Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

XAFLAD BALAADHAN OO LAGU MAAMUSAYEY MAALINTA 18ka MAY OO KA DHACDAY MAGAALADA LONDON

Reported by: Guled Abdi - SDWO - London

London( SDWO 19th May 2003).  Maalintii shalay ee bishu ahayd 18ka  May waxa magaaladan London ka dhacay xus weyn oo aad u heer sareeyay oo lagu maamusayey sanadguuradii 12aad ee ka soo wareegtay gooni isutaaga Somaliland,  markii lagu dhawaaqay oo ahayd 18kii May 1991 lagagana dhawaaqay magaalo madaxda labaad ee Somaliland ee Burco. 

Xafladan waxa soo abaabulay aadna uga soo shaqeeyay niman dhaliyaro ah oo ku bahoobay ururka la yidhaah Nomad UK, 

Ururkani oo xaflad tan la mid ah ku sameeyay magaaladanLondon  sanadkii 2002 isla  markaasna sanadki ka sii horeeyay ee 2001 kiina  waxa ay ku sameeyeen xafladan oo kale dalka Holland. 

Xafladani waxa ay isugu jirtay khudabado ay ka mid ahaayeen kuwii ay jeediyeen Dr C/laahi Axmed Guuled iyo Mr A. M Geedi Sanjab xoghayaha guud ee UCID. Waxa kale oo xafladaasi ka mid ahaa gabayo iyo heeso isdabajoog ah oo ay dadka ku maaweelinayeen fanaaniin badan oo ay ka mid ahaayeen, Saynab  Cige, C/Nuur Alaale, Siciid Xuseen, Maxamed Cumar Maygaag(Taag), Maxamed Faarax Maygaag, C/Xakiin Farayare, Fu,aad Cumar yare, Cabdi Cumar yare, Ismacil dulcad, Zekirye Suldaan, Kaltuun Xasan, Maxamed Ciro, iyo fanaaniin kale oo dhalinyaro ah,

Waxa kale oo halkaas lagu soo bandhigay majaajilo ay  metelayeen niman dhaliyaro ah oo aad u  yaryar iyo Kamaaladiin, majaajiladan oo ku saabsanayd dhalinyarta yaryar ee dhaqan doorsoonku ku dhacay markay halkan yimaadeen, iyo sida marka  dib wadankii loogu diro ay ugu soo bedelmaan intooda badani. 

 

Majaajiladan oo ahayd intii ay socotay mid dadka u diiday in ay afka isku daraan mar qudha oo qosol iyo sacab lala dhacay. 

Xafladan oo dad tiradoodu kor u dhaaftay 2500 oo qof ay ka soo qayb galeen,xafladani oo noqotay xafladii ugu dadka badnayd ee dad reer somaliland ahi ay isugu yimaadaan dalkan ingiriiska. Waxa dadka wejiyadooda ka muuqatay farxad iyo rayrayn aad u sareeysay iyagoo dadku iskugu hanbalyaynayey maalinta qaaliga ah ee 18 ka May , isna lahaa Ciid wanaagsan, iyadoo xafladaasi kulmisay dad badan oo aan mudo sanado ah is arag amaba ay wadankii isugu danbaysay, xafaladini waxa ay ahayd mid qiiro wadanino ka muuqatay iyo jacaylka dadku u qaban ciidoodii hooyo,  Waxa mid aad loogu farxo ahayd markii uu  Fu,aad Cumar yare uu kaga dhawaajiyey Heestii Somaliland dalkayga Somaliland dadkayga, oo dadka ku abuurtay xamaasad aad u heer saraysa oo dadkii ku wada qamaameen in ay u dhowaadaan halkii masraxa ee uu fu,aad heesta ka soo tebinayey, waxa is qabsaday sacab iyo mashxarad aan kala go,ayn, taasi oo keliftay in markii ay heestu 

 

 

dhamaatay ay dadku diideen in ay wax kale dhegaystan ilaa heestaas marlabaad lagu celiyo mooyaane, halkaas oo uu marlabaad fu,aad   heestii ula kala baxay, halkaasi oo marlabaad mashxaradii iyo sacabkii dawaamay.  Waxa aan la iloobi Karin heesaha halkaas lagu soo bandhigay oo midiba mida kale ka sii darnayd.   Xafladan oo lagu soo gelayey 10 una dhiganta ilaa $15.50 us dollar,  ayaa waxa ay tahay mid loogu talo galay in lagu caawiyo dhakhtarka Hargeysa, halkaasi oo qudbad kooban uu ka jeediyay Khadar Cabdi Jaamac oo ah xoghayaha guud ee ururka Somaliland Health Promotion Trust oo beryahanba ku hawlanaa in dhaqaale iyo waxtar kalaba ay u ururiyaan dhakhtarka    Hargeysa.  Waxa iyadan mid la xuso ah weriyayaasha idaacada cusub ee Radio Sahan oo ka hadasha dalkan ingiriiska lagana dhegaysto satellite ka oo halkaas heegan ku ahaa si toos(live) ahana uga tebinayey barnaamijyadii dabaal dega ee halkaas ka socday iyo waraysi ay la yeelanayeen dadkii kala duwaanaa ee halkaas ka soo qayb galay. Idaacadan oo sida weryiyaashu noo sheegeen laga bilaabo 19ka May laga dhegaysandoono radiyoyaasha short waves ka (SW) 21 meter band ka aduunka meelkaste oo aad joogtaba.   Saacada UK markay tahay 6-8pm

Xafladan oo ku bilaabantay  cajalado fiidyoow oo sidii  sinime 

ahana loo daawanayey lagana soo duubay Somaliland, waxay xafladu bilaabantay 3 galabnimo iyadii oo socotay ilaa iyo 11.30 habeenimo, xaflada oo loogu talo galay inay socoto ilaa iyo 1 da habeenimo ayaa waxa soo hakisay soona gunaanaday markii dhalinyarta Somaliland ay dhexdooda is riixriixeen qaarkoodna dagaalameen keliftayna in meesha ay yimaadaan boolis aad u tiro badan kuna gaashaaman gaashanka boolisku qaato marka ay dhacaan kacdoonada dadka dhexdooda ahi. 

Gebogebadii xafladaasi waxa ay ahayd habeen xasuus mudan, noqon doonta mid qalbiyada iyo xasuusta dadka ku sii jirta sanado badan oo soo socda.  Ilaahay ha inaga dhigo kuwii gaadha sanadka sanadkiisa kana qayb qaata xaflado badan oo noocan oo kale ah oo lagu xusayo sanad guurada gooni isutaag somalialnd.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Reported by: Guled Abdi - SDWO - London UK

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE