Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

“Waan ku guursanayaa waana ku dhoofinayaa” Maxay ku denbaysay?  

SDWO (Hargeisa 09/06/04 - True story) Waxanu halkan idinku soo bandhigi doona sheeko ka dhacday magalada hargeysa laguna la yahay hablo reer hargeysa ah, hadaba sheekadan waxanu ka soo aruurinay hablihii arimahani ku dhaceen.  

Ugu horeyna waxa inoo warantay maryan oo ka mid ah dumarka arintani ku soo martay

 

Maryan  

Markii ugu horeysay ee aan arkay ninkan maxamed waxay ahayd mudo laga joogo afar bilood waxana ku kulanay isagoo hor fadhiya meherad makhaayad ah oo aanu ku leenahay idacada hargeysa agteeda, isla markaas waxa uu gacanta ku haystay mobil laakiin cidna kulamuu hadlayn, waxana uu meesha fadhiyay mudo ilaa saacad ah, berandaha makhayada waxa fadhiyay inamo kale oo jaadku cunayay waxana moodayay in uu la socday laakiin lamuu socon.  

Subax denbe ayuu soo noqday waxana uu fadhiistay gudaha makhayada waxana uu dalbaday shaax isla markiina waxa uu hadal iyo kaftan ku bilaabay gabadh kale oo ila joogtay lana yidhaahdo khaltuun.  

Markii uu tagay ayay kaltuun igu tidhi waxa uu ninkani igu yidhi waxa aad tahay gabadh qurux badan waana ku guursanayaa waana ku dhoofinayaa, laakiin waa in aad reerkiina iga qarisaa, kaltuun waxay ii sheegtay in ay ninka ay ka shakiday, kaltuun waxay kale oo ay tidhi waxa aan umaleeyay in uu ninkani yahay dadka dadka iibiya.  

Habeen denbe ayuu hadana soo noqday inan ka mid ah dhalinyarada meherada (makhayada) fadhiista ayuu la hadlay waxayna u wada baxeen dibada si wax faqaya oo kale, ninkaana ismay garanayn, Maryana waxay ay is yidhaahdeena may maqleyn, maryan waxay waraysatay inankii, inankii waxa uu yidhi:- waxa uu ugu yidhi shaqo ayaan ku geynayaa, shaqadaas oo ah haayad aan u shaqeeyo ka dibna shaqada hayada ayaan kugu dhoofinayaa markaa tilifoonkaaga ii qor si aan kula soo xidhiidho.  

Markii aanu eegnay ninkii hadaladiisi iyo waxyaabihii uu inagunal hadlay waxa na galay dareen waanu ka shakinay.  

Hadaba markuu arin halkaa marayo ayuu ninki maxamed, waa ninkii aanu ka shakisnaynee ayuu mudo naga maqnaa ayuu anagu soo noqdo, waxana uu yidhi goobtii meherada anagu waanu ka guurnay meheradii hore halkii ay ahayd laakiin kamaynu fogaan, wuuna soo helay meheradii waxana uu u yimi kaltuun, waxa uu weydiiyay kaltuun hablihii ay saaxiibada ahaayeen gaar ahaana waxa uu yidhi waxa aan doonayaa in aad I tusto Cayni gurigooga, Cayni oo ahayd gabadh ay saaxiibo ahayeen kaltuun.  

Kaltuun waxay u timi maryan waxayna u sheegtay in uu doonayo in ay u sheegto guriga Cayni, maryan waxay ugu jawaabtay ma ninkaa aanad garanayn ayad guri tusaysaa? Naa oradoo howlahaaga qabso, sidii ayuuna ku tugay ninkii maxamed.  

Subaxii denbe ayuu soo maray intuu meherada (makhaayada) ayuu shaax dal baday, waxana shaaxi u keentay maryan waxana uu ku yidhi adiga reerkiinu halkee ayuu dagaa waxayna ku tidhi Sheekh, maxamed hadana su’aal kale ayuu weydiyay waxana uu yidhi: Sheekh ma itoobiya ayaa leh mise Somaliland , maryan inta ay aad ula yaabtay ayay u tidhi adigu maxaad ahayd? Kamanuu jawaabin, maryan ayaa hadana su’aal kale ku celisay oo tidhi adigu qoloma ayaad tahay? Isagoo diidan su’aalaha ay maryan weydiinayso ayuu yidhi:- Su’aasha aan ku weydiiyay iiga jawaab, hadalkiisa maxamed waxa uu sii raaciyay waxa aan ahay Sacad Muuse waxa aan ka sii ahay Jibriil Abokor.  

