Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!
Gundhigga wargayska Somali Electronic Journal
Aqarso B. Martida
Taariikh: 4.7.1999
Saxiix B. Martida
BOGGA 1AAD Somali Students Association in Malaysia
ARARTA WARGAYSKA
Dadweynaha Soomaaliyeed ee reer Sweden oo u dabaaldagey 1-da Luulyo
Ikram Nasir
Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan Sweden gaar ahaan magaaladda Gothenburg oo ah xarunta labaad ee dalaka Sweden ayaa maalintii khamiistu ay taariiqdu aheyd 1-da Luulyo ee sanadkan u dabaaldeygay sandguuradddii 39aad ee ka soowareegtay markii ay ummadda Soomaaliyeed ka xoroobeen gumeystihii
foosha xumaa ee horey u gumeysanayey dhulkeenii hooyo ee Soomaaliya, islamarkaasnah aheyd iskudarkii labadda gobol ee waqooyo iyo koonfur sidaana kula baxay magaca maanta addunka oo dhan caan kanoqday ee "jamhuuriyadda Soomaaliya".

Xafladaas balaaran oo si maamuus iyo sharafleh u soo qabanqaabeeyey dadweynaha Soomaaliyeed ee reer Sweden gaar ahaan reer Gothenbug. Ayaa waxa ay u dhacday sidii loogu talagalay, waxaana kasoo qeyb galay dadweyne aad u farabadan oo isugu jirey ragg iyi dumar leh waayeel iyo ciroole, dhalinyaro,culimaa'udiinka, aqoonyahano iyo ardeydda Soomaaliyeed ee wax kubarata dug.sare ee wadankan Sweden.

Waxaa halkaas qudbado balaran oo kahadlayey halkangii gobanimadoonka Soomaaliyeed ka soo jeediyey Imaamka magaalada Gothenburg Sh. C/rashiid Maxamed oo runtii siwacan uga waramay sida ay diinteena Islaamka muqadaska ah raali uga tahay inlala jihaado gaalada iyo siddii ay umamada Soomaaliyeed u hurtay naf iyo maal xuriyadeedii wuxuuna aad u amaanay talaabadaas wax ku oolka ah ay qaadeen geesiyaashii iyo culimaddi Soomaaliyeed ee iyagu ka soo horjeeday xukunka gumeystuhu ku hayey gayigena weyn.

Gabagabadii waxa uu shiiqa isaga oo aad ugu xun sida maanta Soomaliya xornimadeedii isubadashay ku booriyey ummadda in illaahay loo soo laabto xalkunah yahay mid gacmaha Soomaalida ku jira ee uusan ahayn mid galbeed ama dibabda laga keeno, ee aan anagu xalinakarno qilaafkeena iyadoo lagu xalinayo diinta Islaamka iyo xeerakii wacnaa ay Soomaaliyi horey ugu xalin jirtay mashaakiladdkeeda.

Waxaa kaloo iyanah goobta laga dhageystay wareysi aanu kaqabanay nin siyaasi Soomaaliyeed oo goobjoog u ahaa halgankii SYL ee lagashay gumeysiga kana mid aha raggii wax ka soo aas-aasay xisbiga SYL, ninkaas oo magaciisa layiraahdo Maxamed Nuur Muuro, oo iminka ku sugan magaaladda Burcxel ee xarunta wadanka Biljin, ninkaas oo ay run ahaantii noo suuragaliweysay imaanshahiisa dalakan iyo waqtigoo aa aad uyaraa, ayaan Studiyaha idaacda laanta Af-Soomaaliga ee radioga kaga qabanay tariiddii dheereyd ee Soomaali wey u Soomartay xorninadeedii iyo dowladnimadeedii intaba.

Waxaa kaloo halkaas lagu soo bandhigay ciyaaro hido iyo dhaqan ah iyo shicaaro muujinaayo wadanimadeena iyo qarankeena wanaagsan ee aanu leenahay.
Waxaa kaloo isnah halkaas qudbad gaaban ka soo jeediyey agaasimhii hore ee idaacadda Radio Muqdishu C/laahi Sh. Xuseen (Hanti Wadaag)islamarkaasnah ah qoraa sare oo weyn magacnah kuleh dalka Soomaaliya gudihiisa.

Waxuu halkaas kaga waramay halgankii dheeraa ee Soomaaliweyn u soo martay xornimadeeda iyo sida ay maanta tahay, taasoo runtii ah mid uu diirku diidayo tahaynah mid aad looga qaracmo inaan annaga qarankeenii ku dumino gacmaheena kadibnah aan xalka kadoono dalal aan marnaba jececley jiritaanka Soomaaliweyn kuwaasoo leh muslin iyo gaal,ujeedadoodunah tahay "Qawda maqashiiWaxnah ha uqaban."

gebagabddii waxa uu Hanti Wadaag kusoo jaray hadalkiisii gaabnaa in aan u laabano rabigeena weyn ee abuuray koonkan aan kunoolnahay isaganah loo laabanayo berito denbi dhaafnah weydiisano maxaa yeelay xalkale majiro oo aan kaas aheyn isagaanah guul addun iyo mid aaqiro intaba lagu gaari karaa.

