Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Murtida Abwaanka ee todobaadka

 

Nin Dawee la leeyahay

Denbi uu badh leeyahay

Xalka doon la leeyahay

Isaguu u daranyoo

Inuu daaro ma ogola

Daaraanta mililka leh

                               Abwaan Gaariye

 

 

Murtida Abwaanka ee todobaadka

 

Shacbi qawdhamoo kacay

Qarqarsiga haduu jaro

Wallee qooqob kuma xidho

Hadii qoys agoon yahay

Wixii sii rag qaybsaday

Qaangaadhna u sara kaco

Qadadooda raadshaa 

Qori sii ha joogtee

Wallee quuso kuma dirro

                                      Abwaan Gaariye

 

Murtida Abwaanka ee todobaadka

Darajadda Ilaahay ninkii doonayaa hele'e

Nin ka duday distoorkiyo waxyiga diintii ka caroowye

Dugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

Hadaydaan xumaanta iyo dilkkiyo daynin kala qaadka

Dibadaan ka joognaa sharciga daacada Illahe

Dambarkeedu waa jahannama iyo dogobkii naareede

 

Cabdilaahi Suldaan Timacade (ILaahay ha u Haxariisto)

 

 

 

Murtida Abwaanka ee todobaadka

 

By Mukhtar(Taysa) 


DEEQDIISA ILAAHAY IIMA DAROO
DUL IYO HOOSBA WUU DAAJINAYAA
DARXUMO IMA HELIN XANUUN I DAMQOO
DAALKIYO BIIXIYAW DABNAHA I QALALAY
DABAYSHA I QAADAY WAA DAL TABYEE
ROOBKOO DA,AY DOOGA OO BAXAY
DOOXII HERER(HAR) RUUXA WAA DAWEE
DUUFAAN HA DHACOO BIL YAAN KA DAGINE
DUSHEEDU MARNA IIGA DARI MASEE
DAGAALKA GOBANIMADA AAN KU DARMEE
DOONYAHII BAASHUCAYB KAC ILA DOONO

MURTIDII BARKHAD CAS


Murtida Abwaanka ee todobaadka

 

GARMA QAATAYAASHIYO 

DADKAA BEERA RUUX GUDHANE

GAMBO NIMAAN LA SOO BIXIN 

HADII GUULO LAGU WAABO

MARKUU DHAAWAC GEYSTABA 

HADII LOO GARGARATEEYO

ISAGOO CANAAN LUGU GUDBIYO

GAARAN FILANYAA

GIBLO IYO HADII SACABO LULAN

LUUGU GOLO XAADHO

KELIGII INUU GUURTI YAHAY

MAALINTAA GUNIDYE  (HADRAAWI)

 

 

MURTID ABWAANKA EE  WIIGII HORE

 

MADAX WADA DILAALA AH
DAWLAD WADA WASIIRO AH
DUNIDABA MA JOOGTEE
DIRQAY NIRIGTA KU DHASHEE
TOLOOW DOORKAN MAANTA AH
MIYAA LOOGA DARAYAA

 

Abwaan DACAR  

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE