Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!
Gundhigga wargayska Somali Electronic Journal
Aqarso B. Martida
Taariikh: 25.7.1999
Saxiix B. Martida
BOGGA 1AAD Somali Students Association in Malaysia
ARARTA WARGAYSKA
Muqdishu somali flag
  • Si aad u dhegaysato muusikada calanka soomaaliya, masawirka calanka riix.
  • Si aad u daawato filim gaaban oo ku saabsan wadaaddada maxkamadaha muqdishu oo dad xirxiraya. Masawirka muqdishu riix.
  • Aqristayaasha Wargayska Somali Electronic Journal
    Hersi's Photo
    Aqristayaasha Wargayska oo aad u sii kordhaya
    Waa Ilaah mahaddiis, aad iyo aad ayaanna ugu faraxsanahay in ay gaareen tirada dhallinyarada sida rasmiga ah ugu tixan wargayskan in kor u dhaafaysa 400 oo qof, aqristayaasha aan ku tixnayn ee ka aqrista page-ka, tiradooda garan mayno,
    laakiin waxaa hubaal ah in ay ka badan yihiin kuwa sida tooska ah u codsaday, maxaa yeelay jawaabaha, dhaliilaha iyo sixitaanka badanaa waxaan ka helaa dhallinta aan sida rasmiga ah ugu tixnayn wargayska.
    Waa hagaah, waa arrin aan runtii aad ugu faraxsanahay, maxaa yeelay waxay tusaysaa heerka uu marayo wacyiga bulshada soomaaliyeed ee qurbaha ku nool. Intaa waxaa ii dheer in aan tilmaamo laba arrimood oo aad muhiim u ah.

    Cudurdaarasho iyo bog cusub oo la furay!
    Tan hore, waa in aan uga cudur daaranayo, aqristayaasha aan wargayska ku tixnayn, ayada oo ii suurta geli waysay labadii toddobaad ee la soo dhaafay in aan wargayska cadadkii ugu dambeeyay soo gelsho "Homepage-ka" maxaa yeelay mashquul ayaan aad u ahaa, haddiise Ilaahey yiraahdo toddobaadkan waxaad wargayska ka heli kartaa (http://www.angelfire.com/ms/sej/) ama (www.somali.camels.com/) oo ah URL cusub oo aan furnay.

    Arrinka labaad waa, in ay jiraan dhallinyaro horey wargayska ugu tixneed, oo ay email-ladoodii inaga lumee sababo farsamo awgeed. Haddaba dhallinyarada waxaan ka codsanayaa haddii aysan wargayska helin in ay email ii soo diraan oo ay isoo ogaysiiyaan, maxaa yeelay waxaa laga yaabaa in uu emailkoodii iga lumay ama uu mashaakil kale oo xag farsamo ah ay haystaan.

    Dhallinyarada Buugta iga codsatay
    Waxaa kale oo jiray dhallinyaro iga codsatay in aan u soo sheego qiimaha buugta aan wargayska ku fidinnay qaarkood, ma illoobin ayagana, waxaanna rejaynayaa in aan mar dhaw soo saaro liis ku saabsan qarashka boostada halkii garaamo, dalalka soomaalidu ku noolyihiin qaarkood, marka raalli ha iga ahaadeen inta aan howshaas dhamaynayo.

    Form Cusub oo aan wargayska ku lifaaqnay
    Ugu dambaystii waxaan jornaalka toddobaadkan ku soo lifaaqay (Form) mid kalena waxaan gelinnay Page-ka, midka jornaalka la socda waxaan ugu tala galnay aqristayaashu in ay aragtidooda ku soo qoraan, wixii sixitaan ah ama talo iyo tusaale ah.

    Midka Page-ka ku jirana waxaan ugu talo galnay in ay adeegsadaan dhallinyarada doonayso in ay codsadaan wargayska, waxayna taaban karaan meesha ay ku taallo (Subscribe SEJ) marka ay tagaan page-ka (http://www.somali.caamels.com) ama (http://www.angelfire.com/ms/sej/).
    Somali Forum
    Free Email
    Free Guest Book
    Free Home Page
    BOGGA 2AAD
    la xiriir Xaji Yusuf
    Faallada Warka
    Waxaa Qoray: Hersi M. Labagarre

    Dhebedey Geedgal!!
    Dhebedeey Geedgal!! waxaan u malaynayaa in aanuu jirin nin soomaaali ah oo aan dhebed garanayn, shimbir aan aad u duulin oo duurka iyo ayda ku nool, kolka jabaq colaadeed ama shaq dareemo, haddii ay ka fogtahay wuu qalshaa, si uu dhebedda kale ee qaraabadiisa ah uga digo qatartaas soo fool leh.

    Laakiin marka uu jabaq dhaw maqlo ama uu dareemo in qatartu dhawdahay oo ay asiga ku soo fool leedahay, ma qaylsho ee geedka geed ugu dhaw ayuu galaa oo wuu dhabbacdaa. Soomaalidu waxay weedhan "dhebedeey geed gal" ugu maahdaa, qofka xaaladdu ku xuntahay ee qatari ku soo dhawaatay, macnaha waxay ka wadaan, goor la hadlo lama joogo, sida dhebed maqlay qaylo ka fog oo aan markaas qatar ku hayn, ee meel aad ku dhakato ayaa la raadsadaa haddii qatartu soo dhawaato.

    Dhebedeey Geedgal, Caydiidow Godgal
    Sida aan wararka ka maqalnay, toddobaadyadii la soo dhaafay, Ina Caydiid faan iyo booto ayuu daldalayay oo wuxuu lahaa wax baan laynayaa oo Xabasho ayaan Cayrinayaa, toddobaadkii hore waxaa la dilay nin kornail ahaa oo wadaaddada Itixaadka ee asiga gacansaarka la laa ee uu ku adeegan jiray.

    Toddobaadkanna waxaa la dilay lataliyayaashiisa gaarka ah nin ka mid ah, oo la sheegay in uu aabbihiis saaxiib la ahaa, nabadgelyada Ina Caydiid laftiisana in muddo ah ka shaqaynayay.

    Caydiid raadkii Cali Mahdi ma raaci doonyaa?
    Cali Mahdi buuggiisii wuxuu laabmay dhowr bilood kahor, kadib markii niman qaraabadiisa ah ilaah ku sallidday oo ay aqalkiisii boobeen, kadib markii ay ogaadeen khayaanada iyo dulmiga uu tolkiis ku hayo bal soomaali kale daaye.

    Ilaah baa shartiisa soomaali uga raaxeeyay oo maanta asiga ayaa taagan "dhebedeey geed gal" dhowr bilood hadalkiisa lama maqal, marka waxay u egtahay in uu is dhiibay.

    Waxaa marka soomaali u haray Ina Caydiid, oo laga yaabo, sida arrimuhu u janjeeraan, in Ilaahey soomaalida asigana uga raaxeeyo oo shartiisa soomaalida ka qabto, maxaa yeelay, belada iyo dagaalka iyo boobka asiga iyo aabbihiis iyo Cali mahdi ayaa aabbe u ahaa.

    Waxaan warka ku soo gabagabaynayaa, sidii uu yiri, gabyaygii Murusade "Haddii Siyaad Sagaal dilay, oo Saalx gabar qaatay, Cumar Aadan waa siganyahee, Samir alluu daaya. Haddii Korneel Iraad la dilay, oo Xirsi Caweeye la raacshay, Ina Caydiid wuu siganyahee Samir alluu daaya.

    Waxaa hubaal ah in haddii labadaa nin dalka ka dhintaan soomaali Ilaahey ferej u furi lahaa, maxaa yeelay beladu ayaga ayay ka billaabatay ayaga ayayna ku dhamaanaysaa. Aqristow xasuuso, anigu qabiil ka hadli maayo ee ashkhaas baan ka hadlayaa, labadaa nin qabiilkoodii intay dhibeen iyo inta ay soomaalida kale dhibeen waa isla egyihiin.

    WARARKA SOOMAALIDA
    Kalkaaliye abaanduule oo Muqdishu lagu dilay
    July 23 1999 (AP News Service), Nin ka mid ahaa kalkaaliyayaasha waawayn ee Xuseen Caydiid ayaa maalintii jimcaha ee la soo dhaafay lagu dilay magaalada Muqdishu, kadib markii ugu yaraan shan dabley ah ay xabbad ku fureen baabuurkiisii asiga oo ka soo baxay aqalkiisii ku yiil koofurta magaaladda Muqdishu, sidaa goobjoog ayaa sheegay.

    Nimankaa deblayda ah waxay toogteen ninkaas la dhihi jiray Xirsi Mohamed Barkhadle, oo loo yaqaan Xiri Caweeye, dabadeedna maydkiisii soo jiideen oo gaarigiisii ku baxsadeen. Xirsi Caweeye oo ku noolaa dhanka koofureed ee magaalada Muqdishu ee uu maamulo Xuseen Caydiid, kaligiis ayuu gaariga saarraa.

    Goobjooggu waxay sheegeen in dablaydu markii ay ninkaa dileen gaarigii ula baxsadeen dhinaca waqooyi ee magaalada ee uu xukumo Cali mahdi. Sababta ka dambeysay weerarkaas lama yaqaan. Xirsi Caweeye wuxuu ahaa gacanyare aad ugu dhaw Caydiid, Xuseen aabbihiis.

    Warar sheegaya Dagaalkii Kismaayo oo sii Xoogaystay
    July 23 1999 (AP News Service), Dagaalladii ka socday Kismaayo ayaa la sheegayaa in ay sii xoogaysteen maalintii jimcaha ee la soo dhaafay, sida uu sheegay nin u hadlay jabhadda jeneral Maxamad Saciid Xirsi Morgan.

    Sida la ogyahay, bishii la soo dhaafay ayaa ciidanka Morgan laga saaray Kismaayo, waxaana qabsaday jabhad mareexaan oo gacan saar la leh Xuseen Caydiid, uuna hoggaaminayo jeneraal Axmad warsame, waxaana lagu tuhunsanaa in ay Eritrea kaalmo ka heleen.

    Nin arrinkaas ka haddlay oo magaciisa aan la sheegin ayaa wuxuu asiguna sheegay in ciidanka Morgan dhaawacyo waawayn ka soo gaareen dagaal culus oo socday laba maalmood.

    Gabar Somali ah iyo laba kale oo ku guulaystay in ay iska dhiibaan Ingiriiska
    Friday, July 23, 1999(BBC), Maxkamadda rafcaanka dalkaasi Ingiriiska ayaa gar u siisay saddex qof oo kala ah mid Somali ah iyo mid Jasaairi ah iyo mid sirilanka ah, in ay qaxooti ahaan isaga dhiibaan Ingiriiska.

    Qaalligii maxkamaddu wuxuu diiday dacwo uu soo oogay qareenka dalka Ingiriiska asiga oo ku dacwiyay in dadkaasi ay soo mareen wadanka Jarmalka iyo Faransiiska ayna la gudboonayd in ay halkaas iska dhiibaan, hase ahaatee, qaalligu wuxuu arrinkaas uga jawaabay; qareenku wuu qaldanyahay, maxaa yeelay waxaa laga yaabaa in waddamadaasi dib ugu celinlahaayeen saddexda qof haddii ay halkaa iska dhiibi lahaayeen.

    Weriyaha BBCda u qaabilsan xagga arrimaha xeerka ayaa sheegay in arrinkaas laga yaabo in uu saameeyo xaalad hadda hortaalla barlabaanka Ingiriiska oo ku saabsan , in waddamada kale ee ku jira bahda reer Yurub ay ayaguna u turaan qaxootiga sida Ingiriiska oo kale.

    Qaanuunka Jarmalka iyo Faransiiska ee qaxootigu waxaa shardi u ah in uu qofku ahaado qof dowladi qatar ku hayso, laakiin qaanuunka Ingiriisku wuxuu ogol yahay in uu iska dhiibo Ingiriiska dhexdiisa qofku haddii ay qatar ku hayaan kooxo aan dowlad ahayn ama dowladda lafteeda.

    Luul Aadan oo soomaaliya dagaalka ka jira ka soo carartay waxay soo martay Jarmalka sanadkii 1997kii, maxaa yeelay qoladeeda waxaa qatar ku hayay kooxihii hubeysnaa ee dowladdii hore riday.

    Qareenka dacwada weday wuxuu sheegay in uu damacsanyahay in uu go'aankaas maxkammada rafcaan ka dhiibo, maxaa yeelay arrinkaasi wuxuu saameynayaa mustaqbalka dad badan oo qaxooti ah oo ku nool dalka Ingiriisak.

    Waxaa kale oo wararku sheegayaan in ay dad badan oo ku bannaanbaxayay rafcaankaas uu qareenku mudaaharaad wayn oo ay arrinkaas uga soo horjeedaan dhigeen.

    BOGGA 3AAD
    BOGGA GANACSIGA IYO DHAQAALAHA

    Sarrifka lacagaha dalalka badanaa soomaalidu deggantahay.
    Taariikhda sarrifka 25.7.1999ka.
    Dalka Lacag US$1 =
    Qatar Rial 3.639
    Bahrain Dinner 0.3769
    Kuwait Diner 0.3071
    Switzerland Frank 1.5683
    Malaysia Ringit 3.800
    Dalka Lacag US$1 =
    Somalia Shilling 9620
    Djibouti Frank 177.72
    Syria Lire 45
    Sudan Diner 247.10
    Yemen Riyal 148.15
    Dalka Lacag US$1 =
    Australia Dollar 1.5082
    Thailand Bahat 36.95
    Canada Dollar 1.4698
    England Pound 0.6418
    Europe EURO 0.9789
    Dalka Lacag US$1 =
    Saudi Riyal 3.750
    U.A.E Durham 3.672
    Oman Riyal 0.3849
    Egypt Pound 3.410
    Iraq Diner 0.3109
    BOGGA 4AAD Anglefire Free Email
    BOGGA QUBANAHA
    Dowladda Sudan oo ka baqaysa xasillooni darrida reer koofurka
    July 23, Sudan, warar ka imaanaya dalkaasi Sudan ayaa sheegaya in ay dagaallo sokeeye oo is barabixin aahi ka dheceen gobalka al-wuxda, lagana cabsi qabo in dagaalladaasi ku soo fidaan caasimadda la-Khartuum.

    Dagaalladaasi waxay dhexmareen kooxaha asalkoodu reer koofurka yahay, iyo kuwa asalkoodu carabta yahay, ee isla deggan gobalkaas, wxaana la sheegayaa in gobalkaasi yahay gobalka ugu hodonsan dalkaasi Sudan.

    Jabhadda u dagaallanta xoreynta koofurta Sudan iyo dowladda wadahadalladii u socday ayaa dhawaan fashilmay, hase ahaatee, wali lagama quusan in waan waan nabadeed ay dhex marto labada kooxood ee halkaas isku haysta.

    Dalgaalka kooxahaas dhexmaray wuxuu ku soo fiday caasimadda al-Khartuum gaar ahaan dhinacyada ay deggan yihiin dadka reer koofurka ah, waxaana la sheegayaa in ay dowladdu ciidan nabadgelyo oo aad u farabadan halkaas ku fidisay.

    Waxaa dowladda Sudan ay dhawaan ka soo saartay goballada dhinaca koofureed xiga batrool aad u badan oo loo malaynayo in ay iib gayn doonto, hase ahaatee waxaa loo baahanyahay sidii loo ilaalin lahaa nabadgelyada dhulkaas badroolka laga soo saarayo.

    Boqorkii Marocco oo geeryooday
    Boqor Xasankii 2aad ee Marocco ayaa la sheegay in uu geeryooday shalay, kadib markii uu dhowr maalmood isbitaal ku jiray. Boqorka waxaa la sheegay in sanbabbadiisa meelo ka mid ahi fasas ku fiday dabadeedna isbitaal loola cararay, hase ahaatee, uu bogsan waayay.

    Wiilkiisii Maxamad oo loo malaynayo in dhawaan loo caleema saari doono boqornimada daalkaas ayaa dadwayanaha reer marocco ku guubaabshay in ay isku tiirsanaadaan oo midnimada ilaalshaan.

    Dalkaasi Iran oo xiisad siyaasadeed oo ba'ani ka taagantahay
    32 July London(alhayat), Dalkaasi Iran maalmahan waxaa ka socday xasillooni darro siyaasadeed oo ba'an, waxaana hardan xumi ka dhextaaganyahay kooxaha wadaaddada ah ee ku dheggan madhabtii Aayatullaahi iyo kooxaha taageersan Madaxwayne Khataami ee doonaya in ay waddanka dhinaca reergalbeedka u janjeershaan.

    Madaxwayne Khataami wuxuu toddobaadkan sheegay in ay ka dambeeyaan qalalaasahaas dowlado ay ka mid tahay Turkiya, wixiina ku eedeeyay in ay soo hubaynayaan kooxaha nabadgelyada Iran qatarta ku haya.

    Si kastaba arrinku ha ahaadee, waxaa nimanka xaalka dalkaas indhaindheeya filayaan in dowladda maraykanku taageeri doonto nidaamka Khataami ee loo malaynayo in uu u janjeero dhinaca dimuquraadiyada.

    Laakiin waxaa muuqata in maraykanku doonayo in Khataami marka hore dareemo in uu khatar ku jiro una baahanyahay kaalmada maraykanka, sidaa darteed Turkiya ayaa loo adeegsaday in ay cariiri geliso maamulka Khataami.

    Marka Khataami soo rukuuco ayaa kolkaa laga filanayaa Maraykanka in uu taageero siiyo Khataami, si uu uga guulaysto nimanka dagaalka ku haya ee wadaaddada u badan.
    BOGGA 5AAD la xiriir Sadiq Hashi
    BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA
    MADAXWAYNE HA LAYGA DHIGO!
    Faahfaahin ku saabsan kitaabkan
    Cinwaanka: Madaxwayne ha layga dhigo!
    Mowduuca: Waa kitaab afsoomaali ku qoran oo ka hadlaya sida qola kasta oo ka mid ah qabiilooyinka soomaalidu ay isugu dayday in ay madaxwayne dalka u noqdaan.
    Qoraaga: Qaasim Hersi Farah(Duullaanjecel).
    Qasim's photo
    Qasim Hersi
    DAMBIGA GUUD EE FIDNOOLAYAASHA
    Waxa uuba sharcigu eedaynayaa kii intuu arkay naf go'aysa aan isku taxalujin bad baadinteeda ee hortii uga dhaqaaqay, Waxaana tan lagu yiraahdaa qaanuunka caalmaiga ah af qalaad ahaan (action and inaction ama doing and allowing), oo waxa ay la mid tahay qaade iyo qarshe.

    Qoraa ahaan mawqifka aan arintan ka taaganahay waxa uu yahay is la sida ay dad badan oo walaaladey ihi ay ka taagan yihiin oo ah;

    Eedaysanayaashu waa dambiilayaal aan dacwadooda xukun u go'a laga heli karin waqtigan dunida, maxaa yeelay haddii la dilana weli lama goyn tii ay galeen oo malaayiin naf baa weli xaqoodii ku sii harayaa, haddii mag laga qaadi lahaana shey xalaal ah oo ay haystaan baan jirin, sidaa awgeed waxaan leeyahay ha la isu daayo iyaga iyo abuurahoodii isaga ayaa ka aari doona oo garanaya habka uu uga gudayo xaqqii aadanaha ee.

    Marka aan ka eegnase arinta xagga dambiyada la kala galay ee naf iyo hantiba leh, waa hubaal in rux waliba uu farta hoos ka qaniinayo oo uu soo xasuusanayo noocyo hanti oo laga dhacay, ha ahaatoo hanti yar ama mid weyn tay doonta ee, hase ahaato mid guurto ah ama mid aan guurto ahayne, hase ahaato mid muuqata ama mid aan muuqane. Sidoo kale ha ahaato mid shan cad looga qaaday ama mid dayac looga baylihiyeye, guud ahaanba waxa aan laga fursanayn in si rasmi ah la isaga illaawo wixii hanti ah.

    Si taa la mid ah, waxaan la hurayn in ruux walbaa uu iska illaawo guud ahaanba intii walad iyo walaal uu waayey. Haddaba taas oo dhami waxa ay lagama maarmaan ka dhigaysaa in la adeegsado sabir iyo calool adkaysi, tiiyoo lagu qancayo in ay taasi haysato ruux kaste oo Soomaali ah, balse ay haysato ruux kaste oo hawlo Soomaali ku lug lahaa.

    Xagga hab dhicii dagaalladii ka holcay xarunta dalka, eedeeda lama hayo cid kale oo loo saariyo, keliya fidnoolayaasha ayey eeddu isugu soo aruuraysaa, waxaana hubaal ah in ku kaste oo arkayey kuwii dagaallamayey uusan waxba eedeeyeen iyaga ee uu isku dayi lahaa sidii uu iyaga qudhooda uga badbaadin lahaa silica ay ku noolyihiin, uuna lacnad dusha uga ridi lahaa kuwii soo adeegsaday wax ma garatadaas bahaahinka lagu xisaabi karo oo naftooda iyo nafta dadka kaleba gubay.

    Sidaa awgeed laguma qiyaasi karo dagaalkii Muqdisho ka dhacay gaar ahaantiisa mid ay qabiillo isaga hor yimaadeen, mana ahayn dawlad iyo shacab is dagaalay ee keliya waxa uu ahaa; Reer baadiye reer magaal cinqilaabay, markii dambana wuxuu ahaa; tuugo maato boobaysa. mar uu aqoonyahanka weyn ee Soomaaliyeed Shariif Cabdi Nuur oo yimid (six street mosque - Nairobi) ka hadlayey dagaalkaan oo uu goob joog u ahaa ayuu ku sifeeyey caynkaas.     [Waa socotaa...]

    Halgankii dheeraa ma hal bacaad lagu lisaa?!

    F.G: Waxaan aqristayaasha sharafta leh ogaysiinaynaa in Mr. Ibraahom Macallin Murasal, lagala xiriiri karo emailkan cusub, wixii hadda ka dambeeya. email:(mursal@gelrevision.nl), waxaa kale oo aad riixi kartaa bannerka kore si aad ula xiriirto.
    XUSKA KOWDA LUULIYO!
    Waxaynu ku soo barbaarnay in Kowda Luulyo aan xusno dhalashadii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed iyo isku-darka labada Geyi ee Waqooy iyo koonfur. Hase ahaatee dhaqankeenu wuxuu u badnaa in aan la xusin sanadguurada dhalashada ee waxaynu xusi jirnay sanadguurada geerida qofka ee ka soo wareegtay. Haddase garanmaayo xuska Luulyo ma xus dhalashaa mise waa xus geeriyaad. Miyaan u barooranaa nidaamkii Dowladeed oo raqdiisa weli aan dul gabraaran nahay oo aan garan la'nahay wixii nagala gudboon.


    Qaabka Dhalashada Dowlad Soomaaliyeed:
    Sida la ogsoon yahay bulsho kasto waxay u kobocdaa si dabiici ah iyada oo soo marayso maraxalado is bed-beddel ah; is bed-bedelka ha ahaado mid ku yimaada dhaqan-dhaqaalaha bulshada, nidaamka iyo xeerarka iyo is-dhaafsiga macaamalaadka bulshada kale. Ilbaxnimada iyo is- xiriinta bulshada wayn ee dunida iyo dheeraynta qalabka loo adeegsado ayaa badanaa keenaya, baahi is-beddel, si loola talaabo qaado xawliga xadaarada. Hase yeeshee is-bed- beddelka aan kor ku soo sheegnay markastaaye waa silsilad xiriirta oo xididda ku leh hiddaha iyo dhaqanka ummadda.

    Matalan dimuqradiyada Galbeedka (oraah ahaan iyo micno ahaan) waxay ka soo jeedaa dhaqankooda soo jireenka ahaa, wuxuuna halka maanta joogo uu ku soo gaaray iyadoo waqtiba waqtiga ka dambeya aragtiyo cusub, fikrado cusub ku soo kordhayeen. Xuub-siibasho ayuu ku soo koray. Qofka reer-Galbeedka, marka dhib kuma aha inuu fahmo kalmadda dimuqradiyada nuxurka ay xambaarsan tahay. Laakiinse marka arintu noqoto guud ahaan dunida wa in ay ku dhaqantaa mabaadii'da dimuqradiyada ,waxay noqonaysaa marka hore in lays weydiyo horta Kalmaddaasi waxa ay tahay. Waa in loo helaa kalmad macnahaasi xambaarsan oo qolo walbo isir ahaan ay ku hiran karto.


    Duruufaha Nidammka dhaliyay
    Arintu ma aha tarjumad amase barasho dersi lagu qaato ee waa dareen xididdada ummadda waraabiya, taariikh ahaan, dhaqan ahaan, anshax (ethic) ahaan, xeer ahaan iyo caqiidad ahaan. Sida ay tahay aragtida caanka ah (classical) ee astaamaha Qaranka lagu gartaa ee saddexda ah:

    1. Dhul xuduudihiisa tilmaaman yihiin. 2. Dad amase Shacab xuduudahaasi dhexdooda ku nool iyo 3. Nidaam sharci ah ee lagu wada dhaqmo. Haddaba sida horay loo yiri, nadariyada (theory) iyo xaaladda jirta amaseba waaqica (reality) marne isuma noqdaan sida "haan iyo haruubkeeda" oo mar kasto waxaa loo baahdaa jaan-gooyo (adjustment) dambe.

    Mitaal ahaan Dalka Soomaaliyeed wuxuu leeyahay xuduudo la aqoonsan yahay oo Caalami ah, hase yeeshee Soomaalida (Shacbi ahaan iyo Dowlad ahaan) waxay u aqoonsan yihiin xuduudahaasi in ka sii ballaaran (ma aha arinta aaminsanaan ee waa aqoonsi), taasi oo micnaheedu tahay in qorsha Dowladeedka ay qayb ka tahay.

    Dadka amase Shacbiga Soomaaliyeed oo beesha caalamiga u aqoonsan tahay in xuduudo tilmman inta ku nool, Dadka amase Shacbiga Soomaliyeed sidii xuduudaha oo kale wuxuu aqoonsan yahay, Shacbiga Shanta Soomaaliyeed halka ay ku nool yihiin. Dad xuquuq iyo waajibaad siman leh. Hase yeeshee nidaam Dowladeedka xagga ugama tallaabi karo xuduudda caalamka aqoon sanyahay.

    Arintu waa Kaaf iyo kala dheeri. Haddaba nidaamka caynkaasi ahi marna uma suurtoobayso in uu xal u helo baahida qorshe hormarineed iyo casriyeen ee Qaranka la doonayo in la dhiso. Qaab (process) dhismeedka nidaamkan haddi aynu hoos u eegno, waxaan arkeynaa in uu dhawr marxaladood uu soo maray:

    1. Marxalad gogol-xaar ah: Marxaladdaan waxaan ka soo qaadanaynaa, markii ay u suurtowday Laba Geyi oo ka mid ah Shanta Geyi Soomaaliyeed in ay ka wada hadlaan Dowlad Soomaaliyeed iyaga u gaar ah in ay samaystaan, dabadeedna u hawlgalaan saddexda Geyi kale soo hooyintooda.

    Kuwaasi waa Geyiga Waqooyi oo loo yiqiin British Protectorate of Somaliland iyo Geyiga Koonfureed oo loo yuiqiin Italian Trust Territory of Somaliland. Ergooyin lagu soo xulay rabitaanka dadka labadaasi Geyi ku nool, ahna xildhibaano la soo doortay, ayaa bishii April 16 - 22, 1960 ku qabteen magaalada Muqdisho Shirweyne loogu gogol xaaraya midnimada iyo gobonimadaUmmadda Somaliyeed.

    Waxaane lagu hishiyay oo laysku gacansaaray in Labada Geyi aymidoobaan laga bilaabo bisha Luulyo Kowdeeda 1960ka iyo in ay isku noqdaan Dowlad hal- qura (unitary) ah, Barlamentari (Parlamentary State) ah, lana magac baxda Jamhuuriyadda Somaaliyeed, "La Repubblica Somala". Jamhuuriyadda waxay yeelanaysaa Madaxweyne Baarlamaanka uu soo doorto.

    Xildhibaanada baarlamaanada labada Geyi isku darkooda ayaa isku noqonaya Baarlamaanka Qaranka "Assemblea Nazionale". Muqdisho waxaa lagu hishiyay in ay noqoto Caasimadda Jamhuuriyadda iyo Xurunta Dowladda. Hishiiskan waxaa loogu magacdaray Cahdigii Muqdisho.

    Waxaane ugu dambayntii hishiiskan Midnimada lagu sharciyeyay Cahdi Ballanxir "Act of Union" oo golaha Baarlamaanka Qaranka ansaxiyay Bisha Jannayo 31deeda 1961kii, isaga oo dhaqangelkiisa loo riddiyeyay "retroactive effect" Kowda Luulyo, 1960ka.

    Sidaas ayay 1da luulyo 1960kii lagu gaaray midnimo buuxdo oo sharciyaysan, taas oo ku timid rabitaanka labada shacbi, kuna dhalatay Jamhuuriyadda Somaalia oo midaysan, oo leh hal Madaxweyne, hal Baarlamaan iyo hal Xukuumad.     [Waa socotaa..]

    BOGGA 6AAD la xiriir Ibraahim Salah (for free copy)
    BOGGA HAWEENKA
    Dayaxgacmeedkii Maraykanka oo Naag hoggaamiye looga dhigay
    Waxaa weriyayaasha iyo nimanka hadallada falaanqeeya, sheeko ka dhigteen maalmahan, gabadha loo dhiibay dayaxgacmeedka Maraykanka ee doraad duulay kadib markii laba jeer la ha kiyay kicitaankiisa.

    Gabadhaas oo ah korneyl, waxay mas'uul ka tahay hoggaaminta iyo nabadgelayada shaqaalaha cirbixiyeenka ah ee saddexda qofood ah ee la saararn diyaaraddaas, oo ka mid yahay nin faransiis ah.

    Waxaa la is waydiiyay maxaa keenay in Ameerika ay maanta u dhiibto diyaarad dayaxgacmeed naag, ayada oo la ogyahay in naagaha Ruushku ay ka qayb qaateen cirbixinta sanadkii 1963kii.

    Hadda ka hore, 1986kii ayaa naag macallimad ahi raacday diyaaraddii shellenger, taas oo dhowr ilbiriqsi kadib markii ay kacday kadib cirka ku qaraxday, cirbixiyeenkii weday oo dhanna ku dhinteen.

    Oday beeraleey ah oo maraykan ah ayaa su'aashaas la waydiiyay, goormaa haweenku ragga ka hormaraa, markaas buu ku jawaabay "marka dhulku miinaysanyahay!".
    Dayaxgacmeedkaas ay gabadhu hoggaaminayso wuxuu cirka ku maqnaan doonaa 5 maalmood. Waxaan leenahay allaha soo sama aruursho, si aan naagaha maraykanka loo eedeyn mar labaad!!.
    BOGGA 7AAD xayaysiin
    DIINTA ISLAAMKA
    KITAABKA TAWXIIDKA
      Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
      1.Cinwaanka: Kitaabka Towxiidka(121 Bog)
      2. Mowduuca: Tawxiidka.
      3. Qoraaga: Sheekh Maxamad bin Cabdil wahhab.
      4. Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre
      5. Qiimaha: (US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin.
    as-salafiyah al-wahhabiyah
    CASHARKA 43-44AAD
    WAXII KU SOO AROORAY QOFKII AAN DHAARTA EEBBE KU QANCIN
    Ibn Cumar, asiga iyo aabbihiiba Allaha ka raalli noqdee, waxaa laga soo weriyay in Nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, uu yiri:"Ha ku dhaarana aabbayaalkiin. Qofkiise loogu dhaarto Eebbe ha rumaysto. Qofkii Ilaah loogu dhaartana ha ku raalli noqdo. Qofkii aan ku raalli noqonna Eebbe ka mid maaha"{Ibn Maajah}.

    Masalooyinka Casharka
    Tan 1aad: Waa in la isu diiday in lagu dhaarto aabbayaasha.
    Tan 2aad: Waa in la faray in qofka loogu dhaarto Eebbe uu ku raalli noqdo.
    Tan 3aad: Waa in loo gooddiyay ciddii aan ku raalli noqon.

    CASHARKA 44AAD
    WEEDHA "HADDII EEBBE IYO ADIGU AAD DOONTAAN"
    Qutayla waxaa laga sheegay "in nin Yahuudi ah uu u yimid Nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, kolkaas buu yiri: Adinku shirki baad falaysaan. Waxaad leedihiin: Haddii Eebbe doono adiguna aad doonto, waxaa kale oo aad dhahaysaan: Kacbadaan ku dhaartay.

    Kolkaas baa Nabigu naxariisi korkiisa ha ahaatee, faray in haddii ay doonaan in ay dhaartaan ay yiraahdaan: Eebbaha Kacbada ayaan ku dhaartay. Iyo in ay dhahaan: Wixii Eebbe doono, ka dibna aad doonto"{Nasaa'i}.

    Wuxuu sidoo kale ka soo weriyay Ibn Cabbaas Allaha ka raalli noqdo asiga iyo aabbihiiba e',"In nin Nabiga naxariisi korkiisa ha ahaatee, ku yiri: Waxii Eebbe doono adiguna aad doonto, kolkaas buu yiri (Nabigi): Ma Ilaahay baad Fil iiga dhigtay?, Waa wixii Eebbe doono kaligiis".

    Ibn Maajana wuxuu Dufayl - Caa'isha walaalkeed ku hooyo ah - ka soo weriyay in uu yiri:"Waxaan ku riyooday, anigoo u imid qolo yahuud ah, kuna iri: Rag baad tihiin, waxaadse dhahaydaan: Cusayr waa ina Eebbe. waxay dheheen: Adinkuna Rag baad tihiin, Waxaadse dhahaydaan: Wixii Eebbe doono Muxamadna doono.

    Kadib baan haddana soo maray qolo Nasaara ah, oo iri: Rag baad tihiin, waxaadse dhahaydaan Ciise waa ina Eebbe.
    Waxay dhaheen: adinkuna Rag baad tihiin, waxaadse dhahaydaan: Wixii Eebbe doono Muxamadna doono.

    Kolkii aan waabariistay ayaan cidii aan u sheegi karay u sheegay, kadibna Nabiga naxariisi korkiisa ha ahaatee ayaan u imid kolkaas baan u sheegay, kolkaas buu yiri: Cidna miyaad u sheegtay.

    Waxan iri: haah, Wuxuu yiri: Kolkaas buu (Naabigii) Eebbe u mahad naqay oo ammaanay, kaddibna yiri: Intaa ka dib, Dufayl wuxuu arkay riyo taas oo uu u sheegay ciddii uu u sheegay ee idinka mid ah, adinkuna waxaad dhahdeen weer ay ii diiddanayd sidaa iyo sidaa in aan idinka reebo, ee ha dhihina: Eebbe wuxuu doono oo Maxamad doono, waxaadse dhahdaan: Wixii Eebbe oo kali ah doono"


    Masalooyinka Casharka
    Tan 1aad: Waa in Yahuuddu ay garanayaan shirkiga yar.
    Tan 2aad: Waa sida uu qofku wax u fahmayo haddii uu ulajeeddo leeyahay. Tan 3aad: Waa Weedha Nabiga Nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,"Ma Ilaahay baad Fil iiga dhigteen", kolka maxaa arrintiisu noqonaysaa ninkii yiri:"Cidaan ku baxsado ma lihi, Adiga mooyaane" iyo labada bayd ee ka dambaysa.


    Tan 4aad: Waa in kaasi (hadalka) uusan shirkiga wayn ka mid ahayn, sida uu Nabigu u yiri:"Sidaa iyo Sidaa ayaa ii diidday in aan idinka reebo".
    Tan 5aad: Waa in riyada wanaagsani ay waxyiga ka mid tahay.
    Tan 6aad: Waa in laga yaabo in ay sabab u noqoto sharciyayna axkaanta qaarkeed.
    BOGGA 8AAD xayaysiin
    BOGGA DHALLINYARADA
    SHEEKADII KALIILA IYO DIMNA
    Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
    1.Cinwaanka: Kaliila iyo Dimna(119 Bog).
    2. Mowduuca: Murti facwayn iyo sheekooyin qosol badan.
    3. Qoraaga: Cabdullaahi bin al-Muqafac.
    4.Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre
    5. Qiimaha: (US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin.
    somalinet logo
    Qaybtii: 37aad
    Baaristii Arrintii Dimna
    Madaxii doofaarada ayaa yiri: ma aniga ayaad eraygaas igu leedahay, oo aad kulankaas igula kulmaysaa?. Dimna: haa, dhabta ayaanna kaa sheegay, adiga ayaanna u danleeyahay, jiisyahow jabani, oo lugta qalloocani, oo uuska buuran, oo xaniinyaha dheerre, oo faruuryaha jeexan, oo aragga iyo sheegga xun leh.

    Kolkii Dimna intaa yiri, madaxii doofaarada foolkiisii ayaa doorsoomay, wuuna xishooday, carabkiisiina walagwalageeyay, gabraday oo gaaxday dadaalkiisii, Dimna ayaa markii uu arkay jabkiisa iyo ooyintiisa yiri: waxaa kula gudboon in ooyintaadu dheeraato haddii boqorku qurmoonkaaga iyo xumaatadaada arko oo uu jikadiisa kaa eryo, oo uu golihiisa kaa dhaqaajiyo.

    Kadibna dawac magaciisa [Roosuba] la yiraahdo ayaa asiga iyo Kaliila walaltinimo iyo wax wada qabsi ka dhexeeyay, wuxuuna faray in uu aruuriyo oo ogaysiiyo waxa labadaas dhex maraya, dawacii ayaa is taagay, oo libaaxii u galay si cadna uga sheekeesay sheekadii oo dhan, kolkaas ba libaaxii faray in jikadiisa laga eryo madaxa doofaarada, waxaa kale ee uu faray in uusan u soo gelin oo uusan foolkiisa tusin, waxaa kale ee uu faray in Dimna shookiga loo celsho ayada oo maalintii inteedii badnayd ay baxday, dhammaan wixii dhacay oo ay yiraahdeen isaguna yiri waa la qoray oo shaabaddii shabeelka ayaa lagu shaabadeeyay qofwalibana aqalkii buu u noqotay.

    Intaas ka dibna dawac magaciisa la yirahdo Roosuba oo asiga iyo Kaliila walaaltinimo iyo jacayl ka dhexeeyay, libaaxa agtiisana garab buu ku lahaa deeqsina wuu u ahaa, waxaase dhacday in Kaliila murugo qabatay asiga oo walaalkiis u naxaya walaalkiis iyo naftiisana u digtoon, wuuna jirraday oo dhintay. dawacii ayaa aaday Dimna oo u sheegay geeridii Kaliila, wuuna ooyay oo tiiraanyooday, wuxuuna yiri: dunidan maxaan ku sameeyaa, kadib haddii uu dhintay walaalkii doorka ahaa!, waxaanse eebbe ku mahadinayaa in Kaliila intii uusan dhiman iiga reebay xigtada walaal adiga oo kale ah, waxaanna ku kalsoonahay eebbe mahaddiisa iyo samafalkiisa dartood, sida aan kaa arkay, xagga daryeelkayga iyo sida aad ii garab joogto.

    Waxaanna ogaaday in aad tahay higsigayga iyo hoygayga waxa kan aniga i haysta, waxaanna kaalma ahaan kaaga doonayaa in aad meel hebla aaddo oo aad eegto waxa aan ku dhurnay aniga iyo walaalkay dhagarteenna iyo dadaalkeenna iyo ogolaanshaha eebbe oo aad iisoo qaaddo, dawacii wuxuu yeelay wixii Dimna ka codsaday, kolkii xoolihii gacanta laga soo saaray ayuu kala bar siiyay oo ku yiri: adigu libaaxa u geliddiisa iyo ka soo bixiddiisa waad uga awood badantahay inta kale, ee arrintayda xoogga saar oo ila duubo, iina soo dhegayso waxa libaaxa agtiisa la iiga sheegayo haddii arrinta aniga iyo nacabkayga na dhextaalla loo bandhigi tago, iyo libaax hooyadiis sida ay arrintayda u aragto, haddii libaaxu ayada ku raaco anigana arrintayda igu diido, oo dhammaan waxaas ii soo ogow.     [Waa socotaa..]

    BOGGA 9AAD!Register-It! -
 Promote Your Web Site!
    HIDDAHA, DHAQANKA, SUUGAANTA IYO AFKA SOMALIDA
    MACMACAANKA MURTIDA SOOMAALIYEED

    Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
    1. Cinwaanka: Macmacaanka Murtida Soomaaliyeed.
    2. Mowduuca: Murti iyo Maahmaahyo Soomaaliyeed.
    3. Qoraaga: Hersi M. Labagarre
    4. Qiimaha: (US$10.00) oo aan boostadu ku jirin.
    Qaybtii 25aad
    1. Gar waa loo wada islaam.
    2. Gari allay taqaan.
    3. Gartaada inta aadan geedka tegin baa la naqsadaa.
    4. Gadhba gadhbaa la tusaa.
    5. Garawshiiyo (garawsiinyo) waa sed waayeel.
    6. Gacantaadu hadday sollo gasho laguma soo dhifto ee waa laga soo dharaandhiriyaa.
    7. Gacani waa nin lihi u go'do.
    8. Gacan qaad aan la guu ogayn is wadh baa layiraahdaa.
    9. Geesi alla ma xilo.
    10. Geesi dhereb kuma jiro.
    BOGGA 10AAD xayaysiin
    IIDHEH IYO OGAYSIIS
    Ra'yiga Aqristayaasha
      Walaal aqriste, dareen madaxbannaani buuxda, haddii aad doonayso in aad figradaada dhiibato ama aad talo iyo tusaale inagu soo kordhiso, ama aad dhaliil ka cabanayso, buuxi formkan, dabadeedna inoo soodir.

      1. Magacaaga oo dhan (Name)

      2. Email-kaaga (Email)

      3. Dalka aad ku nooshahay (Country)

      4. Ra'yigaaga dhiibo (Your Opinion)

      5. Bogaadin, Mahadnaq, Codsi (Thank You)

      6. Talo, Tusaale, Sixid (Correction)

      7. Dhaliil iyo Cabasho (Complain)

      Fadlan mar kaliya riix (Please Click Once only)

    Mashruuca Abwaanka Afka, Hidaha iyo Dhaqanka Somalida
    [Encyclopedia Somalica]

    Please support Somali Electronic Journal
    Programmed, Developed and Written by Hersi M. Labagarre
    Codka Somalida Cusub, Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah, wuxuu ku soo baxaa afka Soomaaliga Maalin kasta oo Axad ah
    "DHAMMAAN MAQAALADAHA WARGAYSKAN KU SOO BAXA WAXAY U TAAGANYIHIIN ARAGTIDA QORAAGA EE UMA TAAGNA UJEEDDADA WARGAYSKA"

    DHAMMAAN XUQUUQDA DAABACAADDU WAY DHOWRANTAHAY

    Copyright 1998 - Labagarre - All rights reserved.
    Nala soo xiriir
    booqo csc H. page
    Saxiix B. Martida
    Codso wargayska sej
    Dhiibo Aragtidaada
    Aqarso B. Martida
    Xayaysiin
    Bogaadin
    Somali Forum
    Free Email
    Free Guest Book
    Free Home Page