Dadweynihii goobtaas isugu yimid runtii waxaa wajigoodii kamuuday farxad iyo xamaasad ay ku dheehantahay wadaninimo iyo hilow ay u hiloween dhulkoodoo hooyo ee dagaalku SOKEEYE burburiyey hoosnah u dhigay jiritaankeenii,calankeenii iyo qiimihii aan dunidda kuleheyn beri hore.

Waxeynah ku heesayeen heeso wadani ah ay kamid ahaayeen Soomaaliyeey toosoo Toosoo iku tiirsadeye Hadba kiina taag daran taageera walgiine.
Iyo hees kale oo halku dhigooda kamid ahaayeen:
Hanfiyo kuleyliyo. Baraf maleh dhulkeenuye. Inagaa haleynee Soomaaliyeey Hooy,hoodaalo weyaanoo. Deegaankiisa hodankaa ah loowada. Hamuumee.
Heybad waxaad kuleedahay dhulkaaga hooyowaana lama huraane hagar li'i wax ugu qabo Hantiyey macaan waa midaan hoy lagaa horaneyn Helyooooooo.

Gabagabaddi xaflada waxaa lagu duceystay in ilaahay soo celiyo magacii, awadoodii iyo cududii aan lahaan jirnay rabinah uu nadaba qabto inta ayenaan is gaasirin isagaa gafuurul raxiim ahee noo na xariisto isagaa naxariistiisu tahay mid waasic ah oon laga maarmin.
"Aaaaamiin Aaaaamiiin Aaaaamiiin yaarabi"

Ugu dambeyntii, Munaasabada 1 luulyo waxaan Soomaaliweyn u rajeynayaa hormar iyo midnimo aan kuwaarno islamarkaasnah dalkeenii dalkeenii hooyo noo hagaaga geerida horteed. Ikraam Abdi Ali Gothenburg, Sweden.
Somali Forum
Free Email
Free Guest Book
Free Home Page
BOGGA 2AAD
la xiriir Xaji Yusuf
WARARKA SOOMAALIDA
Dabley somali ah oo ciidan Keenyaati ah furatay
NAIROBI, July 1 (Reuters) - Dabley Soomaali ah oo tiradoodu gaarayso 400 oo nin ayaa la sheegayaa in ay galeen xuduudka Kenya oo ay weerareen ciidanka nabadgelyada Kenya, dabadeedna hubkii ka dhigeen.Waxaa warku intaa ku deray in dableydaasi bililiqaysatay hub iyo qalab ciidan oo kale, sidaa madaxda dalkaas ayaa khamiistii sheegay.

Ciidanka Kenya wuxuu sheegay in ay ddableydaas ka aargoosan doonaan haddii aaney qoryihii, baabuurtii iyo qalabkii kale ee la bililiqaystay la soo celin ilaa iyo dharaarta maalinta khamiista.

Waxaa la sheegayaa in dableydaasi wateen siddeed baabuur oo tikniko ah, dabadeedna ku khasbeen ciidan Kenyati ah oo Liboi joogay in ay wixii hub iyo qalab ah oo ay heysteen soo dhiibaan.

Ciidanka Keenyaatiga ah oo la sheegay in ay tiradoodu ahayd 45 qof, waxaa la sheegay in aaney wax dagaal ah uga hor imaan debleyda soomaalidaa ah ee ay wixii ay hayeen u dhiibeen. Sidaa darteed wax dhaawac noqday ama meeshaa lagu dilay lama soo sheegin.

Ciidanka Kenya waxaa la sheegayaa in ay maalmahan soo degeen xuduudka u dhaxeysa Kenya iyo Somalia kadib markii ay dhaceen dagaalladda ay isaga horyimaadeen jabhadaha somalida ee ay kala taageerayaan Ethiopia iyo Eritrea.

Warar sheegaya in hubkii la boobay la soo celshay
Warar BBCdu soo tebisay shalay 2.7.1999 ayaa ayaguna waxay sheegayaan in hubkii laga boobay ciidanka Kenya dib loo soo celshay oo gacanta laga saaray ciidanka Kenya.

Hubkaas waxaa Kenya u gudbiyay duqayda qabiilooyinka asiga oo saaran dhowr baabuur kadib markii Kenya aad u hendeday kooxahaas, ciidan badan oo dhulka iyo cirka intaba laga taakulaynayana soo dhoobtay xuduudka.

Waxaa loo malaynayaa in hubkaas kooxaha boobay ay ahaayeen kooxaha Caydiid gacan saarka la leh ee maalmihii la soo dhaafay ciidanka Itoobiya dhaawaca xoogga leh u gaystay, sida weriyayaashu sheegayaan.

SNF oo sheegatay in ay qabsatay Garbahaarey iyo Buurdhuubo
MOGADISHU, July 1 (Reuters) - Koox ka mid ah kooxaha jabhadda Mareexaan ee loo yaqaan (SNF), ayaa waxay sheegatay in ay dib uga qabsatay Garbahareey iyo Buurdhuubo ciidankii xabashida ee heystay.

Nin u hadlay kooxdaas wuxuu sheegay in ciidankiisu qabsaday magaalooyinkaas maalintii arbacada kadib markii ay weerarro ku qaadeen ciidankii Ethiopia ee halkaa haystay. Wuxuu afhayeenku intaa ku deray in jabhadda SNF ay ka dhinteen 3 qof 10 kalena ay ka dhaawacmeen.

