Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

CODKA SOOMAALIDA CUSUB
A Weekly Somali Electronic Journal

Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah
Wuxuu ku soo baxaa afafka
(Soomaaliga iyo Ingiriiska)
Wuxuu Soo baxaa Maalin kasta oo Axad ah

https://www.angelfire.com/mo/codkasomalidacusub/index.html

Taariikh:27 02.08.1998

[DHAMMAAN XUQUUQDA DAABACAADDU WAY DHOWRANTAHAY]

Waxaa Abaabulay:
Hersi M. Labagarre
[Ph.D. Philosophy & Theology]
National University of Malaysia

OGAYSIIS
WAXAAN OGAYSIINAYAA DHAMMAAN DHALLINYARADA KU TIXAN WARGAYSKAN, IN LAGA YAABO IN AANEY II SUURTA GELIN, IN AAN CADAD CUSUB SOO SAARO DHOWRKA TODDOBAAD EE FOODDA INAGU SOO HAYA, SABABO QOYS IYO KUWO SHAQO AWGOOD, SIDAA DARTEED DHALLINYARADU RAALLI HA INAGA AHAADEEN, SIDA UGU DHAQSAHA BADAN AYAAN DIB UGU SOO DIRI DOONAA CADADYADA CUSUB, HADDII EEBBE IDMO. WIXII EMAIL AH AMA MAQAALLO CUSUB AH SIDII CAADIGA AHAYD AYAA LOO SOO DIRI KARAA.

Hersi M. Labagarre

TUSMADA WARGAYSKA

NO

BOGGA

MAQAALKA

MAGACA QORAAGA

1

BOGGA 1AAD

ARARTA WARGAYSKA

HERSI M. LABAGARRE

2

BOGGA 2AAD

WARARKA SOMALIDA

HERSI M. LABAGARRE

3

BOGGA 3AAD

BOGGA QUBANAHA

HERSI M. LABAGARRE

4

BOGGA 4AAD

BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA

QASIM HERSI FAARAX
FOWZI HERSI(VAICONI)
IBRAAHIM MACALLIM MURSAL

5

BOGGA 5AAD

DIINTA ISLAAMKA

SH.M. ABDIWAHHAB

6

BOGGA 6AAD

BOGGA DEEGAANKA

QAASIM HERSI FAARAH

7

BOGGA 7AAD

BOGGA DHALLINYARADA

A/LAHI BIN MUQAFA

8

BOGGA 8AAD

HIDAHA, DHAQANKA,..

HERSI M. LABAGARRE

9

BOGGA 9AAD

IIDHEH IYO OGAYSIIS

HERSI M. LABAGARRE

BOGGA 1AAD  

Hersi M. Labagarre
ARARTA WARGAYSKA

KITAABKA IYO SUNNADA!
Weedha aan kor ku xusay ee ah "Kitaabka iyo Sunnada" waa halkudheg ay hadaaq ka dhigteen muslimiinta maanta joogta dunida gabi ahaantood. Waxayna uga jeedaan "xal waxaa u ah dhibaatooyinka muslimiinta maanta haysta, in la raaco waxa ku qoran kitaabka eebbe iyo sunnada rasuulkiisa".

Anigu shaqsi ahaan jumladda macnaheeda wax dood ah kama qabo, taa daaye, waxaanba ka mid ahay dadka sida dhabta ah u rumaysan figraddaas, waxaanse doonayaa in aan wax yar ka faahfaahsho ku camalfalka ujeeddada weedhaas
Haddiise aan warka kuu faahfaahsho, aqristow, waxaan dhammaanteen ognahay in kitaabka Ilaahay iyo xaddiiska nabiga intuba buug ku qoran yihiin, oo aan maanta nabi joogin, waxa kutubtaas aqrinayaana ay yihiin dad, dadkaasina qof waliba maskax gaar ah eebbe ku mannaystay.

Taasi waxay keentay in aan kitaabkii iyo sunnadii si loo wada fahmin, ee ninba si u fahmay, waana arrin caadi ah, maxaa yeelay, Ilaahay dadka ma wada simin, nin cilmi badan buu siiyay, ninna cilmi yar, ninna waaba laga caajiyay oo magaciisa ma qori yaqaan!. Nin caqliga ayaa loo badshay, ninna waa loo yareeyay, ninna waaba laga qaaday, oo xoolaha ayaa lagala mid dhigay, amaba waa ka sii liitaa sida kuwa waalan iyo qaarka la maray!!.
Waxaan marka suurta gal ahayn, in aan dadka oo dhan ka wada dalabno, in ay waxa kutubtaa ku qoran, isku si u wada fahmaan, maxaa wacay taasi dabeecaddooda ayay ka soo horjeeddaa.

Taas waxaa la jira, erayada kutubtaas ku qoran, qaar badan oo ka mid ah, oo aan macnahoodu xadidnayn, ee macne guud leh, tusaale ahaan, erayga "taabasho" afcarabiga wuxuu noqon karaa, taabashada caadiga ah, waxaa kale ee uu noqon karaa, isu tagga ragga iyo haweenka.
Nin kasta oo aqoon u leh afcarbeedka iyo adaabtiisa iyo taariikhda muslimiinta iyo diinta islaamka arrintaas wuu garanayaa, khilaafka muslimiintuna maanta ma billaaban, nabi Muxamad oo nool baa muslimiintu is khilaafeen, markii uu dhintayna way is khilaafeen, sidaa ayuuna khilaafkii ku socday, wuuna socon doonaa ilaa qiyaamaha.

Kolka maxaa annaga nala gudboon, ma suurta gal baa in muslimiinta la isugu keeno gaso qudha? ma laga yaabaa in maalin maalmaha ka mid ah muslimiintu cad iyo madow ay kitaab iyo sunno kali ah raacaan? Anigu waxaan qabaa, in arrintaasi faahfaahin u baahantahay, haddii aad "Kitaabka iyo Sunnada" uga jeeddo "wixii ay dadku ka fahmeen labadaas masdar" jawaabtu waa haah!.
Haddii kale oo aad "Kitaabka iyo Sunnada" uga jeeddo wax kale, waxaan qabaa in ay taasi caqli ka bax tahay, oo aaney marnaba suurtoobi karin, waxaana u daliil ah in aanay hore u dhicin, nabi Muxamad laftirkiisu dadka hal faham ama hal figrad ah isuguma keenin, nin kasta oo taariikhda muslimiinta ka war hayana taas waa ogyahay.

Haddaba aqristow, haddii ay taasi kuu caddaato, waxaad ogaanaysaa in ay lagama maarmaan tahay, in la ixtiraamo fahamka iyo aragtida dadka kale, ninkii ku yiraahda anigu shiico ayaan ahay, waxaa lagama maarmaan ah in aad ixtiraamto shiicanimadiisa, kii kugu yiraahda wahhaabi baan ahay sidoo kale, kii ku yiraahda Islaax baan ahay sidoo kale, kii kugu yiraahda Itixaad baan ahay sidoo kale..sidaa ku wad.

Haddii aadan sidaa yeelin, waxaadan waligaa ka baxayn, dagaal iyo colaad joogto ah oo xagga diinta kaaga yimaada, diintana colaad iyo muran joogto ah looma soo dejin, ee waxaa loo soo dejiyay in quluubtu ku nasato oo ku degto.
Haddaba annaga oo tixraacayna dhacdooyinka taariikhiga ah ee muslimiintu soo mareen, waxaa lagama maarmaan ah in loo fahmo figradda aan kor ku soo sheegnay "Kitaabka iyo Sunnada" in ay tahay "waxa laga fahmo kitaabka iyo sunnada".
Su'aal ayaa halkaa ka soo baxaysa, taas oo ah: (Kitaabka iyo Sunnada" iyo "Waxa laga fahmo Kitaabka iyo sunnada" maxay kala yihiin?), haddii aan isku dayo in aan taas ka jawaabo, kitaabka iyo sunnadu waa nusuusta ku qoran kutubta macruufka ah ee la yaqaan sida Quraanka iyo kutubta xaddiiska, waxa laga fahmayna waa waxyaabaha kale ee dadku qoreen sida fiqhiga iyo wixii kale ee la xiriira, waxa ugu muhiimsan ee u dhexeeyana waa in kitaabka iyo sunnadu waxyi yihiin oo xag eebbe ka yimideen, waxa laga fahmayna ay caqliga ka yimideen.

Kolka aqristow, ma kula tahay in maanta lagu hoggaamin karo muslimiinta hadalka ku qoran kitaabka iyo sunnada ayada oo loo raacayo xaraf xaraf iyo sadar sadar? mise waxaad is leedahay wixii laga fahmo ha la'iska raaco, nin walbana wixii uu fahmo eebbe ha ku anfaco.

Fahamka waxaan uga jeednaa waxa kitaabka iyo sunnada laga qaatay, qofka ka qaadanayana waa in uu ahaado qof wax yaqaan oo "Mujtahid ah" kolka ijtihaadkiisa ayuu ku camal falayaa.
Saddex boqol oo sano in ku dhow ayaa la isku deyayay in muslimiinta hal hoggaan la isugu keeno, tan iyo maalintii uu billaabay suldaan saliim-kii saddexaad ee Turkiga, ilaa iyo maanta dadaalkii la sameeyay wuxuu noqday hal bacad lagu lisay.

labadii qarni ee la soo dhaafay waxaa dowladaha muslinka ah ka kacay ururro badan, waxaa ka mid ahaa, Jamaacadii wahhaabiyada ee Sacuudiga, jamaacadii sanuusiyada ee Liibiya, Jamaacadii Mahdigii Suudaan, Jamaacadii Fada'iyaan islaam ee Eeraan, Jamaacadii Maashoomi ee indonisiya, jamaacadii Baas ee malaysia, Jamaacadii Ikhwaanka ee Masar, Jamaacadii Taxriir ee Falastiin, Jamaacadii "al-Jamaa'ah al-islaamiyah" ee hindia iyo Baakistaan, jamaacadii Itixaadka ee sacuudiga dabadeedna soomaaliya ku fidday, iyo kumanyaal kale oo aanan halkan lagu soo koobi karin.

Dhammaantood waxay ku halqabsanayeen KITAABKA IYO SUNNADA DADKA HA LAYSUGU KEENO, maantana halkan baannu joognaa, dadna la isuma keenin, kitaab iyo sunnana lama raacin, ee qaylo iyo dagaal iyo qaraxyo iyo argagixiso iyo dhac iyo tuugo iyo kufsad iyo boob ayaa muslimiintii ka bixi la'yihiin, sida Somaliya, Afqanistaan, Suudaan, dhammaan muslimiinta carabta ku dhaqan oo xuquuqdooda la duudsado har iyo habeen, muslimiinta hindiga iyo siri Lanka ku dhaqan oo maalin walba intii la doono laga gubo ayaga oo nool.

Kolka maxaa talo ah?
Dadka qaar waxay soo jeedsheen qolo walba iskeed ha u tashato, oo muslimiintu dowlad kasta oo ay joogaan ha isku tashadeen, naftoodana wax ha u qabsadeen, waagii aan wax istari karnana allaha ina gaarsiiyo.
Qaarna waxaad mooddaa in ay waasheen, oo maankii iyo garaadkii ka tageen, sida kuwa soomaaliya iyo afqaanistaan jooga, naftoodiina wax uma qabsan, naf kalena ma ammaan gelin, ee waxay ku soo bexeen gacan kudhiigleyaal, waxaa taas kaaga daran in ay wali ku madax adaygayaan KITAABKA IYO SUNNADA HA LA RAACO!!.

Hadaba aqristow, maxay kuula muuqataa arrintani?
KITAABKA IYO SUNNADU waxay noqdeen DAWACADII DAABKA LA KULANTAY! waa kitaab ilaah soo diray iyo sunno loo keenay in lagu iftiinsado adduunyada iyo aakhiro, kolkaas baa waxaa loo rogay, madaafiic iyo qumbulado aamburan iyo qoryo banban ah oo daqiiqaddiiba afkooda kumanyaal xabbado ah ka hurgufmaayaan, waxaa loo beddelay, middiyo afaysan oo rag hoosta ku sito, oo ninkii ay la haleelaan ay beerka iyo wadnaha garkiisa ku goynayaan, aqristow, eebbe kuwaas ha inaga baxsho aniga iyo adiga iyo intii muslin xalaala ah.

 BOGGA 2AAD:

WARARKA SOOMAALIDA

DAGAALLO CUSUB OO SOOMAALIYA KA DHACAY
Wararku waxay sheegeen in dagaallo cusubi ka dheceen 20kii bishan magaalada Muqdishu, dagaalladaas waxaa isaga horyimid jabhadda uu hogaansho Xuseen Caydiid iyo Jabhadda Gaaljecel, halkaas waxaa lagu dilay 13qof, toban kalena waa la dhaawacay.

Dagaalkaasi wuxuu dhacay kadib markii jabhadda Xuseen Caydiid ay afar nin oo gaaljecel ah soo afduubeen ayna sheegeen in ay ku xabbisi doonaan ballidoogle, sidoo kale waxay soo dheceen in lagu qiyaasay boqol geel ah oo gaaljecelku lahaa.

Waxaa wararku intaa ku dareen, in gaaljecel digniin siiyay habar Gidir, haddii aanay geela iyo ragga ay ay afduubeen soo celin uu xumaan doono xiriirka labada qolo.

DIGIR GUBATAY RAGBAA KA SABRAY!
Wakaaladda wararka Reuters ayaa waxay sheegtay 28 bishan july, in madaxda xamar joogta ay daleeceeyeen Hay'adda Cuntada U qaabilsan UNta "U.N. World Food Programme (WFP)", kadib markii ha'yaddaasi ganac u bandhigtay digir aan ku habboonayn in dadku cunaan oo loogu tala galay in xoolaha la siiyo.

Cali Mahdi ayaa aad u dhaleeceeyay WFPda asiga oo ku eedeeyay in badarka digirta ah ee ay qandaraaska ku gedayaan gaarayana 125 tan, uu yahay badar aan ku habboonayn in cunto looga dhigo dadka, waxaa kale uu yiri in geditaanka badarkaasi tusaayo in hay'adaha gargaarku sumaynayaan ummadda soomaaliyeed.

Waxay masuuliintu intaa ku dareen in digirtaasi aanay dad iyo duunyo midna quud u noqon karin ayna habboontahay in la gubo ama la duugo, si aan dadku ugu sumoobin.
Digirtaas waxaa la sheegay in ay ku kaydsantahay Koofurta iyo Woqooyiga magaalada Muqdisho iyo Magaalada Marka. Hay'adda Cuntada ee UNtu waxay isku difaacday, in ay raacayaan xeerkii ay wada dhigteen dadkii ku soo deeqay cuntadaas iyo kambanigii dhiraandhirshay digirtaas, go'aanka qandaraaska lagu gaarayna gacanta WFPda kuma jiryo si loo gubo ama xoolaha loo siiyo cuntadaas, sidaa waxaa sheegay nin u hadlay WFPda oo jooga Nairobi.
Waxaa nimanka dhiraandhirshay digirtaas sheegeen in aaney cunto u noqon karin dad hase yeeshee ay xoolaha ku habboontahay.

SOMALIDA BUNTLAND OO MADAXWAYNE DOORADAY
Wakaaladda wararka (Reuters) waxay sheegtay 24kii July, in madaxda iyo duqayda dadka soomaaliyeed ee ku nool dhulka la baxay Buntland ay doorteen madaxwayne, ayaga oo isku deyaaya in ay maamul habaysan oo dalka intiisa kale ka go'an halkaa ka billaabaan.
Colonel Cabdullaahi Yuusuf Abdi waxaa loo doortay Madaxwayne, Maxamad cabdi Xaashina Madaxwayne ku xigeen. Go'aankaas waxaa lagu gaaray shir ay ka soo qayb galeen in ka badan 300 oo hoggaamiyayaal ah oo billaawday Isniintii la soo dhaafay.

Shirkaas oo lagu qabtay magaalada garoowe, waxaa kale oo lagu guddoonshay in la abaabulo gole ka kooban 69 oday iyo sagaal wasiir, waxaana madaxdaa la magacaabi doonaa 45 casho gudohood. Somaliya dowladdeedi waxay dhacday 1991kii kadib markii Siyaad Barre laga cayrshay magaalada Muqdishu. Dhicitaankii dowladdii Siyaad barre, waxaa ka dambeeyay siddeed sano oo colaad sokeeye ah, oo dalka ekaysay, iyo goballo soomaaliyeed oo madax bannaani sheegtay, sida goballadii loo aqoon jiray waqooyi galbee iyo togdheer oo sheegtay dowladda la baxday Somaliland.

Taas waxaa ku soo xigay goballadan saddexda ah: Mudug, Nugaal iyo Bari, oo ayaguna hadda sheegtay dowladnimo lana baxay Buntiland, laba dowladood ee soomaalida ah ee dalka intiisa kale ka goosatay, cid aqoonsatay ilaa iyo hadda ma jirto, hase ahaatee taasi micna malaha, maxaa yeelay aqoonsiga siyaasadeed, jaadad badan buu leeyahay, waxaa ka mid ah in dowladi kula gasho heshiisyo ama ganac aad is waydaarsataan, aqoonsiguna wuu iska imaanayaa, haddii waddanka la dejiyo, oo maamul habaysan ka dhasho.

Cabdullaahi Yuusuf wuxuu ka qayb galay shirkii Qaahira lagu qabtay, hase ahaatee, wuxuu ka soo tegay ayada oo aan go'aannadii la saxiixin, ka dib markii uu u begi waayay sida ay nimanka xamar maamulaahi wax u wadaan, waxayna u badan tahay in uu abaabulka dowladdan asigu ka dambeeyo. Dowladdaas buntland isku magacawday, waxaa mucaaraday madaxwaynaha Somaliland, waxayna u muuqataa in taas ay ka dambayso Somaliland oo sheeganaysa Laba magaalo oo kala ah Ceelaayo iyo Laas Caano, oo labaduba hadda raacsan Bunland.

TAKSIILE SOOMAALI AH OO NIN KU DILAY AMERICA
Wakaaladdda wararka (Reuters) ayaa waxay sheegtay 27kii bishan, in nin taksiile ah oo xanaaqsan uu toogtay nin kale oo taksiile ah, laba kalena dhaawacay khilaaf dhexmaray awgiis, dilkaasi wuxuu ka dhacay gegida diyaaradaha ee caalamiga ah ee gobalkaasi Texas.
Ninkaas taksiilaha ah ee falkaa ku kacay, waxaa gacanta ku dhigay booliiska, waxayna sheegeen in uu yahay 35 jir soomaali ah oo ka mid ah dadka deggan America.

Wararku waxay intaa ku dareen in ninkaasi soo galay meel ay taksiilayaashu ku nastaan oo ku yaalla hotel la yiraahdo "Hyatt Regency hotel " oo gegida diyaarada ku dhaw, dabadeena xabbad ku furay taksiilayaashii halkaa ku nasanayay, nin dhowr xabbadood ku dhacday wuu dhintay, mid kalena aad buu dhaawac u yahay, mid saddexaadna waxaa la sheegay in xaalkiisu dhexdhexaad yahay.

Sida uu sheegay ninka u hadlay gegida diyaaradaha Caalamiga ah ee "Dallas-Fort Worth", la garan maayo wixii ninkaa gacan ku dhiiglaha ah ku qaaday in uu dadkaa xabbadda ku furo.
Waxaa kale ee warku sheegay in aan ninkaasi dad kale wax yeello u gaysan, maxaa wacay, taksiilayaashu waxay joogeen meel gaar ah oo loogu talka galay in ay ku sugaan inta ay dad ka qaadayaan.

MAXAA U DAMBEEYAY KEENYA


Waxaa Qoray:
Cabdalla Rashiid (ilyaas)

NIROBI, KENYA
Khamiis, 30 July, 1998
Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu.
salaan kadib walaal aad ayaan u wanaagsanahay adinkana sidaas iyo si ka wanaagsan ayaan ilaahay idiinka rejaynayaa.
Walaal waxaan saakay istusay inaan idinla socodsiiyo waxyaabihii ugu danbeeyay ee kadhacay kenya gaar ahaan umuuraha muslimiinta.
1. walaal sida aad lasocotaanba nin yahuudi ah oo dhalashadiisu tahay maraykan ayaa waxuu kahadlay meel fagaara ah oo kutaala magaalada nakuuru ee caasimada gobolka rift vailey kenya, sidoo kalana wuxuu qaybiyay waraaqo, arimaha ugu waawayn ee uu kahadlay waxay ahaayeen inuu nabiga salalaahu calayhi wasalame uu caayay aniga oo isku dayi doona inaan waxii uu kahadlay oodhan idiin soo gudbiyo ayaan hadana hada idiinsoo gudbinayaa qodob kamid ahaa qodobadii uu kahadlay kaas oo uu yiri nabi maxamed wuxuu kazinaystay xaaskii wiilkiisa.

arintaas muslimiinta wadanka oodhan ayay kacadhaysiisay waxayna keentay in uu wadanka guud ahaan kadhaco banaan bax kaas oo lagag soo horjeedo faragalinta diimeed ee uu maraykanku wado.
waxaa kamid ahaa ereyooyinkii kuqornaa boodhadhkii ay muslimiintu wateen "LET AMERICAN LEAVE ISLAM AND MUSLIMS ALONE".

Arintaas kadib waxaa dhacday sidii aad mudaba lasocoteen in dhul kudhagan masaajidka jaamaca ah ee nayroobi ay isku haysteen muslimiinta iyo ganacsatada dhulkaas iska leh waxaaad lasocoteen in arintaas madaxwaynuhu soo dhexgalay oo uu u xagliyay gaalada sikastaba arintu ha ahaatee waxaa dhacday in dawlada hoose iyo ganacsatadii is afgaran waayeen kadibna dawladii hoose ay bilaaben inay qaybkamida dumiyaan isla maalinkii kuxigtay ay meeshii gubatay iyada oo aan la garanayan wax gubay.

Isla markiiba gaaladii waxay yiraahdeen muslimiinta ayaa dumisay waxayna bilaabeen inay dhagxeeyaan masaajidkii jaamaca ahaa ilaa shalay galab dagaal daran ayaa kadhexsocday muslimka iyo gaalada gacanta sarana waxaa lahaa muslimiinta waxase hada jirta cabsina laga qabaa inay gaaladu isku dayaan inay gubaan masaajidka jaamaca taas oo keeni doonta jawaabo aad u kharaar ilaa xalayna muslimiintu heegan ayay kujireen waxaanan rajaynaynaa ina ay kudhamaandoonto sida khayrku kujiro, intaasi waa wixi war ahee ilaa xalay soo kordhay.

Waxaa kaloo jirta in isla shalay uu dagaal baani dhexmaray xubnaha baarlamaanka wadanka kaas oo laftiisu lahaa waji diimeed waayo markii ay afka isdareen laba xubnood oo katirsan xisbiga mucaaradka ee SAFINA (ilyaas shiil iyo kayanaan) iyo xisbiga kale ee NDP oo ubadan gaalo ayaa waxya kaliftay in arintii isu badasho muslim iyo gaalo.

marka hada waxaad moodaa in wadanka ay kabilaabanayso iska hor imaad diimeed.
Waxaan warbixintan idiinkusoo gudbiyay si aad ula socotaan dhabta jirta aydaana ugu qaldamin war isgaarsiinta shisheeyahah iyo inaad ugu yaraan u gudbisaan dadka kale ee muslimka ah.

BOGGA 3AAD:

BOGGA QUBANAHA

SADDEX WADAAD-KIRISHTAAN OO YAMAN LAGU DILAY
Sanca, Wakaaladda wararka (AFP) waxay sheegtay, ninka dilay saddexdii wadaad-kirishtaan ee dhawaan lagu dilay magaalada Sanca, ninka dilay uu ahaa wiil ka mid ahaa halyayadii ka qayb galay dagaalkii Busnia uuna jirranyahay.

Nin ka shaqeeya isbitaalka daar as-salaam ee lagu daaweeyo cudurrada caqliga gala ee ku yaalla xudayda, wuxuu sheegay in saddexda gabdood oo la dilay ay ka shaqaynayeen isbitaalkaas, wiilka dilay oo la yiraahdo Cabdullaahi cali Al-mashaari oo 22 jir ah, wuxuu ka soo noqday dagaalkii bosnia sanadkan billawgiisii, wuxuu ka mid ahaa dhallinyaradii mujaahidiinta ahaa ee dalkaas ka dagaallamay sanadkii 1992kii markaas oo uu 16 jir ahaa.

Wiilkaasi wuxuu haystaa Jinsiyad bosnian ah iyo baasaboor intaba boosniyaan ah, gabar boosniyaan ahna wuu qabaa.
Waxaa kale ee ninka shaqaalaha isbitaalka ka ahi sheegay, in wiilkaasi jirranaa oo qafiifay, dabadeedna isbitaalka ay gabdhuhu ka shaqeeyaan la keenay oo halkaas lagu daawaynayay, hase ahaatee, uu bil ka hor ka cararay isbitaalkii, dabadeedna uu soo laabtay asiga oo qoray sida, oo gabdhaha kor ka ilaalaystay, kadibna xabbad ku furay saddexdooda oo isla socda.

Gabdhahaas oo ahaa wadaaddo-kristaan ah, waxay ku shaqaynyeen samafal, laba ka mid ah hindi bay ayaaheen, midini filibiin.
Wiikla dilay, kolkii la waydiiyay sababta uu u dilay, wuxuu sheegay in ay muslimiinta gaalaynayaan, uuna dilkooda ku janno tegi doono.

LIBAAXYO CUNAY QOYS REER MUSAMBIIQ AH
Wargaysyada ka soo baxa dalkaasi koonfurta Africa ayaa waxay sheegeen in libaaxyo ku casheeyeen qoys qoys reer musambiiq ah oo isku deyaayay in ay ugu soo dhuuntaan xudduudda dalkaasi koofir africa si sharci darro ah.
Dhibaatadaas waxaa la ogaaday kadib markii uu arkay nin ka mid ahaa ilaalada xudduudka, gabar yar oo qoyskaas ka hartay, gabadhaasi kolkii libaaxyadu qoyska soo weerareen bay meel ku dhuumatay, wayna maqlaysay qaylada iyo cabaadka hooyadeed iyo aabbaheed iyo qoyska intiisa kale ee libaaxyadu jiirkooda jarayeen, hase ahaatee, dheg jalaq uma siin, kolkii buuqii dhamaaday bay soo baxday, waxayna heshay madaxii hooyadeed oo kali ah oo reerkii ka haray.

Madaxda Ilaalada xudduuddu waxay sheegeen in libaaxyadaasi hali yihiin, dhibaatada qoyskaas ku dhcdayna wax laga xumaado tahay, ilaaladuna had iyo jeer isku dayaan in ay dilaan dugaagga dhulkaas ku nool ee dadka halis gelinaya siiba libaaxa, maxaa yeelay waxaa looga baqayaa in uu ku soo duulo kumanyaalka dalxiiska ah ee dhulkaas soo booqda maalin walba.

DAADGURAYNTII UGU HORRAYSAY EE CIIDAMADA INDOONIISIYA
OO KA BILLAABATAY GOBALKA TAYMUURKA BARI
Sida la wada ogsoon yahay, gobalka loo yaqaanno Taymuurka Bari, wuxuu ka mid yahay, goballada dadka deggani ay in muddo ahba ku taahayeen in ay helaan madax bannaani u gaar ah, ayagoo doonaya in ay ka go'aan dalkaasi Indooniisiya intiisa kale.
Toddobaadkan horraantiisii, sida ay sheegtay "Reuter" ayaa waxaa halkaa laga soo qaaday 400 oo askeri oo ka mid ahaa ciidamadii dowladda Indooniisiya ee halkaa joogay, waxayna arrintaasi gogoldhig u tahay, siyaasad qoto dheer oo reer galbeedku doonayaan in waddankaas muslimka ah lagu maja xaabsho.

Sanadkan horraantiisii, dhibaatooyinkii dhaqaale ee ka dhacay qaaraddan aasiya, waxaad mooddaa in loogu dan lahaa saddex waddan, kuwaas oo kala ah Kuuriya koofureed, Malaysia iyo Indooniisaya, kuuria waxaa ka jiray sanadihii la soo dhaafay, nacab badan oo reergalbeedka, gaar ahaan maraykanka looga soo horjeeday, inkasta oo dowladda kuuriyada koofureed ay inbadan u soo gurguuratay sidii ay u raalli gelin lahayd Maraykanka, haddana taasi waxba kuma terin, maxaa wacay, reer galbeedku waxay arkeen, in dalku kor u socdo, tacliintunna meel sare marayso, dadkuna hodmay, nacabka maraykankuna yahay astaanta ay dadkaasi ku cibaadaystaan, kuuriyada koofureed haddii dhallinyaradu ku arkaan adiga oo cabbaya sigaarka loo yaqaan maarlabooro, waxaa laga yaabaa in ay ku dilaan.

Dalka Malaysia sidoo kale, wasiirka dalkaas Mahathir Mohamad ayaa si is daba joog ah reer galbeedka u dhaleecayn jiray, muslimiinta meeshaa degganna dhaqaalahoodu kor ayuu u socday. Indooniisiya waa dal ballaaran oo dadka deggani sheegtaan in 90% ay muslim yihiin, waxaa taas la jirtay in uu dalkaas ni kaligii taliye ah xukumayay in muddo ah, goballo badan oo dalkaas ka mid ahna ay dacwo wadeen oo ay doonayeen in ay dalkaas ka madax bannaanaadaan.

Waxaa wararku sheegayeen in ninka hoggaansha jabhadda ka dagaallanta gobalkaas taymuurta bari ee la yiraahdo Dr Hassan uu siiyay lacag fara badan madaxwaynaha Maraykanka Clinton kolkii uu doorashada soo gelayay, si uu ugu taageero, madaxbannaanida uu doonayo in uu gobalkiisa uga helo dalkaasi indooniisiya.


 

BOGGA 4AAD:
BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA

Daraasadan cusub wuxuu qoraagu ku indha-indhaynayaa, arrimaha la xiriira mustaqbalka soomaalida, duruufaha adag ee ku horgudban iyo qabanqaaba xumida soomaalida maanta.

Waxaa Qoray:
Ibrahim Macallim Mursal
Esdoornstr. 20, 7151 ZA Eibergen , Nederland

JUG JUG MEESHAADA JOOG
( Sideed Sanadood oo Hal Maalin u Dhiganta!)

Reerka Yaa u sahan ah?
Haddii reerku geeddi soo galo, sahankoodana wayeellada noqdaan, geedigaas mid lagu hungobo dheh. Maxaa yeelay, qofku haddi uu waayeelowo, wuxuu u baahan yahay cid walwaasha, markuu harraado biyaha u soo dhiibta, meelaha harka ah qorraxda ka gelisa, lugaha iyo murqaha u riix riixda. Qof sidaas ah haddii aad sahan u dirsato sow geedigaaga ma aha mid xilli dhaaf ah?

Kow horta waa qof si dhakhsi ah u jaha wareeraya, cimilada iyo urta halka ay u socoto isaga darsanto. Soo safarkaasi ma aha jug jug meeshaada joog. Waxaa weliba kuu dheer in dhallin yaradii iyo xoogaggi reerka hoggaami lahaa uu ku mashquuliyo isaga xannaanadiisa.
Hadaba, horta reerka yaa u sahan ah? Haddii aad doonto adiga oo Shangaani joogo ee maalinta khamiista ah aad is tiraahdo: Aw Maxaad oo Xamar Weyne deggan la soo qaxwo cab, misana aad dib u fakarto oo aad istiraahdid manta maalin socod ma ahee berito ka dhigo socdaalkaaga.

Oo misane malintii xigtay aad istiraahdo "jac" Jimcaha iska duko maanta. Oo maalinba maalin aad u ammahato ilaa Khamiistii dambe la garo oo markaas ay kuu suurawdo in aad Xamar Weyne gaarto. Ma waxaad leedahay ALLAAAH! LABA XAMAR DHEXDOOD DHUL. Shingaani iyo Xamar Weyne sideed Cisho ayaan u soo socday! Sideed maalmood uma aad soo soconine maalintaas uun baad soo socotay. Socodkaagu waa maalin keliya.
[Waa socotaa...]

 

Fowzi Herzi (viaconi)
Accugraph Corp
Toronto-Ont, CANADA

Political and Social-Economic Development
in Post Colonial Somalia

Modern Somalia: Political and Social Aspect
Somalia: Economic Aspects
The Somali post-colonial economy had four principal attributes. First, it's organization perpetuated a mismatch between the basic needs of the people and the external orientation of the productive structure. Second, it relied on conditional foreign loans and grants, as the sole source for investments and development, and this reinforced the economic status status quo.
Third, very few public resources were directed to improving and expanding agricultural production.
Fourth, the state, unsteadily controlled by factions of the elite, dominated the distribution of foreign aid. The centralization of investment in the hands of the governing clique led to misappropriation and misuse of resources and political instability.

These features of the old social system must not be a part of any program of resurrection. The disintegration of sociopolitical order and the depressing light of millions of ordinary people in Somalia were preceded by a long period in which socioeconomic conditions markedly and progressively became worse.
A pivotal element in the evolution of the present situation was the conflict between competing of the elite over the control and use of the meager resource of the country. This struggle starved the productive sector of the economy, which in turn intensified social cleavages and communal strife.

The crises of the Somali economy, then, resulted from a process of under accumulation of capital, which led to the dire situation faced by most Somalis. It is generally assumed that all sectors of the economy suffer from the same maladies and, therefore, that the countries in crisis.
Such as monolithic conception of the problem often leads to a simplistic and types of crisis (e.g. specific to an industry, a sector, or a region) that coexist.

As the overview of this situation Somalia faced many difficulties long before the fall of the old regime. The first two major sections of this writing investigate different manifestations of the issue of capital under accumulation in two components of the Somali agrarian economy (i. e .exports agriculture and grain domestic production).
This focus warranted because of the absence of a vibrant industrial economy and the fact that agriculture is the only productive area that holds a promise of growth and development in the immediate future, in terms of contributing to accumulation while providing for the basic needs of a significant portion of the population .
Moreover, nearly half of the Somali population makes their living in agriculture and therefore constitutes a viable base on which to buildings is impossible.

Moreover, it is important to note here that there has been excessive and illegal fishing along the Somali coast by ships from Taiwan, Russia, Japan, Italy, ect. This is certain to endanger the health of marine life, as well as accelerate Somali impoverishment furthermore; any long-term development strategy must include a program of industrialization, without sustained improvement in the standard of living.

In addition, livestock production has been the dominant part of the Somali economy in terms of employment and foreign exchange earnings since the early 1960's. The health and vitality of the national economy was always contingent on the performance of this sector and will continue to be so in near future, albeit at reduced level.

Consequently, a coherent understanding of the problems faced by the pastoral livestock sector is essential for ant attempt at reconstruction. To fully appreciate the dire condition of the crucial elements, we need to broaden our conceptual horizon in assessing the dynamics and the nature of the pastoral system.

In conclusion, this essay has traces the history of a Somali communal identity based on the clan structure.
It has presented the birth of the Somali state and the causes of the Somali revolution led by Mohamed Siyad Bare. It also presented the Somali social life style based on clan structure.
The paper has also argued that the Somali economic was relied on foreign loan and a lack of industrialization.
The way forward could invove improved agriculture, fishing increasing industrialization, and the establishment of well functional political and social system.

(To be continue next week.)

 

 


Qasim Xirsi Faarax
M.A. Qaanuunka iyo Shareecada
International Islamic University (Malaysia)

MAXAA NALOO CADAABAYAA?

CIBAADO QALLOOCINTA
Degmada Marka waxaa si toos ah uga dhaqan galay in loo tiiriyo cibaado xafladda la yiraaho; Aw-cusmaan oo loogu cibaadaysto hab faaxisho iyo zino samayn ah (aw Cusmaan iwm), haddii xeebtaas xagga Muqdisho loogu sii dhaqaaqo waxaa laga helayaa dhawr mitir ka dibba qabri ama shey la arko humaaggiisa iyo mid aan la arag intaba oo lagu gawriiro habeen iyo maalinba.

Sida meelaha; Gandershe, Xalane, Jasiira iyo baadiyaha la simanba, kuwaas oo loogu soo duwo ummadda si indha sarcaad ah, weli hadaad ku sii socoto xeebtaas ilaa aad ka gaarto Muqdisho waxaad arkaysaa Aw-muraad, oo ku dhex yaalla xeebta geel laqe, lana weydiisto in uu arimaha fududeeyo, ama muraadka sahlo, wax yar hadaad sii tallaabsatana waxaad helaysaa Istaaqfurulow oo laga codsado in uu joojiyo kacdoonka dabaylaha Mansuunka, iyada oo xilligeeda la muujiyo damaashaad ciideed.

In yar sii dhaqaaq waxaad ku arkaysaa ka soo hojeedka Degmada Shangani dhagax la qoray ama loo ekaysiiyey xubinta taranka ee ragga (gus).
Kaas oo ay u baryo iyo dhunkasho tagaan, dad dhediggu u badan yihiin, iyada oo waxyaalaha ugu weyn ee laga codsadana ay ka midka yihiin; in uu u hibeeyo Awlaad kuwa dhali waayey, in uu u kala qoro wiil ama gabar, in uu u sahlo seey (xaas) kuwa lamaannaha waayey ee guumaysoobay, in uu dhaafo dambiga zinada oo kuwa ka ganacsada jirkooda ayaa deris la ah, todobaad walbana siyaarta oo laaluush siiya. Caqiidada jaadkan ihina waxay ka soo fushay markii hore dalka Hindiya oo qolo degani ay xubintaas ku caabudaan.

Weli sii soco ilaa aad ka gaarto halkaan ku ballannay waxaa kaa soo horbaxaya taallada C/casiis oo haddii ilmo ku dhashay aaggaas aan loo geyn oo aan sharad looga soo xirin ama aan tahliil looga soo tufin uu noqonayo mid aan lagu rajo weyneyn oo loo arkayo ilmo aan qumanayn kuna dambayn doonna caaqiba xumo ah dulli iyo dac darro, iyada oo aan lagaba sugeyn waxtar.

Intaas ayaan uga gaabsan karnaa tusaalaha cibaada qalloocinta ee ay bulshadeennu qabatimeen, waxaana la hubaa in guud ahaanba gobolada dalka ay qurunsadeen Sanam yarawyada noocan ihi, welibana ay intooda badani ka badsadaan halka aan tusaalaysanay, maxaa yeelay goobta aan xusnay waa tii ay ku noolaayeen waqtigaas dadka ku horeeyey ilbaxnimada iyo tacliintu, sidaa darteed la xaqiijin karo in ay ka gaabsadaan waxyaalo kale oo ay ceebahoodu bannaanka yaalliin.

Tan ugu daran ee Soomaali rogtayna waxaa laga wada marag yahay in ay tahay uun Qabyaaladda indho la'aanta ah, oo ah iyadu midda ka dambaysa fal-fal xumooyinka intooda badan ha ahaato dambi Alle laga galo ama mid Aadane laga galo, tusaale xagga shirkiga.

Qolo walba waxay gaarsiiyaan qiimaynta qabiilka heer cibaado, qolo walba waxay u gawracaan oo wax weydiistaan mid ay u tiirinayaan in uu magaca qabiilkoodu ka yimid, qolo walba waxaa u jooga mid habaabiya oo u sheegta Ilaahnimo been ah sida; Abaa ruuxa iwm, oo ballan qaada in uusan Jannada galayn ilaa uu ka buuxsho qabiilkiisa, qolo walba waxay leedahay goob ama shey ku salaysan qabiilka oo la taageero weydiisto sida;geedka Lisaan oo usha la surto marka la duulayo (Thaata anwaadh) iyo Yaxye iyo Moorif.

Mid kale oo weyn ahna nooc lagu mutaystay ciqaab waa iimaan darrada iyo ku kufrinta nicmada Eebbe oo sal u noqonaysa xumaanaha badankooda waxayna taasi u dhacdaa sidaan oo kale.

Waxaad ka soo hor baxaysaa nin Alle u nicmeeyey markaasuu kaala hor imaanayaa markaad tiraaho; war iska warran?, wallaahi waa la yaaban yahay, waa la wareeray, iyo erayo dayreedyo kale waxaana laga yaabaa in uu kuugu sii tilmaamo xoolihiisa war Markabkoo yar oo badeeco qiima leh aan qaadinin baan cidda biilka uga raadiyaa.

Ugu dambaystiina labadii sheekaysanaysay ayaa la arkaa in ay iyaga oo ballan beenaad ay ku kala tegayaan dhiganaya is yiraahaan; war hadde Hebelow ha lagu arko, xageebaad fariisataa adigu?(ku khayishaa), aan Habeen dambe meel hebla isugu imaanno iwm, midkoodna kuma imanayo ballantaas oo markii horaaba nin walba ogaa in ay been tahay.

Runtii maahan wax aan marnaba wax la sheego ka xusi karno dhaqan xumadaas ay dadkeenu caadaysteen ee lagu kasban karay ciqaabta iyo cadaabka ee waxaan ku leeyahay waxaan ku dhaqannaa wax walba oo lagu dhaqmi jiray waagii jaahiliyadda weliba wax walba waan sii casriyeynay oo waxaanu u wada yeelnay wasaarado, hay'ado, maamullo, iyo magac sharfeedyo la weyneeyo, sida, Isticmaalka ribada, dhaca, khayaanada, beenta, boobka, dhillaysiga, qabiilaysiga iyo sharci darro ku goynta naf Alle isu dhiibtay oo uu raalli ka noqday, haba ahaato tani mid ay ummadaha dunida oo dhami ay maanta nala wadaagaan ee waxaanu nahay kuwa haatan ku haftay.

Waxay dhallin yaradeena jiilkan joogta ka markhaati yihiin in aan soo marnay xilli aan ku faanno daroogada sida qaadka iyo Khamriga, dhillaysiga, dilka, iyo xumaano kale oo badanba, waxay qaawanaanta gabdheheenu soo gaartay heer la isugu tilmaamo (yartii kastuuma guduudda ahayd, googarada cadayd iwm).

Wuxuu maamulkeennu soo mariyey tarbiyadeenii heer aysan gabadhu gooni ama gabar kale ag fariisan karin marka fasalka wax barasho la joogo ee ay ku qasban tahay in ay kala dhex fariisato laba wiil iyada oo qaawan (qabta shaar gacmo gaab ah oo badhamadu u furan yihiin, surwaal aad ugu dhegan, iyo tima qaawan).

Waxaan soo marnay iyada oo ninku uusan raganimo dareemayn kol haduunan soo dilin nin reer hebel ah, isticmaalinna wax ka mid ah noocyada maandooriyeyaalka ah. waxaa intaa inoo sii dheeraa jaahilnimo axmaqnimo ah, oo waxaan ka indha saabnayn waxa jira arlada, waxaannu ahayn war laaweyaal aan loo warramin una haysta in aan war ka maqnayn.

Akhristow miyaad weligaa u fiirsatay wixii ka taagnaa dalkeenna siiba meelaha muhiimka ah ee la isugu imaan jiray, ama la soo ballayn jiray marka baaddiyaha laga yimaado sida barxadda Ceelgaab ee Muqdisho, ee ahaa fisqi iyo jahilnimo gaar ahaan sanadihii todobaatameeyadii ilaa iyo bilowgii sideetameeyadii.

waxaa ka mid ah waxyaalaha jaahilnimo iyo badawnimo ee ay mudantahay in aan ka yaq yaqsiyoonno marka aan soo xasuusanno qaar ka mid ah calaamadihii iyo labisyadii aan ku faani jirnay innaga oon ka war qabin halka ay salka ku hayaan sida; Calaamaddii aan ku dhigan jirnay Farmashiyeyaasha ee ahayd (Payer oo isku tallaab ah), taas oo ahayd calaamadda shirkad soo saarta Asprine, oo Kiristaan ah qasdigeeduna yahay qiimayn Kiristaan, isla markaasna calaamaddu ay mar kale tahay astaanta Kiristaanka ee ka tarjumaysa isku tallaabtii lagu qodbay Ciise Masiix, arrintaas oo ah been iyo mala awaal.

Waxaa kale oo ka mid ah astaanta aan ku dhigan jirnay kaallimaha shidaalka ee Agip, taas oo iyana ah calaamad shirkad shidaal oo gaalla ah, taas oo aan wax war ah u hayn in aan faaninayno mageceedii iyo in kale, ee aan ugu shaqaynaynay si jinni kugu shaqaysay ah oon ciduna noo dirsan iyo kuwa kale oo aanaan hadda halkaan ku koobi karin.

Waxaa laga yaabaa in qofkeen is weydiiyo fisqiga maanta jira ee ka socda dacallada dunida keligeen ma wadnee maxaa innaga lanoo kugu gooni yeelayaa ciqaabka?, taasna jawaabteedu waxay tahay; inkastoo dad badani nala qabaan ama naga badiyaan xumaanahaas hadana innaga unbay maanta na haysataa natiijadeedu ee aan isku dayno sidaan uga gil gilan lahayn fallaarta inagu dhegtay, iyada oo uu nin walba filanayey, waase haddaan ku cibri qaadanayno.

Mar horaan wax ku qaadan weynay wacdigii culimada, oo wax ku qaadan weynay wacdaraha adduunka ee maalin walba aan sheeko iyo shaahidba ku helayno, dhegaheenna iyo dhaayeheenana ka buuxsamay, ilaa haddana waxba kuma aanaan qaadan xataa markuu Ilaah innagii qudheenii nagu sameeyey tusaalihii iyo cibri qaadashadii oo weli waan ku sii indha cadnahay xumihii balse maba aannu garan in aan ciqaab iyo cadaab ku jirno, Allow ur noo bixi. tani wey na sidataa waxaananse garanayn halka ay na gaarsiin, kolley iyo kolleyse waxaas aan galnay oo dhan waa wax la iska gudayo oo ficil kaste oo aadanuhu sameeyo labada buug unbuu mid gelin.

(Waa Socotaa...)

F.G:
Waxaan ugu bishaaraynaynaa Aqristayaasha bogga doodda, in aan billaabi doonno fidinta daraaso cusub, kolka midda hadda socota dhamaato, daraasadaas oo cinwaankeedu yahay (MADAXWAYNE HA LAYGA DHIGO) Waxaa qoray Qaasim xersi Faarax, waa isla qoraagii aad hore u aqrisateen daraasadiisa hadda socota. Wuxuu qoraagu daraasadan mar labaad isku deyayaa in uu si qayaxan u soo ban dhigo waxyaabaha ka guuxaya maskaxda soomaalida iyo figradda ay ka haysato madaxwaynanimada.. Aqristayaasha boggan waxaan ka codsanaynaa in ay ina soo siiyaan wixii talo ah, inta aan daraasada cusubi billaaban. Wixii munaaqasho ah ama sixid ah albaabbadu waa u furanyihiin. Labagarre.

 

BOGGA 5AAD

DIINTA ISLAAMKA

SHIRKIGU WAA MAXAY?

Waxaa Qoray: Sheekh Maxamad bin Cabdil Wahhaab
Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre.

CASHARKA 10AAD
CID AAN ILAAHAY AHAYN XOOLAHA LOO GAWROCO
"WIXII LAGA YIRI"

Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri:
[Waxaad dhahdaa salaaddayda, waxaan gowrici, noloshayda iyo geeridaydaba Eebbaa iska leh Eebbaha caalamka ah. Wax la wadaagana ma jiro saasaana lay faray anigaana ugu horreeya Muslimiinta (Ummaddan)]Al-Ancaam 162-163.

Waxaa kale oo Eebbe yiri:
[U tuko Eebbahaa dartiis, waxna u gawrac]Al-Kawtar 2.
Waxaana Cali Allaha ka raalli noqdee, laga soo weriyay in uu yiri: Nabigii Ilaahay naxariisi korkiisa ha ahaatee ayaa afar walxaato ii sheegay: In Ilaahay naclado qofkii Eebbe mooyee cid kale darteed xoolo u gawraca, ninkii nacalada labadiisa waalidna Allaha naclado, ninkii nin godobgalay magangelshana Allaha naclado, ninkii dhulka astaamihiisa doorshana Allaha naclado"{Muslim}.

Daariq Bin Shihaabna waxaa laga soo weriyay in Nabigu naxariisi korkiisa ha ahaatee, uu yiri:"Nin baa duqsi ku janna tegay, ninna duqsi buu ku naar tegay. Kolkaas baa asaxaabtii dheheen: oo taasi sidee bay ku dhacday Rasuulkii Ilaaheeyow?!. Kolkaas baa Nabigu yiri: Laba nin ayaa waxay soo mareen qolo dhagax caabudaysa, waxaana xeer qoladaas u ahaa in qof kasta oo meeshaa soo mara uu waqdhaacin dhagaxaa u baxsho, qoladii baa kolkaa labadii nin mid ka mid ah ku tiri: waqdhaacin la bax. Wuxuu yiri: wax aan waqdhaacin ahaan ula baxo ma haysto.

Waxay ku dheheen: Waqdhaacin bixi duqsiba ha ahaadee!, kolkaas buu duqsi ku waqdhaacintay, markaas bay iska sii daayeen, sidaa ayuuna ku naar tegay.
Kii kale ayay asigana ku dheheen: waqdhaacin la bax. Wuxuu yiri: Ilama gudboona in aan cid aan Ilaahaygii waynaa ahayn waqdhaacin ula baxo. Kolkaas bay qoor-gooyeen. Sidaa ayuuna ku janna tegay"{Axmad}.

MAS'ALOOYINKA CASHARKA
Tan 1aad: Waa tafsiirka aayadda [salaaddayda, waxaan gowrici..](ee kor ku xusan).Tan 2aad: Waa tafsiirka aayadda [U tuko Eebbahaa dartiis, waxna u gawrac](ee kor ku xusan).
Tan 3aad: In nacalad lagu tuurayo qofkii cid aan Ilaahay ahayn u waqdhaacinta oo xoolo u bireeya.
Tan 4aad: In qofkii waalidkiis nacalada la nacladayo, waxaana taas keeni karta in aad qof waalidkiis nacaladdo oo uu kolkaa asiguna waalidkaa nacalado.

Tan 5aad: In ninkii nin godob galay (oo xaq dadeed qaba) magangelsha asigana la nacladayo, taasina waxay ku imaanaysaa, in nin godob galo, taas oo loo baahanyahay in godobtaa uu galay laga gooyo oo laga gudo, ayuu wuxuu magangelayaa nin gardarrada ugu maraguntiya.
Tan 6aad: In la nacladayo qofkii astaamaha dhulka doorsha, waana astaamaha dhulkaaga iyo dhulka deriskaaga u dhexeeya, kolka ninka astaamahaa dhulka lagu kala sumadaystay hore u dhiga ama gadaal u dhiga ayaa loo danleeyahay.

Tan 7aad: Waa in ay kala duwanyihiin, nacaladda qof gaar ah la nacladayo iyo tan dadka dambiilayaasha ah guud ahaan la nacladayo.
Tan 8aad: Waa sheekada la yaabka leh ee duqsiga lagu sheegay.
Tan 9aad: Waxaa sheekada duqsiga ka muuqata, in ninka duqsiga ku waqdhaacintay uusan u kasayn ee uu doonayay in uu naftiisa ku furto, hase ahaatee, taasi waxba kuma tarin oo wuu ku naar tegay.

Tan 10aad: Waa in xaddiiska laga ogaanayo, meesha shirkigu ka joogo dadka mu'miniinta ah, taas oo ka muuqata sida ninku dilka ugu bareeray, uuna ka diiday wixii ay fareen, in kasta oo waxa ay fareen ay wax fudud ahaayeen.
Tan 11aad: In ninka duqsiga uu waqdhaacinka u baxshay ku naartegay uu muslin ahaa, maxaa wacay haddii uu gaal ahaan lahaa Nabigu ma dheheen "Duqsi buu ku naartegay".

Tan 12aad: Waa in xaddiiskani xoojinayo xaddiiska kale ee lagu sheegay "In jannadu qofka uga dhawdahay saanta kabtiisa, naartuna ay sidoo kale tahay".
Tan 13aad: Waa in halkaa laga ogaanayo in falka laabta ka yimaada la xisaabinayo.
(Waa socotaa..)

F.G: Warka ku qoran labada bil (...) inta u dhaxaysa, waa war aan anigu ku deray tarjamada, si aan macnaha u caddeeyo, inta kalena waa warkii qoraaga.

* Dhammaan aayadaha quraanka ah tarjamadooda afsoomaaliga ah waxaan ka soo qaadannay kitaabkii (Quraanka kariimka iyo tarjamada macnihiisa ee afka soomaaliga) ee uu qoray Maxamad maxamud cabdi, waxna kama aanan beddelin tarjamada meelo yaryar oo qaldan baan saxnay meelo uu wadaadku ka boodayna waan ku darnay.

** Haddii ay dhammaato tarjamada kitaabka Tawxiidka ee hadda socota, ee uu qoray Sh. Maxamad Bin Cabdil Wahhaab, oo ah shiikha Wahhaabiyada, Salafiyada iyo Itixaadka Iwm, waxaa ku xigi doona Tarjamadii Kitaabkii "Al-Ibanah Can Usuul Ad-Dayyaanah" ee uu qoray Sheekhii Ashcariyada. Sidaa darteed, dhammaan waxaan ka codsanaynaa aqristayaasha bogga Diinta Islaamka in ay ina soo siiyaan wixii talo iyo tusaale ah inta aanan buuggan hadda socda dhammaan.

BOGGA 6AAD:

BOGGA DEEGAANKA IYO KHAYRAADKA DABIICIGA AH

BY: Qasim Hersi Farah

CURRENT ENVIRONMENTAL DEGRADATION IN SOMALIA
AIR
The climate of Somalia ranges from tropical to subtropical and from arid to semiarid. Temperature usually average 27.8 c (82 f), but may be as low as 0 c(32 f) in the mountain areas and as high as 46.7 c(116 f) along the coast. The monsoon winds bring a dry season from September to December and rainy season from March to May. The average annual rainfall is only about 279 mm (11 in).

In the term of air pollution, during droughts which are most of the seasons , dust carried out by winds around the earth practically causes some forms of radio-actives and other air contamination.
As a result of this, approximately half of the Somalian citizens suffer from the well-known chronic decease of (sanboor) sickness. Similarly, almost the rest half may suffer from Asthma, Allergic, Gastric, Tubercles, Bronchus and some more chronic and serious ills. A better example of how their health is affected happens when, in the traditional life, large heads of cattle are driven towards watering points, it causes huge dust along the trail that is directly to be inhaled by those driving the heads.

Therefore, as a matter of reality, besides the death of goats and sheep from air pollution and waste disposal, there are uncountable number of people who normally die so. The looseness of the soil resulted by that too, practically ensures the presence of dust in the air constantly. Thus, such substance forms some kinds of pollution which is hazardous or potentially hazardous to human health.

In the impact of civil war, pumps and motor arms used constantly left behind a complex types of air pollution mainly carbon dioxide and radio-actives as well as unclassified chemicals that explicitly caused climate change. That is why a great number of Somalis usually die from many unspecified serious sickness including diarrhea, jeoness, etc.
(To be continue next week)

BOGGA 7AAD:

BOGGA DHALLINYARADA

SHEEKADII KALIILA IYO DIMNA

Qaybtii: 9aad

Waxaa qoray: C/laahi ibn al-Muqafac
Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre

LIBAAXII IYO DIBIGII

Dimna: wanaag, waa wanaag boqorow.
Libaax: ma waxbaa dhacay?.
Dimna: wax aan boqorka iyo ciidankiisa mid ka mid ahi doonayn.
Libaaxii: oo waxaasi waa maxay?.
Dimna: waa hadal uu qofkii maqlaahi nacayo, oo kan sheegayana anuu ku dhiiranayn, adiguna boqorow mudnaan baad leedahay, aragtidaada ayaana ku tusayda in ay i dhibayso in aan iraahdo wax ad necebtahay, waxaanna ku kalsoonahay in aad waanadayda ogtahay iyo sida aan naftayda kaaga jecelahay, waxaana ii muuqata in aadan iga runsan doonin waxa aan kuu sheegayo.

Hase ahaatee markii aan ogaaday in nolosheennu haddii aan dugaagnahay adiga kugu xirantahay, meel aan uga baxo ma helin in aan guto xilka i saaran, inkasta oo aadan adigu i waydiin, waxaanna ka baqay in aadan iga ogolaanin, maxaa wacay waxaa la yiraahdaa ninkii taliyaha waana ka qariya talana walaalihiis, naftiisa ayuu dhagray.

Libaaxii: oo taasi waa maxay?.
Dimna: wuxuu ii sheegay runlow aan ku kalsoonahay, in shitriba la kulmay madaxda ciidankaaga, oo yiri aniga ayaa libaaxa tijaabshay, oo garaadkiisa, tabtiisa iyo taagtiisa ogaaday, waxaana ii caddaatay in uu tabar iyo taag daranyahay, aniga iyo asiguna goob baannu lahaan doonnaa.

Markii taasi isoo gaartay ayaan ogaaday in shitriba tuug dhagarow ah yahay, adiguna aad dhaqaalaysay intii tabartaada ah,oo aad naftaada oo kale ka dhigtay, asiguna uu moodayo in uu adiga oo kale yahay, oo markii aad meeshaada ka baxdo uu boqortooyadaada dhaxlayo, dadaalna dhaafi maayo si uu kaaga dhaalgaaro, waxaana la yiraahdaa boqorku waa in uu lagdo, haddii uu ogaado in ninku jagadiisa iyo heerkiisa la soo sinmayo, hadii uusan yeelinna asiga ayaa legdan, shitribana waa ogyahay arinta waana ku dheeraaday, ninka dhugta lehina arrintu inta aysan dhicin oo aysan dhamaan buu ka tabaabushaystaa, adiguna ka nabadgeli maysid in ay sidaa noqoto haleelina maysid.

(Waa socotaa...)

BOGGA 8AAD:

HIDDAHA, DHAQANKA, SUUGAANTA IYO AFKA SOOMAALIDA

[MACMACAANKA MURTIDA SOOMAALIYEED]

Waxaa Qoray: Hersi M. Labagarre

[Oh, War heedhe, yaa farkale na siiya!!]
waxaa la yiri laba nin baa reer u soo hoyday, markaas baa reerkii sooryo u sameeyeen oo falfalliir bay u karsheen (falfalliirku waa cunto laga yaqaan dhulka degmada ceelbuur la xiriira, waana digir la dubay oo qobkii laga qaaday, dabadeedna sidii mushaaryo loo karshay, kolka waa cunto aad u kulul oo jilicsan), falfaliirkii kolkii la keenay bay mid fara ugu soo rideen, oo la yiri ku wadaaga maxaa yeelay ciddu fara badan ma haysan, labada nin mid ka mid ah baa kulaylka jeclaa oo marka uu ku qaato falfaliirka markiiba waa leqaa, kankalena waa mid jilicsan oo aan kulaylka cuni karin, marka uu kalkiisa ku qaatana aal yar buu u fiiqsadaa, kiikalena intaa wuu sugayaa oo marwalba intuu midig iyo bidix eego buu wuxuu yiraahdaa: Oh, war heedhe, yaa farkale na siiya!.

BOGGA 9AAD:

IIDHEH IYO OGAYSIIS

Dhammaan dhallinyarada soomaaliyeed meel ay joogaanba waxaan ogaysiinaynaa in wargayska Codka Soomaalida Cusubi ku soo dhawaynayo gacmo iyo laab furan wixii talo ah ama qoraal ah ee ay doonayaan in ay ku fidshaan wargayskan, ha usoo direen: hersi@brunet.bn

******

Wargayskan bilaash (Free) baa lagu qaybshaa, cid aan soo codsanna looma diro. Hadaba, qofkii doonaya in loo soo diro email ha soo diro asiga oo leh: (ii soo dir codka soomaalida cusub) , ama ha saxiixo, buugga martida ee ku yaalla halkan: https://www.angelfire.com/mo/codkasomalidacusub/index.html qofkii aan doonayn in loo soo dirana, ha u soo qoro email hersi@brunet.bn asiga oo leh (ha ii soo dirin codka somalida cusub).

****

Waxaan wax ka beddelnay, bogagga wargayska sida aad aragtaan, taasna waxaa inoogu wacnayd in dhallinyarada qaarkood noo soo jeedsheen in aan wargayska qaybihiisa hore ku soo qorno wararka soomaalida iyo wixii kale ee akhbaar ah ee cusub.

Annaga oo ra'yigaas qiimaha leh tixgelinayna, ayaan waxaan ku soo qornay bogga labaad wararkii soomaalida, sidoo kale boggii isbarashada dhexda ayaan gelinnay, maxaayeelay aad baa aqristayaashu u xiiseeyeen, waxaa kale ee aan toddobaadkan isku daynay in aan wargayska soo gelinno masawirro, sidaa ayuuna ku socon doonaa haddii eebbe idmo.

Kolka waxaan dhammaan dhallinyarada maqaaladaha iyo warbixinnada iyo daraasooyinka soo qora ka codsanaynaa in ay maqaalkooda soo raacshaan wixii masawir ah ee ku lug leh, sida masawirka qoraaga, masawirka qofka isku soo qoraya bogga isbarashada iwm.

"DHAMMAAN MAQAALADAHA WARGAYSKAN KU SOO BAXA WAXAY
U TAAGANYIHIIN ARAGTIDA QORAAGA EE UMA TAAGNA
UJEEDDADA WARGAYSKA"

D H A M A A D