Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!
Gundhigga wargayska Somali Electronic Journal
Aqarso B. Martida
Taariikh: 11.7.1999
Saxiix B. Martida
BOGGA 1AAD Somali Students Association in Malaysia
ARARTA WARGAYSKA
Somali Electronic Journal
Hersi's Photo
Waxaan doonayaa in aan dhammaan dhallinyarada aqrisata wargayskan xasuusiyo, in aaney ii suurta gelayn wixii hadda ka dambeeya in aan journalka Online ka dhigo, taasna waxaa keentay aniga oo aad mashquul u ah. Dhallinyarada hadda ku tixan waxaan ugu soo diri doonaa sidii joogtada ahayd haddii alle yiraahdo, wixii kale
ee doonaya in ay soo codsadaan ama horey aan ugu diri jiray ee uu ka go'ay sababo farsamo awgeed, waxaan dhammaantood ka codsanayaa in ay emailkooda mar labaad ii soo diraan.

Wixii hadda ka dambeeya lagama heli doono journalka page-ka (http://www.angelfire.com/ms/sej/), waxaadse halkaa ka heli kartaan wararka soomaalida oo af-ingiriis ku qoran:(http://www.angelfire.com/ms/sej/sejnews.html). Waxaan dhammaantiin idiin rejaynayaa bashbash iyo barwaaqo in aad ku waartaan.
Somali Forum
Free Email
Free Guest Book
Free Home Page
BOGGA 2AAD
la xiriir Xaji Yusuf
WARARKA SOOMAALIDA
Wadaad Itixaad ah oo Muqdisho lagu toogtay
MOGADISHU, July 9 (Reuters) Wadaad maddax u ahaa jabhadda Itixaad al-Islaami ee u dagaalanta midaynta dhulka soomali galbeed ayaa maalintii Jimcaha lagu toogtay magaalada Muqdisho asiga oo ka soo baxaya masaajid uu ku tukanayay.

Wadaadkaas oo magaciisa la yiraahdo Korneel Cabdullaahi Iraad, waxaa toogtay afar nin oo tagsi wadatay, waxayna ku dhufteen afar xabadood oo ay kala haleeleen gollanka.

Nimankaasi korneelka way u yeereen inta aanay toogan, asiguna kolkii uu arkay wuxuu isku deyay in uu masaajidka ku cararo si uu uga badbaado xabbadda. Kolrneel Iraad wuxuu madax u ahaa jabhad Itixaad ah oo Caydiid gacan saar la lahayd oo hubayn jirtay wadaadada dagaalka ka wada Ethiopia dhexdeeda.

Kadib markii la soo duugay wadaadka la dilay, qaraabadiisii waxay dheheen dilkiisa waxaa ka dambeeyay Ethiopia. Waxaana mudan in la xuso in Ethiopia ay dhulka soomaaliya ku fidisay bilihii la soo dhaafay ciidan tiradoodu gaarayso 3,000 oo askeri si ay ula dagaallanto cadawgeeda uga soo duulaya dhulka soomaaliya.

Warar sheegaya in Bin Ladan uu ciidamo ku taba baro jasiiradaha soomaaliya qaarkood
July 9 1999 (AP)Warar aan la hubin oo ay soo tebisay wakaaladda Associated Press ayaa waxay sheegayaa in wadaadka dagaalyahanka ah ee caanka ah maalka badanna lagu sheegay ee loo yaqaan Bin Ladan uu ciidamo iyo hub geeyay qaar ka mid ah jasiiradaha ku yaalla xeebaha dhulka soomaaliya.

Waxaa laga shakisanyahay in wadaadkaasi uu halkaas ku taba baro ciidamo uu ugu tala galay in uu u adeegsado howlaha argagixisada ee uu uga hurjeedo Amerika iyo kuwa la hal maala. Wakaaladdu waxaa kale ee ay intaa ku dartay in dowladda Ameerika doonayso in ay inkaas soo qabato.

Bin Ladan waa wadaad asalkiisu Sacuudi yahay oo maalqabeen ah, markii ugu dambeysayna lagu sheegay in uu ku noolyahay dalkaasi Afqanistan, hase ahaatee ay jawaasiista maraykanku aad u raadinayaan oo uu ugu horreeyo liiska tobanka qofood ee ugu daran ee ay doonayaan in ay soo qabtaan.

UN-ka oo sheegay in macluuli qatar ku hayso malaayiin soomaali ah
July 8, 1999 (United Nations ) In ka badan hal milyan oo qof oo soomaali ah oo ku nool koofurta iyo bartamaha soomaaliya ayaa macluuli qatar ku haysaa, sidaa waxaa sheegay UN-ka mar ay arbacadii la soo dhaafay fidinayeen yabooh gaaraya $1.7 milyan oo loogu tala galay howlaha gargaarka degdegga ah lixda bilood ee soo socota.

Codsigaas waxaa laga sii daayayKenya, waxaana masuul ka ahaa UN-ka iyo dhammaan hayadaha gargaarka ee ku howlan soomaaliya, waxayna sheegeen in loo baahan doono ilaa iyo 30,000 oo tan cunto gaaraysa si loo quudsho dad hal milyan gaaraya lixda bilood ee foodda inagu soo haysa.

