Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

ADALE'S HOMEPAGE

Somalia national flag

Sympol of Adale District Somalia

Editor of Adale

Your Banner

Your Banner

Somalitalk Adale BBC Angelfire Mondadori
Mogadscio Marka Cadey | BanadirNetwork | Mudulood.com  muqdishonet.com 

Degmada Cadale waxey ka mid tahay Degmooyinka ugu taariikhda dheer Soomaliya . waxeyna ku taalaa xeebta badweynta Hindia meel Xamar u jirto boqol iyo kontan kiilometer uguna aadan qorax soobaxa. Degmadaas waxaa lagu yaqaan markii aad u dhawaato inaad arkeysid geedo dheedheer oo ah nooca cawbaarka loo yaqaano oo degaankaasu caan ku yahay.

Dalxiiska iyo degmada Cadale

Degmada Cadale waa mid aad ugu fiican dhinaca dalxiiska waxeyna leedahay xeeb aad u dheer,u quruxbadan isla markaasna aan wasaqeysneyn waxey leedahay furddo dabiici ah oo arkeysid markii aad takto jid dheer oo carro ah oo baddaa dhex gelaayo ilaa hal kiilomitir iyo nus oo haddii aad qaadid baddu reedahaaga socoto, waxey kale oo leedahay meelo aad waadiyo u qabtid oo badda ka go'an dadkuna ku dabaalo karaan iyagoon la kulmin wax khatar ah,meeshaas baddu cawadii ey biyaha ku shubtaa maalintiina waa ka naqataa sidaas
daraadeed maalinwalbo biyo cusub aa meesha soo galo.

Taariikhda degmada Cadale

Degmada Cadale qarniyadii lasoo dhaafay waxey ka mid eheed furdooyinka ey dadka Soomaalida ah wax uga soo degijireen kuwaas oo kakala imaajiray wadamada Carabta iyo kuwa Afrikada Bari, waxaana laga rarijiray waxyaalaha ey wadamadaas u baahanyihiin sida xoolaha malaayga iwm.Badda Cadale waxaa laga helaa noocyo badan oo malaay ah oo weliba si dhibyar aad ku soo dabo kartid.dhica berriga geed gaab waxaana soomaalidu u taqaanaa deex. Waxaad meeshaas ku arkeysaa meel xoogaa tilaabo ah u jirto xeebta iney joogaan xoola duurta dadku ugaarsaso oo noocyo badan leh. Dadka deegaankaas ku dhaqan waxey kala yihiin xoolo dhaqato iyo malaay gadato. Xoolaha ey dadkaasu dhaqdaan waxey isugu jiraan: Geel, Lo' iyo Iri, Iriga oo u kala baxo Iricad iyo Ido, waxowna degaankaasu caan ku yahay dhaqashada Idaha oo markii qof marti ah ow tago lagu martiqaado wan jar ah taasoo micnaheedu tahay wan aad u cayilan, dhinaca kale waxey Soomaalidu ku maahmaahdaa "lax iyo laxaw meel islama galaan" laxdaas aad maqashay waa midda ku dhaqan deegaankaa ee daaqdo cowska gumxirka loo yaqaano ee degmadaas iyo ruumanka ku yaalo ey caanka ku yihiin.Dhinaca kale gumeysigii talyaaniga waxow qabsashadii degmadaas kala kulmay halgan dheer oo dadkii degaankaasu lagaleen, makii dambe oo ow qabsadayna waxow u bixiyay magaca ah Italo oo ow kaweday Itaaliyadii yareed taasoo ku timid markii ow layaabay quruxda degmadaas.Kedib xurnimadii degmadaasu wexey kamid naqatay degmooyinkii la ilaabay ahmiyadii eylahaayeen

Abaartii dabadheer iyo degmada Cadale

Wakhtigii xukunkii M.Siyaad waxey kamid naqatay Degmooyinkii loogu talagalay in ladejiyo dadkii ku ceyroobay abaartii daba dheer ee gobolada dhexe qabsatay waxaana meeshaas ladejiyay qoysas kaluumeysato ah.waxaan xasuustaa in mar aan kamid ahaay wafdi kormeer ahaay oo kasocday xisbiga iyo ururada bulshada ee degaankaas loo diray si ey u soo hubiyaan howlaha kaluumeysatada aa waxaa qado sharaf noo suubiyay guddigii dan wadaagta oo wxaaa meeshaas lakeenay hilib aad u badan oo ido kali ah, markaasaa madaxii wafdiga yiray martiqaadka waxaan u maleyheynay in ow malaay naqdee maxey tahay cadiintaan, waxaa u jawaabay madaxii danwadaagta oo dhahay "waa ku fiicneed hase ahaatee waxaa najiitay dhaqanka dadka deegaanka oo ah in qokii Cadale lagu marti qaado oon ido cadiintood la siin ow lamid yahay qof aad lamartiqaadin.

Daqdhaqaaqa dhaqaale

Kedib xirmadii furdada Xamar Cadale wexey ku soo naqatay furdo ahaanteedii waxaana kasoo degijiray badeecooyinka ka kakala yimaado wadamada Carabta, Jabuuti, Afrikada Bari iyo kuwa kaleba, waxaana laga dirijiray waxyaalaha banaanka loo diraayay sida malaayga,xoolaha iwm.Cadale waa degaan aad ahmiyad uguleh dhinaca dhaqaalaha, bulshada.Waxaan ka cudurdaarahaa inaan hadda heyn masawir Cadale ah laakin aan rajeyhaayo inaan helo markaasna aan dadka u soo gudbidoono. Waa mahadsantihiin.

 

 

     Ilasoo xiriir                                                                                                                         OX Free Counter
                                                                                                                                                                OX Free Counter
View my Guestbook | Sign my Guestbook

  [Script] Copyright © 2001 Adale Online  Somalia District site