Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!
Gundhigga wargayska Somali Electronic Journal
Aqarso B. Martida
Taariikh: 18.7.1999
Saxiix B. Martida
BOGGA 1AAD Somali Students Association in Malaysia
ARARTA WARGAYSKA
Wararka Soomaalida
Hersi's Photo
Toddobaadkii hore waxaan wararka soomaalida ku soo darnay warkii la xiriiray wiilkii America lagu dilay, dhallinyaro badan ayaa emaillo ii soo dirtay, qaar sixitaan bay ka wadeen qaarna way ka xanaagsanaayeen warka aan soo sheegnay, qaar kalena caay iyo aflagaaddo bay ii soo direen.
Hadal iyo dhammaantiis si aan arrinkaas ugu kuurgalo, mar labaad ayaan isku deyay in aan arrinka wiilkaas war sugan ka helo, laakiin iima suurta gelin, in kasta oo aan la xiriiray dhallinyaro joogta Minnesota oo qaarkood wiilka wax ka soo duugeen, joornaallada magaaladaas ka soo baxana eegeegay, iima suurta gelin in aan wax war ah oo toosan helo.

Dhallinyarada emaillada iisoo dirtayna hadalkooda caro iyo xanaaq baa qarshay oo way u suurta geli waysay in ay wax faahfaahsan ii sheegaan, aniguna waxaan isku deyay in aan caradooda dejiyo oo qaboojiyo oo dib uma sii waraysan.

Hadalkiina wuxuu ku dhanyahay, in wargaskani u furanyahay bulshada soomaalida, wararkeedana xiisaynayo, wixii bulshadaas la xiriirana aannu siin doonno xushmad dheeraad ah, taas marka waa in aan si qalad ah loo fasirin, oo aan loo qaadan in warkaas dad gaar ah loogu dan leeyahay, warka bulshada soomaaliyeed bulshada lafteeda ayuu inaga soo gaaraa.

Marka akhristayaasha waxaan ka rejaynayaa in ay taas fahmaan oo ay hadalka dhanka san u qaataan, haddii uu yahay hadal dhowr micne yeelan kara. Haddii uu qaldanyahayna ay wixii sax ah inoo soo sheegaan haddii ay ogyihiin, haddii kalena iska aamusaan.

Ugu dambeystii aad ayaan ugu mahadinayaa dhammaan dhallinyaradii emaillada ii soo dirtay toddobaadkan ee ka hadlay arrinta wiilka la dilay, kuwii sixitaanka ii soo diray iyo kuwii canaanta ii soo diray iyo kuwii aflagaadada iyo cayda ii soo diray dhammaan way mahadsanyihiin.

Anigu halkan uma fadhiyo in lay ammaano, howshanna uma wado in aan soomaalida ammaan uga helo, waana ogahay in dhibaato badan iga soo gaarayso shaqada noocan ah, xoolo badan iyo waqti badan ayaana iiga luma, laakiin dan baan ka leeyahay, waana in aan bulshada soomaaliyeed ee dunida ku firirtay ee aan is ogayn wixii tabartayda ah caawiyo.
Somali Forum
Free Email
Free Guest Book
Free Home Page
BOGGA 2AAD
la xiriir Xaji Yusuf
WARARKA SOOMAALIDA
Faallada Warka
Waxaa Qoray: Hersi Labagarre
Wadaaddada maxkamadaha Muqdishu yaa Madaxnimo u doortay?!
Maalmahan waxaa waddaaddada maxkamadaha muqdishu ku howlanaayeen sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen maamulka magaalada Muqdishu siiba dhinaca Caydiid haysto, arrinkaasina wuxuu ka dambeeyaa xaaladda cusub ee la soo gudboonaatay Xuseen Caydiid kadib markii lagu jebshay dagaalkii Baydhabo.

Dadkii ku noolaan jiray boobka iyo dhaca beeralayda deggan shabeellada hoose ayaa hadda Muqdishu ku soo laabtay, taasina waxay keentay in dilkii iyo dhicii iyo kufsadkii bataan.

Xuseen caydiid awood uma laha in uu tuugada xirxiro maxaayeelay waa ciidanka kaliya ee uu haysto, sida ay hadda yeelayaanna kuma deyn karo maxaa yeelay asiga ayay marka dambe u soo dhacayaan, marka si uu uga badbaado shartooda ayuu wadaaddadii ku dalbaday.

Wadaaddadii halkaas bay ka heleen fursad ay dadka ku xirxiraaan, taas oo ahayd fursad ay waligoodba raadin jireen, dabadeedna waxay billaabeen in ay dablaydii ku soo laabatay magaalada xirxiraan.

Haddaba su'aashu waa, maxaad sidaa u yeelaysaan? yaase madaxnimo idiin caleema saaray? oo idin yiri magaalada nabaddeeda hagaajiya? Muqdishu waligeed nabad ma noqon siddeeddii sano ee la soo dhaafay, maxaad mar hore howshan u billaabi wayseen? mise xoolihii aad boobteen ayaad doonaysaan in aad tuugada ka ceshataan?

Waxaan leeyahay tuugadu waa aadane adinka oo kale ah, bulshadii soomaaliyana maanta saddex jaad bay noqotay.(1) Tuugo xoog leh oo xoolo dhacday, waana kuwa abaanduulayaasha iyo maxkamadaha isku sheegaya.

(2)Tuugo xoog yari hayso laakiin wali rafanaysa oo isku deyaya in ay wixii ay boobi karaan boobaan si ay u noolaadaan, kuwaasina waa kuwa aad hadda ku sheegaysaan burcadda. (3) Iyo masaakiin wixii ay haysteen laga boobay oo nolol iyo geeri aan midna ku sugnayn, kuwaasina waa dadka marasta ah.

Marka tuugo haddii ay soomaaliya ka jirto waa abaanduulayaasha, kaabbaqabiillada iyo wadaaddada maxkamadaha iwm ee xoolihii dalka yiil hub iyo rasaas ku gatay, intii kalena jeebka ku haysta.

Haddii aad marka taas fahamto, waad qiyaasi kartaa in waxa hadda soomaaliya ka socda ee lagu sheegayo dagaalka sokeeye uu yahay dagaal burcad waddo ee aanuu ahayn dagaal qabiilo.

Haddii aad doonayso in aad daawato filim gaaban oo ku saabsan wadaaddada maxkamadaha oo dadkii xirxiraya halkan riix.

Liibaya oo la sheegay in ay dhexdhexaadinayso Somaliya iyo Ethiopia
Thursday, July 15, 1999(BBC) Xuseen Caydiid ayaa sheegay in uu doonayo in uu u safro Libiya kalana xaajoodo arimaha ku saabsan faragelinta ay maalmahan dambe ku hayso Ethiopia koofurta Somalia. Caydiid wuxuu intaa ku deray Liibiya ayaa arrinka ku howlaneed waxaanna rejaynayaa in xal loo helo dhawaan.

Caydiid oo u warramayay taageerayaashiisa Muqdishu jooga wuxuu sheegay in ciidamada Ethiopia ay u jiraan magaalada Muqdishu 180km. Wuxuu aad u dhaleeceeyay Ethiopia faragelinteeda, laakiin wuxuu sheegay in uu hadda diyaar u yahay wadahadal ballaaran si loo xalliyo khilaafkooda.

Weriyaha BBC-da Muqdishu uga soo warramaya ayaa wuxuu sheegay in arrinkaasi tusayo in Caydiid uu hadda diyaar u yahay in uu ka xaajoodo arrinka ku saabsan joogitaanka ciidamada Oromo meelaha uu asigu xukumo.

Ciidamo Ethiopian ah oo la sheegay in ay Soomaaliya Galeen
14 July Mogadishu(Reuters), Ciidamo badan oo Ethiopian ah ayaa xuduudka soomaaliya ku soo qulqulay si ay u taageeraan qolyaha ka soo horjeeda Xuseen Caydiid, sidaa waxaa sheegay goobjoogga iyo taageerayaasha Caydiid.

Goobjoog u warramay wakaaladda Reuters ayaa waxay sheegeen in 2500 oo askeri oo hub xoogleh sita ay soo galeen Luuq iyo Gedo una soo gudbeen Bay iyo Bakool, Howle oo u hadlay SNF wuxuu sheegay in aysan gar u lahayn Ethiopia in ay soomaaliya burburka ay ku hayso sii waddo maxaa yeelay soomaaliya ayaa Ethiopia maamulkeeda cusub caawisay.

Dhinaca Ethiopia wax war ah oo jawaab ah kama soo yeerin, hase ahaatee, Xuseen Caydiid oo ahaa ninkii ugu dambeeyay ee ku jabay dagaalkii siddeedda sano ka socday dalka soomaaliya, wuxuu ballan qaaday in uu soo rogaalcelin doono oo xabashada iyo taageerayaasheeda dalka ka cayrin doono.

Ethiopia sida la ogyahay waxay taageeraysaa RRA-da waxayna doonaysaa in ay jebiso quwadda Ina Caydiid iyo Itixaadka iyo Jabhadda Oromada ee ka soo duulaysa dhulka soomaaliya.

Canada oo laga yaabo in ay mag siiso qoyskii inankii ay askarteedu dileen
TORONTO, July 14 (Reuters), Dowladda dalkaasi Canada ayaa waxay arbacadii la soo dhaafay sheegtay in ay damacsantahay in ay mag siiso qoyskii inankii la dilay 1993kii, inankaas oo ay dileen askartii Canada ee nabad ilaalinta u joogay dalka waagaas.

Qareenka dowladda ayaa sheegay in ay wali wada hadallo u socdaan iyaga iyo qareenkii qoyskii inanka laga dilay, ayna doonayaan in ay bal eegaan wixii la qaban karo. Wuxuu intaa ku deray in arrinkaas go'aan laga gaaraa qaadan doono dhow toddobaad.

Toddobaadkan horraantiisii ayaa qaalliga Ottawa diiday dacwo lagu dalbayay lacag gaaraysa shan milyan oo lacagta Canada ah oo magdhaw u ah dilkii wiil 16 jir ahaa oo la oran jiray Shidane Haron lix sano ka hor.

Haron waxaa dilay askartii Canadianka ahayd ee nabad ilaalinta loo geeyay soomaaliya, dabadeedna waxaa dacwad ku soo oogay waalidkii inanka dhintay oo hadda jooga soomaaliya, hase ahaatee, dowladda Canada waxay ku andacootay in dacwoodayaashu awoodi waayeen in ay caddeeyaan in Canada xil ka saaran yahay daryeelka dadka soomaaliyeed.

Sikastaba ha ahaatee, in kasta oo dowladda Canada diidday dacwadaas, hadana waxay dowladdu sheegtay in ay doonayaan in ay arrinka ilgaar ah ku eegaan oo ay si gaar ah u dhameeyaan maxaa yeelay waa arrin xasaasi ah.

Ciidamo Oromo ah oo Soomaaliya la geeyay
Monday, July 12, 1999(BBC) Wararku waxay sheegayaan in 400 oo askeri oo Oromo ah oo aad u hubaysan ay gaareen gobalka shabeelle ee koofurta soomaaliya, waxaana la sheegayaa in ay wadeen ciidankaas ciidamada u daacadda ah Xuseen caydiid.

Waxaa warku intaa ku daray in ciidamadaas ay ka soo degeen dekedda Faah ee ku taalla koofurta magaalada Muqdishu, ayna doonayaan in ay gaaraan koofurta galbeed ee xuduudka Ethiopia halkaas oo ay jabhadda Oromadu dagaalka ka wadaan.

Abaanduule Muuse Suudi Yalaxow ayaa wuxuu ku eedeeyay Xuseen Caydiid taageeridda uu taageerayo Oromada, wuxuuna yiri, Xuseen Caydiid ayaa ka masuul ah wuxuu dagaal aargoosasho ah ee Ethiopia soo qaado.

Sikastaba arrinku ha ahaadee, Xuseen Caydiid wuxuu ballan qaaday in uu soo ceshado magaalooyinkii laga soo cayrshay, wuxuuna u sheegay Reuters in uusan marnaba aqbali doonin jabkaas, uuna dib uga kicin doono xabashada iyo taageerayaasheeda dhulkii ay qabsadeen.

Xuseen Caydiid oo midnimo Soomaali ugu yeeraya!!
Monday, July 12, 1999(BBC) War ay ka soo xigatay BBCdu waraysigii Xuseen Caydiid ay la yeelatay Reuters ayaa waxaa ka mid ahaa in Xuseen Caydiid diiday in Soomaalida qolo waliba loo daayo meeshii ay degganeed ee lagu yaqiin.

Wuxuuna ku jawaabay in aanuu arrinkaasi wax suurta gal ah ahayn oo aanuu socon karayn, maxaa yeelay soomaali waa isku mid waana isku dad isku af ah, waxaana loo baahan yahay in la helo dowlad midaysan.

Wuxuu intaa ku deray in dadwaynaha soomaaliya doonayaan in ay midoobaan oo ay dowlad mid ah yeeshaan. Xuseen Caydiid oo u shaqayn jiray ciidanka badda Maraykanka wuxuu xukunka kooxdiisa ka dhaxlay aabbihiis 1996kii kadib markii la dilay jenaral Caydiid.

BOGGA 3AAD
BOGGA GANACSIGA IYO DHAQAALAHA
Shaqaalihii Jaamicadda Carabta oo mushaar la'aan qabsatay
16 July Alqahira (Al-hayat) Warar ka soo baxay xafiiska Jaamicadda Carabta ayaa waxay sheegayaan in shaqaalihii hay'addaas ay mushaar la'aan xumi hayso, taasina ay ka timid lacag la'aan hay'adda guud ahaan haysata.

Hay'addaas oo sida la wada ogyahay dakhligeedu ka yimaado lacagaha ay ka helaan dowladaha ku jira jaamicadda carabta, waxay sheegtay in dalalka carabtu lacagtii laga rabay aaney wada bixin taasina keentay dhibaatooyin dhaqaale.

Dalalka qaar ayaa la sheegay in ay lacagtii laga rabay baxsheen sida Sacuudiga, Masar, iyo qaar kale, Kuwayd iyo Cuman iyo qaar kalena intii laga rabay barkeed bay baxsheen, dhowr waddan oo ay soomaaliya ka mid tahayna waxaa la sheegay in ay bixin waayeen qarashkii laga rabay.

Sarrifka lacagaha dalalka badanaa soomaalidu deggantahay.
Taariikhda sarrifka 18.7.1999ka.
Dalka Lacag US$1 =
Qatar Rial 3.639
Bahrain Dinner 0.3769
Kuwait Diner 0.3071
Switzerland Frank 1.5683
Malaysia Ringit 3.800
Dalka Lacag US$1 =
Somalia Shilling 9620
Djibouti Frank 177.72
Syria Lire 45
Sudan Diner 247.10
Yemen Riyal 148.15
Dalka Lacag US$1 =
Australia Dollar 1.5082
Thailand Bahat 36.95
Canada Dollar 1.4698
England Pound 0.6418
Europe EURO 0.9789
Dalka Lacag US$1 =
Saudi Riyal 3.750
U.A.E Durham 3.672
Oman Riyal 0.3849
Egypt Pound 3.410
Iraq Diner 0.3109
BOGGA 4AAD Anglefire Free Email
BOGGA QUBANAHA
Mashaakil badan oo soo waajahay shirkii OAU
July 11, 1999 (Reuters) Shirkii umadaha Africa ee lagu qabtay dalkaasi Aljeriya ayaa la soo gabagabeeyey, waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee shirkaas lagu soo qaaday waxaa ka mid ahaa:

Dagaallada Africa ka socda sidii loo damin lahaa, oo qaaradda nabad looga dhalin lahaa. Sida la wada ogsoon yahay dagaallo aad u fara badan ayaa qaaradda dhibaatooyin ballaaran gaarsiiyay tobankii sano ee la soo dhaafay.

Dagaalladaas waxaa tusaale u ah, dagaalkii Sokeeye ee Ruwanda, Angola, Ethiopia iyo Eritrea, Somalia, Sierra Leone, Sudan iyo meelo kale. Waxaa kale oo shirkaa lagu soo qaaday arrimo la xiriira dhaqaalaha iyo argagixisada, oo ayaguna ahaa laba dhibaato oo qaaradda aad u waxyeelleeyey.

Dhaqaala xumidu waxay ku habsatay dalal aad u badan, taas oo ugu dambeystii ku dhamaatay macluul iyo cudur dalalkaas jilbaha u gooya. Argagixisada ayaa ayaduna qiso kale oo africa dhibaataysay ahayd, tusaale ahaan qaraxii ka dhacay Kenya iyo Tansania, iyo dilka qarsoodiga ah ee ka dhaca meelo badan oo Africa ka mid ah sida Aljeriya lafteeda iyo Masar iyo meelo kale.

Xuquuqda bani aadamka ayaa ayaduna waxay ahayd mowduuc si aad ah in looga hadlo loo baahanyahay, dalalka afrika dhinacaas dhammaantood aad ayay ugu liitaan. Inkasta oo arrimahaas oo dhan sugayeen shirkaas, waxaad mooddaa in ay xoogga saareen madaxdu dagaalkii Eritrea iyo Ethiopia, kaas oo sida wararku sheegeen baaxad xoog leh ka qaatay waqtigii shirkaas.
Haddii aad doonayso in aad daawato film yar oo ku saabsan dagaalka Ethiopia iyo Eritrea halkan riix.

Dalkaasi Iran oo la sheegay in uu dhisayo 500 oo shaleemo
16 July London(alhayat), Madaxda dalkaasi Iran ayaa la sheegayaa in ay doonayaan in ay dhisaan shaleemooyin tiradoodu gaarayso ilaa 500 oo shaleemo, mashruucaas waxaa wada dad uu u xilsaaray madaxwayne Khatami.

Dalka Iran waagii ay wadaaddadu xukunka qabsadeen 1979kii, wixii ka dambeeyay shaleemooyinkii aad baa looga soo horjeestay, waxaana hadda dalkaas ku yaalla ilaa 200 oo shaleemo oo la xiray, taasina waxay ka dambeeysaay aragtida ay wadaaddadu ka qabaan shaleemada ayaga oo mar walba u haysta in ay wax xun oo fisqi wada tahay.

Hase ahaatee arrintaasi waxay dhalisay in dadka reer Iran oo tiradooda lagu qiyaasay in ka badan 60 milyan, aysan fursad u helin in ay helaan meelo ay ku madadaashaan sida shaleemooyinka iyo tiyaatarada.

Go'aanka madaxwayne Khataami ee cusboonaysiinta shaleemooyinka iyo dhisidda kuwo cusub waxaa il gaar ah ku eegaya wadaaddada asalraaca ah ee dalkaas xoogga ku leh, hase ahaatee, Khataami oo ah hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa libaraaliga ah ee Iran wuxuu dhiiri geliyay soo saaridda filimada iyo horumarinta fanka jaadadkiisa kala duwan.
BOGGA 5AAD la xiriir Sadiq Hashi
BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA
MADAXWAYNE HA LAYGA DHIGO!
Faahfaahin ku saabsan kitaabkan
Cinwaanka: Madaxwayne ha layga dhigo!
Mowduuca: Waa kitaab afsoomaali ku qoran oo ka hadlaya sida qola kasta oo ka mid ah qabiilooyinka soomaalidu ay isugu dayday in ay madaxwayne dalka u noqdaan.
Qoraaga: Qaasim Hersi Farah(Duullaanjecel).
Qasim's photo
Qasim Hersi
DAMBIGA GUUD EE FIDNOOLAYAASHA
Sida aan soo sheegnay si la mid ah, Sharciga Adduunkuna waxa uu ku xukumayaa kulliba qabqablayaasha dagaalka in ay ka dambeeyeen dilkii intii Soomaali ku dhimatay sabab aan caadi ahayn, taasoo laga reebayo sababta iyada qudheedaba ay sababeen dagaalladu sida; kan ay Dhilmaanyo ku cuntay halkii uu u qaxay ee loo arkayo in uusan awal tageen halkaas haddii aan kala haadku dhici lahayn.

Sida uu dhigayo Qaanuunka Caalamiga ihi waa; Bajintu waa dilis, marka uu D tusiyo V cadawtinimo iyo guulguul ee uu V iska cararo, uuna ku dhinto xaaladdii cararka ama uu dhaawac ku gaaro inta uu isku dayayey in uu D ka baxsado, waxaa D loo arkayaa Gacan ku dhiigle, waxaana lagu soo eedaynayaa dilkii uu geystay. (C.F.Towers- 1874, 12cox530), (Criminal Law), by; Howard 4th edition.

Waxaa kale oo iyaguna dambiilayaashaas la wadaaga eedda cid kaste oo ku caawisay fal dambiyeedkaas ka baxsan aadaminimada ahna kan ugu weyn ee la aqoonsan yahay ilaa hadda, shirkiga ka dib, sharciga Islaamkuna wuu wadaajiyaa xukunka kuwa ku shirkooba fulintiisa; qaade, qarshe, qaban qaabiye, qal qaaliye, qorshe dejiye, qoorta soo qabte, qawl siiye, iyo qale intuba waa isku dambi.

Sidaa si la mid ah ayuuna qorayaa qaanuunka adduunku, wuxuuna tusaalaysanayaa; Hitlerba ma galeen gardarro, kol haddaynan taageerayn ganacsadayaal, siyaasiyiin, hogaamiyeyaal, kaaba qabiillo iwm. eeg; (Supra, notes 36, at 364-5 (Principle one and Commentary).     [Waa socotaa...]

Halgankii dheeraa ma hal bacaad lagu lisaa?!


DOWLAD SOOMAALIYEED YAAN DIB DAMBE LOO MAQAL!!
Maxaa naloo Qorsheeyay?
Waxaan hadda ka hor qoraal aynu ku muujinay wel-welka innaga haya ujeeddada laga leeyahay qaab dhismeedka maamulka loogu magac daray "Bottom-up approach" oo lagu micneeyay dhisme "min-hoose-ilaa-kor" amase "mid foorara".

Waxaa kale oo qoraalkii "SAHAN" aynu ku carabaabnay shakiga aynu ka qabno "Nidaamka Cusub ee Caalamiga (New World Order) ee ka dambeyay burburkii Ittixaadka Sofyeetiga iyo gaashaan-buurta Warsow.

Nidaamkaasi oo aad mooddo in astaamihiisa hadda ay soo magoolayaan. Astaamahaas oo hadda ay ka mid yihiin in la isku xukumo sida layskaga itaal roonyahay (itaal military iyo ku dhaqaale), waxaa kaloo astaamihiisa ka mid ah in aan la tixgelin waxa loo yaqaano sovranity, dalkaaga u madax- banaanow. Waa habka Cawlamada "Globalisation". Arintuna u ekaatay: ninkii xoog leh bay xaajo u falantaa.

Arimo aan qoraalladaasi ku bidhaaminay, ayaa ka mid ahaa, inay jiraan, intii ka dambeesay dagaalladii Somaliya iyo Itoobiya ee sanadihii 1997/'98, qorshe lagaga hortagayo Dawlad Soomaaliyeed oo cudud leh inay dib u dhisanto iyo siyaasado kale oo lagu baadi goobayo qaab maamuleed ka duwan kan Dowladaha iskooda u taagan oo lagu dhaqaa Dowladaha Geeska Afrika.

Somaliya mise dhul (land) ? Kow iyo sagaashankii, markii ay bur-burtay dowladdii Soomaaliyeed, waxaa maamul Dowladeedkii jiray lagu beddelay wax loogu magac daray jabhado. Sida la wada ogsoon yahay jabhad walba magaceeda kama uusan maqnayn xarafka "S"da oo u yiil SOMALIA.     [Waa socotaa..]

BOGGA 6AAD la xiriir Ibraahim Salah (for free copy)
BOGGA HAWEENKA
Gabar aabaheed xiray 108 casho, kadib markii ay odaygii qabay iska furtay
Qahira 16 July (Reuters), Booliiska dalkaasi Masar ayaa waxay badbaadsheen gabar uu aabaheed qol yar oo mugdi ah ku xiray muddo gaaraysa 108 casho si ay u dhimato, kadib markii ay iska furtay oday uu ku deray oo da'diisu ahayd 80 jir. Gabadhaas oo magaceeda la yiraahdo Madiixa Ciid Cali oo 23 jir ah waxay booliiska u sheegtay, in aabaheed aad uga carooday kadib markii ninkeedii oo ay laba sono is qabeen laga furay, kadibna uu ku xiray qol aad u yar oo aan dhexdiisu ka badnayn halmitir.

Waxaa booliiska Masar sheegeen in ay gabadhaas si lama filaan ah u heleen ayaga oo markaas hub ka baarayay guri ku dheganaa guriga ay gabadhaasi ku xirnayd, kadibna ay qayladeeda maqleen, waxaa kale oo la sheegayaa in odaygii gabadha dhalay cararay kadib markii uu maqlay in gabadhii booliisku badbaadshay.

Waxay gabadhaasi sheegtay in ay cuni jirtay cunto uu u soo qarsho walaalkeed ka yar, shantii maalmoodba hal mar, sidaa ayayna awood ugu heshai in ay nolol ku gaarto muddada dheer ee ay meeshaa ku xirayd.

Dumarka Dalkaasi Baxrayn oo u hanqal taagaya Safiirnimo iyo Wasiirnimo
16 July Manama(al-hayat) Dalkaasi baxrayn waxaa maalmahan dambe ka socday dhaqdhaqaaq dimuquraadi ah oo saameeyay bulshada qaybaheeda kala duwan. Safiiradda Maraykanka u joogta dalkaas oo ah naagtii ugu horreysay ee Baxrayn ka noqota safiirad ayaa sheegtay in dalkeedu taageersanyahay dhaqddhaqaaqa dimuquraadi ee ka socda dalkaas, uuna sii wanaagsanaanayo xiriirka labada dal.

Amiirka dalkaas Shiikh Khaliifa ayaa wuxuu dastuurka dalka ku jiheeyay in haweenka kaalin buuxda laga siiyo maamulka iyo madaxnimada dalka. Hase ahaatee, doorashooyinkii la qabtay bishii marso ee la soo dhaafay oo ay ka qayb qaateen shan naagood, midi kuma guulaysan in ay baarlabaanka gasho.

Si kastaba ha ahaatee, taasi ugama derin naagaha reer Qadar, in kasta oo aaney guulaysan kalkan, waxay rumaysan yihiin in ay mustaqbalka ku guulaysan doonaan doorashooyinka soo socda oo laga yaabo in qaarkood safiiro ama wasiirro noqdaa.

BOGGA 7AAD xayaysiin
DIINTA ISLAAMKA
KITAABKA TAWXIIDKA
    Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
    1.Cinwaanka: Kitaabka Towxiidka(121 Bog)
    2. Mowduuca: Tawxiidka.
    3. Qoraaga: Sheekh Maxamad bin Cabdil wahhab.
    4. Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre
    5. Qiimaha: (US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin.
as-salafiyah al-wahhabiyah
CASHARKA 42AAD
Shirkiga Waa laga digay
Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri:
[Ha u yeelina Eebbe kuwa la mid ah adinkoo og] Al-Baqarah 22.
Ibn Cabbaas wuxuu aayaddan ka yiri: Kuwa Eebbe la midka ah: waa shirkiga, wuuna ka qarsoonyahay quraanjo ku socota didib madow desheed gudcurka habeenki. (1) Waana in aad tiraahdo: Eebbaan ku dhaartay iyo noloshaada hebelow, iyo noloshayda, iyo in aad tiraahdo: Aydaan la'aanteed tuugo ayaa inoo soo dhici lahayd. iyo Boolabooladan hadaysan aqalka joogi lahayn tuugo ayaa inooi maan lahayd. Iyo Hadalka Ninku ku leeyahay saaxiibkiis: Wixii Eebbe doono adna aad doonto, iyo Hadalka ninku leeyahay: Eebbe iyo hebel la'aantood. Hebel ha ku derin (hadalka) maxaa yeelay waxyaabahaas oo dhan waa shirki"(2){Ibn Abii Xaatim}.

Cumar Ibn Khitaabna Allaha ka raalli noqdee, waxaa laga soo weriyay, in Nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, uu yiri:"Qofkii Eebbe cid aan ahayn ku dhaarta waa hubaal in uu kufriyay ama uu u shariigyeelay"{Tarmadi, Xaakim}.
Ibn Mascuudna wuxuu yiri:" In aan Eebbe ku dhaarto aniga oo been sheegaya ayaan ka jecelahay in aan cid aan Eebbe ahayn ku dhaarto aniga oo run sheegaya".

Xudayfana Allaha ka raalli noqdee, wuxuu nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, ka soo weriyay, in uu yiri:"Ha dhihina: Wixii Eebbe doono Hebelna doono, ee waxaad dhahdaan: Wixii Eebbe doono, kadibna Hebel doono"{Abuu Daa'uud ayaa sanad saxiix ah ku soo weriyay}.

Ibraahiim An-Nakhaci-na waxaa laga sheegay "in uu nacbaa in uu yiraahdo: Eebbaan magangalay iyo adiga, wuxuuna banneeyay in uu yiraahdo: Eebbe kadibna adiga. Wuxuu yiri: Waxaa dhahayaa: Eebbe la'aantiis ka dibna Hebel, hana dhihina: Eebbe iyo Hebel la'aantood"(3).

Mas'alooyinka Casharka
Tan 1aad: Waa tafsiirka aayadda Al-Baqarah ee Ilaahyada lagu sheegay.
Tan 2aad: Waa in asaxaabta (Nabigu) Allaha ka raalli noqdee ay ayadaha ku soo degay shirkiga wayn ku fasireen shirkiga yar.
Tan 3aad: Waa in Eebbe cid aan ahayn oo lagu dhaartaahi ay shirki tahay.
Tan 4aad: Waa in haddii uu qofku ku dhaarto cid aan Eebbe ahayn asiga oo run sheegaya, ay taasi ka wayntahay (ka dambi badantahay) dhaarta beenta ah.
Tan 5aad: Waa waxa u dhexeeya isku xirka iyo kala fogaynta hadalka.(4)

Faahfaahinta Casharka
(1)Wuxuu ka wadaa in shirkigu aad u qarsoonyahay oo aan la arki karin sida aan loo arki karin quraanshada ku socota didibta madow goor gudcur habeen ah.
(2) Hadalka Ibn Cabbaas wuxuu u dhuranayaa in aan Eebbe qof kale la garab dhigin, oo aan la dhihin "Haddii Eebbe iyo Adigu tiraahdaan sidaa iyo sidaa ayaan yeelayaa" ama sida Soomaaliduba tiraahdo "Rag iyo Rabbi baan leennahay" ama "Haddaan Eebbe iyo hebel aysan ii bixin maanta waan dhiman lahaa" iwm. waxyaabahaas oo dhan waa la diiday maxaa yeelay shirki ayaa ku soo gabbanaya, inkasta oo uu qofku ogyahay in hebel iyo Eebbe aysan isku mid ahayn haddana ma habboona in Eebbe cid kale lagu xiriirsho kolka la hadlayo, haddiise aan la hurayn waxaa la dhihi karaa "Eebbaa inoo baxay, oo hebel inoo soo diray maanta" ama "Haddaan Eebbe ii soo kaa diri lahayn maanta waan go'i lahaa" iwm, oo hadalka jaadkaas ah waxba kuma jabna.
(3) Arrinta meesha ku jirta waa in la diidayo in si toos ah la isugu xiriirsho magaca Eebbe iyo magac qofkale, maxaa yeelay taasi waxay muujinaysaa in Eebbe iyo Qofkaasi ay fil yihiin, haddiise la kala reebo hadalka oo si muuqata loo kala sooco waa la ogolyahay, tusaale ahaan, haddaad dhahdo "Eebbaa inoo kaalmeeyay kadibna hebel baan ku caymannay" waa bannaantahay, waxaase la diidayaa in aad tiraahdo "Eebbe iyo Hebel ayaa inoo gargaaray".
(4) Af-carbeedku wuxuu leeyahay laba xaraf oo habkaa loo adeegsado waana "Wa" iyo "thumma" labada xaraf midka hore hadalka ayaa lagu xiriirshaa, kan dambena sidoo kale hadalka ayaa lagu xiriirshaa wuxuuse kan hore uga geddisanyahay in xoogoo kala fogaansho ahi u dhexeeyaan labada waxyaalood ee la sheegayo, waa sida adiga oo yiri; "Xersi iyo Ibraahim baa yimid" iyo "Xersi baa yimid kadibna Ibraahim", kolka weedha hore waxay sheegaysaa in labada nin isku mar yimideen, tan dambena waxay sheegaysaa in Xersi marka hore yimid kadibna uu Ibraahim yimid.
BOGGA 8AAD xayaysiin
BOGGA DHALLINYARADA
SHEEKADII KALIILA IYO DIMNA
Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1.Cinwaanka: Kaliila iyo Dimna(119 Bog).
2. Mowduuca: Murti facwayn iyo sheekooyin qosol badan.
3. Qoraaga: Cabdullaahi bin al-Muqafac.
4.Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre
5. Qiimaha: (US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin.
somalinet logo
Qaybtii: 36aad
Baaristii Arrintii Dimna
Madaxii Doofaarada ayaa markaa hadlay, si uu u muujiyo isla waynida uu libaaxa agtiisa ku leeyahay, wuxuuna yiri: mudanayaashiinna aqoonyahanada ka midahow, maqla weertayda, hadalkaygana dhugtiinna ku haya, wadaadaduna waxay qumanayaasha dawgooda ka dheheen in summadahooda lagu yaqaanno, adinkuna rag awood leh oo farsama wanaagga eebbe, iyo barwaaqada uu idiin dhamaystiray ayaad qumanayaasha summaddooda iyo qabkooda ku garan kartaan, wax yar baadna wax wayn ku hubsataan, halkanna waxaa jira waxyaalo badan oo dhurlawahan Dimna ah muujinaya, oo hooggiisa sheegaya, ee dusha jirkiisa ka raadsha, si aad u hubsaataan oo taas ugu nagaataan.

Garsoorihii baa madaxii doofaarada ku yiri: waan ogaaday inta joogtana way ogatay in aad taqaanno sumadaha xunxun ee ay qaababku leeyihiin, ee inoo faahfaahi hadalkaaga, oo na tusi waxa aad dhurbeelahan qaabkiisa ka aragto, markaas buu madaxii doofaaradu billaabay in uu Dimna caayo, wuxuuna yiri: aqoonyahanadu way qoren oo way sheegeen in qofkii ishiisa bidixda ahi ay ka yartahay ishiisa midig isla markaana ay godantahay, sankiisuna xagga midig u guraaro, uu dhurlaawe xun yahay, oo uu dhagar iyo ballan la'aan kulmiyay, kolkii Dimna intaas maqlay ayuu yiri: adigu wax kale ma tihid, ee waxaad tahay sidi ninkii naagtiisii ku yiri, qaawanaantaada fiiri, kadibna qaawanaanta dadka kale.

waxaa lagu yiri: oo taasi sidee bay u dhacday?
Dimna: waxaa la sheegay in col magaalo ku soo duulay, oo dileen oo qafaaleen, oo dhaceen, oo dhulkoodii ula noqdeen, waxaana dhacday in nin beeralay ah iyo labadiisi naagood nin deble ah ay qayb u soo gaareen, deblahaasina cuntada iyo huggaba wuu ku xumaynjiray, maalin baa ninkii beeralayda ahaa iyo laba diisii naagood dablihii xaabo u dooneen ayaga oo qaaqaawan, naagihii mid ka mid ah ayaa waddada ka heshay calal duug ah oo candhada bay saaratay, kadibna ninkeedii bay ku tiri; ayada oo tii kale tilmaamaysa, miyaadan arkayn fallayda tan sida aanaey u xishoonayn, oo aaney qaawanaanteeda u qarinayn!, ninkii ayaa ku yiri; haddii aad naftaada eegi leheed marka hore jirkaaga dhammaantiis qaawanaantiisa, kuma cambaarayseen wadaydaa wax adiga laftaada ku haysta.

Dawgaaguna waa yaab, qurmoonayahow sumadaha xun ku cambaarta leh, waxaase ka yaab badan, cuntada boqorka sidii aad ugu dhiiratay, iyo sida aad u soo hor istaagtay, ayada oo uskaggaas iyo foolxumadaasi kugu yaallaan, iyo waxa aad naftaada xumaan ku ogtahay, dadka kalena ay kugu ogyihiin, ma waxaadna ka hadlaysaa nin xalane ah, oo aan xumaato lahayn, xumaantaadana anigu kaligay ma arko ee dhammaan inta joogta ayaa taas ogaatay, in aan taas soo saarana waxaa iga hor joogay wadaytinimadii inoo dhexaysay, kadibse markii aad iga been shegtay oo aad foolkayga ka fal abuuratay oo aad nacaybkayga u qalabsatay, oo aad ku tiri wixii aad tiri aqoon la'aanteed iyo intaas oo joogta hortooda, ayaan anigu ku soo gaabsanayaa in aan muujiyo wixii aan ka aqaan xumaantaada oo bulshaduna taqaanno, waxaana la gudboon qofkii aqoon fiican kuu leh in uu boqorka u diido cunta u adeegsigaaga, haddii laguu xilsaari lahaa beeriddana in aad bi'iso ayaad mudantahay, waxaana kula gudboon howl howlaha ka mid ah, aqoonlaawena megdeeye iyo toobe midna ha u noqonin, boqorka adeeggiisa gaarka ah iska daaye.     [Waa socotaa..]

BOGGA 9AAD!Register-It! -
 Promote Your Web Site!
HIDDAHA, DHAQANKA, SUUGAANTA IYO AFKA SOMALIDA
MACMACAANKA MURTIDA SOOMAALIYEED

Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1. Cinwaanka: Macmacaanka Murtida Soomaaliyeed.
2. Mowduuca: Murti iyo Maahmaahyo Soomaaliyeed.
3. Qoraaga: Hersi M. Labagarre
4. Qiimaha: (US$10.00) oo aan boostadu ku jirin.
Qaybtii 24aad
1. Gari ilaah bay taqaan.
2. Gaal dil gartiisan sii.
3. Guur iyo gaabsi meel islama galaan.
4. Gar ninka aan arkayn indhuhuu ka ridaa.
5. Gartaa oo aad dhowrto dhashaada bay sugtaa.
6. Geesi carruurtiisii waa agoon.
7. Gacma is dhaafay baa gacalo ku jirtaa.
8. Gol eeybaa lagu sahmiyaa.
9. Geel jire ka caanee buu ku caana waayaa.
10. Gar diid, waa alla diid.
BOGGA 10AAD xayaysiin
IIDHEH IYO OGAYSIIS
OGAYSIIS
Dhammaan aqristayaasha waxaan ogaysiinaynaa in aan bedelnay Hompage-kii hore ee wargayska, Hompage-ka cusub waxaad ka heli kartaan (HTTP://WWW.ANGELFIRE.COM/MS/SEJ/), hadaba booqasho wacan.

Jawaabaha Aqristayaasha
Subject: Dowladnimada Somaliland wali caad bba saran
Date: Fri, 16 Jul 1999 01:23:57 -0400
From: Abdullahi Aden

Walaal mark hore wad salaman tihiin, waxaan doonayaa in aan halkan wax ka idhahdo ama idin saxo haddii aad illowdeen tariikhaha British somaliland iyo Itlian somaliland, markii uu guumasiigu somaliland xooriyad siiyey sida aad ogtihin waxaay ahayd June 26/1960.
Konfuurina waxaay xooriyada qadatay july 01/1960. Marka saxiib waxaa halkaa ka cad in marka horeba meesha ay laba dowladood jireen.

Hadaba in aad maqaalka aad qorteen ee "Head line" kiisu kor ku xusaan yahay tariikhdiisuna tahay June 09/99 ee aad ku sheegteen "Waqooyi galbeed, sida lawada ogsoonyahay, waa gobal ka mid ah goballada caadiga ah ee Somaliya".

Tasi waxaay ahayd wax tagay ama mid la soo dhafay. Tan kale walaalyaal ma tagteen Hargeisa, Burco, Berbara intii ay somaliya jirtay, intii dagaldu ka socdeen iyo waqtigan xadiirka? haddi aad tagyeen waad aragteen wixii dhiibato dawladdii soomaliyeed ay uu geeystay dhulka, hantidii dadk iyo waliba dadweynaha.
Mashruuca Abwaanka Afka, Hidaha iyo Dhaqanka Somalida
[Encyclopedia Somalica]

Please support Somali Electronic Journal
Programmed, Developed and Written by Hersi M. Labagarre
Codka Somalida Cusub, Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah, wuxuu ku soo baxaa afka Soomaaliga Maalin kasta oo Axad ah
"DHAMMAAN MAQAALADAHA WARGAYSKAN KU SOO BAXA WAXAY U TAAGANYIHIIN ARAGTIDA QORAAGA EE UMA TAAGNA UJEEDDADA WARGAYSKA"

DHAMMAAN XUQUUQDA DAABACAADDU WAY DHOWRANTAHAY

Copyright 1998 - Labagarre - All rights reserved.
Nala soo xiriir
booqo csc H. page
Saxiix B. Martida
Codso wargayska sej
Dhiibo Aragtidaada
Aqarso B. Martida
Xayaysiin
Bogaadin
Somali Forum
Free Email
Free Guest Book
Free Home Page