Waxaa warku intaa ku deray in nabadgelyada guud oo sii xumaanaysa iyo dagaallada cusub ee kooxaha dhex maraya iyo sicirka cuntada oo cirka isku sii shareeraya ay dhibaato xoog leh u gaysteen nolol maalmeedka qoyaysaska dakhligoodu liito.

Maraakiibta dagaalka Kenya oo la sheegay in ay xuduudka Somaliya iyo Kenya ku meeraysanayaan
July 7, 1999 (The Nation), Uguyaraan shan markan oo dagaal oo ay leedahay Kenya ayaa la sheegayaa in ay wali ku meeraysanayaan xuduudka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya. Ciidankaas waxaa la soo dhoobay xuduudka dhinaca badda ee labada dowlo, kadib markii toddobaadkii la soo dhaafay hub laga boobay ciidanka keenya.

Madaxda Kenya waxay sheegeen in maraakiibtaas loo geeyay xuduudka si ay u joojiyaan cid kasta oo isku dayda in ay ku soo xadgudubto dalkooda. Madaxwaynaha Kenya ayaa toddobaadkii hore wuxuu digniin kama dambays ah siiyay qolyihii boobay hubka wuxuuna faray in ay si degdeg ah u soo celshaan hubkaas, hase ahaatee, in kasta oo hubkii la soo celshay waxaad mooddaa in ay Kenya wali arrinkaas qaadan la'dahay.

Madax kale, ayaa ayaguna waxay dowladda Kenya ka codsadeen in la xiro xuduudka ay Kenya la leedahay Somaaliya gabi ahaanba, ilaa ay somaliya ka dhalto dowlad dunidu ictiraafsantahay, maxaa wacay hubka sharcidarrada ku soo gala dalkaasi Kenya wuxuu ka soo galaa Somaliya.

Sidoo kale madaxdaas waxay ka cawdeen in qaxootiga soomaaliya ka imaanaya uu hub la soo galo dalka ulana gudbaan xeryaha qaxootiga, ayaga oo markaas qatar gelinaya nabadgelyada bulshada iyo dalka intaba.

Ma laga yaabaa in dagaallada cusub ee soomaaliya nabad u sabab noqdaan?
BAIDOA, Somalia, July 07, 1999 (Reuters) By Kieran Murray, faragelinta Ethiopia soomaaliya ku hayso waa mid ayada maslaxo ugu jirto laakiin waxaa laga yaabaa in ay sabab u noqoto heshiis nabadeed oo soomaaliya ka dhaca.

3,000 ee askeri ee Ethiopia ay ku fidisay dulka soomaaliya waxay bedeshay miisaankii ciidan ee dhulkaas ka jiray, kaas oo geeyay Ina Caydiid booskii isdifaaca, arrintaasi oo laga sugo rejo ah in Ina Caydiid ka samro hunguriga uu u qabo in uu wadanka kaligiis xukumo, uuna u ogolaado madaxda qabiilooyinka kale qaybta ay dalka maamulkiisa ku leeyihiin.

Laakiin jabhadaha qaar iyo dad kale oo soomaali ah ayaa waxay ka cabsi qabaan in ay xaaladdu sii xumaato oo dagaalku meelo kale ku sii fido. Saamayntii ugu xumayd ee ay gaysatay faragelinta Ethiopia waxay ahayd markii ay taageertay RRA-da daagaalkii waynaa ee ay ku qaaday kooxda Caydiid, taas oo lagu qabsaday magaalada istaraatiijiga ah ee Baydhabo, ciidankii Caydiidna ku khasabtay in ay baqaha jeediyaan kadib markii ay haysteen magaaladaas afarsano in ka badan.

Raxanwayn, waxaa loo aqoonsanyahay sharci ahaan in ay dhulka baydhabo la jeeda leeyihiin laakiin uma suurta gasheen in ay Baydhabo qabsadaan Ethiopia la,aanteed. Kadib markii RRA-du qabsatay Baydhabo UN-ku waxay sheegeen in tirada dadkeedu u kacay si xoogleh kaas oo ah 15,000 ilaa 50,000, maxaa yeelay dadkii xukunkii Caydiid ka cararay ayaa magaalada ku soo laabtay.

Inkasta oo adduunku u arkeen faragelinta Ethiopia iyo Eritrea ay soomaaliya ku hayaan in ay tahay belo lagu deray hooggii siddeedda sano ka socoday soomaaliya, hadana dibolomaasiyiintu waxay u arkaan in laga yaabo in ay nabad sabab u noqoto faragelintaasi.

Ethiopia iyo RRA-da ayaa laga baqaa in ay dagaal ku qaadaan Caydiid
BAIDOA, Somalia, July 6 1999(Reuters), Dagaalkii lagu qabsaday magaalada Baydhabo wuxuu noqday mid xooggii Ina Caydiid si aad iyo aad ah u dhimay, taasina waxay keentay in labadii qolo ee kala ahaa Ethiopia iyo RRA-da ee dagaalka weday ay hadda u habhaabtaan in ay dagaal cusub ku kacshaan meelaha uu haysto Ina Caydiid.

Hassan Mohamed Nur Gudoomiyaha RRA-da ayaa sheegay in uu damacsanyahay in uu xureeyo dhammaan goballada ay leeyihiin dadka loo yaqaan digil iyo mirifle, dhulkaa oo ah Bay iyo Bakool iyo Shabeellada hiise.

Kooxda cusubi waxay sheegeen in ay damacsanyihiin in ay dagaal ku qaadaan Balli doogle oo uu hadda Ina Caydiid haysto, Maxamad Nur oo loo yaqaan Shaar guduud, wuxuu intaa ku deray in uu hadda damacsanyahay in uu qabsado magaalooyinka Qoryooley, Baraawe iyo Jilib ee la jeeda xeebta koofureed ee muqdishu kuna wereegsan dhulka barwaaqada ah ee beeralayda.

Shaarguduud wuxuu inkiray in ay Ethiopia kaalmo ciidan ka gaysatay guushii ay dhawaan ka soo hooyeen dagaalkii Baydhabo lagu qaaday. Duulaankii ay Baydhabo ku qaadeen Ethiopia iyo RRA-du wauxuu ahaa mid si fudud loogu guulaystay, labada dhinac ayay magaalada ka weerareen, hub badan iyo maxaabiis uintaba way qabteen, dadkii magaalada deganaa ayaa dabadeed ku heesay "Caydiidow bax, Gacan ku dhiiglihiiyow".

Nin Soomaali ah oo wiil ku dilay America
Menioplis 4 July 1999 (Mahad Yaasiin), Oday soomaali ah oo lixdan iyo laba jir ah iyo wiil dhallin yaro ah oo soomaali ah, oo ku nool dalkaasi Maraykanka ayaa la sheegay in uu muran dhex maray, kaas oo ku dambeeyay in odaygii dilo wiilkii.

Waxaa la sheegay in odaygu wiilka laba xabbadood uga dhuftay laabta, taasina ay keentay in uu wiilkii si fudud u geeryoodo, dabadeedna ay duugeen dadka soomaaliyeed ee degganaa halkaas.

Gobalka uu ninkaas wiilka dilay degganaa dadka dadka dila toogasho laguma xukumo sida uu ii soo sheegay Mahad Yaasiin, ee waxaa lagu xukumaa xabsi, ninkii soomaaliga ahaa ee wax dilayna waa la xiray.

Wiilka la dilay waxaa magaciisa la yiraahdaa Maxamad waana 22 jir, waxaana adeer u ah nin soomaaliya madax ka ahaan jiray oo la yiraahdo "Abshir Kaahiye" Ninka wiilka dilay magaciisa waxaa la yiraahdaa Cabdi, wuxuuna u dhashay Majeerteen, waxaana la sheegay in uu gacan ku dhiigle hore ahaa oo uu soomaaliya dad ku soo dilay.

Xuseen Caydiid oo la sheegay in uu booqasho dibadda u aaday
Somalia July 4 1999(BBC) Xuseen Caydiid ayaa la sheegayaa in uu booqasho ku tegay dalkaasi Kenya, waxaana loo malaynayaa in uu la kulmi doono madaxwaynaha dalkaas Mr Moi, waxyaabaha ay labada nin ka wada hadli doonaan lama sheegin.

Hase ahaatee waxaa la filayaa in uu Ina Caydiid, kaalme waydiisto Kenya, kana raalli gelsho shilkii dhacay toddobaadkii la soo dhaafay ee ay ciidamadi hubka kaga boobeen ciidanka Kenya.

Waxaa kale oo la sheegayaa in uu Ina Caydiid damacsanyahay in uu socdaal ku gaaro Dalka Libiya iyo Masar iyo Eritrea, waxaana loo malaynayaa in uu dalalkaas lacag iyo hub u doontay si uu uga hortago weerarka ba'an ee ay ku soo hayaan qolyaha xulufada ah ee Ethiopia iyo RRA-du.

BOGGA 3AAD
BOGGA GANACSIGA IYO DHAQAALAHA
Banigi Islaami ah oo la xiray
Toddobaadkii la soo dhaafay ayaa waxaa dowladda Imaraadka Carabta iyo Maraykanku isku afgarteen in la xiro Bangigii Islaamiga ahaa ee ay Dubai lahayd ee Maraykanka ku yiil.

Arrintaasi waxay dhacday kadib markii in muddo ah ay wada xaajoonayeen madaxda Dubai iyo jawaasiista Maraykanku. Bangigaas waxaa jawaasiista maraykanku ku tuhmeen in ay lacagi u taallo ninka caanka ah ee loo yaqaan Bin Ladan.

Waxaa jawaasiista Maraykanku ku andacoodeen in lacag badani u taallo ninkaas bangiga Islaamiga ah ee Dubai laga maamulo kuna yaalla Maraykanka dhexdiisa, waxayna ka codsadeen Emaraadka in bangiga la xiro.

Sidoo kale waxay sheegeen jawaasiistu in Bin Laadan lacago kale u yaallaan Sudan, oo uu maalgelin ku leeyahay, taas oo badanaa la xiriirta sharikadaha dhismaha, beeraha iyo ganacsi kale.

Dowladda Somaliland oo lacag cusub samaysatay
Maalmahan waxaa soomaaliya xiise ku hayay lacag cusub sameynteed, sanadba waxabaa lagu daataa, soomaaliduna waa xiisaaley, waxaanna u malaynayaa in aad la wada socotaan lacagihii cusbaa ee soomaaliya lagu soo fatahay maalmahan.

Qoladii ugu dambeysay ee sheegtay in ay lacag cusub samaynayso waxay ahayd somaliland, bidcadaas waxaa bilaabay sida aan wada ognahay Caydiid, asiga oo is leh aad ku jebisid cadawgaaga.

Hase ahaatee, natiijadii falkii caydiid hoog badan bay dalka u horseeday, waana in lacag aan wax qiime ah ku fadhiyin dalkii lagu harqiyay, lana sameeyay in ka badan saddex lacagood.

Puntland ayaa bishii hore sheegatay in ay lacag soo samaysteen ayaga oo sida muuqata ka masayrsan Caydiid, toddobaadyadii la soo dhaafayna madaxda Somaliland ayaa ayaguna sheegtay in ay lacag cusub samaysanayaan, suaashu hadaba waa, taasi xal ma u noqonaysaa burburka soomaaliya?

Lacag beenbeen ah oo la mid ah sida midda ay carruurtu ku ciyaarto wax qiimo ah dal ma soo gelinaysaa? Lacagtii hore ee intii somalia ay dowladda ahayd la isticmaali jiray way dhamaatay, dowladna dalkii ma laha, hadaba maxaa xal ah, ma in qof waliba lacag samaysto ayaa xal la mooday markii lagu wada fashilmay in la samaysto dowlad midaysan oo u adeegta maslaxadda umadda soomaaliyeed?

Sarrifka lacagaha dalalka badanaa soomaalidu deggantahay.
Taariikhda sarrifka 5.7.1999ka.
Dalka Lacag US$1 =
Qatar Rial 3.639
Bahrain Dinner 0.3769
Kuwait Diner 0.3071
Switzerland Frank 1.5683
Malaysia Ringit 3.800
Dalka Lacag US$1 =
Somalia Shilling 9620
Djibouti Frank 177.72
Syria Lire 45
Sudan Diner 247.10
Yemen Riyal 148.15
Dalka Lacag US$1 =
Australia Dollar 1.5082
Thailand Bahat 36.95
Canada Dollar 1.4698
England Pound 0.6418
Europe EURO 0.9789
Dalka Lacag US$1 =
Saudi Riyal 3.750
U.A.E Durham 3.672
Oman Riyal 0.3849
Egypt Pound 3.410
Iraq Diner 0.3109
BOGGA 4AAD Anglefire Free Email
BOGGA QUBANAHA
Nin iyo naag maxkamada Kenya sii deysay
July 8, 1999(BBC) Nin iyo naagtiis ayaa maxkamad ku taalla dalkaasi Kenya sii daysay kadib maarkii qaalligii xukumayay cadddeeyay in aaney wax dambi ah lahayn.

Ninkaas oo magaciisa la yiraahdo Arran Morris oo 32 jir ah iyo naagtiisa Kerry Page, waxaa lagu soo eedeeyay in ay xadeen alaab ay lahaayeen hay'adihii gargaarka ee soomaaliya ka shaqaynayay 1995kii.

Naagtaas oo madax ka ahayd sharikad alaabta dhoofisa oo uu ninkeeddu lahaa, ayaa la sheegay in ay qalab isugu jira baabuur iyo qalab dhisme iyo makiinado waawayn xadday ayadda oo ku lunsatay alaabtaa soomaaliya dhexdeeda kolkii laga soo baxayay soomaaliya 1995kii.

Dowladda Kenya ayaa ninkaa iyo naagtaas dacwo ka gudbisay oo u dhiibtay Booliiska Caalamiga ah Interpol, dabadeedna Ms Page waxaa la soo xiray kadib markii ay ka timid Dubai kuna soo degtay Nairobi.

Nimanka u doodayay gabadhaas waxay sheegeen in aanay gabadhaasi qalabkaas lumay ka masuul ahayn, dalka soomaaliyana markii laga soo baxayay uu ahaa fowdo, hay'aduha gargaarkuna ay degdeg uga soo bexeen.

Gabadhaas mar la waydiiyay toddobaadkii ay xirreyd wixii ay la kulantay waxay tiri xabsi aad u yar ayaa inala gelshay inaga oo gaarayna 47 haween ah, waxayna tiri waxaan arkay gabdho yaryar oo sidii xoolaha loo dilayo oo xabsiga lagu hayo.

Gabadhaasi waxay sheegtay in ay doonayso in ay xaas gurijoogto ah noqoto kadib marka ay ka dhamaato dacwadani, dabadeedna ay yeelato carruur badan oo ay koriso.

Sheekh Mustafa Zarqa oo geeryooday
Allaha u naxariistee, waxaa maalintii sabida ee la soo dhaafay ku geeryooday magaalada Riyaad ee dalkaasi Sacuudi Carabiya Sheekh Mustafa Axmad al-Zarqa.

Sheekh Mustafa wuxuu ku dhashay magaalada Xalab ee ku taalla dalkaas Suuriya 1904kii, kadib markii uu daraasadiisa sare dhameeyeyna wuxuu ka shaqeeyay kuliyadda xuquuqda ee jaamicadda Suuriya.

Waxaa kale oo uu wax ka dhigay jaamicada Jordan iyo jaamicadaha Kuwait iyo Sacuudiga, wuxuu ka mid ahaa gudiga fiqhiga islaamka ee raabidada caalamka islaamka.

Sheekh mustafa wuxuu qoray kutub badan uu ku saabsan fiqhiga iyo shareecada islaamka, waana shaqsiyad aad looga ixtiraamo dalalka muslimka ah, siiba jaamicadaha iyo aqoonyahannada dhexdooda.

Sheekh Mustafa wuxuu horey uga soo shaqeeyay suuriya, wasiirka caddaaladda iyo xubin baarlabaan intaba wuu soo noqday.

BOGGA 5AAD la xiriir Sadiq Hashi
BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA
MADAXWAYNE HA LAYGA DHIGO!
Faahfaahin ku saabsan kitaabkan
Cinwaanka: Madaxwayne ha layga dhigo!
Mowduuca: Waa kitaab afsoomaali ku qoran oo ka hadlaya sida qola kasta oo ka mid ah qabiilooyinka soomaalidu ay isugu dayday in ay madaxwayne dalka u noqdaan.
Qoraaga: Qaasim Hersi Farah(Duullaanjecel).
Qasim's photo
Qasim Hersi
DAMBIGA GUUD EE FIDNOOLAYAASHA
Inkastoo ay dambiyada lagu haysto eedaysanayaasha isku soo wada laa laabanayaan hadana waxay dadku ugu kala badinayeen inta uu mid walba ku dadaalay in uu ku guulaysto ficil shareedkiisa iyo sida uu iskugu dayayey in uu cirib tiro cid alle ciddi ka soo horjeedda.

Dambiga ugu weyn ee ka dhexayn kara qab qablayaasha dagaalkana wax uu yahay; Maxay u bilaabeen qaska iyo dagaallada mar haddaysan garanayn sida dawlad loo helo iyo waxa ay dawladi tahay?, waxaa hubaal ah in la wada dareensanaa qaxarkii keligii taliyihii, laakiin waxaa keli ah oo isku dayi karay wax ka qabadkiisa ninka garanaya jidka loo maro helitaanka xal isaga kiisa dhaama.

Tan kale waxaan marnaba muuqan nin u kacay in uu si daacadnimo ah uga badbaadiyo ummadda Soomaaliyeed dhib haysta. ee waxaa mid walba ku cad in ay madaxweynenimo derdertay oo uusan fiyoobayn uuna ka masayray Maxamed Siyaad, uuna hadafkiisa ugu weyni yahay bal mar uun shilin gacanta ku dhig, magacaagana Idaacad uun halaga dhegaysto.

Sidaa uun si la mid ah ayeyna igu raacsiisan yihiin Siyaasiyiin, Indheer garad, Nabad doonno iyo aqoonyahanno badani, waxaa igu filan in aan tusaale u soo qabsado hadallada iyo miisaalada aqoonyahanka Soomaaliyeed ee Xuseen Maxmed Adan, oo ku qoray kitaabka; (Conflict and peace in the horn of Africa, by Peter wood ward and Forsyth), bogga; 120 aad, (Waxay lahaayeen indho Barre lagu rido oo keli ah, laakiin ma lahayn garaad kale oo dawlad lagu dhiso).

Dr. Xuseen wuxuu ku miisaalay fidna walayaashaas dagaalka huriyey sidii; nin intuu soo dhex galey gegi dayuuradeed, xaday buug ay ku qoran tahay sida dayuuradda loo kiciyo, oo intuu markiiba dayuuraddii gudaha u galay duuliyey, laakiin markuu hawada galay ka dib u baahday in uu soo dejiyo, mise maba yaqaan meel uu ka taabto, buug kale oo u sheegana ka ma soo xadin garoonkii.

Haddii loo eego Sharciga Islaamkana waxaa la helayaa in guud ahaanba dambiilayaashu ay mas'uul ka yihiin dilkii in Alle iyo intii Soomaali ku dhimatay si aan caadi ahayn, tan iyo intuu waddanku kala haaday oo la kala faniinayey, iyo weliba intii dhalan lahayd ee baaqatay iyada oo la cuskanayo tirakoobihii iyo qiyaasihii lagu waday tirada dadka, lana sii eegayo qorshe sanadeedyadii la saadaalinayey ee la xiriiray xagga horumarka dhan walba leh iyo heerarkii dhimasho iyo dhalasho ee la qiyaasayey (fertality anad mortality).     [Waa socotaa...]

Halgankii dheeraa ma hal bacaad lagu lisaa?!

Nooca ururada Qurbaha ka jira
Ururada Qabiiliga:
Ururada qabiilka ku salaysan oo weliba jilib-jilibka ah, sida kuwa ka samaysan dalka Ingriiska. Urururadaas rasmi ahaan Dowladdu ay u aqoonsan tahay si maamul ahaan ay ku kala shaandheyso qaybaha (segments) bulshada Soomaaliyeed xagga aqoonsiga, maadaama aysan jirin dokuments rasmi ah ee lagu kalsoonaan karo.

Halkan waxaa looga amba-qaadi karaa inuu ka abaabulmo urur jaaliyad Soomaaliyrrd ee guud ah oo u noqda dallad "umbrella", kuwa hadda jira ee jilib-jilibka ku dhisan. Arintan waxay leedahay laba faa'iido: kow; cidda wakiillada ka ah, bulshada ay matalaan waxay ka haystaan wax kalsooni u eg ambase aan niraahdo nooc "legitimacy" u eg.

Haddii ururka dalladda ah laga dhex doorto wakiiladaasi waxaa ka abuurmi kara hey'ad amase "institution" isagana "legitimacy" leh, matali karana jaaliyadda ku nool waddankaasi. Waxaane loo gudbi karaa in waddamada kale qaabkaasi lagu dhiso ilaa la helo Urur ama "association" Somaalida Qurbaha ku nool afkaartooda isku soo dhaweeya. Tan labaad jaaliyadahaas jilib-jilibka ku dhisan waxay Dowladda Ingriiska ka haystaan wax u eg aqoonsi, taasine waxay fududeynaysaa amase ambaqaad u noqon kartaa xiriirka ururada cusub iyo Dowladaha ay ku dhex nool yihiin.

Ururada Xirfadaha
Ururada kale ee hadda dhisan badanaa waxay u badan yihiin ururo qabiili ah iyo weliba kuwa ku xiran dhacdooyinka Soomaaliya ka socda. Urururadaas waxaa iyaga beddeli kara in loo habeyo ururo xirfad kulmisa, sida kuwa dhakhatiirta iyo xirfadaha ay isku eeyni noqon karaan; suxufiyiinta iyo qoraa-yaasha, xeeryaqannada iyo Diplomaasiyiinta, ururada culimada, bulshada, ururada dhalinyarada iyo ardada, ururada haweenka? Iyo wixii la mid ah. Kuwaasi in loo abaabulo qaab degaanno, gobollo, Dowlado ilaa la gaarsiyo Urur dallaayad "umbrella" u noqda mid gaarsiisan heer usu soo duma Somaalida Qurbaha ku nool.

Khadka iyo barnaamijka Siyaasadeed
Haddii Eebbe nafta inagu simo, In Shaa' Allaah, waxaan cadadka soo socdo ee KULAN ku eegi doonaa mashruuca Siyaasadeed ee doorka Qurbawiga Soomaaliyeed loo adeegsan karayo. Ha ahaadeen dhanka abaabulka Dalka gudihiisa amase dibaddiisa, duruufaha wax kaabaya ee ka jira iyo sidii looga faa'idaysan lahaa, kuwa caqabadaha noqon kara sidii looga talaabsan kari lahaa iyo noocyada hoggaaminta iyo nidaamyada xeer dejinta iyo qaababka go'aan gaaridda (Decision Making Process).     [Waa socotaa..]

BOGGA 6AAD la xiriir Ibraahim Salah (for free copy)
BOGGA HAWEENKA
Haweenka Somaliya Siyaasadda qayb ma ka qaadan doonaa?
Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed ee waagii Siyaad Barre dalka xukumijiray ayaa wuxuu ku faani jiray in boqolkiiba 60 ay xubnihiisa haween yihiin, waxaana si muuqata loo arkay in tirada haweenka ka qayb qaatay kacaankii soomaaliya ay runtii ahayd tiro aad u badan.

Maanta soomaaliya nidaam qabiil ayaa ka jira, waxaana muuqata in aanan waxba looga ogolayn haweenka maamulka iyo hoggaanka dalka inta la raacayo nidaamkaas.

Arrintaas ayaa waxaa ka qaylshay dabayaaqadii bishii la soo dhaafay koox haween ah oo u doodda xuquuqda siyaasadeed ee haweenka soomaalida.

Gabdhho u hadlay kooxdaas waxay sheegeen in ay qabyaaladdu ka soo horjeeddo xuquuqda haweenka, aaneyna suurta gal ahayn in haweenku helo sedkiisii maadaama nidaamkaas la raacayo.

Gabdhahaasi waxay dowladaha reergalbeedka ka codsadeen in la soo faragelsho arrimaha soomaaliya dagaalkana sidii loo joojin lahaa lagu caawiyo soomaalida.

Waxaa kale oo gabdhahaasi sheegeen in ay had iyo jeer isku dayaan sidii ay dhallinyarada ugu guubaabin lahaayeen in ay hubka iska dhigaan oo iskuulkii ku laabtaan.

Waxay gabdhahaasi kula sharatameen hoggaamiyayaasha dagaalka soomaaliya in ay haddii ay ragyihiin iska dhigaan hubka oo si nabadgelyo leh ugu soo jeestaan wadahadalka nabadeed iyo mustaqbalka siyaasadda dalka.
BOGGA 7AAD xayaysiin
DIINTA ISLAAMKA
KITAABKA TAWXIIDKA
    Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
    1.Cinwaanka: Kitaabka Towxiidka(121 Bog)
    2. Mowduuca: Tawxiidka.
    3. Qoraaga: Sheekh Maxamad bin Cabdil wahhab.
    4. Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre
    5. Qiimaha: (US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin.
as-salafiyah al-wahhabiyah
CASHARKA 41AAD
Shirkiga Waa laga digay
Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri:
[Ha u yeelina Eebbe kuwa la mid ah adinkoo og] Al-Baqarah 22.
Ibn Cabbaas wuxuu aayaddan ka yiri: Kuwa Eebbe la midka ah: waa shirkiga, wuuna ka qarsoonyahay quraanjo ku socota didib madow desheed gudcurka habeenki. Waana in aad tiraahdo: Eebbaan ku dhaartay iyo noloshaada hebelow, iyo noloshayda, iyo in aad tiraahdo: Aydaan la'aanteed tuugo ayaa inoo soo dhici lahayd.

Iyo Boolabooladan hadaysan aqalka joogi lahayn tuugo ayaa inooi maan lahayd. Iyo Hadalka Ninku ku leeyahay saaxiibkiis: Wixii Eebbe doono adna aad doonto, iyo Hadalka ninku leeyahay: Eebbe iyo hebel la'aantood. Hebel ha ku derin (hadalka) maxaa yeelay waxyaabahaas oo dhan waa shirki"{Ibn Abii Xaatim}.

Cumar Ibn Khitaabna Allaha ka raalli noqdee, waxaa laga soo weriyay, in Nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, uu yiri:"Qofkii Eebbe cid aan ahayn ku dhaarta waa hubaal in uu kufriyay ama uu u shariigyeelay"{Tarmadi, Xaakim}.

Ibn Mascuudna wuxuu yiri:" In aan Eebbe ku dhaarto aniga oo been sheegaya ayaan ka jecelahay in aan cid aan Eebbe ahayn ku dhaarto aniga oo run sheegaya".
Xudayfana Allaha ka raalli noqdee, wuxuu nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, ka soo weriyay, in uu yiri:"Ha dhihina: Wixii Eebbe doono Hebelna doono, ee waxaad dhahdaan: Wixii Eebbe doono, kadibna Hebel doono"{Abuu Daa'uud ayaa sanad saxiix ah ku soo weriyay}.

Ibraahiim An-Nakhaci-na waxaa laga sheegay "in uu nacbaa in uu yiraahdo: Eebbaan magangalay iyo adiga, wuxuuna banneeyay in uu yiraahdo: Eebbe kadibna adiga. Wuxuu yiri: Waxaa dhahayaa: Eebbe la'aantiis ka dibna Hebel, hana dhihina: Eebbe iyo Hebel la'aantood".

Masalooyinka Casharka
Tan 1aad: Waa tafsiirka aayadda Al-Baqarah ee Ilaahyada lagu sheegay.
Tan 2aad: Waa in asaxaabta (Nabigu) Allaha ka raalli noqdee ay ayadaha ku soo degay shirkiga wayn ku fasireen shirkiga yar.

Tan 3aad: Waa in Eebbe cid aan ahayn oo lagu dhaartaahi ay shirki tahay.
Tan 4aad: Waa in haddii uu qofku ku dhaarto cid aan Eebbe ahayn asiga oo run sheegaya, ay taasi ka wayntahay (ka dambi badantahay) dhaarta beenta ah.
Tan 5aad: Waa waxa u dhexeeya isku xirka iyo kala fogaynta hadalka.
BOGGA 8AAD xayaysiin
BOGGA DHALLINYARADA
SHEEKADII KALIILA IYO DIMNA
Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1.Cinwaanka: Kaliila iyo Dimna(119 Bog).
2. Mowduuca: Murti facwayn iyo sheekooyin qosol badan.
3. Qoraaga: Cabdullaahi bin al-Muqafac.
4.Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre
5. Qiimaha: (US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin.
somalinet logo
Qaybtii: 36aad
Baaristii Arrintii Dimna
Markii bulshadii hadalkiisii maqleen bay amuseen, kolkaas baa Dimna yiri: maxaa idin aamusiyay?. waxaad ogtihiin ka hadla, waxaadna ogaataan in eray waliba warcelin leeyahay, aqoonyahanaduna waxay dheheen, qofkii wax uusan arag ku marqaati fura, oo wax uusan aqoon sheegta, waxaa qabsada wixii dhaqtarkii qabsaday, kaas oo wax uu san aqoon in uu yaqaanno sheegtay. Bulshadii waxay tiri: oo taasi sidee bay u dhacday?

Dimna: waxaa la sheegay in dhaqtari joogi jiray magaalooyinka qaar ka mid ah, kaas oo aqoon iyo waaya aragnima lahaa, howlaha uu qabanayana dhug u lahaa, kolkaas baa dhaqtarkaasi gaboobay oo araggiisii yaraaday.

Boqorka magaaladaasina wuxuu lahaa gabar uu u guurshay inan walaalkiis dhalay, kolkaas baa waxaa ku dhacay waxyaalaha uurlayda ku dhaca oo ay jirrooyinku ka mid yihiin, kolkaas baa dhaqtarkii loo keenay, markii uu yimid buu gabadhii waydiiyay xanuunkeeda iyo waxa ay dareemayso, wayna u sheegtay oo jirradeeda iyo baanta ay leedahay wuu ogaaday, wuxuuna ku yiri, haddii aan wax u jeedi lahaa geedaha jaadadkooda oo dhan aqoontayda baan ku soo aruurinlahaa, qof aan aniga ahaynna taas uguma kalsooni.

Magaaladana waxaa joogay mid aqoonlaawe ah [dabbaal], markaas baa hadalkii gaaray, markaas buu u yimid oo sheegtay aqoonta dhaqtarnimada, wuxuuna u sheegay in uu waaya arag u yahay aqoonta waxyaabaha ay daawooyinku ka samaysanyihiin, uuna yaqaanno cimilada daawooyinka isa saaran iyo kuwa aan isa saarnayn.

Kolkaas baa boqorkii faray in uu galo bakharka daawooyinka oo uu ka soo qaato dhirta daawada wixii uu uga bahdo, aqoonlaawihii kolkii uu bakhaarkii galay, oo daawooyinkii loo soo bandhigay wax ay tahayna uusan garanayn, aqoonna uusan u lahayn ayaa wixii uu qaatay waxaa ka mid ahaa dhalo mariid gootriisa wax dilaahi ku jiro, oo daawooyinkii buu qasay, wax ogaal ahna uma laha, jaadkeedana wax aqoon ah uma laha, daawada isku darkeedii kolkii uu dhamaaday ayuu gabadhii cabsiiyay, kolkaas bay isla goortii dhimatay, boqorkii markii uu taa ogaaday buu aqoonlaawihii u yeeray oo isla daawadii cabsiiyay, oo isla goortii buu isna dhintay.

Waxaanna tusaalahan idinkugu soo qaaday, si aad u ogataan yiraahdaha iyo falaha, sibxashada ku dhacaysa, oo ah malo uu soohdinta uga baxayo, qofkiinii soohdintiisa ka baxana waxaa qabsan doona aqoonlaawahaas wixii qabsaday, asiga ayaana u eedaysan, aqoonyahanaduna waxay dheheen, waxaa dhacda in nin oraahdiis laga abaal mariyo, hadalkuna wuu idin horyaallaa ee u fiirsada.

    [Waa socotaa..]

BOGGA 9AAD!Register-It! -
 Promote Your Web Site!
HIDDAHA, DHAQANKA, SUUGAANTA IYO AFKA SOMALIDA
MACMACAANKA MURTIDA SOOMAALIYEED

Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1. Cinwaanka: Macmacaanka Murtida Soomaaliyeed.
2. Mowduuca: Murti iyo Maahmaahyo Soomaaliyeed.
3. Qoraaga: Hersi M. Labagarre
4. Qiimaha: (US$10.00) oo aan boostadu ku jirin.
Qaybtii 23aad
1. Gari laba nin kama wada qosliso.
2. God cadaawo ha qodin, haddaad qoddana ha dheerayn, ku dhici doontidaana la ma ogee.
3. Geel jire geela waana wada jirtaa waana kala jirtaa.
4. Gurbaan ama gacalkaa ha kuu hayo ama garabkaaga ha kuugu jiro.
5. Guurku waa dab dabsaar, bari barisaar, bari dabsaar.
6. Geeri haddii ay ku daynlaheed gabow baan ku daynayn.
7. Geesi eebbe ma xilo.
8. Gabooygii gantaal xuni futada buu iska ganaa.
9. Garta naq baa la i yiriye ku dirir la ima odhan.
10. Gaashaan qaad ma ambado.
BOGGA 10AAD xayaysiin
IIDHEH IYO OGAYSIIS
OGAYSIIS
Dhammaan aqristayaasha waxaan ogaysiinaynaa in aan bedelnay Hompage-kii hore ee wargayska, Hompage-ka cusub waxaad ka heli kartaan (HTTP://WWW.ANGELFIRE.COM/MS/SEJ/), hadaba booqasho wacan.
Mashruuca Abwaanka Afka, Hidaha iyo Dhaqanka Somalida
[Encyclopedia Somalica]

Please support Somali Electronic Journal
Programmed, Developed and Written by Hersi M. Labagarre
Codka Somalida Cusub, Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah, wuxuu ku soo baxaa afka Soomaaliga Maalin kasta oo Axad ah
"DHAMMAAN MAQAALADAHA WARGAYSKAN KU SOO BAXA WAXAY U TAAGANYIHIIN ARAGTIDA QORAAGA EE UMA TAAGNA UJEEDDADA WARGAYSKA"

DHAMMAAN XUQUUQDA DAABACAADDU WAY DHOWRANTAHAY

Copyright 1998 - Labagarre - All rights reserved.
Nala soo xiriir
booqo csc H. page
Saxiix B. Martida
Codso wargayska sej
Dhiibo Aragtidaada
Aqarso B. Martida
Xayaysiin
Bogaadin
Somali Forum
Free Email
Free Guest Book
Free Home Page