Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!
WARGEYSKA SIR-CULUS
TOP SECRET NEWS JOURNAL
-Cadadka 7aad: Sababaha Lugooyay DKM iyo Maamulka C/Qassim....Muxuu ka Doonayaa Djibouti ina Ibrahim Cigaal...Muxuu Meleza SRRC ka rabaa?...Jabka Putlaand iyo Samaynta ay kuleedahay SRRC


NOO SHEEG SIRTA AAD HAYSO

WAANU SHEEGI SIRTA, ANNAGA OO AAN SHEEGIN MAGACAAGA




Top Secret Regional News



Dr. Ali Khalid
The Conflict Between Him And Buba

Ethiopian Primeminister
Current Conflict TPLF, EPRDF, OPDO

Ibrahim Egal
The conflict Ismail and Egal
SRRC Leaders
5 Leaders of SRRC

Warlord Osman Ato
The man who can make a deal between SRRC and TNG
Sir-Culus

Horn Africa NewsLine Group
Links Coming Soon



Send Your Comments
Email us Your Secret News
The Horn of Africa Secret Channel News



Regional Business Market

Daily Secret Report Email To:
Our Agents



NEWS ACCESS by Ahmed:
ONLINE Email




Contact us:
Wargeyska SIR-CULUS
Djibouti, Mogadishu, Hargeysa, Khardum, Cairo, Riyadh, Sana'a, Addis
Tel: (**)******
eFax: (**) ******
Email: Wargeyska Sirta-Culus, Editor


Wargeyka SIR-CULUS ee Wararka Qarsoodiga

HORDHACA WARARKA SIRTA Cadadkii 7aad AUGUST , 2001

  • Somalialand, Muxuu Waran-Cade uga walaacay C/qaasim?
  • Qorshaha Sirta ee C/qasim ayaa Qiimo Uyeelay Qaska Ethiopia
  • Danbi-Badhis Qarsoon ee Somalia ayay wadaa Maxkamada Calamiga Sir Culus - Italy
  • Heshiiska Qarsoodiga ee Dawladaha Ethiopia, Talyaniga iyo Kenya
  • Saraakiil iyo Afhayeenkii Ethiopia ee Amerika Isudhiibay oo Fashilay Sirta Ethiopia ee Somalia

  • Sirta Heshiiska, c/qassim, Yusuf Garaad iyo Xassan Bariise
  • Heshiiska Sirta ee Cayr iyo Mareexaan. Laaluushka Xildhibanada Harti
  • Tabaha ay adeegsanayaan Isbaheysiga Cayr iyo Mareexaan-Jubooyinka

  • Murrankii Dr.Galaydh iyo Buubaa oo Heer Xun Maraya
  • 10 Qodob oon Ali Khalif Galaydh, looga Qaadi karin Jagadiisa
  • Sirta DKMG ee Curyaaminta Hoggaanka HornAfrik
  • Sababta Dawlada Kenya Ujoojisay Ganacsiga Somalia

  • Somaliland: Muxuu Waran-Cade uga walaacay C/qaasim?

    By Sirta Culus A108 report

    C/laahi Siciid Cirro.

    Dhawaan Wasiirka Warfaafinta ee Somaliland, Warancade, wuxuu sheegay sida ay SomaliLand uga walaacsantahay, Cabdiqassim oo dib usoo Nooleeyay, Generaaladii Hore ee Siyad Bare, ee Burburiyay Degaanka iyo Shacabka Reer Somalialand. Arrimaha ay Helleen Laanta Sirdoonka ee Somaliland ayaana kadanbaysay inuu Warancade iyo Xukuumada Somaliland ay aad uga walbahaaran Sirta ay heleen.

    Cabdiqaasim wuxuu Siiyay General Axmed warse, Shillin Somali dhan 270,000,000 , wakhtigaasi oo General Ahmed Warsame ugu horeysay imaatinka Xamar. Isafgaradkaa waxay isla meel dhigeen inuu Gen. Taageero, Abdulqassim isaga iyo Ciidamadiisu. Xilligaasi oo Genanku ubalanqaaday C/qaassim, hadii ilmaadeeradiis(Habargidir), uu ka waayo inay maamulkiisa DKM, martigaliyaan; inuu diyaar ulayahay Magaalada Kismayo.

    General Ahmed warssame, issaga oo ucadaynaya, in aysan waxba iska baddalin balantii, wuxuu soo xerro-galliyay General Gaani iyo General Abdiaziz Barre(Taliyihii Hore ee Qaybta Burco 1988), haatana ah taliyaha Ciidanka Gurmadka ee Abdiqassim.

    Islamrkaa Abdiqaasim wuxuu siiyay General Gaani Bishii Feb, 2001, lacag udhiganta $53,211.50. Lacagtan oo katimid Shillin Somaligii Ina-Deelaaf usoo daabacay A/qaasim, ee DKM dib-u iibsatay.

    . Cadaka danbe waxaan ku soo bandhigi "Shirkii Qarsoodiga WALAALAHA GAL-GUDUUD" (Cayr iyo Mareexaan)ee Jubooyinka, sidii ay difaac adag uga wada galli lahaayeen iyo Qaabkii ay C/qaasim iyo DKM uga Helli lahaayeen "Maalgalinta" Ololahooda Jubooyinka.

    Maxaa Cigaal Jagada Uga qaaday Ina-Warancade

    Shir Qarsoodi ah, oo uu layeeshay xubnaha Gollahiisa wasiirada ee Ina-Cigaal, kuna jiray Ina-warancade, ayuu Cigaal kuyidhi "CabdiQasim Dhaqan iyo dhalasho, waa nin Cayr/Mareexaan ah". Waxaa waydiiyay Ina-Warancade, sababta uu sidaa uyidhi, inuu usharxo; waxaase uu yidhi, afkayga laga maqli maayo sababta c/qassim ku noqday dhalasho iyo dhiig cayr/mareexaan "Ina -Cigaal ayaa yidhi", ee idinku raadsada.

    Waxaa Hadaba Arrinkii, magaalada Hargeysa Lagaliyay inuu "ina warancade kadhex yidhi" fadhiyo hadallo arrimaasi uu Cigaal sheegay ku sii balbalaadhiyay sheekadii sirta ahayd, taasi oo ka xanaajisay Ibrahim Cigaal, go'aana qaatay inuu ka qaado Jagada Wasaarada Warfaafinta.

    Sirculus @August/2001

    | Top of this page | Back to Index Page |

    Qorshaha Sirta C/Qassim Baa Qiimo Uyeelay Qaska Ethiopia

    By Sirta Culus A109 report

    Qore: Gudde Jarso (Member OLF Inform. Office)

    Kulankii Almaz ee Jabhada OLF iyo Sirtii EPRDF ee Somalia

    Dhawaan waxaa isdhiibay Afhayeenkii Barlamanka Deferdaliga ee Ethiopia, Haweynaadaa oo layidhaahdo Almaz Mako; waxay ka soo jeedaa Qawmiyada Oromada. Almaz waxay cadaysay Sir baddan, oo ah habkii EPRDF ula dhaqmaysay Qawmiyadaha Ethiopia, gaar ahaan Oromoda, Somalida ethiopia iyo Anfarta. Waxay sheegtay In EPRDF (oo ka koobnayd Tigray, Oromada-Gallada iyo Amharada) inay go'aan ku gaadheen inay Burburiyaan Hogganka iyo magaca Ururada Taariikhiga ah ayna kamidka yihiin OLF(oromo), ALF (Anfar), iyo WSLF (Somali); Ururadan oo ahaa kuwii matalayay Oromo, Anfar iyo Somali, Shirwaynihii Addis ee Qawmiyadaha sanadkii 1993 ee Qorshihiisu ahaa Heshiis in laga gaadho DOODII Jabhada ee Aayo-katalinta Qawmiyadaha iyo Dhismaha Dawlad Federali ah oo loowada Dhanyahay. Hadaba maadaama ayna Qarrinkarin Halgankii OLF, ALF iyo WSLF, waxay si sira oo dadban u dhiseen Ururo kuxidhan EPRDF oo matala Oromada, Somalida iyo Anfarta.

    Waxaa EPRDF go'aan ku gaadhay in ladilo Xoghayaha Guud ee OLF Sheikh Jaare, Xoghayaha Guud ee WSLF Sh.AbdiNasir iyo Xoghaya Guud ee ALF Ali-Mirix. Waxay EPRDF Oromo udhiibtay Ururka OPDO (hoos yimaada EPRDF), Somali-Galbeedna waxay qaateen Taladii uu Gaadhay Mengistu 1988; oo katimid machadka Daraasadka Qawmiyadaha Ethiopia, oo uu dhisay Mengistu, kaasi oo kutaliyay, in Somali-Galbeed, lookala Qaybiyo; Degaano Qabiil-Jabhadeed ku dhisan; kuwaasi oo kala ahaa Jabhada Qabiilka; Ogadenka, Gurgura-Ciisa, Jidwaaq, Qawmiyada Sheekhaal, Ururka Gadabuursiga, Ururka Gari, Akisha iyo Jaarso. Waxaa Dhulka Somali-Galbeed laga dhisay 12 Urur oo qabiil, oo hogaamiye looga dhigay Dr.Abdulmajid oo hogaaminayay Siyaasada EPRDF ee Zoonaha Somalida (Wuxuu ku guulaysay inuu kala daadiyo Jabhadii WSLF, ee ku doodi lahayd Heshiiskii EPRDF iyo WSLF wada Galeen 1993), aakhirkiina Dhisay Ururka Leegada. Dhulka Oromada Waxaa lagu guulaysan waayay in Oromadu siiso Kalsooni OPDO (kadib markii EPRDF laysay Xubno katirsan Hogganka OLF) waxay shacabka oromadu siiyeen OLF, oo taariikh ahaan ahayd Hooyada Halganka Oromada.

    Maanta Waxaa aan u arkaa ayay tidhi Almaz, xalka Dhulka Oromada, Anfarta iyo Somalida, inuu yahay in Asalkoodii Halganka u noqdaan; Jabhadii Udagaalamay Dhulkooda, sida OLF, ALF iyo WSLF oo iska kaashada khatarta ay wadato TPLF iyo Iskaashiga Beenta ah ee EPRDF.

    Waxaanu Guddaha Ethiopia Kasamaynay Ururka isukeenka Oromada, Anfarta, Herarida iyo Somalida oo layidhaahdo "SOHA". Waxaan u arkaa ayay Tidhi Ms.Almaz inay guul dhakhso leh, lagaadhi hadii taasi hirgasho; loona arko Dabadhilif ay hoosta ka caawiso EPRDF ururada Qabiilka ee ka dhisan Oromada (OPDO), Somali Region ONLF/SPDO, iyo Anfar APDO.

    Nabada Ethiopia Guddaheeda iyo Dalalka Jaarka la ah ee Djibouti, Somalia iyo Kenya waxay dhaqan gali doonto ayay tidhi Ms.Almaz, iyada oo latixgaliyo Aayaha Shacabka Oromada, Somalida(Western-Somali) iyo Anfarta Ethiopia; oo dhamaan dhinaca ku haya Goobaha Dagaalada Geeska afrika ka aloosan yahahay Maanta.

    Cadadka Danbe Waxaan ku sheegi "Heshiisa Qarsoodiga ah ee EPRDF iyo Jabhada Qabiilka kudhisan ee Kajira qaybo katirsan dhulka Oromada, Anfarta iyo Bariga Zonka Somalida (Western-Somali)oo u'adeegada siyaasada Qaska Geeska Afrika ee EPRDF waddo Ururadaa oo aykamid yihiin sida ONLF, APDO iyo OPDO iyo Misaaniyada ay ku bixiyaan "Hay'ada Dhabarjabinta Oromada, Somalida iyo Anfarta" oo hoos timaada Hay'ada Sirdoonka ee EPRDF "Qorshahooda iyo qaska ay dhex wadaan Gobolada Guddaha iyo Xadka Somalia iyo Qorshaha EPRDF ee Dawlada Kumeel-Gaadhka ee Somalia.

    Sirta Culus @Augst/2001

    | Top of this page | Back to Index Page |

    Kulankii Almaz ee Jabhada OLF iyo Qorshaha EPRDF ee Somalia iyo Oromada

    By Sirta Culus A112 report

    Qore: Gudde Jarso (Member OLF Inform. Office)

    Kulankii Almaz ee Jabhada OLF iyo Sirtii EPRDF ee Somalia

    Dhawaan waxaa isdhiibay Afhayeenkii Barlamanka Deferdaliga ee Ethiopia, Haweynaadaa oo layidhaahdo Almaz Mako; waxay ka soo jeedaa Qawmiyada Oromada. Almaz waxay cadaysay Sir baddan, oo ah habkii EPRDF ula dhaqmaysay Qawmiyadaha Ethiopia, gaar ahaan Oromoda, Somalida ethiopia iyo Anfarta.

    Waxay sheegtay In EPRDF (oo ka koobnayd Tigray, Oromada-Gallada iyo Amharada) inay go'aan ku gaadheen inay Burburiyaan Hogganka iyo magaca Ururada Taariikhiga ah ayna kamidka yihiin OLF(oromo), ALF (Anfar), iyo WSLF (Somali); Ururadan oo ahaa kuwii matalayay Oromo, Anfar iyo Somali, Shirwaynihii Addis ee Qawmiyadaha sanadkii 1993 ee Qorshihiisu ahaa Heshiis in laga gaadho DOODII Jabhada ee Aayo-katalinta Qawmiyadaha iyo Dhismaha Dawlad Federali ah oo loowada Dhanyahay. Hadaba maadaama ayna Qarrinkarin Halgankii OLF, ALF iyo WSLF, waxay si sira oo dadban u dhiseen Ururo kuxidhan EPRDF oo matala Oromada, Somalida iyo Anfarta.

    Waxaa EPRDF go'aan ku gaadhay in ladilo Xoghayaha Guud ee OLF Sheikh Jaare, Xoghayaha Guud ee WSLF Sh.AbdiNasir iyo Xoghaya Guud ee ALF Ali-Mirix. Waxay EPRDF Oromo udhiibtay Ururka OPDO (hoos yimaada EPRDF), Somali-Galbeedna waxay qaateen Taladii uu Gaadhay Mengistu 1988; oo katimid machadka Daraasadka Qawmiyadaha Ethiopia, oo uu dhisay Mengistu, kaasi oo kutaliyay, in Somali-Galbeed, lookala Qaybiyo; Degaano Qabiil-Jabhadeed ku dhisan; kuwaasi oo kala ahaa Jabhada Qabiilka; Ogadenka, Gurgura-Ciisa, Jidwaaq, Qawmiyada Sheekhaal, Ururka Gadabuursiga, Ururka Gari iyo Jaarso.

    Waxaa Dhulka Somali-Galbeed laga dhisay 12 Urur oo qabiil, oo hogaamiye looga dhigay Dr.Abdulmajid oo hogaaminayay Siyaasada EPRDF ee Zoonaha Somalida (Wuxuu ku guulaysay inuu kala daadiyo Jabhadii WSLF, ee ku doodi lahayd Heshiiskii EPRDF iyo WSLF wada Galeen 1993), aakhirkiina Dhisay Ururka Leegada.

    Dhulka Oromada Waxaa lagu guulaysan waayay in Oromadu siiso Kalsooni OPDO (kadib markii EPRDF laysay Xubno katirsan Hogganka OLF) waxay shacabka oromadu siiyeen OLF, oo taariikh ahaan ahayd Hooyada Halganka Oromada.

    Maanta Waxaa aan u arkaa ayay tidhi Almaz, xalka Dhulka Oromada, Anfarta iyo Somalida, inuu yahay in Asalkoodii Halganka u noqdaan; Jabhadii Udagaalamay Dhulkooda, sida OLF, ALF iyo WSLF oo iska kaashadaan khatarta ay wadato TPLF iyo Iskaashiga Beenta ah ee EPRDF.

    Waxaanu Guddaha Ethiopia Kasamaynay Ururka isukeenka Oromada, Anfarta, Herarida iyo Somalida oo layidhaahdo "SOHA". Waxaan u arkaa ayay Tidhi Ms.Almaz inay guul dhakhso leh, lagaadhi hadii taasi hirgasho; loona arko Dabadhilif ay hoosta ka caawiso EPRDF ururada Qabiilka ee ka dhisan Oromada (OPDO), Somali Region ONLF/SPDO, iyo Anfar APDO.

    Nabada Ethiopia Guddaheeda iyo Dalalka Jaarka la ah ee Djibouti, Somalia iyo Kenya waxay dhaqan gali doonto ayay tidhi Ms.Almaz, iyada oo latixgaliyo Aayaha Shacabka Oromada, Somalida(Western-Somali) iyo Anfarta Ethiopia; oo dhamaan dhinaca ku haya Goobaha Dagaalada Geeska afrika ka aloosan yahahay Maanta.

    Cadadka Danbe Waxaan ku sheegi "Heshiisa Qarsoodiga ah ee EPRDF iyo Jabhada Qabiilka kudhisan ee Kajira qaybo katirsan dhulka Oromada, Anfarta iyo Bariga Zonka Somalida (Western-Somali)oo u'adeegada siyaasada Qaska Geeska Afrika ee EPRDF waddo Ururadaa oo aykamid yihiin sida ONLF, APDO iyo OPDO iyo Misaaniyada ay ku bixiyaan "Hay'ada Dhabarjabinta Oromada, Somalida iyo Anfarta" oo hoos timaada Hay'ada Sirdoonka ee EPRDF "Qorshahooda iyo qaska ay dhex wadaan Gobolada Guddaha iyo Xadka Somalia iyo Qorshaha EPRDF ee Dawlada Kumeel-Gaadhka ee Somalia.

    Sirta Culus @Augst/2001

    | Top of this page | Back to Index Page |

    Danbi-Badhis Qarsoon ee Somalia ayay wadaa Maxkamada Calamiga

    By Sirta Culus A110 report

    Rome, Italy

    Waxaa war ann ka heley ilo xogogaal ah,in isbuucii la soo dhaafay,in urur lagu magacaabo "ismaaciil jimcaale" oo xuquuqal insaanka difaaco iyo kan INXA lala soo xiriiray,waxaana la soo xiriiray, Gar-yaqaano ka socdo UNka iyo waliba tan maxkamadda Caruusha,iyo Hague,aygoo raadinayo warbixinno ku saabasan dagaal ogayaasha oo dhan.

    Waxaa kaloo dalbadeen in la isku soo habo oona la soo diiwaan galiyo waxii warqado ah eey ka hayaan waxii gummadyo ee ay hubaan.

    Anigoon la ii sheegin dadka uu khusseyo,laakin waxaa la ii sheegay ineey u badanyihiin oo la dhihi karo inta ka kooban kooxda awaase iyo dhoor nin oo Ganasatayaal waawayn ah.

    Sir kale aan heley,wuxuu sheegayaa in dad soomaali ah oo ku nool North America ay ugudbiyeen haweeyneeda la yiraah Mary Robins files ama dacwado khusseeya warlords badan iyo siyaasiyiin iyo waliba ganacsato reer puntland,somaliland iyo qaar joogo xamar,wax magac aan heley ma jirto,midka kaliya oo la ii sheegay waa mowliid Macaane iyo safiirka cabdullahi sheekh, Gen. Morgan, Gen. Axmed Warsame, Gen. Gaani, Gen. Omar Jees, Generalo Jooga Xamar, kuwaaso la igu yiri waxaa magacyadooda la dhigay boliiska sirdoonka iyo socdaalka ee Talyaaniga, maxaa yeelay wexeey ku leeyihiin Ciqaamado(Sharci) Dalka Talyaniga. .

    | Top of this page | Back to Index Page |


    Sirta Heshiiska, c/qassim, Yusuf Garaad iyo Xassan Bariise

    By Sirta Culus A105 report

    C/laahi Siciid Cirro.

    Ma rumaysan karnaa Wararka Xasan Baarise uu BBC-da u sheego ee ku wajahan dagaalada Jubooyinka ka dhacaya oo qof walbaa dareemi karo sida uu Bariise beenta u soo qaawiyey, waxaynuna ka war haynaa maanta heerka isgaarsiinta Soomaaliyeed gaarsiisan tahay, taasoo aan oran karno waxay Soomaaliya kaga horeysaa wadamo badan oo Afrikaan ah, si sahlana looga war helo dacalada geyiga Soomaaliya saacad walba waxa ka socda.

    Bariise waxaa uu u muuqdaa nin deebta ku sita madfac uu kula dagalamayo beelo Soomaaliyeed, isagoo huwan shaar Idaacada BBC oo xiligaan uu nasiib u yeeshay wiil ay isku beel yihiin in uu taxakumiyo waa Yuusuf Garaade, ma qarsoona in uu Yuusuf Garaad uu yahay nin buunbuuniya dacaayadaha beelaha Hartiga gobolkay doonaan ha joogaane, micnase yeelan mayso nin iftiinka cadceeda yiri sacabadaydaan ku qarinayaa, Yuusuf Xasan oo ah weriye Xamar jooga ayaa xaqiiqadu tahay in uu u dhow yahay run sheega iyo dhab ka hadalka, waraysigiisii ugu danbeeyey ee xaalada dagaalada J/hoose kaga hadlayey siday wax u jireen ayuu u sheegay, Yuusuf Garaad taas kuma farxin wuxuu markana adeegsaday Xasan Bariise oo loo yaqaan Af-hayeenka Dowladda C/qaasin si uu u sheego sida ay kooxda Carta wax u jeceshay.

    Waxaa hadaba dhaba, oo si rasmi ah, iloo lagu kalsoon yahay sheegeen, in lasiiyay $10,000 usd, Xasan Bariise, si warbixinta dagaalada gobolada jubooyinka ugu waramo sida ay doonayaan Beelaha Cayr & Mareexaan. Waxaa la'ogyahay inaanu ka waramin, heshiishka qarsoodiga ah ee C/qassim iyo Xassan Abshir, ee lacagtii Dawladu ugu tallo gashay Khalkhal-galinta Putland iyo burburinta Maamulka C/hi yusuf. Waxaa muuqata in c/qassim iyo xassan abshir kuguuleysteen Hakinta Taakulaynta Baydhabo, ee ka imanaysay Putland iyo wiiqida nabadii Boosaaso.

    Sirculus @August/2001

    | Top of this page | Back to Index Page |

    Heshiiska Sirta ah ee Cayr iyo Mareexaan. Maxaase Aamusiiyay Beelaha Harti?

    By Sirta Culus A106 report

    By: Cosoble , Xamar

    Labada Beelood ee Cayr iyo Mareexaan oo Xigtanimo iyo darisnimo kuwada deagan Gobolka Galgudduud ayaa ku heshiiyay qodobadan hoos ku xusan:

    1-In magaalo madaxdda Jubadda Hoose ee Kismayo laga dhigo degaan ay sirasmi ah ula wareegaan labaadaas belood iyada oo la adeegsanyo mamul ay labadan reer wadajir uga dhisaan Kismayo iyo Xafiiska Qaxootiga eeWasaaradda Gudaha ee DKM oo loo adeegsado in lagu dajiyo dadkooda oo laga dhigayo qaxootiyadii ka soo noqday Kenya iyo Ethiopia.

    2-In fursad kasta loga faideysto sidii beelaha degaanka Kismayo ee Sheekhaal, Gaaljecel, iyo Cawromal looga fogeeyo magaalda ugu yaraan soddon (30) Km.

    3-In la isku mashquuliyo dhexdooda qeybaha Ogadeen iyada oo la tageerayo, ku taaabacsan Heshiiskii Carta.

    4-Hadii Hogganka Putland ee C/llhi Yusuf lagu guleysanwaayo in la khaarajiyo, in magaca Harti logu daro mamulka Jamame oo loo qoorsheeyey beelaha Biyomaal, iyo Sheekhaal ama Badhaadhe oo logu talo galay in la isugu geeyo beelaha ay u bixiyeen Carta -diid kolba kay doortaan.

    Arrimo la xirrira heshiskaan War lagu kalsoonyahay ay waxa ay sheegayaan in heshiikii cayr iyo Sacad ee ka damdeeyay isku dhacii milishiyada Caato iyo Delaaf ayaa waxa ka mid aha in Caato laga ogolaaday in Sacad oo naf iyo hanti badan ku bixiyey in la qabsado Kimaayo ay walalahooda Cayr ay ka qeyb galiyaan lahaanshaha cusub ee barwaaqada juboyinka.

    HESHIISKA SIRTA ee CAATO iyo C/QASSIM

    Dagalda Jubooyinka ee lagu soo kululeeyay kooxda haysata Kismaayo ayaa Caato iyo C/Qasim shir qarsoodi ah oo ay yesheen kuna weheliyeen waxgardka labada dhinac, laysku afgartay in :

    1- in Sacad uu si buxdda uga qeybgalo si wax ugu yeesho Kismaayo lahanshaheed cusub.

    2-In Abgaal jagoyin cusub loo siiyo si usan hadal uga keenin fursadan u gaarka ah Habargidir.

    3- In koodii Xasan Abshir la siiyo lacag ay ku takuleyaan Yusuf X. Nur oo ay sidaas uga noqdaan ishortaagi ay ka mujiyeen in dagaalka laga dhigo mid ay Ethiopia ay ku soo Qaaday umadda Somaaliyeed. Xassan Abshir waxaa lasiiyay 1.5 Million Dollar, si looga hortago Khatarta Cabdillahi Yusuf ee Putland. Dhamaan xildhibaanadii Harti, waxay ku mashquuleen Lacagta Xasan Abshir Loogu dhiibay(Qaybta hore 400,000 USD) sidii ay u kala qaybin lahaayeen, uguna gudbin lahaayeen Qaar dhinaca Putland, qaarna Dhinaca Taageerayaasha Ciidanka Morgan ee isbahaysiga SRRC, oo loogu xawilay si sira BARAKAAT. Sirta Culus @Augst/2001

    | Top of this page | Back to Index Page |

    Tabaha ay adeegsayanayaan Isbaheysiga Cayr iyo Mareexaan Dagaalada Jubooyinka

    By Sirta Culus A107 report

    Wareysi lala yeeshay dadka dagaaka u dhashay eeka soo qaxay dagaalada ee ku sugan nawaaxiga Baraawe aya waxa ay shegeen in Is-baheysiga heysta Kismaayo intii u ku jiray abaaulka dagaalka ay hadda kula jiraan kooxdda SRRC ay beelha degaanka kusameeyeen jid gooyo lagu qafaalayo dhaliyarada iyo baadiyaha beelaha Shikhaal, Biyomaaal, Galjecel, Jareer Weyn , iyo Cawramal oo la soo rafay xoolo dhaqato iyo beeraley. Waxa lagu qiyaasay in ay tiradu gaareyso ila 2500 qof.

    Waxa ay ku indacodeen in qaranku u bahanyahay dhismo ciidan military, iyo mid Boolis oo arrintaas loo tabobarayo.

    Waxa dadkan la soo qafalay la isugu keenay Sadhigii hore ee dugsigii ciidanka circa inta loo soo taxaaabin Bu’lle iyo nawaaxiga Jilib Waxa ay wararku sheegataan in dhimasho badan iyo dhaawacba soo gaaray dhalinyaraddas oo intooda badan ay waxyeeladu ka soo gaartay xabadihii cidamada rasmiga ah ee Serrar iyo Barre Hiraale ay dhabarka uga furayeen si ay ugu qasbaan in ay u noqdaan gabaad.

    | Top of this page | Back to Index Page |

    Murrankii Dr.Galaydh iyo Buubaa oo Heer Xun Maraya

    By Sirta Culus A101 report

    Dr. Qaasim oo Dhaliil usoo Jeediyay "Xukuumada Galaydh"

    Shirkii maanta golaha wasiirada ay ku yeesheen hotelka Ramadaan ee magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ka soo qayb galay Dr,C/qaasim Salaad Xasan ka dib markii u dhamaaday shirkaasi ay yeesheen golaha wasiirada kadib ayaa Dr,Cali Khaliif Galayr oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in shirkii maanta dhacay lagu soo afjaray wax alaale iyo wixii khilaafaad ahaa ee u dhexeeyay golaha wasiirada, waxa kale oo uu sheegay in golaha wasiirada dhexdooda ay qaadi doonaan afti taasoo dhinicii ay aqlabiyadda u badato uu ku qasbanaandoono kan kale in uu raaco.

    Shirkan ayaa waxaa ka hadlay Dr,C/qaasim Salaad Xasan isagoo halkaasi dhaliil ugu soo jeediyay xubnaha xukuumadda Kmg ah isagoo ku dhaliilay in ay noqdeen kuwa gaabis ah loogana baahnaa halka manta ay joogaan in ay ka sara noqdaan.

    Dhinaca kale khilaafka labadani nin waa ra'iisul wasaaragha xukuumadda Kmg ah Dr,Cali Khaliif Galayr iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda mudane Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa gaaray heerkiisii ugu xumaa, labadani nin ayaa khilaafkoodu uu ka bilawday is qabsi miisaaniyadeed isagoo markii danbana isku rogay is qabsasho shaqsiyadeed.

    RAYIPRESS.

    | Top of this page | Back to Index Page |

    Xaaladaha aan Ali Khalif Galaydh, looga Qaadi karin Jagadiisa

    by Sir-Culus A102 Report

    1) Ganacsatada Xamar oo siwayn utaageersan, Ali Khalif; Maamulkiisa aan horey udhismayn aawadeed. Ganacsatadu sidan ayay doonayaan, Canshuur iyo Kantrol la'aan.

    2) Isga oo hellay, Kalsooni "Xubnaha Muddilood", iyo Shacabkooda, kadib markuu kasamaystay Kalsooni, inuu isagu yahay, Ra'isal wasaaraha kaliya ee siiyay Qayb-libaax.

    3) Osman kaluun oo ujan-jeedha, dhinaca Beelaha Dhulbahante, kana sii jeeda "Dhawaaqa Ismail Buubaa". Wuxuu aad ugu xidhan yahay Ali Khalif iyo Xubnaha Dhulbahante ee DKMG.

    4) Barlamaanka DKMG ee Somalia, oo aan lahayn Awood dhaqaale oo lamida tan uu haysto Xafiiska Ali Khalif. Awood la'aanta Cabdalla Deerow iyo Baahida ka muuqata Xubnaha Parlamanka, ayaa wiiqaysa in Gollaha Shacabku Talaabo ka qaado Ali Khalif, Maamulkiisa niyad jabka ku ah, shacabka somaliyeed ee ubaahan dawlad shaqaynaysa.

    5) Beesha Dhulbahante oo ku soo qulqulaysa Magaalada Xamar (Dibada iyo Guddaha), iyaga oo siinaya, Hiil iyo Hooba, Ra'isal wasaaraha kasoojeeda Beeshooda.

    6) Gollaha SRRC, Maamulka Putlan iyo Maamulka Somaliland, intuba waxay ku midaysan yihiin, sii joogida Ali Khalif, maadaama aanu waxba kaqabanin, una soo jeedin, dhismaha maaulka iyo xoogaynta maamulka guddaha ee DKMG.

    7) Xubnaha Muddulood oo Raacsan Ali-Khalif iyo Xubnaha Habargiddir oo diidan Ra'isal wasaaraha.

    8) Socodkii dhawaan uu kutagay Asiya, ayuu soo helay Balanqaadyo waawayn oo xagga ganacsiga ah.

    9) Xidhiidh adag oo uu laleeyahay "dawlada Masar", si loosii kala fogeeyo Xidhiidhka Ethiopia iyo DKMG. Masar oo aad uga cabsi qabta Biyo-Xidheen laga dhiso, Billowga Wabiga Niil.

    10) Ali Khalif oo Kalsooni kahaysta "Sirdoonka Maraykanka" iyo Mukhaabaraadka Sacuudiga.

    /Sirta Culus/July@2001. Xamar.

    | Top of this page | Back to Index Page |

    DKMG oo Curyaminaysa HornAfrik

    By Sir Culus A103 Report

    " Waxaa jira Arrimo badan, oo kasoo baxaya, xafiiska Ra'isal wsaaraha DKMG. Arrimahaasi oo sheegaya, in Xubno katirsan Maamul Idaacada HornAfrik, ee Xamar, loo magacaabay Jagooyin Danjire-nimo.

    Sababtuna waxay tahay iyada oo Dad lagu kalsoon yahay sheegeen, si lookala tuuro Maamulka iyo Baraarujinta Nabadeed ee ay Idaacada HornAfrik ka muujisay Sanadkan, Degaanka Gobolka Banaadir.

    Xubnaha Maamulka ee HornAfrik loona magacaabay Jagooyinka Diplomaasiyeed waxaa kamid ah:

    1) Ali Iman, oo loo magacaabay "Safiirka DKMG ee EEC -Belgium" -Suuqa Dhaqaala ee Yurub.

    2) Eng. Duulcad, Danjiraha DKMG ee South Africa, kana wakiil ah, dalalka Southern Africa.

    3) Xildhibaan Ahmed Abdusalaam, oo isna loo magacaabay dalka Ingriiska.

    /Sirta Culus/July@2001. Xamar

    | Top of this page | Back to Index Page |

    Waamaxay sababta Kenya Ujoojisay Ganacsiga Somalia

    By Sirta Culus A104 report

    Waxaynu ogsoonahay, in Kenya dhaqaalaheedu aad uliito, kamana maarmayso, inay lumiso dakhliga Jaadka Somaliya kasoo galla oo dhan $300, 000 dollar maalintii, inay joojiso. Hadaba Maxaa sabab u ah:

    1) dhawaan niman Ciraaqiyiin ah, ayaa kasoo gallay Xadka Somalia Dhinaca Mandheera, oo Qaxooti waydiistay Poliska Kenya. Taasi waxay ka fajicisay Amniga Kenya iyo Sifaaradaha Reer galbeedka.

    2)Waxaa ay Hindida dagan Kenya, xoog sareen inay burburiyaan Socodka ganacsi ee Somalida Kenya joogta. Dhawaana waxay lug kulahaayeen Gubidda Suuqii Nairobi ee Somalida.

    3)Waxaa CIAda iyo M5 ingiriisku cadeeyeen, in Mafiyada Hubka ee Ruushku ay soo galeen, suuqa ganacsiga Qarsoodiga ah ee Afrika, iyaga oo sii mariya Hubka Garoomada Jabouti iyo Somalia. Waxayna Lacagta ka soo gasha dib ugu soo celiyaan Bananka Dubai, iyaga oo isticmaalaya Rag Somali ah.

    4) Waxay dawlada Ethiopia, ka codsatay dawlada Kenya, inay Qaadka ka joojiso Somalia, si loo hello, marxalad ay ku caajisaan "Maleeshiyada" joogta Kismayo, Jilib, Merca iyo Bali-doogle; Inta ay Golaha SRRC wadaan weerarka Goobahasi.

    5) In lahello xasilooni dari, ka allosanta Magaalada Muqdisho, oo ku xidhan ganacsi ahaan Dalka Kenya.

    /Sirta Culus/July@2001. Xamar.

    | Top of this page | Back to Index Page |