Maryan ayaa hadana su’aal weydisay oo tidhi:- hadaa halkee ayaad ka timid? Waxa uu yidhi xamar ayaan ku dhashay kana, maryan hadana waxay ku celisay su’aal kale waxayna tidhi imika halkee ayaad ka timid? Waxa u yidhi dee Caalamka, waxay tidhi caalamku badanee calamkee ayaad ka timid? Waxa uu hadal ku soo koobay imika yurub ayaan ka imi, maryan waxay tidhi hadaa maxaad ii weydiisay sheikh idaca leh Somaliland iyo Itoobiya? Waxana uu ku jawaabay ma garanayo, maryan isagoo halkii fadhiya ayay iskaga dhaqaaqday.  

Ninkii maxamed (waa ninki laga shakisnaaye) waxa u yimi C/laahi oo ah asxaabtii meherada iman jirtay waxana uu ku yidhi waar miyaanad qayilin?  waxana uu ugu jawaabay maya ninkii maxamed waxa uu sii raaciyay waxa aan doonayaa in aanu is barano wayna is barteen C/laahi, C/laahi waxa uu ku yidhi mobilkaaga ii qor laakiin maxamed wuu ka gaabsaday hadalkaa .  

Halkaana  waxa inoogu dhamaaday hadalkii Maryan aanu ka soo aruurinay waxana ay sheegtay markii ugu denbaysay aragiisa in uu la taagna inanta la yidhaa Cayni ka dibna dhinaca gurigooga ay u dhaqaaqeen.  

Kaltuun

Kaltuun oo ahayn dumarkaa uu la kulmay maxamed  

Kaltuun ninkan maxamed aragiisa waxa ugu horaysay mudo laga joogo afar bilood waxayna tidhi isagoo ila hadal ayuu meherada fadhiisan jiray manuu qayili-jirin inta badana subaxa ayuu ii iman jiray, maalin ayuu soo qaatay mijin jaad ah waxana uu bilaabay in uu ila kaftamo waxana uu igu yidhi waan kaa helay ma halkan ayaad haystaa maryan maxaad isku tihiin, su’aalaha ka dibna waxa uu igu yidhi anigu waxa aan ahay nin haayad u shaqeeya waxana aanu nahay shirkad hablaha ayaana dhoofinaa, waxana aan su’aalay sidee ayaad dadka u dhoofisaan miyaad iska dhoofisaan? Waxana u ku jawaabay asxaabta iyo macaarifta ayaan dhoofiyaa ciyaala suuqna ma ihi adigana waxa aan doonayaa in aan ku guursado intaana ku guursana waan ku dhoofinayaa laakiin waa in aad reerkina iga qarisaa arinkaana cidna aan u sheegin, marka aynu yurub tagno ayaynu reerka tilifoon kula soo xidhiidhaynaa.  

Intaa ka dib kaltuun waxay inooga waramaysa hablo kale oo ninkii maxamed ay is barteen.  

Waxay ay is barteen hablo badan oo mid aan habo yar aan u ahaa midna aanu ilmaadeer aanu ahayn iiguna iman jiray meherada halkaas ayuuna ka bartay kalana qaaday, hadaba ninkii maxamed mudo sadex bilood ah maanu arag, sadexdaa bilood ka dib ayaanu aragnay ninkii maxamed waxana uu inoo sheegay in uu ka yimi dubia.  

Nuura

Nuura waxay iyaduna ka mid ahayn dumarka uu la kulmay maxamed

Nuura waxay tidhi:- aragtida maxamed waxa iigu horaysay mudo laga joogo totobaad waxana uu soo raacayi inan aan haba yar u ahay oo gurigayaga joogta oo la yidhaa Cayni, cayni waxana uu ka soo raacay meheradii maryan, Cayni ayaan weydiyay su’aal waxana ku idhi ninku muxuu ahaa? Waxa tidhi cayni waa in aanu sheekaysano oo jibriil abokor ah waxana uu ugu yidhi waxa aan doonayaa in aan ku dhoofiyo waxana dibada noogo shirkad, hablahana berigii hore waanu dhoofi jirnay marka aanu dhoofino ayay dadku lacagta noo celin jireen, laakin hadaa adiga mar hadaan ku guursado qarashka aad ku dhoofayso aniga ayaa isku qaba, Nuura ayaa waxay ay ku tidhi Cayni ninkan aanad garanayn maxaad u raacaysaa?  

