Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!
Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah Wuxuu ku soo baxaa afka Soomaaliga Maalin kasta oo Axad ah
Home Page URL: https://www.angelfire.com/mo/codkasomalidacusub/cschpage.html

Taariikh: 29.11-08.12.1998
Best Viewed: Netscape Communicator 4.0
FADLAN   TAAGEER   WARGAYSKA   CODKA   SOMALIDA    CUSUB
BOGGA 1AAD
ARARTA WARGAYSKA
Hersi Labagarre

Waa ikan!
Dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay ee aan hawada ku kala maqnayn, ayaa waxaa isoo gaaray dhowr email oo ay soo direen dhallinyarada wargayska ku tixan iyo qaar kale oo cusub oo doonaya in ay ila soo xiriiraan, runtii waan aqriyay dhammaan emailladii ay ii soo direen.

Aad ayaan uga xumahay in aanay ii suurta gelin in aan isla markii uga soo jawaabo, marka waxaan dhammaan ka codsanayaa in ay iga raalli ahaadaan, oo ii cudurdaaraan, maxaa yeelay waxaa ii kulmay dhowr dhibaato oo ay ugu waynaayeen, aniga oo xanuunsaday iyo geeridii naxdinta lahayd ee ku timid aabbahay (allaha u naxariistee).

Bahda wargayskan
Runtii wargayskan dhallinyaro badan baa soo saariddiisa kaalin wayn ka qaadata, sida ay akhristayaashu arkeen, waxaa dhallinyaradaas ka mid ah Qaasim Xersi Faarax, Ibraahim Macallim Mursal, Maxamad Ciise Axmad iyo qaar kale, laakiin xagga farsamada, wargaysku aniga ayuu igu tiirsanyahay, taas ayaana keentay in uu joogsado, ee runtii qoraallo badan ayaan hayay oo ay dhallinyaradu iska soo daba direen, dhallinyaradaas qoraayaalka ah aad baan ugu mahadcelinayaa, waxaanna leeyahay halkiinna ka sii wada, aad bay idiin ammaaneen aqristayaasha wargayskan, emaillo badan oo ay aqristayaashu ii soo direen waxay qaarkood ku ammaaneen qoraal wanaagga wargayska iyo qiima badnida maqaaladaha ku soo baxa ee ay dhallinyaradaasi qoreen.

Maalmihii aan mashquulsanaa dhallinyaro saaxiibaday ah ayaan ka codsaday in ay ogaysiiyaan arrintaas aqristayaasha wargayska iyo dhallinta ku tixan, waxaanse ka dib ogaaday in aan warku dhammaan dadka wada gaarin.

Mustaqbalka Wargayskan
Dhallinyarada qaar ayaa waxay u maleeyeen in aan wargayskii joojiyay gabi ahaan, markaas bay arrintaas igu canaanteen, aad baan runtii ugu mahadinayaa dhiirrigelintaas ay i dhiirri gelsheen, waxaanna ka ballan qaadayaa in aanan joojin wargayska, haddii eebbe yiraahdo, laakiin waxaa jira arrimo awoodda yada ka baxsan oo aanan annagu xukumin, marka taas waa in qorshaha lagu daro.

Tan kale, waqtiga hadda la joogo ee aan isku deyayno in aan halkeennii ka sii wadno howshii wargayska, waxaa inala gudboonaatay in aan ballaarinno waxqabadka wargayska, si aan u siinno fursad aqristayaasha doonaya in ay wararkooda ku fidsadaan wargayskan.

Taas waxaa sabab u ahayd ayada oo aqristayaasha wargayskan sida tooska ah ugu tixan ay aad u bateen iyo ayada oo qaar dhallinyarada ka mid aah ay inaga codsadeen in aan fursad u siinno aqristayaasha doonaya in ay xayaysiis ama ogaysiis ama baafin iwm ku qoraan wargayska, oo aan qoraalku ku ekaan maqaaladaha cilmiga ah iyo kuwa suugaanta ah oo kali ah, marka waxaan rejaynaynaa in arrimahaasi kaalin wayn ka qaaddan doonaan horumarka iyo sare u kicida waxtarka wargayskan.
Walaalayaal fadlan eega bogga ogaysiiska halkaas oo aan ku xusay mahadnaq iyo magacyada dhallinyarada qaar ka mid ah.

BOGGA 2AAD
MA U BAAHANTAHAY IN LAGAA CAAWIYO SAMAYNTA HOME PAGE ADIGA KUU GAAR AH?
Haddii jawaabtu (haaaaaaa) tahay fadlan nala soo xiriir, idaarada wargayskan waxay heegan u tahay in ay kaa caawiso qoridda (home page-kaaga gaarka kuu ah) iyo sidii aad u fidin lahayd figradahaaga qiimaha leh.
Sidoo kale waxaan heegan u nahay in aan kaa caawinno xayaysiinta Ururkaaga, Sharikaddaada, Home Page-kaaga, badeecadaada iyo khadamaadkaaga intaba.
WARARKA SOOMAALIDA
UN ka oo ka digay gaajo ba'an oo soomaaliya ku soo fool leh
NAIROBI, Nov 22, 1998, Sida wakaaladaha wararku sheegeen, hay'addaasi UN ka ayaa waxay ka digtay gaajo ba'an oo loo malaynayo in ay ku habsan doonto dalkaasi soomaaliya.

Gaajadaas waxaa la sheegayaa in ay qatar toos ah ku hayso in ka badan saddex dalool kolka dadka soomaalia loo qaybsho afar, ilaa 700 oo kun oo qof ayaa la sheegayaa in ay hadda u guurayaan magaalooyinka xeebaha ku yaalla iyo xudduudka Kenya, 300 oo kun oo kalana waxay ku noolyihiin baa la yiri gobalada dhexe, kuwaas oo aan cunto ku filan haysan.

Gaajadaas waxaa keenay bay leeyihiin UK ku dagaalladii isdabajoogga ahaa ee dalku soo maray iyo abaartii heshay beeraha dalka sanadkii la soo dhaafay.

Runtii la garan maayo sida xaqeeqadu u jirto, maxaa yeelay UN ku waxaa laga yaabaa in ay dicaayayd soomaaliya ka dhiganayaan ay lacag ku helaan sanadka cusub qorshihiisa, maxaayeelay, soomaaliya hadda waxay ka mid noqotay waddamada ay ku tuugsadaan hayadaha isku sheega in ay samafal ka shaqeeyaan, lacagta ba'an ee ay adduunka ka soo ururshaanna ayaga ayaa afka iska marsha.

Kolka runtii wararka sida aan rasmiga ahayn inoo soo gaaraya waxay sheegayaan in waxqabadkii hay'adahaas hoos u dhacay, kolka garan maayo sababta keentay in ay soomaaliya deeq u yaboohaan kol hadddii aanay meeshii wax howl ah oo wayn ka hayn.

Hub Soomaaliya laga xaday, oo Australia lagu iibshay
CANBERRA, Nov 23 (Reuters), booliiska dalkaasi Australia ayaa waxay xaqeejinayaan arrin la yaab leh oo ku saabsan qoryo Soomaaliya laga soo xaday 1992kii laguna iibshay Australia.

Hubkaas waxaa laga iibshay dowladda Australiya lafteeda kadib markii ay furtay hab ay doonayso in ay hubka uga soo ururiso dadwaynaha reer Australia ee deggan magaalada New South Wales.

Arrintaasi waxay ka dambaysay sida la sheegayo, kadib markii uu nin dablay ahi ku dilay 35 qofood magaalada Port Arthur, dowladda Australiya si ay u yarayso dilka waxay furtay hab looga iibinayo dadwaynaha qoryaha ay haystaan, waxaana la sheegayaa in ay dowladdu soo aruurisay qoryo gaara ilaa 180,000 oo laga soo aruurshay dadka degga New South Wales, iyo 600,000 oo dalka intiisa kale laga soo aruurshay.

Arrinta layaabka leh waxay ahayd in qoryahaas runtii aan laga soo aruurin dalka Australiya dadka deggan, ee laga soo aruurshay dadka deggan dalka soomaaliya 1992kii intii ay socdeen dagaalladii ba'naa ee ay ka qayb qaateen ciidamadii isku sheegay in ay ka socdaan UN ka.

Wiil Soomaali ah oo maxkamad lagu soo saaray gabar uu faraxumeeyay
November 23, 1998, Wiil soomaali ah oo magaciisa la yiraahdo, Qasim A. Bashir, jirana 20 sano, ayaa lagu soo eedeeyay in uu gabar 14 jir ah fara xumeeyay kadib markii uu ka soo kexeeyay maqaayayd ay ku ballansadeen gabadha.

Warku wuxuu intaa ku daray in wiilkaasi uu gabadha u kacaystay apartment uu lahaa wiil xabashi ah oo la yiraahdo Nashir Heydir oo 22 jir ah, wiilkaa xabashiga ah waxaa lagu xukumay siddeed sano oo xabsi ah, kadibna waxaa loo malaynayaa in laga dhoofin doono dalka maraykanka.

Wiilkaa soomaaliga ah oo sida muuqata ka mid ah soomaalida deggan Minneapolis, waxaa la sheegay in uu gabadhaa ku faraxumeeyay musqul ku taalla aprtmentada uu lahaa wiilkaa xabashiga ah.

Sida ka muuqata da'da wiilasha iyo gabadha intaba waa dad dhallinyaro ah, laakiin dalkaasi maraykanka arrinta ku saabsan sex-ka aad ayay xiiso uga leedahay, inkasta oo aan gabadha la kufsan, haddana waxaa la sheegay in dharkeeda lagu arkay biyihii wiilkaa eedda loo haysto.

Wiilkaasi wuxuu ku dooday in uusan gabadha faraxumayn qasabna ku soo kaxayn ee ay ayadu soo wadday, Qasim waxaa loo malaynayaa in laxiri doono toddoba sano in ka badan, soomaaliyana loo dhoofin doono kadib marka la xukumo bishan soo socota 15keeda.

Ardayda Soomaaliyeed ee Malaysia wax ka barata
oo Jaamicadihii lagu qaaliyeeyay

Arday badan oo soomaali ah ayaa dalkaasi Malaysia Jaamicadaha ku yaalla wax ka barata, ardaydaas badankoodu waxay dhigtaan Jaamicadda Islaamka, maxaa yeelay waa jaamicad wanaagsan oo bilaash ah.

Laakiin qaar kale ayaa jira oo wax ka barta jaamicadaha faraha badan ee ka dhisan dalkaas, waxayna u badanyihiin arday dhigta daraasaad sare, sanaddadii la soo dhaafay waxaa socday olole lagu doonayo in kor loogu qaado lacagta jaamicadaha, ugu dambaystiina waxay ku guulaysteen jaamicadahaas qaar ka mid ahi in ay cirka ku shareeraan qarashka sajilaadda jaamicadda.

Jaamicadaha sida Jaamicadda Malaya iyo Tan loo yaqaan jaamicadda waddaniga ah waxaa qofka dhiganaya PhD-ga semestar kasta laga rabaa in uu baxsho lacag gaaraysa 1000 ilaa laba kun oo Ringt(lacagta Malaysia, RM$3.80=US$1).

Ardayda soomaalida ah ee jaamicadahaas daraasaadka sare ka barta oo uu ka mid yahay miskiinka erayadan qoray waxay dhibaato wayn kala kulmeen sidii ay qarashka isaga bixin lahaayeen, gaar ahaan malmahan dambe oo dalkaasi shaqa beelay, wax kaalme ahna aanay meelna ardaydaas ka soo geelayn, waxaa la sheegayaa qaar ka mid ah ardaydaas in ay iska dhaafeen daraasadii oo ay ka tageen, qaarna aanay semestarkan isa sajilin.

Dowladda malaysia kaalme way siisaa ardayda ajnabiga ah laakiin waa in ay ardaydaasi ku yimaadaan habka iskaashiga waxbarasho ee ay dowladuhu isdhaafsadaan.

BOGGA 3AAD
BUUG IYO CAJALADO IIB AH
1. Cajalado iib ah
(a). Aasaaska Barashada Afka Carabiga: Waa duruus kuugu kaal maynaysa sidii aad u xoojin lahayd afka carabiga, oo ku duuban shan cajaladood.
Qiimaha: (hal cajalad = US$10.00) oo aan qarashka boostadu ku jirin.
(b). Cajalado Dikri iyo Nabi ammaan ah: Waa nabi ammaan cod aad u qurux badan lagu qaadayo, oo ku xasuusin doona habkii wadaaddadii hore ee soomaalidu diinta u fahmeen.
Qiimaha: Halkii xabbo
(US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin.

2. Buugaag iib ah

(a).Cinwaanka: as-salafiyah al-wahhabiya, bayna mu'ayidiha wa muntaqidiha(187 bog).
Mowduuca: Waa kitaab af carabi ku qoran oo ka sheekaynaya taariikhda xarakadii Sheekh Maxamad Bin Cabdil wahhab.
Qoraaga: Hersi M. Labagarre.
Madbacadda: Bruneio Printers 1996.
Qiimaha: (US$ 15.00) oo aan boostadu ku jirin.
(b). Al-caqidah al taxawiyah
(tarjamada afsomaliga)
Qiimaha:US$ 5.00 oo aan boostadu ku jirin.
BOGGA QUBANAHA
Nawaz Sharif "shareeco" Pakistaan ma ku dabbaqi doonaa?
Dalkaasi Pakistan maalmahan dambe waxaa ka socday olaole ay wadeen ninka dalkaas Ra'iisal wasaaraha ka ah Nawaz Sharif iyo xisbigiisu laguna doonayo - sida ay sheegeen - in dalka oo dhan lagu dabbaqo shareecada islaamka.

Nawaz Shariif wuxuu si xamaasad leh u soo hor dhigay dowladdiisa qorshe cusub oo uu sheegayo in uu dalka oo dhan ku dabbaqi doono xeerarka islaamka ee ku cadd kitaabka iyo sunnada Eebbe soo dejiyay.

Runtii waa wax lagu farxo in la arko hoggaamiye Muslim ah oo doonaya in uu shareecada islaamka dalkiisa ku dhaqo, waxaase lagama maarmaan ah in aanan degdegin oo aanan "dameeri dhaan raacaday" noqon, ee aan derisno waxyaabaha uu sheegayo ninkaa ra'iisal wasaaraha ah in uu dabbaqayo iyo sida ay u suurta gelayaan.

Xuquuqda Haweenka iyo dabbaqidda Shareecada
Arrinta u horraysa ee loo baahanyahay in aan iswaydiinno waa, maxaa ka dhexeeya mashruuca dabbaqidda shareecada ee uu Nawaz wado iyo xuquuqda siyaasadeed ee haweenka dalkaasi Pakistaan?

Sida la wada ogyahay, xisbiga mucaaradka ah ee xoogga leh kana soo horjeeda xisbiga Nawaz Sharif waxaa hoggaansha gabar caan ah oo la yiraahdo Banazir Bhuto ama Banathir, marka ma laga yaabaa in Nawaz mashruuciisu yahay mid siyaasadeed kaas oo uu doonayo in uu xisbigaas gabadhu hoggaamiso xukunka uga dhaqaajiyo?

Tan kale, laga billaabo maalintii uu ra'iisalwasaaraha Pakistaan billaabay mashruuciisa dabbaqidda shareecada, waxaa la sheegayaa in haweenka reer Pakistaan ay magaalada ka xeebeen, oo aanay habeenkii magaalada hoose u soo degin, ayaga oo ka baqaya in dhallinyarada wadaadada ahi faduulshaan oo erayo xun ku dhahaan.

Intaas waxaa soo dheer in ayadana la sheegayo in haweenka dalkaasi aanay waqtiga xaadirka ah suuqyada magaalada ka soo iibsan karin wixii ay doonaan, gaar ahaan suuqyada dahabka iyo meelaha dharka qaaliga ah iyo qalabka haweenka lagu gado, waxaa la sheegayaa in haweenku ka caageen maalmahan dambe ayaga oo ka baqaya dhallinyarada wadaaddada ah ee xammaasaddu hayso ee taageersan mashruuca ra'iisalwasaaraha.

Siyaasadda iyo Dabbaqidda Shareecada
Su'aal kale oo loo baahanyahay in la is waydiiyo waa, xiriirka ka dhexeeya mashruuca ninkaasi wado iyo xaaladda siyaasadeed iyo midda diimeed ee ka taagan dalkaasi Afganistan ee deriska la ah Pakistan, sida aan ognahay, Jabhadda Taliban ee dalkaasi Afganistan qabsatay waxaa taageera Pakistan, jabhaddaasi waxaa hoggaansha niman isku sheegaya in ay yihiin wadaaddo diinta daacad u ah oo doonaya in ay dalka ku dhaqaan shareecada islaamka, kolka ma laga yaabaa in mashruuca Nawaz uu xiriir la leeyahay arrintaas, ma laga yaabaa in Nawaz isku deyayo in uu mashruucaas ka leeyahay maslaxo siyaasadeed taas oo uu doonayo in uu ku dacayeeyo jabhadda daaliban iyo kuwa ku jaanta ah sida Sacuudiga iyo dowladaha khaliijka qaarkood?

Mashaakilka dhaqaalaha iyo dabbaqidda shareecada
Arrin kale oo muhiim ah waa arrinta dhaqaalaha, sida aan ognahay Pakistaan waxaa soo fool saaray dhibaato dhaqaale, taasina ayaga oo kaliya ma aha ee qaradda Asia oo dhan ayaa la qabta, inksata oo la kala daranyahay, Pakistan waxay wadday indhawaydba mashruuc ku lug leh horumarinta hubka Nuglierka, kaasina wuxuu keenay dhaqaalaha oo xumaada, ra'iisal wasaaraha dalkaas Pakistan wuxuu hadda ka hore dadwaynaha u sheegay in loo baahanyahay in loo dul qaato dhibaatooyinka ka imaanaya xagga dhaqaalaha haddii la doonayo in la horumarsho hubka Nugliyerka ee dalka.

Marka ma laga yaabaa in Nawaz uu doonayo in uu mashruuca uu wado ee ah dabbaqidda shareecada ku doonayoo in uu dadka uga maaweelsho dhibaatooyinka dhaqaale ee dalka ka taagan?

Haddii uu mashruuca Nawaz Sharif ka nabad galo tuhmooyinkaas oo dhan waxaa halkaa ka caddaanaya in uu daacad u yahay dabbaqidda shareecada islaamka, waxayna arrintu noqonaysaa in natiijada la eego, hadduu guulaystana khayr, haddii kalana belo iyo baas.

Haweenka Sacuudiga ma loo ogolaan doonaa in ay
gawaarida hoggaanshaan?

Sida la wada ogsoon yahay, dalkaasi Sacuudiga Carabta naagaha looma ogola in ay gawaarida wadaan, haddii ay haweenay doonayso in ay gaari ku socoto waa in ay darawal gaariga u kexeeya yeelato.

Arrintaasi waxay suuq shaqo oo xoog leh u firtay dhallinyarada ka timaada qaaradda Asia kuwaas oo la sheegay in tiradoodu milyan ku dhawaanayso.

Arrintaasi runtii ma raalli gelin haweenka dalkaasi Sacuudiga, maxaa wacay waa arrin aad u qallafsan oo xurriyadda ka qaadday naagaha ku nool dalkaas kana dhigtay cuuryaan aan cago ay ku socdaan lahayn.

Arrintaasi waxay keentay in haweenkaas qaar ka mid ah ay bannaan bax dhigeen maalmihii dagaalka khaliijku socday ee ay joogeen ciidamada Maraykanku Sacuudiga kuwaas oo ay ku jireen gabdho maraykan ah oo qaarkood weday diyaaradaha dagaalka magaaladana ku mari jiray surwaal gaaban.

Haweenkii bannaanbaxaa ka qaybgalay waxay ahaayee ilaa 50 naagood, dhammaantood wax la xiray iyo wax shaqadii laga cayrshay iyo wax la karbaashay baa laga dhigay waxaana gacanta loo gelshay wadaaddada mudawaca ah ee dalkaas majaraha u haya.

Arrintu si kastaba ha ahaatee, bishii la soo dhaafay waxaa dalkaa Sacuudiga ka soo yeertay arrin aad muhiim u ah, taas oo la sheegayo in haweenka loo ogolaan doono in ay gawaarida wadaan, laakiin shuruudo lagu xirayo.

Shuruudaha lagu xirayo haweenka baabuurta wada
1. Waa in naagtu ahaato 35 sano jir ama ay ka waynaato.
2. In waqtiga gaariga ay naaguhu wedayaan uu ahaado inta u dhexaysa toddobada aroornimo ilaa toddobada fiidnimo.
3. In naagta baabuurka wadaysa ay ka haysato ninkeeda qoraal rasmi ah oo uu ugu ogolaanayo in ay baabuurka waddo.
Sikastaba arrintu ha ahaatee, sharcigan wali lama hirgelin, waxaa la rejaynayaa in uu hirgalo bartamaha sanadka soo socda ee 1999ka.

Dadka indhaindheeya xaladda bulsho ee dalkaas waxay leeyihiin, waxaa dowladda arintaas ku khasbay xaaladda dhaqaale ee sii xumaanaysa iyo awooddii wadaaddada mudawaca oo xoogoo soo yaraatay, wadaaddada muddawacu waxay gooyeen in naaguhu yihiin dad naaqus ah oo aan awood u lahayn in ay tartan-nololeed loo simanyahay la galaan ragga, taasina waxay keentay in haweeney kasta lagama maarmaan looga dhigay in ay nin ku daba gabbato.

Arrintaas dood ayaa ka taagan, taas oo ah, ma sharciga Islaamka ayaa sidaa dhigaya mise waa caado iyo dhaqan dalkaas u yaalla? muslimiintuna arrintaas si uma wada arkaan, waddamada islaamka badankooda haweenku shaqo xoog leh buu ka hayaa, waddamada khaliijka xoogga haweenka waxba laguma dheefo badankiisa.
BOGGA 4AAD
TARJAMADA LUQADAHA
Waxaan aqristayaasha qaayaha leh ugu bishaaraynaynaa in idaarada wargayska Somali Electronic Journal hayso waqtiga xaadirka ah dhallinyaro mutacalimiin ah oo aqoon dheeraad ah u leh luqadaha (Ingriiska, Carabiga, Soomaaliga iyo Isbaanishka iyo luqado kale oo muhiim ah), awoodna u leeyihiin in ay turjumaan kutubta iyo maqaaladaha cilmiga ah iyo qoraallada kale ee la midka ah.
Hadaba ciddii doonaysa in loo turjumo qoraal noocii uu doono ha ahaadee, ha la soo xiriireen maamulka wargayska, qiimaha shaqadda tarjamadu waxay ku salaysan tahay nooca shaqada tiro iyo tayo intaba iyo heshiiska labada dhinac wada gaaraan.
BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA
ADAM C/LAAHI CISMAAN DR C/RASHID C. SHIRMAAKE JEN. M. SIYAAD BARRE
Dhibaatooyinka Somaaliya Maxaa xal u ah ?
[Allah Ummad kama baddalo waxa ay ku sugan tahay; Ilaa ay wax ka baddasho nafteeda waxa ku sugan]
Figradda Soomaalidu ka haysato Dawladnimada:
Dowlad? Horta taasi magaceedaba ha igu soo qaadin. Jahawareerka fikradeed ee aynu ka dhaxalnay hanashada xurriyadeed ka dib, Mamuladii rayidka iyo kuwii militariga hoggaanka dalka u qabtay, ayaa horay u sii melgantay sanooyinkii dambe ee burburka.

Fikradda Dowladnimo ayaa nasakhantay. Dowladnimadu waxay u muuqatay qaab hanti lagu sameeysto, ha ahaato mid gaar ahaaneyd ama mid koox ay ku keliyeesato awoodda iyo arzaaqda Umadda. Arzaaqdu Rabbigaa qaybiya, Isagaana kala haga.

Ummadda waxay ka maahday erayga Dowladnimo. Waa sidii qofkii indha la'aanta ku dhashay ee la sheegayay. Oo la yiri inta mar indhaha u kala qaadmeen oo uu arkay bakayle amase wax la mid ah dabadeedna haddane ka daboolmeen.

Markaasaa wax waliba loo sheego wuxuu ku qiyaasaa bakaylihii. Oo wuxuu yiraahdaa ma bakayle oo kalaa.Haddaba Soomaali qaab Dowladnimo nasakhan ayay ku indha furatay oo misane ay kala kulantay jab iyo halaag. Haddaba maxaa talo ah.

Sideebaase looga dhaadhicin karaa in ay jiraan qaabab Dowladnimo tii ay soo arkeen ka duwan? Mise magac kale oo ay ku raali noqon karaan baynu u alifnaa? Yaase laga sugyaa?

Nooca Dowladnimo ee Somaliya ku indha furatay:
:"Jamhuuriyadda Somaliya", (La Repubblica Somala), waxay ka dhalatay isku darka labada Gobol Waqoyi oo loo yiqiin "British Protectorate of Somaliland" iyo Koonfureed oo loo yiqiin isagana "Trust Territory of Italian Somaliland". Arintaasi waxay ku timid rabitaanka xaqqa ah ee labada Shacbi ee labadaasi gobol ku kala noolaa.

Waxay Ummadda Somaliyeed ay ku guulaysatay in ay dhisato Dawlad midaysan oo leh hal Dastuur (Constitution of The Somali Republic), hal Madaxweyne, hal Barlamaan, hal Xukuumad, hal Ciidan iyo maamul midaysan; waxaana saldhig looga dhigay Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaliyeed, "La Costituzione della Repubblica Somala".

Inkastoo Dastuurka uusan ka tarjumaynin baahida dhabta ah ee Ummadda Somaliyeed, haddane wuxuu ahaa mid leh astaamaha Mabaadiida "Sharci-isku-Xukkunka". In Sharcigu qof waliba uu ka sareyo. "Uno Stato di diritto". Runtii Dastuurkan waxaa laga soo qaatay sida uu u dhan yahay, haddii laga reebo meelo yar yar, Dastuurka Talyaaniga oo loogu tala galay in uu daboolo baahida bulshada talyaaniga.

Baahida Soomaliyeed iyo tan Talyaanigane waa laba baahiyood oo aad u kala duwan oo aan lahayn meel ay iska soo geli karaan, haddii aad ka eegto dhanka jugaraafiga, taariikhda, dhaqan-dhaqaale bulshadeedka, siyaasadda,diinta iwm.     [Waa socotaa...]  
Faahfaahin ku saabsan kitaabkan

Cinwaanka: Horta Yaa Dunida Fasahaadiya?
Mowduuca: Waa kitaab afsoomaali ku qoran oo ka hadlaya fasahaaddii iyo hooggii ka dhashay dagaalkii sokeeye ee soomaaliya iyo siyaabaha laga yaabo in loo xalliyo.
Qoraaga: Qaasim Hersi Farah (Duullaanjecel).
FOOLXUMOOYINKII KHARAARAA EE WAAYADII DAGAALLADA

Magac, sharaf, weji, dadnimo iyo jiritaan toona ma lahayn axadka somaliga ihi dagaalkaas ka bacdi, in lagu yiraaho qof Somali, waxay ahayd ceeb iyo dhaawac weyn oo loo geystay.
Sidaas darteed waxaa caadiyowday in laga xishoodo oo laga xanaaqo somali baad tahay. Marka aad marayso carrooyinka shisheeye hadaad somalinimo sheegato waa lagaa yaqyaqsan oo lagu yasin
waxaana laga yaabaa in aan wax jira lagaa soo qaadin ee hortaada wax kaste lagaga sheekaysto.
Waxaana lagama maarmaan ah in lagaa ag cararo iyada oo laga cabsanayo inaad dhac iyo boob la timaado sidaad tahay Yey waxay aragto diiranaysa.

dullaysigaas kaga dhacaya banaanka soomaalida waa mid aan loo kala harin aanan loogu kala saarin shariif iyo shaydaan toona.In la isku tix geliyo waxshinimada iyo waallida aan dheg la qabto lahayn, taasna waxaa u daliil ah, caydiid oo ku andacooday wax badan; hala iga dhigo Madaxweyne (waa gartiis oo waa ooman yahaye) iyada oo la igu tixgelinayo intaan dad laayey iyo intaan dad dalka ka saaray, tusaale; shirkii Addis-ababa ee 1993kii.

Waxaa kale oo iyana tusaale fiican noqon kara shir qabiileed lagu qabtay Muqdisho, oo ay marti geliyeen qolada Murursade oo ay matalayaan odayaal ay ka mid yihiin; Max'd Nuur cabdulle oo gurigiisa shirka lagu qabtay, Siicoow, xuseen Ayaanle iyo kuwa kale.

Shirkaas oo ahaa mid lagu xallinayey xurguf (taasoo markii dambe qaraxday) oo dhextiillay Habargidir iyo Abgaal.Waxaa ka hadlay Cawaale Qaybdiid oo ayidayey in madaxweyne laga dhigo Caydiid, waxaana ka mid ahaa daliilihiisii uu ku caddaynayey waxqabadka Caydiid; in ka dib markay Abgaal u kici waayeen dagaal xamar laga bilaabo uu faafiyey waraaqo ay ku qoran tahay (waa in la laayaa qabiilka xune Hawiyaha ducufkaa ah), uuna ku saxiixan yahay Madaxweyne: Maxamad siyad Barre.

Ka dibna bilaabay in habeen walba dhawr nin oo Abgaal ah qudha laga jaro loogana ag cararo Koofidii Police milataro ama tesaro, sidaasuu ku kacshay Abgaale hadaba ma isaga unbaa dalka xoreeyey mise Abgaal?!
(Waa Socotaa...)

F.G: Waxaan ugu bishaaraynaynaa Aqristayaasha bogga doodda, in aan billaabi doonno fidinta daraaso cusub, kolka midda hadda socota dhamaato, daraasadaas oo cinwaankeedu yahay (MADAXWAYNE HA LAYGA DHIGO) Waxaa qoray Qaasim xersi Faarax, waa isla qoraagii aad hore u aqrisateen daraasadiisa hadda socota.

Wuxuu qoraagu daraasadan mar labaad isku deyayaa in uu si qayaxan u soo ban dhigo waxyaabaha ka guuxaya maskaxda soomaalida iyo figradda ay ka haysato madaxwaynanimada. Aqristayaasha boggan waxaan ka codsanaynaa in ay ina soo siiyaan wixii talo ah, inta aan daraasada cusubi billaaban.
Wixii munaaqasho ah ama sixid ah albaabbadu waa u furanyihiin.
Labagarre

BOGGA 5AAD
DIINTA ISLAAMKA
KITAABKA TAWXIIDKA

Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1.Cinwaanka: Kitaabka Towxiidka(121 Bog)
2. Mowduuca: Tawxiidka.
3. Qoraaga: Sheekh Maxamad bin Cabdil wahhab.
4. Waxaa soomaaliyeeyay:Hersi Labagarre
5. Qiimaha: (US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin.

CASHARKA 21AAD
WIXII KU SOO AROORAY IN QABUURRADA AWLIYADA OO LA BUUNBUUNSHAAHI AY KEENAYSO IN QABUURADAASI NOQDAAN SANAMYO ILAAH KA SOKO LA CAABUDO
Wuxuu Maalik kitaabkiisa Al-Muwata' ku soo weriyay in Nabigu naxariisi korkiisa ha ahaatee, uu yiri:"Eebbow qabrigayga sanam la caabudo ha ka dhigin, caro adag waxaa Ilaah ka mutaystay qoladii qabuuraha nabiyaashooda masaajidyo ka dhigta".Waxaa kale oo Ibn Jariir, Mujaahid ka soo weriyay in uu yiri: aayadda [Ka warrama Laata iyo Cusa]Al-Najm 19. Ninka lagu sheegay ee "Laata" la yiraahdo wuxuu ahaa nin xujayda soo aada xajka soor u karsha oo u goosaara, ee ku martiqaada, kolkii uu dhintay bay qabrigiisii caabudeen.Sidoo kale waxaa Abul Jawsaa, Ibn Cabbaas ka soo sheegay in ninkaasi soorta u goosaari jiray dadka xajka soo aada.

Ibn Cabbaasna waxaa laga soo weriyay in uu yiri: Nabigu naxariisi korkiisa ha ahaatee, wuu nacaladay naagaha qabuuraha soo booqda, iyo dadka qabuuraha masaajid ka dhigta iyo kuwa faynuusta ka dul ifiya.

MAS'ALOOYINKA CASHARKA
Tan 1aad: Waa tafsiirka sanamyada waxa looga jeedo.
Tan 2aad: Waa tafsiirka cibaadada wuxuu yahay.
Tan 3aad: Waa in waxa Nabigu Eebbe ka magangalay ay yihiin wax in ay dhacaan laga baqayo.

Tan 4aad: Waa in Nabigu (kolkii uu Ilaah ka magangalay in aan qabrigiisu sanam la caabudo noqon) uu taas ku lammaanshay qabuuraha nabiyaasha ee masaajidka laga dhigtay.
Tan 5aad: Waa in la sheegay in arrintaas Ilaahay aad uga caroonayo.

Tan 6aad: Oo ah arrimaha tan ugu mudnaanta badan, waa in la ogaado in cibaadada la caabuday ninka "Laata" la yiraahdo ay tahay sanam kan ugu wayn oo la caabuday.
Tan 7aad: Waa in la ogaaday in meesha "Laata" lagu duugay ay tahay meel nin wali ah qabrigiis ah.

Tan 8aad: In laata yahay ninka qabriga ku aasan, lana sheegay sababta ninkaa magacaa loogu baxshay.
Tan 9aad: Waa nacaladda la nacaladay naagaha qabuuraha soo booqda.
Tan 10aad: Waa nacaladda la nacaladay kuwa qabuuraha iftiinka u shida.
BOGGA 6AAD
BOGGA DHALLINYARADA
SHEEKADII KALIILA IYO DIMNA
Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1.Cinwaanka: Kaliila iyo Dimna(119 Bog).
2. Mowduuca: Murti facwayn iyo sheekooyin qosol badan.
3. Qoraaga: Cabdullaahi bin al-Muqafac.
4.Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi Labagarre
5. Qiimaha: (US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin.
Qaybtii: 17aad
LIBAAXII IYO DIBIGII
Dhurwaa, duke iyo dawaco baa ka baxay libaaxii agtiisii oo gees isugu leexday, dabadeedna way tashadeen, kolkaas bay dheheen oo caws cunaha kan maxaa inoo galay?

inagu arrin iyo talo toona ma ahee, maa libaaxa u qurxinno ha cuno e', annagana ha naga dheefsho hilibkiisa e'!!.
Dawaco: taas libaxa uma sheegi karno, maxaa wacay wuu magangelshay awrka oo ballan buu ka qaaday.

Tuke: aniga ayaa libaaxa idinkaga filan.
Kolkaas buu baxay oo libaaxii u galay.
Libaaxii: wax ma heshay?.
Tuke: waxaa wax hela qof socda oo wax arkaya, annaguna waan socod iyo arag beelnay gaajo darteed, hase ahaatee taalo ayaan garanay oo isla gaarnay haddii boqorku nagu racana waannu yeeli.
Libaxii: oo maxay tahay?.

Tuke: awrkan cagaar daaqa ah oo ina dhex noqnoqanaya wax uu inagu tarayana aan la arag, wax dheef nooga soo noqon maayo, wax uu inoo qabanayana ma leh.
Libaaxii markii uu taa maqlay wuu carooday, wuxuuna yiri: maxaa kaa gaaraad xun, oo kaa garasha liita, oo kaa baallan iyo dhaqaala daran, dawna umaadan lahayn in aad eraygaas igula dhiirato, oo aad hadalkaas igala soo horjeesato, adiga oo og in aan awrka megengeliyay oo aan ballan ka qaaday, miyaadanse maqal in ninna uusan naf cabsanaysa oo uu megengeliyo oo uu dhiig daadanaya celsho sadaqa ka wayn kana ajir badan uusan la bixin, waana megengeliyay awrka dhagrina maayo.

Tuke: anigu waan garanayaa waxa boqorku leeyahay, hase ahaatee qof kali ah reer baa lagu furtaa, reerkana qolo baa lagu furtaa, qoladana magaalo ayaa lagu furtaa, magaaladana boqorka ayaa lagu furtaa, boqorkuna waa u baahday, aniga ayaana boqorka ku eedtiraya, asiga oo aan boqorku is dhibin oo aan asigu qaban, cidna u dirin, annaga ayaa tabteenna ku furdaaminayna, asigana dan iyo deeq baa ugu jirta.
(Waa socotaa...)

BOGGA 7AAD
HIDDAHA, DHAQANKA, SUUGAANTA IYO AFKA SOMALIDA
Khaliif Sh. Maxamuud Siciid (1951-1982)
GABAYGII JAWAABTA AHAA EE CALI CILMI (Afyare)
Gabaygan waxaa tiriyey Cali Cilmi “Afyare”(Allaha u naxariistee) isgoo ka jawaabaya gabaygii Khaliif Shiikh Maxamud ee Hurgumo. Gabaygu wuxuu ka kooban yahay 109 (Boqol iyo sagaal) tixod, waxaana loogu magacdaray “MASHIIQSI”.

Maasadan waxaa inoo soo habeeyay:
Maxamad Ciise Axmad (Ciise Carab).
Qaybtii 1aad:

F.G: Qaybtan 1aad horay ayaan u fidinnay, waxaase inoo suurtageli waysay in aan ku xejinno qaybtii labaad, taas ayaana keentay in aan dib maasadii oo dhan u fidinno.
   (Labagarre).

In dhoweydba “ Miinleyda” gabay, waanigaan marine
Waa taan ka maaliyey halkiyo, mooshinkii guba’e
Maantana haddaan lay mudmudin, uma muraadeene
Mufti shiikha madal laysu yimi, culimo maageeran.
Minhaajkiyo tuxfaha qiil haddii, laysu mariwaayo.
Ma’wiga laga cabbiyo waa muqniga inan ku laabtaay.
Nin malaasan iyo jaahil waa, marin habaabaane.
Hadduu macangag yahay ruuxu waa, meesi kaa lumaye.
Maandhow ma fiicinde waxaan, magane kuu sheegay.
Maansooyinkaad tirisey iyo, gabayadaad miistay.
Macnihiyo ujeeddada kolkaan, aad u kala miidhay.
Hadduu adiga kula miiggan yahay, maaha kaan rabaye.
Murre iyo wuxuu ii dhadhamay, miro dhunkaaleede.
Mullaax baan ka waayiyo waxaan, sii macaansado’e.
Dhegeheygu goortey maqleen, waan mashiiqsadaye.
MACMACAANKA MURTIDA SOOMAALIYEED
Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1. Cinwaanka: Macmacaanka Murtida Soomaaliyeed.
2. Mowduuca: Murti iyo Maahmaahyo Soomaaliyeed.
3. Qoraaga: Hersi M. Labagarre.
4. Qiimaha: (US$10.00) oo aan boostadu ku jirin.
Qaybtii 5aad
41. Tol iyo fardo tol baan doortay.
42. Tagto daayoo timaada ogow.
43. Tolkaa taagtaa looguma taliyo.
44. Tol nin ka haray iyo tiro neef ka harayba midna ma dabar go'in.
45. Tol wada hagaagsan ninkii doona, tol la'aan buu mutaa.
46.Togba taagtii buu rogmadaa.
47. Toogo meel bay kaa riddaa.
48. Jidiin wixii mara jinta bay ka muuqdaan.
49. Jinni ninkii keena ayaa bixiya.
50. Jiljilcanaan looma dhinto.
BOGGA 8AAD
IIDHEH IYO OGAYSIIS
XISAABTA MA KU LIIDATAA?
Ma u baahantahay qof kaa caawiya maaddada xisaabta? si aad u yeelato aqoon xagga xisaabta ah oo kalsooni buuxda kaa siida, xisaabta aad u baahantahay maalin kasta.
Tusaale ahaan: (Everyday Mathematics, an introduction to geometry, an introduction to statistics, averages, introduction to algebra iyo qaar kale), haddii aad xiisaynayso mowduucan waxaad qaadan kartaa toddobaad kasta duruus lagugu siiyo af ingriis (by email) laguuguna sharxo af soomaali, haddaba fadlan la soo xiriir idaarada wargayskan.
Mohamed H. Labagarre (1909 - 1998)
Cudurdaarasho iyo mahadcelin
Marka hore waxaan jecelahay in aan uga cudurddaarto dhammaan dhallinyarada wargayskan ku tixan, joogsigii lama filaanka ahaa ee wargayska ku yimid dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay.

Joogsigaas waxaa keenay dhowr arrimood oo ay u waynaayeen aniga oo xanuunsaday iyo geeridii naxdinta lahayd ee ku timid aabbahay

Aw Maxamad Hilole Labagarre (Allaha u naxariistee)oo ku geeryooday magaalada Muqdishu bartamihii bishii la soo dhaafay.

Dhallinyaro badan oo wargayska si toos ah ugu xirnayd iyo qaar kale oo aan si toos ah ugu xirnayn laakiin aqarsan jiray ayaa muddadaas ila soo xariiray ayaga oo doonaya in ay ogaadaan waxa ku dhacay wargayskii.

Marka waxaan dhammaan dhallinyaraddaas leeyahay aad baan uga xumahay kala go'aas inagu dhacay, waxaana u sabab ahaa aniga oo xanuunsaday dabadeedna ku mashquulay duugtii aabbahay iyo qoyska intii hartay ka dardaarmiddooda.

Waxaan mahad u celinayaa dhammaan dhallinyaradii Tacsida iyo dhiirrigelinta ii soo dirtay, kuwaas oo aanan runtii halkan ku soo koobi karin magacyadooda, waxaan leeyahay aad baad u mahadsantihiin.

Waxaan ka xumahay in aanan magacyadiinna halkan ku soo koobi karin, balse waxaan isku deyayaa in aan halkan ku soo koobo inta aan hadda xasuusto:

1. Cabdi Takar, aad baad ugu mahadsantahay tacsidda aad geerida aabbahay iiga tacsiyaysay iyo hambalyada aad iigu hambalyaysay wiilka ii dhashay, waxaanna magaciisa u baxshay Maxamad Faisal.

2. Maxamad Cabdullaahi waayeel, aad baad walaal ugu mahadsantahay salaanta iyo tacsida aad ii soo dirtay.

3. Ali Artan, waan helay walaal salaantii iyo tacsidii iyo warkii kale ee la socday waadna ku mahadsantahay.

4. Ibrahim Macallim Mursal, waa la nabad qabaa walaal, waad ku mahadsantahay salaanta iyo tacsida iyo maqaaladaha quruxda badan ee aad ii soo dirtay, waxaanna rejaynayaa in aan u fidsho habka ugu fiican ee aan heli karo.

5. Saeed Mohamed, walaal waan helay emailkaagii waadna ku mahadsantahay tacsida iyo salaanta.

6. Maxamad Saciid maxamuud, walaal waan helay dalabkaagii wargayskiina waakan, salaantana waad ku mahadsantahay.

7. Isaak Shirwa, walaal waad ku mahadsantahay salaanta, boggiina waan ku deray liiska soomalida maanta.

8. Walaal Daa'uud ra'yigaagii ku saabsanaa dalxiiska soomaaliya waan helay waadna ku mahadsantahay, magacaaga oo dhan ii soo sheeg, aanna wada xiriirno, mashruucaasna wixii laga qaban karo dib ayaan uga hadli doonnaa.

9. Maxamad Cali Wadani, waad mahadsantahay walaal, boggii aad ii sheegtayna waan ku deray liiska soomalida maanta.

10. Ahmed Shire, walaal waad ku mahadsantahay salaanta iyo xiriirinta boggiina waan ku deray liiska.

11. Qaasim Hersi Faarax, walaal waad salaamantahay aad ayaan kuugu mahadinayaa dadaalka aad samaysay maalmihii aan mashquulsanaa, waxaanna kaa sugayaa dukumintigii aan kuu sheegay.

12. Maxamuud maxamad Faarax, waayahay walaal codsigaagii wuu isoo gaaray, wargayskiina waa kan.

13. Abdihakiim, waayahay wargayskiina waa kan, magacaaga oo dhan inoo soo dir adiga oo mahadsan.

14. Abdihakiim Husain Maxamad, taladaadii waan yeelay inkasta oo aan ra'yi kale leeyahay, salaantiina waan kaa guddoomay, mowduuca qabyaaladda iyo suugaantana dib ayaan uga munaaqashoon doonnaa.

15. Abbaas Dirir, walaal waa la nabad qabaa, aad baadna ugu mahadsantahay salaanta iyo iska warqabka.

16. Siyaad Barre, walaal wargayskii waa kan, waxaanna jeclaan lahayn in aad magacaaga runta ah inoo soo sheegto adiga oo mahadsan, waa haddii uu midkan aan soo sheegay ka geddisanyahay.

17. Maxamad Axmad, walaal waan helay wararkii aad ii soo dirtay, aad baad u mahadsantahay.

18. Abdirahman Hersi, walaal salaantii iyo tacsidii waan kaa guddoomay, aad ayaadna u mahadsantahay.

19. Cabdiraxman Maxamad Iidle, walaal waad ku mahadsantahay tacsida iyo salaanta, akhbaarta ha lagaa helo.

20. Fowzi Hersi, Walaal waad salaamantahay, kadibna aad ayaan kaaga mahad celinayaa salaanta iyo tacsida aad ii soo dirteen adiga iyo qoyskuba.

21. Aamina Maxamad, walaal aad baad ugu mahadsantahay salaanta iyo tacsida, eebbana ha kaa abaal marsho ammaanta aad aniga iyo dhallinyarada soo qorta wargayska u soo jeedisay.

22. Axmad Cali, walaal aad baad ugu mahadsantahay bogaadinta aad ii soo dirtay, wargayskiina waa kan.

23. M. G. Hassan, waan helay tacsidaadii iyo salaantaadii, aad ayaan kuugu mahad celinayaa, waxaan rejaynayaa in aad meel fiican ka marayso waxbarashadii, halkaaga ka sii wad baan ku leeyahay.

24. Ibrahim Macallim, Injineer ibraahim aad ayaad ugu mahadsantahay salaanta iyo tacsida, safarkii in aad ka soo laabatay iyo inkale ha lagaa war helo.

25. Abdinaasir Cali, walaal wargayskii waakan, salaantiina waan kaa guddoomay.

26. Abdi Omar Shuuriye, emailkaagii waan helay, aad baad u mahadsantahay, salaantii iyo tacsidii way isoo gaareen.

27. Abdiasii Axmad, salaantii iyo tacsidii kaa guddoomay walaal, aad ayaadna u mahadsantahay.

28. Asad Maxamad, walaal aad ayaad ugu mahadsantahay tacsida iyo salaanta, kaarkii quruxda badnaa ee aad ii soo dirtayna waan helay.

29. Awil Faarax, walaal tacsidii waan kaa gudoomay, aad ayaadna u mahadsantahay, waxaanna kuu rejaynayaa horukac iyo barwaaqo.

30. Maxamad Axmad Ugaas, walaal aad baan uga xumahay in aanan degdeg kuugu soo jawaabin, taasna waxaa keentay duruufta adag ee ila soo gudboonaatay, waan helay emailkii aad ayaadna ugu mahadsantahay bogaadinta iyo ammaanta aad inoo soo jeedisay, waxaanna rejaynayaa in aan xiriiri doonno, aad ayaan runtii u xiisaynayaa arrimaha aad tilmaantay.

30. Cabdisalaan Galaal, walaal tacsidii iyo salaantii waan helay aad baadna u mahadsantahay.

Intaasi waa intii aan hadda xasuustay, dhallinyaro badan oo aanan magacyadooda halkan ku soo koobi karin ayaa iga soo xiriiray hotmail-ka, qaar kalena waxay saxiixeen buugga martida, dhammaantoo waxaan u rejaynayaa cimri dheer iyo caafimaad iyo cibaado suubban, salaantii iyo bogaadintii iyo tacsidiina waan idinka guddoomay, wixii arrimo gaara ah aan isla xirrirno.

Hersi M. Labagarre
* Dhammaan dhallinyarada soomaaliyeed meel ay joogaanba waxaan ogaysiinaynaa in wargayska Codka Soomaalida Cusubi ku soo dhawaynayo gacmo iyo laab furan wixii talo ah ama qoraal ah ee ay doonayaan in ay ku fidshaan wargayskan, ha usoo direen:
hersi@brunet.bn
********

** Waxaan xasuusinaynaa dhammaan aqristayaasha ku tixan wargayskan, in ay wixii ogaysiis ah ama baafin ah ee ay doonayaan in ay fidshaan u soo diri karaan wargayska looguna fidin doono bilaash.
Dadka aan xubin ka ahayn aqristayaasha wargayskan bilaash looguma fidin doono ogaysiisyada iyo baafinta.
Sikastaba arrintu ha ahaatee, wargayskani bilaash kuma fidin doono ogaysiisyada iyo xayaysiisyada la xiriira ganacsiga iyo kuwa ururradu leeyihiin, qofka fidinayaa xubin haka ahaado aqristayaasha ama yuusan xubin ka ahaane.
********

*** Wargayskan bilaash (Free) baa lagu qaybshaa, cid aan soo codsanna looma diro.
Hadaba, qofkii doonaya in loo soo diro email ha soo diro asiga oo leh:
(ii soo dir codka soomaalida cusub), ama ha saxiixo, buugga martida ee ku yaalla halkan:
https://www.angelfire.com/mo/codkasomalidacusub/cschpage.html
qofkii aan doonayn in loo soo dirana, ha soo qoro email, asiga oo leh (ha ii soo dirin codka somalida cusub).
*******

[F.G]:(1) Dadka wargayskan in loo soo diro sida rasmiga ah u soo codsaday, way daabacan karaan wayna aqrisan karaan, wayna masawiran karaan marka loo soo diro jornaalkan, waxaase reebban in dib loo sii qaybsho ama laga ganacsado ama dano kale oo gaar ah lagu fushado.

(2) Dadka aan soo codsan wargayskan in loo soo diro, uma bannaana in ay wargayskan masawirtaan ama daabacaan, haddiise ay doonayaan in ay aqarsadaan waxay soo booqan karaan Home page-ka Codka Somalida Cusub ee kor ku xusan.

(3) Dhammaan qoraallada wargayskan ku soo baxa ama buug ha ahaadeen ama maqaallo ama warare', waxay xuquuqdoodu u dhowrantahay qoraaga soo qoray.

Please support Somali Electronic Journal
Programmed, Developed and Written by Hersi M. Labagarre
"DHAMMAAN MAQAALADAHA WARGAYSKAN KU SOO BAXA WAXAY U TAAGANYIHIIN ARAGTIDA QORAAGA EE UMA TAAGNA UJEEDDADA WARGAYSKA"

DHAMMAAN XUQUUQDA DAABACAADDU WAY DHOWRANTAHAY

Copyright 1998 - Labagarre - All rights reserved.
Nala soo xiriir
Booqo bogga csc
Saxiix B. Martida
Codso wargayska sej
Dhiibo Aragtidaada
Aqarso B. Martida
Xayaysiin
Bogaadin