Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!


CODKA SOOMAALIDA CUSUB
A Weekly Somali Electronic Journal
Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah
Wuxuu ku soo baxaa afka Soomaaliga Maalin kasta oo Axad ah

Home Page URL: http://www.angelfire.com/mo/codkasomalidacusub/cschpage.html

Taariikh: 28 - 04.10.1998

BOGGA 1AAD

Ararta Wargayska


Hersi M. Labagarre

Dimuquraadiyada Reer galbeedku Midabtakoorka ma dayndoontaa?

Maalmahan dambe waxaa Jarmalka ka dhacayay doorashooyin ay ku tartamayaan xisbiga dimuquraadiga ah iyo xisbigii hore ee dalka xukumi jiray, waxaana doorashooyinkaa ku guulaystay xisbiga dimuquraadiga ah, hadaba arrintaas maxay midabtakoorka ka beddeli doontaa?

Dimuquraadiyadda Reer galbeedka
Mar hadda laga joogo toban sano ku dhawaad ayaan waxaan maqaal ka qoray ujeeddada dimuquraadiyadda reergalbeedka iyo waxa looga danleeyahay, maalintaa waxaan ahaa arday jaamicad dhigta, maanta oo waaya aragnimo iyo garaad intaba kororsaday, waxaad mooddaa in aan wali haysto isla figraddii aan waagaa ka haystay dimuquraadiyada reergalbeedka. Sida ii muuqatay waagii aan maqaalkaa qoray, waxay ahayd in dimuquraadiyada reergalbeedku tahay mid loogu tala galay in lagu difaaco xurriyadda bulshada reergalbeedka, dunida inteeda kalena aanay wax shaqa ah ku lahayn mabda'aas.

Xoogga Cusub ee Dimuquraadiyada Reergalbeedka
Doorashooyinkii ka dhacay dalkaasi jarmalka toddobaadkii la soo dhaafay ee uu ku guulaystay xisbiga dimuquraadiga ah ee uu hoggaansho ninka la yiraahdo Gerhard Schroeder, arrintani waxay astaan wayn u tahay guusha la yaabka leh ee xisbiyada dimuquraadiga ee reergalbeedku gaareen, waddamada Reer Yurub laba dowlo mooyee inta kale xisbiyada dimuquraadigu ama ayaga ayaa u talsha ama xukunka kaalin fiican bay kaga jiraan.

Labada Dowlo ee aan wali xisbiyada dimuquraadiga ahi xukunka wax ka hayn waa Spain iyo Ireland, wadamada kala ah Ingiriiska, Giriigga Burtuqiiska xisbiyada dimuquraadiga ah ayaa majaraha u haya, inta kalena waxay xukunka kula shirko yihiin xisbiyo kale.

Dimuquraadiyada Maraykanka iyo Midda Reer Yurub
Waxaa muuqata in dimuquraadiyada Reer Yurub tahay mid ka tisqaadday dimuquraaddiyada Maraykanka, Xisbiga dimuquraadiga ah kolkii uu ku guulaystay qabashada hoggaanka Amerika muddo hadda lixsano laga joogo, waxaa waddamada reer Yurub soo gaaray gufaacadii siyaasadda Ameerika.

Waxaa taasi keeentay in ay dhacdo Ra'iisal wasaarihii hore ee Ingiriiska, waxaana maamulkii la wereegay xisbiga cumaalka ee hadda maamulka haya, ninka hoggaansha xisbigaas Tony Blair, markii uu doorashooyinka soo gelayay wuxuu raacay habkii uu raacay Clinton, qaabka uu doorashada u abaabulay, qaabka qudbadda uu u jeedsho, xataa hadalka qaarkii Tony wuxuu ku daydaa Clinton.

Sekreteerka cusub ee Jarmalka ayaa asiguna wuxuu raacay habkii madaxwayne Clinton, wali lama oga maamulkiisu wuxuu noqon doono, laakiin abaabulka doorashadiisu wuxuu u ekaa qaabkii madaxwayne Clinton, taasi waxay noo caddaynaysaa in dimuquraadiyada reergalbeedka ee maanta la wereegtay badanka taliska dowladaha reer Yurub ay ka tisqaadday dimuquraaddiyadda Ameerika.

Haddaba maxaa arrintaa laga dhugsan karaa, sida aannu ognahay waddamada reer Yurub waxaa ilaa iyo maanta maskaxda ka haysta midabtakoor xun oo ay ka xuroobi waayeen, inkasta oo ay kala daranyihiin, oo qaarkood diintakoorku ku badanyahay qaarna midabtakoorku ku badanyahay, tusaale ahaan waddamada midabtakoorku ku badanyahay waxaa ka mid ah Finland, Danmark, waddamada diin takoorku ku badanyahayna waxaa ka mid ah Ingiriiska iyo Maraykanka, waddamada diintakoorka iyo midabtakoorka intuba ku badanyihiin waxaa ka mid ah Jarmalka.

Dhowr bilood ka hor waxaan maqalnay in gabar macallimad ahayd oo joogtay dalkaasi Jarmalka loo diiday shaqo, maxaa wacay waxay xirneed xijaabka muslimka, sidoo kale, toddobaadkan waxaa wararku sheegeen in ay ka socoto dalkaas Maraykanka Dacwad lagu soo oogay sharikado shaqo u diiday naago xiran xijaabka muslimiinta.

Xisbiyada Muxaafidka ah ee reergalbeedka
Xisbiyada muxaafidka ah ee waddamada reergalbeedku in kasta oo aysan maamulka dhammaantiis gacanta ku hayn maanta, taas macnaheedu ma aha in aanay xukunka ku jirin.

Dalkaasi maraykanka xisbiga jumhuuriga ah ayaa aqalka odayaasha ku badan, kolkii madaxwayne Clinton isku deyay in uu caawiyo yaryarowga Ameerika sida Madowga iyo qaarka kale, iskana dhega tiray uxaglintii maamulka Yahuudda ee Qudus ka jira, ayaa taasi waxay ka caraysiisay xisbiga jamhuuriga ah, waxayna maalmahan oo dhan isku deyayeen in ay ridaan madaxwayne Clinton iyo xisbigiisa ayaga oo ku dhaleecaynaya akhlaaqxumo iyo ammaana la'aan.

Arrintaasi waxay billaw u tahay xoog soo kacaya oo ay hoggaaminayaan xisbiyada muxaafidka ah ee reergalbeedku, laguna doonayo in lagu soo ceshado mudnaantii ninka caddaanka ahi lahaa, haddii uu xisbiga dimuquraadiga ah ee Maraykanku dhaco waxaa hubaal ah in dimuquraadiyada reer Yurub qayoosan doonto, laakinn sida muuqata maalmahan taasi way fogtahay laba arrimood dartood: 1.Midda koobaad waa dhaqaalaha xoogaystay ee reergalbeedka iyo dunida inteedii kale oo sii faqrinaysa, taasi waxay keenaysaa in caddaanka reergalbeedku aanay dareemin qatar wayn oo maalmahan ku soo fool leh, waxayna taasi dhiirri gelinaysaa in ay is furfuraan oo aysan waxba taageerin xisbiyada muxaafidka ah iyo kuwa dhacma ku dhegga ah.

2.Tan labaad waa xaaladda nabadeed ee dunida ka jirta waqtiga la joogo, xaaladdaas waxay keentay in reergalbeedku dareemaan xoog badni ay dunida inteeda kale ka murqa kuusanyihiin, waxayna taasi ku dhiiri gelinaysaa bulsha waynta reergalbeedka in aanay tafaxaydasho iyo isxambaboor ku ordin ee ay is dhigtaan.

Labadaa qodob ayaa waxay xoojinaysaa xaaladda dimuquraadi ee ka taagan dalalka reergalbeedka, isla markaana waxay dhimaysaa awoodda ay xisbiyada muxaafidka ahi ku leeyihiin hoggaanka waddamadaas.

Midab Takoorkii iyo Diin Takoorkii ma is dhimeen?
Waa ay jirtaa in xisbiyada dimuquraadiga ahi xoogoo yareeyeen, xanaftii takooridda, mid diimeed ha ahaato ama mid midabe, laakiin taas ujeeddadeedu ma aha in xisbiyadaasi dunida oo dhan ugu bishaaraynayaan xurnimo iyo sinnaan sida magacyadooda ka muuqata.

Xisbiyadaasi waxay had iyo jeer ku xiranyihiin xisbiyada kale ee muxaafidka ah, xuriyada iyo xuquuqda aadanaha ay sheegayaan iyo cusboonaysiinta ay ku baaqayaan, waa mid ayada lafteedu ku dhisan midab takoor. Marka ilaalinta xuquuqda aadanaha reergalbeedka iyo ku xadgudubka ama is illawsiinta xuquuqda aadanaha intiisa kale waa midab takoor cusub oo ay hoggaaminayaan xisbiyada dimuquraadiga ah ee reer galbeedku.

Arrinta diin takoorku ayadu way iska caddahay, waddamada reer Yurub maalmihii ay wadeen ololaha lagu midaynayo qaaradda Yurub waxay tirakoob ka soo qaadeen dadka Muslimka ah ee ku nool qaaradda Yurub, waxayna dadkaasi noqdeen ilaa 20 milyan, waxaana lays waydiiyay, dadkaas sida la yeeli doono, gaar ahaan kuwa isla deggan ee ah bulsho ama dowlad meel wada deggan sida Muslimiinta Bosnia, waxaana lagu tashaday in labaatankaa milyan ee muslimka ah ee qaaradda Yurub ee midoobaysa ku nool aan marnaba loo ogolaan in laba isla degto oo laga dhigo iirfia faniin si aanay wax xoog ah u yeelan.

Waxaa kolka halkaa ka cad in dimuquraadiyada la wereegtay taliskii waddamada reer galbeedka aanay wax wayn ka beddelayn qaabka fikirka aadanaha reer galbeedka, ee ku salaysan isla waynida iyo kaligii noolaanshaha.

BOGGA 2AAD

WARARKA SOOMAALIDA


Jabhadaha Soomaalida qaar ka mid ah
oo hendeday dibolomasiyiinta Liibiya iyo Masar
MOGADISHU, Sept 29 (Reuters), Lix jabhadaha soomaalida ka mid ah ayaa maalintii Talaadada waxay u sheegeen dibolomaasiyiinta Liibiya iyo Masar ee jooga Muqdishu in ay dalka 48 saac gudohood uga baxaan, ayaga oo dibolomaasiyiintaas ku eedeeyay in ay hubeynayaan qolyaha ay iska soo horjeedaan ee Cali Mahdi iyo Ina Caydiid.

War ay soo saareen jabhadahaasi, waxay sheegeen in aysan ka masuul noqondoonin natiijadii ka timaada haddii amarkoodaas la iska dhegatiro.

Ragga ka soo horjeeda maamulka cusub ee magaalada Muqdishu ee ay sameeyeen Cali Mahdi iyo Ina caydiid, waxaa ka mid ah Ina Xaaji Bood iyo Ismaan Caato iyo Muuse Suudi Yalaxow iyo qaar kale. Waxaa kale ee ay nimankaasu ku eedeeyeen Cali Mahdi iyo Ina Caydiid in ay weerarro ku soo qaadeen meelo Muqdishu ka mid ah iyo shan tuulo oo koofurka Muqdishu ku yaalla maalmihii la soo dhaafay.

Koox Ciyaartoy Soomaaliyeed ah oo la afduubay
Nairobi, Kenya (PANA), September 28, 1998, Lix ciyaartoy ah ayaa waxaa lagu afduubay magaalada Muqdisho, waxaana afduubay niman dablay ah, ayaga oo uga dhigaya ciqaab, kadib markii nimankaa ciyaartoyda ahi ka qaybgaleen ciyaar nabad lagu raadinayay, sida wararku sheegeen.

Waxaa la sheegay in Muuse Suudi Yalaxow oo u talsha dhegmada Madiina, halkaas oo ciyaartoyda lagu afduubay, ayaa wuxuu ku eedeeyay raggaas in ay yihiin khaa'inul waddan.

Wuxuu sheegay in uu nimankaa u ciqaabayo ka qaybgalka ay ka qaybqaateen tartanka koobka nabadda ee dhexmaray dhowr kooxood oo reer Muqdishu ah.

Tartankaas waxaa abaabulay Xuseen Caydiid, oo sida la ogsoonyahay, gacan saar la leh, Cali Mahdi oo ay colaadi ka dhexayso asiga iyo Muuse Suudi.

Hay'adaha u dooda xuquuqda aadanaha, xarunta Jumcaale ee xuquuqda aadanaha, ayaa waxay ku baaqeen in ciyaartoydaa la soo daayo, ayaga oo leh xiriddoodu waa mid aan sharci ahayn.

Jabhadaha Soomaalida oo dagaal ba'ani ku dhexmaray Muqdishu
MOGADISHU, Sept 27 (Reuters), qolyaha isaga soo horjeeda magaalada Muqdishu ayaa maalintii Axadda ee la soo dhaafay dagaalba'ani ku dhexmaray koofurka magaalada Muqdishu, kaas oo ugu yaraan lagu dilay laba qofood, sida goobjooggu sheegay.

Sida warku sheegay, dagaalkaasi wuxuu ka dhacay isgoyska K-7, halkaas oo ay isku dhaafsadeen qolyaha dagaallamayay, qoryaha baasuukaha, bambooyinka la tuuro iyo gantaalka lidka diyaaradaha, dagaalkaas wuxuu ka dhacay koofurta Muqdishu dhinaca uu haysto Ismaan Caato, waxaana dadka goobjooga ahi sheegeen in ugu yaraan lagu dilay ddagaalkaa laba nin oo hubaysan shan kalena lagu dhaawacay.

Waxaa goobjooggu sheegayaa, in dagaalkaasi dhacay, kadib markii kolonyo ah gawaari gaashaaman oo raacsanayd qolyaha qandaraaska ku qaatay gaynta gargaarka hay'adda cuntada u qaabilsan UN ka, kuwaas oo gargaar gaynayay Jubbada dhexe toddobaadkii la soo dhaafay, ay isku dayeen in ay soo maraan isgoyska K-7 ayaga oo dib ugu soo laabanayay caasimadda.

Jabhadda halkaa joogta waxay sheegtay in kolonyadaasi isku dayeen in ay xoog ku dhaafaan fatashka isgoyska, halkaas oo dagaalku ka billwday.

Waxaa kale oo la sheegayaa in jidka Muqdishu xagga koofureed uga baxa uu labadii toddobaad ee la soo dhaafay aad halis u noqday, kadib markii ay jabhaduhu toban ku kordhiyeen fatashyadii waddadaas ay ku dhigeen.

BOGGA 3AAD

BOGGA QUBANAHA

FAALLADA QUBANAHA
Siyaasaddii Malaysia maxaa u dambeeyay?

Faallada qubanaha waxaan aqristayaasha ugu dulmaraynaa waxa ku cusub siyaasadda Malaysia toddobaadkan.

Toddobaadkii la soo dhaafay ayaa la xiray Dato Sri Anwar Ibrahim oo ahaa Ra'isal wasaare ku xigeenkii hore iyo Wasiirkii dhaqaalaha ee Malaysia, taasina waxay ka dambaysay khilaaf dheer oo asiga iyo Ra'iisal wasaaraha Dr Mahathir ka dhexeeyay, kilaafkaas oo ku salaysnaa cusboonaysiinta siyaasadda dalka iyo dhaqaalihiisa.


Dato' Sri Anwar Ibrahim R/Wasaare ku xigeenkii hore ee Malaysia


Dato' Sri Anwar Ibrahim oo dhaawacu ishiisa bidix ka muuqdo


Masawirka bidixda sare: Gabdho shiinaha Malaysia ka mid ah oo aqrinaya jornal afkooda ku soo baxa oo ka hadlaya Dato Anwar dilkiisa, shiinaha Malaysia Anwar ma raabaan maxaa yeelay waa nin Islaamka xaggiisa u janjeera, masawirada intooda kalena waa bannaanbaxyadii lagu taageerayay Dato Anwar.

Bannaanbaxyadii lagu taageerayay Dato' Anwar
Toddobaadkan waxaad mooddaa in ay joogsadeen bannaanbaxyadii socday ee lagu taageerayay Dato' Anwar, waxaana ugu wacan joogsashada bannaanbaxyadaas, xukuumadda oo si xoogleh uga hortagtay dadkaa bannaanbaxaya iyo Ra'isalwasaaraha oo sheegay in Dato' Anwar maxkamad la soo saari doono.

Arbacadii la soo dhaafay ayaa Dato' Anwar la keenay maxkamadda, hase ahaatee Dato Anwar wuxuu garsoorayaasha u sheegay in booliisku si xun u dileen intii uu xabsiga ku jiray, wuxuuna codsaday in dhaqtar loo diro, arrintiisana maxkamadda sare loo gudbiyo.

Weriyayaasha iyo wargaysyada adduunku waxay soo saareen masawirkii Dato Anwar oo Ishiisa looga jeedo dhaawac madow oo dhiig ku xirmay, loona maleeyay in uu yahay nabar lagu dhuftay, taasina waxay keentay in hay'adaha xuquuqda aadanaha u dooda iyo dowladaha adduunka qaarkood eed u soo jeedshaan xukuumadda Dr Mahathir.

Booliiska Malaysia oo xaqeejinaya arrinta dilka Anwar
Xukuumadda Dr Mahathir eed badan ayaa uga timid dibadda iyo gudaha dalka intaba, kadib markii la maqlay in booliisku dibindaabyo gaarsiiyay Dato Anwar intii uu xabsiga ku jiray, safiirka Malaysia ee jooga Ameerika ayaa dowladda ameerika u yeertay oo u dhiibtay warqad eedsheegad ah oo ay dowladda ameerika ku caddaynayso in ay ka welwelsantahay arrinta dilka Dato Anwar.

Sidoo kale xoghayaha guud ee qarumaha midoobay Anan ayaa wuxuu Malaysia u sheegay in ay lagama maarmaan tahay in Dato Anwar loola dhaqmo si waafaqsan qaanuunka aanna ka baxsanayn xuquuqda aadanaha.

Waxaa sidoo kale eed u soo jeedshay xukuumadda Malaysia hay'adda amnisty ee u doodda xuquuqda aadanaha iyo dowlado badan oo reer Asia ah sida Singapor iyo Tailand iyo qaar kale.

Arrintaa waxay xukuumadda Dr Mahathir ku qasabtay in uu u saaro guddi booliis ah oo soo xaqeejiya arrinta dilka Dato Anwar.

Mahathir wuxuu yiri, waxaa laga yaabaa Anwar in uu asigu is dilay si uu taageero uga helo bulshada, wuxuuna ballan qaaday in uu xaqeejindoono arrintaas, taas oo dadka qaarkiis u arkaan in uu yahay ictiraaf xukuumaddu ay ku ictiraafayso dilka la gaarsiiyay Anwar.

Warar aan la hubin
Waxaa kale oo ay wararku sheegayaan, in sarkaal sare oo booliiska ka tirsanaan jiray is casilay, sarkaalkaas wuxuu sheegay in xisbiga xakuma dalka ee uu Dr. Mahathir madaxda u yahay, uu lacag badan oo laaluush ah siiyay booliiska si ay uga hortagaan mudaharaadyadii lagu taageerayay Anwar, sidoo kale waxaa la sheegay in booliisku kharibaad badan gaystay una saarsheen kharibaaddaas dadkii taageerayay Anwar si ay u xirxiraan.

Wararku waxay intaa ku dareen in uu is casilay Ractorkii Jaamicadda Islaamka ee Caalamiga ah lana xiray ninkii asiga ku xigay Dr Siddiiq Baaba, jaamicaddana laga yaabo in lagu wareejiyo wasaaradda waxbarashada.

Dhallinyaradii muslimka ahaa ee u badnaa soomaali iyo carab, bangaladheesh, hindi, afqan iyo qaar kale oo badan waxaa laga yaabaa in aan taga la dhihin laakiin wax ay ku tagaan la tusidoono.

Dr Mahathir ku xigeen ma magacaabi doonaa?!
Ra'iisalwasaaraha Malaysia Dr Mahathir oo ah 73 jir ayaa, kadib markii uu xiray kuxigeenkiisii, toddobaadkii hore sheegay in uusan u baahnayn in uu magacaabo ku xigeen, laakiin toddobaadkan ayuu qirtay in ay lagama maarmaantahay in la magacaabo nin kuxigeen ah oo haddii asiga wax ku dhacaan dalka hoggaankiisa qabta.

Dr Mahathir oo saddex iyo toddobaatan jir ah waxaa hadda ka hor laga qalay wadnaha kadib markii uu ku dhacay wadnejoogsi xoogleh, taasina waxay kordhinaysaa cabsida laga qabo caafimaad xumo ku timaada markii da'diisu sii waynaato.

Dr Mahathir wuxuu sheegay in uu u baahanyahay in uu arrinta magacaabidda kuxigeenka ra'iisalwasaaraha doonayo in uu kala tashado madaxda xisbigiisa si ay isula falaanqeeyaan.

Amiir Jafri al-Bulqiyah oo Brunei dib ugu soo laabtay


(Gulf Stream Jet) diyaaradda khaaska ah ee uu ku socdo Amir Xaaji Jefri

Amiirka dalka Brunei Amiir Xaaji Jefri al-Bulqiyah, oo ah walaalkii yaraa ee suldaanka dalka, Suldaan Xaaji Xasan al-Bulqiyah, ayaa dalka shalayto ku soo laabaty, Amiirka iyo xukuumadda khilaaf wayn baa maalmahan dambe dhexyiil, khilaafkaas oo ka dhashay sharikaddii uu amiirku madaxa ka ahaa ee qasaaraha wayni ku dhacay, sharikaddaas waxay ku howlanayd horumarinta dalka, laakiin waxaa dowladdu sheegaysaa in ay lacag badan oo balaayiin ah lunsatay.

Amiir Jefri wuu inkiray in intii uu maamulka sharikaddaas hayay ay xoolo badan lumeen oo dalka dibaddiisa lacag badan u baxday, wuxuuna ku eedeeyay wadaaddada iyo kuwa dhacma ku dhegga ah in ay boqorka ku direen oo ay xukunka cantoobo xoogleh ku hayaan.

Amiir Jafri iyo qaar kale sida wasiirkii hore ee wasaaradda caafimaadka, waxay hoggaaminayeen jabhadda jecel cusboonaysiinta iyo horumarinta dalka ayada oo la raacayo dariiqada reergalbeedka.

Kooxaha dhacmakudhegga ah iyo wadaaddadu arrintaas aad bay uga soo horjeesteen, waxayna ku guulaysteen in ay boqorka ka dhaadhacshaan in aan dalka loo cusboonaysiin habka ay doonayaan Amiir Jafri iyo kooxdiisu, sidaa darteed waxaa Amiir Jafri laga qaaday Wasaaradda maaliyadda, ka dibna waxaa lagu soo eedeeyay in uu lacag badan ka lunsaday sharikaddii Amido ee uu madaxda ka ahaa, taasina waxay keentay in uu dalka dibadda uga duulo, oo uu dhowr bilood ku maqnaa dibadda.

Nin ku hadlay Amiirka afkiisa wuxuu sheegay in Amiirku dalka ugu soo laabtay si uu u xayaayubsho xisaabkii sharikaddii kacday iyo wixii kale ee la xiriira, una nadiifsho magaciisa, maxaa yeelay waxaa laysla dhexmarayaa in Amiirku xoolo badan lunsaday oo uu dalka ka baxsaday.

Amiir Jafri intii uu maamulka dowladda wax ka weday wuxuu dhisay jardiinada caanka ah ee quruxda badan ee la yiraahdo "Jerudong Park" iyo waxyaabo kale oo aad dalka u horumarshay.

Amiirku wuxuu mar hore sheegay in wadaaddada iyo dowlado Islaam ah sida Liibiya iyo Iran ay Suldaanka maskaxda ka qabsadeen oo asalraac ka dhigeen, taasina ay keentay in howshii horumarinta ahayd ee uu dalka ka weday joogsatay.

Ithiopia oo Dunida ku guubaabisay in Eritrea la ciqaabo
Wasiirka arrimaha dibadda ee Ithiopia ayaa khudbad uu ka jeedshay xarunta UN ka ka sheegay in dalkiisu isku deyayo in uu iska dhowro dagaal uu la galo Eritrea.

Eritrea waxay Ithiopia ka qabsatay dhul intii uu socday dagaalkii dhacay bilihii la soo dhaafay, dhulkaas waxaa u muhiimsanaa dekedda Zalambesa, Ithiopiana deked ma qabto sida la ogyahay, arrintaas waxay ithiopia ku qasabtay in ay la heshiiso jabhadda xukunta gobollada waqooyi ee dalka soomaaliya si ay u hesho deked ay wax ka dhoofsato waxna uga soo degaan.

Wasiirku wuxuu Eritrea ku metelay faashiistihii talyaaniga, wuxuuna dunida ka codsaday in aan laga aamusin oo aan faraha laga qaadin Eritrea ayada oo aan ciqaabta ay mudantahay la marsiin.

Suudaan oo sheegtay in ay cadawgeedii cagta marisay
Dowladda Suudaan ayaa waxay sheegat in ciidankeedu cagta ku qaaday ciidamadii soo weeraray dalkooda kuwaas oo ahaa sida uu sheegay wasiirka arrimaha guda suudaan, ciidan Eritrea leedahay iyo kuwo Ugandha leedahay.

Wasiirku wuxuu sheegay in ciidankaa cadawga ah ay cayrsheen ciidamada suudaan oo ilaa iyo hadda raacdo lagu hayo iyana ay baqaha jaanta wareen, kadib markii ay madax isku dhufteen ciidanka Suudaan dagaallo ay isga horyimideen koofurta dalka.

Wasiirku wuxuu sheegay in dagaalladii ba'naa ee ka dhacay bishii September 14keedii koofurta dalka ay ku gacansarreeyeen ciidanka suudaan xuduudka dalkana ka saareen ciidamadii isku deyay in ay dalkooda soo galaan.

Suudaan waxaa dhibaato wayn ka haysataa dagaallada ka taagan koofurta dalka, waxayna ku eedaysay Eritrea iyo Uganda in ay dagaalladaas ayagu wadaan.

Maraykanka oo Iran ka codsaday in aan Baha'iga la toogan
Dawladda Maraykanka ayaa waxay ka codsatay dalkaasi Iran in aan la fulin toogashadii lagu xukumay laba nin oo Baha'iga Iran ka tirsanaa.

Xarakada Baha'igu waa xarako ka xaaraansan dalka Iran oo la sheegay in ay lunsantahay, dadka deggan gobalka Khurasaan ee badankoodu xarakadaas raacsanyahay kolka la qabto qaarkooda dacwada fidsha waa la toogtaa ama xcabsiyada ayaa loo taxaabaa.

Arrintaas waxay ka caraysiisay dowladda Maraykanka oo sheegtay in dadkaas loo tooganayo diinta ay aaminsanyihiin darteed ee aysan wax dambi ah oo kale gelin.

BOGGA 4AAD

BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA

Daraasadan cusub wuxuu qoraagu ku indha-indhaynayaa, arrimaha la xiriira mustaqbalka soomaalida, duruufaha adag ee ku horgudban iyo qabanqaaba xumida soomaalida maanta.

Waxaa Qoray:
Ibrahim Macallim Mursal
Esdoornstr. 20, 7151 ZA Eibergen, Nederland

Maamulka Foorara
(Bottom-up administration)

Dhaqaale Aan Rukummo ku Taagnayn
Qalabka warbaahinta caalamiga waxa waayahan dambe ay fidiyaan in xaaladda Somaliya ay soo fiicnaanayso siiba xagga dhaqaalaha. Iyada oo aad moodayso in naloo carabawaya inaynu ka maarmi karno Dowlad inaan yeelano ugu yaraan in muddo ah. Weliba isa soo tarka dhaqaale uu abuuray kooxo danahooda difaacan karo oo kooxaha dalka ku hardamaayana iska celin karaan. Inkasta oo aan lays waydiinin kooxahaasi halka ay taageerada ka helaan.

Waa uun iska cirbadda seexinta. Dalka oo degaa, helaane maamul wanaagsan nooc kastaba ha ahaadee laakiinse saldhig u ah rabitaanka inta badan, ilaalinaya, isla markaane difaacaya xuquuqda inta yar, hawiyaddeena Somaaliyeedna aan tirtiraynin. Qalabyada warbaahinta waxay sii buun buuninyaan weliba in dalka dhaqaalihiisa uu korayo inkastoo kaabayaal dhaqaale aysan jirin. Waxaa muraayadda “focus” la saaray in GNP (Growth National Product) kaas oo micnihiisu yahay “Koboca Wax Soo Saarka Dalka” uu kor u kacay oo weliba uu ka sarreyo wadamada Geesta Afrika qaarkoodqa sida Itobiya.

Haddaba kobocaas dhaqaale wijiga uu yeelan kaye muxuu yahay? Waa su’aal markiiba aan isweydyay aniga, inkastoo aan ahayn dhaqaale yahan, waa mid meesha ku jirta.

Maxaa yeelay marka wax soo saar laga hadlayo, waxaa markiiba aad is tusinaysaa inay ay jiraan warshado shaqeyna, adeegyo fara badan wax soo saarkaasi kaabayaan, tacab beereed amase wax soo saar kheyraad kale amase macdan dhulka laga qodayo, maalgelinno iyo Bunuug shaqeynayaan.

Haddaba, wararka tafaasiil kama aysan bixinin nooca dhaqaalahaasi kobcay uu yahay. Sidaas awgeed maladaynu “Shar u toog hay”da ah (pessimistic way), waxay ina tusaysaa, iyada oo aad u kooban, arimaha soo socda in ilaha (source) dhaqalahaasi ay ku salaysan yihiin:

Xoolaha Dhaddiga ah ee la Dhoofiyo, si loogu beero looguna kobciyo dalalka xoolaheayna suqa u ahaa, una ahaa isha ugu muhimsan (Principal source) ee dakhliga Qaranka xagga lacagaha adag.

[Waa socotaa...]


Qasim Xirsi Faarax
Ph.D IN ENVIRONMENTAL LAW AND POLICY

FOOLXUMOOYINKII KHARAARAA EE WAAYADII DAGAALLADA

Waxaa la igu weydiiyey Nayrobi sida ay udahaara qaadanayso qof aan saxara iyo kaadi midna ceshan karin?, hadaanse arintii sii daba raacay oo la kulmay waa todobaatan jir loo da'tiriyey, gabadheedii iyo gabdhahay ayeeyada u ahayde ee goobta joogayna

Waxaa la yiri; idinku iska daawada waxa lagu falayo halkaad ka soo baxdeen.

Waxaan Baydhabo ku arkay Masjid gudihiisa lagu kufsaday laguna dhacay dumar ku soo dhuuntay.

Waxaan Belad-Xawo ku arkay Masjid gudihiisa qaybna lagu saxaroodo, qaybna lagu khayilayo, hortiisana ay firirsan yihiin kutubtii Qur'aanka ahayd oo ku jiro kitaabka Xadiisyada ah ee Muslim oo inta la kala rogay si kas ah loogu xaaray.

Waxaan waraystay naag soo dishay ninkeedii iyo afar caruur ah oo ay u dhashay, ka dib markuu isna dilay walaalkeed oo reerka u biili jiray, waxayna ii sheegtay wiil dilay aabbihiis ka dib markuu waayey walaalkiisii bahda kale ahaa oo isaga hooyadiis u dilay qabiil ahaan, iyo wiil ay ilmo adeertiis u dileen in ay uga shakiyeen in laga yaabo in uu sir faafiyo maadaama ay walaalkiis kale dhashay hooyo qabiil kale ah.

Nin naag ahaan u xaraystay gabadhii ay dhashay walaashiis hooyadiis iyo aabihiis dhaleen, kuna doodaya in uu qabo oo meher u qabanayo, maxaa yeelay waa reer hebel, iyo waxyaalo kale oo fara badan lana wada sugayo dhan walba.

(Waa Socotaa...)

F.G:
Waxaan ugu bishaaraynaynaa Aqristayaasha bogga doodda, in aan billaabi doonno fidinta daraaso cusub, kolka midda hadda socota dhamaato, daraasadaas oo cinwaankeedu yahay (MADAXWAYNE HA LAYGA DHIGO) Waxaa qoray Qaasim xersi Faarax, waa isla qoraagii aad hore u aqrisateen daraasadiisa hadda socota. Wuxuu qoraagu daraasadan mar labaad isku deyayaa in uu si qayaxan u soo ban dhigo waxyaabaha ka guuxaya maskaxda soomaalida iyo figradda ay ka haysato madaxwaynanimada.. Aqristayaasha boggan waxaan ka codsanaynaa in ay ina soo siiyaan wixii talo ah, inta aan daraasada cusubi billaaban. Wixii munaaqasho ah ama sixid ah albaabbadu waa u furanyihiin. Labagarre.

BOGGA 5AAD

DIINTA ISLAAMKA

SHIRKIGU WAA MAXAY?

Waxaa Qoray: Sheekh Maxamad bin Cabdil Wahhaab
Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre.

CASHARKA 19AAD

WAXYAABIHII LAGA SHEEGAY IN AADANAHA GAALOWGIISA IYO DIINTA KA TEGIDDEEDA AY UGU WACNEED AYAGA OO AWYAALKA SIIYAY MUDNAAN DHEERAAD AH

Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri:
[Ehelu Kitaaboow ha ku xadgudbina diintiinna hana ku dhihina Eebbe wax aan xaq ahayn]An-Nisaa' 171.

Waxaana xaddiiska saxiixa ah Ibn Cabbaas - asiga aiyo aabihii allaha ka raalli noqdee - looga soo weriyay in aayadda: [Haka tegina Ilaahyaalkiinna, hana ka tegina Wuddi iyo Suwaac iyo Yaguut iyo Yacuuq iyo Nasri] Nuux 23.

Uu tafsiirkeeda ku sheegay: In magacyada aayaddan lagu sheegay oo Idili ay ahaayeen magacyo niman awliyo ahaa oo qoonkii Nabi Nuux ka mid ahaa, kolkii ay awyaalkii dhinteen ayaa shaydaan qoonkoodii u waxyooday inay meelihii ay awyaalku fariisan jireen taallooyin uga dhisaan oo magacyadoodii ku kala magacaabaan, wayna yeeleen, kolkaas baa kolkii kuwii sidaa yeelay ee taallooyinka dhisay ay dhinteen ayaa kuwii ka dambeeyay illoobeen arrintaa runteedu wixii ay ka billaabatay, kolkaas bay taallooyinkii caabudeen".

Ibnul Qayim wuxuu yiri: Dad badan oo asaxaabtii iyo culumadii ka dambaysay ah waxay dheheen: kolkii awyaal-ka Ibn Cabbaas soo sheegay ay dhinteen, ayaa dadkii dul fariistay xabaalihii lagu aasay, kolkaas bay taallooyin u sameeyeen, muddo ka dibna way caabudeen.

Cumarna waxaa laga soo weriyay in Nabigu - naxariisi korkiisa ha ahaatee - uu yiri:"Ha i buunbuunina sidii Nasaaradu Nabi Ciise u buunbuunsheen, maxaa wacay, anigu addoon uun baan ahay, ee waxaad i dhahdaan addoonkii Ilaahay iyo rasuulkiisii"{Bukhaari, Muslim}.

Waxaa kale oo Cumar (laga soo weriyay in): Nabigu - naxariisi korkiisa ha ahaatee - uu yiri:"Buunbuuninta waan idinkaga digayaa ee iska jira, maxaa yeelay, ummadihii idinka horreeyay wax aan ayada ahayn ma halaajin".

Muslimna wuxuu Ibn Mascuud ka soo weriyay, in Nabigu naxariisi korkiisa ha ahaatee, uu yiri:" kuwa wax qodqodka badan way halaagmeen" saddex jeer buu ku soo celshay.

MAS'ALOOYINKA CASHARKA
Tan 1aad: Waa in qofkii fahma casharkan iyo labada cashar ee soo socota ay u caddaanayso in Islaamku maanta duugmayo, waxaa kale ee uu yaab ku arkayaa qudradda Ilaahay iyo sida Eebbe dadka qalbigooda diinta uga jeedshay.

Tan 2aad: Waa in casharkan laga ogaanayo in shirkigii ugu horreeyay ee dunida ka dhacay uu u sabab ahaa qalad awliyada laga fahmay.

Tan 3aad: In wixii ugu horreeyay ee la doorshay ay ahayd diintii Nabiyadu la yimideen, sababta ay kolka taasi ku dhacday maxay ahayd?. In kasta oo dadka diinta doorshay ay ogaayeen in ay tahay diintii Ilaahay.

Tan 4aad: Waa in ay halkaa ka muuqato in bidcada si fudud loo qabatimayo, inkasta oo aadanaha dabcigiisa iyo shareecaduba ay bidcada ka soo horjeedaan.

Tan 5aad: Waa in waxa dhammaan waxyaabahaa sababta u ahi ay yihiin xaqa iyo baadilka oo la isku dheeho, taas oo ah, waa midda hore e', in jacaylka awliyadu xaq yahay, tanlabaadna, waa in dad culumo ah ay fal ay same uga jeedeen ku dhaqaaqeen, kolkaas baa dadkii ayaga ka dambeeyay moodeen in arrintaa wax kale looga jeedo.

Tan 6aad: Waa tafsiirka aayadda suuradda Nuux ku jirta ee la soo sheegay.
Tan 7aad: Waa dabeecadda aadanaha, taas oo ah in xaquna qalbigiisa ka sii dhamaanayo, baadilkuna ku soo badanayo.

Tan 8aad: Waxay arrintani marqaati u tahay warkii asaxaabta laga soo weriyay ee ahaa in bidcadu kufriga sabab u tahay.

Tan 9aad: Waa in shaydaanku ogyahay in bidcadu meel xun ku dambaynayso, in kasta oo qofka bidcada samaynayaahi uu niyad sanyahay oo uu wax wanaagsan samee isleeyahay.

Tan 10aad: Waa in halkaa xeer guud laga baranayo, kaas oo ah, in buunbuuninta laga fogaado, iyo in buunbuunintaas meel xun salkeedu yahay.

Tan 11aad: Waa dhibaatada ay leedahay in la dul fariisto qabriyada ayada oo in sidaa lagu samafasho la doonayo.

Tan 12aad: In halkaa laga ogaanayo in taallooyinka dhismadooda la diiday, sidoo kale, waxaa casharka laga baranayaa xigmadda ku jirta burburinta taallooyinka dhisan.

Tan 13aad: In loo baahanyahay in la ogaado arrinta ay sheekada la soo sheegay ku timid, iyo sida loogu baahanyahay, inkasta oo dadka badidoodu ay arrintaa moogyihiin.

Tan 14aad: Waa arrinta la yaabka leh, oo ah in dadku aqrinayaan kutubta tafsiirka iyo xaddiiska, ayaga oo isla markaana hadalka macnihiisa fahmaya, hase ahaatee, Ilaah baa qalbigooda ka daboolay, kolkaas bay u maleeyeen in cibaado tan ugu fiicani tahay wixii qoonkii Nuux falay, kolkaas bay u maleeyeen in waxa Eebbe iyo Nabigu ka reebeen ay yihiin kufri cad oo dhiigga iyo maalka bannaynaya.

Tan 15aad: In kuwa sidaa yeelay ee awyaalka caabuday ay sidaa shafeeca ku doona islahaayeen.
Tan 16aad: Waa malaha ay maleeyeen in taallooyinka ay awyaalkii dhintay u sameeyeen, ay awyaalku doonayeen oo ay jeclaayeen.

Tan 17aad: Waa arrinta Nabigu caddeeyay ee ah, in uu yiri:"Ha ii buunbuunina sidii Nasaaradu Ciise u buun-buunisay".
Tan 18aad: Waa waanada uu Nabigu nagu waanshay ee uu noo sheegay in kuwa wax qodqodka badani halaagmayaan.

Tan 19aad: Waa in naloo caddeeyay in kolkii cilmigii la illoobay oo culumadii la'deen la caabuday taallooyinkii loo dhisay awyaalka, kolka halkaa waxaa laga ogaanayaa, waxtarka uu leeyahay cilmigu iyo xumaanta aqoondarrada.
Tan 20aad: In sababta cilmigu u lumay ay ahayd geerida culumada.

BOGGA 6AAD

BOGGA DHALLINYARADA

SHEEKADII KALIILA IYO DIMNA

Qaybtii: 16aad

Waxaa qoray: Cabdullaahi ibn al-Muqafac
Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre

LIBAAXII IYO DIBIGII

Shitriba:
Haddii aysan intaas arrintu ahayn, mudnaanta qaarkeed la isiiyay baa wedkii la iigu soo raray, haddii aaney taas iyo tan toona ahayn, hadaba waa wax xag eebbe ka qoran oo aan la celin karin, waxa qoran ayaana libaaxa awoodda iyo adkaanta ka qaadaya oo godka gelinaya, waana kan ku qaaday nin liita dhabar maroodi buubaal ah, waana kan ku dheehaya abeesada mariidka leh mid mariidka ka siiba, ee ku ciyaara, waana kan doqonka go'aanka u yeela oo geesiga liida, oo saboolka hodmiya, oo fulayga geesinima geliya, geesigana fulanimo, markii ay maqaadiirtu ku timaado meelihii wuxu ku qorraayeen.

Dimna: middan libaaxu kula doonayo ma aha diradira reera dhib, suuxdintii boqorradana ma aha wax kalena ma aha ee waa dhagar iyo ballan ka bax xaggiisa ah, maxaa yeelay waa beenlow dhagarlow ah cuntadiisu waa macdahay, salkeeduna waa mariid wax dila.

Shitriba: oo hadda waxaad ii aragtaa in aan malabsaday macaankii markii aan dhedhenshay oo salkeedii gaaray, kaas oo dhimasho ah, haddii aan wed i sidin degaankaygu libaaxa agtiisa maba ahayan asiga oo hilib ku nool ah, aniguna aan caws ku nool ahay, aniguna gafkan waxaan la mid noqday sidii shinnidii ku istaagtay ubixii dhamxoojada ee macaansatay uduggiisa iyo dheecaankiisa oo macaansi-gaasi daahinayo, haddii ay habeensatana ay ku dhegto oo ay ku dhex rafato kuna dhimato, qofkii nolosha intii ku filnaata aan uga herin ee u hanqal taaga wax kale, salkoodana aan ka baqin, wuxuu noqdaa sidii duqsigii dhirta iyo uduggu ku fillaan waayeen ee biyo dheg maroodi ku socda soo doontay, markuu maroodigu dhega dhawdana meeshaa ku dhinta.

Qofkii u hura jacaylkiisa iyo waanadiisa qof aan ku mahadinayn waa sidii qof didib beertay, qofkii qabwayne wax u tilmaamana waa sidii qof wax dhintay la tashaday ama qof dhegoole ah.

Dimna: hadalkaa iska daa ee naftaada u baxso. Shitriba: maxaan naftayda ku fagsadaa?, haddii libaaxu in uu icuno doonayo oo aad i ogaysiisay talada libaaxa iyo abuurs xumadiisa.

Waxaadna ogaataa inkasta oo uusan ila doonin wanaag mooyee wax kale, hadii ay wadayaalkiis dhagartooda iyo balan xumadooda ku doonaan in ay idilan waay awoodi lahaayeen, maxaayeelay haddi ay dhagarrowyo iyo gardarraalowyo ay suubane aan gaf laahayn isugu tagaan in ay dilaan way awoodaan si kastaa oo ay u liitaan asiguna xoog u leeyahay, sidii dhurwagii iyo tukihii iyo daawaca-dii ay u dileen awrkii markii ay isugu tageen dhagar iyo sabasho darteed.

(Waa socotaa...)

BOGGA 7AAD

HIDDAHA, DHAQANKA, SUUGAANTA IYO AFKA SOOMAALIDA



Maasadii Deellaydii Finland
Waxaa soo habeeyay:
Asad Mohamed

Salaan ka dib, waxaan jeclaan lahaa inaan halkan idiinku soo gudbiyo gabay dhawaan la allifay oo loogu magac daray "Deelleydii Finland". Gabaygani waa dood ka dhaxaysa Monikka Lewinski iyo Clinton. Gabagani waa gabay furan, wixii siyaado ah waa la soo dhawaynayaa!! Gabaygii oo billawdana waa kan:

Monikka:

Dawgaan maraba waa, dayan aan dammayn

Dayixii ifaba waa, gudcur aan dumayn

Dareenkii dadnimaan, diidin ebedkeey

Ducaaddii jahannamaan, doonay dowgood

Dambeey naga galeen , gebi ahaanteene

Duluc aan ridnayn , nagu daloosheen

Dawgii dadnimay , naga duwaayeen

Da'yar iyo Da' weyniba , noo duur xuleen

Duqaydii masiixiyeed iyo , Daarwin inankoodii

Diiwaankeey qoreen , nagu dulleeyeen

Clinton:

Dembi malaha damiin , aan dabbaal baran

Daki ma aha doqntii , ina Lewiski

Lamana dummaleen , daa'in ebedkeed

Inla doonaanse ka dhicin , dunnia guudkeeda

Maantay ka dayrisay , darajaday gaartay

Miyaanan ka duwin , dadashadii madaxa

Ee aanan ku dadan , diric yaroo gaaban

Miyaanan ka durjin , daw quroo toosan

Ee aanan ku dabran , dayrkii reer clinton

Miyeey la mid tahay , dumarkii islaameed

Ee daboolay , doc walboo bannaaneyd

Dammiinkiyo ka adag , diijaal casriyeedka

Doofaarkiyo aan cunin , duxdii macaanayd

Daawasho iyo diiday , in loo durbaan tumo

Daahirnimo iyo jecel , duul walaalaa

Jahligu dishoo , aydhiska diidka ah

Ka dibboday dunnidee , bawdo qariska ah

Dibnaha aan casayn , ee kaafir didiska ah

Dac weeye middaan , doonnoo na diida

Diric weeye middaan , daawannoo dareenno

Dumarku muusan , daa'in noo abuurin

Dareenku muusan , daa'in noo yeelin

Dameeryahan miyaan , dareen laguu yeelin

Doqonyahay miyaanan dumarka kaa dooran

Monikka: ( aad bay ula yaabtay , waxa ka soo yeeray odaygii mas'uulka ahaa, waxay la sii yaabtay maxaa lagu qiimeeyaa waxa saxda ah iyo waxa aan saxda ahayn. qofkii diida Aydhiska(aids:ka) ma qpf jaahil ahbaa ? bal ka warran qof daahirnimada jecel ?iyadoo kala garan la' wax saxda ah iyo waxa qaladka ayay tiri ... )

Dareenku waa damdam

Dibnuhu waa dameen

Da'dayda ma sheegi karo

Dariiqa ma toosin karo

Dabkana ma kulaali karo

Dugaagga ma yurayn karo

Damiinka ma diidi karo

Daliilka ma daawan karo

Dac baan ahay, haddana

Dacaha kale diidayaan

Dumarka islaamkaan , darajadood doonayaa

Dullinka iyo aydhiskan , sidooda diidayaa

Damiirka dadnimaan , sidooda dalbayaa

Ducaadda walaalahan , ka wardoonayaa

Dumarkoodaan daliilkiyo , ducada weydiinayaa

Deeqadii soomaaliyeed , aqoon ka dallaalayaa

... waa socdaa ....

[MACMACAANKA MURTIDA SOOMAALIYEED]

Waxaa qoray: Hersi M. Labagarre

Buuggan waxaa qoraagu ku soo ururshay hal kun (1000) oo maahmaahyo. Kadib markii Dhallinyarada wargayska ku tixan qaarkood inaga soo codsadeen in aan ku soo darno wargayska bog maahmaahyada iyo murtida soomaaliyeed lagu soo qoro, ayaan waxaan jeclaystay in aan halkan aqristayaasha ugu soo gudbiyo wixii maahmaahyo ah ee aan buugaas ku aruurshay waqti haddda laga joogo 10 sano ka hor.


Qaybtii 3aad

21. Biyo meel godan bay isugu tagaan.

22. Ballan darro waa diin darro.

23. Bad nin tegay yaab, wax uu ku hadlana ma yaqaan.

24. Bartii yaqaan bari uma korodho.

25. Barashadu waa labo: kubartoo kuma daayo, iyo ku bartoo kuuma noqdo.

26. Baruuro sabool baa dhaadhaa leh.

27. Ballaysin bir ka adag.

28. Baruur baa baruur qurmisa.

29. Bil saddex ahi reerkaagana way kaa saartaa, reer islaameedna kuma gaarsiiso.

30. Bariyi xaq maleh haday barartana.

BOGGA 8AAD

IIDHEH IYO OGAYSIIS


* Dhammaan dhallinyarada soomaaliyeed meel ay joogaanba waxaan ogaysiinaynaa in wargayska Codka Soomaalida Cusubi ku soo dhawaynayo gacmo iyo laab furan wixii talo ah ama qoraal ah ee ay doonayaan in ay ku fidshaan wargayskan, ha usoo direen: hersi@brunet.bn

** Wargayskan bilaash (Free) baa lagu qaybshaa, cid aan soo codsanna looma diro. Hadaba, qofkii doonaya in loo soo diro email ha soo diro asiga oo leh: (ii soo dir codka soomaalida cusub) , ama ha saxiixo, buugga martida ee ku yaalla halkan: http://www.angelfire.com/mo/codkasomalidacusub/cschpage.html qofkii aan doonayn in loo soo dirana, ha soo qoro email asiga oo leh (ha ii soo dirin codka somalida cusub).


"DHAMMAAN MAQAALADAHA WARGAYSKAN KU SOO BAXA WAXAY
U TAAGANYIHIIN ARAGTIDA QORAAGA EE UMA TAAGNA
UJEEDDADA WARGAYSKA"

[DHAMMAAN XUQUUQDA DAABACAADDU WAY DHOWRANTAHAY]

© Copyright 1998 - Labagarre - All rights reserved.