Maalin denbe ayuu noo yimi ninkii maxamed waxana uu la socday hablaha, iyagoo sheekaysanaya makhsina ku jira ayaan baxay si aan caruurta u seexiyo qadada dabadeed anigun waan yara jiibsaday intaanan ka tagin caruurtana aan seexin ayay cayni igu tidhi mobilkan uu sito ayuu nagu sawiray geliyana sawirkayga, Nuura waxay tidhi miyuuna ahayn kan dadku sitaan oo kale waa maxay sawirkan iyo waxan aad sheegaysaa, cayni ayaa hadana nuura u jawaabtay oo tidhi wuu nagu sawiray waana uu na tusay sawirkayga, nuura way baxday wayna seexatay.  

Casarkii markii ay toostay nuura waxay aragtay albaabkii guriga oo furan iyo hablihii oo maqan inantii ay habaryarta u ahayn ee cayni iyo tii guriga ka shaqaynaysay labadiiba ay ka maqan yihiin guriga, inantaa shaqalaha ihi xidhiidh lamay lahayn maxamed ee inta badan waxa uu u iman jiray cayni ilaa imikana labadii hablood meel ay ku maqan yihin lama garanayo.  

Hodan Dheeman

Hodan dheeman waxay ka mid tahay dumarka uu la kulmay maxamed  

Hodan waxay tidhi markii ugu horeysay ee aan la kulmo maxamed waxa ahayn mudo laga joogo laba bilood halka aynu ku kulanayna waxay ahayd farmasi ku yaala magalada hargeysa, markaa aanu is baranay maxamed waxa ila socday sadex hablood oo kale waxana ka mid ahaa cayni iyo kaltuun iyo xaliimo oo aan filayo in ay iyaga hore isku yaqaane, markiiba ninkii maxamed waxa uu igu yidhi waan kaa helay ee aan ku dhoofiyo ee ii keen sawir khamisita denbe ayaan ku dhoofinayaaye, waxana aanu ku kacnay dhinaca guriga cayni intaan guriga ku sii soconay ayay cayni kuftay oo lug nabar kaga dhacay gurigii ayaanu geynana, ninkii maxamed isla markiiba waxa uu doonay dawooyin waxana uu ugu keenay guriga.  

Maalin denbe ayuu tilifoon nagula soo hadlay ninkii maxamed waxana uu inagu yidhi waxa aan tagayaa ingiriiska, intaa ka dib maanu arag mudo laba bilood ah, maalin denbe oo aan tagay guriga cayni ayaan arkay ninkii waana maalinta cayni la waayay sida aanu gurigii u joognay halkaan kowdii duhurnimo jiifsaday waxa aan ka toosay totobadii habeenimo aniga oo aan is garanayn wax aan u jiifay iyo in aanu hurday iyo inkale,  

Hadaba arin markii uu halkaa uu marayo lana wayay hablihii ilaa fiidkii ayaa waxa la gartay lana fahmay in uu ninkaa maxamed kaxeeyay waxana la galay baadi doon sidii loo heli lahaa hablihii ama ninkii maxamed, waxana la daydayay ninkaa maxamed cid garanaysa iyo meel uu galo waxana la helay guri la yidhi waxa uu u kiraysan yahay isaga, dadkaa raadinayay waxa ku jirtay maryan, waxana la tagay gurigii u kiraysnaa waxana loogu tagay dumar ka dhex buuqaya, gurigaas oo ku yaalay magalada hargeysa waxana uu saldhiga boliska ee daloodho ka xigaa  dhinaca koonfureed, gurigii waxana loogu tagay dumarkii, nin ka mid ahaa ragii baadi doonka ku jiray ayaa ka baqay in dumarkan guriga ay ugu tageen iyo dumarka habluhu ka maqan yihiin ay isku dhacaan waxayna halkii ka soo celiyeen dumarki baadi doonka ku jiray.  

Subaxdii waxa la tagay saldhiga booliska ee daloodha, bileeskiina waxay bilaabeen in la baadi doono ninkii maxamed iyo hablihiiba, iyadoo la la yahay ayuu soo maray ninkii maxamed meheradii horteedi halkaas ayaan lagu qabtay, taariikhda la qabtay maxamed waxay ahayd 5/6/2004 , waxana mobilkiisi laga helay sawiro ka mid ah sawiradii habalah, imikana isagii waxa haya booliska.

Abdifatah Hassan - SDWO Reporter - Hargeisa

cabdifataax_96@hotmail.com  

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISATION