Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Xukuumadda Somaliland iyo Britain oo ka wada hadlay Nabad gelyada iyo ka hortaga Argagixisada

 

SDWO (Hargeisa 26/05/04) Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda dawladda Britain, laakiin weftigasi intii aanay la kulmin Madaxweyne Rayaale waxay kulamo la yeesheen wasiiro ay ka mid yihiin arimaha gudaha, gaashaan dhigga iyo arimaha debedda, iyadoo ay weftiga Ingiriisku dalka yimaadeen Isniintii doraad, isla markaana ay dib u laabteen shalay.

 

Weftiga Ingiriisku waxay isugu jiraan xub-no ka socda wasaaradda arimaha debedda dawladda Britain iyo saraakiil ka kala socda safaaradaha ay Britain ku leedahay Nairobi iyo Adis-ababa, laakiin wxubnaha ka socda wasaaradda arimaha Debedda waxa ka mid ah haweenayda Magaceeda la yidhaahdo Sally Healy, Mr: Roger peace iyo Rowland Barker oo ah xog hayaha labad ee safaaradda Kenya u qaabilsan arimaha gobolka iyo Richards Owen oo isna ah xoghayaha 2-aad ee safaaradda Itoobiya.

 

War-saxaafadeed u shalay soo saaray af-hayeenka madaxtooyada Cabdi Idiris ayaa lagu sheegay inay ujeedada socdaalka weftiga Ingiriisku ahayd in laga wada hadlo sidii ay dawladda Britain gacan uga siin lahayd Somailand arimaha nabadgelyada iyo ka hortaga argagixisada.  

“Mr. Roger pearce waxa uu madaxweynaha u sheegay in kulamadii ay la yeesheen wasiirada iyo masuuliyiinta kale ee nabad gelyada ay sii wanaagsan u dhaceen, ka dibna marka ay khamiista dalkooda ku laabtaan ay warbixin iyo soo ka soo jeedhii saabsana waxyaalaha la iska kaashanayo ay gaadhsiin doonaan wasaaradda arimaha debedda” ayuu yidhi.  

Warsaxaafadeedku, iyadoo uu Mr. Roger Pearce intaa raaciyey inay dawladiisu diyaar u tahay in somailand gacan ka siiso arimaha nabadgelyada iyo inay labada dhinac arimaha  nabadgelyada iskaashi buuxa ka yeesheen.

Sidoo kale madaxweyne Dahir Rayaale ayaa isna dhiniciisa wefgia Britain u sheegay inay dawladda Somaliland dhinaceeda diyaar u tahay inay iskaashi la yeelato dawladda Britain iyo inay qaybteeda ka qaadato la dagaalanka argagaxisad.  

 Laakiin sida warsaxaafadeedku sheegay madaxwene rayaale waxa kale oo uu yidhi “Waxaanu ka xunnahay inaanaan weli ka mid ahayn bah-weynta caalamka, taas darteed-na aanan hawsha la qabanayo is mug leh uga qayb geli karin, maadaama aanaan si buuxda iskaashi caalami ah ula yeelan Karin bahweynta caalamka, sida isdhaafsiga macluumadka la xidhiidha nabadgelyada.  

Sidaa darteed waxaanu codsanaynaa inuu Ingiriisku horsed ka noqdo helitaanka xuquuqdayda (Aqoonsi) si aanu kaalin mug leh uga qaadano ka hortaga argagixisada, gaar ahaan mandaqaddan (Bariga Afrika) oo aanu wax weyn ka tari karno”.  

Warsaxaafadeedka waxa kale oo lagu sheegay inuu madaxweyne Rayaale isla shalay la kulmay wefti ka socda Guddiga loo yaqaan guddiga deeqaha ee Somaliland iyo somaliya oo yidhi fadhiigoodu yahay Nairobi, waxaan la sheegay inay ujeedada imaatinka Somaliland ee weftigani ahayd qaabka la isaga kaashanayo wixii kaalmo ah ee loo qabanayo Somaliland dhinaca nabadgelyada, iyadoo ay bishii April ee ina dhaaftay wefti ka socda guddiga deeqaha qaramada midoobay ee Nairobi fadhiyaan kulan la yeesheen dawladda Somaliland.

Reported by;  Cabdifataax Xasan (SDWO)

 cabdifataax_96@hotmail.com

Hargeysa Somaliland

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE