Jag kan sakna styrka
Jag kan sakna mod
Men jag har somalia
i mitt blod
Jag kan ta all skit
Jag kan ta all smärta
Men jag har somalia
I mitt HJÄRTA
Jag kan förlora ett öga
Jag kan förlora en tand
Men SOMALIA kommer
alltid förbli MITT LAND

Hablaha Soomaaliyeed
Gebagebada sheekada
Bal aan soo gunaanado
Guddoonsiiyo jiiftada
Gabigeed adduunyada
Gobol-gobol u qaadoo
Hablo weerar geli kara
Hablo geela dhicin kara
Hablo geesi dili kara
Gobonimana hanan kara
Hablo talada goyn kara
Garta madal ka niqi kara
Garashana iskaga mida
Quruxdana ka wada gob ah
Geesteena mooyee
Gayi kale ma joogaan.!!

Hooyooy La aanta
Hooyooy la'aantaa....Adduunyadu hubaashii
habeen kama baxdeenoo ...iftiin lama haleenoo
dadku uma hayaameen ....dayax heego joogoo
sida haad mafuuleen...xiddig hawd ka lulatoo
hawo laguma gaadheen...hubka laguma tuureen
cirka hirar ka muuqdoo...ruux aad hagayso
usha mid aad u haysaa ...Hilin toosan weligii
ka habaabi maayo ..hooyooy addoomuhu
halkay maanta joogaan ...adigow horseedoo
intaad hanad xambaartee ..haaneedka siisee
horaadada jaqsiisee ...habtay baan xisaab iyo
tiro lagu heleynoo...
Marka aad nin hiillo...laga baqo hashiisiyo
halyey diran dhashaabaa ..hooyo lagu xasuustaa
marka aad nin hoo-loo..gurigiisa habaqluhu
isku soo halleeyoo...hayntiisa quudhoo
hor Illaahay geystiyo...
lama hure dhashaabaa ..hooyo lagu xasuustaa
Marka aad nin himilada ...hilin toosan mariyoo
hir markii la gaaraba ...ku labaad hilaadshoo
haga maatadisoo ....la higsado dhashaa baa
hooyo lagu xasuustaa...Marka aad nin hoogiyo
ka hor tago dagaalkoo ...garta hubin yaqaannoo
xaqa hoos u eegoo ...halistiyo colaadaha
dabka hura bakhtiiyoo....ku hagoogata dhiigoo
dadka kale hagaajoo ...kala haga dhashaa baa
hooyo lagu xasuustaa ...Markaad hoobal caaniyo
hindisa farshaxanoo ...hab-dhaca iyo luuqdiyo
hawraarta maansada ...heensayn yaqaaniyoo
Rabbi hibo u siiyoo ...labadaba hannaanshiyo
hal abuur dhashaa baa ..hooyo lagu xasuustaa
Dumar iyo haween baa...nolol lagu haweystaa
kuwa lagu hammiyayee ...sida hawd caleen weyn
rag u wada hammuume...ishu halacsanaysaa
hablahaaga weeyee ...marka guur la haybshee
gabadh heego dheeroo...hoobaan la moodoo
karti iyo hub qaadloo ...quruxdana ka hodaniyo
hufan laga aroostaa ....hooyo lagu xasuustaa
Hooyooy la'aantaa ...higgaad lama barteenoo
hooyooy lan'aantaa ...hadal lama kareenoo
ruuxaad habinoo ...kolba aanad hees iyo
hoobay ku sabinoo ....hawshaada waayaa
hanaqaadi maayee ...hoygii kalgacalkee
naxariistu hadataay ...Hooyo dushaadaa
nabad lagu hubaayoo....hooyooy dhabtaadaa
hurdo lagu gam'aayoo .....hooyooy taftaadaa
dugsi laga helaayoo ...waxaa lagu hal maalaa
hooyo ababintaadee ...hayin lagu badhaadhaay
hogol lagu qaboobaay ...gogol lama huraaneey
dugsigii hufnaantaay ...hidda lagu arooraay
Intaad hooyo nooshahay ...hambalyiyo salaan baan
hanti kaaga dhigayaa ....hamrashiyo xaq-dhawr baan
dusha kaa huwinayaa ....hooyo dhimashadaaduna
hoogeyga weeyoo ....Weligay hoggaagaan
ka dul heesayaayoo ....hiyiga laabtaan
kugu haynayaayoo ....hengel baan u xidhayaa
inta haadka duushiyo ....idil habar dugaaggee
Ifka hibo ku nooloow....aakhiro halkii roon

SUUGAANTA
Geeraar waa nin wanaajiyo
Nin waraar kaga oodmiyo
Nin sidayda warkiisiyo
Wacdigiisa yaqaane
Walhadow faraskayga
Weedh yar oon ku ammaanay
Wowga maan ka bilaabo
Gamaan waa kala waare
Weehadow orodkiisu
Wadhaf deyn laga xooriyo
Taarka layska warqaadiyo
Ma wayeenka shukaantoo
Wanaag loogu qabtaa!
Aadmigu sidaan moodi jiray maaha Eebow e
Adduunyadu madoobaa markaan anigu soo muuday
Sidii cawl mariid lala helaan meerayaa weliye
Waxaan madaxa saaraa kolbaba meesha ii darane
Waxaan ahay naf keligeed mutuxan amase maansowday
Inse wehel macaan yahay anoon madi ahayn baa og
Ubucdayda wadhaneey,
adhaxdayda liicdaay,
arinkayga laalmow,
taladaan ilduufaay.
Axdigaan rumaystiyo
ma arraday jacaylkii?
ma engegay darkiisii?
ma afbeelay xiisii?
ma ajowday laagtii?
ma abaaday geedkaan
ubaxiisa guran laa?




Abdi-s






Jag kan sakna styrka
Jag kan sakna mod
Men jag har somalia
i mitt blod

Jag kan ta all skit
Jag kan ta all smärta
Men jag har somalia
I mitt HJÄRTA

Jag kan förlora ett öga
Jag kan förlora en tand
Men SOMALIA kommer
alltid förbli MITT LAND
Det Kommer mer snart......
Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!