Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

 

 

 

 

 

 

 

 

 

  

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

   

Dib uga laabo

USR MIDGAAN - BOON

Ururka United Somali Roots oo marka la soo gaabiyo loo qoro USR . Una dooda xuquuqda dadka la quursado ama laga xaqirayo xuquuqdooda bani'aadinimo kuwaasoo kala ah:

Midgaan - Boon, Tumaal, Yibir, Horyeel, Yaxar, Jaaji, Baajuun, Jareer iyo qaar kaloo soo raaca.

Sida aad ula socotaanba ururka USR wuxuu ku jiraa haalgan adag, kaasoo uu heer sare ka gaarey sidii ummaddiisu ula sinmilahayd dadyowga kale ee ay wada nool yihiin ee yasa qaban iney NASAB ahaan ka hooseeyaan, iyaga oo indhaha iyo qalbiga ka dabooshay inuu BANI'AADAMKU yahay caruurtii NEBI ADAM caleyhi salaatu wa salaam.

Qadiyadeena xaqa ah iyo halgankeena maqadaska ah, waxaa USR uu gaarsiiyey in lagu qoro Joornaalada, Internetka, laga dhegeysto Idaacadaha adduunka, lagana daawado Telefeshinada.

Waana waxyaabo aan horey u dhici jirin, ahna taariikh cusub oo u bilaabaabantay dadkeena.

USR wuxuu ka mid yahay ururadda siyaasiga ah ee ka jira dalka Soomaaliya.

Waana urur ay siyaasadiisu tahay dhexdhexaad, halgankiisuna ku saleysan yahay NABADA.

Labada isbaheysi ee SSA iyo SNA midna ma raacsana, inksata oo ay olole ku qaadeen iskuna dayeen inuu mid ku biiro ururku.

Siyaasada dhexdhexaadka ah iyo nabadgelyadu waxay ururka, dadkiisa iyo maamulkiisaba u soo jiidey sumcad wanaagsan oo heer sare ah oo dibada iyo gudahaba ah oo ka mid yihiin :-

In dalka gudihiisa qofkii ( Dadkii ) qalad u adeegsado magacyada ummadda baha muumin mid ka mid ah marka socdaal galo, si uu uga nabad galo dhibaatooyinka kaga imaan kara beelaha shisheeye ee uu ku qasban yahay inuu dhexmaro.

Guulahaas faraha badan iyo kuwa kale oo aan loo baahneyn inaan halkaan ka sheegno waxaa lagu gaaray midnimada ururka iyo ummaddiisa, dhexdhexaadnimada siyaasadeed, iyo daacadnimada guddoonkiisa iyo maamulkiisa.

Laakiin - waxaa wele yara jira xoogaa koox ah, iskana daciif ah kuna tiirsan shisheeye oo ku doodaya iney ka mid yihiin qabiilkooda taasoo lagu hayo, gumeysiga midab kalasooca qabyaalaysi aad u fool xun xag diineed iyo dhaqameed ah.

Sidaa darteed waxaa cadaan ah in kooxda aaminsan arintaa ay u danbeyn doonto ciil iyo murugo iyaga iyo wixii ka danbeeya oo dhan, balse u fiirso wallaal !!……..

Haddaba waxaanu idiinka rajeynaynaa markale inaan u dagaalano xuquuqdeena dadnimadeena jiritaankeena ururkeena ku salaysan runta iyo xaqa si uu isugu taagi lahaa midnimadeena u baahan ururinta dadkeena ah BAHA- MUUMIN .

" Tabantaabo waa laba gacmood - Laysu tebiyaaye.

" Hadey midigtu keli tahay Tahar ma gooyseene.

Midnimada xajista qoloqolada iyo reer reerka dhaafa, ilaashada magaca ku-faanka mudan ee adduunka idiin maray.

Halganka USR ee xidagaha maraya yabaal ha ku ridina.

Iska qabta qofkii doonaya inuu burburiyo jaran jarada la soo dhisey ee aaan rabno in aynu ku gaarno guusha.

Waxaan idiin rajeynayaa inaad ahaataan ul iyo diirkeed, gacmo wada jira, guul gobanimo.

Gudoomiyaha Ururka USR

Dr Ahmed Mohamed Muuse - Dakir.

01-01-1999, Stockholm - Sweden.

Wixii su'aalo aad rabtaan inaad na weydiisaan wallaalayaal noogu soo dira sanduuqaan e-Post ah : midgaan@yahoo.com