Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

CODKA SOOMAALIDA CUSUB
A Weekly Somali Electronic Journal

Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah
Wuxuu ku soo baxaa afafka
(Soomaaliga iyo Ingiriiska)
Wuxuu Soo baxaa Maalin kasta oo Axad ah

Home Page URL: http://www.angelfire.com/mo/codkasomalidacusub/cschpage.html

Taariikh:31 06.09.1998

TUSMADA WARGAYSKA

NO

BOGGA

MAQAALKA

MAGACA QORAAGA

1

BOGGA 1AAD

ARARTA WARGAYSKA

QASIM HERSI FARAH

2

BOGGA 2AAD

WARARKA SOMALIDA

HERSI M. LABAGARRE

3

BOGGA 3AAD

BOGGA QUBANAHA

HERSI M. LABAGARRE

4

BOGGA 4AAD

BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA

QASIM HERSI FAARAX
IBRAAHIM MACALLIM MURSAL

5

BOGGA 5AAD

DIINTA ISLAAMKA

SH.M. BIN ABDULWAHHAB

6

BOGGA 6AAD

BOGGA DHALLINYARADA

A/LAHI BIN AL-MUQAFA

7

BOGGA 7AAD

HIDAHA, DHAQANKA,..

MAXAMAD CIISE AXMAD

8

BOGGA 8AAD

IIDHEH IYO OGAYSIIS

HERSI M. LABAGARRE

BOGGA 1AAD


Qasim Xirsi Faarax
Ph.D IN ENVIRONMENTAL LAW AND POLICY

ARARTA WARGEYSKA

MISBAAX MINANKEEDA MUGDI YAHAY
MINAN DADOW MA IFINAYSAA?

Akhristow haddaad caadaysatay in aad si ba'an ama si caadi ahba u dhaleecayso Qab qablayaasha dagaalka ee Somaliyeed, Kaaba qabiilada, Mooryaanta, Jirida, Dhul jiifka, iyo kuwa ku naaxay bililiqaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee dalka ama darooga abuuridda.

Walaal hadaba taas ka istaaqfurulayso!. Maxaa wacay? asal ahaanba inta wax baratay Somalida way iska yar yihiin tiro ahaan marka lala barbar dhigo inta kale ee la jinsiga ah. hase ahaate waxan shaki ku jirin in haddii ay ka dhabeeyaan qiimaha wax barashada ay heleen ay waxun ka tari lahaayeen xaaladda murugsan ee dalku uu maanta ku jiro. nasiib darro tani ma aysan dhicin, mana muuqdo wax ifafaalo ah ee cadaynaya in ay maanta ku baraarugsan yihiin.

waxa wax laga niyad jabo ah in ay maanta kulligood meel kaste oo ay joogaanba ka war sugayaan Qabqablaha dagaal ee qabiiladooda kala duwan.

waxay kuwooda ugu rooni Ilaahay ka baryaan in ay Somalidu heshiiso, oo ay nimanka Dagaal wadayaasha ihi waxun ku heshiiyaan. laakiin su'aal lama huraan ah ayaa waxa ay weydiinaysaa "Maxay tahay maslaxadda ku jirta in ay nimankaasi heshiiyaan"?

Waxa ay ila tahay in nin shalay ku tala galay in uu feedh iyo fara laab ku helo xukun uu hubo inuusan xaq u lahayn uusan marnaba maanta ku fikiri karin in uu wax wanaajiyo, waayo? waxa jirta in uu aadanuhu ka duulo xarun muhim ah oo maamusha guud ahaanba talooyinkiisa.

xaruntaasi waxa ay soo go'aamisaa hadba wixii ay tusiso duruufteedu, ha ahaato mid ka burqatay xag aqoon, dhaqaale, magac, caqiido, qabiil, iyo kulli wixii kale ee doonis maman lagu baadi goobo, xaq iyo baadil tay ahaataba.

Taas ayaa marka loo eego cilmiga nafsaaniga waxa la cadaynayaa in ay ku salaysan tahay koritaanka shakhsi ahaaneed ee qofkaas.

taas oo dhab ahaantii isugu soo biya shubanaysa asalka deegaanka uu ku soo ababay, wixii u horeeyey maskaxdiisa wax barasho ahaan, iyo waxyaalaha laga xiisaynayey halkii uu ku koray.

Haddaba inaga oo taas iyada ah ka sii saan qaadayna, aan is weydiinee maxaa ku duuban cajalada dareenka maskaxeed ee mid kaste oo ah kuwa maanta u ololeeya arimaha Soomaaliya? waxay ila tahay in ay taasi u caddahay akhristaha oo uusan jawaab dheeri ah u baahnayn.

Sidaa darteed inaga oo tusaalahaas halkiisa uga sii tagayna aan haddana is weydiino halaka uu qiimaha aqoonyahanku maanta ka joogo dadkiisa. waxan tusaale yar oo tusin kara u soo qaadanaynaa "Doorashooyinkii" dhawaan ka dhacay "Dawlad goboleedka Puntland".

Waxa la soo doortay dad fara badan oo loogu tala galay in ay noqdaan hogaamiyeyaasha Qawmiyadaha bah wadaagta ah ee geyigaas ku dhaqan. Intii ay socdeen doorashooyinku waxa isku dayey in ay isa soo sharaxaan ururo ka madax banaanaa qabyaalad oo isku soo aruursaday habab kala ah: Aqoonyahano, Xisbi diineedyo, Soomaalinimo, iwm. Laakiin maxaa ku dhacay?

Dhab ahaantii waxay ku baraarugeen iyaga oo lagu qoslayo. Ugu dambaystiina waxa loogu asxaan falay in ay xor uyihiin in ay hadda inta ay goori goor tahay ku kala biiraan qabiiladoodii oo ay halkaa iska soo dhisaan. Sidii ayeyna ku bas beeleen.Hadaba su'aashu waxa ay tahay "Goorma ayey dhici doontaa in uu xisbi Somaliyed oo aan qabiil gooni ah masalaynini isu soo sharaxo maamulka dalka. Inuu guulaysto iyada bal u kaadiyoo"?

Waxaadan hadaba u eedaynin Qabqablayaasha dagaalka, bal is weydiiyoo doorkee bay ka qaateen aqoonyahanadu u ol olaynta ama u halgamida dhismaha dalkooda. goorma ayaa la arkay koox dhallinyaro aqoonyahanno ah oo ku qabsaday maamulka Kaaba Qabiilkooda ama Dagaal wadahooda?

Goorma ayaa la arkay koox isku raacday siyaasad ka barax la' qabiil ama dano gaar ah ama dano shisheeye? goorma ayaa la arkay koox isa soo aruursatay oo kula soo noqotay dalka mashruuc horumarin ah ee ay dantooda iyo danta dadkooda uga faa'iidaynayaan? goorma ayaa la arkay qoys inta ay is habeeyeen u diray kuwoodii aan aqoonta sare lahayn dibadaha kuwoodii aqoonta ku filan lahaana gudaha ee ugu tala galay in ay dalka wax ka qabtaan? goorma iyo goorma?

Talo,ahaan waxan anigu soo jeedin lahaa in ay maanta aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku kala firirsan dacalada dunida ay ku baraarugaan in aysan harsanayn muddo dheeri ah oo ay ku sii fiirsadaan dadkooda iyo dalkooda halaagga ay ku dhex dabaalanayaan. Maanta waxa sii bilig leh fursaddii ugu dambaysay ee dalkaas iyo dadkiisa lagu badbaadin lahaa, waxaana gacan qaad laga sugayaa kii wax u bartay. Waxana waajibkaas dheeriga ah saaray in uu wax bartay oo keliya.

BOGGA 2AAD

WARARKA SOOMAALIDA


Hersi M. Labagarre

FAALLADA WARKA

ROONAANA RABBAA OG!!

1991kii, waa mar hadda laga joogo 8 sanoe', ayaa waxaan maqalnay in goballada waqooyi ee dalka soomaaliya ay goosteen oo la baxeen magacii ingiriiska laga dhaxlay ee Somaliland. Mar hadda laga joogo bil iyo dhowr maalmood ayaa.

Sidoo kale, waxaa magaalada Muqdisho laga aasaasay waxa ay ku sheegeen maamulka magaalada Muqdishu, sidoo kale isla maalmahaas ayaa waxaa loo doortay Cabdullaahi Yuusuf madaxwaynaha dowladda ay ku sheegeen Puntland, waxaa kale ee ay wararku sheegayaan in jeneral Morgan uu doonayo in uu soo dhiso dowlad uu ku sheegay Jubbaland, gobalada dhexena waxaa laga qalqaalinayay dowlad kale oo loo baxshay dowladda gobalada dhexe ama Hiranland, arrimahaas ayaan maanta faallada warka ku eegaynaa.

Maamulaka Magaalada Muqdishu iyo
dhibaatooyinka ku soo fool leh

Maamulka Magaalada Muqdishu, laba nin ayaa wadda, ragga intiisii kale ee kooxaha kale ka madaxda ahaa, maamulkaas qaybtii ay ku lahaayeen lagama siin, tusaale ahaan, Ismaan Caato iyo Ina Xaaji Boot iyo qaar kale si xoog leh ayay maamulkaas uga soo horjeesteen.

Intaas arrintu kuma sinna, ee waxaa ayaguna maamulkaas ka soo horjeeda, wadaaddada magaalada Muqdishu oo ku eedeeyay labada nin ee maamulkaas wadda in ay doonayaan in ay dalka ku dhaqaan xukun Calmaani ah oo inkirsan shareecada Islamka, sida aan wararka ka maqalnay, waxaad mooddaa in uu nagu soo fool hayo, dagaal aydoloojiyo oo laga yaabo in uu dhexmaro wadaaddada iyo ragga wada maamulkaas

Xoogagga Mucaaradka ku ah Maamulka cusub
Haddaba maamulka magaalada Muqdishu, laba kooxood oo xoog leh oo reer muqdisho ah ayaa ka soo horjeeda, kuwaas oo kala ah, kooxda uu hoggaamiyo Ismaan Caato iyo Wadaaddada.

Labadaas xoog midi Siyaasad buu ku salaysan yahay, midina aydoloojiyad buu ku salaysanyahay. Waxaa fudud in laga guulaysto khilaafka siyaasadeed, haddii qaybtooda la siiyo ragga mucaaradaya maamulka, maxaa wacay nimankaasi, maamulka qudhiisa kama soo horjeedaan, ee waxay ka soo horjeedaan sida loo dhigay xeerarkiisa iyo sida loo qaybsaday xilalka maamulka.

Arrinta Aydoloojiyada
Arrinta aydoloojiyada, waa arrin aad u muhiim ah, lana filayo in ay dhibaatooyin badan u horseeddo soomaaliya, dhibaatooyinkaas oo aan ka yaraan doonin kuwii ay keeneen dagaalladii sokeeye ee dalka soo maray siddeeddii sano ee la soo dhaafay, walina haraatidoodii qaar u sii dhimanayaan, in kasta oo aad mooddo in ay hadda qayood sii noqonayaan.

Wareerka Wadaaddada
Laakiin, waxaa meeshan ku jirta arrin in loo fiirsado mudan, taas oo ah, in wadaaddada hawiye aysan ka baxsanayn qabiilooyinkooda, kana soo horjeedin hoggaamiyayaasha jabhadaha hawiye, sida aan ku aragnay kuwa daaroodka, tusaale ahaan, Wadaaddada mareexaanka iyo kuwa majeerteenka iyo Ugaadeenka intuba way ka soo horjeesteen xooggaga siyaasadeed ee goballadooda ka jira wayna la heshiin waayeen, taas oo ugu dambaystii keentay in ay dagaal hubaysan isga horyimaadaan, arrintan ilaa iyo hadda kuma arag wadaaddada qabiilooyinka hawiye, siiba Wadaaddada Habargidir, waxay si fiican ugu duubnaayeen hoggaamiya yaasha jabhadohooda.

Kolka ma laga yaabaa in uu dhexmaro dagaal kooxaha wadaaddada iyo hoggaamiyayaasha jabhadaha Hawiye? taas ilaa iyo hadda la garan maayo, jawaabtuna waa maya haddii aan qorshaha ku darno arrinta aan soo sheegay.

Halkaas waxaa ka cad in dhibaatooyinka aydoloojiyada ee foodda ku soo haya soomaalida siiba reer Muqdishu aysan ahayn kuwo hubaysan ama xanaf badan leh, waxayse keeni karaan lugjiid ku dhaca horumarka siyaasadeed ee maamulka magaalada Muqdishu.

Qaybinta Soomaaliya
Sida la ogyahay soomaaliya waa dal aad u yar, dhul ahaan iyo dad ahaan intaba, kolka loo eego dalalka waawayn ee dunida ka jira, isla sidaa ayada oo ah ayaa waxaa maanta ragga hoggaamiya jabhadaha dani ku qaadday in ay soo dhisaan dowlad ku sheegyo ama maamul kusheeg aan macna lahayn oo awooddiisu ku koobantahay hal gobol ama dhowr gobal ama magaalo ama dhowr magaalo.

Ilaa iyo hadda waxaa la soo dhisay dhowr dowlo ku sheeg, Somaliland, Puntland iyo Maamulka Muqdishu intaba qof ictiraaftay wali lama hayo, waxaa sidoo kale la filayaa in ay soo baxaan, Jubbaland, Gedoland, Hiranland iyo wax la mid ah oo macna la'aan ah, waxyaabahaas waxay tusayaan sida siyaasi isku sheegga soomaalidu ugu fashilmay soo dhisitaanka dowlad soomaaliyeed oo ugu yaraan 25% soomaalidu isku raacsanyihiin.

Ethopia iyo Doorka ay ku leedahay
Qaybinta dhulka soomaalida

Dhammaan dowlad ku sheegga laga soo dhisay goballada soomaaliya iyo magaalooyinkooda iyo kuwa laga soo dhisi doono hadda ka dib, waxaa hoggaanka siyaasadeed u haya Ethopia, Somaliland waxaa soo dhisay Ethopia, Puntland waxaa soo dhisay Ethopia, Muqdisholand(Maamulka Magaalada Muqdishu) wuxuu hadda kaalme ka raadinayaa Ethopia, oo Ina Caydiid ayaa maalmahan oo dhan ku meeraysanayay dalkaas.

Gobalka Gedo dagaalkii ba'naa ee dhexmaray wadaaddada iyo jabhadda waxaa shidayay Ethopia, jabhadda Raxanwaynta waxaa hubeeya Ethopia.
Hadal iyo dhammaantiis, u malayn maayo dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo soomaaliya ka socda oo aanay Ethopia wedin in uu jiro.

Roonaana Rabbaa Og!
Anigu shaqsi ahaan, inkasta oo aanan qaybinta dhulka soomaaliya iyo dadkeeda marnaba jaclayn, haddana sharaysan maayo dowlad ku sheegga faraha badan ee maanta dalka ka billawday, waxaanan u sharaysanayn:

1.Waa midda hora e', kol haddii siyaasi isku sheeggii soomaalidu ku fashilmay in uu soo dhiso dowlad midaysan oo ugu yaraan 25% soomaalidu isku raacsantahay, dariiq kale oo u furan majiro, in dowlad magaalo ama gobol la soo dhiso mooyee. Kolka arrintooda haddii aan fiirshay, waa "rag ku sug"

2.Tan kale, dowlad kusheegyadaas waxaa laga yaabaa in ay raalli gelinayso dad badan oo aan raalli noqdeen haddii dowlad midaysan la soo dhisi lahaa, maxaa yeelay soomaalida maanta waxaa madaxa ka gala midnima nacayb, qolo walibana waxay doonaysaa in ay dowlad ayaga u gaar ah dhistaan, taasna waxaa ugu wacan qaladka ay ka fahansanyihiin macnaha dowladda.

3.Waxaa kale ee aanan u sharaysanayayn dowlad kusheeggaas, in laga yaabo in ay mustaqbalka dowlad midaysan noqdaan.