Ibrahim Jamac Howle oo u hadlayay jabhaddaas, wuxuu shir jaraa'id oo uu Xamar ku qabtay ka sheegay in laba askeri oo Ethiopian ah halkaas lagu dilay intii weeraradaasi socdeen.

Wuxuuna intaa ku deray in ciidanka xabashidu dib ugu gurtay Luq, magaaladaas oo markii hore ku jirtay gacanta qolyaha Itixadka Islamka. SNF waxay heshiis aqbali doontaa oo kaliya marka ay xabashada ka cayriso Luq, Bulo xaawo iyo Doolow.

Dadka siyaasadaha dhulkaas indhindheeya waxay leeyihiin, Itobiya waxay isku deyaysaa in ay ka xaaqdo xuduudka u dhexeeya ayada iyo Soomaaliya jabhadaha ay taageerto Eritrea.

Ethiopia oo la sheegay in ay dhul Soomaaliyeed qabsatay
June 28, 1999(BBC) Ciidamo badan oo Ethiopian ah oo ay taageerayaan hubka tiknikada ayaa la sheegayaa in ay qabsadeen magaalada Garbaharey ee magaala madaxda u ah gobalkaasi gedo.

Ciidamadaas waxaa la sheegayaa in aaney wax wayn oo ka hortag ah kala kulmin jabhadda (SNF) ee uu hogaansho Cumar Xaaji ee horey magaalada u haysatay.

Waxaa la sheegayaa in weerarka laga soo qaaday magaalada Luuq oo Garbaharrey u jirta 90km, warkuna wuxuu intaa ku derey in ciidamada uu madaxda u yahay Buraale ay taageerayeen ciidamada xabashida ee qabsaday magaaladaas.

Somali ku bannaan baxday lacagtii cusbayd
June 28, 1999(BBC) Dad bannaan baxayey ayaa la sheegayaa in ay isugu yimideen suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdishu, dadkaas oo ka cabanayey dhibaatooyinka ay keentay lacagta cusub ee uu soo daabacay Xuseen Caydiid, waxey isugu soo xoomeen meelaha ganacsiga lagu hayey ee ay u maleynayeen in lacagtaas lagu hayo.

Waxaa la sheegayaa in halkaas laba qofood lagu dilay oo ay toogteen dadka suuqa ilaalada ka ahaa, laba kalena ay dhaawaceen. Lacagtaas oo uu Ina Caydiid soo raray markii afaraad, waxaa la sheegayaa in ay caro xoog leh ka dhex dhalisay dadwaynaha soomaaliyeed ee deggan magaalada Muqdishu.

BOGGA 3AAD
BOGGA GANACSIGA IYO DHAQAALAHA
Iza Zura
Dhibaatooyinka dhaqaale ee lacagaha cusubi Soomaaliya u gaysteen
Dhowrkii bilood ee ina soo dhaafay waxaa Abaanduule Xuseen Caydiid la soo degay dhowr jeer lacag loogu soo sameeyay Canada oo ay naawilayeen sharikado shiineys ah oo Malaysia laga leeyahay. Lacagtaasi waxay Soomaaliya u gaysatay dhibaatooyin dhaqaale iyo xasilooni
darro lacageed intaba, maantana waxaan bogga dhaqaalaha iyo ganacsiga ku falaanqaynaynaa arrintaa.
Ragga indha indheeya xaaladda Soomaaliya waxay u arkaan lacagta cusub ee Xuseen Caydiid soo sameestay in ay tahay tab ka mid ah tabaha dagaal ee ay iskula jiraan abaanduulayaasha soomaalidu, hase ahaatee, waxaa muuqata in arrintaasi, haddii xataa ay run noqoto ay dhaawac xoog leh u gaysatay siyaasadda Xuseen Caydiid.

Sida wararku inadu soo gaareen waxaa magaalada Xamar ka dhacay bannaan baxyo lacagtaas looga soo hor jeedo, bannaan baxyadaasna waxaa keenay sicir bararka ay lacagtaasi dhalisay, iyo khalkhalka ay ku ridday hab lacageedkii dalka ka jiray intii aaney lacagtaasi imaan.

Tusaale ahaan waxaa la sheegayaa in sicirkii saliidda shidaalku cirka isku shareeray, taasna macneheedu waa in sicirka cuntaduna kici doono maxaa yeelay gaadiidka iyo isgaarsiinta iyo ganacsiga intiisa kale shidaalka ayay ku xiran yihiin.

Lacagtaasi Xamar kaliya qalalaase kama ridin ee waxay gaartay meelo badan oo dalka ka mid ah, waxaana ka mid ah goballada dhexe iyo bari intaba, ganacsatada reer bari waxay go'aan ku gaareen in aaney lacagtaas qaadan hase ahaatee go'aankoodu wuxuu soo baxay goor xeero iyo fandhaal kala dhaceen.

Waxaa lacagtaasi figrad cusub ku dhalisay qolyaha ka talsha Puntland oo ayaguna sheegay in ay lacag soo sameysanayaan, waxaa kale oo laga yaabaa in meelo kale ama qolyo kale oo soomaali ah lacag cusub soo sameystaan.

