Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

.........CODKA SOOMAALIDA CUSUB......

......Jornalkii ugu horeeyay ee Electronic ah..

............ee ku soo baxa af Soomaali...........

======================================================

......Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah......

............Wuxuu ku soo baxaa afafka.................

...........(Soomaaliga iyo Ingiriiska)................

.......Wuxuu Soo baxaa Maalin kasta oo Axad ah........

 ………..[WARGAYSKANI WUXUU KA KOOBANYAHAY 70 BOG]………..

EEG HOMEPAGE-KA……(http://www.angelfire.com/mo/codkasomalidacusub/index.html)…………………

 

Waxaa Abaabulay:

Hersi M. Labagarre

(Ph.D. Philosophy & Theology)

National University of Malaysia

 

......................| Taariikh: 21-27.6.1998 |..............

______________________________________

...[DHAMMAAN XUQUUQDA DAABACAADDU WAY DHOWRANTAHAY]....

Tusmada Wargayska

 

Bogga_________Maqaalka______________________Magaca Qoraaga____

 

Qaybta 1aad:...Ararta Wargayska..............Hersi M. Labagarre

 

Qaybta 2aad:...Reer yamaarugsade iyo Reer Dabashiddo.

 

Qaybta 3aad:...Dhaarta iyo Dhaqanka..........Hersi M. Labagarre

 

Qaybta 4aad:...Diinta Islaamka-Tawxiidka(5)..Sh. M. Bin C/Wahab

 

Qaybta 5aad:...Bogga dhallinyarada:

..............Kaliila iyo Dimna (Q. 4aad)...C/laahi bin Muqafac

 

Qaybta 6aad:...Bogga Doodda:

Siday ku dhamaatay Qabyaaladdii carbeed?.....Qasim Hersi Farax

 

Qaybta 7aad:...Bogga Isbarashada:

.............."Taariikhda Noloshayda".......Fowzi Herzi(Vaiconi)

Qaybta 8aad:...Iidheh iyo Ogaysiis:

__________________________________________________

QAYBTA 1AAD:

_________________ ARARTA WARGAYSKA ________________

 

Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay, sida qalbi furnaanta leh ee ay dhallinyaro badan oo soomaali ihi ugu riyaaqeen wargayskan, oo qaar badan oo dhallinyaradaas ka mid ahi, aaney ku siman ammaanid kali ah, ee ay muujiyeen xiisaha ay u qabaan in ay uga qayb qaataan howsha wargayskan si firfircooni leh.

 

Wargayskan howshiisa, sidaan horeba u sheegnay, waxaan wadnaa muddo aan dhowr bilood dhaafayn, maantana wuxuu ku yeeshay meelo badan oo dunida dacalladeeda ka mid ah dhallinyaro badan oo aad ugu hiilloon aqriskiisa iyo horumarintiisa.

 

Waxaan kolka doonayaa in aan dhallinyaradaas ku adkeeyo in aan wargayskan cid gaar u lihi jirin, oo uu soomaali oo dhan ka dhexeeyo, anigu waxan ahay ninkii abaabulay, taas ujeeddadeedu ma aha in aan uga dan lahaa in qolo gaar ah loogu adeego ama ujeeddooyin gaar ah lagu fuliyo, ee waxaan doonayay in aan helo hab ay isku dhaafsadaan

soomaalida dunida ku firirsan wararka iyo aqoonta jaadadkeeda kala duwan, ayaga oo adeegsanaya afkooda hooyo, kana faaiidaysanaya horumarka cusub ee isgaarsiinta dunidu gaartay maanta.

 

Sidaa darteed waaxaa qof kasta oo soomaali ahi xaq u leeyahay in uu aragtidiisa ku soo bandhigo wargayskan, asiga oo aan wax baqdin ah marnaba dareemin.

 

QAYBTA 2AAD:

_______________ SUUGAANTA SOOMAALIDA _____________

_________ "Macmacaanka Murtida Soomaaliyeed"______

[Walaalow sow wax shiddo lala abuuray ma ah!!]

Oday Cabdimadow la dhihi jiray, Allaha u naxariistee, ayaa gabar ari meel ku ilaalinaysa soo maray, gabadhu qoyska ay ka dhalatay waxaa loo qarin jiray "reer yamaarugsade" waxaana looga jeedaa, cuntada ayay sida xoolaha u raamsadaan kolka ay wax cunayaan, Cabdimadow reerka uu ka dhashayna waxaa loo qarin jiray "reer daba shiddo" oo ragga qoladiisa ka dhashay ayaa qaarka dambe u wayn oo bari leh, Cabdimadow iyo gabadhii sheekadan baa kolkaa dhex martay.

Cabdimadow: walaal maxaad sheegtay?

Gabadhii: walaal nabad baan sheegay.

Cabdimadow: ariga ka warran?

Gabadhii: dhib buu igu dilay oo hadba dhan buu u yaacaa.

Cabdimadow: Oo muxuu rabaa, maa cowskan iska yamaarugsado?

Gabadhii:Walaalow maxaan ka garanayaa! sow wax shiddo lala abuuray maaha!!!

 

QAYBTA 3AAD:

____HIDDAHA, DHAQANKA IYO AFKA SOOMAALIDA____

DHAARTA IYO DHAQANKA SOOMAALIDA

Waxaa Qoray: Hersi M. Labagarre

 

Dhaartu: Waa erayo ama fal loo adeegsado in hadalkaaga lagu xoojiyo si waxa aad sheegi doonto ama aad fali doonto lagaaga runsado.

 

Badanaa soomaalidu waxay ku dhaarataa, dhasheeda, iyo xigtadeeda iyo xoolaheeda iwm, eebbe in ay ku dhaartaanna badanaa way iska dhowraan oo ma jecla, maxaa yeelay waxay rumaysanyihiin, in dhaarta eebbe lagu dhaarto ay tan kale ka kulushahay oo ay ka abaalmarin xuntahay oo haddii uu qofku eebbe ku dhaarto uu abaalmarin xun helayo, ama run ha ku dhaarto ama been ha ku dhaarto e.

 

Meelaha qaarkood, dhaarta eebbe lagu dhaarto qofka lagama qaato, ee in uu xoolihiisa, gaar ahaan, geeliisa ama carruurtiisa siiba, wiilashiisa ku dhaarto ayaa lagama maarmaan ah si waxa uu sheegayo looga runsado, waayihii hore, dab ayaa la isku dhaarin jiray, laba jaad ayaana badanaa loo adeegsan jiray dhaarta debka, in bir siiba masaar iwm, dab la gelsho oo marka ay birtaasi casaato oo aad u kululaato, qofka loo yeero oo labada sacab loo saaro, dabadeedna asiga oo birtii kululayd sacabada ku sida uu sagaal tillaabo la qaado oo socdo, haddii uusan guban in laga gardaranyahay bay taasi caddaynaysaa, haddii uu gubtana in uu gardaranyahy bay taasi caddaynaysaa.

 

Jaadka labaad ee la isu dhaarin jiray waa, in god wayn oo sagaal tillaabo dhererkiisu yahay, jooggiisuna nin sabarkiis ama sintiisa la egyahay, dhulka laga jeexo oo dabadeed qoryo dhamallo ah inta lagu aruursho la shido, kolka ay qaxaan oo ay dhuxul noqdaan ayaa qofka la dhaarinayo loo yeerayaa.

 

Kolkaas buu intuu soo qubaysto asiga oo qayd yar dhexda ugu xiranyahay oo aan dhar kale iyo kaba sidan imaanayaa, godka dabku ku shidanyahayna qof ayaa ood ama qoray dheer oo madaxa oodi uga xirantahay la ag joogsanaya oo inta aan ninka la dhaarinayo soo gelin ayuu dabka deebta ka jafayaa, oo oodda ayuu dhuxulaha qamacda ah, aal yar dhusha uga jiidayaa si ay u huraan oo dhinbilo iyo deebi korkooda uga kacdo.

 

Taasna badanaa waxaa looga danleeyahay in qofka la dhaarinayo lagu cabsiiyo oo la tuso debka kulaylkiisa inta uusan gelin, kolka ninka dhaaranayaahi yimaado oo debka siigada ama deebta laga bitiyo ayaa odayaasha iyo garsoorayaashu ninka dhaaranaya labo walxaato kala doorran siinayaan, in uu debka galo oo uu sidaa ama ku dhinto ama ku gubto oo uu ku naafoobo iyo in uu waxa lagu sheeganayo iska ogolaado, ninka dhaaranayaahi marka asiga ayaa labadaas tii u roon qaadanaya.

 

Haddii uu in uu dhaarto goosto, ayuu kolkaa debka asiga oo cagacad aal yar godka qarkiisa intuu istaago ku deganayaa, kolkaas buu ku dhexsocanayaa oo geestii uu ka galay teeda kale ka baxayaa, waana sagaal tillaabo oo dherer ah, ama sagaal saamood, oo dhuxusha qamacda ah korkeeda lagu soconayo, haddii uu ka gudbo wax loo haysto ma jiraan in laga gardaranyahay ayaana meeshaas ka caddaanaysa, haddii uu gubto ama debka ka baqana in uu gardaranyahay ayaa meeshaas ka caddaanaysa qaantii loo haystayna waa korkiisa.

 

Labadaas siyaabood ayaa wayihii hore la isu dhaarin jiray, sida aan odayaasha ka maqalnay, sheekooyinka iyo kutiri kuteenta soomaaliduna tusayso, taasi waa haddii dhaarta arrin wayni ku xirantahay oo ay garsoor ku lug leedahay, sida xoolo la xaday iyo dhiig la galay iwm, dhaarta jaadkaas ah ee dabka la isku dhaarin jiray, oo aan run ahaantii la garanayn goortii ay soomaalidu adeegsigeeda iska daysay iyo goortii ay billawday intaba ee waxa la ogyahay ay uun yihiin in dhaqanka iyo hiddaha sheekooyinka ku lug leh lagu soo sheegay in ay jirijireen dhaaro jaadkaas ah.

 

Waxaanse u malaynayaa in dhaaraha jaadkaas ah ee dabka la isku dhaarinjiray la adeegsanjiray intii u dhaxaysay qarnigii sagaalaad iyo qarnigii lix iyo tobnaad billawgiisii ciise dabadii, maxaa wacay, waxaan ku aragnay kutubta taariikhda qaarkeed, siiba kitaabkii uu qoray caalimkii shiinaha ahaa ee la dhihi jiray Tuan Ch'eng-shih ee geeryooday taariikhdu kolkay ahayd (863kii ciise ka dib), ee cinwaankiisu ahaa "yu-yang-tsa-tsu" waxaan ku aragnay in dadkii magaalada berbera degganaa waagaas ay ahaayeen kuwo haddii ay doonaan in ay ganac galaan kolka hore yar iyo wayn raggoodu uu dhiig iska daadsho dabadeedna ku dhaarta "naclad".

 

Waxayna u muuqataa in uu qoraagu uga jeedo in ay dadkaasi caado ka dhigteen in haddii ay doonaan in ay dhaartaan ay kolka hore meel jirkooda ka mudaan oo dhiig ka keenaan dabadeedna ay ku dhaartaan in "nacalad" oo ah "xumaan" ay ku dhacdo qofkii wax khayaama, waxaa kale oo laga garanayaa qoraaga hadalkiisa in dadkaasi ay soomaalida hadda jirta abkoodii ahaayeen.

 

Maxaa wacay wuxuu ku tilmaamay in ay cunaan cad iyo caano xoolo dhaqatana yihiin haragga xoolahana guntadaan, astaamahaas dhammaantoodna waa astaamo soomaalidii hore iyo midda maanta joogtaba lagu yaqaan, haddii ay kolka taasi rumowdo waxaa halkaa ka cad in taariikhda dhaarta soomaaliyeed ay soo martay heerar kala duwan, oo ay soomaalidu wixii qarnigii sagaalaad ciise ka dib ku sinnaa ama ka horreeyay inta la ogyahay ay ku dhaaranjireen dhiig la daadsho iyo in lagu rido qofka wax dhagra ama xumaan gaysta in "wax xumi ku degaan".

 

Taas waxay u dhawdahay sida aan maanta u dhahno "nacaladi ha ku dhacdo", taas ka dibna ay barteen in dab lagu dhaarto, waxaana loo malaynayaa in ku dhaarashada dabku joogsatay qarnigii lix iyo tobnaad agihiisii maxaa wacay diinta islaamka ayaa waayahaas si wanaagsan dalka soomaaliya ugu fidday waxaana hubaal ah in ay la dagaallantay wixii arrimo diimeed ahaa ee ayada ka horreeyay.

 

Waxaase in loo fiirsado mudan in ay jirtay waayo dambe "dhaar" isku dhaf ah oo ka kooban jaadkii hore ee dab ku dhaarashada ahayd iyo cibaadooyin kale oo islaamku leeyahay, gaar ahaan reer miyiga soomaalida dhexdooda.

 

Waxaan meelaha qaar kood ka helnay sheekooyin caddaynaya in dadka qaarkood siiba kuwa ku nool goballada dhexe ay waayo dambe oo lagu qiyaasay qarnigii siddeed iyo tobnaad ciise dabadii ku dhaaran jireen dabka ayaga oo isla markaana ka codsanaya qofka dhaaranaya in uu soo waysaysto ama soo qabaysto inta uusan dabka ku dhaaran eebbana waydiisto in uu dabkaa ka magan gelsho asiga oo isla markaana caddaynaya in uu beri ka yahay waxyaabaha lagu eedaynayo.

 

Sheeko ay sheegeen odayaashii noolaa saddexdii ab ee la soo dhaafay, abkana waxaan uga jeednaa awowgaa aabbihiis ama odaygii saddexaad kolka laga billaabo aabbaha adiga ku dhalay, waxay sheegayaan sheekooyinkaasi in nin waa lagu soo eedeeyay in uu cunto nin kale ka xaday waxaana ninkii lagu xukumay in uu ku dhaarto masaar dab loo saarayo oo kolka ay kululaato gacmaha uu ku qaadayo oo uu sagaal tillaabo la soconayo, kolkaas baa ninkii sidaa lagu xukumay oo asigu isu haystay in uu yahay nin gardarro iyo nabyo loola yimid ogolaaday in uu dabka ku dhaarto.

 

Waxaa laga soo sheegay in uu yiri: kolkii ay dooneen in ay birtii holcaysay gacamaha ii saaraan ayaan waxaan iri;"dab allow ha i gubin, in aan ninkaas wixiis qaato daaye in aanan waligay wax dad leeyahay xado aanay maskaxdayda soo gelin ha igu gubin".

 

Kolka halkaa waxaa kaaga cad in haddii aan sheekooyinka jaadkan ah qorshaha ku daranno ay halkaa kaaga caddaanayso in uu jiray waa ay soomaalidu ku dhaaran jirtay dhaar isku dar ah oo ka kooban dabkii ay waayihii hore ku dhaaran jireen iyo unugyo kale oo laga soo qaatay ama laga bartay diinta islaamka kadib markii ay dalka ku fidday.

 

Waxyaabahaa aan soo sheegnay iyo qaar kale oo aanan halkan lagu soo koobi karin ayaa waxay inagu jiideen in aan dhahno taariikhda dhaarta soomaalidu waxay soomartay heerer kala duwan laga soo billaabo qarnigii sagaalaad ciise dabadii laguna yimaado maanta heerarka ay soomartayna waxay kala ahaayeen in dhiig daadintiis iyo nacalad la isku tuuro lagu dhaaran jiray markii hore, dabadeedna dab in lagu dhaarto la bartay, ka dibna dhaarta awoowayaasha lagu dhaaranayo la bartay, kadibna diinta islaamku keentay dhaarta hadda la yaqaan ee ah in eebbe samada jira lagu dhaarto.

 

Kolka, haddii dhaartu waxyaalo yaryar ku xirantahay ama aysan garsoor ku luglahayn ee qofku doonayo in uu hadalkiisa si loo runsado awadeed u dhaarto, badanaa sida aan kuu sheegay xoolaha iyo carruurta ayaa lagu dhaartaa, siiba geela iyo wiilasha, erayada ay ku dhaartaan waxaa ka mid ah, "waq aan wiil iyo geella'an noqdaa in aanan been sheegayn" ama "wiil iyo geel la'aan allaha i dhigo" sidoo kale "ebbow intaan jecelahay iga qaad haddaan been sheego" ama "waqaan duulo in aanan been sheegayn".

 

Naaguhu badanaa wiilashooda iyo nimankooda bay ku dhaartaan, sida "waq aan hebel waayo in aanan been sheegayn" ninkeeda ayay uga jeeddaa, ama "waqaan wiil iyo wehel la'aan noqdaa in aanan been sheegayn" wehel la'aan, nin la'aan bay uga jeedaan. waxaa jira jaadad kale oo badan oo dhaarta yaryar oo maalin kasta loogu dhaarto, sida "waq aan dhintaa" ama "waq aan go'aa in aan sidaa iyo sidaa yeelin" ama "kaas eebbe ha igu dilo".

 

Haddii uu qofku cunto iwm, markaas gacanta ku hayo waxyaalahaas iyo waxyaalo kale oo badan ayaa lagu dhaartaa inta badan, dhaarta jaadkan ah, badankeedu waa tii waayihii hore la adeegsanjiray ama ayadii oo xoogoo la leexshay oo waxyaalo laga beddelay.

 

Waayihii dambe ee aad loo ilbaxay ee diinta iyo kitaabka iwm, la bartay ayaa waxaa la bartay dhaar jaadad kale ah oo ay ka mid tahay in kitaab la soo qaado oo sacabka la saaro, ayada oo isla markaas la sheegayo erayo lagu adkaynayo dhaarta sida "waa igu wallaahi in aanan sidaa iyo sidaa yeelin iwm" soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa "tolkaa dhiig waa loo soo hooyaa, dhaarse looma soo hooyo" maxaa wacay waxay rumaysanyihiin in dhaartu tolka gubayso oo bi'inayso, dhaartu waxaa kale ee ay noqon kartaa falka uu qofka dhaaranayaahi ku kacayo laftiisa. wadarteeduna waa dhaaro ama dhaaroh, dhaaryaal ama dhaaryowna lama yiraahdo.

 

 

 

QAYBTA 4AAD:

___________________ DIINTA ISLAAMKA _______________

CASHARKA 5AAD

BARASHADA UJEEDDADA ASHAHAATINKA

 

Waxaa Qoray: Sheekh Maxamad bin Cabdil Wahhaab

Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre.

 

Waxaa Eebbe kor ahaayee uu yiri:

[Dheh tan waa waddadayda (xaqa ah) waxaanna ugu yeeri (dadka) xagga Eebbe anoo ku sugan xujo cad aniga iyo inta i raacda, waxaanna nasahay Eebbe, Kamidna ma ahi mushrikiinta] Yuusuf 108.

 

Ibnu Cabbaasna, asiga iyo aabbihii Allaha ka raalli noqdee, waxaa laga weriyay "In Nabigu Naxariisi korkiisa ha ahaatee kolkii uu Mucaad Yaman u diray ku yiri: waxaad u tegi doontaa dad Kitaablay ah, ee waxa ugu horreeya ee aad ugu yeerto Ashahaatinka ha ahaadeen - riwaayad kalena waxay intaa ku dartay (intii ay Eebbe ka rumeeyaan) - haaddii ay taas kaa oggolaadaan, waxaad kolkaa bartaa in Ilaahey maalin kasta iyo habeenkeeda shan salaadood ku waajibshay, haddii ay taasna kaa yeelaan, waxaad hadana bartaa in Ilaah ku waajibshay deeq kuwooda hodonka ah laga qaadayo oo saboolkooda la siinayo, haddii ay taana kaa oggolaadaan baarqabka xoolohooda ha u dhawaan, ninka laga gardaranyahay inkaartiisana iska ilaali, maxaa wacay habaarkiisa iyo Eebbe wax uma dhexeeyaan"{Bukhaari iyo Muslim}.

 

Waxaa kale oo Sahal bin Sacad, Eebbe ha ka raalli noqdee, laga soo weriyay in Nabigu, Naxariisi korkiisa ha ahaatee, uu maalintii Khaybar yiri:"Calanka abbaanduulka berri waxaan siinayaa nin Ilaah iyo Nabigiisu jecelyihiin, gacantiisa ayaana Eebbe guusha inagu siindoonaa, kolkaas baa dadkii habeenkaa nagaadeen ayaga oo hadalhaya ninkoodii berrito calanka abbaanduulka la siindoono, kolkii waagu beryay Nabigii Ilaahey Naxariisi korkiisa ha ahaatee bay xaggiisa u kallaheen, ayadoo mid kasta oo ka mid ahi hunguriyaynayo in asiga abbaanduulnimada la siiyo.

 

Kolkaas baa Nabigu yiri: Cali Ibn Abii Daalib meeday? Markaas baa lagu yiri: Indhaha ayaa xanuunaya, oo daaf baa haya, markaas baa Cali fartiin loo diray oo waa la keenay, kolkaas baa Nabigu indhihiisa ku tufay una Eebbe tuugay, markaas baa Cali bogsooday ayada oo la moodo in aanan waligii indhuhu xanuunin, markaas baa Nabigu Calankii abbaanduulka Cali siiyay oo ku yiri: Aalyar isaga soco intii aad gooftooda ka gaarto, markaa ka dib, in ay Islaamka soo galaan ugu yeer, una sheeg xuquuqda Ilaah ku leeyahay haddii ay Islaamaan. Ilaah baan ku dhaartaye, in Ilaah hal nin oo kali ah gacantaada ku soo hanuunsho ayaa geela gudguduudan kaaga wanaagsan".

 

 

MAS'ALOOYINKA CASHARKA

Tan 1aad: In ay Eebbe rumayntiisa oo dadka loogu yeero, ay tahay waddadii intii Nabigii Eebbe rumaysay.

 

Tan 2aad: In fiiro loo lahaado laabsamida, maxaa yeelay dad badan ayaa jira oo meeshii laga rabay in ay dadka xaqa ugu yeeraan, in ayaga laftooda la soo raaco dadka ugu yeeraya.

 

Tan 3aad: In ay waajib tahay in dadka waddada toosan la tuso.

Tan 4aad: In towxiidka wanaaggiisa lagu ogaanayo, in uu wixii xun oo dhan Eebbe ka dhowrayo.

 

Tan 5aad: In shirkiga xumaantiisa lagu ogaanayo in uu Eebbe caydiisa yahay.

Tan 6aad: Oo ah tan arrimahaa oo dhan ugu mudan, waa in qofka Muslinka ah laga fogaynayo mushrikiinta uusanna ka mid noqonayn.

 

Tan 7aad: Waa in tawxiidku yahay waajibka ugu horreeya.

Tan 8aad: In wax walba tawxiidka laga hormarinayo salaaddaba allaha ka dhigee.

 

Tan 9aad: In weerta xaddiiska lagu sheegay ee ah "In ay Ilaah rumeeyaan" ay ujeeddadeedu tahay ashahaatinka.

Tan 10aad: Waa in ay dhici karto in qofku kitaabley ahaado asiga oo aan ashahaatinka aqoon, ama yaqaan, hase ahaatee, aan ku camalfalayn.

 

Tan 11aad: Waa isku baraarujinta in dadka si aalyar ah wax loo baro, (oo markiiba wax yar oo ay baran karaan loo sheego).

 

Tan 12aad: Waa in (kolka howl la qabanayo) waxyaabuhu sida ay mudnaanta u kala leeyihiin loo kala hormarsho.

Tan 13aad: Waa in (xaddiiska laga baranayo) sida sekada loo bixinayo.

 

Tan 14aad: Waa in qofka aqoonta leh looga baahanyahay in uu ka jaahil baxsho qofka waxbaranaya wixii ka dahsooma.

 

Tan 15aad: Waa in aan la ogolayn in neefka baarqabka ah lala baxo (kolka sekada la qaadayo).

Tan 16aad: In ninka laga gardaranyahay habaarkiisa laga dhowrsado.

Tan 17aad: In naloo sheegay in habaarka qofka laga gardaranyahy aan la horjoogsan (oo Eebbe aqbalayo).

Tan 18aad: Waa in waxyaabaha tawxiidka qaaya waynidiisa caddaynaya ay ka mid yihiin waxyaabihii ku dhacay Nabigeennii nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee iyo awyaalkii hore ee dhibaato iyo gaajo iyo cudur ay ka mid ahaayeen.

 

Tan 19aad: Waa hadalka uu Nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee yiri ee ah "in uu siin doono calanka abbaanduulka nin gacantiisa lagu guulaysan doono" in uu yahay bishaarooyinkii nabinimada mid ka mid ah.

 

Tan 20aad: Tufidda uu (Nabigu) Cali indhihiisa ku tufay ayaduna bishaarooyinkii Nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee ayay ka mid tahay.

Tan 21aad: Waa fadliga uu Cali leeyahay.

 

Tan 22aad: Waa fadliga asaxaabta nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee kaas oo ka muuqday sidii ay habeen kaas uga sheekaysteen oo ay ugu howlanaayeen bishaarada Nabigu ugu bishaareeyay ee ahayd in ay nacabkooda ka guulaysan doonaan.

 

Tan 23aad: Waa in wixii Eebbe kuu qoray lagu kalsoonaado, maxaawacay, Cali oo aan war u hayn ayaa abbaanduule laga dhigay raggii habeenkaas oo dhan ku howlanaana looma qorin oo ma helin.

 

Tan 24aad: Waxaa hadalkii Nabigu Cali ku yiri ee ahaa "aalyar u soco inta aad gooftooda ka gaarto" laga baranayaa edebta iyo anshaxa loo baahanyahay markasta.

Tan 25aad: Waa in marka hore loo baahanyahay in dadka loogu yeero Islaamnimada inta aan dagaal lagu qaadin.

 

Tan 26aad: Waa in ay bannaantahay in lala dagaallamo ciddii Islaamnimada loogu yeero ee diidda.

Tan 27aad: In loo baahanyahay in si xigmad leh dadka loogu yeero (diinta).

 

Tan 28aad: In ay lagama maarmaantahay in la barto waxyaabaha marka la Islaamo xaqa laguugu yeelanayo (ee kugu waajibka ah sida salaadda sekada iwm).

Tan 29aad: Waa ajirka uu leeyahay qofkii gacantiisa hal nin ku soo Islaamo.

 

Tan 30aad: In la dhaaran karo marka arrin diinta ku saabsan qof laga dhaadhicinayo.

 

F.G:

* Dhammaan aayadaha quraanka ah tarjamadooda afsoomaaliga ah waxaan ka soo qaadannay kitaabkii (Quraanka kariimka iyo tarjamada macnihiisa ee afka soomaaliga) ee uu qoray Maxamad maxamud cabdi, waxna kama aanan beddelin tarjamada meelo yaryar oo qaldan baan saxnay meelo uu wadaadku ka boodayna waan ku darnay.

QAYBTA 5AAD:

_________________ BOGGA DHALLINYARADA _____________

 

SHEEKADII KALIILA IYO DIMNA

Qaybtii:4aad

Waxaa qoray: Cabdullaahi ibn al-Muqafac

Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre

 

LIBAAXII IYO DIBIGII...

 

Dimna xaggii dibiga buu qabtay, wuxuuna, asiga oo aan danayn kana baqin, ku yiri; libaaxa ayaa iisoo kaa diray si aan kuugu geeyo, wuxuuna i faray in haddii aad si degdeg ah u tagto adiga oo baarri ah, in aan kaa megengelsho, wixii hore gaf iyo dibudhac ahaa, oo uu sidaa kugu daayo, haddii aad dib u dhacdo oo aad dhega adaygtana in aan degdeg u noqdo oo aan u sheego.

 

Shitriba: libaaxa iisoo kaa diray waa kuma?, xaggeese joogaa? muxuuse ku suganyahay?.

Dimna: waa boqorka dugaagga, meeshaa iyo meeshaa ayuuna joogaa, waxaana la jooga ciidan badan oo bahdiisa ah.

 

Markaas baa Shitriba libaaxii iyo dugaaggii ka baqay, wuxuuna yiri: haddii aad i nabadgeliso waan ku raacayaa. Markaas baa Dimna megengelyo uu ku kalsoonaado siiyay, dabadeedna way isa soo raaceen asiga iyo dibigii oo libaax u geleen, wuuna dhaqaaleeyay dibigii oo wuu soo dhaweeyay, markaas buu ku yiri; dalkan goormaad timid? maxaadse u timid?

 

Markaas buu arrintii uga sheekeeyay, libaaxii baa markaa ku yiri, ila jaal oo ila joog waan ku dhaqaalaynayaaye, dibigii baa markaa u eebbe tuugay oo libaaxii ammaanay, libaaxiina wuu soo dhaweeyay oo wuu dhaqaaleeyay oo jeclaaday oo qarsoodidiisii ku ergaday, oo arrimaha kala tashaday, waayuhuna riyaaqid mooyee wax kale uma kordhin, intii uu ka noqday wadayaashiis midka uu ugu jecelyahay.

 

Markii Dimna arkay in dibigii ka xigsaday libaaxii asiga iyo wadayaalkiis, oo uu arkay in uu noqday la taliyihiisa gaarka ah, oo uu la faqo oo la kaftamo ayuu xasday oo aad uga carooday, oo arrintaas uga sheegtay walaalkiis Kaliila, kuna yiri; walaal miyaadan la yaabin garaadyaridayda iyo waxa aan isku sameeyay, iyo sida aan danta libaaxa u fulshay taydiina u lunshay, intii aan libaaxii uga keenay dibi, kaas oo kaalintaydii qabsaday.

 

Kaliila: waxaa kugu dhacay wixii waa wadaad ku dhacay.

Dimna: oo sidee bay taasi ahayd?.

 

(Waa socotaa...)

 

 

 

 

QAYBTA 6AAD:

___________________ BOGGA DOODDA ________________

SIDAY KU DHAMAATAY QABYAALADDII CARBEED?

Waxaa qoray: Qasim Xirsi Faarax

(M.A. Qaanuunka iyo Shareecada)

International Islamic University (Malaysia)

 

Waxay Khaliijka Carbeed gudcur aan cawa weera lahayn ku dhex meeraysataba, waxay badawiyiintii carra qasaanba, waxay cidiba cid cuntaba, waxay dooxashadu daruuro lagu faano ahaataba, waxay dirirtu sii fogaataba, waxay dan yartu murugsanaataba, waxay da'yartu dacdarraysnaataba, Daa'in Eebbaa hogol u onkodiyoo dayax nuuraya oo diinta Islaamka ah u soo ban dhigay.

 

Isu daacadnimo, isu ducayn, is addeecid iyo is dagaal la'aan bayna dabadeed ku daa'imeen noloshoodii, tan iyo intay dib kaga soo noqotay qabyaaladdii iyo jaahiliyaddii, hase ahaatee biliglaynta nuurka yar ee ay diinta ka haystaan awgeed ayaad ku arakaysaa maanta dahabka iyo dheemanka ay la ciirayso carradoodu ee dunida oo dhan looga soo shaqa doonto.

 

Waxaana hubaal ah oo in badan la arkay in kol kaste oo uu ka nuxuuso iftiinkaasi ay gudcur habeenaad hor leh gelayaan, ka soo horjeed ahaan markii ay bidhaantaasi u sii bilig tiraahdaba ay sii dhadhaminayaan nimcooyin hor leh oo aysan horay u filanayn, kuna noqota waa beryow walalac.

 

Aan ku weydiiyee akhristow hadaad damacdo in aad beer ka falato dhul hawd iyo jiq ah ee ay baararka isla dhaafeen guud ahaanba noocyada dhirta dhaadheeri, hoosna ay kash kaash ahaan ugu bilkaxan yihiin kaxandhada iyo qodaxdu maxaad shaqo ka bilaabi lahayd?

 

Sow in aad horta dhulkaas oo dhan sifaysid oo aad ka dhigtid geed aad gubto iyo geed aad gooyso ma ahan? aadna weliba hadaad doonto aad reebatid qaarka aad uga faa'iidaysan kartid harka iwm?

 

Haddaba si geed qaadkaas lamid ah ayuu Eebe weyne hadduu rabo in uu ardi dadkiis baraare iyo wanaag u dhaliyo xaarinka ku haadiyaa oo buunshe bixiyaa marka hore, oo bal eeg inaguba hadduu geedka cinabku inoo bixi waayo waan goynaa oo halkiisii ku beernaa mid kale, ilaahna wuxuu yiri;

(Hadaad xaqqa ka jeedsataanse wuxuu Eebe idinku baddelayaa kuwa kale oon idin la mid noqon doonin) Muxammed:38.

 

Haddaba runtii qoladii Carbeed iyo quruumo kale oo fara badanba waxay noqdeen kuwo ay tani ku dhacdo, dhanka kale markaan ka eegnana waxay ahaayeen kuwa uu Ilaahay la doonay kheyr iyo barwaaqo suu wuxuu badbaadiyey jiilalkoodii dambe ee uu iyagii ku beddelay.

 

Sidaa darteed arrintu ma ahan in ay wanaagga dambe isla kuwani mar kale dhadhaminayaan ee waxay tahay in ubadkoodu u baxsanayaan miraha wanaagga oo ay noqonayaan kuwii lagu baddelay.

 

Xikmaduna waxay tahay si loo garto samaha waa in la bartaa xumaha, maxaa yeelay ka dib markay is jafayeen in ka badan kontomeeyo sano ee ay naf iyo dhaqaalaba ka quusteen ayna waayeen si Alle iyo si ay isaga xalliyaan dhibkaas, unbuu Ilaah soo dhex dhigay xalkii iyo dawadoodii markaas ayey iyaga oo u hilowsan u gacmo hoorsadeen illeen waa dad dhib taabtaye, waana middaas midda maanta ina tusi karta in ay dadka soomaaliyeed yihiin kuwa Ilaahay la doonay kheyr iyo barwaaqo ayna u curatay daruur caafimaad oo ay ku darari doonaan, waase hadday gartaan oo maalaan.

 

Calaamadaha ama astaamaha aad ku garan kartidna waxaa ka mid ah sida uu Ilaah dadkii ugu kala shaandheeyey dagaalladan, tiiyoo uu qof walba la soo baxay wixii qalbiga uga jiray haday shar ahaayeen iyo haday kheyr ahaayeenba, si taa la mid ah waxaad arkaysaa in kuwa fidna wadayaasha ah ee hogaamiya dilka iyo bililiqada ay tarab tarab ugu le'anayaan si silic iyo saxariir ah, halka ay qaar ka mid ihina ka soo hanuunayaan oo danohooda dib ka soo garanayaan,.

