Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

 

                            Aqal  Warar   Maqaalo   Suugaan  Nala Soo Xiriir  Raadi 

Home
About Me
Interests
Favorites
Photo Gallery
Feedback

 

 
 

Warar

PL: Xukuumadda Oo Qorsheheeda Hor Dhigtey Baarlamaanka - 16 July 2003
Garoowe, (Yamayska) Golaha wakiillada Puntland (baarlamaanka) ayaa aqlabiyad sare ku diiday, qayb-kamid ahayd qorshaha xukuumadda PL ee ilaa bisha todobaad sannadka 2005-ta.

 

Qorshaha xukuumadda oo uu barlamaanka soo hordhigay sabtidii hore ku-simaha Madaxweeynaha ahna Madaxweeyne-ku-xigeenka PL Md. Maxamed Cabdi Xaashi ayaa waxa ay xukuumaddu ku codsatay in muddoo sannad ku dhoow lagu siyaadiyo cimriga xukuumadda, taasoo lagu macneeyay in ay tahay wakhtigii xukuumadda uga lumay qalalaasihhii siyaasadeed ee PL ka dhacay sannadkii 2002-da.

Khilaafka Carta Oo Gaaray Figtiisii Ugu Sareeysay - 16 July 2003
Nairobi, (Yamayska) - C/qaasim Salaad ayaa shaaca ka qaaday in uu xilkii ka qaaday labadiisii wakiil ee shirka Soomaalida ee Kenya (Xasan Abshir iyo Cabdalla Deerow),  wuxuuna ku badalay labada nin ee kala ah: Maxamed Cabdi Yuusuf oo Deerow ku xigeen u ahaa iyo Cali-baashi Yuusuf oo Wasiir uga ahaa Jaaliyadaha.

 

Shir shalay ay isugu yimaadeen ergooyinka shirka Soomaalida ayaa waxaa soo galay labadaas mas’uul oo sita waraaq uu shirka ugu soo wakiishay Cabdiqaasin taas oo shirkii buuq iyo hakad galisay.

Olole Lagu Uruurinayo Hubka Lagu Sito Gaalkacyo Dhexdeeda - 16 July 2003
Gaalkacyo, (Yamayska) Axaddii waxay booliska Gaalkacyo bilaabeen hawl-gal lagu uruurinayo qoryaha lagu dhex wato magaalada Gaalkacyo.

 

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Mudug G/le dhex Aadan Nuur Qaal ayaa xalay Yamayska u sheegay in hawl-galkaan looga gol-leeyahay sugidda amaanka magaalada oo todobaadyadii lasoo dhaafay ay ka dheceen fal-dambiyeedyo is daba joog ah.  Taliyaha ayaa sheegay in mudadii ay hawl-galkaan ku jireen ay soo qabteen ugu yaraan sideed qori oo dad ay si sharci daro ah magaalada ugu dhex siteen.

Shir 60 Cisho Qaatay Oo Beesha Shiikhaaleed Ugu Dhamaaday Gaalkacyo - 16 July 2003
 

Gaalkacyo, (Yamayska) Magaalada Gaalkacyo waxaa shalay lagu soo gabagabeeyey shir-beeleed muddo lixdan cisho ah uga soconayay xaafadda Horumar ee Gaalkacyo beesha Shiikhaal.

 

Shirkan oo ahaa shirwayne ay ka qayb-galeen in kadan konton ergay  oo iskugu jira aqoon yahano, siyaasiyiin iyo culimaa’u-diin ka kala yimid Boosaaso, Muqdisho, AddisAbaba, London iyo Hargeysa.

 

Ujeedada shirkaan ayaa ahayd sidii loo xallin lahaa khilaaf iyo colaad in muddo ah u dhaxaysay beesha Shiikhaal. Beesha oo dagaalo aargoosi ku salaysan ay dhex mareen haatan ka hor ayaa go’aano heshiis ah ka gaartay khilaafkii iyo colaaddii u dhaxeysay.

Aw-Jaamac Cumar Ciise Oo Shalay Soo Gaarey Boosaaso - 16 July 2003
Boosaaso, (Yamayska) Shalay waxaa Boosaaso lagu soo dhaweeyey qoraaga wayn ee rug-cadaaga suugaanta Soomaaliyeed, Aw-Jaamac Cumar Ciise... (Akhri isagoo dhan)
Shir Xasaasi Ah Oo Shalay Dhex Marey Maamulka Dawladda Hoose Ee Gaalkacyo - 16 July 2003
Gaalkacyo, (Yamayska) Xarunta Dawladda Hoose ee Gaalkacyo waxaa shalay ka dhacay shir xasaasi ah oo looga hadlayay... (Akhri isagoo dhan)
Dr. Maxamuud Xasan (Dacar) oo Sheegay Inuu Helay Daawada Xanuunka Gallaha - 16 July 2003
Garoowe, (Yamayska) Dr. Maxamud Xasan Ibraahim (Dacar) oo ka mida dhakhaatiirta ka howl-gasha..  (Akhri isagoo dhan)

Faallooyin

Nabadda Mudug Waxa Ay Ku Fadhidaa Qiime Sare, Illalinteeda Maantana Waa Ay Ka Kharash Yartahay Raadinteeda Barito-
Faallada Yamayska -
Cabdullaahi Yuusuf iyo Cadde Muuse Waa Hordhaca Dib-U-Heshiisiinta Soomaaliya -

Maqaalo

Federal States of Somalia

Somali Peace Process elects a president, a parliament, and a congress

Puntland State press releases

Somaliland in political turmoil after the April election inaccuracies

UN secretary to announce new plan for Somalia

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Medium in Puntland

Websites             Allpuntland Puntlandtimes Nugaal-Valley Puntlandpost SanaagNet Laascaanood Puntlandstate Mudug-Online

Newspapers       Yamayska Yool Sahan-Online Kaaha Bari Biya Culule 

Radio Stations    Radio Galkacyo Midnimo Radio Laascaanood Radio Bardacad

Televisions         Puntland Broadcasting Services

Others

 

All Rights Reserved @ Puntland Broadcasting Services

Contact Information: Address: xxxxxxx Telephone:xxxxxxx  Email:xxxxxx

   

Home | About Me | Interests | Favorites | Photo Gallery | Feedback