Waa Socotaa...)

F.G:

Waxaan ugu bishaaraynaynaa Aqristayaasha bogga doodda, in aan billaabi doonno fidinta daraaso cusub, kolka midda hadda socota dhamaato, daraasadaas oo cinwaankeedu yahay (MADAXWAYNE HA LAYGA DHIGO) Waxaa qoray Qaasim xersi Faarax, waa isla qoraagii aad hore u aqrisateen daraasadiisa hadda socota. Wuxuu qoraagu daraasadan mar labaad isku deyayaa in uu si qayaxan u soo ban dhigo waxyaabaha ka guuxaya maskaxda soomaalida iyo figradda ay ka haysato madaxwaynanimada.. Aqristayaasha boggan waxaan ka codsanaynaa in ay ina soo siiyaan wixii talo ah, inta aan daraasada cusubi billaaban. Wixii munaaqasho ah ama sixid ah albaabbadu waa u furanyihiin. Labagarre.

 

BOGGA 5AAD

DIINTA ISLAAMKA

 SHIRKIGU WAA MAXAY?

Waxaa Qoray: Sheekh Maxamad bin Cabdil Wahhaab
Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre.

CASHARKA 8AAD

WAXYAABIHII TAHLIISHA IYO XIRSIXIRKA LAGA SHEEGAY

Xaddiis Saxiix ah oo laga soo weriyay Abi Bashiir Al-Ansaari "Waxaa lagu sheegay in uu Nabiga Naxariisi korkiisa ha ahaatee, socdaalladiisii mid ka mid ah la socday, (wuxuu yiri): Kolkaas baa Nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee nin farriin ah meel u diray asiga oo faraya, in uusan neef geel ah qoortiis qool boqon ah ama wax ku qoolan uga tegin ayada oo aan laga goyn".

Waxaa Ibn Mascuud laga weriyay in uu yiri:" Waxaan maqlay Rasuulkii Ilaahay, Naxariisi korkiisa ha ahaa-tee, oo leh, tufta iyo xirsixirka iyo maddiiddada dhammaantood waa shirki"{Axmad, Abu Daa'uud.

Xirsixirku waa xirsiga carruurta loo xiro si dhajiska ama ilaysiga looga xijaabo, hase ahaatee, haddii waxa ku qoran xirsiga ay quraan yihiin asaxaabta qaarkood way banneeyeen, qaar kalena way diideen oo waxyaabaha reebban bay ka mid dhigeen, asaxaabta diiddayna Ibn Mascuud ayaa ka mid ah. Maddiiddaduna, waa waxyaabo loo sameeyo oo naagta ninkeeda jeclaysiinaya.

Waxaa kale oo Cabdullaahi bin Cukaym laga sheegay "In qofkii laabta wax gashada (asiga oo u malaynaya in ay wax tarayaan) waxa uu laabta gashaday loo talo saaro"{Axmad, Tarmadi}.

Waxaa sidoo kale, Axmad Ruwayfic ka soo weriyay in uu yiri:"Nabigii Ilaahay Naxariisi korkiisa ha ahaatee, ayaa wuxuu igu yiri: Rufaycow, waxaa laga yaabaa in cimrigaagu dheeraado ee dadka gaarsii, in ninkii garkiisa gunta, ama boqon isku xira, ama digo iyo laf ku astajooda in Nabi Maxamad beri ka yahay".

Waxaa kale oo Saciid Bin Jubayr laga soo sheegay in uu yiri:"Ninkii xirsixir qof ka gooya wuxuu u dhigmaa nin qof xureeyay"{Wakiic}.

Sidoo kale waxaa Wakiic Ibraahim Ka soo sheegay in uu yiri:" Asaxaabti hore wixii xirsixir ku saabsan oo dhan way necbaan jireen, ama quraan ha ku qorraado ama wax kale ha ku qorraadeene".

MAS'ALOOYINKA CASHARKA
Tan 1aad: Waa ujeeddada Tufta iyo Xirsixirka. Tan 2aad: Waa tafsiirka maddiiddada.
Tan 3aad: Waa in saddexdaas la soo sheegay ay dhammaan-tood shirkiga ka mid yihiin.
Tan 4aad: In haddii Tahliisha dhajiska iyo Jirrada laga tuftaahi ay war xaq ah (sida Quraan) lagu aqriyo aanay shirki ahayn.

Tan 5aad: In haddii xirsiga quraan lagu qoro aanay culumadu arrintiisa isla meeldhigin, oo in uu shirki yahay iyo in kale aan la hubin.
Tan 6aad: Waa in boqonka xoolaha qoorta looga xiro ayada oo dhajiska looga celinayo, uu asiguna shirkiga ka mid yahay.
Tan 7aad: Waa sida loo canaantay qofka u maleeya in boqon la xirtaahi belo ka celinayo ee sidaa laabta gashada.
Tan 8aad: Waa fadliga uu leeyahay ninkii xirsi qof ku xiran ka gooya.
Tan 9aad: Waa in hadalka Ibraahim soo sheegay ( ee ah in asaxaabtii hore necbaayeen xirsixirka oo dhan ama quraan ha ahaado ama wax kale ha ahaadee) uusan burri-nayn hadalkii ka sii horreeyay (ee ahaa in asaxaabta qaarkood banneeyeen haddii xirsigu quraan ku qoranya-hay) maxaa wacay Ibraahim dadka uu sheegayo waa Cabdul-laahi Ibn Mascuud iyo Intii ku aragti ah.

(Waa Socotaa….)

F.G:

* Dhammaan aayadaha quraanka ah tarjamadooda afsoomaaliga ah waxaan ka soo qaadannay kitaabkii (Quraanka kariimka iyo tarjamada macnihiisa ee afka soomaaliga) ee uu qoray Maxamad maxamud cabdi, waxna kama aanan beddelin tarjamada meelo yaryar oo qaldan baan saxnay meelo uu wadaadku ka boodayna waan ku darnay.

** Haddii ay dhammaato tarjamada kitaabka Tawxiidka ee hadda socota, ee uu qoray Sh. Maxamad Bin Cabdil Wahhaab, oo ah shiikha Wahhaabiyada, Salafiyada iyo Itixaadka Iwm, waxaa ku xigi doona Tarjamadii Kitaabkii "Al-Ibanah Can Usuul Ad-Dayyaanah" ee uu qoray Sheekhii Ashcariyada. Sidaa darteed, dhammaan waxaan ka codsanaynaa aqristayaasha bogga Diinta Islaamka in ay ina soo siiyaan wixii talo iyo tusaale ah inta aanan buuggan hadda socda dhammaan.

BOGGA 6AAD:

BOGGA DEEGAANKA IYO KHAYRAADKA DABIICIGA AH

BY: Qasim Hersi Farah

CURRENT ENVIRONMENTAL DEGRADATION IN SOMALIA
For almost a decade now, the Somalian territory has been taken to ransom by ruthless warring warlords, gangs and high way robbers, whose catastrophic wrongdoing has brought that land its people into a position of utter ruin.
Today, however, the situation seems to be getting better and there is cause for hope. That is why Nerda has the ambition to benefit from this opportunity.
The prolonged civil wars and draught starvation dragged the citizens into refuge and perpetual vagrant life. As a result of that, a state of anarchy has emerged, which in turn induced famine and starvation. Cities, towns and villages are harshly tackled into anarchy by the cross-long wars, lack of job opportunity, lack of production, lack of stability and amenity.

There are now many people concerned about the condition of the countryside and jungles as a nomadic life, but this people had have neither choice nor interest in exploiting it.
With the objectively measured increase in environmental problems in the countryside, particularly, people never use latrines due to impossibility in such circumstance.
One main reason is that poverty is the main direct source of Somalian ecological problems, and that is, in reality, extremely caused by the civil war.

Poverty endured to the population malnutrition, high mortality, poor or lack of medical facilities, lack of educational facilities, low or lack of income per head and lack of productivity at all.
In short, Somalis are stranded in a phenomena or circumstance of extreme poverty, violations of human rights, tribalism, xenophobia and, not least environmental degradation, is moving to the forefront of political awareness.

Some of these serious problems are becoming increasingly visible such as the environmental degradation which is the most serious problem. Thus, Somalia is in a state of a major environmental degradation. Little is known about this by the international community.

NATURAL RESOURCES
Somalia is, indeed, a virgin land. It has various kinds of natural resources. Gold, oil, cement, gases, diamond and many other useful materials are enriched therein, but none of these are yet tapped. The grass and fertile lands are suitable for grazing livestock and for crop farming. Mineral resources are relatively diverse, but have not been exploited well.
It is known as deposits include oil, corrosion, copper, manganese, gypsum, iron, marble, tin, uranium and others.

WILDLIFE AND LIVESTOCK
Wildlife is abundant and includes crocodile, elephant, giraffe, leopard, lion, tiger, giraffe, deer, hyena, fox, zebra, pig, rhino, all kinds of snakes, and many others. The number of livestock animals was estimated 25 million goats, 14 million sheep, 7.3 million camels and, 5.2 million cattle.
All kinds of these wild animals are about to endanger due to environmental degradation. Millions of mixed wild animals migrated to the neighboring countries, Kenya particularly. And millions of livestock - goats, sheep, cattle and camels were unnecessarily killed during civil war, as another millions, without gender discrimination, were exported to the Gulf improperly.

BOGGA 7AAD:

BOGGA DHALLINYARADA

SHEEKADII KALIILA IYO DIMNA

Qaybtii: 7aad

Waxaa qoray: Cabdullaahi ibn al-Muqafac
Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre

LIBAAXII IYO DIBIGII

Dimna: waxba ha eegin yaraantayda iyo tabardarradayda, arrintuna awood iyo awood darro, ama yaraan iyo qolfoof waynin ma aha, waxaana dhici karta in mid yar oo tabar daran dhagartiisa iyo dhugtiisa iyo taladiisa ku gaaray meel ay gaari waayeen kuwo badan oo xoog leh, miyaanay ku soo gaarin in tuke aad u liita uu dhagray abeeso oo dilay?.

Kaliila: oo taasi sidee bay ahayd?.
Dimna: waxaa la yiri tuke ayaa buul ku lahaa geed buur dusheed ah, waxaana ka ag dhawaa god abeeso, kolkaas baay haddii tukuhu ukumeeyo aaddaa carruurtiisa oo cuntaa, taasina tukaha way taabatay oo murugaysay, kolkaas buu uga eed sheegtay dawac waday-giis haa oo ku yiri waxaan doonayaa in aan kaala tasha-do arrin aan u dan leeyahay?.
Dawacii: oo maxay tahay?.
Tuke: waxaan doonayaa in aan abeeso aado marka ay huruddo, oo indhaha ka gawiyo oo ka rido, in aan ka nasto ayaaba laga yaabaaye.

Dawacii: dhagarta jaadkaas ahi waa bar kuma taal ee arrin aan noloshaadu ku kedsoomayn, halisna aadan ku gelayn, abeesana aad dantaada uga gaarayso orodoo raadi, iskana jir in aad boolabooadii faramagoogaha in ay disho doontay ee nafteedii dishay oo kale noqoto.

Tuke: oo taasina sidee bay aheed?.
Dawacii: waxaa la yiri boolaboolo ayaa buul ku yeelatay gal kalluun badan leh dhexdiis markaas bay in door ah ku nooleed, kadibna way gabowday oo ugaarsi gabtay, kolkaas baa gaajo iyo dhibaato xumi qabsadeen, markaas bay fariisatay ayada oo murugaysan, oo arrinteedii furdaamis la doonaysa, faramagooggo ayaa soo ag maray oo arkay heerka ay ku sugantahay iyo uur xumada iyo urugada haysata, markaas buu u dhawaaday oo ku yiri; shimbiryahow maxaa murugada iyo uurxumada kuugu wacan?.

Boolabooladii: sidee baanan u murugoonayn!, aniga oo ku noolaan jiray ugaarsiga kalluunka halkan ku jira oo arkay laba ugaarsade oo halkan maraya markaas baa midkood yiri; halkan kalluun badan baa ku jiree maa marka hore ugaarsanno, kiikalena wuxuu yiri aniga ayaa meel hebla ku arkay kalluun kan ka badan, ee aan halkaas ka billawno, kolka aan ka dhamayno ayaan halkan u soo noqonaynaaye, sidaa waxaan ku ogaaday in haddii ay halkaas ka dhameeyaan ay haradan u soo noqonayaan oo waxa ku jira ugaarsanayaan, taasi haddii ay dhacdana waa dhimashadayda iyo dhammaadka nolashayda.

Markiiba faramagooge wuu baxay oo bah kalluun ayuu u tegay, oo arrintii u sheegay, boolabooladii bayna u yimideen oo la tashadeen, oo ku yiraahdeen annagu waxaannu kuugu nimid in aad nala taliso, maxaa yeelay wax garadku talada nacabkiisa kama tago.

Boolaboolo: xagga ka hortagga ugaarsatada anigu awood uma lihi, wax talo ah oo aan ahayn, in aan u guurno haro halkan ka dhaw oo kalluun, biyo badan, iyo dhirba leh, ma hayo, haddiise aad awoodaan in aad u guurtaan , dhaqankiinna iyo dhaqaalahiina ayaa taas ku sugan.

Bah kalluun: taas qof aan adiga ahayni nagu galladan maayo.
Markaas baa boolabooladii maalin walba laba kalluun intay qaddo intay buuraha la tagto soo cuntaa, maalintii dambe ayay timiday si ay labadii kalluun u qaaddo, kolkaas baa faramagooge yimid oo ku yiri aniguna meeshan waan ka baqay oo waan ku cidlooday ee haradaas ii qaad, kolkaas bay soo xambaarsatay oo la duushay, markii ay u dhawaatay buurtii ay ku cuni jirtay kalluunka ayaa faramagoogge eegay oo arkay lafihii kalluunka oo halkaa dhooban, markaa buu ogaaday in booloboolo sidaa samaysay, asigana ay sidoo kale la doonayso, kolkaas buu is yiri: haddii nin nacabkii kula kulmo meel uu ogyahay in uu ku dhimanayo, ama ha dagaallamo ama yuusan dagaalamine, waxaa lagama maarmaan ku ah in uu iska dagaallamo, karti iyo badbaado ahaan, kolkaas buu labadiisa gacmood u ritay boolabooladii dhuunteedii oo ceejiyay, oo ay dhimatay, sidaa ayuuna bah kalluun ku badbaadshay oo arintii ugu sheegay.

tusaalahanna waxaan kuugu sheegay in aad ogaato in dhagarta qaarkeed halis gelinayso dhagarowga, waxaanse ku tusayaa hab haddii aad awooddo ay abeeso ku dhimanayso, adigana aanan wax kugu soo gaarayn oo aad ku nabadgelayso.
Tuke: oo taasi sidee tahay?
Dawacii: waad baxaysaa oo inta aad sii socoto waad dhugdhuganaysaa, waxaa laga yaabaa in aad hesho kuul haween oo aad dafto, si aalyar ahna u duul si ishu kuu qabato, inta aad ka timaado godka abeeso, oo aad kuush agtiisa ku tuurto, haddii ay dadku taas arkaan kuushooda ayay qaadanayaan abeesana way kaa dilayaan.

Tuke kolkaas buu baxay asiga oo cirka ku duulaya, markaas buu arkay naag ka mid ah gabdhaha mudanayaasha, ayada oo sar dusheed ku qabaysanaysa, dharkeedii iyo kuusheediina meel dhigatay, kolkaas buu hoobtay oo kuushii qool ka dafay oo la duulay, dadkii baa dabadeed eryaday, isna aalyar buu ugu duulay, si qof waliba u arko, intii uu godkii abeeso ka gaarayo, kaas oo uu kuushii ku tuury, dadkuna way arkayeen, markaas bay yimideen, kuushiina qaateen, abeesadiina way dileen.

Tusaalahanna waxaan kuugu soo qaaday in aad ogaato in dhagartu terayso wax aan xooggu tarayn.
Kaliila: haddii aaney dibiga u kulmin muruq iyo maan sida aad sheegtay bay ahaan leheed, hase yeeshee tabar iyo taag, garasho iyo garaad baa ula jira, ee maxaad ka taraysaa?.

(Waa socotaa...)

BOGGA 8AAD:

HIDDAHA, DHAQANKA, SUUGAANTA IYO AFKA SOOMAALIDA

[MACMACAANKA MURTIDA SOOMAALIYEED]

Waxaa Qoray: Hersi M. Labagarre

Waamadan sida muddulka loo saaray ayaan layaabay!!

waxaa la sheegay, in nin u soo martiyay nin wadaygiis ahaa, kii loo soo martiyay baa kii martida ahaa intuu muddul dhexdiis gogol u dhigay, jikadii dib ugu laabtay, si uu bun ugu soo dubo, wax yar ka dibna, bunkii oo kulul buu keenay, kolkaas buu intuu ninkii martida ahaa soo hoos dhigay, dib u laabtay si uu toorkii u keeno, hase ahaatee ninkii martida ahaa baa hunguri qaaday, oo wuxuu doonay in uu bunka rito, inta ninku toorka ku maqanyahay, markaas buu afar murxood iyo xoogoo subag ah, oo aad u kulul, fandhaalkii ku soo qaatay, oo calaacasha ku dhacsaday, markiiba calaacashii baa gubatay, oo afkii buu la aaday, markii uu hambaday buu afkii ka gubtay, isla markii uu afka ku shubtay ayaa ninkii aqalka iska lahaa soo noqday, oo toorkii keenay, markaas buu arkay ninkii martida ahaa oo afka kor u taagaya, oo indhaha ka libiqlibiq siinaya, markaas buu ku yiri: war maxaa kugu dhacay?

Ninkii martida ahaa waa uu ka xishooday, in uu yiraahdo, bunkii baan ku gubtay, oo wuxuu ka baqay in hunguri badni lagu caayo, maxaa yeelay bunku dhaqan buu leeyahay, lamana rito ayada oo aan horta la muraadayn, oo aan la marsan, kolkaa ka dib baa la jebshaa, kadibna waa la marsadaa, ka dibna waa la ritaa, marka ninkii martida ahaa wax uu ku war celsho buu waayay, dhibaato baa qabsatay oo bunkii kululaa ma leqi karyo, mana tufi karyo, ninkiina war celin buu ka sugayaa, markaas buu hadal ay huu-huu'i ku jirto ku yiri: waamadan sida aqalka loo saaray baan la yaabay. [waamaduna waa garangarta muddulka dhaladiisa ku jirta oo tiirka dhexe iyo qoryaha oogada ku dedan ku kulmaan ee muddulka gudihiisa ah. waamadan sida muddulka loo saaray baan la yaabay, waxba ugama jeedo, lamana yaabbana, maxaa wacay taasi wax lala yaabo ma aha, ee wuu ku marmarsimoonayaa!!

BOGGA 9AAD:

IIDHEH IYO OGAYSIIS

Dhammaan dhallinyarada soomaaliyeed meel ay joogaanba waxaan ogaysiinaynaa in wargayska Codka Soomaalida Cusubi ku soo dhawaynayo gacmo iyo laab furan wixii talo ah ama qoraal ah ee ay doonayaan in ay ku fidshaan wargayskan, ha usoo direen: hersi@brunet.bn

******

Wargayskan bilaash (Free) baa lagu qaybshaa, cid aan soo codsanna looma diro. Hadaba, qofkii doonaya in loo soo diro email ha soo diro asiga oo leh: (ii soo dir codka soomaalida cusub) , ama ha saxiixo, buugga martida ee ku yaalla halkan: https://www.angelfire.com/mo/codkasomalidacusub/index.html qofkii aan doonayn in loo soo dirana, ha u soo qoro email hersi@brunet.bn) asiga oo leh (ha ii soo dirin codka somalida cusub).

****

Waxaan wax ka beddelnay, bogagga wargayska sida aad aragtaan, taasna waxaa inoogu wacnayd in dhallinyarada qaarkood noo soo jeedsheen in aan wargayska qaybihiisa hore ku soo qorno wararka soomaalida iyo wixii kale ee akhbaar ah ee cusub.

Annaga oo ra'yigaas qiimaha leh tixgelinayna, ayaan waxaan ku soo qornay bogga labaad wararkii soomaalida, sidoo kale boggii isbarashada dhexda ayaan gelinnay, maxaayeelay aad baa aqristayaashu u xiiseeyeen, waxaa kale ee aan toddobaadkan isku daynay in aan wargayska soo gelinno masawirro, sidaa ayuuna ku socon doonaa haddii eebbe idmo.

Kolka waxaan dhammaan dhallinyarada maqaaladaha iyo warbixinnada iyo daraasooyinka soo qora ka codsanaynaa in ay maqaalkooda soo raacshaan wixii masawir ah ee ku lug leh, sida masawirka qoraaga, masawirka qofka isku soo qoraya bogga isbarashada iwm.

______________________________________________

"DAMMAAN MAQAALADAHA WARGAYSKAN KU SOO BAXA WAXAY
U TAAGANYIHIIN ARAGTIDA QORAAGA EE UMA TAAGNA
UJEEDDADA WARGAYSKA"

D H A M A A D