Kolka roonaana rabbaa og, waxaa laga yaabaa in aan maanta sharaysanayno, habka iyo qaabka ay siyaasi isku sheegga soomaalidu wax u wadaan, waxaase dhici karta, in kasta oo aysan ayagu marnaba inoogu naxariisanayn soomaalina ugu danaynayn, waxaa dhici karta in falkoodaasi wanaag inoo horseedo, kolka roonaana rabbaa oge aan rag ku sugno, sidii gabadhu tiri kolkii lagu yiri kaalay oo ninkan dhimanaya yaasiin ku aqri, wax rag ah oo yaasiin yaqaan lama hayee, kolkii ay yaasiinkii aqriskiisii dhamaysay bay ninkii sakaraadayay ku tiri: war rag ku sug, waxay ka waddaa "yaasiinkan waa yaasiin naageed, ee mid rag kugu akhriyo ku sug"!!

Wararka Somaalida
Waxaa soo habeeyay:   Hersi M. Labagarre

Duqa magaalada Muqdisho oo si diirran loo soo dhaweeyay
MOGADISHU, Sept 3 (AFP) Kumanyaal qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Muqdisho si ay u soo dhaweeyeen duqa magaalada Muqdishu Xuseen Ali Axmad.
Duqa magaalada muqdishu waxaa la magacaabay 3dii bishii la soo dhaafay, wuxuuna ka soo laabatay booqashooyin uu ku kala tegay dalalka bariga dhexe qaar ka mid ah iyo Keenya.

Waxaa wararku intaa ku dareen in nabadgelyada ninkaas aad loo ilaalinayay, intii uu magaalada dhex marayay, asiga oo saarraa baabuur landrover ah oo dusha ka bannaan.
Laba gaari oo kuwa gaashaaman ah ayaa waxay isku jiirtay waddooyinka ciriiriga ah ee magaalada muqdishu ka dib markii ay isku garab ordeen intii ay ilaalinayeen nabadgelayada ninkaas la soo dhawaynayay.

Xuseen Cali Axmad waxaa magacaabay guddiga madaxda ka ah maamulka cusub ee magaalada muqdishu ee ay guddoomiyayaasha ka yihiin Cali Mahdi iyo Ina Caydiid, maamulkaas oo wali ay si xoog leh u diiddanyihiin nimanka la kala yiraahdo Isman Atto, Xuseen Xaaji Bood iyo Muuse Suudi Yalaxow, wuxuu isku deyayaa in uu xukunkiisa ku fidsho magaalada Muqdishu.

Waxaa wararku sheegeen in magaalada lagu fidshay ciidan gaaraya ilaa 2,000 askeri iyo 107 gaari oo gaashaaman, taas oo dadku sheegeen in ay ahayd howl nabaddgelyo tii ugu ballaarrayd tan iyo intii uu dalka ka tegay Madaxwayne Maxamd Siyad Barre 1991.

Jubbaland iyo Hiranland
NAIROBI, Sept 3 (Reuters), Genaral Maxamad Saaciid Xirsi "Morgan" ayaa wuxuu wakaaladaha wararka u sheegay, in uu damacsanyahay dhisid maamul hoosaad lagu magacaabi doono Jubaland, maamulkaas, sida uu jenaraalku sheegay kama soo horjeedo midnimada soomaaliyeed ee waxaa lagu soo dhisayaa dowwlad hoosaad maamusha goballada Jubbada hoose iyo Jubbada dhexe.

Waxaa kale oo la sheegay in hoggaamiyayaasha jabhadaha ka talsha goballada hiran iyo galguduud damacsanyihiin in ay soo dhisaan dowlad hoosaad lagu magacaabi doono Dowladda goballada dhexe ama Hiran, arrintaas waxay ku lugleedahay, dha;ashadii dhawaan ay ka dhalatay dowlad hoosaad kuwaas la mid ah, magaalada Muqdishu iyo gobalada Mudug iyo Nugaal.

Jenaral Morgan wuxuu ku eedeeyay ina Caydiid in uu isku deyayo in uu qabsado gobalka jubbada hoose, hase ahaatee, ay taasi u suurtageli waysay kadib markii ciidamada Morgan gooyeen Buundo ku tiillay meel galbeedka ka xigta magaalada Kismaayo iskuna xirta Kismaayo iyo Waddanka intiisa kale. Waxaa kale ee Morgan eed u soo jeedshay nimanka u shaqeeya hey'adaha Gargaarka ee UNta, kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay yihiin ki\uwo aan howshoodu waxtar lahayn ayna iska fadhiyaan xafiisyadooda ku yaalla Kenya meeshii looga baahnaa in ay Somaaliya aadaan.

Jabhadda Raxanwayn oo eedaysay Jabhadda Ina Caydiid
MOGADISHU, Sept 2 (AFP), Jabhadda u dagaallanta xuraynta dhulka raxanwayn ayaa waxay jabhadda Ina Caydiid ku eedaysay, in ay ku dileen afar nin oo aan hubaysnayn magaalada Baydhabo, ka dib markii ay magaalada aqal aqal u baareen.

Nin u hadlay jabhadda raxanwayn oo la yiraahdo Maxamad Aadan Qalinle, wuxuu sheegay in afarta nin ee la dilay ay ahaayeen niman ganacsatto ah oo aan wax shaqo ah ku lahayn dagaalka hadda ka socda kooxaha halkaa isku haysta ee ka dagaallamaya daanta koofur bari ee magaalada baydhabo iyo agagaarkeedda.

Dilka nimankaas afarta ah waxaa loo malaynayaa in uu ahaa aargudasho loogu aargudaayo laba nin oo ganacsato ahayd kana mid ahaa taageerayaasha ina Caydiid oo axaddii la soo dhaafay ay jabhadda raxanwayntu ku dishay magaalada Baydhabo.

Qalinle wuxuu sheegay in dilka jaadkan ah billaw u yahay dagaal cusub. Jabhadda ina Caydiid wax war ah kama dhihin arrintan, laakiin dadka magaaladaa ka imaanaya waxay xaqeejiyaan dilkaas in uu dhacay.

Cali Mahdi oo sheegay in maamulka cusubi
magaalada canshuur ku soo rogi doono.

MOGADISHU, Sep 2 (AFP), Maamulka cusub ee magaalada Muqdishu wuxuu ganacda dalka laga dhoofiyo iyo midda loo soo dhoofsho intaba ku soo rogi doonaa canshuur, sidaa waxaa sheegay Cali mahdi oo ah mid ka mid ah labada guddoomiye ee uu leeyahay maamulka cusub ee magaalada muqdishu.

Sida uu Cali sheegay maalintii Arbacada ee la soo dhaafay, canshuurtaas waxaa loo adeegsan doonaa taakulaynta ciidanka booliiska iyo shaqaalaha maamulka cusub. Canshuurtaas waxay billaaban doontaa bisha soo socota, waxaana la filayaa in ay hirgeliyaan ciidanka cusub ee booliiska magaalada muqdishu.

Wuxuu intaa Cali Mahdi ku deray in ay u baahanyihiin lacagtaas canshuurta si ay u baxshaan mushaarka ciidanka booliiska ee gaaraya 6000 oo qof bisha oktoobar ee foodda inagu soo haysa, 3 500 oo ciidankaas ka mid ah oo hadda shaqada ku jira waxay ku shaqeeyaan calooshooda.

Wuxuu Cali intaa ku deray in lacagta niman ganacsato ah horay u bixin doonaan, hase ahaatee, kolka canshuurta la soo urursho dib loogu celin doono, waxaa kale ee uu rejeeyay in hay'adaha samafalka iyo waddamada saaxiibka ay yihiin ay kaalin ka qaadan doonaan howshaas, si ay u taageeraan maamulka cusub ee magaalada Muqdishu, Sida uu Cali mahdi sheegay, canshuurtaas lagama qaadi doono hay'adaha samafalka. Waxaa kale oo dadwaynaha magaalada muqdishu deggan looga digay in ay canshuurta la baaqdaan, nin la yiraahdo Ismaaciil Macallin Muuse ayaa wuxuu digniin ka siiyay dadwaynaha deggan magaalada xamar in ay la baaqadaan canshuurta ayaga oo is leh maamulka cusub ee magaalada dadgaar ah ayaa wata, wuxuuna intaa ku deray in canshuurto tahay hab looga soo ururinayo lacagta dadwaynaha aan wax lagu tuhunsanayn.

Wadaad lagu dilay magaalada Muqdishu
MOGADISHU, Aug 31 (AFP), Wadaad caan ah oo la yiraahdo Sheekh Shariif Cali Dhegay ayaa maalintii axadda lagu toogtay galbeedka magaalada xamar.

Sheekh Dhegey oo ahaa wadaad dhacma ku dheg ah, kuna dadaali jiray sidii shareecada loogu dabaqi lahaa magaalada, waxaa loo malaynayaa in ay dileen dadka ka soo horjeeda. Wadaad la yiraahdo Cali Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu ragga wararka fidiya u sheegay in dilkaasi ahaa mid siyaasadeed. Nimanka wadaadka dilay wax hanti ah kama boobin, sidaa darteed, dilkiisa loo malayn maayo in uu dhinacaas ka yimid, waxaa kale ee la sheegay in wadaaddadu ku gacansayreen hab maxkamadeedka ay dejiyeen nimanka madaxda ka ah maamulka cusub ee magaalada Muqdishu kaas oo ah nidaam calmaani ah, nimanka indhaindheeya xaaladda magaalada muqdishu waxay sheegeen in laga cabsi qabo colaad ka dhex dillaacada wadaaddada iyo nimanka maamulka cusub wata.

BOGGA 3AAD

BOGGA QUBANAHA

Fasahaadda Siyaasadda Muslimiinta
Waxaa Qoray:   Hersi M. Labagarre

Waqti hadda laga joogo siddeed sano ayaan waxaan maqaal ku qoray jornaal ka soo baxa dalkaasi Jordan oo afcarbeed ku soo baxa lana yiraahdo al-liwaa, waxaan maqaalkaas cinwaan uga dhigay "Africa iyo Falsafadda Siyaasadeed ee Fasahaadsan" waxaan ku falaanqeeyay siyaasadda dowladaha Africa gaar ahaan kuwa mislimka ah iyo fasahaadda haysada dalaksaas siyaasaddooda.

Waxaan halkaas ku sheegay in ay dadka muslimka ah ee Africa deggan ku lumeen laba siyaaso dhexdood, mid waa dimuquraadiyada midna waa hantiwadaagga.

Dimuquraadiyada Muslimiinta
Maanta Hantiwadaag wuu dhamaaday oo wuu qiima beelay, wixii wax terayay ee mabda'aas ku jirayna waa lagala baxay oo dimuquraadiga ayaa lagu deray, kolka waxaa soo haray nidaamka loo yaqaan "Dimuquraadiga" qaab siyaasadeedkani waa nidaam duq ah oo faylasoofyadii griigga ayaa ka baaraan degay, waxayna uga jeedeen "xukunka bulshada" waana sida maanta looga adeegsado galbeedka, laakiin nidaamkan sidee looga adeegsadaa dalalka muslimka ah?

Dowladaha muslimka ah ee ku dhisan habka isdoorashada xorta ah waa fara ku tiris, Malaysia, Bangaladesh iyo Pakistan iyo Turkiga, dowlad kale hadda ma xasuusto, waxaa laga yaabaa Iran iyo Jordan in lagu soo daro, laakiin waddamadaas dhammaan tood meel doorasho xor ah lagu qabto ma jirto.

Wadamadaas kolka doorashadu soo dhawaato badankooda waa la isku gowracaa oo dad badan baa ku dhinta sida Pakistaan iyo Bangaladesh, qaarna dad baa lagu xirxiraa sida Malaysia, Iran iyo Jordan, sababta dadka loo laynayo ama loo xirxirayo waa iska muuqataa, maxaa yeelay qola waliba waxay doonaysaa in ay ayadu xukunka ku guulaysato, oo ay qolada kale ka layso.

Diinta iyo Dimuquraadiyada
Waxaa kale ee caado u ah dalalkaa islaamka ah in ay dimuquraadiyada iyo diinta isku diraan oo dadka ka dhaadhacshaan in diinta iyo dimuquraadiyadu iska soo horjeedaan, tusaale ahaan xisbiga isku sheega in uu yahay xisbi islaami ah ee ka talsha Pakistaan ninka madaxda u ah wuxuu doddobaadkan baarlabaanka u soo jeedshay in dalka lagu dhaqo kitaabka iyo sunnada, danta uu ka leeyahayna waa in uu doonayo in uu xukunka isku sii adkeeyo, Pakistaan waa dowlad dakeedu muslim yahay, diintana aad bay u haystaan, dowladduna shareecada way fulisaa siiba arrimaha ku lug leh bulshada iyo waxbarashada, kolka maxaa ku qasbay ra'iisal wasaaraha dalkaas in uu yiraahdo, habka hadda shareecada loo fuliyo ma habboona, wuxuu isku deyayaa in uu kursiga isku sii adkeeyo asiga oo ku gambanaya Kitaabka iyo Sunnada.

Malaysia ninka u talsha waxaa ka soo horjeeda xisbi islaami ah oo ku andacooda in ay doonayaan in shareecada lagu dhaqo dalka, dalka Malaysia malayda muslimka ah waa 50% in ka yar, shiinuhuna waa 32% hindiguna 8% dad kale oo dhulka u dhashay oo ayaguna ah 11% ayaa jira, waxaa muslim ka ah inta malayda ah iyo dhowr hindi ah.

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaa xukunka dalkaas laga saaray nin aad u muhiim ahaa oo dhinaca islaamka u janjeeray, kabixitaanka uu ninkaai xukunka malaysia ka baxay waxaa laga yaabaa in uu hoos u sii dhigo kaalinta diintu uga jirto taliska hadda waddanka hoggaansha maamulkiisa.

Sida la ogyahay ra'iisal wasaaraha dalkaasi wuu ka soo horjeedaa islaamaynta Malaysia, in kasta oo uu ku guulaystay abaalgudkii malik faisal ee loo siiyay shaqooyinka uu muslimiinta u qabtay awgood, haddana ninkaasi ma aha nin u janjeera islaamaynta jaadkay doonto ha ahaatee.

Waxaadna mooddaa in xisbigiisu rumaysan yahay in islaamka iyo dimuquraadiyadu aanay is qaban karayn.
Arrintu si kastaba ha ahaatee, waxaa halkaa ka muuqata in aanan siyaasadda dalaka islaamka ah aanay toosnayn, qaarka ay xukumaan niman kaligood taliyayaal ah warkooda, sida sacuudiga indooniisa iyo Nigeria iyo qaar kale oo badan oo la mid ah.

Waxa hadda aanu ka hadlayno, waa waddamada ku dhaqma dimuquraaddi ku sheegga, lana soo doorto madaxdooda, waddamadaas waxaa ilaa maanta ka dhaqnaa Malaysia oo kali ah, Pakistaan dhibaatooyin badan baa haystay, bangaladheshna kasii daran, waddanka layslahaa horay buu u socdaa oo muslimiintu ku han waynaayeen wuxuu ahaa Malaysia maantana xaalkeeda waa loo baqaa, meel xun baa dhaqaalaheedii marayaa siyaasadii oo xumaatay baa ugu darsantay.

Kolka Maxaa siyaasadda muslimiita fasahaadda ugu wacan? Mise lagayaabaa in maalin maalmaha ka mid ah dalaka islaamku toosaan? goormayse ahaan doontaa?!

Wararka Qubanaha
Waxaa soo habeeyay:   Hersi M. Labagarre

Tirada Dadka dhulka ku nool oo la sheegay
in ay kor u sii dhaafayso 6 milyaar

(Waxaa ku jira baa la leeyahay jiilkii dhallinyaro ee ugu badneed dunida)
Paris, AFP, War ka soo baxay, talaadadii haya'dda u qaabilsan umadaha midowbay arrimaha bulshada, ayaa wuxuu sheegay in tirada daaku kor u dhaafi doonto 6 milyaar sanadka soo socda dhexdiisa, waxaana la sheegayaa in 1,05 milyaar oo dadkaas ka mid ah ay dhallinyaro yihiin, waana tiradii dhallinyaro ee ugu badneed inta dunida la xasuusanyahay.

Waxaa tirada daku ka boodday 3 milyaar sanadkii 1940kii, waxayna u gudubtay 5 milyaar sanadkii 1987kii, waxayna ka gudbi doontaa 6 milyaar sanadka 1999ka bartamihiisa, mustaqbalka duniduna wuxuu ku xirraan doonaa dhallinyaradaas faraha badan ee ku jira lixdaa milyaar.

Waxaa kale oo loo malaynayaa in tirada dadku gaari doonto 8 milyaar sanadka 2025ka haddii taranku sida uu hadda yahay ku socdo, waxaana la sheegayaa in caalamka hore u maray ay degganyihiin 1.18 milyaar oo kali ah, 4.74 milyaarna ay joogaan waddamada sookoraya.

Mahather xaguu Malaysia u wadaa?
Dalkaasi Malaysia waxaa maalmahan fara xoog leh ku hayay duufaan siyaasadeed iyo mid dhaqaale intaba, rs'isal wasaaraha dalkaas Dr. Mahathet Mohamed ayaa wuxuu casilay xisbigiisiina ka raacdeeyay ninkii asiga ku xigay Mr. Anwar Ibraahim oo ahaa wasiirkii dhaqaalaha iyo ku xigeenkii ra'iisal wasaaraha dalka, Mahathher wax eed ah oo la garaysan karo uma soo jeedin Anwar, war uu TVga ka sheegay wuxuu yiri, munaas buu noqon diiday, ninkii munaasib noqon diidana waa laga taqalusayaa.

Casilidda Anwar waxay keentay suuqyadii lacagta oo dhaca siiba suuqa lacagta ee japanka iyo Taiwan oo maalgelin xoog leh ku lahaa dalkaasi malaysia, guddiga ganacsiga Taiwan iyo Japan labaduba waxay qabteen shirar degdeg ah si ay uga baaraan degaan dhibaatooyinka ka imaan kara xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee ka taagan malaysia.

Dr. Mahather wuxuu xiray qiimihii lacagtii malaysia (Ringit), halkii $US wuxuu ku joojiyay 3.8 ringit, waxaa kale ee uu joojiyay dhaqaalihii ku dhisnaa suuqa furan ee uu wadey wasiirkii dhaqaalaha ee uu casilay.

Dadka indha indheeya siyaasadda malaysia waxay leeyihiin, Dr. wuxuu u casilay Anwar si uu uga dhaqaajiyo xukunka, maxaa yeelay wuxuu ka baqay in uu kursiga ku cariirsho doorashada soo socota, sidaa darteed ayuu wuxuu ku dhaqaaqay tillaabooyin uu arrintaas ugu gogol xaaray oo ay ka mid yihiin, eedaynta uu ku soo eedeeyay Anwar waxyaabo aan sidaa u sii qiima waynayn oo ay ka mid yihiin arrimo akhlaaqi ah, iyo joojinta uu joojiyay dhaqaalihii ku dhisnaa suuqa furan, waxaa kale oo uu arrintan ku soo beegay qabasha ciyaaraha dowladaha common welth-ka ee lagu qabanayo malaysia toddobaadka soo socda.

Bangiyada ku yaalla Asia iyo suuqyada lacagta waxay ku mashquulsanyihiin bishan oo dhan sidii ay isaga nadiifin lahaayeen lacagta malaysia maxaa yeelay bishan wixii ka dambeeya lacagtaasi wax qiimo ah ma yeelan doonto, cid sarrifaysana ma jirto, waxay ka socondoontaa malaysia dhexdeeda oo kali ah.

Jaamicadda Carabta oo wafdi u dirtay Liibiya
Qahira (AFP) Safiiradda u joogta dowladda liibiya Jaamicadda carabta ayaa waxay sheegtay in ay jaamicadda carabtu u diri doonto wafdi Liibiya si ay uga wadahadlaan qaabka loo baahanyahay in loo dhigo arrintii ku lug lahayd Diyaaraddii Maraykanka ee lagu Qarxiyay Lokarbay.

Diyaaraddaas Qaraxinteeda waxaa loo haystay laba nin oo ka mid ahaa jawaasiista Liibiya, dowladda Liibiyana way diidday in ay labadaa nin u soo gudbiso dowladda Maraykanka oo ka codsatay arrintaas, taas oo keentay in cunaqabatayn xagga duullimaadka cirka ah lagu soo rogo Liibiya. Liibiya waxay ugu dambaystii ogolaatay in labadaa nin maxkamad lagu soo saaro dalkaasi Holand, laakiin waxay isku deyaysaa in ay hesho afeefo ay ku doonayso in ay ku ilaaliso nabadgelyada labadaa nin ee la xukumi doono.

Waxaa la sheegayaa in kolka la habeeyo qaabka loo qori doono arrinta gudbinta labadaa nin la soo hor dhigi doono shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee waddamada carabta ee la qabandoono 16 iyo 17 bishan.

Liibiya waxay maalmahan dambe isku deyaysay in ay la heshiiso dowladda maraykanka iyo Ingiriiska oo arrintaa ku haystay, madaxwaynaha liibiya wuxuu maalmahan billaabay in uu khafiifiyo hadalladiisii xoogga badnaa ee uu ku dhihi jiray labadaa dal, waxaa kale ee uu billaabay in uu dhaleeceeyo argagixisada, arrimahaas waxaa loo malaynayaa in uu ameerika ugu dhwaanayo, taasna waxaa ugu wacan baa la leeyahay xaaladda dhaqaale ee sii xumaanaysa ee ka jirta dalkaasi liibiya cunaqabataynta isgaarsiinta cirka ee dalkaa lagu soo rogay awgeed.

BOGGA 4AAD

BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA

Daraasadan cusub wuxuu qoraagu ku indha-indhaynayaa, arrimaha la xiriira mustaqbalka soomaalida, duruufaha adag ee ku horgudban iyo qabanqaaba xumida soomaalida maanta.

Waxaa Qoray:
Ibrahim Macallim Mursal
Esdoornstr. 20, 7151 ZA Eibergen, Nederland

XIRIIRKA DOWLADDA IYO BULSHADA

DAD DHULEED!!
Haddaba sooma habboona in mar dib loo eego laguna dul fakaro dulucda dhacdooyinkii burburka, si ay suurtagal u noqoto in qorshe habboon dejintiisa loogu hawl galo.
Kolley innagu qorshe ma lihine bulsha weynta dunidu maxay inoogu tala gashay? Nidaamka (Nidaamdarrada dadne yiraahdo ) Cusub ee Caalamigane sidee buu inoo saameyay? Sida la ogyahay, dabayaaqadii 96ka baaqii ahaa in Dalalka Geesta Africa mushkiladooda lagu xalliyo iyaga oo Dowlad Federaali loo dhiso.

Kuwa la magacaabayne ay kala ahaayeen: Somalia, Sudan iyo Etiopia. Qorshuhu wuxuu ahaa in kuwaasi ay noqdaan Gobollo iska tamar yar hase yeeshee uu ka dhaxeyo, sida la carabaabay "Institution" dhexe oo awood leh oo Addis Ababa xarun u noqota. Wixii intaas ka dambeyay, qas iyo qalalaas dalalkaasi way ka bixi waayeen.
Cidda arimahaas dabbireysa, cid kasta ha ahaatee, qorshe dheer oo bartilmaameed leh ayay fulineysay. Yaase maslaxad ugu jirtaa? laysma weydiinin.

Haddaba Somali qaybteeda maxay ahayd? Ha dareensanaato amase yaysan dareensanaanine, Somaali door weyn ayaa qorshahaasi ka ciyaartay oo dowladdeeda way dumisay, mid beddeshane way iska ilaalisay.

Waxay u gudubtay qeybtii xigtay oo ahayd Qoomiyadda Somaaliyeed in ay ka takhallusto. Ururo iyo isbaheysi ayaa la abuuray. Badankooda " S " ka wada bilaowdaan, " S "ta oo lala jeedo "Somali ..." hase yeeshee arintaasi uma adeegaynin qorshaha Federaaliga Geesta Africa. Ugu dambeystii wixii "S" sheegtay oo dhan waxaa xarun looga dhigay Addis Abeba iyaga oo loo Asasay Urur "S"ta laga dooriyay. Kaasi waa "unuggii" kowaad oo loogu gogol xaarayo "Institution"ka cusub oo Geesta Africa loogu dhisayo.

Maxaa yeelay, Somaaliya haddii ay magaceeda ku timaado, waxay noqonaysaa quwad xoog leh oo gilgisha "Institution"ka cusub taas oo ka soo horjeeda yoolka ( objective )ka loo aasaasayo. Oo waxaa imanaysa Shantii Somaali halkaasi in ay ka abuuranto, dabadeedna ay noqoto qoomiyadaha muslimiinta ee dalalka kale ay is kaashadaan.

"S"tii waxaa ka soo haray Sodari iyo Salbalaar. Qorshuhu waa in la dabar gooyo magac Soomaali. Ma ka fakartay qaybtii Somalia ee Etiopia haysatay meel ay ku sugan tahay? Dad ahaan mise dhul ahaan? Dhul ahaan lambar weeye oo waa qaybta shanaad.

Magac looma quuro. Dadkii iyagana ma lambar baa? Sidaas awgeed waxay noqotay in murashaxiinta "Institutionka Weyn ee Geesta Afrika" loo alifo magacyo cusub ay ku soo xaadiraan; sida: Puntland, Jubbaland, Gobollada Koonfur, Gobolka Muqdisho iyo wixii la mid ah. Reer Land (DHUL). Dadkane halkii ay ka ahayeen DAD SOOMAALIYEED ay noqdaan DAD DHULEED. Nasiibkood lambar ahaan kii la siiyo. Qaybta lixaad, tan dobaad, sidaad ilaa halkii ay u gaarto.

[Waa socotaa...]

WAA MAXAY CADAABKU?

Waxaa Qoray:   Qasim Hersi Farah

Si aannu u garano waxa u dhexeeya cadaab iyo cadaab la'aan waxaa habboon in dhudhumino bal inta uu inoo jiro cadaabku iyo guud ahaanba aragtida cadaabku waxa ay ku salaysan tahay. Aragtidaasna waxaannu ku salaynaynaa xagga Islaamka iyo taariikhda waaqiciga ah ee la saan qaadaysa nolosheenna.

Haddaba cadaabyada, halaagyada iyo fitanta Eebbe nooga digayo oo nagu waaninayo in aan iska jirno wax meel dheer naga jira maahan ee mar Alle iyo markuu Eebbe damco ayuu nagu tuuri karaa iyadoo ku dhisan hadba saan u mutaysano iyo saan ugu bislaano.

Mana ahan cadaabku wax si kale ah oon la qiyaasi karine waxaa ka mid ah isla noocyada iminkaba nagu dhaca, inkastoo aanaan dhug u lahayn, waxna ka dhiganin ka dib markay na soo kareen. Oo waxaaba ka mid ah abaaraha iyo cudurada noo caadiyoobay bal arag Ilaah oo Quraankiisa ku lah:

(Miyeysan arkeyn in la fidnaynayo sannad kastaba mar ama laba jeer (doog&abaar iwm) markaasaysan hadana tawbad keenayn oo xasuusanayn) Tawbah; 126.

Haddaan si xeel dheer isugu barbar dhigno cadaabyada nagu caadiyoobay iyo kuwa Qur'aanka lagu sheegay ee qoomanka lagu halaagay bal aan qaarkood tusaale u soo qaadano sida, qayladii lagu halaagay reer ThamuuT.

Qoladii reer Thamuut ee loo diray Nebi Saalix wuxuu ahaa nooca cadaabka ee lagu halaagay Koronto laba nooc kala ah ama tabane iyo togane (+ & - ) ama is lis danab sida onkodka oo is xoqay, dabadeedna dhaliyey qarax iyo qaylo dhega jebiso ah oo lala maydo.

Taasina waa mid maanta kun jeer nooga dhaw siday berigii hore ahayd oo inagaaba maanta saacad walba faraha kula jirna korontadii iyo fal dambiyeedyadiiba.

Si aan dhaqso ugu sii fahamno aan tusaalooyin kale u soo qaadano qaar ka dhacay isla dalkeena gudihiisa sida:
Waxaa in badan na sal kiciya daadad lixaad leh oo tusaale dhab ah inaga siin kara daadadkii lagu halaagay Qoonkii Nebi Nuux, waxayna qaarkood nagu leeyihiin taariikho iyo xusuuso sida:

Kuwii harqiyey Siyelow 1916 kii iyo kuwii maasheeyey Hiiraan labada Jubba iyo labada Shabeelle 1980 kii, cadaabkaas oo kale wuxuu ahaa in sannadkii 1890 kii roob diqsi iyo dhuug ah oo xoolihii laayey uu ku da'ay koonfurta iyo galbeedkaba dalka gaar ahaan xadka lala wadaago Kenya iyo Itoobiya, waxaana loo baxshay (sanadkii diqsiga).

Sidoo kale 1903 dii roob qiiq iyo ceeryaamo ah oo ay ka da'ay Siyelow iyo soonaheeda, isla sidaa oo kale 1880 kii roob ah dhagxaan quruuruxa ayaa ka da'ay koonfurta dalka ilaa Marsabet - Kenya oo uu ka caanbaxay. eeg; (Almanic- xusuus reebkii Ingiriiska ee waagii gumaysiga East Afrika).

1983 kii waxaa ka da'ay Shiinaha iyo waddamo kaleba roob cagaaran oo dilaa ah ilaa maantana la bixin la'yahay macnihiisa.

Dhab ahaantii wax aan qoraalkan iyo ku kale toona ku koobi karno maahan ee waxaa is weydiin leh maxay dadkeenu u garan la'yihiin oo u dareemi la'yihiin jawaabta su'ashan aan bal sii baarno.

(Waa Socotaa...)

F.G:
Waxaan ugu bishaaraynaynaa Aqristayaasha bogga doodda, in aan billaabi doonno fidinta daraaso cusub, kolka midda hadda socota dhamaato, daraasadaas oo cinwaankeedu yahay (MADAXWAYNE HA LAYGA DHIGO) Waxaa qoray Qaasim xersi Faarax, waa isla qoraagii aad hore u aqrisateen daraasadiisa hadda socota. Wuxuu qoraagu daraasadan mar labaad isku deyayaa in uu si qayaxan u soo ban dhigo waxyaabaha ka guuxaya maskaxda soomaalida iyo figradda ay ka haysato madaxwaynanimada.. Aqristayaasha boggan waxaan ka codsanaynaa in ay ina soo siiyaan wixii talo ah, inta aan daraasada cusubi billaaban. Wixii munaaqasho ah ama sixid ah albaabbadu waa u furanyihiin. Labagarre.

BOGGA 5AAD

DIINTA ISLAAMKA

SHIRKIGU WAA MAXAY?

Waxaa Qoray: Sheekh Maxamad bin Cabdil Wahhaab
Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre.

CASHARKA 15AAD

SHIRKIGA WAXAA KA MID AH IN LOO QAYSHADO
AMA LA BARYO CID AAN EEBBE AHAYN

Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri:
[Ma waxay la wadaajin waxaan wax abuurayn iyagana la abuuro. Oon karaynna gargaar naftoodana aan u gargaarayn] Al-Acraaf 191-192.