Taas macnaheedu waa in soomaaliya oo dhan noqon doonto meel fasahaad lacageed ka jirto, shilinkii intii ugu dambeysay way dhamaatay, lacagaha cusubina waxay noqon doonaan wax aan qiima lahayn oo aan cidi ku kalsooneyn, taasina waxay keenaysaa in dalka looga dhaqmo lacago qalaad, macnaheeduna waa nolosha oo aad ciriiri u geli doonta.

Sarrifka lacagaha dalalka badanaa soomaalidu deggantahay.
Taariikhda sarrifka 30.6.1999ka.
Dalka Lacag US$1 =
Qatar Rial 3.639
Bahrain Dinner 0.3769
Kuwait Diner 0.3065
Switzerland Frank 1.5475
Malaysia Ringit 3.800
Dalka Lacag US$1 =
Somalia Shilling 2620
Djibouti Frank 177.72
Syria Lire 45
Sudan Diner 247.10
Yemen Riyal 148.15
Dalka Lacag US$1 =
Australia Dollar 1.5220
Thailand Bahat 36.91
Canada Dollar 1.4720
England Pound 0.6329
Europe EURO 0.9672
Dalka Lacag US$1 =
Saudi Riyal 3.750
U.A.E Durham 3.750
Oman Riyal 0.3849
Egypt Pound 3.416
Iraq Diner 0.3109
BOGGA 4AAD Anglefire Free Email
BOGGA QUBANAHA
Madaxwaynaha Somaliland oo la kulmay Moi
June 28, 1999(BBC) Madaxwaynaha Somaliland Maxamad Ibrahim Cigaal ayaa la kulmay madaxwaynaha Kenya Moi, sidaa waxaa sheegay war ka soo baxay dalkaasi Kenya.

Waxaana la sheegayaa in wadahadalkoodu uu xoogga saaray xaaladda ka taagan Soomaaliya taas oo dowlad la'aan ahayd tan iyo markii dalka laga cayrshay madaxwayne Maxamad Siyad Barre 1991kii.

Cigaal waxaa kale ee uu u bandhigay Moi xaaladda ka taagan dalkaasi Somaliland, kaas oo dowladnimo sheegtay hase ahaatee, aaney cidi aqoonsan ilaa iyo maanta.

Buug-taariikheed cusub oo la fidshay
Waxaa maamulka Banaadir Books sharaf u ah iney dadka Soomaaliyeed ee wax akhriya usoo bandhigaan buuggii ugu dambeeyey. Waxaa buuggan cusub la yiraahdaa "Taariikh Soomaaliyeed: 3000CH - 1993".

Sida magaciisa ka muuqataba waxaa buuggu ka sheekeynayaa taariikhdii Soomaaliyeed ee muddadii 5000 sano ee lasoo dhaafay. Waxaa buuggu ka koobanyahay cutubyo ay ka mid yihiin "Waayadii Faraaciinta"oo ku saabsan taariikhdii Soomaaliyeed ee waayadas iyo xiriirkii ka dhexeeyey iyaga iyo Faraaciinta.

Cutubka "Waagii Islaamka" uxuu isna ku saabsanyahay disii ay Soomaalidu ku islaantay iyo dhibaatooyinkii ay la kulanatay, ilaa iyo dagaaladii Axmed Gurey iyo Itoobiya dhexmaray sanadihii 1500.

Cutubka "Waagii Gumaysiga" xuu isna ka sheekeynayaa sidii ay gumeystayaashii reer Galbeedku dalkeenna kusoo galeen, dhibaatooyinkii ay dadka iyo dalka Soomaaliyeed u geysteen, khiyaamooyinkii siyaasad ku sheegga ahaa ee ay adeegsanayeen, falsafadihii "Qeybi oo Xukun", dagaaladii ay Soomaalidu ku qaadday gumeystaha oo billowday waagii Sayid Maxamad.

Cutubka "Waagii Gobanimada" wuxuu isna ku saabsanyahay sidii ay Soomaalidu uga xorowdey gumeystaha iyo siyaasadihii ay ka dhaxashay gumeystaha oo sababay buruburkii Soomaaliya. Cutubka "Waagii Dowladnimada" wuxuu khuseeyaa dowladihii Soomaaliya soo maray sida Cabdullaahi Ciise (1947-1959), dowladdii Aadan Cadde (1960-1967), dowladdii Dr. Sharmarke (1967-1969) iyo dowladdi Maxamad Siyaad (1969-1990).

Waxaa cutubkani si fiican u faaqidayaa siyaasidihii kala duwanaa haddana isu midka ahaa ee ay dowladihani adeegsanayeen iyo sidii ay u saameysey shacabka Soomaaliyeed iyo mustaqbalkoodba. Cutubka "Aqoon Guud" wuxuu isna ka sheekeynayaa asalka dadka Soomaalida iyo afkooda. Waxaa cutubku si xiiso badan uga sheekeynayaa taariikhda suugaanta afka Soomaaliga iyo shakhsiyaadkii kaalinta laxaad ka qaatay horumarinteeda.

Waxaa isla cutubkani ka sheekeynayaa sidii loo qoray afka Soomaaliga oo waxaa qoruhu si cad usoo bandhigayaa inaan afka Soomaaliga la qorin 1972 balse uu qornaa qarniyaal ka hor. Waxaa buuggu xambaarsanyahay waraaqo af soomaali ku qoran oo taariikhdoodu dheertahay.

Si kastaba, waxaa hubaal ah in buuggani qofka Soomaaliga ah ka haqabtiri doono taariikh xabaalneyd muddo aad u dheer. Buuggu waa weynyahay xajimigiisuna waa ballaaranyahay. Qiimhihiisu waa US$25 doollar + qiimaha boostada. Zak Osman, Banaadir Books, Manager
Email: zaksom@yahoo.com
BOGGA 5AAD la xiriir Sadiq Hashi
BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA
MADAXWAYNE HA LAYGA DHIGO!
Faahfaahin ku saabsan kitaabkan
Cinwaanka: Madaxwayne ha layga dhigo!
Mowduuca: Waa kitaab afsoomaali ku qoran oo ka hadlaya sida qola kasta oo ka mid ah qabiilooyinka soomaalidu ay isugu dayday in ay madaxwayne dalka u noqdaan.
Qoraaga: Qaasim Hersi Farah(Duullaanjecel).
Qasim's photo
Qasim Hersi
XAAJADA INA BARRE!!
Waxaa kale oo ka mid ah waxyaalaha uu Cali Sheekh ku eedeeyey Siyaad Barre; Dagaalkii uu ku qaaday Ethiopia, kaas oo uu ka dhigay cilladdiisa, diyaar garow la'aan ka sokow, in uu Ina Barre doonayey in uu dadweynaha ku mashquuliyo dagaalkaas si uu ugu sii helo xukunkiisa muddo dheerayn.

Dhab ahaantiise tani waxa ay u muuqan kartaa qiyaas aan caddaalad lagu eegin, waayo waxaa iska caddayd in dagaalkaasi uu ahaa uun natiijadii dad iyo dawlad xamaasadysan oo si seef la boodnimo ah ugu dhacay weerar aanay ka fiirsan. Haddaba taa iyada ah ma oran karno waxa uu ku yimid niyad munaafaqdeed ee waxa keliya oo aan ku ceebayn karnaa "haddiiba la ceebaynayo" cillado farsamo xumo, oo ay sababtay aqoonta curdunka ah ee ka jirtay guud ahaan dalka.

Sidaa awgeed waxaan hubaa haddii uu Sheekh Cali si caddaalad iyo dulqaad leh uga baaraan dego duruufaha qoraalkaan kalifay ee ku cad kutubta badan ee aan soo xusnay iyo kuwa kale oo fara badaanba sida (Daraasaat fi al-adab as-somal. Maxamad Maxamud Ahmed), (as-siyaasaat as-saqaafiyah fi assomal "as-somal wal-luqah as-somaliyah, Mamduux Xiqqi) iyo P.XIII - XIX - ee Hordhaca Qaamuuska Afka Soomaaliga ee Yaasiin Cusmaan Keenadiid, wuu u garaabi lahaa ciddii ku soo afjartay murankii aqoonyahanadii Soomaaliyeed ee ku xarig jiitamayey aniga tayda hala qoro iyo aniga tayda hala qoro, xilliga ay baahidaas iyo xasaasiyadaas culusi jirtay war bal wax uun la isku af garan karo ha la qoro.

Sidaa oo kalena uu ku gaabin lahaa aarinta dagaalkii Ethiopia; waxaan qaadnay ol ole xornimo doon, waanan ku guulaysan wynay tabaryaro awgeed, taas oo ay keentay hiilladdii quwadaha shisheeye oo aanaan ku tashanaynin.

Tan kale waxaa haboon in wax kaste aan ka eegno dhanka wanaagga ee aanaan u badan dhanka xunta, sidoo kale in ka eegno arin kaste halka uu ka eegayey ama ka taagnaa qofka kale, iyo in aysan caro na qaadin, aysana nagu xambaarin caddaalad darro. oo Ilaah baa yiri:
(Kuwa (xaqa) rumeeyow noqda kuwa u heellan dar Eebbe oo ku marag kaca caddaalad ahaan, yeysanna idinku xambaarin carada qoom inaydaan caddalad falin, ee caddaalad fala iydaa u dhaw dhawrsashada ee, Ilaahayna ka baqa, Ilaah waa ogyahay waxa aad falaysaane) Al-maa'idda; 8.

Mar kale haddii la dhex galo bulshada si looga dhex helo dembiyaddiisii waxaad helaysaa iyada oo dadka intiisa badani ay ka cabanayaan oo leeyihiin waa kii na halaagay, hase ahaatee way adag tahay in aad heshid qof xujjo cad haysta.

Waxaase la arkaa in ay ku hal qabsadaan erayo ay u yeeriyeen Qabqablayaasha dagaalku ama waxyaalo ka hor imaanaya fahamkooda gaaban ee ay ka haystaan dawladnimo, tusaale; dadka qaarkood waxa ay ku eedaynayaan wuu na boqna gooyey oo waxa uu nala simay reer hebelkii naga hooseeyey, dad kale waxa ay ku eedaynayaan xaaraantimayntii Qaadka iwm.

Si kasteba arintu ha ahaatee waxaan shaki ku jirin in uu keligii taliye ahaa, inkastoo uu ku andacoonayey dad aan aamini karo ayaan ila shaqaynayn. Hadana dhab ahaantii shaki kuma jiro in uu ninku dambiyo badan dalka iyo dadkaba ka galay, waxtar uu sheegtaaba ha garab socdee.

Hase ahaatee waxaa war ka joogaa yaa ku eedaynaya dambiyadiisii, yaase warkooda la qabtaa oo run sheegaysa, maxaase lagu caddayn karaa cid waliba waxa ay sheeganayso. Taas awgeed arinta Ina Barre ma sugna, mana lahan qaab iyo jid loo raaco oo lagaga hadlo.

Sidaa darteed arrinta odagani waxay qoris leedahay markii furaheeda la helo, oo ay Soomaali si isugu raacdo iyaga oo cuskanaya caddaymo la taaban karo, ee aan lahayn ku tiri ku teen iyo naf jeclaysi.

Haddiise ay cid waliba ka qorto sida ay iyada la tahay, iyada oo aan waxna ku caddayn karin waxay taasi dhalinaysaa qaladaadyo laga galo, aadaminimada, Soomaalinimada, Shacabnimada, caddaaladnimada, qoraanimada iwm.     [Waa socotaa...]

Halgankii dheeraa ma hal bacaad lagu lisaa?!

Doorka Dhallinyarada maanta
Dhallinyarada maanta kuwii gobannimada u soo halgamay xaggee kaga aaddan yihiin? Mise nolosha Yurub iyo waddamada horay u maray ayaa la macaansaday. Nalka aan damaynin, biyaha iska qulqulaya, kulayl iyo qabow hadba kaa doonto la arkay ayaa lugaha la iska fidsaday.

Su'aasha ah goormaad dalkaaga ku laabanaysaa miyaad iska dhega tirtay? Dhanka kalena waa iyaga hoos gabraaran odayaal gaboobay oo aan waxba ugu maqnayn, hal-abuur ka sugaya. Kuwii dhumiyay gobbanimadii malayiinka naftooda u soo huray, tirtirayna magacii Qarniyaaha qaatay soo hoyintiisa.

Magacii Soomaaliyeed dhul "land" u beddelay, dadkii Soomaaliyeedne ka dhigay reer-dhul "land-people". Haddaba, odayga waayo-aragnimadiisa ha joogtee, xamaas dhallinyaro iyo fir-fircoonidiisa ayay arintu u baahan tahay.

Qurbaawiga Soomaaliyeed door ma u bannaan yahay:
Cid walboo Soomaali ah door wuu u banaan yahay, hase yeeshee, waxaa lagama maarmaan ah in la helo:
1. Rabitaan hal-abuur leh (figrad) oo ku salaysan caqli-gal (rationality)ahaansho.

2. Mashruuc bulsho-siyaasi (socio-political based project) oo leh ujeedoyin qayaxan.
3. In la wacyi geliyo ra"yi weynaha Adduunka, looguna bandhigo Qadiyadda Soomaaliyeed si xikmadaysan ee lagu qanci karo, taas oo u noqonayso waddada lagu xaqiijin karo taageerada siyaasadeed iyo dhaqaale ee caalanka.

Tabaabushe iyo halgan adag in loo galo ayay arintu u baahan tahay, in waqti loo huro, hurda dheer iyo nasiino la iska illawo ayay u baahan tahay. Socdaalo iyo kulamo abaabul ayay rabtaa. Hawlgalkane waxaa saldhig u noqon kara wax-wada-qabsi loo guntado oo sida silsiladdii isku dherersan, si loo soo xasiliyo magaca Ummadda Soomaliyeed ee fallisay.

In la helo qaab looga faa'iideysan karo, ururada ama "institutions"ka u abuurmay ujeedooyinka qurbo ku noolaanshaha, looguna jiheyn lahaa ujeeddooyin midaysan ee ku abbaran himilada guud ee dib u soo celinta sharafta Ummadda Soomaaliyeed. In loo helo halyeeyo majaraha u qabta.

BOGGA 6AAD la xiriir Ibraahim Salah (for free copy)
BOGGA HAWEENKA
Kaalinta Haweenka iyo Carruurtu ka qaateen Dagaalka Sokeeye ee Somalia!
haween caydiid taageerayacaruur hubaysannaago ku faraxsan dagaalka
Kaalinta ay haweenka iyo carruurtu ka qaateen dagaalka soomaaliya waxay badanaa ku saleysneed laba ujeeddo.
1. Midda hore, waa in ay dagaalka uga qayb qaateen si ogaal leh ayaga oo taageeraya qolyaha is haysta middood, soomaali horey bay uga maahmaahday, waxaa la yiraahdaa "nin naagi waddo iyo awr awr wado midna kaama leexdo".

Qabiilka ama qolada ay naaguhu soo guubaabshaan waa lama huraan in uu dagaalka galo haddii uu doono yuusan wax ka dheefine, sidaa darteed haweenku kaalin xoog leh ayuu kaga jiraa hurinta dagaalada, in kasta oo badanaa naaguhu ku dacwiyaan in ay had iyo jeer nabad ka taliyaan.

Arrintan ah taageeridda dagaalka ogaal ahaan, waa mid u gaar ah haweenka oo aanan carruurtu la wadaagin, maxaa yeelay carruuri ogaal iyo ula kac dagaal uma taageerto.

2. Midda labaad ee laga yaabo in haweenka iyo carruurtu dhammaan dagaalka uga qayb qaataan waa marka ay lagama maarmaan ku noqoto ayaga oo aan marnaba wax ikhtiyaar ah helin.

Taasina waxay imaan kartaa kolka carruurtu ayaga oo aad u yaryar ay ku dhashaan goob dagaal sida soomaliya oo kale ama ay ku koraan.

Sidoo kale haweenka ku kora ama ku dhaqma meelaha dagaalku ka socdo way bahaloobaan ayaga oo aan ogayn ama doonayn in ay dagaalka ka qaybqaataan.

Ka qayb qaadashada dagaalka jaadkan ah waa mid bulshadu ku khasabtay haweenka iyo carruurta in ay xaaladda dagaal ee taagan dhinacooda ka raacaan.

Haddii aan xaaladda soomaaliya u soo laabanno, waxaannu arkeynaa in haweenka soomaaliya kaalin xoog leh ka qaatay dagaalka, ayaga oo badanaa ay ku jiidayaan arrimo bulsho, dhaqaale iyo siyaasadeed intaba.

Sidoo kale waxaa kaalin xoog leh ka qaatay hurinta dagaalka soomaaliya carruurta, hase ahaatee iyagu way ku khasbanaayeen oo marnaba ma aysan helin fursad ay uga baxaan xaaladda dagaal ee dalka ka taagan.
BOGGA 7AAD xayaysiin
DIINTA ISLAAMKA
KITAABKA TAWXIIDKA
    Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
    1.Cinwaanka: Kitaabka Towxiidka(121 Bog)
    2. Mowduuca: Tawxiidka.
    3. Qoraaga: Sheekh Maxamad bin Cabdil wahhab.
    4. Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre
    5. Qiimaha: (US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin.
as-salafiyah al-wahhabiyah
CASHARKA 41AAD
QOFKII INKIRA WAX KA MID AH MAGACYADA IYO SIFOOYINKA EEBBE
Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri:
[Way garan nicmada Eebbe wayna dafiri, badankooduna waa gaalo] An-Naxl 83.
Mujaahid wuxuu yiri, hadal macnihiisu yahay:"(Arrinta aayadda lagu soo sheegay) waa sidi hadalka qofku leeyahay: Kani waa xoolahaygi, oo aabbayaashay baan ka dhaxlay". Cawn bin Cabdullaahina wuxuu yiri:"Waxay dhahayaan: Hebel la'aantiis sidaa ma noqoteen". Qutaybana wuxuu yiri:"Waxay dhahayaan: kani (nicmadani) wuxuu ku yimid shafeecada Ilaahyadeenna".

Abul Cabbaasna wuxuu yiri - xaddiiskii Sayd Bin Khaalid ka dib kaas oo ay ku jirtay "Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri:
Addoomadayda waxaa ka waa bariistay ku i rumeeyay iyo ku igu kufriyay ..." kaas oo la soo sheegay - Kani wuu ku badanyahay Kitaabka (Quraanka) iyo Sunnada (Xaddiiska Nabiga), kaas oo uu Eebbe ku caayay kuwa nicmadiisa cid aan asiga ahayn cusjiya oo la wadaajiya. Qaar Salafka (Asaxaabta iyo Taabiciinta) ka mid ah ayaa waxay dheheen: Taasi waa sida hadalka ay dhahaan: Dabayshu way wanaagsanayd badmareenkuna waaya arag buu ahaa, iwm ee ay dadku badanaa dhahaan.

Mas'alooyinka Casharka
Tan 1aad: Waa tafsiirka laga baxshay aqoonsiga nicmada Eebbe iyo Inkiriddeeda.
Tan 2aad: Waa in la ogaaday in arrintaas dadka badankoodu ay dhahaan.
Tan 3aad: Waa in hadalkan lagu magacaabay in uu yahay Inkiryo nicmada Eebbe la inkiray.
Tan 4aad: Waa in labada waxyaalood oo isburrinayaaahi (sida Iimaanka iyo Kufrigu) ay qalbiga ku kulmayaan.
BOGGA 8AAD xayaysiin
BOGGA DHALLINYARADA
SHEEKADII KALIILA IYO DIMNA
Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1.Cinwaanka: Kaliila iyo Dimna(119 Bog).
2. Mowduuca: Murti facwayn iyo sheekooyin qosol badan.
3. Qoraaga: Cabdullaahi bin al-Muqafac.
4.Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre
5. Qiimaha: (US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin.
somalinet logo
Qaybtii: 35aad
Baaristii Arrintii Dimna
Libaax markii uu maqlay hadalkii hooyadiis ayuu faray in shabeel loo yeero, kaas oo garsoore ahaa, markii uu yimid buu ku yiri; asiga iyo kormeerihii garta, labadiinnu garta qaada, ciidankana ogaysiiya in ay yimaadaan yar iyo wayn, oo ay eegaan arrinta Dimna, oo dawgiisa falaanqeeyaan, oo gafkiisa baaraan, hadalkiisa iyo dhabbaqadiisana ku suga buugta garsoorka, arrintaasna maalin, maalin iigu keena, markii shabeel iyo kormeerihii-garta oo libaax adeerkiis ahaa ay taas maqleen, bay dheheen garanay oo maqalnay boqorku wixii uu na faray, maalitii ay fariisteen saddex saac markii ay ka baxday, ayaa garsoorihii faray in Dimna la keeno, waana la soo taagay, oo hortiisa ayaa la keenay, bulshadiina way joogtaa.