 

Haddaan u soo noqono ujeedada qoraalkeena ma is weydiin karnaa sideebuu u beddelay Islaamku dadkii ku noolaa xayaatada yeynimada iyo uubatonimada ahayd ? runtii waxay ku dambeeyeen kuwa kulligood isugu yeera; (walaalle) iwm, taas oo gaarsiisay in ay inta laba laba u walaaloobaan wadaagaan wax kaste, waxay kala goosan jireen cad rooti ah, koobka biyaha ahna wey isla kabbanayeen, iyada oo laga yaabo in ayba labadaa walaaloobaysaa ka kala yimaadeen laba qabiil oo weligood is rifi jiray, bal aan iminka tusaale u soo qadano saddex nin oo walaalowday, kana kala yimid saddex dal oo kala fog-fog haddii laga eego dhan walba xag; masaafo, dhaqan, dhaqaale iwm; waxayna kala ahaayeen;

 

Salmaan oo reer Faaris ahaa, Bilaal oo Xabashi ahaa, iyo Suheyb oo reer Ruum ahaa, saddexdaas nini waxay u walaaloobeen sidii in ay isku aabbe iyo isku hooyo yihiin, sidoo kale Muhaajiriin iyo Ansaar oo dhan labo labo ayey u walaaloobeen oo nin kaste oo Ansaar ihi wuxuu kala baray xoolihiisii iyo hantidiisii oo dhan haduu laba xaas lahaana mid furay oo isla markiiba ku wada wareejiyey Muhaajirkii la walaaloobay.

(Way Socotaa..)

 

 

 

QAYBTA 7AAD:

__________________ BOGGA ISBARASHADA ______________

 

Taariikhda Noloshayda

Waxaa qoray:

Fowzi Herzi (Viaconi)

Accugraph Corp. Canada.

 

Magacayga waxaa la yiraahdaa Fowzi Mohamed Herzi (Ina Herzi Viaconi),

Waxaan ku dhashay Magaalada Mogadishu, Xaafadda waaberi 30.12.1969.

 

Waqtigayga badankiisa halkaa ayaan ku soo qaatay, tacliintayda hoosana halkaa ayaan ku soo dhamaystay. 1985kii ayaan ka soo qalin jebshay Dugsiga Sare ee 21ka Oktobar.

 

Intaa ka dib waxaan ka qayb qaatay laba sano oo tababar ciidan ah, kadibna waxaan galay Jaamicadda Umadda Soomaaliyeed, Kulliyadda Luqadaha, halkaas oo aan ka bartay afafka Talyaaniga iyo Faransiiska, Waxaan halkaa ka qaatay shahaadadaydii Jaamicadeed ee koobaad sannadkii 1990kii laba bilood ka hor intii aan dagaalkii sokeeye billaaban, kadibna waxaan u qaxay xagga iyo keenya halkaas oo aan joogay in labaatan casho ku dhaw magaalada Nairobi, kadibna waxaan u gudbay dalkaasi Switzerland bishii June 1990kii, halkaas oo aan ka galay koleejo aan ka bartay xisaabaadka taas oo aan ka soo qalin jebshay 1992kii.

 

Intaa ka dib Canada ayaan imid bishii Oktobar 1992kii, hal sano kadibna jaamicadda la yiraahdo York University ayaan galay, halkaas oo aan ka dhigtay Computer Science iyo Mathematics afar sano ka dib ayaan ka soo qalin jebshay jaamicaddaas goor ku beegan bishii April ee sanadkan 1998ka. Kolka Tacliintaydu waxay u socotay sidan:

1. B.A Luqadaha ah, oo aan ka qaatay Jaamicadda Umadda somaliyeed (1986-1990kii)

2. Diploma Xisaabaadka ah oo aan ka qaatay Switzerland (1991-July 1992kii).

3. B.A in BASC Computer Science oo aan ka qaatay York University, Canada (1993-April 1998kii).

Hadda waxaan ka shaqeeyaa sharikad la yiraahdo "Accugraph Corp".

 

 

QAYBTA 8AAD:

_____________________ IIDHEH IYO OGAYSIIS____________

BISHAARO

Waxaan dhammaan dhallinyarada ku jirta liiska wargayska ugu bishaaraynaynaa in aan ku soo darnay bogagga wargayska bog cusub oo aan ugu tala galnay in ay ku soo qoraan dhallinyarada aqrisata wargayskan taariikhda noloshooda, ayada oo taa looga dan leeyahay ISBARASHO,Haddaba dhallinyaradu ha ku soo dhawaadeen boggan cusub.

 

*******

 

Dhammaan dhallinyarada soomaaliyeed meel ay joogaanba waxaan ogaysiinaynaa in wargayska Codka Soomaalida Cusubi ku soo dhawaynayo gacmo iyo laab furan wixii talo ah ama qoraal ah ee ay doonayaan in ay ku fidshaan wargayskan, ha usoo direen:

(hersi@brunet.bn)

 

******

Wargayskan bilaash (Free) baa lagu qaybshaa, cid aan soo codsanna looma diro. Hadaba, qofkii doonaya in aan loo soo dirin, ha u soo qoro email (hersi@brunet.bn) asiga oo leh (ha ii soo dirin

wargayska codka somalida cusub).

* * * * *

Dhibaatooyin nagala soo gudboonaaday xagga is gaarsiinta

awgood ayaa waxaa inoo suurta geli waysay in aan wargayska

ku soo darno boggii wararka soomaalida toddobaadkan iyo

kii ina dhaafay, hadaba aqristayaasha qaayaha leh

sidaa ha la socdeen hana inaga raalli ahaadeen.

 

______________________________________________

"DAMMAAN MAQAALADAHA WARGAYSKAN KU SOO BAXA WAXAY

U TAAGANYIHIIN ARAGTIDA QORAAGA EE UMA TAAGNA

UJEEDDADA WARGAYSKA"

_________________D H A M A A D_________________