Waxaa kale uu yiri:
[Kuwaad caabudaysaan Eebbe ka sokow ma hantaan xuub laftimireed. Haddaad u yeerataanna idinma maqlaan, Hadday idin maqlaanna wax idinma taraan, qiyaamahana way diidi gaalnimadooda, cid kuugu warramina ma jirto sidii waaya arag] Faadir 14

Xaddiiska saxiixa ahna waxaa Anas looga soo weriyay in uu yiri:"Maalintii dagaalkii Uxud ayaa nabiga naxariisi korkiisa ha ahaatee, la daqray micidiisana waa la jebshay, kolkaas buu wuxuu yiri: Xaggee bay ka guulay-sanayaan rag nabigoodii daqray. Kolkaas baa waxaa soo degtay aayadda ah:
[Waxba amarka (arrinta) kuma lihid Nabiyow]
Aali-Cimraan 128.

Waxaa kale oo arrintan ku soo arooray in Cabdullaahi Ibn Cumar, asiga iyo aabbihiiba allaha ka raalli noqdee, uu Nabiga - naxariisi korkiisa ha ahaatee - ka maqlay asiga oo leh, markii uu rukuucii ugu dambeeyay ragcadda labaad ee salaadda subax ee uu "samicallaahu" yiri ka dib ayuu yiri: Ilaahow hebel iyo hebel nacalad-daadu ku dhacdo. Kolkaas baa Ilaahay soo dejiyay aayadda leh [Waxba amarka (arrinta) kuma lihid Nabiyow].

Riwaayad kalena waxaa lagu sheegay "In Nabigu habaaray, Safwaan binu Ummaya, Sahal binu Camar, iyo Xaaris binu Hishaam. Kolkaas bay aayadda kor ku xusani soo degtay".

Waxaa kale oo Abii Hurayra allaha ka raalli noqdee laga soo weriyay in uu yiri:"Nabiga naxariisi korkiisa ha ahaatee ayaa joogsaday kolkii lagu soo dejiyay:
[Una dig qaraabadaada kuu sii dhaw] Ash-Shucaraa' 214

Kolkaas buu yiri: War Qurayshay naftiinna fagsada, anigu Ilaah xaggiis wax aan idinkaga tarayaahi ma jiraane, Cabbaas Binu Cabdul Mudalibow, Ilaahay xaggii-sa wax aan kaaga tarayaahi ma jiraan, Safiyoy, Nabiga habaryartiisay, Ilaahay xaggiis wax aan kaaga tarayaahi ma jiraan, Faadumay, gabadhii Nabi Muxamaday, xoolahay-ga intii aad doonto i waydiiso, hase ahaatee, Ilaah xaggiis wax aan kaaga tarayaahi ma jiraan".

MAS'ALOOYINKA CASHARKA
Tan 1aad: Waa tafsiirka labada aayadood ee la soo sheegay. Tan 2aad: Waa sheekadii dagaalkii Uxud.
Tan 3aad: Waa in Nabigu nabadgelyo iyo naxariisi ko-rkiisa ha ahaatee "Qunuuday" Asiga oo salaadda ku jira, asaxaabtuna ay "Aamiin" dheheen.

Tan 4aad: Waa in ragga Nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee habaaray ay gaalo ahaayeen.
Tan 5aad: Waa in ay faleen fal aan gaalada inteeda badani ku kicin, falkaas oo ay ka mid yihiin, in ay Nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee daqreen iyo in ay sidii ay ku dili lahaayeen ku dadaa-leen, waxaa kale oo ka mid ah in ay dadka ay dileen wari jireen, in kasta oo dadka ay sidaa yeelayaan ay ilma adeerradood yihiin.

Tan 6aad: Waa in arrintaas awgeed Ilaahay Nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee ayaad ugu soo dejiyay.
Tan 7aad: Waa aayadda [Ama wuu ka toobad aqbali Eebbe ama wuu cadaabi gaalada Illeen waa daalimiine]Ali-Cimraan 128. Kolkaas baa Ilaahay u dambi dhaafay oo way Islaameen.

Tan 8aad: In la qunuudayo haddii dhibaato dhacdo.
Tan 9aad: In la magacaabi karo dadka qunuudka dhexdiisa lagu habaarayo oo loogu yeeri karo magacyadooda iyo magacyada aabbayaalkood.

Tan 10aad: In qof si gaar ah loo nacladi karo inta qunuudka lagu jiro.
Tan 11aad: Waa sheekada Nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee laga soo weriyay, kolkii ay ku soo degtay aayadda [Una dig qaraabadaada kuu sii dhaw].

Tan 12aad: Waa dadaalka dheeraadka ah ee Nabigu muu-jiyay kaas oo keenay in gaaladu ku tilmaamaan in uu waalanyahay, isla markaana laga yaabo, in waalli lagu tilmaamo haddii uu maanta nin kale dadaalkaa oo kale in uu muujiyo isku dayo.

Tan 13aad: Waa weedhiisa uu yiri "dadka dhammaantood xigto iyo shisheeyaba, wax aan xag Alle idinkaga tarayo ma jiraan" Gabadhiisa Faadumaba ha ahaatee, Wuxuu ku yiri: Wax aan kuu tari karaahi ma jiraan.

Haddii uu kolka Nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee caddeeyay in uusan cidna cadaab ka fakinayn, Abbaay Faadumo Rasuulba hadday doonto ha ahaatee, oo dadkuna rumaysanyihiin in aan Nabigu - Naxariisi korkiisa ha ahaatee - uusan wax aan xaq ahayn sheegayn, dabadeedna ay dadku eegaan, waxyaabaha ku dhacay kuwii horfiiqa dadka u ahaa Islaamnimadoodii, waxaa halkaa uga caddaanaya Tawxiidka toosan, waxaa kale oo u caddaanaysa in diintii laga sii tegayo.

F.G:
* Dhammaan aayadaha quraanka ah tarjamadooda afsoomaaliga ah waxaan ka soo qaadannay kitaabkii (Quraanka kariimka iyo tarjamada macnihiisa ee afka soomaaliga) ee uu qoray Maxamad maxamud cabdi, waxna kama aanan beddelin tarjamada meelo yaryar oo qaldan baan saxnay meelo uu wadaadku ka boodayna waan ku darnay.
Haddii ay dhammaato tarjamada kitaabka Tawxiidka ee hadda socota, ee uu qoray Sh. Maxamad Bin Cabdil Wahhaab, oo ah shiikha Wahhaabiyada, Salafiyada iyo Itixaadka Iwm, waxaa ku xigi doona Tarjamadii Kitaabkii "Al-Ibanah Can Usuul Ad-Dayyaanah" ee uu qoray Sheekhii Ashcariyada.
Sidaa darteed, dhammaan waxaan ka codsanaynaa aqristayaasha bogga Diinta Islaamka in ay ina soo siiyaan wixii talo iyo tusaale ah inta aanan buuggan hadda socda dhammaan.

BOGGA 6AAD

BOGGA DHALLINYARADA


SHEEKADII KALIILA IYO DIMNA

Qaybtii: 13aad

Waxaa qoray: Cabdullaahi ibn al-Muqafac
Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre

LIBAAXII IYO DIBIGII

Markii dimna dhameeyay libaax-kudirkii dibiga oo uu ogaaday in siriqdii uu la rabay uu libaaxu ku dhacay, libaaxuna ka digtoonaan doono una qaabsamaysan doono dibiga, ayuu doonay in uu dibi u tago oo uu libaax ku diro, wuxuuna jeclaaday in uu xagga libaaxa uga yimaado, asiga oo ka baqaya in warku gaaro oo uu dhibsado.

Markaas buu yiri; boqorow: Shitriba in aan u tago miyaanay ahayn, oo dabadeed eego waxa uu ku suganyahay iyo arintiisa, oo aan hadalkiisa soo dhegaysto, waxaa laga yaabaa in aan qarsoodi ka ogaado e', oo aan boqorka u soo sheego taas iyo wixii kale ee iiga muuqda.

Libaaxii baa taas u ogolaaday, kadibna wuu baxay oo Shitriba ayuu u tegay asiga oo isxumaynaya oo is murugaynaya, markii dibigii arkay wuu soo dhaweeyay, oo ku yiri; maxaad iiga go'day? maalmahan kuma aanan arkine, waxaan jecelahay in aad nabad qabto.

Dimna: oo goormuu nabad galay qof aan naftii-sa hanan karin, noloshiisuna ay gacan kale ku jirto iyo dad aan lagu kalsoonayn, halis iyo cabsina aanan ka fakan karin in yarba ha ahaatee aan nabadgelyo heli karin.

Shitriba: oo maxaa dhacay?.
Dimna: wax qorraa baa dhacay, wayna ahaa-nayaan, oo waa kuma ninka wax qorraa ka hortegi kara?, waase kuma kan adduun heer ka gaaray ee aanan qooqin?, waase kuma kan heerkiisii gaaray ee aanan kedsoomin? waase kuma kan dheesha raacay ee aanan qasaarin? waase kuma kan doqon wax ka doonay ee aan loodiidin? waase kuma kan dhiblow ku dheehday ee ka nabad galay, waase kuma kan talis dhexgalay ee nabad iyo nolol kunagaaday? wallee run buu sheegay ninkii yiri; boqoradu - sida ay qofkii la dersa ugu ballan furaan iyo sida ay deeqsi uga yihiin wixii filkood ka dhintay - waa sidii dhilladii, markii mid ka tagaba mid baa u yimaada.

Shitriba: anigu waxaan kaa maqlay hadal i tusaya in welwel kaa galay libaaxa, oo arrintiisu ku cabsiiday.

(Waa socotaa...)

BOGGA 7AAD

HIDDAHA, DHAQANKA, SUUGAANTA IYO AFKA SOOMAALIDA


[MACMACAANKA MURTIDA SOOMAALIYEED]



Khaliif Sh. Maxamuud Siciid
(1951-1982)

Gabaygii Hurgumo

Waxaa soo habeeyay:
Maxamad Ciise Axmad
(Ciise Carab)

Gabaygan waxaa tiriyey halabuurkii caanka ahaa ee Soomaaliyeed, Khaliif Shiikh Maxamuud Saciid (Allaha Jannadii ka waraabshee).
Abwaanku wuxuu ku dhashay Magaalada Qardho,wuxuuna ku aasan yahay Gallaadi.
Maansadan oo uu ugu macag daray H U R G U M O, wuxuu tirshey 1978. Waana tii sida doorka ah u bishay. Waxayna ku duuban tahay dhowr gadaanood.

Gabaygu wuxuu ka kooban yahay 150 (boqol iyo konton) tixood.

HORDHAC

Gabaygan qiimaha badan, waxaa inoo soo diray Maxamad Ciise, annaga oo aad ugu mahadinayna, isla markaasna tix gelinayna qiimaha taariikhiga ah ee uu gabaygani leeyahay, ayaa waxaa lagama maarmaan noqotay in aan hordhac yar u samayno gabayga si aan aqristaha ugu fududayno dhugsashada dulucdiisa.

Arrimaha aan doonayo in aan aqristaha ku baraarujiyo waa laba qodob oo kala ah:
1. In uu gabayga ku eego il taariikheed, iskuna dayo in uu u noqdo, xilliyadii 1978 ilaa 1980, waqtigaas oo aan u malaynayo in gabayga la tirshay, maxaa yeelay ragga uu tilmaamayo gabyaagu sida Cirro waxaa la dilay abbaarahaas.
qodobkani waa lagama maarmaan, maxaa wacay gabyaagu gadaal buu ka sheegi doonaa in Hawiye dagaal iska daayay, waana arrin aan maanta soconayn, laakiin waqtiga uu noolaa, sidaas bay ahayd, qabiilooyinka hawiye waagaas waxaa loo haystay in ay yihiin dad aan dagaallamin, oo nabadda xigsada had iyo jeer.

2. Arrinta labaad ee aan doonayo in aan aqristaha ku baraarujiyo, waa in uu gabayga ku eego il qabiil, maxaa yeelay gabyaagu, sida gabayga ka muuqata, wuxuu isku deyayaa in uu guubaabsho qabiilka Majeerteen ee waayahaas ay sida xun isga soo hor jeedeen dowladdii Siyaad Barre (Allaha u Naxariistee).

Hersi Labagarre

[QAYBTII 3AAD]

Habargidirta Mudug joogta ee, maashu wada fooxdey

Ee layska maamulanhayoo, deyrka lagu meershey

Ee sida halaha maydabta ah, layska maalaayo

Iyaba mahadho iyo way qabaan, ceeb muggooda ahe

Murursadiyo Cayr iyo haddii, Sacad la miinaystay

Marna ineeyan "Maya" oran karayn, kama malaynayne

Hadalka hayga moodina inaan, maarowaa nahaye

Sidaan maanta nahay yaan la oran, laga mirroonaaye

Mar un baan mowjada xirmiyo, maayad soo kicine

Nabsigaa mugdiga gudahayaan, mar un heleynaaye

Caruuraa maryaadaaya iyo, dumarkan mowleeyey

Mar un baa marwada Maxammad qabo, noqon mataalkoode

Mar un baa mid lagu meel mariyo, Maahir noo kicine

Mar un baa rag wada miiggan iyo, miiddi soo bixine

Mar un baa madhada Caabudwaaq, miig ku soo deginne

Ninkii tiisa maamulan karaa, kuu muraad fala'e

Magallooti iyo lama martiyo, lebiyo meygaage

Bal inaad idinku naga maarantaan, wax is muhiimsiiya

Afartaas intaan "Miin" ka deyey, meel ma qabadsiiyey

Rag baa gabayga meermeeriyee, marindhac maw diidey

Macna kalena waa hadal yaraan, meesha kala yeerey

Maraweyntii Reer Cumar ahayd, meher xalaaleeye

Midguhuna ma yeeleen waxay, madaxa saareene

Aw-Muuse gabayguu mershaa, meesha soo galaye

Waxba yaan macne la'aan xarrago, suuqa lay marine

Waxba yaan matoobbi iyo shaal, lay mardaadiyine

Waxba yaan dad mudanaanu nahay, lay maqmaqashiine

Haddaad geel mulki ah leedahoo, xero u meegaarto

Mareerkiyo galoolkiyo hadday, Magaclay daaqayso

Oo kuraygu muurraha u sido, Maraq u heesaayo

Ninkii maagistaadiyo fidnada, muhashadeed hayso

Haddii uu martabaddaadi hore, sax u malayn waayo

Marka hore mid buu kaa qalaa, muunad loo dhaline

F.G: Gabaygan haddii uu dhammaado waxaan ku xejin doonnaa, gabay jawaabtiisi ah oo uu tirshay Abwaankii caanka ahaa ee Cali Cilmi Afyare, Allaha u naxariistee.

BOGGA 8AAD

IIDHEH IYO OGAYSIIS


Dhammaan dhallinyarada soomaaliyeed meel ay joogaanba waxaan ogaysiinaynaa in wargayska Codka Soomaalida Cusubi ku soo dhawaynayo gacmo iyo laab furan wixii talo ah ama qoraal ah ee ay doonayaan in ay ku fidshaan wargayskan, ha usoo direen: hersi@brunet.bn

******

Wargayskan bilaash (Free) baa lagu qaybshaa, cid aan soo codsanna looma diro. Hadaba, qofkii doonaya in loo soo diro email ha soo diro asiga oo leh: (ii soo dir codka soomaalida cusub) , ama ha saxiixo, buugga martida ee ku yaalla halkan: http://www.angelfire.com/mo/codkasomalidacusub/cschpage.html qofkii aan doonayn in loo soo dirana, ha soo qoro email asiga oo leh (ha ii soo dirin codka somalida cusub).


"DHAMMAAN MAQAALADAHA WARGAYSKAN KU SOO BAXA WAXAY
U TAAGANYIHIIN ARAGTIDA QORAAGA EE UMA TAAGNA
UJEEDDADA WARGAYSKA"

[DHAMMAAN XUQUUQDA DAABACAADDU WAY DHOWRANTAHAY]

© Copyright 1998 - Labagarre - All rights reserved.