Markii uu fariistay baa bulshada madaxeedii cod dheer ku dhawaaqay: bulshayahay, adinkuba waad ogaateen in boqorka dugaaggu uu dilkii Shitriba ka dib kuududay, uuna murugo iyo tiiraanyo badnaa, ayna u muuqato in uu Shitriba gaf la'aan ku dilay, asiga oo u tix raacay Dimna beentiisii, iyo diradirihiisii, garsoorahanna waxaa la faray in uu fariisto goobta garsoorka oo Dimna dawgiisa falaanqeeyo, ee qofkii arrinta Dimna wax ka ogaaday wanaag iyo xumaanba ha yiraahdo, bulshadaas oo dhan hortoodana ha ka sheego, si arrintiisa garsoorkeeda toos looga tix raaco, haddii uu toogasho mudanyahayna arrintiisa in la hubsado ayaa gudboon, degdegtuna ciyaar bay ka timaadaa, wadayaalka in gardarro lagu raacana waa gablan.

Kolkaas baa garsoorihii yiri: bulshayahay maqla oraahda boqorkiinna, arrintiisana wixii aad ka ogtihiin ha qarina, saddex walxaatana qariskeeda uga digtoonaada; midda hore, waana tan ugu mudane, falkiisa waa in aadan la yaabina, oo aadan yaraysana, maxaa yeelay gafaf waxaa ugu wayn in hufane lagu dilo been iyo diradiro asiga oo aan gaf lahayn, qofkii wax ka og arrinta beenlowgan ku eedeeyay hufanaha beentiisa iyo diradirihiisa, ee qariya asiga ayuu la wadaagaa gafka iyo abaal marinta.

Tan labaadina waa: in haddii gafuhu gafkiisa qaato ay taasu nabadgelyo u tahay, boqorka iyo ciidankiisuna waxay mudanyihiin in ay bixiyaan oo iska daayaan.
Tan saddexaadina waa: in aan loo dhabbaqa yeelin, gacan ku dhiiglaha ballan laawaha ah, oo dadka guud ahaan iyo gar ahaanba xiriirkooda loo gooyo.
Hadaba qofkii wax ka og dhagarrowgan arrintiisa, intaas joogta hortooda ha uga hadlo, si ay gartu dushiisa u noqoto. waxaana la yiri: qofkii nin dhintay gartiis qariya, qayaamaha xakame dab ah baa lagu xakameeyaa, ee haddaba qof waliba wixii uu ogyahy ha yiraahdo.     [Waa socotaa..]

BOGGA 9AAD!Register-It! -
 Promote Your Web Site!
HIDDAHA, DHAQANKA, SUUGAANTA IYO AFKA SOMALIDA
MACMACAANKA MURTIDA SOOMAALIYEED

Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1. Cinwaanka: Macmacaanka Murtida Soomaaliyeed.
2. Mowduuca: Murti iyo Maahmaahyo Soomaaliyeed.
3. Qoraaga: Hersi M. Labagarre
4. Qiimaha: (US$10.00) oo aan boostadu ku jirin.
Qaybtii 23aad
1. Cimri tegay ceeb laguma sagootiyo.
2. Cajir iyo caddiin baa xagaaya kaa celsha.
3. Caada la gooyaa, cara allay leedahay.
4. Caano ima soo bootine, eebbow, carun ha ii waayin.
5. Ciidanyari wax kaama dhibtee, ciidanxumo ayaa wax kaa dhibta.
6. Geel ninkii dhaqa lahaa eebbe ma siin.
7. Geel carruuri qaadday ma dheera.
8. Geel qayla xun lama dhiciyo.
9. Geel didniin loogama haro.
10. Gees lo'aad kulaylka ayaa lagu gooyaa.
BOGGA 10AAD xayaysiin
IIDHEH IYO OGAYSIIS
OGAYSIIS
Dhammaan aqristayaasha waxaan ogaysiinaynaa in aan bedelnay Hompage-kii hore ee wargayska, Hompage-ka cusub waxaad ka heli kartaan (HTTP://WWW.ANGELFIRE.COM/MS/SEJ/), hadaba booqasho wacan.
Mashruuca Abwaanka Afka, Hidaha iyo Dhaqanka Somalida
[Encyclopedia Somalica]

Please support Somali Electronic Journal
Programmed, Developed and Written by Hersi M. Labagarre
Codka Somalida Cusub, Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah, wuxuu ku soo baxaa afka Soomaaliga Maalin kasta oo Axad ah
"DHAMMAAN MAQAALADAHA WARGAYSKAN KU SOO BAXA WAXAY U TAAGANYIHIIN ARAGTIDA QORAAGA EE UMA TAAGNA UJEEDDADA WARGAYSKA"

DHAMMAAN XUQUUQDA DAABACAADDU WAY DHOWRANTAHAY

Copyright 1998 - Labagarre - All rights reserved.
Nala soo xiriir
booqo csc H. page
Saxiix B. Martida
Codso wargayska sej
Dhiibo Aragtidaada
Aqarso B. Martida
Xayaysiin
Bogaadin
Somali Forum
Free Email
Free Guest Book
Free Home Page